Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa furi doona berri oo talaado ah Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, isagoona ka jeedin doona khudbad ku aadan marxalada Dalka, sida uu qabo Dastuurka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah khudbadiisa diirada ugu saaro xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, sida Arrimaha Doorashooyinka iyo waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa. Jibril Qoobey
Author: Jibril Qoobey
Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 17 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilalkii iyo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 13 sanno ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabdirisaaq Axmed Buraale xabsi daa’im. Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin Horjoogayaashi ugu sareeyey ee go’aamin jirey Dilalka iyo Qarxyada magaalada Galkacyo,12 kale ayaa ahaa kuwi dilalka fulin jirey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta warbixin ka dhegaystay guddiga dib-u-habeynta shaqaalaha iyo guddiga kasoo shaqeynayay kordhinta mushaharaadka. Labada guddi ayaa la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomay iyo meesha uu marayo qorsheyaasha dib-u-habeynta shaqaalaha iyo kordhinta mushaharaadka oo labadaba wax badan laga qabtay.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayna ka mid yihiin isku-uduwaha amaanka Goobaha shqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.
Ziona Chana oo ahaa Ninka dhalay Qoyska ugu balaaran dunida ayaa geeryooday, kaddib muddo uu la xanuunsanayay xanuunada macaanka iyo dhiigkarka. Chana oo dhintay isagoo 76 sanno jir ah, ayaa u dhashay Dalka Hindiya, waxaana uu dunida uga tagay 38 Xaas, 89 carruur ah oo uu dhalay iyo 36 carruur ah oo uu u yahay Awoowe. Geerida Ninka oo ay si weyn u hadal heyso Saxaafadda Caalamka ayaa waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Mizoram ee dalka Hindiya, oo ku noolaa. Idilnews
Gudiyadii Doorashada ee ay soo gudbiyeen Maamulada Hir-shabelle iyo Koonfur-galbeed,waxaa aad udhex xushay Farmaajo iyo Fahad. Inta badan Xubnaha Gudiyadaas labada Maamul,waxaa soo xushay kooxdaas,sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah. Kooxda Farmaajo iyo Fahad waxay hada ku dagaalamayaan Gudiyada Galmudug siday usoo xulan lahaayeen. Jibril Qoobey.
Qoor-qoor waxuu weli ku dhici la’a yahay soo gudbinta Gudigii Doorashada,waxaana culays weyn ka haystaa labada dhinac ee uu isku dayayo in uu isku wado. Kooxda Farmaajo waxay rabaan in Gudiyada Galmudug ay iyagu soo magacawdaan,sida Hir-shabelle iyo Koonfur-galbeed ay inta badan saamayn ugu yeesheen. Halka garabka kale ee iskugu jira Golaha Wasiirada Galmudug iyo Midowga Musharaxiinta ay si cad uga hor yimaadeen qorshaha Kooxda Farmaajo. Warar,ayaa sheegaya in hadii Qoor-qoor ku dhiirado fulinta rabitaanka kooxda Fahad iyo Farmaajo uu miiska saaran yahay Mooshin xilka looga xayuubinayo oo uu horboodayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas. Beesha caalamka dhankeeda waxay ku haysaa Qoor-qoor…
Sawirro laga soo qaaday Suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ee xarun ganacsiyeedka Puntland ayaa muujinaya baaxada khasaaraha ka dhashay dab xalay saqdii dhexe qabsaday Suuqa. Dabkan ayaa waxaa ku baaba’ay goobo ganacsi oo ka kooban 4 kamid ah bakhaarada waa weyn ee ganacsiga, 50 ilaa 60 ganacsiyo yar yar ah, Gaadiid iyo Lacag cadaan ah. Idilnews
Saraakiil sare oo kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni uu dib u dhigay isku-shaandheyn balaaran oo la sugayay inuu ku sameeyo xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo. Madaxweyne Deni ayaa 24 bishan sameyn doona magacaabis kooban, sida buuxinta Wasaaradaha aan Wasiirada laheyn iyo Agaasimayayaal Guud. Waxaana Isku-shaandheynta loo dib dhigay doorashooyinka Dalka kaddib. Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Deni oo labo sanno iyo bar jooga Xafiisyada, ayaa lagu tilmaamaa kuwii ugu liitay ee soo mara Puntland, iyagoo ku guuldareystay gadista Siyaasadda Xukuumadda ay kamid yihiin iyo qancin beelaha ay matalaan. Idilnews
Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen rag iyo haween uu sheegay iney dhalinyaro badan aay ka tahriibin jireen magaalada Muqdisho. Idilnews
Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa su’aal ka keenay Guddiga uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble baaritaanka cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtood laba sanno kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea. Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Guddiga, balse ay is weydiinayaan sababta loogu daray Guddiga Wasiiro iyo Saraakiil kamid ah Xukuumadda tabashada laga qabay, Waxaana ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Roble inuu soo magacaabo Guddi cusub oo lagu kalsoonaan karo.
Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda iyo habsami u socodka howlaha difaaca ku tagay deegaannada Buula Guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka. Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu Wasiir Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban…
Baarlamaanka Israel ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Ra’iisul Wasare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub. Naftali Bennett oo ka tirsan xisbiga Yamina, ayaa loo dhaariyay xilka Raiisul wasaaraha cusub. Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbi yar oo ayaa loo dhaariyey xilka ra’iisal wasaaraha kadib markii cod carriiri ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka. Bennett ayaa soo dhisayo xukuumad isku dhaf ah oo ay ka wada tirsan yihiin mucaaradka ugu saameynta badan Isreal. Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Israel oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa…
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa dhowaan yeelan doona Shirkii labaad ee Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Shirka oo loo ballansan yahay inuu dabayaaqada bishan June ka furmo magaaladda Kismaayo, ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka fulay heshiis 27-May lagu gaaray Muqdisho iyo caqabadaha kasoo laabtay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in kulanka looga doodi doono qodob cusub, kaas oo ah in doorashada lagu soo koobo hal deegaan Dowlad Gobaleed kasta, halka ay horey u ah Labo deegaan. Heshiiskii doorashooyinka ee ay 27-May gaareen Madaxda Soomaalida ayaa dhigayay in 60…
Dowladda Puntland ayaa ku guuleysatay in la damiyo Dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo geystay khasaare hantiyeed. Dabkan ayaa saameeyay 4 kamid ah guryaha waa weyn ee ganacsiga iyo 50 ilaa 60 kamid ah goobaha yar yar ganacsiga, sida uu laanta afka Soomaaliga ah ee BBC u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan. Guddoomiye Abwaan ayaa xusay in dabka oo ka dhashay koronto, lagu guuleystay in si deg deg ah loo damiyo.
Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqaysa xukunka kama dambeysta ah ee 18 xubnood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda darajada kowaad. Maxkamadda ayaa saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay waday dhageysiga Kiiska 18 xukumane, oo ay u doodayeen 7 Qareen oo qaarkood ka yimaadeen magaalada Muqdisho. Ciidanka Amniga Puntland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka magaalada Gaalkacyo.
Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano militari. Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon. Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin. “Haddii syanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo aysan na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,”…
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland (PISA) ee Gobolka Bari Marxuum Cabdixakiim Siciid Maxamuud, ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Boosaaso. Marxuum Cabdixakiim Siciid oo in muddo ah kamid ahaa Saraakiisha Hay’adda PISA ayaa door weyn ku lahaa sugida Amniga magaaladda Boosaaso. Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdixakiim Siciid Maxamuud “Marxuumka ayaa ahaa nin ka soo shaqeeyey Nabadgalyada Iyo xasiloonidda Gobolka Bari in muddo ahna ka soo shaqeeyay hay’ada nabad sugida ee PISA.” Jibril Qoobey
Dab xooggan ayaa goor-dhaweyd qabsaday qeybo kamid ah suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, iyadoona haatan ay bilowdeen gurmadyo lagu daminayo dabkan. Dabkan ayaa si gaar ah uga kacay Qeybta caanaha ee Suuqa. Ciidanka Booliska Puntland ayaa wada dadaalo. Jibril Qoobey
Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa Tababar ku aadan Habka Tebinta Wararka Baarlamaanka u furay 15 kamid ah Wariyeyaasha Puntland. Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Puntland, iyo Guddoomiyaha Ururka MAP ayaa ka qeybgalay furitaankii tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah.
Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo. Deegaanada ay ciidamada howl galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbir, Beerxaani, Libo Kuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose. Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay khasaaro xooggan u geysteen kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab. Dhanka kale waxay ciidamadu mid mid u baareen goobihii nabad diidka ay ka firxadeen oo gabaadka u ahaa. PDhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka…
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa waji gabax kala kulmay kulamadii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho, sida ay u xaqiijiyeen Idilnews ilo-dublamaasiyadeed. Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay 48 saac ee ugu dambeeysay Safiirada QM iyo Mareykanka ayaa ka dalbaday in loo soo fasaxo qeyb kamid ah dhaqaalaha, balse Labada Safiir ayaa u sheegay Rooble in aysan u muuqan howl doorasho oo ay kusoo daayaan dhaqaale. James Swan iyo Donald Yamamoto ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu dadajiyo magacaabista xubnaha Guddiyada farsamada Doorashooyinka, lagana ilaaliyo dib u dhac Doorashada iyo heshiiskii 27-May lagu gaaray…
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, ayaa weli laga sugayaa inuu soo bedelo xubnaha laga saaray Guddiyada farsamada doorashooyinka ee labada heer, kuwaas oo gaaraya 5 xubnood. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu ka dalbaday Madaxweyne Qoorqoor inuu u soo gudbiyo xubnaha Guddiyada ee matalaya Galmudug si uu u soo saaro Wareegtada magacaabista Guddiyada, loona gudagalo howlaha kale ee Doorashooyinka. Qoorqoor oo si hoose ugu xiran Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa horey u sheegay inuu ka maqan yahay Dalka, uuna bedeli doono xubnaha Guddiyada ee lagu soo celiyay marka uu soo laabto. Wararka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa maanta la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Labada dhinac ayaa ka wada arrimo kala duwan sida doorashooyinka heer federaal ee dhowaan la filayo inay dhacaan, la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha bani’aadanimada.
Kooxda Farsamada arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada doorashooyinka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Felix Tshisekedi ayaa sheegay in isbitaallada dalkiisa ay ku soo badanayaan bukaannada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddiib markii mowjaddii saddexaad ay ku dhifatay. Sida dalal badan oo African ah, Congo waxay si rasmi ah u diiwaangalisay kiisas yar, inkasta oo cudurkan dilay tiro siyaasiyiin caan ahaa. Heerarka tallaalka oo hooseeya ayaa dalkan u horseeday inay u nuglaadaan nuucyo badan oo kala duwan. Saraakiisha caafimaadka ayaa diiwaangaliyay 254 kiss oo COVID-19 jimcihii, waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin ah la diiwaangaliyo tan iyo billowgii cudurkan, waxaana cudurkan uu ku dhacay 35,000, halka ay dalkaas ugu…
Wafti ka socda Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cabdirashiid Cali Geelle ayaa gaaray degmadda Xiingalool ee gobolka Haylaan. Waftiga oo ay qeyb ka aheyd Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa kulan la qaatay Maamulka, Waxgaradka iyo qeynaha kala duwan ee Bulshada degmadda Xiingalool, kuwaas oo ay ka wadahadleen la-dagaalanka Ayaxa, ilaalinta deegaanka iyo baahiyaha kajira deegaanka ee ay danaynayaan in Wasaaraddu wax ka qabato.
Duulimaadyada tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday, kadib markii Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada wadan. Illaa afar diyaaradood oo rakaab ah ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxdo magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaaladda Nairobi. Shirkadaha diyaaradaha ayaana soo dhaweeyay in dib uu bilowdo duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya. Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa shalay qoraal rasmi ah ka soo saartay dib u soo celinta xiriirka labada dal kadib markii ay dowlad Kenya hore ugu xirtey shuruud ah inay qoraalka soo saarto xiriirka…
Sarkaal kamid ahaa Ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Col. Mustaf Xasan Axmed, ayaa isku dhiibay Ururka Al-Shabaab. Baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay in Col. Mustaf uu isku dhiibay dagaalamayaasha Kooxda ee ku sugan deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool, kaddib uu ka carooday dhibaatada Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, kaas oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab ee ah inuu kusoo biiray Col. Mustaf Xasan oo kamid ah Ciidanka KGS.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Isku-shaandeyn uu ku sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo oo labo sanno iyo bar jirsatay, taas oo la diyaariyay horaantii bishan June. Madaxweyne Deni oo doonayay inuu ku dhawaaqo Isku-shaandeynta Golaha Wasiirada 1 – 6 bishan ayaa dib u dhigay, kaddib markii ay buux dhaafiyeen Xafiiskiisa Xildhibaano iyo Waxgarad ka socda Beelaha ay matalaan Wasiiradu, kuwaas oo difaacayay xubno kamid ah Wasiirada la sheegay in xilka waayeen, halka kuwo kalana dalbanayeen in laga bedelo Wasiirka matala. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweynuhu uu shaacin…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Amniga maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi. Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday wasiirku xigeenkii amniga iyadoo aanan lagu shaacin sababta ka dambeysa xilka qaadista, mana jirto cid kale oo loo magacaabay xilkaasi. Xilka qaadista lagu sameeyay wasiir ku xigeenkii amniga Hirshabeelle ayaa ku soo beegmeysa xili shalay baraha bulshada ku xariirto lagu faafiyay qoraalka haweeney sheegtay in wasiir ku xigeenka amniga Hirshabeelle uu ka cunay lacag dhan $1,500 oo dollar oo aay sheegtay inuu Visa Turki ah ugu soo saarayo.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta ku burburiyay fagaare ku yaalla duleedka magaaladda Boosaaso dhalooyin badan oo khamri ah, kuwaas oo Ciidammadu horey ugu qabteen howlgallo ay ka sameeyeen gudaha Boosaaso iyo kantaroolada laga soo galo magaaladda. Burburinta iyo gubitaanka khamriga ayaa yimid kaddib markii ay xukun ku riday Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Bari. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Ciidanka soo qabashada Khamridan, isagoona sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska. Idilnews
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril (Abwaan), oo sabtidii dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay fashilka doorashooyinkii Somaliland ee Gobalada Sanaag iyo Haylaan. “Waxaan xasuustaa 2017-kii markii ay diiwaangalinta kaararka sameynayeen xilligaas oo si weyn Dowladda Puntland uga hortagtay, anniguna aan kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysa howlgalkaas looga hortagay, waxaa farxad weyn leh in maanta tii miradhalkeedii la arkay, oo Gobalada Sanaag iyo Haylaan Maamulkaas Xildhibaanadii ay sheegayeen aan cidna Gobaladaas ka codeyn, lagana soo dooran.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii ay la lahayd dowlada Kenya, iyadoo ugu baaqday Kenya inay dib u furto Safaaradeeda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay dib safaaradeeda uga furi doonto magaalada Nairobi. Warkan ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraad ay hore u saartay duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa magacaabay Guddi soo baara cabashada Waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin wiilashooda oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea. Guddigan oo ka kooban shan xubnood waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji.
Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubno kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa dilalkii iyo Qaraxyadii lagu dilay Haldoorkii magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Xubnaha ay Maxkamadda Sare ee Puntland u fariisatay dhageysiga kiiskooda ayaa ah Shabakad uu hoggaaminayay Horjooge dilaa Maxamed Cali Kalaay, kuwaas oo horey Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka Puntland ugu soo riday xukun dil ah.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Gardafuu oo hogaaminaya ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo gobolkaas tababar uga maqnaa ayaa gaaray degmada Baargaal halkaas oo lagu soo dhaweeyey.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa…
Duqa degmadda Gaalkacyo Hon Mohamud Abdinur, ayaa maanta daahfuray Barnaamijka Qorshaynta iyo Diiwaangalinta Xafadaha Magaalada Gaalkacyo kaaso lagu diwaan galinayo hab casri ah. Guddoomiye Maxamuud Cabdinuur ayaa ugu baaqay Shacabka Gaalkacyo inay diiwaangaliyaan guryahooda, lana shaqeeyaan Kooxda wada diiwaangalinta. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, ayaa kulan la qaatay magaaladda Muqdisho Wakiilada Beesha Caalamka oo uu horkacayo Safiirka Qaramada Midoobay James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ee BJFS Senator Abshir Axmad, ayaa waraaq uu u diray Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka uga codsaday inay kasoo qeybgalaan kulan ay dalbadeen Guddiga waalidiinta caruurtoodu ku maqan yihiin dalka Eritrea. Kulanka oo ka dhacaya isniinta Jazeera Palace Hotel, ayaa ah mid Waalidiinta caruurtoodu maqan tahay ay kula wadaagayaan Xildhibaanada Labada Gole tabashadooda iyo dareenka ay qabaan. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kadib safar kooban oo uu ku tagay dalka dibadiisa. Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye Ku xigeenka labaad BFS, Qaar ka mid ah Golaha wasiirada XFS, xildhibaanada labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin sare oo heer Federaal iyo Heer Galmudugba ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan la qaatay Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay Doorashooyinka dalka iyo dhameystirka guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale, Labada Masuul ayaa ka wadahadlay Amniga, Caddaalada, cudurka COVID-19 iyo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle. Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa sheegay inay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhamaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda Beesha Caalamka.
Madaxweynaha dalka Azerbaijan HE Ilham Aliyev ayaa saaka warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan Ambassador Jaamac Caydiid. “Azerbaijan waxaan ka ahaan doonaa safiir aan fadhiyin oo xaruntiisu tahay Ankara, Turkey” ayuu yiri Danjire Jaamac. Somalia iyo Azerbaijan waxay lahaayeen xidhiidh walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan Ururada caalamiga ah ee OIC iyo UN.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaababka dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya. “Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’antahay dib u soo celinta iyo dardargelinta diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka Kenya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo soo dhaweysay dib u furitaanka hawada Kenya, ayaa sheegtay in tllaabada ay qaaday Kenya ay tahay bar bilowga wada xaajoodka looga gol leeyahay in si caadi ah laga dhigo xiriirka labada dal. Hadalkan…
Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo. Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow. “Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu…
Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in is-ogol siyaasadeed oo kaliya uu Soomaaliya u keeni karo Xasilooni siyaasadeed iyo siyaasad loo dhan yahay. Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Abdirahman Abdishakur Warsame. Is-oggol siyaasadeed ayaa keeni kara xasillooni siyaasadeed. Is-ogolku wuxuu kaloo horseedaa siyaasad loo dhan yahay, laguna dhan yahay. Sanado badan dalkeenu wuxuu la daalaa dhacayaa siyaasad maquunis iyo barabixis ku dhisan, taasoo sababtay in siyaasaddu saldhigi wayso. Is-ogolka waxaa diida kooxo magac qabiil, diin iyo danaysi ku abaabulan, kuwaasoo tijaabiya meelmarinta fikir cariiri ah iyo danaysi gaaban, oo inna seejiya dhaxal waaya…
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay isticmaalka Lacagta danabeysan ee la isugu diro Taleefoonada, taas oo ay horey u joojisay in la isku diro wixii ka yar $1 dollar. Shir jaraa’id oo uu goor-dhaweyd ku qabtay magaaladda Garoowe Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Hon Cabdi Qowdhan Warsame, ayuu ku sheegay in la fasaxay isku dirka lacagta danabeysan ee ka yar $1, oo horey loo joojiyay.
Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Turkiga, ayaa Maanta oo Sabti ah gaaray Tripoli kuwaa oo kulamo la qaadan doona hogaamiyaasha Liibiya. Wafdigan oo ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, ayaa wadahadallo kula yeelan doona magaalada caasimadda u ah Liibiya ee Tripoli hoggaamiyeyaasha dalkaasi, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taasoo qeyb ka ah xasilinta dalaka Liibiya. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Khulusi Akaar, oo hordhac u ahaa Wafdiga ayaa gaaray magaalada Tripoli jimcihii ka dib markii uu wadahadal kula qaatay jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga qaar kamid ah Saraakiisha ka hawlgala…
Howlgalka Midowga Africa ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay inay tababar ku aadan ka hortaga iyo wax ka qabashada Kufsiga siiyeen 30 Sarkaal oo ka socda Booliska Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed. AMISOM ayaa tilmaamtay inay tababarkan uga gol leedahay in Saraakiishan ay awood u yeeshaan inay si wax ku ool ah u dhaqan geliyaan sharciyada ka difaacaya haweenka iyo gabdhaha tacadiyada uu kamid yahay Kufsigu.
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jamac Caydid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan. Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi. Amb. Jamac Caydid Maxamed, ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.…
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay ka go’an tahay hormarinta hanaanka Waxbarasho iyo xiriirka ka dhexeeya Jaamacadaha deegaanada Puntland iyo kuwa Caalamka. Hadalkan ayaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland ka sheegay xilli uu xalay ka qeybgalayay Xaflad ay kuqalin jabiyeen 80 arday oo dhameystay Waxbarashada heerka labaad oo shahaadada Master degree ka qaatay Jamacaada Kampala University ee Dalka Uganda oo bahwadaag la ah Jaamacadda Bariga Africa.
Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga Ciidan iyo wadaagista xogaha amniga Labada dal, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Xukuumadda Addis Ababa ee FANA. Heshiiska ayaa yimid kaddib kulan dhexmaray Taliyayaasha Ciidanka Difaaca dalalka Itoobiya General Berhanu Jula iyo Jabuuti General Zekaria Sheikh. Sidoo kale, Labada Genaraal ayaa ku baaqay in la abuuro farsamooyin wanaagsan oo lagu wadaago macluumaadka iyo khibradaha iyo in lagu sii wado tababar wadajir ah.
Saddex Ruux ayaa ku dhintay weerar ay xalay ku qaadeen dabley hubeysan oo ku labisan dharka Ciidanka, maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Dadka dhintay ayaa ahaa ganacsato caan ka ahaa magaaladda Dhuusamareeb, kooxdii weerarka geysatay ayaana goobta isaga baxsaday. Ciidanka Booliska Galmudug oo goobta gaaray ayaa ilaa hada wada baaritaano lagu raadinayo dableyda dilka geysatay. Qoraal kasoo baxay Maamulka degmadda Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay inay Ciidanka Amnigu ku dabajiraan kooxdii dilka ka dambeysay. “Waxaan bulshada deegaanka u sheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.”…
Golaha Guud ee QM waxay 179 cod ugu doorteen Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka. Kulankii 75-aad ee Golaha Guud ee QM ee Maanta oo Jimco ah yeesheen Fadhi qarsoodi ah oo lagu doortay 5 Xubnood oo cusub ee xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022 ilaa 2023, iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta u sharxanayd Kursiga Kooxda dowladaha Qaaradda Aasiya iyo kuwa ku xeeran Badweynta The Pacific Ocean. Dowladda Imaaraadka waxay Kursiga xubin aan Joogto ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM sanadkii 1986-dii ilaa 1987-dii.…
Madaxda dalalka G7 oo Shir uga socdo dalka Ingariiska ayaa ballanqaaday inay si dhab ah wax uga qaban doonaan saameynta uu dunida ku yeeshay cudurka COVID-19. Shirka Madaxda oo galay maalinkii labaad ayaa jimcihii diirada lagu saaray wax ka qabashada COVID-19, halka maanta looga hadli doono saameynta isbedelka cimilada dunida. Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay inay muhiim tahay in si isku mid ah bulshada caalamku uga soo kabato saameynta iyo dhibaatooyinka uu dunida u geystay cudurka COVID-19. Idilnews
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb-galay Xaflad ay kuqalin jabiyeen 80 arday oo dhameystay Waxbarashada heerka labaad oo shahaadada Master degree ka qaatay Jamacaada Kampala University ee Dalka Uganda oo bahwadaag la ah Jaamacadda Bariga Africa. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay ardeyda qalinjebisay, wuxuuna guddoonsiiyey shahaadooyin isagoo ku dhiirigeliyay in ay hore usii wataan heerarka kala duwan Waxbarashada horumarna ka gaaraan. Idilnews
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka wada degmadda Bursaalax ee Gobalka Mudug Olalaha qaadista canshuuraha gaadiidka, Waxaana ay Wasaaraddu ugu baaqday gaadiidleyda degmada iyo kuwa safarka ku mara deegaanka bixiyaan cashuurta ku waajibtay. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay ku baaqay in laga sameeyo gobolada Puntland oo dhan kor u kac dhanka dakhliga ah si dowladu u gudato waajibaadkeeda shaqo , bulshadana wax ugu qabato.
Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada Puntland Hon Jama Farah Hassan iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo gaaray deegaanka Dacarre ee degmadda Garoowe ayaa xarriga ka jaray Xarunta caafimaadka ee Hooyada iyo dhalanka ee Degaanka Dacarre ( MCH). Sidoo kale, Labada Wasiir oo ay wehlinayaan Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland ayaa dhagax-dhigay Dugsi Hoose/dhexe, oo laga hirgalinayo deegaankan. Waxaana ay kulan la qaateen Waxgaradka iyo Bulshada deegaanka. Jibril Qoobey
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Bashir Jamac Maxamed, ayaa Deegaanka Dudun ee Degmada Bursaalax ka dhagax dhigay Ceel biyood laga qodayo Deegaankaasi. Ceelkan oo uu sadaqaystay Ganacsade Cabdixamiid ismaaciil Wayrax oo kaa shanaya Badbaado Community ayaa loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan Bulshada Deegaanka dudun ee Degmada Bursaalax. Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa kan qeybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, Isuduwaha Wakaalada Biyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, Ganacsato, iyo Qurba joog. Jibril Qoobey