Author: Jibril Qoobey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub Bangiga dhexe dowladda Puntland oo gebogebo maraya. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Gahaha Wakiillada ayaa waxaa soo dhaweeyey masuuliyiinta iyo howlwadeennada Bankiga, oo ay horkacayeen Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Bankiga dhexe. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda oo mid mid u booqday qaybaha dhismaha cusub ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo Engnireerada dhismaha gacanta ku haya. Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey qaabka casriga ah ee loo dhisay dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland oo kharashka ku baxay ay bixisay Dowladda Puntland,…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa xariirka khadka Taleefoonka ah la sameeyay Dhaxal-sugaha Dalka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, saacado uun kaddib markii Ciidanka TPLF ay dib u qabsadeen magaalada Maqalle ee caasimadda Ismaamulka Tigray. Abiy Ahmed iyo Mohamed bin Zayed ayaa ka wada-hadlay xariirka Labada Dalka iyo xaaladihii ugu dambeeyay dalka Itoobiya. bin Zayed ayaa soo dhaweeyay xabad-joojinta uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed, taas oo ay ku gacan seyrtay TPLF. TPLF ayaa horey ugu eedaysay Imaaraadka Carabta inuu si toos ah uga qayb qaatay dagaalka Tigray, inkasta oo aan caddayn buuxda loo hayn.…

Read More

Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa Axadii xukun dil ah ku fulisay 18 xubnood oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo 13 sanno ah dilal iyo qaraxyo ka geysanayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Toogashada Ragan oo ka dhacday duleedka Bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fuliyay illaa 30 Askari oo kamid ah Ciidanka kala duwan ee Puntland. Hadaba Hoos ka Daawo Muuqaal dib loogu milicsanayay toogashada Ragan.

Read More

Maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucay Hoteelada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirarka iyo xafladaha ku saabsan doorashada Soomaaliya. Somaliland ayaa uga digtay Mulkiilayaasha iyo Maamulka Hoteelada inay jabiyaan go’aankeeda. Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa lagu amray Ciidanka Booliska inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Hoteelada iyo guryaha magaalada Laascaanood, ayna talaabo ka qaadaan cidii ku xadgudubtay amarka kasoo baxay. Idilnews

Read More

Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu soo gaba-gabeeyay maanta Shirka Ansixinta Manhajka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, kaas oo muddo saddex berri ah ka soconayay. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliyaasha Qaybaha Goboladda Puntland, Sarakiisha iyo Macalimiinta Kuliyadda Carmo, khuburo katirsan Booliiska Puntland, Hogaamadda Booliiska Puntland, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, sarakiil ka socotay Hay’adda UNDP, iyo Madaxa UNSOM ee Puntland. Idilnews

Read More

Xafiiska Difaacaha xaquuqda Aadanaha Puntland ayaa tababar ku saabsan Isla-xisaabtanka Xuquuqda aadanaha ugu qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Maxkamadaha, Xeer ilaalinta iyo Booliska Degmooyin gaaraya 5 degmo, oo kamid ah Puntland. Degmooyinka Tababarka ka faa’ideysanaya ayaa kala ah Xarfo, Boocame, Taleex, Dangorayo, iyo Godob-jiiraan, oo ka kala tirsan Gobalada Mudug, Nugaal iyo Sool. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ilyaas Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladdu dadaal badan galisay dhowrista xaquuqda muwaadiinta Puntland iyo sameynta xeerarka ku shaqada leh, isagoona kula dardaarantay ka qeybgalayaasha tababarka inay si wanaagsan uga faa’ideystaan casharada, ayna ku dabakhaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulka, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Deegaanka Buubi. Maamulka iyo Odoyaasha Deegaanka ayaa Gudoomiyaha uga warbixiyey xaaladihii udanbeeyey iyo baahiyaha deegaanka Buubi. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahaceliyey Bulshada Deegaanka Buubi soodhawaynta iyo Warbixinadooda ku saabsan deegaanka, isagoona balan qaaday in ka Gudoomiye ahaan in wax-badan uu ka qaban doono baahiyahooda Deegaaneed.

Read More

Shirka Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo labo maalmood uga socday magaalada Muqdiasho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, ayaa goor-dhaweyd lasoo gaba-gabeeyay, waxaan laga soo saaray Jadwal iyo go’aamo cusub. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Shirka Golaha Wada-tashiga Doorashooyinka. Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada uga socday Muqdisho .JADWALKA DOORASHADDA 1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021) 2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021) 3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021) 4.…

Read More

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa caawa magaalada Garoowe ku qabatay xaflad ay ku qalanjabiyeen 80 carruur da’yar ah oo la baray xirfadaha gacanta. Dufcadaan maanta qalin-jabinaysa ayaa ah dufcadii 3aad kuwaas oo da’dooduna ay u dhaxayso (13 jir ilaa 18 jir) lagana soo kala xulay guud ahaan gobolada dowlada Puntland si gaar furrimaha colaadaha. Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa waxay bar-baarita dufcadaan gacanta ku haysay November 2020 – June 2021 (8 Bilood) iyadoo qof walba uu helay fursad uu wax kubartay si gaar ah aqoonta aas-aasiga ah iyo farsamooyin gacmeed oo sahli kara…

Read More

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa galay maalinkii labaad waxaana ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Shirka oo ka soconaya Teendhada Afisyooni ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo Booqasho ugu yimid. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka arrimo doorashooyinka sidii loo daradar gelin lahaa iyo sidii wadashaqeyn u dhexmari laheyd Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug booqashda uu ugu yimid. Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada eek u sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yeelan doonaan kulamo doceedyo looga hadlayo xaalada dalka gar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Read More

Ururka Al-Shabaab ayaa markale goob fagaare ah ku toogtay muddo todobaad ah gudihiis ah 10 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowlado shisheeye, toogashadaas ayaa kala kala dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe & degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay. Toogashada koowaad oo ka dhacday fagaare ku yaal degmada Jilib ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan, waxaana ragga la toogtay Afar kamid ah lagu eedeeyay inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka halka kan Shanaad lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Ingiriiska. Shanta Ruux oo ay Al-Shabaab ku toogteen degmada Jilib ee…

Read More

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadraalka Iyo Dimukhraadiyaynta Dawlada Puntland Mudane Cabdiwali Mire Xirsi oo ay Waheliyaan Agaasimaha Waaxda Masiibooyinka Cawil Bulle Iyo Saraakiil Ka Socota Hayada Islaamic Relief ayaa Gaaray Deegaanka Cadayo oo ka Tirsan Degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu. Wafdiga Waxaa Deegaanka Cadayo Kuusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed Gudoomiyaha Degmada Gumbax Maxamuud Axmed Muuse Isuduwaha Wasaaradda Amniga Gobolka Gardafuu Shire Xaaji Yuusuf Nabadoono Waxgarad Iyo Bulshada Kala Duwan ee Deegaanka Cadayo. Wafdiga ayaa inta ay ku Sugnaayeen Deegaanka Cadayo Xariga Ka Jaray Mashruuc ay Fulisay Hayada Islaamic Relief oo ahaa 30Guri…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 44 Mudane. Fadhiga maanta waxaa mooshin ku saabsan in wax-ka-bedelka lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakillada soo jeediyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda, waxaana xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku taageereen cod aqbaliyad ah oo (41) Mudane ku oggolaadeen, halka hal (1) Mudane diidey, ayna ka aamuseen Labo (2) Mudane. Dhinaca kale, isla fadhiga 8-aad ee maanta waxaa Goluhu cod…

Read More

Ciidanka TPLF ayaa la wareegay Magaalada Mekelle ee Caasimadda Ismaamulka Tigray, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Eratrea. Sida ay warisay Warbaahinta gudaha ee Itoobiya Ciidanka TPLF ayaa si buuxda u qabsaday magaalada, Waxaana haatan Mekelle ka soconaya dabaal-degyo ay Shacabku kusoo dhaweynayaan Ciidanka. Idilnews

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dhaawacyada weerarkii Wisil ee yaalla isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada. Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-shabaab, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in laga ciribtiro Soomaaliya. “Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol & Federaalba ugu baaqaayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeenna” ayuu yiri. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday…

Read More

Wasiirkuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa maanta dhaggax dhigay dib udhis iyo dayactir lagu samaynayo si casri ahna loo dhisayo Cisbitaalka Magalaada Burtinle. Waxaa xaflada lagu dhaggax dhigayay ka qaybgalay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Abdinaasir Yuusuf Xaaji,Duqa magaalada iyo Madaxa caafimaadka Soomaliya hay’adda UNICEF Mr Lion. Dr Lion madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaliya oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri:- Mudane Wasiirkuxigeen mudanayaal waxaan ku faraxsanahay inaan maanta dhaggax dhigayno mashruuc balaaran oo wax looga qabayo cisbitaalka degmada Buurtinle kaas oo loogu talagalay inuu caawiyo hooyada iyo ilmaha iyo dadka kale ee caafimaadka ka heli jiray,…

Read More

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada, ayaa war ay soo saartey sheegtay kumanaan dad gaaraya iney ku barakaceen dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil ee Gobolka Mudug. Qoxootigan ayaa waxey u kala carareen degaannada xeryo Dhagaxleey, Hobyo iyo Gaalkacyo. Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah. Wisil ayey shaley ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaal yahano katirsan al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay degaankaas ku qaadeen weerar ku billowday qarax.

Read More

Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Maanta. Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran. Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay Axadii ku qaaday saldhig ay Ciidanka Galmudug ku lee yihiin deegaanka Wisil ee Koonfurta ee Gobalka Mudug. Waan uga tacsiyeynayaa dowladda iyo shacabka Galmudug weerarkii gaadmada ahaa ee kooxaha argagixisadu kusoo qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka mudug, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intii ku shahiidday inta dhaawaca ahna alle ha u booga dhayo”. “Dawladda iyo shacabka Galmudug waan ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee ay iskaga difaaceen kooxaha kasoo horjeeda amniga iyo horumarka ummada soomaaliyeed”. “Dawladda Puntland waxa ka go’an adkaynta amniga ee gobolka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay Amniga guud ee deegaanada Puntland, gaar ahaan Amniga deegaanada Buuraleyda ah ee Gobalada Bari iyo Sanaag. Wasiir Gallan oo la hadlay Bulshada degmadda Bali-dhidin ee Gobalka Bari ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay heegan u yihiin la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidanka.

Read More

Ciidammada Booliska degmadda Bursaalax ee Gobalka Mudug oo howlgallo ka sameeyay degmadda ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan, oo lagu gadayay gudaha magaalada. Khamrida oo ka koobneyd saddex kartoon, ayaa Ciidamadu ku gubeen saaka fagaare. Taliyaha Booliska degmadda Bursaalax oo la hadlay saxaafadda ayaana digniin u diray kooxaha ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamrida, isagoona sheegay inay ka qaadi doonaan talaabo adag.

Read More

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirka ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ka qabsoomey heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Shirka oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa waxaa goobjoog ah Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen. Sidook kale Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein ayaa uga qeybgalay aalada ZOOM. Idilnews

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ansixiyay iibka laanta Bankiga dhexeDowladda ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa warqad codsi iib ah u soo diray Baarlamaanka, maadaama dhulka danta guud ee dowladda wixii ka badan 50,000 ay u baahan tahay in baarlamaanku ansixiyo. Iibka laanta bankiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sababeeyey in uusan ku haboonayn in bankigu ku shaqeeyo islamarkaana lacagta lagu iibiyo lagu dayactiri doono laanta Bankiga ee Gaalkacyo. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan Khadka Taleefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, kaas oo lagu xaliyay tabashadii Cali Guudlaawe ee Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran. Qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in wada-hadalka lagu go’aamiyay in Madaxweyne Guudlaawe uu aalada ZOOM uga qeybgalo Shirka oo maanta furmaya. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Cali…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay  weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug. Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab oodeegaankooda soo weeraray.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, ayaa qoraal uu soo saaray ku qaadacay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo lagu waday inuu Axadii ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Guudlaawe ayaa sheegay in wixii ka soo baxa shirka Madasha Qaran aysan qeyseyn maamulka Hirshabelle uuna dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. MUXUU GUUDLAAWE KU DIIDAY SHIRKA ? Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku carooday in aan loo hakin Shir ay aalada ZOOM ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degmadda Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe ku toogtay Axadii Lix ruux, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku eedeysay inay u shaqeeyaan sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in Boqolaal qof ay u soo daawasho tageen toogashada 6 qof, oo mid kamid ah ay aheyd Haween. Halkaan hoose ka Akhriso Magacyada dadka Al-Shabaab ku fulisay dilka toogashada ah. 1_ Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale oo (36) jir. 2_ Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah. 3_ Fartuun Cumar Abkow oo (36) jir ah. 4_ Ibraahim Cumar Cali oo (55) jir ah. 5_ Saaddaam Cismaan…

Read More

Puntland authorities may get complacent and put their guard down as a result of some initial successes in apprehending and bringing some extremist foot-soldiers to justice. Authorities should take note that they are dealing with mafia-style organization consisting of leadership, intelligence networks, financiers and supporting local and national networks. In Puntland urban centres, there are local financiers and intelligence networks of Al-Shabab that needs to be dismantled and eliminated. Foot-soldiers of Al-Shabab are easy to be replaced promptly. In military terms, this recruitment isn’t expensive for a mafia organization extorting businesses on daily basis, and acting as a shadow government…

Read More

Farxaan Xarfe Xuseen Xiireey,waa soddon iyo sideed jir ku dhashay Bariga Gobolka Mudug,gaar ahaan miyiga Tuulada Sallax,kasoo jeeda Beesha Majeerteen Cumar Maxamuud Reer Mahad. Hooyadiis waxay dhimatay isaga oo yar,waxa uuna kusoo koray rajanimo. Magaalada Gaalkacyo waxuu soo galay 1996,waxaana keenay walaalkiis Abshir Xarfe,isagoo ku soo dagey Guriga Abshir. Farxaan waxa uu Quraanka ka dhigtay, Dugsiga Macallin Yaasiin oo ku dheggan Guriga Islaweyn. Waxbarashada iskuulka waxa uu ka bilaabay, iskuulka Ummadda ee magaalada Gaalkacyo, isaga oo aan dhammaysan Dugsiga Dhexe,ayuu ka saaqidey. Mar dambe ayey walaalihiis waxay xoogga saareen inuu waxbarashada ku noqdo, waxa ayna geeyeen Dugsiga Cumar Samatar Galaaska…

Read More

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa soo bandhigay xogta liiska hordhaca ah ee dadkii iska diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn. Guddiga ayaa sheegay in Wadarta dadka iska diiwaangeliyay 3 degmo ay tahay 46,187. Qardho: Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Qardho: 181,681 Tirada dadka ka wayn 18: 69,039 Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Qardho: 24,921 Eyl: Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Eyl: 148,611 Tirada dadka ka wayn 18: 56,472 Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Eyl: 11,364 Ufayn: Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Ufayn: 57,095 Tirada dadka ka wayn 18: 21,696 Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Ufayn: 9,902. Xogta oo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayasha Dowlad Goboleedyada ee hadda ku sugan Muqdisho ayaa caawa kulan casho ah ku leh Hoteelka Decale ee ku yaala gudaha garoonka Aadan Cadde. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulanka oo ah is-xogwareysi loogu gogol xaarayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa qaadacay shirka uu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha ee lagu waday in uu Maanta ka furmo Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa saacadihii la soo dhaafay Waxa uu waday dadaalo xooggan uu ku doonayay in shirka uu yimaado Madaxweyne Guudlaawe.Madaxweyne Guudlaawe ayaa…

Read More

Calula (Alula) waxay ahayd Xaruntii Labaad, Muqdisha ka dib, ee maamulkii gumaystaha Talyaaniga ee Somalia. Waxay leedahay gago dayuuradeed oo far cad cad oo waaweyn “CALULA” ku dul qorantahay, meel fogna adoo dayuurada saaran arkaysid. Dhanka waqooyi galbeed ee Calula waxaa ka mutuxan buurta BooliMoog ee loogu magac daray markabkii Soomaaliyeed. Dhismayaasha Calula waa kuwo ka gadisan kuwa Somalia, marka laga reebo kuwii Talyanigu ka dhisteen. Waa dhismo Carbeedyo taariikh hore kasoo jeeda. Kuwa halkaa Talyanigu ka dhisay oo waaweyn, waxaad isleedahay ma “Kaniisadaa?” Qaargood weli waxaa dusha ka saaran qalabkii ilaala Badda Cas ee Ciidamada badmaaxyada faashiistigii Benito Mussolini.…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay argagisada Al-Shabaab saakay ku qaadeen shacabka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay dishay argagixisadu.Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey maleeshiyaadkii soo weeraray.Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badan looga naafeeyey.

Read More

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay degaannadooda ku xireen in ka badan 50 Dhalinyaro ah, kuwaas oo la soo baxay Calanka Soomaaliya, iyaga oo xusayay 26-ka June oo ku beegan markii gobolada Waqooyi ay xurnimada ka qaateen Gimeystihii Ingiriiska. Dhalinyarada la xir xiray oo badankood ku sugan Magaalada burco iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada. War kasoo baxay Booliska Soomaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada ay xireen la hor gayn doono maxkamad iyo xeer…

Read More

Baarayaasha Kenya ayaa xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan. Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop. Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda. “Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal…

Read More

Waxaa jira warar sheegaya in in ka badan 100 dagaal yahanno ah lagu dilay dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka Yemen iyo mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaallamaya waqooyiga dalkaas. Ilo laga soo xigtay dowladda ayaa sheegay in ilaa 30 ciidamada ka tirsanaa lagu dilay dagaalka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Dagaalka ayaa salka ku haya gacan ku heysta magaalada Macrib. Dowladda ayaa sheegtay in Xuutiyiinta laga dilay 80 qof. Macrib waa mid ka mid ah magaalooyinka Yemen ee shidaalka qaniga ku ah. Kumannaan qof oo ka barakacay qeybaha kale ee Yemen ayaa ku nool magaaladaas. Shaqaalaha hay’adaha gargaarka…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhexmaray deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobalka Mudug, Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo garab ka helaya Shacabka iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaidb markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Daraawsiihta Galmudug  ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka  uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada. Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay & dad Shacab ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyagoo jooga guryahooda. Magaalada…

Read More

Madaxweynaha dalka Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay dalka Iraq iyo Shirweyne u furmay Madaxda Iraq, Masar iyo Urdun C/Fataax El-Sisi waxa uu Maanta booqasho rasmi ah ku tegay caasimada dalka Iraq ee Baqdaad, waana Socdaal u horeeyey ee Madaxweyne Masaari ah ku tago dalkaasi muddo 30 sano ah. Madaxweynah Masar waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey dhigiisa dalkaasi, Barham Salah iyo RW Mustafa Al-khidaami. Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Iraq, Masar iyo Boqorka Haashimiyada Urdun ayaa la filayaa inay yeeshaan Shirweyne Saddex Geesood ah oo ay kaga xaajoonayaan Danaha iyo Iskaashiga dalalkaasi. Shirkaasi ayaa ah Shirweynihii 4-aad ee Iskaashiga we…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo ku aadan xuska 27-June oo ku beegan sanad-guuradii 44-aad ee kasoo wareegtay xornimada Dalka Jabuuti, u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti. “Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Jabuuti waxaan ugu hambalyeynaya munaasabadda 27-June, sanad-guuradii 44-aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaadatay” ayuu yiri Madaxweyne Said Abdullahi Deni. Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 1977-dii ka qaadatay xornimadeeda Faransiiska, waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka soconayaan Magaalooyinka dalka Jabuuti.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 Mudane. Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland oo Goluhu ku sameynayey akhriska seddexaad ka dib markii Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ahi ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta hindise xeereedkan. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi M. Gulaid iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Abdirahman Dualeh Beileh, ay lacag ay kasoo dheceen magaaladda Muqdisho guryo uga dhisteen magaalada Hargeysa. “Mahdi Guuleed iyo Wasiir Bayle waan ognahay in waxaad Xamar kasoo dhacdaan Hargeysa guryo kaga dhisataan” ayuu yiri Wasiir Koore.

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Senator Xasan Faarax Xujaale. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dalkeena.

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku toogatay magaalooyinka Garoowe iyo Qardho saddex xubnood oo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Ciidammada Puntland. Labo kamid ah xubnaha la toogtay ayaa lagu dilay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Garoowe, halka xubinta kalena lagu toogtay magaalada Qardho. Sidoo kale, Puntland ayaa maanta ku toogatay magaalada Gaalkacyo 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo oo muddo 13 sanno ah ka dhacayay magaalada Gaalkacyo.

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay 18 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, ee dilalka iyo Qaraxyada ka fulin jiray Magaalada Gaalkacyo. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Sanyare. Allaahu_Akbar Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Xukunkan Maxkamadeed waxaan ka fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta. ka maamul ahaan…

Read More

Maxkamadda Sare Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo oo muddo 13 sanno ah ka dhacayay magaalada Gaalkacyo. Toogashadan ayaa ka dhacayday fagaare ku yaalla duleedka Gaalkacyo. Xubnaha la toogtay ayaana waxaa ku jira horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug. Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.

Read More

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug oo garabsanaya Shacabka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab uu ka soconayo degmadda Wisil ee Gobalkaas. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar kusoo qaaday saldhig ay lahaayeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka oo ah mid xooggan la isku adeegsanayo hunks noocyadiisa kala duwan. Ma jirto faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Puntland ayaa saaka xukun dil ah ku fulinaysa 18 kamid ah maleeshiyaadka Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhowaan xukun ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland. Ragan ayaa kuwii ka dambeeyay falal isugu dil iyo Qaraxyo oo 13 sanno ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Gaalkacyo, laguna dilay Haldoorkii Gobalka Mudug. Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Gudaha magaalada lagu daabulay cutubyo kamid ah Ciidamada kala duwan ee Puntland. Idilnews

Read More

Dowlad goboleedla Hirshabeelle ayaa ka horyimid shir shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu berri oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa in aysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho”. Hirshabeelle waxay tilmaantay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka Muqdisho, wixii kasoo baxana aysan quseyn Hirshabeelle. Hirshabeelle waxay sheegtay in ay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay…

Read More

Ciidamada Itoobiya,ayaa lagu eedeeyey in ay dileen Shaqaalihi Hay’ada MSF ee caawinayey Dadkii dhibaatadu gaartay ee Tigreega. Hay’ada MSF,ayaa sheegtay in Sadex ka mid ah shaqaalaheeda la dilay xili ay ku guda jireen gurmad Bulsho rayid ah. Warkan waxuu sii xoojinayaa eedaymihii waa weynaa ee horay loogu haystay Abiy. Jibril Qoobey.

Read More