Madaxweynaha Uganda Yowreri Museveni ayaa jimcihii soo saaray tallaabooyin cusub oo looga hortagayo Coronavirus oo ay ka mid tahay mamnuucidda dhammaan socodka gawaarida, marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah si ay gacan uga geystaan xakameynta mawjadda labaad ee COVID-19. Waddanka bariga Afrika ayaa sida dalal kale oo Afrikaanka ah waxaa dul maray mowjaddii hore ee xanuunkan, waxaase si lama filaan ah si weyn kor ugu kacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddib markii masuuliyiinta dalkaas ay xaqiijiyeen inuu soo gaaray bishii hore nuuca xanuunka ka soo billowday India. “Dalka waxaa la soo gudboonaaday koro ka sii daraya ee…
Author: Jibril Qoobey
Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa amray laamaha Amniga Puntland inay galaan heegan buuxa, si loo xaqiijiyo Amniga deegaanada Puntland. Gen. Yaasiin Cumar Dheere oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Amniga Boosaaso uu aad wanaagsan yahay, loona baahan yahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka Argagixisada. Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka hadlayay kormeer wadajir ah oo ay sameeyeen Wasiirka Amniga Puntland iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waaa la sheegay inay sameeyeen howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay Saddex jeer weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay, habeenkii xalay, waxaana halkaasi ka dhacay daga xoogan oo muddo saacado ah socday. Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay inAl-Shabaabkii weerarka soo qaaday halkaasi looga dilay 24 xubnood oo halka tiro intaasi ka badan looga dhsawacay. Sidoo lale Afhayernka waxaa uu sheegay in dagaalka ay sidoo kusoo furteen hub…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu. Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud iyo in Turkiga uu kordhiyo tababarka uu siiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa xilligaan…
Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari. Howlgallada ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in sigar ah looga sameeyay dhulka Buuraha ah ee Cal-miskaad iyo Calmadow, halkaas oo ah Xarumaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab & Daacish. Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in meelaha ay howlgallada Ciidamada ka sameeyeen ay aheyd Goobihii ugu weeynaa ee Al-Shabaab & Daacish ay hubka iyo Agabka kale ay ku xareysan jireen. Wasiir Gallan ayaa xusay in Ciidammada Puntland ay ka guuleysan doonaan cid kasta oo isku dayda…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa saaka kormeeray Ciidanka Booliska Gobalka Bari ee ku sugan Dekedda magaaladda Boosaaso iyo qeybo kale oo kamid ah saldhigyada Booliska. Kormeerka ayaa la xariiray u kuurgalida u diyaarsanaanta Ciidanka ee xaqiijinta Amniga magaaladda Boosaaso. Waxaana Wasiirka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixinayay Xarumaha ay boqdeen wafdigaan ayaa mid mid uga warbixinaayay amaanka iyo sida ay ciidamada ugu diyaarsan yihiin sugida amniga guud ee Gobalka Bari. Wasiirka…
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Wasiirki hore ee Amniga Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo safarkii u horreeyay kaga ambabaxay Muqdisho tan iyo markii bishii March uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka C/rashiid Janan ee Addis Ababa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere oo ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii C/rashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo uu u tagay Addis Ababa, halka warar kalena sheegayaan in arrimo Baasabor uu u tagay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Madaxweyne Laftagareen ayaa kulan la qaatay Maamulka, Waxgaradka iyo Bulshada degmadda Waajid, kuwaas oo uu kala hadlay xaaladooda Nolaleed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday aroortii hore ee saaka Xero ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lee yihiin deegaanka Biyo-cadde oo 45-KM dhanka Bari kaga beegan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkan uu ku dhaawacmay Col Saney Cabdulle oo ka mid ahaa saraakiisha hogaaminaysay ciidamadii ka soo horjeestey muddo kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 17 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdisiciid Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Godobjiraan.Waxaa Axmed Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD
Garoowe: 17 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ganacsatada Puntland. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa daba socda Shirar Ganacsatada iyo Dowladda xalay iyo maanta uga socday Garoowe, waxaana uu ujeedkiisu yahay xoojinta wadashaqeynta Dowladda iyo Ganacsatada si wadajir looga shaqeeyo horumarka Puntland.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuu ahaa dubbihii loo adeegsaday in lagu dhibatooyo markii uu Xafiiska joogay. “Qoorqoor wuxuu ahaa Dubbihii la ii adeegsaday saddexdii sano ee aan Galmudug joogay, aniga uma maleyn maayo in Qoorqoor hada leeyahay Axmed Ducaale kama qeyb geli karo doorashada, laakiin cid waa la jecel yahay Waa jirtaa, 2016 wixii ka dhacay Cadaado haddii ay soo laabtaan Yowmul qiyaama ka dhacaya Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Dawladda Turkiga ayaa dib u dhisaysa masaajidka qaddiimiga ah ee Al-Nejashi oo ku yaala waqooyiga gobolka Tigray, kaasi oo burbur laxaad leh ay u gaysteen iska hor imaadkii dhex maray TPLF iyo xukuumadda Abiy. Masaajidka Al-Nejashi waa kii ugu horreeyay ee laga dhisay Itoobiya qarnigii toddobaad, waxaana dhisay Saxaabadii Nebi Muxamed NNKHA ka dib markii ay ka soo haajireen magaalada barakaysan ee Makka, iyaga oo soo dhoweyn weyn ka heley boqorkii xukumayey xilligaasi Itoobiya Axmed Najashi oo loogu agac daray masaajidka. Dhawr madfac oo ku dhacay masaajidka bishii November ayaa burbur weyn gaadhsiiyey. Hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ayaa Arbacadii…
Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Aamina Cismaan Xaaji, ayaa sheegay in Gudniinku uu Haweenka u geysto dhibaatooyin farabadan. Wasiir Aamina ayaa xustay in marka Haweenka la gudo ay sahlan tahay inay ku dhacaan cudurada, sida HIV Aids, ayna tahay sababta ka dambeysa in la joojiyo. Wasiirrada Caddaaladda iyo Caafimaadka ayaa iyana arrintan ka hadlaya culimadana farriin kale u diray.
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo maanta ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Farmaajo oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirka lagu martiqaaday. Ka baaqashadiisa shirkaas ayaa sabab looga dhigay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan Ciidamada loo diray Eritrea oo waalidiintooda ay dalbanayaan in ilmahooda xaalada ay ku sugan loo sheego, maadaama war iyo wacaal laga heyn in muddo ah. Dowladda Qatar iyo Turkey ayaa wadajir uga shaqeynayay in iyagoo ka faa’ideysanaya shirka Antalka…
Af-hayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu aad ula daala-dhacayo cudurka Cancer-ka oo haleelay, sida ay muujinayan xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heshay Idilnews. Wararka ayaa sheegaya in Cali Dheere uu xanuunka ku dhacay dhowaan, waxaana todobaad kahor xaalad caafimaad loo geeyay mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho. Cali Dheere oo muddo dheer ahaa Af-hayeenka Al-Shabaab ayaa marar badan la sheegay inay geeryooday kaddib dagaalo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Balse wuxuu dib uga soo muuqday Warbaahinta ku hadashay afka Kooxda. Saraakiil kamid ah Sirdoonka Soomaalida ayaa sheegay inay heleen xogo lagu kalsoonaan karo oo tibaaxaya in Cali Dheere…
Garoowe : 17 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Waxbarashada, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha Dowladda iyo qodobo kale.
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay. Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka. Guddiga SEIT 1- Yahye Cismaan Gedi2- Mahad Abdullahi Mahamud3- Hawo Adan Yare Culusow Guddiga Xalinta Khilaafaadka 4- Ayan Abdirahman Mahamud Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Puntland. Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 48-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Baarlamanku. Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 48-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay…
Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay u soo dirayso hawlwadeeno caafimaad Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland. Qorshahan ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashiga caafimaadka ee Taiwan iyo Somaliland qalinka ku duugay Arbacadii, sida lagu sheegay bayaanka, oo la soo saaray xafladda saxiixa ka dib. Howlwadeenada ayaa la geyn doonaa Isbitaal ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa si loo siiyo tababaro shaqaalaha caafimaadka ee maxalliga ah isla markaana gacan looga geysto kor u qaadista awoodda daryeelka caafimaad ee dhulkaas, ayaa lagu yiri qoraalka Heshiiska “wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna iyo bahwadaageenna inay kor u…
Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka bilaabaya Degmooyin iyo deegaano kamid ah Gobalka Sanaag. Howlgalka oo ay fulinayaan Ciidammo cusub oo kamid ah Booliska Puntland oo shalay gaaray magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ka dhan ah falalka Ammaan-darro iyo ka ganacsiga maandooriyaha, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Amniga Puntland. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani, ayaa ugu baaqay Shacabka Gobalka Sanaag inay la shaqeeyaan Ciidanka cusub ee Booliska si loo adkeeyo Amniga Gobalka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Ehelada Rag katirsan Al-Shabaab oo maalin kahor ay xukun dil ah ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Puntland. Saraakiil kamid ah Sirdoonka Puntland ayaa u sheegay Idilnews in Kooxda Al-Shabaab ay ku wargeliyay Ehelada Ragan xukuman inay si deg deg ah u yimaadaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Lama oga ujeedada Al-Shabaab ugu yeertay Ragan oo lagu helay inay ka dambeeyeen falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo muddo 13 sanno ah. Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa dhowaan uga digay Beelaha Gobalka inay xiriir iyo heshiis la…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab. Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furimo kala duwan. Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka. Dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wadey hawlgallo balaaran qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku…
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal. Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa…
Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada dawlada Puntland ayaa kulan la qaatay madax sare oo ka socotay hay’adda cunada iyo Beeraha Aduunka ee FAO. Shirkan waxaa shirgudoominayey wasiir kuxigeenka wasaaradda Marwo. Seynab Ismaaciim Maxamed “Tiimbiye” waxaana ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimaha waaxda badbaada Beeraha Cabdulqaadir Cali Samatar iyo agaasimaha waaxda maamulka Faarax Maxille, iyadoo dhanka FAO ay ka qaybgaleen shirka masuuliyiinta xafiiska Soomaaliya iyo kan Puntland ee hay’adda. Waxaa kulanka looga hadlay wada shaqaynta Istaraatijiyadeed ee hay’adda iyo wasaaradda, hormarinta waxsoosaarka Beeraha ee Puntland, howlgalka la dagaalanka…
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa kawada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda labada Dowladood ayaa lagu faah-faahiyay diiradda la saaro arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya. Labada wasiir ayaa muujiyay muhimada ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.
Garoowe : 16 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Ganacsatada Puntland. Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada horumarka dalka ka socda iyo guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha , Arrimaha Bulshada iyo Tayeynta Hay’addaha Dowladda. Wuxuuna ku booriyay in ay iyana doorkooda ka qaataan. Ganacsatada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay Shaqada wanaagsan ee socota iyo isbedelka dhabta ah ee muuqda. Waxayna la wadaageen Madaxweynaha inay diyaar u yihiin wixii doorkooda ah inay sii laba jibaaraan ka qeyb qaadashada horumarka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland oo ay diyaarisay isla markaana daabacday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Buugta Waxbarasho oo ku qoran saddex luuqadood ( Soomaali, English iyo Carabi) ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka laga hirgeliyo waxaana dhameystiran oo maanta la daahfuray Fasalka koowaad illaa Afraad, iyadoo hadana la bilaabay diyaarinta iyo daabacaada Dugsiga Dhexe. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, isagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in lagu guuleystay diyaarinta iyo daabacaada wejiga koowaad ee Buugta Waxbarasho, madaama dugsiga hoose yahay asaaska waxbarasho…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa ku martiqaaday Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Safiirka Turkiga kaalinta dowaddiisa ka qaadaneyso dib u soo kabashada Soomaaliya, isla markaana Turkigu yahay saaxib garab taagnaa Soomaaliya xilliyo adag.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlay shaqo la’aanta laga cowdo deegaannada Puntland ayaa sheegay in aysan jirin shaqo la,aan ka jirta Puntland balse loo soo shaqo tago. “Dadku ma shaqo la’a ee waa ma shaqaystayaal, xataa kuwa hadda dowladda u shaqeeya, waxay jecel yihiin mushaarka iney qaataan oo hoteelada iska fadhiyaan oo ka sheekeeyaan, markaas bay ku leeyihiin Dowladda baararka lagu haystay oo ka difaacaynay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Guddigii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee la soo eedeeyay. Guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa. Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare taasi oo loogu talagalay inay noqoto qeybta Imtixaanaadka ee Wasaaradda. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, la kala wareegista dhismaha oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda iyo Hay’adda kala shaqeysay ee Save The Children, wuxuuna Madaxweynuhu abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiintii iyo Howl-wadeenadii shaqada qabtay. Idilnews
Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, ayaa Tababar u soo Xirey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60-aad. Munaasabadda xiritaanka Tababarka Ciidanka cusub ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo Dowladda UK oo bixisa Tababarka iyo saanada Ciidankan. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambs James Swan, oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD. kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.
Dowladda Puntland ayaa Ciidammo cusub oo Boolis ah geeysay degmadda Badhan ee Gobalka Sanaag, kuwaas oo sameyn doona howlgallo lagu xoojinayo Amniga. Ciidammada oo wata oo Gaadiid loogu talagalay Booliska ayaa tiradoodu gaaraysa ilaa 100 Askari. Waxaana kusoo dhaweeyay magaaladda Badhan, Maamulka Gobalka Sanaag, kan degmadda Badhan, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale. Ciidanka cusub ee la geeyay degmadda Badhan ayaa kamid ah Boolis uu dhowaan tababar u soo xiray Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Idilnews
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankii labaad ee Kalfadhigga 48-aad ee Golaha ayaa Ansixiyay Ajandaha rasmiga ah 48-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono. Kulanka oo uu Shir-guddoomiyey Af-hayeenka Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril, ayna soo xaadireen 49 Mudane, ayaa Xildhibaanadu mid mid ugu codeeyeen qodobada uu ka kooban yahay Ajandaha. Idilnews
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale. waxaana kulanka lagaga hadlayay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu…
Tababaraha kubadda cagta ee Soomaliya Salif Abdulladiif oo dhawaan heshiis u saxiixay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya si uu u leeliyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa shaqadii laga eryay. Lama oga sababta keentay in shaqada laga eryo Salif Abdulladiif oo u dhashay dalka Morocco, Wararka ayaana sheegaya in Tababaraha lagu eedeeyay Anshax xumo, waxaana maalmihii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imanayay maamulka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya. Xulka Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Djibouti ayaa u diyaar garoobaya tartanka FIFA Arab Cup ee lagu qaban doono dalka Qadar iyagoo 20-ka bishan June la cayaari doona dalka Cumaan, waxaana xulka Soomaaliya…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaaladda Kismaayo ee xarunka KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Rooble ayaa kulanka kula yeelan doona magaaladda Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan waxa ilaa hada ka qabsoomay heshiiskii Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan qodobadii la xariiray arrimaha Gobalka Gedo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul Wasaare Rooble uu safarkiisa uga gol lee yahay waqti lumin iyo in uu si jiitamo waqtiga doorashada. Wararka ayaana intaas ku dari doona in Rooble uu tagi doono…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta daah-furaya soo saarista Buugaagta cusub ee dugsiyada hoose ee Puntland (1 – 4), kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Buugaagta cusub ee fasalada 1-aad ilaa 4-aad ee dugsiyada hoose ee Puntland ayaa ka kooban ilaa 1 Malyan oo Buugaag ah, kuwaas oo isugu jira Buugaagta Ardayda iyo kuwa Macalimiinta. Idilnews
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka hadlay xaalada Amni ee magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyo Maxkamadeynta xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab oo ka socota Gaalkacyo. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Ciidammada Amniga Puntland ay soo afjareen 2 Shabakadood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka badan 13 sanno dilal iyo Qaraxyo ka geysanayay magaaladda Gaalkacyo. Waxaa uu xusay in Shabakadahan oo ka koobnaa 34 xubnood, 18 kamid ah lasoo tagay Maxkamad, xukun dil ahna lagu riday 17 kamid ah. Isagoona intaas ku daray in dadka la qabtay badidood ay dhaqaale u galeen Al-Shabaab. Ugu dambeyntii,…
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 7aad ee, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdheer, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in howlgalka qasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 9-katirsan Al-Shabaab tiro kalana ku dhaawaceen. Sidoo kale waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii qarax shalay lala begsaday Dhalnyaradii loo qrayay Ciidannimada ee ka dhacay Afaafafka hore ee Xerada Nacnaca. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster. Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka oo qorsheysan in laga sameeyo degaannada Hir-Shabeelle. Madaxweynaha ayaa la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga shabeelle isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hir-shabeelle. Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay kula wareegeen Taliskii Ururka Al-Shabaab ay ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Ciidammada PMPF ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalkooda ku qabteen Saanad hub ah, walxaha Qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal kooxda Al-Shabaab ay u isticmaali jireen dhibaateynta shacabka Puntland. “Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF. Taliska Ciidamada…
Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Talaadadii furay Kalfadhigga 48-aad ayaa soo bandhigay waxqabaadka Xukuumadda uu hoggaamiyo mudadii u dhexeysay Labada Kalfadhi ee 47-aad – 48-aad. Amniga Soo afjarida 2 Shabakadood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka badan 13 sanno dilal iyo Qaraxyo ka geysanayay magaaladda Gaalkacyo. Shabakadahan oo ka koobnaa 34 xubnood ayaa 18 kamid ah lasoo tagay Maxkamad, waxaana xukun dil ah lagu 17 kamid ah. Waxaa Tababar loo soo xiray 7 dufcadood oo kamid ah Ciidanka Puntland, kuwaas oo kala ah 4 dufcadood oo Daraawiish ah, 3 dufcadood oo Boolis ah. Sidoo kale…
Kulan ka dhan ah Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Kulanka oo u dhexeeyay Wasiiro kamid ah Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS iyo Asad Osman Abdulahi (Asad Diyaano), ayaa looga hadlay sidii khalkhal siyaasadeed looga abuuri lahaa deegaanada Puntland, si xubnaha ay fursad ugu helaan inay dib ugu soo laabtaan kuraas Xildhibaanada ee Beelahooda. Idilnews ayaa heshay xog sheegeysa in kulanka oo ay dabada ka riixayeen Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, lagu go’aamiyay in la iska horkeeno Xukuumadda Siciid Deni iyo Beelaha Puntland, si…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda u amba-baxo dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb galayo Madasha Diblomaasiyada Antalya. Farmaajo ayaa magaalada Antalya kula kulmi doona Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, sida ay Idilnews u sheegeen ilo-dublamaasiyadeed oo ku dhow safaaradda Turkiga ee Muqdisho. Socdaalka Mohamed Abdullahi Farmaajo ee Dalka Turkiga ayaa waxaa dabada ka riixaysa Dowladda Qatar, taas oo dooneysa inay heshiis ku aadan arrimaha Badda lagu muransan yahay, dhex dhigto Farmaajo iyo Kenyatta. Shirka uu Farmaajo uga qeybgalayo magaaladda Antalya ayaa ah mid heer Wasiir Arrimo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Garoonka kubadda Cagta Garoowe ee Mire Awaare. Madaxweynaha ayaa sidoo kale furay Horyaalka kubadda cagta ee Puntland oo ay ku tartamayaan 9 Kooxood oo heerka kowaad ah, taasi oo galabta lagu bilaabay Kooxaha Boosaaso FC iyo Garoowe FC oo ciyaartii koowaad ku dhameystay barbardhac Labo iyo Labo ah. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen guddigii dhismaha garoonka Mire Awaare wuxuuna guddoonsiiyay Abaalmarin, isagoo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dhismaha garoonka . Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay kooxaha ka qeybgalaya…
Madaxweynaha Hirshabelle Ali Guudlawe Hussein, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Muqdisho Safiirka Dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Kulanka ayaa looga hadlay xal u helida Arrimaha Fatahaadaha, Amniga iyo fulinta Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabeelle. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka guuleystay ee laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha shaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya. Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, ayaa daahfuray Talaalka Senopharm oo ah mid looga hortago Cudurka COVID-19 oo Dalka ay soo gaarsiisay Dowlada China. Idilnews
Horyaalka Kubadda cagta Puntland ee kooxaha heerka 1-aad ayaa maanta furmaya, Waxaana ciyaarta ugu horeysa ku kulmi doona kooxaha Garoowe City iyo Boosaaso FC. Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa la filayaa inuu furo Tartanka oo ay isku arki doonaan 9 kooxood oo ah, kooxaha heerka 1-aad ee Puntland. Idilnews
Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadlay xaalada Dekedda Boosaaso iyo halka uu ka dambeeyay heshiis balaarin Dekedda ee ay Puntland la gashay Shirkadda P&O. Madaxweyne Deni oo ka hadlay furitaanka Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay inuu joojiyay dhaqaale si gaar ah ugu dhici jiray Shirkadda P&O oo mataano la ah Shirkadda DP World, taas oo soo dadajisay in la furo wada hadal dib loogu eegayo heshiiskii shirkaddu kula wareegtay Dekedda ee dhacay 2017, kaas oo dhowaan soo dhamaaneysa. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in 20 – 22 bishan ay soo gaarayaan Dekedda Boosaaso xafaarado lagu…
Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Kenya Golaha Ammaanka taasoo la xiriirta duqeyn Ciidanka Kenya ka geysteen ee Gobolka Gedo. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa u gudbiyay caddeymo muujinaya in Haween iyo carruur waxyeelo ku gaartay duqeynta diyaaradaha Kenya. Abuukar Baalle Danjiraha Soomaaliye ee Qaramada Midoobay ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruur iyo haween. Waxa uu danjiraha Soomaaliya ee…
Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lala beegsaday koox dhalinyaro ah dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Milateriga Soomaaliya. Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa uu isku dhex qarxiyay dhalinyaradan xilli ay safaf ugu jireen in loo qoro ciidan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in goobta laga qaaday in ka badan maydka 10 dhalinyaro ah iyo dhaawac intaas ka badan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News
Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta furmaya, Waxaana furi doona Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni sida uu qabo Dastuurka Puntland, kaas oo ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada Dalka, sida Doorashooyinka. Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada ayaa imaanaya xilli lagu wado inuu Madaxweynaha Deni Isbedel ku sameeyo xubno katirsan Golaha Wasiirada. Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa caawa ka qayb-galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 15-arday oo dhameysatay waxbarashada heerka 2aad ee Jaamacada Asian University ee Dalka Bangaladesh. Ardayda qalinjabisay waxaa kamid ah Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada AVV. Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye iyo Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xidig Warsame. Munaasabada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Waxbarshada iyo Tcaliinta sare mudane, Cabdulaahi Maxamed Xassan, Wasiir kuxigeenno, Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiilladda, Wakiillada Jaamacada ee xafiiska Puntland, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. Guddoomiyaha Baarlamanka oo kalmad ka jeedisay xaflada qalinjabinta…