Ciidamadii Itoobiya ka joogay Gobolada Bay iyo Bakool,ayaa dib ugu laabtay gudaha Dalkooda. Ciidamadan,ayaa gurmad xoojin ah unoqonaya dagaalada Ciidanka Milatariga Itoobiya ka wadaan gudaha Gobolada Tigreega iyo Oromada. Dhanka kale cabsi xoog leh,ayaa soo wajahday Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo Ciidamadan fariisin u ahaa sanadadii danbe. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii lagu waday inay bishan June 21 ka dhacdo deegaannada Soomaalida iyo Hararida dib loo dhigay. Guddoomiyaha, Birtukan Mideqsa, waxay sheegtay in doorashada labadaas deegaan ay dhaceyao 6-dabisha September ee sannadkan 2021. Waxay dib u dhigista u sababeysay khaladaad lagu arkay waraaqaha diiwaangelinta codbixoyeyaasha. Balse dalka Itoobiya intiisa kale way ka dheceysaa doorashada xilligii loo asteeyay. Guddiga ayaa sheegay in dhammaan deegaannada doorashadooda dib loo dhigay oo dhan ay codeynta ka dhici doonto bisha September. Taa micneheedu wuxuu yahay in doorashada, dhammaadka bishan, aysan ka dhici doonin deegaanka Soomaalida…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa Shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay xoojinta Amniga caasimadda Puntland ee Garoowe, iyo wada shaqeynta Shacabka iyo laamaha Amniga. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal iyo Duqa degmadda Garoowe.
Golaha Wasiirada Puntland oo kulan ku yeeshay maanta magaaladda Garoowe ayaa Ansixiyay Xeer mamnuucaya Gudniinka Gabdhaha, gaar ahaan fircooniga. “Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa sida ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la marsiin ciqaab” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Cawil Shiikh Xaamud. Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka, waxaana uu faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada inay xubnaha harsan si dhaqso ah u soo gudbiyaan. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, ayaa magacaabay Guddiga dabagalka Mashaariicda Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, kuwaas oo ka kooban 8 Wasiir. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada. Wasiiru Dowlaha Ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Mudane Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa warbaahinta la wadaagay in dhismaha cusub oo ka kooban xafiisyo uu wax badan kusoo kordhinayo Shaqada Wasaaradda.
Ciidamo cusub oo Boolis ah ayaa Maanta sogaaray Magaalada Bosaaso kuuwasi oo ka yimi Magaalada Qardho oo uu tababar ugu so dhamaaday Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku so dhoweeyay Ciidamadaan Cusub Gobalka. Ciidamadaan ayuu Taliyaha amray in ay aqoontii ay soobarteen ugu adeegaan Bulshada Gobalka Bari isagoona u mahadceliyay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni kaalin muuqata ka qaatay Tayenta Ciidamada Puntland.
Puntland ayaa soo bandhigtay 5 dhalinyaro ah oo kamid ah dhalinyarada tababarka Ciidan loo geeyay Dalka Eritrea, Kuwaas oo sheegay inay kasoo baxsadeen xeradii ay ku jireen kaddib tacadi ay sheegeen inay la kulmeen. Dhalinyarada oo Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa sheegay inay DFS ay khiyaantay. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland. Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Goluhu dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka Gudniinka Gabdhaha iyo Xeerka Daroogada oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland. Jibril Qoobey
Wasiirka Warfaafinta XFS Osman A Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro Soomaaliyeed tababar Ciidan loogu qaaday dalka Eritrea, waxaana uu beeniyay inay jiraan Ciidammo Soomaali ah oo ka dagaalamay Gobalka Tigreega ee dalka Itoobiya. Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyay Mucaaradka inay siyaasadeeyeen arrimaha la xariira Ciidankan. Hadalka Dubbe ayaana imaanaya xilli Muqdisho uu maanta ka dhacay bannaanbax ay dhigeen Waalidiinta ilmahoodu ka maqan yihiin, kuwaas oo dalbanaya in carruurtooda meel loogu sheego. Bilo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale shir jaraa’id uu qabtay Wasiirka kaga gaabsaday inuu carabaabo dalalka ay Ciidamada tababarka…
Dowladda Kenya ayaa dib u furtay Hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya iyo kuwa aadaya Soomaaliya, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni uu isbedel ku sameeyay 2 kamid ah xubnaha Puntland ku matalaya Guddiyada doorashooyinka Dalka. Xubnaha uu isbedelka ku sameeyay Madaxweyne Deni ayaa kala ah; 1: Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyadda Abdiweli Timacade – kaas oo kamid ah 4 xubnood ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku matalaya Puntland. 2: Axmed Abdi Hurre – oo kamid ahaa 8 xubnood ee Guddiga doorashooyinka ee heer Dowlad Gobaleed, kaas oo kamid ah saaxiibada Madaxweyne Deni ahna Seedigiis. Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa inuu galinka dambe ee maanta uu gudbiyo Liiska cusub ee…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya. Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku haysa. Dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland dhammaan kharashka ku baxaya Dowladda ayaa bixisay, wuxuuna ka midyahay xarumaha hay’addaha dowladda ee lagu wado horumarinta.
Shir looga hadlayo Jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka bixinayso arrimaha la xariira dhalinyaradii loo qaaday Dalka Eritrea iyo wararka sheegaya inay ka dagaalameen Gobalka Tigreega ee Dalka Itoobiya, ayaa ka socda Madaxtooyadda Villa Somalia. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in marka uu kulanku soo dhamaado uu saxaafadda la hadli doono Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale. Idilnews
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Taliyaha Hay’adda NISA uu weli faragalin ku hayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Guddiyada farsamada Doorashada. Hoos ka akhriso Qoraal kooban oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay Bartiisa Facebook. “Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska waxey ku ammaanan yihiin in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida uusan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada, balse taliyaha hay’adda Nabadsugidda weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kala shaandheynta guddiyada. Weli guddiyada waxaa ku jira xubno dharcad ah oo NISA ka tirsan.”
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay dhisme cusub oo loo sameynayno Wasaaradda Maaliyadda Kaasi oo ka kooban Afar dabaq. Dhismaha cusub ee Wasaaradda maaliyadda ayaa qeyb ka qaadan doona horumarinta hanaanka shaqo ee maaliyadda iyo kor u qaadista dakhliga iyo guud ahaan Maaliyadda Puntland.
Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, laguna dalbanayo in la cadeeyo halka ay dambeeyeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee loo qaaday Dalka Eritrea ayaa ka socda magaaladda Muqdisho. Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya Waalidiinta ilmahoodii maqan yihiin, kuwaas oo wata boorar ay qoran yihiin Erayo ka dhan ah Farmaajo.
Ciidamada Badda Mareykanka ee ka howlgala Gacanka Cadan ayaa sheegay in ay 15 badmaaxi ka badbaadiyay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la socdey markab xamuul qaada laguna magacaabo Falcon Line kaasoo biyuhu qaadeen kana diiwaan-gishan Gabon. Xarun ilaalin oo ka tirsan Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku wargalisay Ciidanka Badda ee Mareykanka in markab Falcon Line, oo cilad soo wajahday matoorka gacanka Cadan, ayaa lagu yiri bayaan. “Markii lagu wargeliyay xaaladda, Patuxent wuxuu ku dhaqaaqay xawaare aad u sareeya si uu u soo badbaadiyo shaqaalaha markabka Falcon Line ka hor inta uusan markabka gebi ahaanba quusin,”…
Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa markale ku celiyay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso xuquuqda biyaha ay ku leeyihiin webiga Nile, taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay dadkooda. War-saxaafadeed ay soo wada saareen dalalka Masar iyo Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya aysan tixgelineyn danaha labada dal ay ku leeyihiin Biyaha Wabiga Nile ee ku saabsan mashruuca biyo xireenka Itoobiya. Sidoo kale Bayaan ayaa looga hadlay halista iyo waxyeelada ba’an ee ka dhalan karta buuxinta Itoobiya ee Biya xireenkeeda, iyada oo aysan waafiqin dalalka Masar iyo Suudaan. Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa isla gartay in baah…
Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeybgalay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario. Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaari u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra’isul wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso. Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeybgalay baroordiiqdan. Duqa magaalada London ee gobolka Ontario Ed Holder ayaa sheegay in hoos loo dhigay calanka magaaladda, oo ay kunool yihiin 30,000 ilaa 40,000…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta magacaabaya xubnaha Puntland ku matalaya Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed. Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu galinka dambe uu gudbin doon guddiyada labada heer, kaddib markii dib loo soo celiyay xubno si khalad ah uu ku gudbiyay Agaasimaha Madaxtooyadda Puntland. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa berri si rasmi ah u shaacin doona xubnaha guddiyada labada heer, maadama la filayo in Dowlad Gobaleedyadu ay maanta dhameystiraan xubnahooda. Idilnews
Warbixin ay soo saartay hay’ada Sahaminta Qaybta Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU) ayaa lagu sheegay in magaalada Auckland ee dalka New Zealand ay tahay magaalada ugu nolosha fiican adduunka. Hay’addan EIU ayaa ku xushay 140 magaalo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka. Hase yeeshee soo saarista liiska sanadkan ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay cudurka Covid 19 sida ay magaalooyinka ay ula tacaaleen. Waxaana sanadkan hoos uga dhacay darajooyinkoodii magaalooyinka Yurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen darajooyinka. Wadamadaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen faafitaanka cudurka ‘coronavirus’…
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xasan Gacaliye ayaa Warbixin la Xiriirta howlgalada Ciidanka xoogga ee Gobalada Dalka ,waxa uu ka dhageystay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Janeraal Cabaas Amiin Cali. Janeraal Cabaas Amiin ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidanka howlgallo qorsheysan ay ka wadaan labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka si looga saaro Ururka Al-Shabaab. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalaldii ugu dambeeyay ee labada Shabeelle ay Ciidamada qasaaro xoogan ku garsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah u sii…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay inay Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhaca magaaladda Gaalkacyo, kuwaas oo loo geystay sarkaal kamid ah CID-da Puntland iyo Wariye Jamaal Faarax Aadan. Taliye Muumin Cabdi Shire, ayaa xusay inay soo gaba-gabeeyeen baaritaanka kooxaha loo hayo Labada dil, ayna dhowaan horgeynayaa Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.
Duqa degmadda Garoowe ee Caasimadda Puntland Hon: Ahmed Said Muse ayaa sheegay in xeer ay kasoo saarayaan xoolaha faraha badan ee lagu soo dhex sii daayay Caasimadda Puntland, kaas oo la horgeynayo Golaha deegaanka Garoowe. Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in 7 bishan uu ku ekaa amar Dowladda Hoose ee Caasimaddu kasoo saartay xoolaha dhex jooga magaaladda Garoowe, kaas oo aan weli dhaqangalin, maadama ay ka dhaga adeegeen Bulshada magaaladda. Magaaladda Garoowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu Amniga iyo bilicda badan Soomaaliya, waxaana haatan ka socda mashaariic hormarineed oo isugu jira waddooyin cusub oo laami ah iyo dhireyn. Idilnews
Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah ka Ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska ka sameeyay degmadda Bursaalax ee Gobalka Puntland. Ciidanka Booliska ayaa intii howlgaladu socdeen baaris ku sameynayay gaadiidka soo gala magaaladda iyo kuwa ka baxaya, waxaana sidoo kale ay gaadiidka ka fiiqayeen bacaha madow ee lagu dhajiyo, kuwaas oo ka qeybqaata falalka Ammaan-darro. Degmooyinka iyo Deegaanada dhaca xaduudka Puntland ay la wadaagto dalka Itoobiya, ayaa kamid ah deegaanada laga soo gudbiyo maandooriyaha khamrida iyo xashiiska ee Puntland soo gala, waxaana haatan ka socda howlgallo looga hortagayo ka ganacsiga maandooriyaha. Jibril Qoobey
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kaga qayb galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ku saabsan nidaamka dakhli uruurinta Puntland. Waftiga Wasiir kuxigeenka waxa kamid ahaa Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir. Shirkan oo lasoo gabagabeeyay ayaa si guud looga hadlay qaabka casriyaynta nidaamka dakhli uruurinta ee Dowladda Puntland. Sidoo kale shirka ayaa diirada lagu saaray marxaladda nidaamka dakhliga ee hadda uu marayo sidii loo si horumarin lahaa nidaamkaas. Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii dambe waday hannaan lagu casriyaynayo habka dakhli uruurinta iyo kobcintiisa,…
Xiriirka Kubadda cagta Puntland ayaa caawa sameeyay isku aadka Horyaalka kooxaha heerka kowaad ee Puntland, kuwaas oo gaaraya 9 kooxood. Koobkan oo 15-ka bishan June, ka bilaaban doona Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaaladda Garoowe, ayaa lagu daahfuri doonaa Kooxaha Garoowe City iyo Boosaaso FC. Waxaana Koobka inta uu socdo sidoo kale lagu diyaari doonaa garoonka Kubadda cagta Cawaale ee magaaladda Gaalkacyo. Jibril Qoobey
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hadlay warbxintii Qaramada Midoobay ee sheegaysa in Ciidammo Soomaali ah ay ka qeybgaleen dagaalka Gobalka Tigray ee dalka Itoobiya, isagoona walaac ka muujiyay. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed. “Waxaan ka walaacsannahay Warbixinta ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka ee ka hadlaysa xaaladda askarta Soomaalida ee loo qaadey Eritrea ee lagu sheegey ku lug lahaanshaha dagaalka Ethiopia.” “Waxaan ku baaqeynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo halkii ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas, iyadoo aan Xukuumadda usoo jeedinayno inay ka jawaabto…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari kulan kula yeeshay dhalinyarada si ay ug shaqeyaan nabadda iyo dhexgalka bulshada waxaana uu ugu baaqay in la xoojiyo nabadda iyo wadajirka shacabka isagoona uga mahadceliyay sida ay ula shaqeyeen laamaha amaanka inta ay socotay diwaangalinta. Waxuu uga mahadceliyay dhalinyarada kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin ammaanka iyo horumarka bulshada gobolka Bari, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorkooda diyaarna uu ula yahay waxkasta ay uga baahdaan dhalinyarada dhiniciisa.Taliye Xuseen ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan, isagoo sheegay in arin aan la aqbali karin ay tahay ayadoo QM xaqiijisay jiritaanka arintaasi hooyooyinka Soomaaliyeed ee wadooyinka Muqdisho ku barooranaya uu hogaanka waqtigu ka dhamaaday iska indho tiro. “Raali kama noqon karno wax kasta oo dhaca inaan ilmaheena meel ka ogon weyno, Dowladdu haka hadasho dhalinyarada la leeyahay Itoobiyay ka dagaalameen” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta daah-furay wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo balaarin iyo casriyeyn lagu sameynayo. Munaasabadda daahfurka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobalka Bari, Duqa degmadda Boosaaso, Isimo, Ganacsato, Madax ka socotay Shirkadda TISL ee dhisaysa garoonka iyo marti sharaf kale. Wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka kooban; -Runway-ga 800m ayaa lagu darayaa. -Taxiway iyo aprone ka oo labalaarinayo. -Nalka Runwayga ee diyaradahu habaynki kusoo dagaan. -Wadada garoonka oo laami laga dhigayo. -Parking ka baabuurta oo si…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire, ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee Gobalka Mudug, isagoona digniin u diray dhalinyaro Moobilada furata. Taliye Muumin Cabdi Shire, ayaa ugu baaqay Shacabka Gobalka Mudug in hadii ay arkaan falal ammaan-darro ay kasoo wacaan Ciidanka Booliska Number-ka gaaban ee ‘999’, ayna si dhaqso ah uga soo jawaabi doonaan.
Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah TPEC ayaa xafiiska Gudoomiyaha kulan kula qaatay saraakiil ka socotay Hay’adda UNSOM. Guddiga ayaa waftiga ka socday UNSOM warbixin ka siiyay shaqada ay wadaan hawlaha usoo qabsoomay ee ay ka mid ahayd diiwaangalintii codbixiyayaasha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo shaqooyinka u qorshaysan oo ay ka mid tahay qaybinta kaararka codbixiyayaasha iyo qabashada doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn oo dhawaan ka soo dhamaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha oo mudo ka socday, Gudoomiyaha ayaana qabsoomida arintan ku tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya…
Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si looga saaro xubnaha shaqaalaha rayidka, saraakiisha ciidanka iyo xubnaha kale ee Khilaafka uu ka taagnaa. Waxaa Midowga Musharaxiinta ay soo jeediyeen si shaqada guddiga xaqiiq raadinta ay u noqoto mid keenta xal mira dhal oo dhaqan gala, wuxuu Golaha dalbaday in guddiga si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigo habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La…
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lee yihiin Deegaanka Daaynuuney, oo ku dhow magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed. Al-Shabaab ayaa qoraal ay baahiyeen ku sheegay inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Daaynuunaay, ayna guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed. Ma jirto ilaa hada war kasoo baxay Saraakiisha Dowladda oo ku aadan warka Al-Shabaab. Jibril Qoobey
Dhismaha Waddda laamiga ee isku xirta magaalada iyo Kuleejka degmadda Bursaalax ee Gobalka Mudug ayaa maanta la bilaabay, waddaan waxa horey u dhagax dhigay madaxweynaha Puntland xili u socdaal ku marayey deegaanada iyo degmooyinka ka baxsan laamiga. Dhisamaha laamigaan waxa hab isku tashi ah ku dhisaya bulshada degmada, iyagoo iska kaashanaya kharasha ku baxaya. Waxaana shaqada fulinaysa shirkadda dhisamaha waddooyinka ee KABERCO.
Puntland ayaa 7 maalmood u qabatay 12 kamid ah Shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgalla deegaanada Puntland, kuwaas oo bixin waayay canshuurta ku waajibtay Mushaaraadkooda. Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe ayaa sheegay inay Dowladdu talaabo adag ka qaadi doonto hadii ay bixin waayaan canshuurta ku waajibtay.
Maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Dowladda Puntland ayaa u fariisatay dacwadda Racfaan qaadashada 8 xukamanayaala ah oo Alshabaab ka tirsan, horreyna dil toogasho ah loogu xukumay.
Munaasabad lagu daah-furayo Mashruuca balaarinta garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso, ayaa maanta lagu qabanaya Boosaaso, kaas oo lagu soo bandhigayo dhismaha Terminaalka iyo kordhinta Jidka diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso. Puntland iyo shirkadda TISL, ee laga leeyahay dalka Imaaraatiga Carabta, ayaa horey Boosaaso ugu gaaray heshiis ay Shirkaddu kula wareegayso garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaas oo dhigayay in TISL ay casriyeyn ku sameyso garoonka. Jibril Qoobey
Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan. Deegaanada howgalka xooggan uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas. Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wado Hirshabeelle kaas oo Al-Shabaab looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaa sifeynta ah ayaa Warbaahinta Dowladda egay in horumar weyn laga sameeyay howlgalka.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al-Anzi. Danjire Maxamed Cali-Nuur ayaa soo dhoweeyay wafdiga Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya. Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada…
Dowladda Zimbabwe ayaa diiday saddex Milyan ee tallaalka Johnson & Johnson ee cudurka COVID-19, oo lagu sameeyay Dalka Ingariiska, kaas oo dhawaan loogu deeqay. Zimbabwe ayaa sheegt in aysan hayn qaboojiyayaal ay ku keydiso tallaalka oo u baahan heer-kul aad u qabow, wallow lagu eedeeyay Zimbabwe in ay siyaasadeysay. Xiriirka London iyo Harare ayaa aad u xumaa tan iyo sanadkii 2002-dii, kaddib markii UK ay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah ay kusoo rogtay Saraakiil kamid ah Dowladda Zimbabwe, kuwaas oo ay ku eedeeysay xadgudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo ku shubasho doorasho. Jibril Qoobey
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka daah-furay garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso duulimaad caalami ah oo si toos ah isugu xiri doona magaaladda Sharjah ee Dalka Imaaraadka Carabta iyo magaaladda Boosaaso. Duulimaadkan oo ay soo kordhisay Shirkadda duulimaadyada Halla Airlines, ayaa bixi doona todobaad kasta maalinta Talaadada ah. Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa sheegay inay ka go’an tahay Wasaaradda hormarinta duulimaadyada diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee deegaanada Puntland. “Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod…
Waftiga wasiirka waxbarashada oo maalmahan safaro shaqo ku marayay gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafue ayaa markii ay ka baxeen halkaan oo ah degmada Isku-shuban waxay gaareen deegaanka Xumbabays. iyaga oo kormeeray dhismaha iskuulka deegaanka, halkaasna waxay ka dhagax-dhigeen 2 fasal oo lagu kordhinayo, kaas oo ay hirgelintiisa si wada-jir ah isaga kaashanayaan wasaarada waxbarashada Puntland iyo Hay’ada Unicef. Wasiir Cabdilaahi Maxamed Xasan oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda mashaariicda, tababarada, iyo farsamada gacanta Cabdilaahi Axmed Maxamuud iyo saraakiil ka socota hay’ada Unicef ayaa gaaray halkaan oo ah degmada Xafuun ee Gobolka Brai. ugu horayna waxay tageen dugsigga hoose/dhexe ee sare ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Sare ee Farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo ka kooban todob xubnood. Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa kala wareegay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO 73 Haamaha Oxgenta oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka COVID-19. Wasiir Jaamac Faarax Xasan ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WHO garab istaageeda ku aadan Arrimaha Hormarinta Caafimaadka Puntland iyo la-tacaalida cudurka COVID-19. “ Waxaan uga mahadcelinayaa WHO maanta inaan kala wareegno 73 Haamaha Oxgenta oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka Covid19, waxaana wasaaraddu dhawaan keeni doontaa warshadaha Oxygenta soo saara oo la dhigi doono magaalooyinka waaweyn ee Puntlnd si loo yareeyo yaraanta Oxygenta.” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka…
Waxaa maanta ka dhacay qol weynaha wasaaradda caafimaadka Puntland shir balaaran oo ay wada qaateen madaxda wasaaradda iyo wafti balaaran oo ka socday Hay’adda caafimaadka Aduunka (WHO) oo uu hogaaminayay madaxa WHO ee soomaliyaDR. MALIK shirkaan ayaan ku saabsanaa siidi loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysay wasaaradda iyo WHO. Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud agaasimaayaasha waaxyaha iyo inta badan madaxda xafiisyada kala duwan ee waasaaradda. Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka ugu horayn ka hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxda hay’adda WHO wasaaradda waxaana uga mahadceliyay booqashadooda. Madaxa hay’adda…
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu dharbaaxay goob fagaare ah xilli uu safar ku joogay koonfurta bari ee dalkaas, isaga oo ku guda jiray maalintii labaad ee booqasho uu dalka ku marayo. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya. Ilaalada Macron ayaa durba so faro-geliyey dhacdadan waxayna xireen laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka. “Ninka isku dyayey inuu dharbaaxo madaxweynaha iyo qof kale ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa,” waxaa sidaas bayaan…
Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane: Jaamac Faarax Muuse ayaa shir gudoomiyey Shir lagu gorfaynaayay laguna turxaan bixinaayay qorshaha sanduuqa hawlgabka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland. Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hodan Saciid, Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyada Maxamed Cabdiqaadir, agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiwali Timacade, Lataliyaha sanduuqa Hawlgabka, Agaasimaha waaxda Hawl gabka, Madax ka socota PCU iyo Madax kale.
Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka. Warbixin ay soo saareen waddamadani ayaa lagu yidhi “intii lagu guda jiray doorashooyinka, shacabka Somaliland waxay muujiyeen balan qaad adag oo ku wajahan nidaamka doorashada, ka qayb galka siyaasada iyo sii xoojinta dimuquradiyada”. “Waxanu si gaara usoo dhawaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee beelaha lahayb sooca ay ka gaadheen doorashadii wakiilada iyo dhalinyarada faraha badan leh ee kusoo baxday doorashada”. Warbixinta ayaa lagaga hadlay haweenkii musharixiinta ahaa, waxana lagu sheegay in haweenkii ay dadal sameeyeen oo ay…
Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay warbixintii Qaramada Midoobe ee caddeysay in dhallinyaradii Eritrea loo qaaday lagu arkay goobaha dagaaalka ee Gobolka Tigreega. “Markaan baaritaan sameynay waxaan weynay Ciidammada qalabka sida Booliska, Milateriga iyo Nabad-sugida meel ay katirsan yihiin Ciidanka Eritrea loo qaaday” ayuu yiri Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa joojisay in Gobolada Sanaag iyo Haylaan la keeno imataxaanka Maamulka Soomaliand. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Gobalka Nugaal, dil dhowaan ka dhacay duleedka Garoowe, dad ku howlan boobka dhulalka iyo howlgallo Ciidanka Boolisku kusoo qabteen kooxaha ka ganacsada maandooriyaha. Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in howlgallo ay Ciidanka Boolisku ka sameeyeen deegaano kamid ah Gobalka Nugaal ay kusoo qabteen kooxo ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo qeybtood laga soo qabtay gudaha dalka Itoobiya. Sidoo kale, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa digniin u diray kooxaha ku howlan boobka…
Hay’adaha sharci fulinta ayaa sheegay howlgallo ay seddexdi sano ee ugu dambeeyey fuliyeen una adeegsadeen App uu FBI sameeyey iney soo xirxireen boqollaal dambiilayaal oo heer caalami ah . Laga soo billaabo 2018-kii dadka sameeya dambiyada abaabulan ee ka dhaca Australia, New Zealand raadceyntooda waxaa loo adeegsaday Ap-ka FBI-da ay sameysay. Taasoo horseedday in 18 dal oo ku yaalla qaaradda Aasiya, Waqooyiga iyo Koonfurta Mareykanka, Yurub iyo Bariga Dhexe laga soo qabqabto dad ka ganacsada daroogada. Ra’isal wsaaraha Australia Scott Morrison howlgalkan wuxuu ku tilmaamay ‘mid muhiim ah’ oo dhabar jab ku noqday burcadda caalamiga ah. “Waxay dharbaaxo culus oo…
Tani iyo marki uu Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu 2018-kii majaraha dalkaasi qabtay, waxaa lagu ammaanay inuu yahay hoggaamiye nabadeed oo la yimid dardar cusub oo dhaqaale, iyada oo dalkaasi uu caan ku yahay cabudhin iyo saboolnimo ba’an. Abiy Axmed wuxuu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee ‘Noble Peace Prize’ kaddib markii uu 2019-kii uu soo afjaray dagaalki xadka ee Itoobiya iyo Eritrea u dhaxeeyey, balse wixii intaa ka dambeeyey waxaa lagu dhaleeceeyaa ficillada ay dowladdiisa ka sameysay dagaalka Deegaanka Tigraay iyo inuusanka dhabeyn barnaamijyadiisa dib u habeynta u horay u ballan qaaday. Wuxuuna marki ugu horreysay uu ka…
Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen. Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa. Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa…