Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta u fariisanaysa dhageysiga doodda 5 Nin oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo horey Maxakamadda darajada kowaad ay ugu riday xukun dil ah. Raggan 5 ah oo kamid ahaa Shabakadii uu horjoogaha u ahaa Feysal Gujis, ayaa soo dhameystay mudadii racfaanka oo aheyd 30 berri. Jibril Qoobey
Author: Jibril Qoobey
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya. Maxamed Cabdirasaq Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in uu socdo dadaalo sare loogu soo qaadayo xiriirka ka dhexeeya labada wadan ee deriska ah. “Waxaa aan kuu xaqiijinayaa in uu jiro dedaal lagu doonayo in sare loogu qaado xiriirka labada dal balse dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay ilaaliso xoriyadeeda.” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u waramayay warbaahinta dowlada. Warka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowlada Kenya ku hanjabtay inay joojineyso duulimaadyada ay hayadaha samafalka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay in Shacabka Puntland ay noqdaan wada Ciidan, si looga adkeeyo dowladnimada, loogana adkaado kuwa ku howlan dhibaateynta nabadda iyo hormarka deegaankooda. Madaxweyne Said Abdullahi Deni ayaa sheegay in looga baahan yahay Shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka, ayna ku wargaliyaan falalka kuwa ku howlan falalka amaan darro, isagoona faray Ciidanka inay la falgalaan shacabka, ayna u dhawaadaan.
Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ah ku tagay qaybaha kala-duwan ee Dekadda weyn ee Boosaso. Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Maamulaha Furdada Dekadda Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo saraakiisha amniga. Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinka Dekadda, habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyeen masuuliyiinta arrimahaas. Xildhibaannada ayaana kula dardaarmay masuuliyiinta ay la kulmeen in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh, waxaana Kormeerkan Guddiga uu qeyb ka yahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka…
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraatka u jooga Israel inuu Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Caqiidada Tawraat ee israel . Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israa’iil oo arintan ka hadlaya ayaa Bartiisa Twitterka kusoo qoray Qoraal sidan u Qornaa . “Maanta Safiirka imaaraatku Wuxuu kasoo Barakaystay Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat Shalom Cohen ,iyadoo markii Safiirku uu Booqday guriga Wadaadka oo ku yaal Qudus, Wuxuuna halkaas sidoo kale kasoo helay barakada Culimada ugu waaweyn Yuhuuda ” Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya caqiidada Tawreed…
Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa kulan casho iyo isxogwareysi ah ku yeeshay Hotelka Elite ee magaaladda Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, Hassan Sheikh Mohamud, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire, waxaana uu kusoo aadaya xilli maanta la shaaciyay liiska xubnaha ay soo gudbiyeen ee ku jira guddiyada doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo ay cabasho ka qabaan. Idilnews
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabowday diiwaangalinta codbixiyaha ee ka socotay degmadda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, taas oo laga sameeyay Gudaha magaaladda, deegaanada iyo miyiga hoostaga. Diiwaangalinta codbixiyaha ee degmadda Qardho ayaa socotay muddo 17 maalmood ah, kaddib markii 4 cisho lagu kordhiyay waqtigii loogu talagalay oo ahaa labo todobaad. Dadka maanta diiwaangalinta lagu soo afmeeray ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni. Guddiga TPEC ayaa sheegay inay guda gali doonaan tirinta dadka isdiiwaangashay iyo samaynta kaararkooda, waxaana ay intaas ku dareen in dhawaan xubnaha sare ee Guddigu ka fariisan doonaan astaynta…
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble u soo gudbiyay magacaabista Xubaha Jubaland uga mid noqonaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka. Idilnews
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa Agaasimayaa Guud ool cusub u magacaabay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka ee DFS. Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xasan Maxamed Siciid ayaa uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, halka Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka. Jibril Qoobey
Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaadsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay. Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood.
Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, oo ka tirsan Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayey Iibka & Qandaraasyada. Kulankaan oo Ujeedadiisa aheyd tallo soo jeedin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor-taagan wax-qabadka Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Ahna Agaasimaha ku xigeenka guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane, Keenadiid Cali Jaamac iyo Guddoomiyaha Hay’adda Iibka & Qandaraasyada Mudane, Mowliid Abkey Dhinacyada ayaa isla qaatay in dar-dargeliyo shaqada Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada Puntland.
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa kulan la qaatay Diblomaasiyiin ka socday dalalka Midowga Yurub iyo UK oo Somaliland u tagay indho indhaynta Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo isniintii ka dhacday deegaanada Somaliland.
Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KaahH.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka iska diiwaangaliyay seejada xaafadda Kaambo ee degmada Qardho si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan. Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda guuleystay, wuxuu ka mid ahaa yoolashii uu ballan qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Bulshada Puntland ayaana aad usoo dhoweysay in laga…
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hor-istaagtay fulinta heshiiska Puntland ay la gashay Shirkadda DP World sanadkii 2017-kii, kaas oo dhigayay in DP World ay horumariso dekedda magaaladda Boosaaso. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo xalay kulan la yeeshay xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayay heshiiska DP World. Waxaana ay sheegeen in DF Soomaaliya ay hor-istaag ku samaysay dhaqan-gelinta heshiiska, si loo hormariyo dekedda Boosaaso. Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin. 12 Maarso 2018, Aqalka…
Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysanaya tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda. Wasaaradda arrimaha Diinta Cabdulladhiif Al-Sheekh ayaa usbuucii la soo dhaafay ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda. Cabdulladhiif Al-Sheekh, ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay cabashooyinka ka imanaya dadweynaha. Hase yeeshee tallaabadani ayaa aad loogu dhaliilay baraha bulshada, waxaana markiiba billowday baaqyo lagu baahiyay intarneedka oo ah in la mamnuuco codadka dhaadheer ee muusigada ee ka shidan maqaaxiyadaha. Cabdulladhiif Al-Sheekh,…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid ah Ciidammada Booliska Puntland, kuwaas oo noqonaya dufcadii saddexaad ee ka qalinjabisa dugsiga tababarada Xorgable ee magaaladda Qardho. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay dadaal fara-badan galisay dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, isagoona Ciidanka tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Waxaa shalay si habsami leh u soo gaba-gabowday doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay sugayaan ku dhawaaqista natiijada doorashadan. Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah. Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay. Xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo ku sugan magaaladda Qardho ayaa shir la qaadan doona saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha Amniga Puntland, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay ku qulqulayay Qardho. Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaalada Amni ee Puntland, la-dagaalanka Argagixisada iyo dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, waxaana warbixino looga dhageysan doonaa Taliyayaasha Guud ee Ciidanka Puntland iyo Taliyayaasha qeybaha Booliska Gobalada. Idilnews
Wasiirkii Gaadiidka dalka Ugandha Jen. Katumba Wamala oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka Difaaca Uganda, ayaa lagu dhaawacay weerar dabley hubeysan ay ku qaaday gaarigiisa, xilli uu marayay xaafadda Kiasasi ee magaaladda Kampala. Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku geeryooday gabar uu dhalay Wasiirka iyo darawalkiisii, sida ay sheegtay warbaahinta dalka Ugandha. Warbaahinta maxalliga ah ayaa baahisay Sawirrada gaariga Jen. Wamala oo ay xabbado ku yaalaan iyo mid kale oo muujiyay Jeneraalka oo dharkiisa ay dhiig badan ka muuqdaan, isagoo markaa taagan, xaaladiisa ayaa hadda lagula tacaalaya isbitaal Kampala ku yaalla. Ma cadda cidda weerarka geysatay. Jen. Katumba Wamala ayaa…
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa uga digay Ciidammada Booliska inay ku dhex milmaan ururada siyaasadda Puntland, isagoona tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay codeeyaan, balse ay ka mamnuuc tahay inay la kala saftaan. “Ururada Siyaasadu waa noo siman-yihiin, ciidanka booliska waxaan uga digayaa in ay ku milmaan siyaasada, codayn xaq ayay u leeyihiin, laakiin ka mid noqosho urur ama u ololayn mamnuuc ayay ka tahay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Yare.
Wasiir kuxigeenka ahna ku-simaha Wasirka Wasaaradda Arimaha guddaha Maamulka Galmudug Axmed Cusmaan Aadan, ayaa soo saaray wareegto lagu kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa lagu sheegay sababta loo kala diray Guddiga iyo qodobada loo cuskaday kala dirkooda.
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo saxaafadda kula hadlay Hargeyso ayaa beeniyay war kasoo baxay Puntland oo ahaa inay qabatay sanaaduuq doorasho oo Somaliland ay ugu talagashay Gobalada Sanaag iyo Cayn. Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakiin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen. “Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro” ayuu Wasiir Kaahin. Sida uu baahiyay Telefishinka ku hadlay afka Xukuumadda Puntland, Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka howlgalla gobalada sanaag iyo cayn ay gacanta…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay in Soomaaliya ay la kala safan tahay Dowladaha Masar, Suudaan & Itoobiya. Socdaalka uu ku tagay Magaalada Qaahira waxa uu ku tilmaamay in aanay ka dhigteen in Xukuumadda Muqdisho ay garab u tahay dhiggeeda Masar balse arrimaha gaarka ah ee labada dal uu ku qotomo. Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka madax-bannaan tahay is qabqabsiga Dowladaha xiriirkoodu xumaaday balse dal weliba ay ula tacaamuleyso danaha gaarka ah ee ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu meesha ka saaray tuhunka…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka ku wajahan magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, isagoona tababar u soo xiraya cutubyo katirsan Ciidanka Booliska Puntland oo tababar uga socday muddo dugsiga tababarada Xorgoble. Qaban-qaabada munaasabadda tababarkan loogu soo xirayo Ciidanka Booliska ah ayaa maalmahan ka socotay dugsiga Xorgable. Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyo munaasabadda. Idilnews
GAROWE, Somalia (Reuters) – Somalia’s breakaway Somaliland region held its first parliamentary election for 16 years on Monday, in what politicians there describe as evidence of its comparative stability. The region, which broke away from Somalia in 1991 but has not gained widespread international recognition for its independence, has been largely peaceful while the rest of Somalia has suffered three decades of civil war. “Vote in peace,” President Musi Bihi said in televised remarks after casting his ballot. Opposition leader Abdirahmaan Mohamed Abdulahi echoed the sentiment: “I urge the Somaliland people to vote in peace and calmly.” Three major parties…
Qoyska nin Turkish ahaa oo laga afduubay magaalada Nairobi, ayaa dacwad ka xareynaya dowladda Kenya oo ay sheegeen inay u taxaabtay Turkiga. Selahaddin Gulen ayaa ah wiil uu adeer u yahay wadaadka masaafuriska u deggan Mareykanka ee Fethullah Gulen. Qoyska ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay sirdoonka Turkiga gacabn ka siisay in la afduubo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa xalay booqday goobaha ganacsigga iyo goobaha kale ee bulshada ku cawayso, isagga oo mid mid u salaamay dadkii uu goobahaas ugu tagay. Gen. Cabdi Yare ayaa ka xogwareystay qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho wada shaqeynta kala dhexeysa Booliska iyo haday jirto tabashooyin ay ka qabaan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyoraac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa ku dhawaaaqey in doorashadii Somaliland ku soo dhammaatey si nabadgalyo ah. Mudane Cabdirashiid Riyoraac ayaa shaaciyay in doorashada golaha wakiillada iyo golaha deegaannada ay codkooda ka dhiibteen in ka badan 1 Milyan oo codbixiyeyaal ah. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa tilmaamay in doorashada ay ka dhacday kuraasta 23 goob doorasho oo ay ku loollamayaan seddexda Xisbi ee ugu waaweyn oo Somaliland ka jirta.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa gaari riig ah oo loogu talagalay dayactirka Ceelasha biyaha iyo matoor lagu buufiyo ceelasha kala wareegtay Hay’adda Islamic Relief. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed Siciid Qolombi iyo Agaasimaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir, oo la wareegay agabkan ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Islamic Relief gaariga iyo matoorka ay soo gaarsiisay Wakaaladda. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, kuwaas oo matalayay Golaha Midowga Musharixiinta. Labada Madaxweyne ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wareejiyay Liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa magacaabay Guddi ka kooban 9 xubnood oo qaabilsan qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Guddiga ayaa kala ah; Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe (Guddoomiye)Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale (Guddoomiye kuxigeenka)Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Durraan Axmd FaaraxWasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale BeyleWasiirka Gargaarka & M. Masiibooyinka Khadiija Maxamed DiiriyeWasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas XuseenWasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha Shugri Maxamuud AfraxGuddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud MaxamedAgaasimaha Golaha Wasiirrada Bashiir Axmed Cusmaan (Xoghayaha Guddiga). Idilnews
Wasiirka caafimaadka Puntland oo wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka caafimaadka D.F ku soo dhaweeyay magaalada Garowe. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa manta ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda magaalada Garowe wafti uu hogaaminayay wasiirkuxigeenka wasaaradda caafimaadka D.F Soomaliya oo uu wehelinayay wasiirka caafimaadka Galmudug. Wasiirka ayaa ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee wasaaradda waftigan waxaana kulan wada qaateen qaar kamid shaqaalaha wasaaradda waxaana loo soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan sida wasaaraddu ushaqayso iyo waaxyaha ay ka koobantahay. Waxay kormeereen xarunta qaboojinta dawooyinka wasaaradda, keydka dawada iyo qaar kamid ah xafiisyada agaasimayaasha iyo qaybaha wasaaradda…
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay hoygiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, wasiiro iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Koofur Galbeed. Kulankan qadada ayaa ku yimid kulamo iyo wadatashiyo si gaar gaar ah u yeesheen Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta horay xilalka u soo qabtay, waxaana uu ahaa mid looga hadlay siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirkii arrimaha Doorashada Soomaaliya ee lagu heshiiyey ayaa galabta kusoo laabtay Garoowe. Madaxweyne Deni oo muddo ku mashquulsanaa Khilaafka Siyaasadeed ee kala dhexeeyay DFS iyo Arrimaha doorashooyinka, ayaa maalmaha soo socda Isbedel ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Puntland. Jibril Qoobey
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in lamanayaasha dalkaas loo ogolaaday inay dhalin karaan saddex carruur ah kadib tirakoob dhawaan la sameeyay uu muujinayay in hoos u dhac uu ku yimid tirada carruurta dalkaas. Tallaabadan ayaa meesha ka saareysaa sharciga lamanayaasha u ogolanayay inay heysan karaan labo carruur ah. Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay in go’aanka uu ansixiyay madaxweyanaha Shiinaha Xi Jinping xilli uu ka qeybgalayay kulan ka dhacay halkaas. Ma kala cadda xilligga uu si rasmi ah u dhaqangalayo xeerkan.Shan sano ka hor ayay aheyd markii Shiinaha uu meesha ka saaray sharci u ogolaanayo dadka inay dhali karaan hal canug si…
Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Muqdisho Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay Arrimaha Amniga, gaar ahaan xoojinta iyo iskaashiga howlgalada la-dagaalanka argagixisada iyo Arimaha Ganacsiga Deegaanada Hirshabelle iyo Itoobiya. Idilnews.
Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel, Naftali Bennett ayaa Axaddii sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag suurta-gal ah oo soo afjari karta xukunka ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Israel Benjamin Netanyahu. Sharci-dejiyayaasha kasoo horjeeda hoggaamiyaha garabka midig ee Netanyahu ayaa waxaa u socda wada-hadallo xooggan kahor waqtiga kama dambeysta ah ee Arbacada, oo ay tahay in dowlad cusub lasoo dhiso. Netanyahu oo ah 71 jir, islamarkaana wajahaya maxkamadeyn la xiriirta qiyaameyn, laaluush, iyo burinta kalsoonida dadweynaha, kuwaaas oo uu beeniyey, ayaa xukunka si haystay muddo ay Israel ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo dhaliyey in afar doorasho ay dhacaan laba sano…
Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa iska diiday ka qeybgalka munaasabad ka dhici laheyd Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, iyagoona isaga soo dhoofay maanta. Munaasabadda oo la baajiyay ayaa ujeedada lagu sheegay mahadcelin iyo maamuus uu Madaxweynaha muddo-xileedka dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo u sameynayo Madaxdii ka qeybgashay Shirka wada-tashiga qaran ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeya Muqdisho, laguna xaliyay caqabadihii hortaagnaa hirgalinta doorashada. Said Abdullahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islaam, ayaa la sheegay in ay ka cudur daarteen tagista Madaxtooyadda, sababo la xariira Amnigooda, sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Jubbaland.…
Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya Mohamed Hussein Roble, ayaa horaanta bisha soo socota eeJune, booqan doona magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay ogaatay Idilnews. Rooble ayaa kulan la yeelan doona Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan xalinta khilaafka dublamaasiyadeed ee labada dal. Idilnews.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaha UN-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu raacaan Nairobi masuuliyiin kamid ah Dowladda Soomaaliya, xilli Kenya ay joojisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa looga digay Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimo inay ka fogaadaan qaaditaan masuuliyiinta DFS, iyadoona ku hanjabtay in hadii ay dhacdo ay kusoo rogeyso xayiraad. Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa joojiyay dhamaan go’aanada kasoo baxa Dowladda ee uusan la socon, isagoona sabab uga dhigay in uusan dhicin ku tagrifal Awoodeed xilligan kalaguurka ah.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota. Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.
Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2021 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO TOBACCO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta ay leeyihiin. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2021 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo halkudhigga sanadkanna uu yahay BALLANNQAAD INAAD JOOJISO “COMMIT TO QUIT” kaasoo dadka ku dhiirrigelinaaya inay joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada si ay u helaan nolol caafimaad leh. Cabista Sigaarka iyo Halista COVID-19 Waxaa dunida oo idil saamayn wayn ku yeeshay xanuunkan cusub…
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Guddiga amniga doorashooyinka ay u diyaar garoobeen sugida amniga doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan heshiiska lag gaaray. Taliye Xijaar waxaa uu hadalkiisa u intaasi ku daray in gudiga amniga oo ka kooban dhamaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya & booliska AMISOM la sameeyay Bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii , isla markaana Shaqooyin dhowr ah uu qabtay. Waxaa sidoo kale uu sheegay in Guddiga uu ka qeyb qaatay sugida amniga doorashooyin ka dhacay qaar kamid ah dowlad Goboleedyada, qaarkodna ay booqasho ku tageen sida, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn taliye…
Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobe Volkan Bozkir, ayaa cambaareeyay af-genbiga ka dhacay dalka Maali, wuxuuna ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuquraadiyad iyadoo si nabad ah la isagu wareejinaayo xilka. Bozkir ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Maali,wuxuuna ugu baaqay caalamka inay ka horyimaadaan af-genbiga military ee dalkaas ka dhacay. Ciidamada dalka Maali ayaa xiray madaxweynihii kumeel gaar ahaa iyo ra’iisal wasaarihii dalkaas isniintii lasoo dhaafay, waxeyna ku qasbeen inay is casilaan. Maxkamadda Dastuuriga ee Maali ayaa ku u dhawaaqday jimcihii in General Guetta noqdo madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.
Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, ayaa maanta gaaray Ismaamulka Kisumu ee dalka Kenya, oo ay uga bilaabanayso booqashada labo maalmood ah. Isagoona kulan la yeelan doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku sugan gobalkaas. Labada hoggaamiye oo ay dalalkooda Ciidammo kamid ah AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa ka wada-hadli doona xaalada Gobalka iyo xiisadaha ka holcaya qaar kamid ah wadamada Geeska Africa. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, taas oo saaka ka bilaabata deegaanada Somaliland. Madaxweyne Biixi oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu codka ka dhiibtay ayaa sheegay in Doorashada Somaliland ay indhaha ku hayaa guud ah Bulshada caalamka, isagoona ugu baaqay Shacabka Somaliland inay si wanaagsan oo ay ku jirto wadaniyad ay u dhiintaan codkooda. Jibril Qoobey
Guddiga joogtada ah ee Golaha deegaanka ee degmadda Garoowe ayaa isku-shaandeyn ku sameeyay Agaasimayaasha waaxyaha Dowladda hoose ee caasimadda Puntland. Isbedelka ayaa yimid kaddib kulan guddiga joogtada ah degmadda Garoowe, waxaana xubnaha la isku bedelay kamid ah Agaasimayaasha waaxyaha Maaliyadda, Qorsheynta, Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada. Jibril Qoobey
Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta u gudbinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble xubnaha Guddiga farsamada doorashooyinka ee ay horey uga muujiyeen cabashada, kuwaas oo ku jira Guddiyada labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada. Xubnaha Midowga Musharixiinta ay gudbinayaan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa 20, ayay ku eedeeyeen inay kamid yihiin shaqaalaha Dowladda iyo Hay’adda Nabad-sugida ee NISA. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi heer wasiiro ah oo baaris ku sameynaya xubnaha cabashada laga gudbiyo, iyadoona intaas kaddib lagu sameynayo isbedel, sida uu dhigayo heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo ka badan Asbuuc oo uu ku sugnaa magaaladda Muqdisho oo uu uga qeybgalay Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo lagu xaliyay qodobadii caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September. Madaxweyne Deni ayaa maalmaha soo socda Isbedel ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Puntland. Jibril Qoobey
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa 4 maalmood ku kordhisay mudada Diiwaangelinta codbixiyayaasha degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, maadama ay maanta ku ekeyd 14 cisho ee horey Guddigu u Iclaamiyay. “Maadaama isdiiwaangelinta codbixiyayaasha degmada Eyl ku ekayd maanta dadka sida maalinlaha ah isku diiwaangelinayana ay wali aad u badanyihiin, waxaa Guddigu ku daray 4 maalmood si ay dadku jaanis ugu helaan inay isdiiwaangeliyaan”. Jibril Qoobey
Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan oo dhiganayay iskuul Islaami ah oo ku yaal Nigeria – waana weerarkii ugu dambeeyay ee noocan ah ee lagu qaado iskuullada. Maamulka gobolka Niger ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dablay hubaysan ay gacanta ku dhigeen arday aan tiradooda la aqoon oo ka tirsan iskuulka ku yaal magaalada Tegina maalintii Axada. Macallin ayaa u sheegay BBC-da in 150 arday la la’yahay, halka warar kalena ay sheegayaan in tirada ay gaareyso illaa 200. Afduubyada madaxfurashada lagu raadinaya ayaa ku soo badanaya gobollada woqooyi. Bishii Febraayo ku dhowaad 300 oo gabdhood ayay…
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta dib ugu laabanaya magaaladda Kismaayo, kaddib socdaal qaatay 11 maalmood oo uu ku joogay Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa Madaxdii ka qeybgashay Shirkii wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo lagu xaliyay caqabadihii hortaagnaa fulinta heshiiskii 17-kii September. Idilnews
Shacabka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah u dareeraya codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland, taas oo ka bilaabanaysa guud ahaan deegaanada Somaliland Doorashada ayaa waxaa isku diiwaangashay dad ka badan hal malyan (1,065,846), iyadoo codadka laga dhiiban doono 2,709 goobood, waxaana ku tartamaya 798 Musharax, oo ka kala socda saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. 552 kamid ah musharixiinta ayaa u taagan Golayaasha deegaanka ah, halka 246 oo kamid ah ay u tartamayaan Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 Xildhibaan. Isu socodka gaadiidka Somaliland ayaa la joojiyay laga bilaabo 4:00am subaxbimo ilaa 6:00pm…
Ilo xog ogaal ah oo ka kala tirsan Villa Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa ii xaqiijiyay in Madaxwayne Farmaajo uu Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ku amray in is bedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta. Is bedelka oo la filayo in maalinta barri ah lagu dhawaaqo ayaa la qorsheeyay in laga billaabo agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna raaci doonaan agaasimayaasha qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA. Warbaahinta Qaranka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qaadatay siyaasad tifaftir oo dhexdhexaad ah iyada oo baahineysay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah. Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaan aad u dhibsaday ayaa…
Puntland ayaa sheegtey in ay gacanta ku dhigtay sanaadiiqda doorashada Somaliland, aga-gaarka degmada Ceerigaabo. Raadiyaha Puntland ayaa baahiyey in ciidamada ammaanka Puntland ay qabteen sanaadiiq ay sheegeen in loo waday magaalooyinka gobolka Sanaag, madaama berri loo dareerayo doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuukar, ayaa maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz. Labada Masuul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada Wadan, iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay safaaradda Turkiga. Ilo-dublamaasiyadeed ayaa inoo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda uu u tagay Safaaradda Muqdisho labo arimood, kuwaas oo kala ah: 1. In Turkigu uu fasaxo dhaqaalihii uu ku kabi jiray Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu joojiyay bilo kahor. 2. In Turkigu uu DFS kusoo wareejiyay Gaadiidka gaashaman ee dhowaan uu ugu deeqay…
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiskii khamiistii ay wada gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ku saabsan hirgelinta Qaabkii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember. War-saxaafadeed ay sii daayeen, 15-ka xubnood ee golaha ammanaka qaramada Midoobay ayay ku bogaadiyeen hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya oo muujiyay bisayl iyo tanaasul loogu turayo shacabka. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen ballanqaadkii ahaa in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, lana xushmeeyo qoondada haweenka ee ah 30% baarlamaanka. Golaha ammaanka wuxuu ku booriyay dhamaan dhinacyada inay sii wadaan wada…
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay kulan lagu taageerayay heshiiska golaha wadatashiga qaran iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Bari ayaa ka qabsoomay xarunta Maamulka Gobolka Bari. Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Balidhidin, Guddoomiyaha Degmada Carmo, Siyaasiiyiin hore, isimo, Nabadoono, Haween, Dhalinyaro, qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan. Kulanka Labada masuul ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaalanka Argagixisada. Jibril Qoobey