Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Madaxweyne Qoorqoor ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, oo looga hadlay waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Idilnews

Read More

Cape guardafui, also known as Ras Asayr (Casayr), at intersections of the Red Sea and Indian Ocean is a natural Suez Canal of the Horn of Africa. It is located within the territorial waters of Puntland/Somalia. More than a half of the international shipping pass by. In the old days before the advance in navigation technology, there was a permanent light house erected at Cape to guide the huge number of commercial ships passing through. Italian Colonial Administrations in Somalia collected fees from international liners crossing at the Cape. It would have been prohibitively too expensive for shipping world sailing…

Read More

Turkish domestic and foreign policy is committed to highly centralized unitary government because of its vulnerability to Kurds’ demand for regional autonomy or outright independence. Qatar suffers from cambination of Arab nationalism and support to extremists, who consider the notion of federalism as treasonous as well as blasphemous. Turkey also suffers from bad memory of the collapse of the historical Ottaman Empire. That is why Turkey is paranoid of any decentralization of power. In the Somalia’s case, one would suppose that they think they won’t be able to invest in Somalia with power spread across regional states. Hence, you have…

Read More

Qarax miinada dhulka la geliyo ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxaa lala eegtay gaadiid kolonyo Ciidan ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Mas’uuliyiinta la socday kolonyada weerarka lala eegtay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan. Wasiirka Amniga Puntland Abdisamad Mohamed Gallan, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Qaraxa miino uu ku dhintay hal Askar, halka ay ku dhaawacmeen 2 Askari oo kale, isagoona ku eedeeyay kooxda Daacish inay ka dambeysay Qaraxan.

Read More

Nin toorey dheer ku hubeysan ayaa seddex qof ku dilay ,halka shan kalena uu ku dhaawacay oo qaarkood dhaawacoodu daran yahay magaalda dhinaca koofureed ku taala dalka Jarmalka ee Wurzburg Jimcihii shalay, kahor intii aysan boolisku dhaawicin, isla markaana xirin. Ninkan ayay boolisku ku sheegeen 24 jir Soomali ah oo ku noolaa magaaladaas, dhaawiciisa ayaan aheyn mid daran, sida ay boolisku sheegeen. Sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka dhintay. Ninka falkan geystay ayay…

Read More

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ku dhawaaqay in kabadan kala bar dadka Yaman ay wajahayaan cuno yari baahsan, Afhayeenka ayaa xusay in 5 milyan oo qof ay talaabo u jiraan in ay u geeriyodaan Gaajo. “Colaadu waxay wali ka socotaa qeybo ka mid ah dalka Yaman, haba ugu darnaato magaalada Marib, halkaas oo ay ku barakaceen in ka badan 22,000 oo qof tan iyo horraantii bishii Febraayo,” ayuu yiri Stephane Dujarric, intii lagu jiray shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Waxaa xusid mudan in magaalada Ma’rib tan iyo bishii…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo magacaabay Garsoorayaal. Dikreeto. 26ka-Juun-2021 Magacabid Garsoorayaasha Galmudug Madaxweynaha Dowladda Galmudug Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Galmudug; Markuu arkay: Qod: 6aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya sarreynta sharciga;. Markuu arkay: Qod:18aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya dhowrista xuquuqda eedeysanaha;. Markuu garowsadey: Baahida loo qabo dhameystirka hay’adda garsoorka GM.; Markuu tixgeliyay soo jeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug;. Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug;Wuxuu soo saaray xeerkan: Wuxuu Magacaabay Garsoorayaasha hoos ku xusan: Maxkamadda Sare ee Galmudug: Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- GarsooreCabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- GarsooreMaxamed C/llahi Ilbir- Garsoore…

Read More

Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Faarax, ayaa maanta magacaabey guddiga horumarinta cayaaraha gobolka Mudug, kaas oo ka kooban 7 xubnood. Guddigan ayaa shaqadiisa ugu horeysa ay noqon doontaa diyaarinta iyo qaban qaabadda Horyaalka kooxaha heerka koowaad ee gobolka Mudug oo loo qaban doono sideed kooxood.

Read More

Mid kamid ah diyaaradaha waa weyn ee Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta kasoo defray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Diyaaradan oo ah Jet nooceeduna uu yahay Boeing 737-700, ayaa qaada 120 qof, Waxaana sidoo kale duulimaadyada diyaaradan ay meesha ka saari doontaa boorsooyinka ay diyaaradaha kale ee Shirkadda Ethiopian Airlines kasoo tagi jireen, sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Osman A Yusuf. Agaasime Xoosh ayaa intaas ku daray in diyaaradan ay duulimaadyo toos ah ka bilaabi doonto 15-July garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaaladda Muqdisho oo berri uu ka furmayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Shirkan oo uu dhowaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Madaxweyne Deni oo la filayay inay safarkiisa ku wehlin doonaan xubnaha Puntland ku matalayay Guddiyada Doorashada ee labada heer ee kala ah Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ( SEIT) iyo Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal, ayaa la sheegay inuu iska reebay. Said Abdullahi Deni oo dhowaan…

Read More

Wasiiro ka tirsan dawlada Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Wafti la socday ayaa ka bad-baaday qarax loo geliyay wadada u dhaxaysa degmada Isku-shuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari. Weerarkaan oo ahaa labo qarax oo kuwa wadada lagu aaso ah waxaa ku dhintay hal Askari, waxaana ku dhaawacmay laba Askari oo kale. Weerarka Qaraxyada ah ayaa yimid xilli Waftiga oo booqasho ku marayay maalmihii ugu dambeeyay Gobalada Bari iyo Gardafuu, ay ku wajahnaayeen magaalada Boosaaso. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo berri ka furmaya Muqdisho. Shirkan oo uu dhowaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi. Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed. “Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde, ayaa sheegay in Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ay u amba baxeen magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wasiir Timacadde oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Waftiga Madaxweyne Deni ay Muqdisho uga qeybgalayaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka, isagoona intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay hirgalinta doorasho loo dhan yahay, laguna wada qanacsan yahay, taas oo ka dhacda Soomaaliya. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Timacadde. Wafti Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaan hadda u amba baxnay Magaalada…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Muqdisho. Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan DFS ayaa soo kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayo waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray. Idilnews

Read More

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxda ayaa ka qeybgalaysa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa jimcihii gaaray Muqdisho. Waxaana haatan socota qabanqaabada soo dhaweynta Madaxda maanta tagaysa Muqdisho iyo furitaanka Shirka Golaha wada-tashiga Qaran oo lagu wado inuu bilowdo berri oo axad ah. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Junne ayaa sheegay in muddadii ay jirtay Somaliland ay ku guuleysteen in la qabto Toddoba doorasho oo ay saddex madaxweyne isku beddeleen si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah & laba gole oo Baarlamaan, isaga oo sheegay in aNabadgelyada Soomaliland dadaal farabadan lagu bixiyay. Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay arrmaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in looga taag la’yahay kolba  shir ay u qabtaan dawlado shisheeye, kaas  oo uu sheegay in lagu soo magacaabayo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda…

Read More

Labour Askari ayaa ku geeryooday rasaas ay isweydaarsadeen Ciidammo katirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ilaalo ka hayay munaasabad lagu xusayay 26-June oo ku beegan 61 sanno-guuradii kasoo wareegtay xorowgii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, taas oo lagu qabtay magaada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabelle. Wararka goor hore ee xalay soo baxay ayaa sheegayay in rasaasta ay weeydaarsadeen labada Ciidan ee Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa xoogga dalka. Mas’uuliyiinta Sar sare Maamulka Hir-Shabeelle & laamaha amniga Magaalada Jowhar weli kama hadlin falkaan, hayeeshee dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemeen intii…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo ku aadan xuska 26-June u diray Shacabka Soomaaliyeed. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxweynaha Axmed Madoobe. Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay maalintii ugu horeysay ee dhul Soomaaliyeed laga taago Calan Soomaaliyeed oo hoos u dhigay kii gumaystaha markaas oo Gobolada Waqooyi ee dalkeenu ay ka xoroobeen guumaystihii Ingiriiska. Caawa waxaa inoo bilaabanaya todobaadka xoriyada dalkeena taas oo si weyn qalbiyadeena ugu dhigan. Wali waxaa dalkeena ka jira xanuunka Covid19 waxaa qof walba oo ka qeybgalaya damaashadka iyo dabaal daga maalmahan qiimaha kale ay masuuliyad ka saaran…

Read More

Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa hay’adda Badbaadada caruurta (Save The Children) ayaa maanta ka daahfuray wajiga labaad ee mashruuc caafimaadka oo ka socday gobolada Bari iyo Gardafu oo ay ka wada shaqaynayeen wasaaradda iyo hay’adda Save the Children. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo wasiirudawlaha wasaaradda qorshaynta iyo agaasima waaxeedyada qorshaynta iyo caafimaadka asaasiga ah, waxaa sidoo kale ka qaybgalay isku duwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari. Gudoomiyaha Degmada Mohamuud Ismaaciil oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa yiri:-Waxaan ku faraxsanahay idinkuna soo dhaweynayaa degmadda Iskushuban ee gobolka bari, waxaan sidoo kale bogaadinayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Save the…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Read More

Dowladda Masar ayaa waxa ay iskudayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblumaasiyadeed iyo mid milateriba ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Itoobiya ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhisanayo Webiga Nile. Ururka Juquraafi-yahannada Masar, ee la sameeyay 1875, ayaa waxa ay kaydiyeen dikumintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. Waxaa dikumintiyadaas ka mid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika. Ururka juquraafi-yahannada ayaa waxaa lagu sameeyay…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Magacaabay Gudi hubin ku samayn doona daymaha lagu leeyahay Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo kadib marki uu arkay cabashooyin is daba jooga oo uga yimid qaar kamida Bulshada Gaalkacyo kuwaas oo sheeganaya dayma ay kuleeyihiin Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa Gudigan Gudoomiye uga dhigay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore.

Read More

Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowllada Puntand ayaa lagu qabtay shirka Wadatashiga Qorshaha Istiraatijida 2021-2025. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku- xigeen Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Marwo Saynab ismaaciil Maxamed, Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaliya Nuur Yusuf Nuur oo ay Weheliyaan Agaasimaha Waaxda Qorshayta Mohamoud Yaasin Cartan iyo lataliyaal kale,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Cadicasiis Nuur Cilmi ,Agaasimayasha Waaxaha Wasaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Aqoonyahano,Beeralay,Haya’adaha kala duwan ee Dowladda, ardayda jamacadaha iyo dhamaan danayayaasha beeraha. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Cabdicasiis Nuur Cilmi koor ayaa ugu horayn soo…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Md. Ahmed Abdi Kaarie ayaa kulan khadka Mareegta ah la qaatay diplomaasiyiinta Dowladda Norway sida Ergeyga Gaarka ee arrimaha Soomaaliya, Danjiraha Iyo Qunsulka iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ka socday Dowladda Norway ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, waxay si gaar ah iskaga wareysteen howlaha kala duwan ee Norway ka taageerto shacabka iyo Dowladda Galmudug.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda Biyaha iyo tamarta Iyo wasiiru dawlada wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa maanta degmada xaafuun oo ku taala bariga fog ee gobolka Bari qaybta qaliinka ee Isbitaalka Degmada Xaafuun. Waxaa hirgalinta qaybtaan iska kaa shaday wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adda Save the Children wuxuuna wax weyn ka badali doonaa baahidii dumarka ee fooshu ku adkaato iyo sidii lagu kala badbaadin lahaa, maadaama meel dheer loogu qaadi jiray sida magaalada Boosaaso iyo Qardho oo aad uga fog degmada. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farxax Xasan oo xaflada ka hadalay ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Gollaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Arimaha Amniga,Gargaarka,Caafimaadka, Waxaana dhanka kale Warbixino ku qotoma Shaqada Wasaaraddaha laga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha,Arimaha Gudaha Tamarta,iyo Xanaanada Xoolaha.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey shirka caadiga ahaa ee golaha Xukuumada. Todobaadka shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa warbixin lagaga dhagaysanayay Wasaarado dhowr ah oo soo gudbinayey qorshayaasha hortabinta u leh. Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada ugu horeeyntii oga warbixiyey xaalada siyaasada Dalka mida Amni iyo xaalada doorashada Dalka uu xiligan ku jiro, wuxuu golaha wasiirada ku booriyey in ay dar dar galiyaan howlahooda shaqo madaama ay biloow yihiin shaqooyinka Wasaaradaha oo dhawaan la dhaariyey Wasiirada.Wasiirka Wasaarada Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Maxamed Ibraahim…

Read More

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo. Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg. Qoraal kooban…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland sida qiimeynta iyo dabagalka mashaariicda horumarin. Idilnews

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Booliska caalamiga ah ee INTERPOL waxaana uu booqday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee uu ku yaalo Xafiiska Hoggaanka Interpol. Hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo bah-wadaag la ah Ciidanka Boliiska, ayaa qeyb ka ahaa kulanka, waxaana ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada, G/sarre Maxamed Adan Koofi. Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Booliska Soomaaliyeed iyo Interpol oo dhinacyoi badan leh.

Read More

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dekadaha Dowlada Puntland Yusuf Maxamed Waceys’Dhedo’ Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Degmada Carmo ee Gobalka Bari gaarsiiyay Gaari Booliis ah oo loogu adeegi doono Bulshada Degmada Carmo kaas oo waxbadan ka anfici doono dhinaca amniga. Taliyaha Qeybta Booliska oo gaarigaan ku wareejiyay Gudoomiyaha Degmda Carmo iyo Taliyaha Saldhiga ayaa kula dardaarmay in garigaan ay u isticmalaan sidii loogu talagalay. Gaarigaan oo qeyb ka ahaa gadiid uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Saciid Cabdulaahi Deni ugu deeqay laamaha amaanka Gobolada Puntland si ay bulshadooda ugu shaqeyaan Taas oo Bulshada Gobolada ay uga mahadceliyeen…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacday saldhig ay Ciidammada Dowladda ku lee yihiin deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. Duqeynta madaafiicda ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay guri ay dad shacab ah ku noolaayeen waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda. Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan saldhigga deegaanka Biyo Cadde ayaa la sheegay inay madaafiic ugu jawaabeen.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster. Madaxweynaha & Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysatay. Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah. Idilnews

Read More

Maraykanka ayaa si weyn u cambaareeyay duqeyn dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia. Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in ay tahay waxaan la aqbali karin xadgudubyada la socda Gobalka Tigray, loona baahan yahay i si deg deg ah loo joojiyo. Linda ayaa intaa ku qabtay in Xukuumadda Abiy ay kala hadleen joojinta xadgudubyada Binni’aadamnimo, Waxaana ay ugu baaqday Midoga Yurub iyo Qaramada Midoobay in baaritaan lagu sameeyo dadkii ka danbeeyay duqeymaha dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Gobalka Tigray.

Read More

Warbixin ay soo saareen khuburro ka tirsan macadka caalamiga ah ee qaabilsan cilmibaarista arrimaha nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm, ayaa lagu sheegay inuu kordhay hubka Nukliyeerka ee dalalka qaar ee adduunka ay haystaan. Waxaan waddamadaas ka mid ah Shiinaha, Hindiya iyo Pakistaan. Shiinaha wuxuu sameystay 30 xabbo oo dheeraad ah oo hubka nukliyeerka, marka loo barbardhigo sannadkii la soo dhaafay. Tirada guud ee hadda uu haystana waa 350 oo xabbo oo hubka nukliyeerka ah. Halka Pakistaan ay sameysatay 5 xabbo oo cusub oo hubka nukliyeer ah, tirada guudna waxay u noqoneysaa 165 xabo hub nukliyeer ah. Hindiya waxay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar, (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada. Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah. Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.…

Read More

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi heer federaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga, iyaga oo ku wajahan magaalada Barbara oo ay ku tagi doonan diyaarad khaas ah. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qeyb-galaya xarig ka jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn ballaaran lagu sameeyay. Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa yiri. “Waxaan u amba baxbay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay…

Read More

In ka badan 80-Qof,ayaa ku naf wayday Suuq Deegaanka Tigreega ku yaal oo aad u mashquul badan,kaasoo Ciidamada Abiy ka amarqaata dukhayn Cirka ah ku garaaceen. Sidoo kale masuuliyiinta amaanka,ayaa hor istaagay in wax gargaar ah loo fidiyo shacabkii ku waxyeeloobay Weerarkaas. Mar walba oo ay Ciidamada TPLF ku jabiyaan kuwa Abiy goobaha dagaalka waxay ku cara baabaan Shacabka caadiga ah ee Tigreega. TPLF waxay dib uqabsatay inta badan Dhulkoodii Tigree,waxayna hada hareereeyeen Caasimada Makelle. Ciidamada Abiy,ayaa haatan go’doon ku ah Makelle. Jibril Qoobey.

Read More

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaayey Badda Puntland. Sidoo kale, Ciidanka PMPF Puntland ayaa gacanta ku dhigay shaqaalihii la socday Markabka oo gaarayay ilaa 10 shaqaale ah. Ciidammada Badda Puntland ayaa horey sidan oo kale u qabtay Maraakiib iyo Doonyo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamad.

Read More

Jabhada TPLF ayaa soo bandhigtay CiidamoBadan oo ka tirsan milatariga ethiopia oo ay kusoo qabteen dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magalada maqale. TPLF ayaa sheegtay in ay Maqale dul fadhiyaan oo ay Cadowga kusoo duulay kasaari doonaan Casimadooda maqale Jabhada TPLF waxay soo bandhigtay kumanaan ciidamada milatariga ah oo ay ku qabteen dagaaladii dodobaadkan socday Waxaa jira oo ay soo bandhigeen gaadiid iyo sahayda ciidamada ethiopia ay ka qabsadeen iyo Agab ciidan Sida warar hoose sheegayaana magalada Adigrate in ay Ciidamada Tigreyga ay gacanta ku hayaan magalada adigrat waa magaalo istiraatiiji ah waxayna 50km u jirtaa Eratrea.

Read More

Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa sabtida soo socota yeelanaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii 27-May. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay, inay Madaxdu isku raaci doonaan, Ra’iisul Wasaare Rooble saxiixi doono Madaxda ku kulmi doonta Muqdisho maalmaha soo socda dhawr Qodob oo wax ka badalid ah,sida ay sheegayaan ilo muhiim ah. In doorasha lagu qabto hal Magaalo. 2.In Ergrada waxdooranaysa laga dhigo 51. Arinkaa waxaa soo jeediyey Maamulada Hirshabeele,Galmudug,Koonfur-galbeed iyo Jubaland. Idil Tv.

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa, Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda Galmudug 2021.Bandhiga iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Kaluumeysiga Galmudug. Wasiir Dowlaha Wasaarada Kaluumeysiga Galmudug ayaa Xildhibaanada Galmudug kahor sheegay muhiimada sharcigaan u leeyahay kaluumeysiya Galmudug Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ka dooday wax ka badalka miisaaniyada Galmudug oo uu Wasiirka Maaliyada Galmudug shalay horkeenay Baarlamaanka…

Read More

Afar Sucuudi ah oo ku lug lahaa dilkii wariyihii Washington Post ee sanadkii hore Jamal Khashoggi ayaa tababar qaas ah ku qaatay Mareykanka sanadkii la soo dhaafay sida lagu daabacay New York Times. Tababbarka waxaa bixiyay Tier 1 Group, oo ay leedahay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, wuxuuna ahaa mid difaac ku jira oo loogu talo galay in lagu ilaaliyo hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, sida ay qortay Times. Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in sharciga hoostiisa wasaaraddu aysan ka hadli karin wax kasta oo ruqsad shati haysta.” Khashoggi, oo deganaa Mareykanka oo wax ku qori…

Read More

Ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah ee deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis. Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, isagoona horey gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Macallim Maxamuud Calasoow Cabdi. Al-shabaab ayaa sheegtay in falka uu Maxamed Calasoow ku gowracay hooyadiis iyo walaalkiis ay ka argagaxeen dadka deegaanka uu falkaas ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Read More

Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo akhriska labaad ku sameynaya Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah xarunta Golaha kula yeesheen Wasaaradaha iyo hay’adaha uu khuseeyo xeerkaasi. Guddiga iyo dhinacyada uu hindise xeerku saameynayo ayaa falanqeeyey ujeeddooyinka Hindise Xeereedka iyo ahmiyadda Xaruntu u leedahay Dawladda Puntland, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Puntland yeelanayso xaruntan.

Read More

Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Amniga Puntland ee Gabalada oo maanta Tababar ku saabsan kor u qaadida Xirfada Shaqaalaha loogu soo xiray Magaalada Gaalkacyo. Kulanka Tababarka loogu soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Amniga ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Wasaarada Amniga Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeennka labadaa ee Gobalka ku xigeenka Duqa Degmada waxaana tababarka uu ku saabsanaa kor u qaadida Xirfada shaqaalaha Wasaarada Amniga Puntland.

Read More

Garoonka diyaaraha magaalada Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxey labaatan milyan oo Doolar, ha yeeshee ma jiraan duulimaadyo yimaada ama ka baxa. Horraantii bishii June, 2016-kii ayey aheyd markii Qabri Dahare lgau qabtey munaasabad si balaaran loosoo aggaasimey, taasoo lagu furey garoonka diyaaradaha ee magaalada, iyadoo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamulada heer deegaan iyo heer federaalba ee dalka Itoobiya ee waqtigaas. Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisay, iyadoo qarashka lagu hirgaliyey uu bixiyey maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida, ee uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Shan sano kadib, garoonkan ayaa haatan bixineyn wax…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay shirka baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ee Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu qabtay xafiiska difaacaha xuquuqul Aadanaha ee Puntland, isagoo sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay xoojinta Xafiiskan oo ah kan keliya ee si dhameystiran u shaqeeya Soomaaliya.

Read More