Author: Jibril Qoobey

Wiil u dhashay Kuuriyada Koofureed oo la yiraahdo Paeng Min-wook, oo 28 jir ah ayaa hindisay ‘Isha saddexaad si ay u ilaaliso dadka isticmaala taleefannada casriga ah inta ay socdaan.I shaan sadexaad waxay ka caawinaysaa dadka qabatimay isticmaalka telefoonada marka ay dariiqyada lugaynayaan, waxeyna bixinaysaa digniin marka loo soo jiro 1-2 mitir, si qofku uu uga badbaado inuu qof kale ku dhaco ama uu shil galo. Diraac Fagaase Jibril Qoobey

Read More

Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo kamid ah Isimada Puntland ayaa ka hadlayay boobka dhulka iyo dhacdooyinka ay dilalku kamid yihiin ee ka dhasha, isagoona taageeray qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, ee ku aadan wax ka qabashada boobka dhulalka iyo qorshaha deegaameynta. “Madaxweyne yey noqon 5-KM oo cagafta xunta la mar-mariyay go’aanka iyo sharciga shaqeynaya intuu gaarayo, meel kasta oo Puntland ay lee dahay sharciga iyo nidaamku ha gaaro” ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Read More

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa dirqi kaga badbaaday in ay qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ee Baarlamanka kahor yimaadaan qorshe ay dowladiisu ku dooneyso in ay ku yareyso gargaarkii Ingiriisku uu siin jiray waddamada saboolka ah. 32 xildhibaan oo ay ku jirto Ra’isul Wasaarihii hore ee Britain Theresa May iyo afar wasiiir ayaa taageeray qorshe lagu diidayo 4 bilayn oo laga dhimay deeqihii dowladu bixin jirtay, soona jeediyey in baarlamanka lahor keeno.

Read More

Warbixinta Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqul insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray. Warbixinta oo ka koobneyd illaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Itoobiya Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.

Read More

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, ayaa Waraaq ay u direen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble kaga hadlay cabasho ay weli ka qabaan xubno kamid ah Guddiyada farsamada Doorashooyinka Labada heer. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Labada Madaxweyne ay Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegeen inay weli ku jiraan Guddiyada xubno kamid ah shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Hay’adda NISA, aysana ku koobneyn dadka ay cabashada ka qabeen 34 xubnood ee la sheegay in guddiyada laga saaray. Waraaqda cabashada ah ee Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen Madaxweynayaashii hore ayaa imaanaysa, xilli maalin kahor uu…

Read More

Maxkamada Sare Maraykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in go’aanka ay gaartay Maxkamada dalka Mareykanka ay dhabar jab ku tahay dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah. Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa isniintii soo gaba-gabeeyay diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka degmadda Ufeyn ee Gobalka Bari, taas oo ah degmadii u dambeysay ee ay ka socotay diiwaangalinta saddexda degmo ee lagu qabanayo doorashada hordhaca ah ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Guddiga KMG ah ee TPEC ayaa sheegay inay bilaabayaan tirinta tirada Dadka is diiwaangaliyay iyo sameynta kaararka codbixinta, ayna xubnaha Sare ee Guddigu ka shirayaan iclaaminta waqtiga ay Shacabka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u dareerayaan doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guled Salah, ayaa sheegay inay si wanaagsan kusoo dhamaatay diiwaangalinta…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga. Madaxweyne Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa tilmaamay in cid kasta oo ay dilan Ciidanka Dowladda iyadoo ku howlan dhul boob, aan loo soo raacan karin Dowladda.

Read More

Guddiga Arrimaha dibada u qaabilsan Gollaha wakilada Maraykanka ayaa warbixin kasoo saaray xaalada Itoobiya, waxayna warbixinta kusoo koobeen qoddobadan hoose:- 1) Dawladda Itoobiya waxay usoo jeediyeen innay balan qaadkeedii oofiso, oo ay ciddamada Eritrea Tigreega ka saarto.Waxayna si addag u cambaareyen gabood fallo ay sheegeen innay ka dhasheen dagaalka waqooyi. 2) Wallow xiisadda waqooyi toddobo bilood socotay haddana waxay sheegen innuusan wax is baddal ah muuqan, islamarkana loo baahan yahay xal degdega in la keeno. 3) Waxay soo jeediyeen in xabbad joojin la sameeyo, islamarkaana dhinacyada is hayaan wadda hadlaan. 4) Waxay sheegen in dagaalka waqooyi ay ku barakaceen 1-Million…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa u socdaalay magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono wakiilo iyo madax ka socota dalal kala duwan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in diyaarad khaas ah ay garoonka Kismaayo ka qaaday galinkii dambe ee Isniintii Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana uu u kulamo kula yeelan doonaa magaaladda Nairobi qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo Madax ka socota dalal katirsan Khaliijka oo ay ka wada-hadlayaan Doorashooyinka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan gudbiyay xubnaha ku matalaya Jubbaland guddiyada Doorashooyinka Labada heer, kuwaas oo…

Read More

Gafane yaasha garashada ka madhan dadkuna aysan iska garan:Qaybta 1AAD ee taxanaha Xaqiiqoyinka ka daahsoon ee curyaamiyay xaladaha adeegyada Cafimadka Galkacyo gaar ahaan hospitalka guud(Mudug regional hospital) Musuq maasuq iyo maamul-xumo baahsan oo 13kii sano ee laso dhaafay ku habsatay maamulka guud ee hospitalka Gaalkacyo: A. Magacii hospitalka ee ahaa Mudug regional hospital oo ay maamulku hospitalka ay u badaleen University teaching hospital si ay NGO ahaan ugu isticmalaan magacan ayagoo uga fa’idaysty in ay ka samaysteen jamacad lagu magacaabo PUST oo aay jamacadaas ay dagantahy qaybo kamid dhismayaasha hospitalku lahaa, sida kaydka qaboojiyaasha hospitalka una diideen in arday an…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa maanta furay shir ku saabsan hagaajinta shax xisaabeedka iyo soo saarista qaab xisaabeed isku mid ah guud ahaan maamulada dalka Soomaaliya. Shirkan waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobalka Banaadir. Ugu horayn Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Cumar Saalax Aadan ayaa sheegay in mudada uu shirkan socdo xooga lagu saari doono in lasoo saaro shax xisaabeed lagu midaysan yahay,wuxuuna faahfaahiyey qodobada uu shirku xooga saari doono. Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan ayaa isaguna sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay guud…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka Caasimadda Garoowe. Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo. Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac…

Read More

Wasiirka wasaarada waxbarashada dawlada Puntland Cabdilaahi Maxamed oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda mashaariicda, tababarada, iyo farsamada gacanta Cabdilaahi Axmed Maxamuud iyo saraakiil ka socota hay’ada Unicef oo wasaarada waxbarashada ka caawinaysa dhismayaal lagu kor-dhinayo qaar ka mid ah dugsiyada Puntland, ayaa gaaray degmada Isku shuban ee gobolka Bari. Masuuliyiinta ayaa dhagax-dhigay dhismayaal lagu kordhinayo dugsigga hoose dhexe ee degmada Isku-shuban, kaas oo baahi wayn loo qabay maadaama ay badatay ardaydii wax ka dhiganaysay iskuulka, fasaladuna ay ciriiri ku noqdeen. Maxamuud ismaaciil Gudoomiyaha degmada Isku-shuban iyo cabdiqaadir nuur cali madaxa waxbarashada degmada Isku-shuban ayaa uga mahad-celiyay wasaarada ka jawaabista baahiyaha xaga…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dawlad Goboleedka Jubblanad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay shirka golaha amniga Dawlad Goboleedka Jubblanad, waxaana shirka ka soo qayb galay qaar kamid ah wasiirrada Dawlad Goboledka Jubblanad iyo taliyeyaasha laamaha amniga Jubbaland iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka AMISOM. Shirkan oo bishiiba mar la qabto waxaa qodobbadii lagaga hadlay kamid ahaa dardargalinta amniga deegaannada Jubblanad iyo u diyaargarowga sidii loo sugi lahaa amniga doorashada dalka gaar ahaanna tan xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman. Labada Masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda. Idilnews

Read More

Xildhibaan Xasan Yare (Xasan Firimbi) ayaa ka dhabeeyay matalaadiisa kursiga uu ku fadhiyo ee Golaha Shacabka, isagoona 20-arday oo ka mid ah dadka uu matalo siiyay deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah. Munaasabad looga mahadcelinayo oo lagu qabtay magaaladda Kismaayo ayay odayaasha dhaqanka iyo dadka uu matalo, kaga dhawaaqeen in Xildhibaan Xasan Yare lagu abaal mariyay inuu 4 sanno oo kale kursiga ku sii matalo.

Read More

Qarax miino ayaa ka dhacay afaafka hore ee dugsi waxbarasho oo ku yaala degmadda Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu ka socday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxan uu ku dhaawacmay hal Askari oo ilaalo ka hayay Iskuulka uu imtixaanku ka socdo. Idilnews

Read More

Laba tareen oo xawli ku socday ayaa isku dhacay koonfurta Pakistan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistaan. Saraakiisha Caafimaadka ee tuulooyinka ayaa ka shaqeynaya sidii ay u soo saari lahaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee kujira burburka tareenada hoostooda ah. Ilaa 25 rakaab ah ayaa wali ku xayiran burburka tareenka Millat Express masuuliyiintuna waxay isku dayayaan inay abaabulaan mashiinno culus si loo soo badbaadiyo dadkaas oo dalbanaya in la caawiyo, ayuu yiri Umar Tufail, oo ah taliyaha booliska ee degmada Ghotki ee gobolka Sindh, halkaas…

Read More

Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka ee loo soo gaabiyo (UAE FIU) ayaa waxay heshiis Is-faham (MoUs) kala saxixideen Xarunta Warbixinta Maaliyadda ee Somalia (FRC). Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa heshiiskaan isaga kaashan doona La-dagaalanka Dembiyadda Maaliyadeed, Lacagaha la dhaqo iyo Dhaqaalaha loo xawilo waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisada. Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxaa Heshiiskaasi Is-Faham wada saxiixay Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadda ee Imaaraadka (UAE FIU), Cali Fasal Ba Calaawi, halka ay Somalia u saxixiday gaasimaha Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC), Aamina Cali. Si kastaba heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyop Imaaraadka Carabta…

Read More

Ra’isul Wasaarahaa Ingiriiska Borris Johnson ayaa sheegay in uu ku boorrin doono madaxda kasoo qayb galeysa kulanka waddamada G7 ee la filayo in uu Jimcaha soo socda ka dhaco magaalada Cornwall in caalamka oo dhan la gaarsiiyo tallaalka xanuunka COVID-19 dabayaaqada sannadka 2022. Dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan ayaa sheegay tirada tallaalka ay ugu deeqi doonaan Mashruuca Wadaaga Tallaalka Caalamka ee COVAX ee ay maamusho Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, laakiin Britain iyo Canada ma cayimin tirada ay bixin doonaan.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bilaabay olale uu doonayo inuu saameyn ugu yeesho magacaabista Guddiyada farsamada doorashooyinka ee labada heer, kana imaanaya Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka. Sida ay Idilnews ogaatay, Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay u soo magacaabi lahayeen xubno daacad u ah. sidoo kale Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa xariir la sameeyay Ali Gudlawe Hussein oo ku sugan Jowhar. Farmaajo oo haatan ku jira go’doon siyaasadeed ayaa wadda qorshayaal uu ku…

Read More

Hogaamiyihii kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee ka dagaalanta dalka Nigeria ee Boko Haram Abubakar Shekau, ayaa dhintay, sida ay wararku sheegayaan. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay maqashay cod laga duubay, oo ay sameeyeen kooxda ka soo horjeedda Boko Haram ee la magac baxday “Islamic State West African Province (ISWAP)”, oo sheegtay in Abubakar Shekau uu dhintey 18-kii May. Geerida Abubakar Shekau ayaa timid kaddib markii uu isku xiray walxaha qarxa, sida uu sheegay qof duuban oo isku sheegay inuu yahay hogaamiyaha ISWAP Abu Musab al Barnawi.

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Warmaxan oo udhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanllaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay deegaanka Warmaxan, iyadoo uusan wax dagaal ah ka dhicid, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sraaakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Warmaxan. Idilnews

Read More

Haweenkii iska sharaxay Sadexda Xisbi Kulmiye Wadani iyo Ucid Kana sharaxnaa Gobolada Somaliland,ayaan mid kasoo bixin. Xildhibaanada la doortay,ayaa dhamaantood noqon doona Rag aanay Wax Dumar ahi taraxin. Haweenkii isku Sharaxay Xildhibaannimada Golaha Wakiilada Goboladaas,ayaa ahaa kuwo Aqoonyahano u badnaa oo dadaal xoog badan ka muujiyey Ololihii. Puntland oo weli Baarlamaankeeda hab beeleed lagu soo xulo,ayaa waxaa Golaha Baarlamaanka fadhiya Laba Haween ah oo Qabiiladu soo doorteen. Tani waa mid ceebaysay doorashadii Maamulka Waqooyi ee Somaliland. Jibril Qoobey.

Read More

Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo xilka qaadis qarka usaaran,kadib shaacinta xubnihii Gudiga Doorashada. Gudigii doorashada ee loo diray Xaafiiska RW,,ayaa ahaa kuwo uusan Madaxweynuhu waxba ka ogayn diristooda,waxaana si iskiis ah ugu fududaaday Agaasimaha Madaxtooyada. Markii Agaasimaha la waydiiyay sababta uu usii daayay waxaan cidna la ogayn oo aan si rasmi ah layskugu raacin magacaabistooda,wax jawaab ah oo lagu qanci karo waa sheegi waayay,sida warku xaqiijinayo. Madaxweyne Deni oo aad uga carooday hab dhaqanka Agaasimaha,ayaa ka daba tagay xubnahaas la gudbiyay. Sidoo kale Deni si deg-deg ah,ayuu uqoray wareegto xilka qaadis ah,balse intii aan la shaacin waxgarad dadaal ka galay waxay…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa soo xiray munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland oo muddo todobo maalmood ah ka socotay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Puntland oo iyadu soo diyaarisay munaasabadda. Todobaadkii ayaa munaasabaddu socotay waxaana lasoo bandhigay agabka iyo suugaan dhaqameedka Soomaaliyeed, si gaar ah waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka reer Puntland.

Read More

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Galkacyo ayaa booqday cisbitaalka guud ee Konfurta Galkacyo. Wasiirka ayaa booqashadiisu waxay daarnayd sidii labada wasaaraddood iskaga kaashan lahaayeen adeega caafimaad ee magaalada Galkcayo. Shir ay wada qaateen ayna ka qaybgaleen labada wasiir iyo masuuliyiinta caafimaadka ee labada dawladood uqaabilsan gobolka Mudug ayaa la isku afgartay sidii kor loogu qaadi lahaa adeega caafimaad ee gobolka loogana wada shaqayn lahaa iskaashi xoogan oo laga helo magaalada Galkacyo iyo deegaanada ku dhaw.

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadaha soo socda isku-shaandheyn balaaran ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo oo Labo sanno iyo bar joogay xafiisyada. Deni ayaa xilalka ka qaadaya ilaa 5 Wasiir, halka uu isku bedel ku sameynayo Wasiirada qaar, waxaana uu buuxin doonaa Wasaraadaha Deegaanka iyo Kalluumeysiga oo muddo Wasiiro la,aan ah. Xubnaha isku-shaandheyntu saameyn doonto ayaa waxaa kamid ah saaxiibada dhow ee Siciid Deni, sida Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Dhabancad, kaas oo laga qaadayo Wasaaradda Arrimaha lana geyn doono Wasaarad cusub. Deni ayaa isbedelkan u sameyn doona Saddex arrimood dartood, kuwaas oo kala ah; 1: Sixida…

Read More

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo gaaray magaalada Qardho ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga weyn ee magaalada, Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Karkaar iyo Xarunta Gobolka. Ugu horeyn Xildhibaannada ayaa booqday Xabsiga weyn ee Qardho, halkaas oo ay kusoo dhoweeeyen Taliyaha iyo Saraakiisha kale ee xabsiga.Guddiga ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay Sarkiisha Xabsiga, iyagoo sidoo kale Guddiga la wadaagay baahiyaha Xabsiga iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa la kulmay maxaabiista ku xidhan Xabsiga, iyagoo mid mid uga dhagaystay cabashadooda; waxayna sidoo kale kormeereen dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan. Dhanka kale Guddiga Shuruucda…

Read More

Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa si rasmi ah Daah-furay Daraasada Mashruuca Dhismaha Waddada Waddada Garowe Gaalkacyo. Munaasabadda daahfurka mashruuca oo ka dhacay bartamaha magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeybgalay Madax ka socotay DFS, Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Duqa degmadda Gaalkacyo, Waxgarad iyo Shirkadda Daraasaddka sameynaysa, iyo marti sharaf kale. Mashruuca Diyaarinta Daraasadda, Naqshadda dhismo iyo Dukumentiga Qandaraas bixinta ( 85KM) Waddada Garowe Gaalkacyo ayaa ah qorshe dib u dhis loogu sameeynayo waddooyinka dalka. Mashruucaan ayaa muhiim u ah guud ahaan dalka gaar ahaan waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo illa Garoowe.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta DF Soomaaliya Saciid Cabdullaahi Calasow. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta u magacaabay Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo isku-shaandheyn balaaran oo uu ku sameeyay Golaha Wasiirada Puntland, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland. Madaxweyne Said Abdullahi Deni oo sabtidii dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe, ayaa bilaabay kulamo iyo wada-tashiyo ku aadan isku-shaandheynta Xukuumadda uu hoggaamiyo oo jirsatay 2 sanno iyo 6 bilood. Wararka ayaa sheegay in isku-shaandheynta Golaha Wasiirada ay saameyn doonto saaxiibada dhow ee Madaxweynaha, kuwaas oo qaarkood laga wareejin doono Wasaaradaha ay haatan joogaan, lana geyn doono Wasaaraddo cusub. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Amniga Gobolka Bari. Shirkan oo si Todobaadle ah u dhaca ayaa waxa looga hadlay maanta xoojinta amniga guud ee gobalka, la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish, ka hortaga shilalka baaburta iyo Xakameeynta dareewalada gadiidka. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay dhammaan guddiga nabad galyada Gobolka Bari.

Read More

Dawlada Hoose Dagmada Gaalkacyo Puntland ayaa bilowday diiwaangalinta guryaha magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, si loo xoojiyo Amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo hormarka magaaladda. Duqa degmadda Gaalkacyo Eng. Maxamed Cabdinuur Aadan, oo daah-furay Barnaamijka diiwaangalinta guryaha Gaalkacyo ayaa sheegay in diiwaangalintu ay qeyb ka qaadanayso hormarinta magaaladda Gaalkacyo, isagoona sidoo kale ka warbixiyay kulamo uu la qaatay qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgalla magaaladda.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee Deegaanka aduunka oo maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweyne Karaash ayaa ku bogaadiyay Masuuliyiinta Wasaarrada deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland shaqada muuqata ee ay ka qabteen deegaanada Puntland, gaar ahaan xirmaynta dooxooyinka waaweyn iyo la dagaalanka Ayaxa. Ahmed E. Osman Karaash, Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in Shacabka reer Puntland ay masuuliyad weyn ka saaran tahay illaalinta Deegaanka ay ku nool yihiin, isagoona xusay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay illaalinta deegaanka.

Read More

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa ku tilmaamay mid aan si wanaagsan loo turxaan bixin xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in aysan jirin cid laga talo laga geliyey, dadkii gudbiyay liiskana aan lala tashan. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay. Ma jirto…

Read More

Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed, kaddib natiijadii kasoo baxday doorashadii isku sidkaneyd ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ka dhacday Somaliland. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen labada xisbi ee Waddani iyo UCID, ayay ku sheegeen inay isbaheysigan ku doonayaan inay kula wareegaan Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka Somaliland.

Read More

Saraakiisha badbaada Rayidka ee Maksiko ayaa sheegay in hal qof uu dhintay lix kalana lagu la’yahay kadib markii uu ku dumay godkii ay ka qodayeen dhuxusha. Saraakisha waxa ay rumaysan yihiin in arintaasi ay sabab u tahay dadaad xoogan oo ku dhuftay wadankaasi. Wali waxaa soconaya baadi goobka shaqaalahasi dhuxusha qoda sida ay tilmaamtay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dalkaas

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka caddaalad darro ah sida sida loola dhaqmayo muddaharadaayaashii rabashadaha watay ee Capitol. Wuxuu sheegay in ay khalad tahay in Mareykanku uu dhaleeceeyo howlgalada ka dhanka ah dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacaya dibadda, iyadoo isla markaana lagu maxkamadeynayo dadka Mareykanka ah waxa uu ku sheegay “dalabyo siyaasadeed”. Mar uu ka hadlayay kulan ganacsi oo ka socday St Petersburg, ayuu Mr Putin saadaaliyay sida uu noqon doono kulanka uu Madaxweyne Joe Biden kula yeelan doono Geneva, Switzerland. Wuxuu sheegay inuusan fileyn in is faham waa uu ka dhaco kulanka ay labada…

Read More

Laamaha amaanka Sacuudiga ayaa xiray 130 qof oo la sheegay in ay baalmareen talaabooyinka xakameynta cudurka Covid-19 iyo in la karantiilo maadama laga helay cudurkaasi. Wakaalada Waas waxa ay sheegtay in 53 qof lagu xiray magaalada Madiina Al Munawara,54 kale oo lagu xiray Gobolka Jazan iyo 5 lagu qabtay xadka dhinaca waqooyi iyo 18 oo laga soo xiray deegaanka Tabuuk. Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka sida weyn iskaga ilaalinaya faafitaanka cudurka covid 19 maadama cudurkan uu saameyn xooggan ku yeeeshay caalamka oo dhan.

Read More

Dooli (Jiir) lagu magacaabo Magawa oo ka shaqeynayay muddo 5 sanno ah urinta Miinooyinka iyo walxaha qarxa, kana howlgalayay dalka Cambodia ayaa noqday hawlgab, sida ay shaacisay Hay’adda samafalka ee APOPO. Magawa oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Tanzania, ayaa intii uu howlgalada waday kashifay illa 71 miino oo dhulka lagu aasay iyo 38 walxaha qarxa oo aan qarxin. Dooligan ama jiirkan ayaa ku guuleysatay abaalmarinta ugu sareysa ee samafalka Britishka sanadkii la soo dhaafay. Idilnews

Read More

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada gobolka Maroodi-Jeex ee sida aadka loo sugayay iyadoo uu ahaa gobolka uu ugu dambeeyay ee Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa looguu kala guuleystey sidan hoos ku qoran; Kulmiye: 8 kursi Waddani: 7 kursi Ucud: 5 kursi. Xubnaha ku guuleystey kuraasta ayaa waxa ka mid ah Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo xisbiga Wadani ka tirsan,Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu…

Read More

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan. Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas xubnood ee uu guddigu soo gudbiyay.

Read More

Bayaan ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM ay baareyso xaqiiqda eedeymaha ay dowlada Soomaaliya u soo jeedisay dowlada Kenya ee ah in ciidamadeeda ay duqeysay deegaano ka mid ah gobolka Gedo. Wasaarada Arrimaha Dibbada ee dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen gobolka Gedo oo dad rayid ah ay ku dhinteen. “Howlgalka ayaa hadda ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale…

Read More

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo qaraxaasi ahaa mid laga maqlay degmooyin badan oo  ka mid ah magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye uu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu xasay inay ku dhinteen Labo ruux oo uu kamid yahay ruuxii ismiidaamiyaha ahaa, halka dad ku dhow 30 qof ay ku dhaawacmeen.

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa qado-sharaf u sameeyay maanta Macalimiinta iyo Maamulka dugsiga tababarka Ciidamada ‘Xorgoble’ ee magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Munaasabadda qado-sharafta aheyd ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda iyo Taliyaha Ciidanka Darawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland. Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Macalimiinta iyo Maamulka dugsiga tababarada Xorgoble, shaqada wanaagsan ee ay ka soo qabteen Tababarka Ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaa oo Sanadihii danbe ay Xukuumada Puntland ugu jirtay sidii…

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka bilowday baraha bulshada olale dhaqaale loogu aruurinayo Ciidanka Qaranka, kaddib markii dhaqaale xumo baahsan ay soo wajahday Dowladda kaddib markii ay Beesha Caalamka jartay kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay Soomaaliya. Joojinta kaalmada caalamka ee DF Soomaaliya ayaa timid kaddib markii muddo-xileedkii dastuuriga ahaa uu ka dhamaaday Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, sidoo kalena khilaaf siyaasadeed uu hareeyay hanaanka doorashooyinka dalka. Wasiirka Maaliyadda DFS Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa dhowaan shaaciyay in dhaqaale xumo baahsan wajahayso Dowladda, ayna marteen khasnadihii Lacagta, kaddib markii Beesha Caalamku joojisay dhaqaalihii ay ku kabi jirta miisaaniyadda Dowladda oo ahaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Kulankan waxaa ka qeygalay Wasiirka arimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Maxamed Warsame Darwiish, waxaana looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa adeegyada bulshada iyo shaqooyinka maamulka Magaalada Afmadow.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka Kaah ee uu hoggaamiyo uu doonayo inuu noqdo Xisbi Siyaasadeed ka dhisan guud ahaan Soomaaliya, marka la dhameystiro hanaanka Axsaabta badan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu kula qaatay magaaladda Qardho (2-June), Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Ururka KAAH ee Gobalka Karkaar, isagoona xusay in aysan ku koobnaan doonin Puntland, balse ay u gudbi doonaan heer Feder. “Urur Siyaasadeedka Kaah maanta waa Puntland, laakiin qorshihiisa waxaa la rabaa inuu noqdo Xisbi siyaasadeed oo Soomaaliya, kuma koobnaan doono halka marka nidaamka siyaasiga ah ee heer Federaal…

Read More

Qarax culus ayaa goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka Ex. kantarool Afgooye ee magaaladda Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxa. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu sababay khasaare kala duwan, waxaana goobta gaaray Ciidanka Dowladda ooo xiray goobta qaraxu ka dhacay. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in aanay qabsan wax debbaal dagyo ah. Wasiir Kaahin ayaa joojinta debbaal degyada musharixiinta guulaysatay ku sababeeyay in la ilaalinayo niyada musharixiintii aan doorashada ku guulaysan  iyo cod bixiyayaashi anay musharixiintoodu guulaysan. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in debbaal dagyadu ay keeni karaan nabad galyo daro sida darteedna loo bahanyahay in la joojiyo, wuxuna ugu baaqay xisbiyada iyo musharixiinta in ay ka fogaadaan wixi nabad galyada dhawici kara.

Read More