Shirkadda Facebook Inc ayaa xayiraad muddo labo sano ah ku soo rogtay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump akoonnada uu ku lahaa Facebook iyo Instagram muddo labo sano ah. Waxaa laga mamnuucay labada goobood bishii Janaayo wixii ka dambeeyay qoraalladii uu ka sameeyay rabshadihii ka dhacay Capitol ee Mareykanka, laakiin bishii hore. Guddiga kormeerka ee Facebook ayaa dhaleeceeyay ganaaxa furan.Facebook ayaa sheegtay in ficillada Mr Trump ay ahaayeen xadgudub daran oo sharciyada shirkadda ah. Mr Trump ayaa sheegay in talaabadani ay sharaf dhac ku tahay malaayiin qof oo u codeeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore. Tallaabada Facebook ayaa timid iyadoo…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan. Waxaa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Maxamed Ibrahim Ogle.
Yusuf Ibrahim, oo ahaa khabiir caafimaad oo ka hawlgala deegaanka Tigreega gaar ahaan Magaalada Adigarad horena uga shaqeeyay Magaalooyinka Dansha, Humera iyo meelo kale ayaa la sheegay in uu raacay oo uu buuraha la galay saraakiisha TPLF oo uu ka garab dagaalamayo dhaawacoodana dawaynayo. Ninkan soomaaliga ah ayaa la sheegay in uu deegaankaas mudo 10 sano ah ku noolaa oo uu ka shaqaynayay. SDM
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo safaro shaqo ku marayey Deegaanada Gobllka Mudug ayaa Safar ku gaaray Deegaanka Kulub. Waftigan oo ay qayb ka ahaayen Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Mudug Cabdulaahi Cabdi Nuur, Gudoomiyaha Deegaanka Garacad iyo siyaasiyiin, Dadka deegaanka ayaa uga warbixiyey Gudoomiyaha xaalada deegaanka, Amniga, caafimaadka iyo Ciid fara ba’an ku haysa Deegaanka. Gudoomiyaha oo kormeer luga ku dhex maray Deegaanka kulub ayaa balan qaaday ka dowlad ahaan in ay doorwayn ka qaadanayaan saarista ciid tuurtyada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Tabaradada Macalimiinta iyo Farsamada Gacanta Abdulaahi Axmed Maxamud, masuuliyin ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo wafti kale oo uu hogaaminayo ayaa safar ku taggay degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafue. Wasiir Cabdilaahi iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa kormeeray xarumaha waxbarashada ee degmadda Murcanyo, iyagga oo bulshada deegaanka ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud iyo baahiyaha jira ee la xiriirta xagga waxbarashada.
Shirkadda Turkiga ee horumarinta Gawaarida Katmerciler ayaa shaacisay inay ka heshay codsi ah iibsashada gawaarida gaashaaman dowlada Kenya. Dowlada Kenya ayaa waxa ay dooneysaa inay ka soo iibsato illaa 118 gaari oo nooca gaadiidka gaashaaman ah iyadoo la soo bandhigi doono gaadiidkaas bisha August ee sanadkan 2021. Wadanka Kenya ayaa noqonaya dalka saddexaad ee ku yaal qaarada Afrika oo shirkada Hizir 4×4 ka soo iibsada gaadiidka dagaalka. Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya Ziborah Kiyoko ayaa sheegay in Dalkiisa oo ku howlan yahay la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ay u baahan yihiin Gawaari dagaal oo tiro ahaan dhan 118.
Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ka cagajiidaya magacaabista xubnaha ku matalaya saddexda Maamul Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo hore loogu eedeeyay inay doorasho diid yihiin, oo aysan magacaabin Guddiga doorashada in muddo ahna ay ka caga jiidayeen intii uu jiray khilaafkii ka taagnaa doorashada ayaa gudbiyay liiska guddiyada doorashooyinka. Saraakiil kamid ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo uu culeys ku saarayo Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe in aysan muddo magacaabin xubnaha Guddiyada farsamada Doorashooyinka, sidoo kalena aysan is bedel ku…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka hadlay hirgalinta Hanaanka dilmuquraadiyeynta Puntland iyo muhiimada ay lee dahay qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qabashada doorasho qof iyo cod ah ay tahay tiirkii ugu dambeeyay ee dhismaha Dowladnimada Puntland, ayna fulintiisa horey ugu yimaadeen duruufo adag. “Puntland tiirkii ugu dambeeyay oo maalintii la aas-aasay saldhiga u ahaa, oo ahaa in dalkan uu galo doorasho qof iyo cod ah, oo duruufo kala duwan dib u dhig-dhigayeen ayay maanta cagta saartay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Jibril Qoobey
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ee degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, taas oo socotay 19-May ilaa 4-June oo ku beegnayd jimcihii. Diiwaangalinta ayaa ka dhacday gudaha degmadda Eyl, iyo deegaanada iyo miyiga hoostaga. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in shaqaalahooda ay tageen dhulka miyiga fog ah ee degmadda Eyl ayna diiwaangaliyeen dadka Reer guuraaga ah, si ay u helaan xaqooda Dastuuriga ah. Sidoo kale, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inay guda gali doonaan tirinta Tirada dadka is diiwaangaliyay iyo sameynta kaararkooda codbixinta, ayna kulan isugu…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Deegaan Xeebeedka Garacad isagoona booqasho iyo kormeer ku tagay Dekada Garacad. Maareeyaha Dekada Garacad, Gudoomiyaha Deegaanka Garacad iyo ku xigeenkiisa ayaa Gudoomiyaha ku soodhaweeyey Dekada iyagoona uga warbixiyey halka ay marayso dhismaheeda iyo shaqooyinka sida tooska hada uga socda.
Xafiiska tirakoobka qaranka ee waddanka Ingiriiska ayaa xog uruurin uu sameeyay ku sheegay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunka COVID-19 ay kor u kacday ilaa iyo saddex meelood laba meel. 100’000 oo qof ayaa xanuunka laga helay ilaa 29-kii bishii May, iyadoo todobaadkii ka horeeyeyna tirada dadka laga helay ay aheyd 60’000 oo qof, waxaana badi dadkan laga helay nuuca xanuunka ka yimid India oo soo gaaray Ingiriiska.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) waxay si adag u cambaareyneysay duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya. “Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruurta oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka Kenya” ayaa lagu yiri…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida kulan qado sharaf ah kula qaatay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubaland Jeneraal Jeff Nyagah iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha iyo Sarakiishan uu Taliyaha hogaaminayay ayaa kulanka kaga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah.
Natiijada hordhaca ah ee doorashada Somaliland ee Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa muujinaysa in xibsiga mucaaradka ah ee Waddani uu hoggaaminayo doorashada, isagoona ka helay 21 Xildhibaan Gobalada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Awdal oo natiijadooda la shaaciyay. Saddexda xibsi siyaasadeed ee Somaliland ayaa Xildhibaanada ka imaanaya Gobalada Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag u kala helay; Ucid: 13Kursi Kulmiye: 18 Kursi Waddani: 21 Kursi
Abaaraha iyo roob yarida ka jirta meela kamid ah Soomaaliya ayaa ku riixeysa in ka badan 2.73 milyan oo qof in ay soo wajahan dhibaatooyin dhanka nolosha ah,sidaasi waxaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd ka dhawaajiyay xafiiska UN-ka ee Isku-duwidda Hawlaha Bani’aadamnimada (OCHA) . UN (OCHA) ayaa sheegtay in roobabkii sannadlaha ahaa ee horaantii gu’ga ay xilli dambe ka da’een qaybo ka mid ah dalka oo inta badan ka hooseeya celcelis ahaan sidii la doonaayey,taasina ay dhalisay in ay saameeyaan dalaggii la filaayey in ay soo go’aan. Xafiiska ayaa sheegay in illaa bisha Setembar ee soo socota ay suurtagal tahay…
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawaladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Tababarada iyo Farsamada gacanta Abdulaahi Axmed Mohamud oo howlo shaqo ujooga Gobolka Garadfuu ayaa lagu soo dhaweyeey deegaanka xaabbo oo Hoostagta degmada Caluula.waxaa wafdiga wasiirka soo dhaweeyey waxgarad, nabad-doono, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir Cabdullaahi ayaa kormeer kutagay goobaha waxbarashada ee deegaanka isagoo warbixinno ka dhagaystay masuuliyiinta dugsiyada waxbarashada, dhanka kalana wasiirku waxa uu kormeeray dugsiga sare ee Xaabbo oo ay wasaaraddu dhisme cusub ku dartay kaa oo ay shaqadiisu haatan socoto. Wafdiga wasiirka ayaa dugsiga hoose dhexe kulan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa mar kale iska diiday dalab uga yimid Dowladda Mareykanka oo ahaa in amarada Ciidanka PSF-ta Puntland la hoos-geeyo Taliska Ciidanka Komaandooska Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobalka Shabellaha Dhexe. Sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil sare oo katirsan Madaxtooyadda Puntland, Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dhowaan Madaxweyne Deni kaga codsatay in Puntland ay ogalaato in Ciidanka PSF la hoos geeyo Saldhiga Mareykanka ee Balli-doogle, si lamid ah Ciidanka Kumaandoosta DF Soomaaliya ee DANAB, taas oo uu ku gacan seyray Madaxweynuhu. Said Abdullahi Deni ayaa u sheegay Mareykanka in aysan Puntland marna…
Baarlamaanka waddanka Denmark ayaa ansixiyey sharci waaxda socdaalka u oggolaanaya in ay u mustaafurin karto dadka magangelyo-doonka ee ku sugan dalkooda, kuwaas oo ka yimid waddamada ka baxsan Yurub. Hay’adaha u dooda dadka qaxoontiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in Copenhagen ay laasho xeerarkaas. Xeerkan waxaa riixayey xisbiga diidan dadaka magangaliyo doonka ah Megen ee ay hoggaamiso Ra’isul Wasaaraha dadlkaas Mette Frederiksen. 70 xildhibaan ayaa sharcigan u codeeyey, halka ay diideen 24 xildhibaan khamiistii.
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilliggaan mareyso meel halis ah, oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan si xal buuxa loo gaaro. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabad qado-sharaf oo ka dhacday khamiistii magaaladda Qardho, ayaa xusay in dalku uu ku dhici doono godweyn, hadii la fulin waayo heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu gaaray todobaadyadii lasoo dhaafay.
Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay ku dileen in ka badan 70 ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay Ciidamada ka soo hooyeen guulo la taaban karo dagaal ka dhacay gobolka Sh/dhexe. “Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi. Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Alshabaab markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna jab xoogan loogu…
Somaliland Attn: Abiyi Ahmed, PM. Mustafe Cagiar, dds, & Concerned Global Citizens. Frm: Hussein Hassan Re: Attestation. On Monday, May 31, 2021, in an un-forseen turnout, the people of Somaliland voted. Its my attestation that the nations of the world were watching clearly and in plain sight. Nothing is perfect in this planet Earth, however, Somalilanders from all walks of life went to the polling stations earlier this morning, and voted. ▪︎Some walked, some drove, some wheeled, but they showed up. There were no major bottlenecks l can mention as of now.▪︎Any mortal with Somali blood running through his or…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka sidoo kalena waxa uu gudoomiyuhu Shaaciyey wakhtiga la dhisayo Golaha Deegaanka Degmada Jariiban. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay mudo 7maalmood gudahood in ay keenaan araajida musharaxiin sidoo kalena maalmo kooban gudahoodna lagu dhawaaqi doono Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Qado Sharaf Maamulka Gobolka Karkaar uu beerta nasashada ee Ceel-haare ugu sameeyay Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ee Qardho ku sugan. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bulshada degmada Qardho, siday Hormuud ugu noqdeen hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada iyo doorkii muhimka ahaa ee ay ka qaateen isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada goleyaasha deegaanka ee degmada Qardho.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Danjire Yuusuf Cumar Axmed (Al-Azhari), oo xalay ku geeryooday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland. “Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari, oo ku geeriyooday Garoowe. Wuxuu ahaa diblumaasi Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, wuxuu door muhim ah kasoo qeyb qaatay dhismihii Puntland iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.” “Marxuumka alle janadii ha geeyo, waxaan Tacsi u diraya dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay.” Jibril Qoobey
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cusmaan Majiino, ayaa maanta iska diiwaangaliyay Tisjiic ee ka Tirsan Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari, oo ay ka socota diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka Puntland. Wasiir Majiino oo isaga iyo Waft uu hoggaaminayo ay gaareen deegaanka Tisjiic, ayaa sidoo kale kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangalinta codbixiyayaasha kulan la qaatay Shacabka iyo Waxgaradka deegaanka. Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa bulshada Deegaanka Tisjiic ku bogaadiyey doorka ay ka qaateen diiwaangelinta, waxaana inta hartay uu ku dhiirigaliyay inay soo baxaan oo ay is diwaan-galiyaan si ay u doortaan qof ay rabaan. Jibril Qoobey
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada federalka iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada War-Ciise iyo Aqabduco oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu diley qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo uu ka mid ahaa taliyihii ururka lixaad ee ciidamada Gorgor Col. Maxamed Cabdiwaaxid.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar ayuu ku sheegay ra’iisul wasaaraha in uu guddi u saarayo sidii wax loogu qaban lahaa fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyay gobolka Sh/dhexe. Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqashadii ugu horeysay ku tegey magaalada Jowhar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay ayaa sheegay in indhahiisa uu ku soo arkay dhibaatada fataahada wabiga Shabelle uu soo…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in…
Kooxda Al-Shabaab ayaa canshuur dhan 4000 oo dollar kusoo rogtay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya illa 14 shirkadood, sida laga soo xigtay qaar kamid ah shirkadaha. Kulanka ka dhacay duleedka Muqdsho, oo ay xaadireen Maamulka in ka badan 7 Shirkadood ayaa lagu wargaliyay inay bixiyaan lacagta, Shirkadaha ayaana ka dalbaday Al-Shabaab in la siiyo waqti. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, oo ku jirta go’doon ka dhashay fatahaadaha webiga Shabelle. MMadaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein oo shalay dib ugu laabtay magaaladda Jowhar, ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar, iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay Ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar. Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Roble ee Jowhar, ayaa lagu sheegay inuu u kuurgalayo xaalada ka dhalatay fatahaadaha Webiga Shabelle ee magaaladaas iyo xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein.
Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo goor-dhaweyd Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka dalbaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu raalli-galin ka bixiyo hadalada sheegay in Ciidanka Asluubtu ay shalay rasaas ku fureen gaarigiisa iyo kolonyo la socotay. Gen. Mahad ayaa sheegay in Wadada Ciidanka Asluubta ay degan yihiin ee Arbacadii lagu rasaaseeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay tan ugu amaanka badan Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in Rasaasta lagu furay Madaxweynaha aysan aheyn ku talagal, ayna sababteeda lahaayeen istaafkiisa. “Dalka waxa yaala waad ogtihiin, wadada kaliya ee ugu nabad-galyada badan waa…
Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidammo katirsan Booliska Jubbaland oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah. Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 Ruux oo shacab ah, oo ka agdhawaa goobta bam-gacmeedka lagu tuuray oo uu yaallay kantarool ay Ciidanka Booliska Jubbaland ku baaraan gaadiidka, waxaana dadkan la geeyay Isbitaalka weyn ee Kismaayo, oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda. Ciidammada Booliska Jubbaland oo gaaray goobta ayaa bilaabay howlgallo lagu baarayo dadkii ka dambeeyay Qaraxan. Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh (Xujaale) ayaana sheegay…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas.
Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cade ee gobolka Gedo. Duqaynta oo loo malaynayo in ay gaysteen diyaaraha dagaalka dalka Kenya ayaa haleeshay qoys xoolo dhaqato ah, waxaa halkaa ku dhintay hooyadii iyada ilmo yar iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 caruur ah oo ay dhashay. Deegaanada duqeynta ay ka geysteen ciidamada Kenya ayaa waxaa ka mid ah Ceelcade, Likooley , laheley, Warburay, Burcaleen, Dhamase, Wargaduudo, Qulqul shubaal, Balanbaal, Muudale, Abroone, Buusaar, Qows qurun & Darusalam iyo qaar kale.Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka wax ku noqday duqeyntan…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa Gen. Cabdi Xasan Xijaar u magacaabaya Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, kaddib is-casilaada dhowaan la shaacin doono ee Fahad Yaasiin oo ah musharax kursi kamid Golaha Shacabka BJFS. Sida ay ilo-sirdoon u sheegeen Idilnews, Fahad Yaasiin ayaa is casilaya bartamaha bishan June, waxaana u tartami doonaa kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka oo lagu dooran doono magaaladda Beledweyne ee Gobalka Hiiraan. Gen. Xijaar ayaa hadda ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu horey uga tirsanaan jiray Nabad-sugidii Dowladii Milateriga ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Idilnews,
Soomaaliya ayaa weyneysa fadhiyada soo socda ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inay wax cod ah ku yeelato fadhiyada Jamciyadda loo dhan yahay, maadama ay bixin weysay lacagihii deynta ahaa ee lagu lahaa. Iran iyo Jamhuuriyada Africa dhexe iyo Jaziirada Comoros ayaa qeyb ka ah kuwa aan codka ku yeelan doonin fadhiyada Qaramada Midoobay yeelanayaan ilaa bisha September. Dowladaha qaarkood ayaa lacagihii lagu lahaa ay dhafeen xadiga lacagta codeynta loogu talagalay inay siiyaan Qaramada Midoobay. Dalalkan ayaana lagu lee yahay 2 sanno, halka kuwa kalena lagu lee yahay muddo ka badan. Iran deynta ku taagan waa 16,251,298, halka Jamhuuriyadda Africa…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa u magacaabay Cumar Daa’uud Khaliif Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool. Madaxweyne Laftgareen ayaa faray Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool ee la magacaabay in si wanaagsan uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee looga xilsaaray Gobolka Bakool.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle. Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Roble ee Jowhar, ayaa lagu sheegay inuu u kuurgalayo xaalada ka dhalatay fatahaadaha Webiga Shabelle ee magaaladaas iyo xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein. Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein ayaa shalay dib ugu laabtay magaaladda Jowhar, si uu u qaban-qaabiyo soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Roble. Ammaanka magaalada Jowhar ayaana si weyn loo adkeeyay saaka.
Xildhibaanad Condester Sichwale, oo kamid ah sharci-dajiyayaasha dalka Tanzania ayaa laga saaray kulan ay lahaayeen Baarlamaanka, kaddib markii dood ka dhalatay surweelka ay xirneyd oo ahaa mid ku dhagan. Doodda oo buuq ka dhex abuurtay Baarlamaanka Tanzania ayaa timid kaddib markii Xildhibaan Xuseen Amaar, uu sheegay in qaabka dumarka qaarkood ay u soo lebbistaan ay Baarlamaanka u keeneyso in lagu maadeysto. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaana markiiba amray Xildhibaanad inay Golaha ka baxdo. Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa dalbaday in raalli-galin laga bixiyo talaabada kulanka Baarlamaanka oo dhacay talaadadii looga saaray Condester Sichwale. Koox xildhibaanno haween ah oo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, ayaa caawa xarunta Ururka ee Qardho kulan kula qaatay Masuuliyiinta Golaha dhexe iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Ururka KAAH ee Gobolka Karkaar. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Masuuliyiinta, howl-wadeenada iyo taageerayaasha Ururka ee heer Gobol, Wuxuuna uga mahadceliyay sidii ay uga qeybgaleen diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Qardho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar, ayaa caawa hoyigiisa ku booqday Musharax Madaxweyne Abdikarim Hussein Guled. Kulanka Labada masuul ayaa looga hadlay xaalada guud ee Amniga dalka, gaar ahaan ariimaha la xariira Amniga Doorashooyinka Qaranka. Jibril Qoobey
Xaqiiqoyinka daahsoon ee curyaamiyay xaaladaha adeegyada Caafimaadka Gaalkacyo,gaar ahaan Isbitaalka Guud (Mudug Regional Hospital). Marka la qiimaynayo xaalad bulsho,waxaa lagu cabiraa 3 qodob oo kala ah … ✓ Xaaladda Waxbarasho✓ Xaaladda Amni iyo✓ Xaaladda Caafimaad. Dhammaan xogaha aan idin la wadaaygayno waxay ka marnaan doonaan nin jeclaysi iyo nin nacayb, kana hufan dano gaar ah oo shaqsi-ahaaneed. Waxa aan u kala qaadi doonaa qormooyin aannu taxane ka dhigi doonno oo iftiimin doona xaaladaha Caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hadda sida uu u shaqeeyo Isbitaalka guud ee Gaalkacyo. kadib baaritaan dheer oo aan ku samaynay caqabadaha curyaamiyay Isbitaal-ka guud ee Gaalkacyo (Mudug…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, iyo Wafti uu hoggaamiyo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmadda Caluula ee Gobalka Gardafuu. Maamulka Gobalka Gardafuu, kan degmadda Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeybgalay soo dhaweeynta Wasiirka. Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa u kuurgalaya hanaanka Waxbarasho ee Gobalka Gardafuu, baahiyaha jira iyo heerka Waxbarasho ee uu joogo Gobalkan oo kamid ah deegaanada fog ee Puntland. Idilnews
Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay Rasaas ay Ciidammo katirsan Asluubta ay maanta ku fureen gaariga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kolonyo gaadiid ah oo la socotay. Gen. Mahad ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaariga Madaxweyne Xasan Sheekh aysan aheyn ku talagalay ayna ka raali galinayaan, waxaana uu intaas ku daray inay baaris ku sameyn doonaan. “Ma ahayn wax lagu talagalay rasaastii lagu furay gaariga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waana ka raalli-galineynaa” ayuu yiri Gen. Mahad Cabdiraxmaan. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS u gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal (SEIT), kuwaas oo ka kooban 8 xubnood. Puntland ayaa noqotay Dowlad Gobaleedkii labaad ee soo magacaaba Guddiga labada heer ee doorashooyinka, iyadoo Jubbaland aheyd maamulkii u horreeyay. Jibril Qoobey.
Wasaarada Caafimaadka Puntland , ayaa dagmada caluula ka daah furtay adeega qaaxada ayaa lagu soo kordhiyay isbitaalka dagmada caluula oo loogu talagalay barista iyo daaweenayo Cudurka Qaaxada, xaflad kooban kooban oo kadhacday isbitaalka dagmada caluula taariikhdu markay ahayd 1-6-2021. Xaflada waxa ka qayb galay barasaabka gobolka Gardafu, duqa degmada Alula, Isuduwaha Caafimaadka gobolka kan Degmada, shaqaalaha iyo maamulka caafimadka degmada iyo isu duwaayaasha wasaaradaha kalumaysiga iyo waxbarashada, odayaal iyo haween, Haayadaha taageera mashruuca . Adeegan oo ay wasaarada ugu talo gashay baahinta adeegyada caafimaadka ayaa waxa iska kaashaday Haayada World Vision mashruuca Global fund iyo Wasaarada caafimaadka xaflada ayaa ugu…
Ciidammo katirsan Dowladda ayaa rasaas ku furay gaari uu saarnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo marayay agagaarka Maxkamadda Gobalka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarka, waxaana jirta xiisad kacsanaan ah ka dhalatay rasaaseynta Madaxweynaha, oo dhacday xilli uu ku wajahnaa shir ay lahaayeen Midowga Musharixiinta. Ciidanka ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa horey labo weerar ugu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ka kala dhacay Hotelka Maa’ida iyo guriga uu ka degan yahay Muqdisho. Jibril Qoobey
Gudoomiyaha Gobalka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug oo isbuucle ahaa. Waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo darajada 1aad ee Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo. Shirkan oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa la iskula wadaagay xaaladihii ugu danbeeyey ee ka soo cusboonaday guud ahaan Gobolka Mudug iyadoona amaro lagu xoojinayo Amniga Gobolka oo kala ah, maadaama ay bilaabanayso Doorashada Xildhibaanada DFS in Musharaxiinta utartamaya aysan la iman karin baabuurta gaashaaman ee ciidanka iyo in Dowladu Ciidamo gaara oo ay…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS u soo gudbiyay magacaabista xubnihii laga sugayay ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Somaliland,kuwaasoo kala ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan Xassan Ayaa shir Gudoomiyay kulan Dhex Maray Madaxda wasarada & Madax ka socotay Hay,adaha UNPD & UNSOM. Ujeedka kulanka ayaa Kulan Looga wada hadlay arimaha mashruuca kor u qaadida tayada iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Amniga ee JSSGP. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay mashruuca tayaynta Booliiska Puntand ee JPP-CB Project taas oo la isku raacay in la dardargaliyo hawlaha hormarinta iyo tayaynta Booliiska Puntland. Agaasimaha guud iyo lataliyaasha Wasaaradda ayaa ka qeyb galay dhinaca hay,adaha ayaa Tarmo iyo Doel oo ka kala socda UNSOM iyo UNDP Madaxa UNDP…
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa kulan gaar ah ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma, oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ah ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii Wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland, taas oo qabsoomtay 31-May-202.
Turkey ayaa rajeyneysa inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka ayada oo lagu saleynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Ankara ayaa ka shaqeyneysa inay hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisad ah. Xiriirka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Turkey ayaa bilihii dhowaa isku dayeysay…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada Cusub. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jubaland. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah…
Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland islamarkaana uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu ansixiyay Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxaemd Islaam. Isu-imaatinkaan ay maanta Baarlamaanku ku ansixinayeen Xukuumadda cusub ayaa waxaa soo xaadiray kooramka 51 mudane oo Baarlamanka Jubbaland ka tirsan waxaa ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoonka Golaha wakiiladda Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan. Markii uu soo dhamaaday kulanka Baarlamaanka Jubbaland ay…
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Qardho Taliyayaasha Qeybaha Booliska Gobalada Bari, Karkaar, Nugaal, Sool, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqeynta iyo Hormarinta Ciidanka Booliska Puntland iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Puntland. Gen. Cabdi Yare ayaana faray Taliyayaasha Booliska Gobalada Puntland dardar-galinta shaqada Ciidanka Booliska iyo adkeynta amniga. Idilnews
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sheegtay in ka badan boqolkiiba sagaashan dadka ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay laba boqol oo milyan oo doolar si ay gacan uga geysato quudinta in ka badan shan milyan oo qof oo halkaas ku nool. Boqolaal kun oo qof oo Tigree ah ayaa horeyba ugu baahnaa gargaar cunno kahor intaanay bilaaban colaadu ku dhawaad 7 bilood kahor. Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna tirada ayaa sare u kacday iyadoo Qaramada Midoobay Toddobaadkii la…
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay 12 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo is xig-xiga oo maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistaan. Hamid Rushan oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afganistaan ayaa sheegay in laba qarax oo xiriir ah ay ka dhaceen galbeedka magaalada Kabul, halkaas oo uu ka dhashay qasaara isugu jira dhimasho dhaawac badan. Qarax saddexaad ayaa ka dhacay xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada Kabul, kaas oo geystay qasaara ballaaran sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta iyo korontada ee dowladda Afganistaan oo lagu magacaabo…
Madaxweynaha Dalka Itoobiya Sahle Work Zewde, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay safiirka cusub ee Soomaalida Danjire Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), oo dhawaan ay u magacowday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa Madaxweynaha Itoobiya gaarsiiyay dhambaal salaan ah oo uu u diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, isagoona sidoo kale uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu uqaabishay.
Midowga Africa ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xubinnimada dalka Mali ee ururkaas, waxaana tallaabadaas ay jawaab u tahay afgambigiu uu militarigu ku qabsaday dowladdii dalkaas todobaadkii la soo dhaafay. Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii militarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd. Militariga ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Africa lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed…
Dowladda hoose ee degmadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ee Puntland ayaa wada diiwaangalinta gaadiidka loo yaqaan Mooto Bajaajta, taas oo loo sameynayo aqoonsi iyo nambaro lagu kala garto, iyo nidaam ay ku shaqeeyaan. Duqa degmadda Gaalkacyo Eng. Maxamed Cabdinuur Adan, ayaa sheegay in ciddii is diwaan galin weyda ay mutaysan doonaan Ganaax Lacageed. Jibril Qoobey