Author: Jibril Qoobey

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, kaas oo salka ku haya sida loo maareynayo doorashada Sanetorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kasoo gala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya 8 Senator, kuwaas oo ay soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedyada.

Read More

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Musadaq Maxamed, Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa saaka u fariistay Wajigii 2aad ee Shirka Dhismaha iyo soo xulista Golaha Deegaanka Degmada Jariiban. Sidoo kale, Shirkaan waxaa goob joog ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose, Xildhibaan ka tirsan Puntland iyo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Jariiban, Nabadoono, Salaadiin iyo Odoyaal dhaqameed.

Read More

Dagaal culus ayaa ka qarxay deegano badan oo ku yaala gobolka waqooyiga dalka itoobiya ku yaala ee Tigray, waxaana dagaalkaasi uu u dhxeya ciidamada falaagada iyo kuwa dowladda, sida wararku ay sheegayan. Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahanada oo rondo sameynayo Milatariga itoobiya ayaa sheegashoyiinkaas meesha ka saray waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah. Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Nofeembar, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka. Kumanaan qof ayaa lagu dilay…

Read More

Ugu yaraan sadex qof ayaa la dilay kaddib markii weerar lagu soo qaaday goob codbixin ah oo 160 km u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isla markaana u dhow hoyga ra’iisal wasaare Aby Ahmed . Sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in dadkaasi la dilay maanta ay kala yihiin nin boolis ah, xubin ka tirsan maleeshiyo iyo sarkaal maxali ah. Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goobta codbixinta ee deegaanka Liban Jawwi oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Ambo. Dadka weerarka soo qaaday ayaa sheegay in doorashada aysan u dhicin si hufan,…

Read More

Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa kulan deg deg ah yeelan doona sabtida soo socota, sida uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Shirka oo yimid kaddib kulan ay aalada ZOOM ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada habeen kahor, ayaa looga doodi doonaa Labo qodob, kuwaas oo kala ah; 1: Dib-u-eegista tirada deegaan doorasho ee Dowlad Gobaleedyada. Qodobkan oo ah midka dooda ugu adag ka dhalan doonta ayaa waxaa dabada ka riixaya Jubbaland iyo Hirshabelle oo garabyo ka heysta Puntland, waxaana ay ku doodayaan in hal deegaan lagu…

Read More

Sida ay ogaatay Idilnews Puntland ayaa qorsheynaysa in maalmaha soo socda toogasho lagu fuliyo 18 xubnood kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan xukun dil ah ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland. Toogashada Ragan ayaa ka dhici doonta fagaare ku yaalla duleedka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaana lagu wadaa inuu saxiixo fulinta xukunka dilka ah ee 18 xubnood ee katirsan Al-Shabaab saacadaha soo socda. Ragan lagu fulinayo xukunka dilka ah ayaa isugu jira Saraakiil iyo maleeshiyo Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalkii iyo qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacayay muddo ka badan…

Read More

Ra’iisal wasaaraha Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa. Kal hore waxaa laga war qabey un in gudaha Itoobiya ay kusugan yihiin ciidamo ka socda Eritrea, kuwaasoo ka barbar dagaalamayey ciidamada dowladda Itoobiya. Waxaa haatan soo shaac baxay in ciidamo kale oo ka socda dalka Sudan iney iyaguna kusugan yihiin gudaha wadanka Itoobiya. Khilaafka soohdinta ee labadda dal ee Sudan iyo Ethiopia, ayaa cirka isku shareerey, kadib markii sidoo kale dowladda Sudan ay codsatey in ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiyaanka ah, ee kusugan gudaha dalkeeda lagu badalo ciidamo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka. Shirka Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan. Kulankaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qeyb galaan dhammaan Madaxda maamulada , waxaana loogu gaari doona Arimo muhiim ah.

Read More

Shir muddo u socday mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo ganacsatadda Puntland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe. Shirkan ayaa ku soo dhammaaday jawi is afgarad ah iyadoo ay ka soo baxeen go’aamo lugu xaqiijinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballan qaadyo ay kala qaateen labada dhinaca. Shirkan waxaa Gudoominaayay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ahna sii haya Xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan iyo Masuuliyiinta kule. Ganacsatadda ayaa xustay in loo baahan yahay horumarinta adeegga cashuur bixiyaha, kor u qaadista wacyigalinta bulshadda iyo horumarinta adeeggyada aasaasiga ah…

Read More

Waddamada Soomaaliya, Congo, Afghanistan iyo Syria ayaa safka hore ka galay goobaha ay carruurtu ku jiraan khatarta ugu badan dunida, sida ay sheegtay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Carruurta. Waddamadaas ayey ka dhacaan ku dhowaad 60% dhammaan xadgudubyada loo gayst carruurta ee caalamka oo dhan, waxaana ay ku jiraan liiska madow ee sanadlaha ah ee ay soo saartay QM. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xadgudubyadii ugu badnaa ee dhacay 2020-kii ay ahaayeen u adeegsiga caruurta ee askar ahaan iyo dilka caruurta.

Read More

Taliska ciidanka Asluubta Dawladda Puntland ayaa heshiis kor loogu qaadayo aqoonta maxabiista iyo wacyi gelintooda la saxiixday maamulka sare ee Jaamacadda Puntland state university. Heshiiskan oo si wada jira uga faaiidaysanayaan Ardayda Jamacada iyo Maxaabiista ayaa ardaydu asbuucii maalmo kooban tege doonaan Xabsiga Weyn ee Garowe,waxaana ay Casharo iyo Wacyigelin siinayaan Maxaabiista,halka ardaydu ay ay si toos ah u dabaqayaan casharadii ay soo barteen ee dhanka Cilmiga Bilshada. Saxiixa Heshiiska ayaa ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka asluubta Puntland waxaana goobjoog ahaa Saraakiisha hogaamisa Ciidanka ,Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Cadaaladda ,Hay’adda UNODCO iyo Maamulka Jaamadda PSU. Taliyaha Ciidanka Asluubta Dawladda Puntland…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, aya ka qeybgalay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Jubbaland. Munaasabaddan oo ka dhacday xaruntii Hore ee wasaaradda warfaafinta ayuu maanta si rasmi ah xilkaasi kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ee Jubbaland Mudane Salebaan Maxamed Maxamuud. Wasiirka cusub ee wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Jubbaland Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo kusime ka ahaa wasaaraddan oo kal hore xilkeeda ku wareejiyay wasiirkii hore ee labadan wasaaradood isku hayay Eng. Cabdi Xuseen ayaa maanta ku wareejiyay xilka wasaaradda warfaafinta wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Mudane…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid Doorashada Isniintii ka bilaabatay Dalka Itoobiya, ee uu qabtay Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali. Qoraal kasoo baxay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lagu sheegay in marka loo eego kalsooni darada ka dhex jirta saamileyda siyaasadda Itoobiya iyo colaada ka huraya dalkaas, sida dagaalka Tigreega ay doorashadani tahay mid kale oo lagu kala qeybinayo Bulshada Itoobiya. “Mucaaradka siyaasadeed si buuxda ugama qeybqaadan doonaan waxaana xuquuqdoodii laga qaaday malaayiin Itoobiyaan ah, Marka la eego khilaafka ka socda Tigray iyo rabshadaha ka qarxaya meelo kale oo ka mid ah Itoobiya, doorashooyinkaasi waxay…

Read More

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa si adag uga jawaabay doodda ka taagan xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, kaas oo horyaalla Baarlamanka, kadib markii xukuumaddu ansixisay 10-kii bishan June 2021. Wasiir Xaamud oo si gaar ah ugu jawaabayay culimo awdiinta diidan xeerkan ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments), isagoona digniin adag u diray. Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka.

Read More

Xarunta Horumarinta & Cilmi-baarista Puntland (PDRC) iyo Hey’adda ay bah-wadaagta yihiin ee FBA waxay si wadajir ah u qabteen kulan dood cilmiyeed lagu falanqayn doonayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee xilliyada doorashooyinka. Ujeedadda kulanka waa in Ia qeexo oo hey’adaha amniga, guddiga doorashooyinka Puntland iyo bulshada rayidku doodaan caqabadahaas xagga amniga ah ee ay wajihi karaan haweenka iyo tacadiyada dhalan kara marka la gaaro doorashada golayaasha degmooyinka kuwaa soo siyaabo kala duwan u saameeya haweenka iyo ragga. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka, ururada siyaasada,hay’adaha amniga, saraakiisha dowladda, iyo beesha caalamka, waxaana la…

Read More

Maxaa kala socotaa Xubnihii Asaasayaasha ahaa ee Ururkii SSDF ee Feb. 8, 1979 Addis Ababa looga dhawaaqay iyo furitaankii Radio Kulmis? The Somali Salvation Front – SSF, (Jabhadda Badbaadinta Somaliya) the first Somali Political and Armed Opposition against the Military Junta of General Siad Barre was formed by exiled Somalis on 8th February 1979 and launched a powerful broadcasting Station -Radio Kulmis at the same day. The SSF 23 Central Committee was mainly consisted from all parts of Somalia. Mustafe Hagi Nur, the Secretary General of SSF was from Hargeisa, Isak Community, Habar Awal.Hagi Omar Mohamed Sterling, First Deputy. From…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa u magacowday Nin lagu magacaabo Farxaan Xarfe horjoogaha cusub ee Ururka u qaabilsan Gobalka Mudug, sida ay u sheegeen Idilnews saraakiil kamid ah Sirdoonka Puntland. Farxaan Xarfe ayaa kasoo jeeda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, waxaana magacaabistiisa imaanaysa xilli Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab uu jab xooggan kasoo gaaray Gobalka Mudug, ayna Ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen Horjoogeyaashii iyo Maleeshiyaadkii Kooxda uga howlgali jiray Gobalka Mudug. Horjooge Farxaan ayaa mar soo galay Magaalada Gaalkacyo, balse Sirdoonka Puntland oo hayay xogtiisa ayaa bilaabay baadigoobka ninka oo haatan u cararay degmadda Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud oo Al-Shabaab heysato. Sirdoonka…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga. Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Read More

Guddoomiyihi Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali oo looyaqiinay Faarax dirir ayaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Baledweyne, Dilka gudoomiyihii dhalinyarada ayaa ka dhacay maqaaxi shaaxa laga cabo oo ku taal xaafada Xaawo Taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad. Waxaa sidoo kale goobta lagu dhaawacay 3 qof oo ku sugnaa Makhaayadda uu gadhiyay Marxuumka la dilay. Maleeshiyaadkii dilka geeysatay ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxana dilka kadib goobta tagay ciidamada dowlada. Idilnews

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta ammaanka, taas oo ku socoto wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ka digay halista kooxaha islaamiyiinta ah oo haatan ku sii fidiya qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika. Taliyaha howl-galka Africom, General Stephen Townsend ayaa xusay in ururada Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii xoogeysanayaan wadamada Somalia, Mali, Niger, Chad iyo Sudan. General Stephen Townsend ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-Shabaab oo xiriir la-leh Al-Qaacida ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaala Soomaaliya, isla-markaana ay weeraro…

Read More

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo kala duwan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka oo ay fuliyeen Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa waxeey kasameeyeen degaano ay kamid yihiin , Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdheer, waxaana la sheegay in qasaaro lagu garsiiyay Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda aya aa sheegay in howlgalka lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay weeraro kageystaan degaano ka tirsan…

Read More

Dalal kamid ah Qaarada Africa ayaa ku dhawaaqay inay iska kaashanayaan saameynta soo saarista talaalka cudurka COVID-19, kaas oo saameyn balaaran ku yeeshay dunida. Wadamada Masar, Nigeria, Koonfur Africa, Algeria, Senegal iyo Morocco, ayaa sheegay inay iska kaashanayaan soo saarista talaalka COVID-19, si ay bulshada Qaarada Africa u helaan talaal ku filan. Talaabadan ayaa timid kaddib markii uu is dhimay talaalkii cudurka COVID-19, ee Africa uga imaan jiray dalalka Caalamka. Idilnews 

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Marin Gubaay ee ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka AMISOM oo Deegaanka ku lahaa saldhig muddo dheer. Saldhigan oo u jira 40-KM magaalada Baraawe ayaa ah goob muhiim ah oo ay ku yaalan ceelal ay xoolo dhaqatada xoolahooda ka waraabiyaan. Ciidamada AMISOM ayaana waxa ay sheegeen in sababta ay uga baxeen Marin Gubaay ay tahay aag beddelasho Ciidan. Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay ahayd in ciidamada dawladda Soomaaliya ay beddelaan kuwa AMISOM balse aysan dhicin ayna u fududaatay Alshabaab inay si fudud…

Read More

Xarunta Wasaradda Maaliyadda Puntland waxaa si habsami leh uga socda shir u dhexay Ganacsatada Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan waxaa shir gudoominayay Wasiirku xigeenka Maaliyadda ahna siihaya xilka Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiirka kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame[Qawdhan], kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimaha Dakhliga W/Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir. Ujeedka shirka ayaa ah dar-dargalinta hannaanka cashuuraha iyo horumarinta kaabayasha dhaqaalaha,shirka ayaa waxaa u socdaa shir horay ay u yeesheen mas’uuliyiinta dhaqaalaha iyo ganacsatada Puntland oo muddo Garowe uga socda. Wadatashigii ugu dambeeyay ayaa laysku af gartay qodobo muhiim ah oo si…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamee Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa caawa wada hadal dhanka qadka Zoom-ka ku yeeshay, iyadoo wada hadalkan uu ahaa kii u horreeyay kaddib saxiixii heshiiskii doorashada ee 27 May. Ilo ku dhow dhow wada hadalka Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay isku raaceen in Sabtida soo socota shir Muqdisho isugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha…

Read More

Ilo-wareedyo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, oo aad ugu xanuunsanaya cudurka kansarka loo qaaday Dalka dibeddiisa. Saraakiil dhanka Sirdoonka ah ayaa u sheegay Idilnews in Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu u sahlay Kooxda Al-Shabaab inay hesho cadeymaha Hay’adda Socdaalka iyo Fiisaha lagu qaaday Cali Dheere oo haatan la geeyay Dalka Qatar. Xogaha Sirdoon ee la xariira xanuunka Cancer-ka ee ku dhacay Af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere iyo qaadistiisa Qatar, ayaa sii kordhayay maalmihii ugu dambeeyay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab iyo DFS oo ku aadan xanuunka Cali…

Read More

Xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa wajahaya dhaliilo xoogleh markii Xulka Qaranka uu Xalay guul darro kala kulmeen dhiggooda Oman kulankoodii ugu horreeyay ee Tartanka FIFA Arab Cup. Kabtanka Xulka Qaranka ayaa laga soo xigtay in Muddo 18 bilood ah wax tababarro ah aysan qaadan, Balse labadii maalmood ugu dambeysay ay 2-jeer tababar sameeyeen. Guddoomiyaha xiriirka ayaa horay loogu eedeeyay wax isdaba marin, Lunsasho dhaqaale iyo eedo la xiriira habka loosoo xulo ciyaartoyda Qaranka ku matalaya tartamada caalamiga ah. Wasaaradda Ciyaaraha ee Soomaaliya ayaana la filaya talaabada xigta ee ay qaadi doonto.

Read More

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Duqa degmada Gaalkacyo, xubno ka socday Madaxtooyada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo safiirka Ethoipa ay u magacawday Soomaaliya ayaa galabta ka soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo. Masuuliyiinta ayaa sahmin iyo kormeer ku sameeyay qaybaha burbursan ee Garoonka, iyagoo sheegay inay dayactir ku samayn doonaan.

Read More

Qaar kamida Golaha Wasiirada Puntland,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cabdi Yare} Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland,Gudoomiyaha Xuquuqul insaan Puntland iyo Saraakiil kamida Booliska ayaa ka qayb galay munaasabad lagu furayay shirka kuwaas oo isaga kala yimid Gobolada Puntland. Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cabdi Yare} wuxuu saraakiisha ku booriyay inay si wanaagsan uga qayb qaataan Shirka dib u eegista Manhajka Booliska Puntland oo muhiimad gaar ah u leh Booliska. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Puntland Cabdullaahi Cabdi Salaan iyo Masuuliyiintii Dowlada ee munaasabadda ka hadashay ayaa Saraakiisha ku la dardaar may inay kamira dhaliyaan…

Read More

Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay shir u dhexeeya Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda, Madaxa hay’adaha Dowlowliga ah, agaasimayaasha Maamulka iyo lacagta iyo Agaasimayaasha shaqada iyo shaqalaha ee Wasaaraddaha iyo hay’adaha Dowliga ah ee Dowladda Puntland iyo gudiga dib-u-eegista iyo tirakoobka shaqalaha ee uu magacaabay madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Shirka ayaa lagu soo bandhigay xogaha iyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta, tirakoobka iyo qiimaynta shaqaalaha rayidka ah ee hada shaqada ku jira ee Puntland u diwaangashan waxaana lagu gorfeeeyey sidii sare loogu qaadilahaa aqoonta, xirfadaha iyo sare u qaadista xuquuqda shaqaalaha rayidka. Shirka saacado badan qaatay ayaa la…

Read More

Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista si loogu bilaabo tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen. Guddoomiyaha  Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa sheegay in mudo todobaad ah uu Guddiyada tababarka u socon doono kadibna ay iska dhex dooran doonaan Guddoonkooda. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha in intaasi kadib ay guda geli doonaan howlhoda doorashooyinka, iyaga oo ka bilaabi doona degaannada dowlad Goboleedyada dalka kajira iyo Gobolka Banaadir si loo qabto doorasho loo dhan yahay. Abuukaate…

Read More

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha Dowladda Puntland, sida wasaaradda Arimaha gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada, Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Safiirka ayaa xarumahaas ku soo arkay horumarka dowladda Puntland ay ka gaartay hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxana wasiiradii halkaasi ku soo dhaweeyay ay tuseen siyaasadaha iyo agabka kale ee wasaaraduhu leeyihiin iyo horumarka ay sameeyeen mudada ay jireen iyo guud ahaan siday ugu diyaarsan yihiin ka qayb qaadashada…

Read More

Baarlamaanka Sweden ayaa kalsoonidii kala laabtay raisal wasaare Stefan Lofven kadib markii Mooshin la horgeeyay baarlamaanka. Guud ahaan 181 ka mid ah 349 mudane ayaa u codeeyay mooshinka, 51 ayaa ka aamustay. Waa markii ugu horeysay taariikhda Sweden ee raiisul wasaare lagu rido codeyn noocan ah. Hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa heysta mudo todobaad ah inuu is casilo ama uu ku dhawaaqo doorasho deg deg ah. Go’aanka ayaa yimid kadib markii khilaaf ka dhashay xakameynta kirada ay keentay in xisbiga Bidixda ay ka laabtaan taageeradooda isbaheysiga. Natiijadu waxay ka dhigan tahay burbur ku yimid dowladdii isbahaysiga tirada yar ee Sooshal…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 4 Guddi oo kala ah:- Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPLGuddiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada DPLGuddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPLGuddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog-ururin…

Read More

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xange oo uu wehelayo Agaasimaha guud ee wasaradda Sharmaake Xasan Cali ayaa saaka kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Save the Children. kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd caawinta dadka taagta daran.mashruuca wayn ee ILED oo uu maalgaliyo midowga yurub qaybtiisa caawinta dadka taagta daran ayaa waxaa Puntland ka fulin doonta Hay’adda Save the Children. Intii uu kulanku socday ayaa laga wada hadlay sidii shaqadda Save the Children loo waafajin lahaa qorshayaasha hormarineed ee dhinaca caawinta dadka taagta daran ee dawladda Puntland u degsan.

Read More

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland ka furmay shirka madasha horumarinta Beeraha Soomaaliya oo ay kumidaysanyihiin wasaaradaha Beeraha ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Beeraha ee dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ah iyadoo shirkan ay kasoo qaybgaleen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Beeraha. Madasha oo ay si wadajir ah u fureen agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland waxaa xooga lagu saarayaa sidii loo midayn lahaa howlaha shaqo, mudnaansiinta, iskudabaridka iyo xiriirka ka dhexeeya madasha taas oo looga gol…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa hoygiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii shalay soo gaaray Magaalada Garoowe. Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland iyo Safiirka Dalka Itoobiya ayaa looga hadlay adkaynta Iskaashigga u dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, Iskaashigga amaanka xuduuda dheer u dhexeysa labada Dal.

Read More

Booliska Nigeria ayaa dilay 14 dabley ah kadib markii ay weerar hubeysan kusoo qaadeen saldhig boolis oo kuyaala bartamaha gobolka Benue ee dalka Nigeria, sida ay baahisay Warbaahinta dalkaas. Afhayeen u hadlay booliska Benue, Catherine Anene, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in koox dabley ah oo tiradooda lagu qiyaasay 50 ay weerar ku soo qaadeen saldhig boolis oo ku yaal magaalada Katsina-Ala ee gobolka, si ay u sii daayaan qaar ka mid ah Kooxo burcad ah. “Hawl-wadeennada qaybta bilayska, oo markii horeba heegan ahaa, ayaa dagaalyahannada la galay dagaal culus,” ayay tiri Anene, iyada oo intaa ku dartay…

Read More

Doorashadii 6-aad ee guud ee Itoobiya ayaa ka bilaabatay subaxnimadii hore ee saaka meelo badan oo dalkaas, marka lag reebo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Dadweyne farabadan ayaa buux dhaafiyay goobaha codbixinta laga bilaabo subaxa hore, waxayna sugayeen markooda si ay uga qeyb galaan howlaha codbixinta taariikhiga ah. Dadka ku nool magaalooyinka Jimma iyo Agaro ayaa durba bilaabay inay codkooda dhiibtaan iyadoo degmooyin badan ay durba albaabada u fureen codbixiyeyaasha. Codbixiyaasha magaalooyinka Adama iyo Debre Birhan iyo Waqooyiga Shewa Zone ayaa bilaabay inay dhiibtaan codkooda. Boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku nool magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid yihiin…

Read More

Maanta oo ay tariikhud tahay 20ka June, 2021 waxaa dunida oo dhan laga xusay maalinka Caalamiga ah ee qoxootiga aduunka waxaana meelaha laga xusay kamid ah Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Maalinkan oo loo aqoonsaday maalin la muujiyo dhibaatooyinka iyo xasaradaha muwaadiniinta ku qasbay inay dalalkooda ka haajiraan iyadoo la isku baraarujiyo ahmiyada ay leedahay in dhibaatooyinka gudaha dalalka ka jira wax laga qabto si loo yareeyo dadka dalalkooda ka barakacaya. “ Waxay maanta oo kale Ina tusaysaaa fursad weyn oo aan ku xalin karo dhibaatooyinka dalkeena ka jira si aan usoo ceshano boqolaalka kun ee qoxootiga…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xalay kusoo dhaweeysay Dekedda magaaladda Boosaaso Qaxooti Yemeniyiin ah Iyo Soomaali dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo kasoo cararay colaada ka holcaysa weli Dalka Yemen. Qaxootigan oo tiro ahaan gaaraya 80 Qoys ayaa u badan Haween iyo Carruur, waxaana loo gudbiyay xarumo ay Wasaaraddu gacanta ku heyso oo dib u dajin loogu sameyn doono. Imaanshaha Qaxootiga ee magaaladda Boosaaso ay kusoo aadaysa xilli Axadii Adduunka looga dabaal-degayay maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga. Waxaana Puntland ay kamid tahay meelaha xuskan lagu qabtay.

Read More

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa bilowday olale balaaran oo gudaha Caasimadda Puntland looga aruurinayo ariga lagu soo daayo. Olalaha ayaa la sheegay in looga gol’leeyahay sidii loo dhireyn lahaa waddooyinka Caasimadda Puntland ee Garoowe. Duqa magaaladda Garoowe Hon: Ahmed Said Muse, oo ka hadlayay olalaha lagu aruurinayo Ariga magaaladda ayaa yiri “Qofkii xoolaha xeraysan waaya, waa loo xeraynayaa. Kii dhaqan waaya waa loo dhaqayaa. Kii haysan waaya waa loo haynayaa”.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiinta mu’asasada Ummah ee dacwada waxbarashada iyo hormarinta bulshada. Masuuliyiinta ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sidii uu u garab taagan yahay tartanka quraanka kariimka ee Magaalada Kismaayo oo Madaxweynahu uu ku bixiyo abaalmarino kala duwan. Tartankan oo sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisa Wasaarada Cadaalada Owqaafta iyo arimaha diinta.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii uu markale dib loo doorto la dhamaystirayo dastuurka qabyada ah isla markaana shacabka looga qaadi lahaa afti. Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa bartiisa facebook soo dhigey qoraal uu ugaga hadlayo sanadguurada lixdanaad ee ku beegan maalintii shacabka Soomaaliyeed ay ansixiyeen dastuur. Qoraalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan; Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 20June1961. Waxa uu ahaa mid kamid ah…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha. Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta. Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta…

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala saxiixday magaaladda Muqdisho heshiis ay Labada dal isku dhaafsanayaan Kalluun iyo Qaad, iyadoo diyaaradaha qaadka ka keena Itoobiya ay Kalluunka qaadi doonnaan. Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ayaa Garoonka Aaden Cadde ku kala saxeexday heshiishkan, waxaana isla maanta Dawladda Soomaaliya ay u dhoofisay Itoobiya labaatan kun oo Tan oo Kalluun ah. Heshiiska ayaa waxaa horey u gaaray Puntland iyo Itoobiya. Ganacsatada Puntland ayaana haatan Kalluun fara-badan geysa Dalka Itoobiya. Idilnews

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday inay qaado dhaawaca Col. Saney Cabdulle, oo kamid ahaa Askartii iyo saraakiishii ku dhaawacmatay weerarkii ay jimcihii ku qaaday Kooxda Al-Shabaab saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lee yihiin Deegaanka Biyo Cadde ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Ehelada iyo Siyaasiyiinta Beesha uu ka dhashay Col. Saney Cabdulle ay ka horyimaadeen qorshe ay waday DFS, kaas oo ahaa in Saney lagu daaweeyo Isbitaalka Digfeer ayna gacanta ku heyso xaaladiisa Caafimaad Dowladda. Ehelada iyo Siyaasiyiinta Beesha ayaa u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf in aysan…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 4 Guddi oo kala ah:- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha. Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Read More

Israel ayaa maanta cambaareysay doorashada Ebrahim Raisi ee madaxweynenimada Iran, ayada oo sheegtay in taliskiisu noqon doono “mid arxan darran oo dadka daldala,” oo aysan aheyn in quwadaha caalamka ay kala xaajoodaan heshiis Nukliyeer. Raisi, oo ay saaran yihiin cunaqabteynada Mareykanka sababo la xiriira xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah, ayaa Sabtidii guul ka garaay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday, sida la filayey. Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet oo maanta qabtay kulankiisii ugu horreeyey ee golaha wasiirada ee taleefishinka laga baahiyo tan iyo markii uu talada qabtay toddobaadkii tegay, ayaa soo bixitaanka Raisi ku qeexay mid uu suurta-geliyey hoggaamiyaha sare…

Read More