Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan oo heer wasiir ah ay xaqiijin doonaan cadeymaha la xiriira xubnaha guddiga farsamada ee khilaafku ka jiro. Heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaaladda Muqdisho Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa mid ka mid ah qodobada heshiisku tilmaamayay in Dowlad Goboleedyada ay u gudbiyaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha xubnaha guddiga doorasho ee uu khilaafku ka dhashay.
Author: Jibril Qoobey
Kumanaan Ruux ayaa bannaan-bax ka dhan ah Mareykanka iyo dalalka kale ee Reer galbeedka ka dhigay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kuwaas oo diidan go’aanka Mareykanku uu xayiraada ugu soo rogay Masuuliyiin Itoobiyaan iyo Eretariyaan ah. Sidoo kale, Bannaan-bax noocan oo kale ah ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Qabridahar. Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas, waxaana qaar kamid ah dadka bannaan-baxaya ay wateen Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping. Xiriirka…
Ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay ka wadaan deegaano ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab ee gobolka Shabeellada dhexe. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay dileen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan oo uu hoggaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo isugu jira ciidamadii dhowaan ka soo horjeestey muddo kordhinta iyo ciidamo kale ayaa Al-shabaab looga saaray deegaanada Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe. Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa…
Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi Abdi, ayaa shacabka Somaliland u diray farriin la xariirta doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland, kuwaas oo berri oo isniin ah ka bilaabanaya deegaanada Somaliland. Madaxweyne Muse Bihi Abdi ayaa ugu baaqay inay Shacabka Somaliland si nabad ah u codayaan, isaga oo guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaargarowga ee ka horreeyey.
Taliye kuxigeenka hoggaanka nabad-gelyada waddooyinka Dowladda Puntland Col. Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal), ayaa sheegay in 5 bilood ee ugu dambeysay ay deegaanada Puntland ka dhaceen in ka badan 100 shil oo baabuur ah, kuwaas oo ay ku dhinteen illaa 20 Ruux. Col. Ismaaciil Qabaal ayaa sheegay in shilalka dhacay ay u badnaayeen gaadiid gudoomay, waxaana uu ugu baaqay mulkiilayaasha gaadiidka iyo waalidka dhalinyarada in dadka loo dhiibayo gaadiidka ay yihiin dad masuuliyiin ah. “In ka badan 100-shil oo baabuur ah ayaa ka dhacay 5-dii bilood ee u danbaysay deegaanada Puntland, ilaa 20 ruuxna waa ay ku dhinteen, waxaan uga digaynaa…
Waxa aad arkayso waa shacabki Koonfurta Mudug oo Deegaamada ku hareeraysan Hobyo iyo Xarardheere lagala wareegay oo usoo barakacay Koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale habeen dhawayd Wadada isku xirta Guriceel iyo Dhusamareeb waxay Shabaab kala dageen Gawaari Dad,halka Gawaari qaarkeedna ay gubeen. Digniinta iyo baaqa kasoo yeeraysa dadkaas soo barakacay, waa in si dhab ah loo qaataa oo la yaqiinsadaa in Shabaab inta badan Galmudug qabsaday. Ciidamada Puntland waa in heegan buuxa lagaliyaa l,gaar ahaan qaybta 60-aad ee Aagaga dhaca Xuduudka Saaxo iyo Towfiiq iyo dhanka Bada Ceel Dhanaan. PMPF waa in ay degaan Ceel Dhanaan oo Fariisin looga sameeyaa rasmi…
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ayaa tababar ku saabsan Barashada iyo fahanka Baarlamaanka, u furay arday ka socota Jaamacadda Puntland State University ( PSU), kuwaas oo barta Maamulka Dowliga ah. Tababarka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa Ardayda lagu siin doonaa casharo la xariira xoojinta iyo fahanka nidaamka dawladnimada, dawlad wanaagga iyo shaqada Baarlamaanka. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kula dardaarmay Ardayda inay ka faa’ideystaan tababarka, ayna aqoonta ay bartaan ku celiyaan Arday kale iyo Bulshada ay ka yimaadeen. Idilnews
illaa boqol Qoys oo kasoo barakacay deegaanada Koonfurta iyo Bariga Gobalka Mudug ee gacanta ay ku heyso kooxda Al-Shabaab, ayaa xaalad adag ku heysata kaamamka ku yaalla koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug. Dadkan oo u badan Haween iyo carruur ayaa ugu baaqay Galmudug, DFS iyo Hay’adaha samafalka inay soo gaarsiiyaan gargaar deg-deg ah.
Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa ka horyimid xil ka qaadis u ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. Wasiir Cabdi Waayeel oo wareysi siinayay Dalsan TV ayaa sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Galmudug uu ku sameyn karo shaqo joojin, balse uusan ku sameyn karin xil ka qaadis, sida uu dhigayo dastuurka Galmudug. “Qaanuunka Galmudug u yaalla Madaxweyne kuxigeenku malahan xil ka qaadis Wasiir ee xil joojin buu leeyahay, warqadda uu soo saarayna waxay baal-marsantahay Dastuurka Galmudug” ayuu yiri Wasiir Cabdi Waayeel. Cabdi Waayeel oo la weydiiyay in xil ka qaadis uu ku…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay in laga bilaabi Maanta oo Axad ah in loo fasaxay Dhoofayaasha 11 dal inay soo geli karaan Sacuudiga. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dhoofayaashaasi laga baari doono COVID-19 marka ay ka soo degaan Garoomada Diyaaradaha ee Sacuudiga. Dhoofayaasha loo oggolaaday inay booqan karaan Sacuudiga ayaa ah kuwa ka kala imaanayo dalalka Maraykanka, UK, Talyaaniga, Jarmalka, Sweden, Switzerland, Ireland, Portuqiiska, imaaraadka Carabta, Faransiiska, Japan & Soomaaliya. Dhowr Bilood ka hor ayaa Maamulka Guud ee Duulista Hawada Sacuudiga waxaa ay soo saaraeen Go’anka cusbooneysiinta xayiraadaha safarka ee loogu tala galay dadka tagaya Boqortooyada Sacuudiga…
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa wada-hadal khadka Taleefoonka ah la yeeshay dhigiisa dalka Pakistan Sadiq Sanjrani. Labada Guddoomiye ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka. Gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka pakistan ayaana casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa Soomaaliya Cabdi Xaashi, si uu u tago dalka pakistan loona xoojiyo xiriirka labada dhinac, isaga oo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan. Dhanka kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay…
Diiwaangalinta codbixiyaha doorashooyinka Puntland ayaa weli ka soconaysa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo lagu qabanayo doorashada hordhaca ah. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in diiwaangalinta oo ka socota gudaha degmooyinka saddexda ah, deegaanada iyo miyiga hoos yimaada, lasoo gaba-gabeynayo maalmaha soo socda. Jibril Qoobey
Hal Ruux oo haween ah ayaa ku geeryootay, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ciidanka ilaalida waddooyinka Puntland oo gaaray goobta shirku ka dhacay ayaa sheegay in gaariga shilka galay ay la socdeen 10 ruux, uuna rogmaday xilli Dhalinyaradan ay dalxiis uga soo laabteen deegaanka Laacdheere oo 20-KM u jira Garoowe. Jibril Qoobey
Major General Tsadkan Gebremehdin oo ahaa taliyaha milatariga itoobiya xiligii ay dagaalka kula jirtay Eritrea kahorna ahaa mid kamida hogaankii jabhada TPLF ee sanadkii 1991 xukunka ka tuurtay mengistu ayaa markale kasoo muuqday buuralayda deegaanka tigreega isagoo markan dagaal kula jira isla ciidankii uu shalay hogaamiyaha u ahaa ee itoobiya iyo kuwii uu la dagaalamayay ee eritrea oo xulafo ah. Sargaalkan oo saaxada siyaasadeed ee itoobiya ka maqnaa mudo 20 sano kabadan ayaa ahaa mid kamida dadka ugu hantida badan itoobiya isagoo ahaa milkiilaha shirkad khamrida soo saarta oo Raya lagu magacaabo, balse markii uu dagaalku ka bilowday deegaanka tigreega…
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo marraka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen fuliyeen Tulooyinka Shabac, Xarxaarka, Gaabo_gabdhoole, Labikuus, ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ay marraka qaar ka geystaan Al-Shabaab. Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in Cidianka DANAB ay ku guuleysteen inay howlgalka ku soo saaraan 5 Miino oo…
Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ka qeybgalay Casho Sharaf ay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya u sameeyeen Madaxdan. Kulanka casho sharafta oo aheyd sagootin ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweynayaashii hore ee Dalka ahna Hoggaanka Midowga Musharixiinta, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka iyo Siyaasiyiin.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari, iyadoo ay ka soo qeyb galeen guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari. Shirka ayaa intii uu socday waxa la iskaga Xog-waraystay go’aamona laga gaaray xaallada Nabadgalyada ee Gobolka, la dagaalka iyo hortaga kooxaha nabad diidka ah ee Daacish Iyo shabaab, ka hortaga xaalufka Deegaanka, Iyo xaallada guud ee amniga Gobolka.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel). Xil ka qaadistan Wasiir Cabdi Waayeel ayaa la sheegay inay la xariirto kaddib xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.
Qalfoofka ilaa 215 caruur ah oo qaarkood ahaa saddex sano jir ayaa laga helay meel u dhow iskuul ay daganaan jireen waxna ka baran jireen caruurta qabaa’ilka loogu tagay Canada. Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa warka helitaanka haraaga caruurtan ku tilmaamay qalbi-jab. Caruurtan ayaa ahaa arday wax ka baraneysay dugsiga Kamloops Indian Residential School ee gobolka British Columbia, kaas oo la xiray sannadkii 1978-kii. Rosanne Casimir oo ah caaqilka qabiilka Tk’emlúps te Secwépemc ayaa sheegay in bulshooyinka Canada loogu tagay ay ogaayeen warka la xiriira dilka carruurta, balse ay hadda awoodeen in ay xaqiijiyaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay…
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa hambalyo u diray arday Reer Jubbaland ee maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020/2021, isagoona sheegay inuu u rajeynayo guul. Madaxweyne H.E Ahmed Mohamed Islaam oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan idiin rajeynayaa guul wiilasha iyo Gabdha maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.” Madaxweynaha ayaa intaas ku daray “Maanta waxaad ka gudbaysaan mid kamid ah marxaladaha waxbarasho ee mudo badan aad ku taamayseen waxayna saldhig u noqon doontaa guulo badan oo idinka iyo waalidkiin iyo guud ahaan dalkaba aad ku anfici doontaan.” “Si…
Qaban-qaabada munaasabad tababar loogu soo xirayo cutubyo kamid ah Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka socota dugsiga tababarada Ciidammada ee Xorgoble ee magaalada Qardho. Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Hasan Abgaal, iyo Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta, ayaa gaaray dugsiga xorgoble. Xukumadda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wali ku guda jirta dhismaha Ciidamada waana balan qaad- yadii Madaxweyne Deni oo guulo wax ku ool ah laga gaaray. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa maanta qaabilay Wafti abalaaran oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, uuna qeyb ka yahay Madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma. Ujeedada socdaalka Waftigan oo ka kala socda in ka badan 10 Wadan ayaa ah kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Somaliland 31-May-2021, oo hal maalin ka harsan tahay. Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique. Jibril Qoobey
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire, ayaa maanta la wareegay Gaari weyn oo ah nooca lagu qaado maxaabiista (Shabaqle), kaas oo ay soo iibiyeen Golaha Horumarinta iyo Amniga Gobalka Mudug oo ay ku mideysanyihiin Qurbojoogta Gobalka Mudug. Munaasabadda gaarigan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, Duqa degmada Gaalkacyo Hon Mohamud Abdinur iyo xubno ka socda qurbajoogta Gobalka Mudug. Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa kulan ku yeeshay Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho. Kulanka Madaxda Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii Doorasho ee la gaaray iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gaar ahaan taageerada looga baahanyahay dhinacooda. Jibril Qoobey
Shir u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ka socda Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Shirka ayaa looga hadlayaa hirgalinta heshiiska doorashada ee Madaxda Soomaalida iyo sidii Beesha Caalamku ay gacan uga geysan laheyd, gaar ahaan dhaqaalaha Doorashada. Jibril Qoobey
Kulan lagu heshiisiinayay Qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta, ayna garwadeen ka aheyd Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas. Kulankaas oo diiradda lagu saaray colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada dhinac iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaaddaasi. waxaana ka qeybgalay Odayaasha Dhaqanka labada dhinac ee Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo dadaal ku bixinayay sidi xal loo gaari lahaa. Labada Qoomiyadood ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid ahaayeen in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha.
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday iney soo dhaweynayaan heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyin dalka. Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay sidii looga hortagi lahaa fowdo, khalalaase amni daro iyo xaalad kalitalisnimo oo uu dalka gali lahaa. “Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sii wadi doonaan dadaalada aay kaga mira dhaliyeen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, Galaha makala tagi doonaan ilaa inta doorashada ka dhaceyso” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Geelle. Ugu dambeyntii kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya iyadoo Khamiistii lasoo dhaafay la shaaciyay in heshiis…
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, oo ka hadlay arrimo badan, sida Heshiiskii DP World ee 2017-kii iyo xasaanad ka qaadistii 8 Xildhibaan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa maanta daah-furtay wajiga labaad ee tallaalka cudurka COVID-19, kaas oo ka bilowday 9 Gobal ee Puntland. Tallaalkan ayaa waxaa qaadan doona dadkii horey u qaatay wajigii kowaad ee cudurka COVID-19, waxaana si gaar ah loogu talagalay shaqaalaha ku gudajira la-tacaalida cudurka COVID-19, Macalimiinta, iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta. Wasiir Hon Jama Farah Hassan, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay qaataan tallaalka, si looga hortago faa’fitaanka cudurka COVID-19. Jibril Qoobey
In ka badan 40-kun oo arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilaal ayaa maanta u fariisatay Imtixaan sanadeedka fasalka 12-aad ee Dugsiga sare 2020/21. Ardayda saaka u fariisaneysa imtixaankan ayaa ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug. Imtixaanka ayaa socon doona muddo shan maalmood ah Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la geeyay goobaha imtixaanka lagu qaadayo kuwaas oo aad u adkeeyey amaanka si gaar ah wadooyinka soo galayo goobaha Muqdisho saakay imtixaanka ardayda ku galayso Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyin dheeraad ah la qaaday imtixaankuna yahay mid lagu kalsoonaan karo
Ciidanka PSF Dowladda Puntland oo howlgallo ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen Saldhig weyn oo ay laheyd kooxda Argagixisada ah ee Daacish, sidoo kalena ay dileen xubno katirsan Kooxda oo uu kamid ahaa Sarkaal Ajnabi ah.
Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Khamiistii magaalada Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa waddankaas, Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee Masar ay ku dooneyso inay sameysato xulafo dheeraad ah oo reer Afrika ah, xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka kala dhaxeeya Itoobiya. Booqashada Al-Sisi uu ku tagay waddanka ku yaalla geeska Afrika waxay noqotay tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Masaari ah sameeyo tan iyo markii ay Jabuuti xornimadeeda qaadatay sanadkii 1977-kii. Arrintani waxay abuurtay hadal heyn ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamka oo ku aaddan in Masar ay ka fikireyso sidii ay…
Taliska Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlgal ciidan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe. Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamadu ay jab ku gaarsiiyeen Al-shabaab hawlgal ka dhacay tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeellada dhexe. Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in hawgalkaas lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidamadu ay burburiyeen xarumo Ciidan oo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka War-Ciise…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf ugu sameeyay hotelka Elite ee Xeebta Liido Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaddib markii guul kusoo dhamaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo horaanta Asbuucan dib ugu soo laabanaya Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo. Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaadaya illaa 5 Wasiir, oo ay kamid yihiin Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, Shaqada iyo Shaqaalaha, isagoona u magacaabaya Wasiiro cusub, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isku bedeli doona Wasiirada qaarkood, waxaana uu buuxin doonaa Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Deegaanka oo Wasiiro la,aan ah muddo dheer. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xilka ka xayuubin doona qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Kalluumeysiga, Shaqada iyo…
Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Saaxibada Beesha Caalamka ayaa loogu mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hoggaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. “Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.”ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa Akhriyay War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Huseen (Guudlaawe), ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan (Laftagareen), ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Huseen Rooble, ee Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka. Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Madaxda ka qeybgashay Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa saxiixay heshiiskii ay ka gaareen qodobadii la isku hayay, sida arrinta Gobalka Gedo, Hanaanka doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, Turxaan bixinta Guddiga Doorashada iyo Amniga Doorashooyinka iyo Jadwalka Doorashada. Akhriso qodobada ugu muhiimsan War-murtiyaadka Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Arrinta Guddiga Doorashada 1: In la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay. 2: In guddiga Doorashooyinka ay dhaxdooda iska soo doortaan guddoonkooda. Arrinta Gobalka Gedo 1: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, 3: In amniga ay sugaan Booliska AMISOM. Arrinta Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi. 1: In guddiga doorahada…
Xafladda Xeritaanka Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa ka bilaabatay Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Dalkaasi. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Masar Al-siisii uu kala hadli doono dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle sida loo xoojin karo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa kulan gaar ah haatan uga socda Teendhada Afisyooni ee Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlayaa xal u helida tabashada Guddoomiye Cabdi Xaashi, ee ku aadan sida loo qeybiyay xubnaha Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, oo ku sugan Teendhada Afisyooni ayaan qeyb ka aheyn kulanka, oo looga hadlayo caqabada hortaagan bilaabashada xafladda xiritaanka Shirka. Jibril Qoobey
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa shaacisay in 15, June 2021, la dhisayo Golaha deegaanka Degmada Bandarbeyla ee Gobalka Karkaar.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa aqbalay inuu ka qeybgalo munaasabadda xiritaanka Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, oo uu diiday. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ogalaaday ka qeybgalka kulanka kaddib kulan ay la yeesheen xubnaha midowga musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire. Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu qanciyay in loo kordhinayo xubnaha uu ku yeelanaya Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, kaddib dadaal ay sameeyeen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire ayaa haatan ka socda guriga Guddoomiye Xaashi ee Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlayaa tabashada Guddoomiye Xaashi ee ku aadan heshiis ay gaareen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynahayaasha Dowlad Gobaleedyada, gaar ahaan qodobka la xariira doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii guddoomiye Cabdi Xaashi loogu qancin lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi iyo…
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee taabacsan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka horyimid heshiiska Doorashada ee la filayo in maanta lagu saxiixo xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saareen siyaasiyiintaas ayay ku sheegen in aan wax talo ah ku lahayn saddex qodob oo ka mid heshiiska Afisyone. “Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn…
Qaban-qaabada Munaasabadda xiritaanka Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maalmahan uga socday Teendhada Afisyooni ee Muqdisho Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka socota Muqdisho. Waraaq ay heshay Warbaahinta ayaa muujinaysa sida uu ku soconayo Jadwalka khudbadaha Munaasabadda xiritaanka Shirka laga jeedin doono. Jibril Qoobey
Ciidammada Booliiska Puntland iyo Galmudug, ayaa xalay hawlgal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga waxay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo. Ciidammada oo iskaashanaya ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha labada dhinac. Hawlgalka waxa lagu qabtay dad kala duwan oo lagu tuhmayo falal amni-darro ah, kuwaas oo saraakiishu sheegeen in baaritaan lagu samaynayo.
Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaba-gaboobo, waxaa socota munaasabadda xiritaanka Shirka oo galay maalintiisii 5-aad. Shirka oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayeen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa is afgarad looga gaaray qaar kamid ah qodobadii caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, waxaana kuwa harsan loo balamay kulamada kale. Madaxda Shirka ka qeybgalaysay, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, Midowga Musharixiinta, iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah ayaa la filayaa inay khudbaddo ka jeediyaan xafladda xiritaanka Shirka. Jibril Qoobey
Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug ayaa soo saaray Awaamir cusub oo ku aadan adkeynta Amniga, waxaana ay shaaciyeen goob lagu hubinayo gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya oo laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo. Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay la hubin doono Gaadiidka soo gala Magaalada Gaalkacyo iyo kuwa ka baxa, isagoona ku amray darawalada gaadiidka inay u hoggaansamaan Awaamiirka Dowladda.
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida jilaagii caanka ahaa Sooraan Ismaaciil Sugulle, oo maanta ku geeryooday Magaalada Burco. “Alle ha u naxariisto Sooraan Ismaaciil Sugulle, wuxuu ahaa Abwaan, Jilaa iyo Fannaan, aad uga dhex muuqday Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo uu waxbadan kusoo kordhiyay.” “Waxaan geerida Abwaan Sooraan uga tacsiyeynaya, Eheladiisii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday, bahda fanka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed.” Idilnews
Sooraan Ismaaciil Sugulle oo aha mid Kamida majaajilaystayaasha loogu jecelyahay taariikhda casriga ah ee fanka Soomaalida, ayaa ku geeriyooday magaalada Burco kadib in muddo ah oo uu u jiifay caabuqa COVID-19. COVID-19 ayaa majaajilaystaha haleelay kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku joogay dalka Jabuuti oo uu kaga qayb galay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Jilaaga ayaa isbitaal ku yaala magaalada Burco la dhigay 16 bishan May, halkaasi oo uu ugu danbayntii maanta ku geeriyooday. Sooraan ayaa aha mid kamida majaalaystayaasha loogu jecelyahay ee fanka Soomaalida, wuxuuna caan ku aha riwaayado gaagaban iyo filimo taxanayaal ah…
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa sheegay in Soomaalidu aysan maanta isku heyn qabiil, balse la isku hayo mab’da, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafka ka dhexeeya khilaafka ka dhexjira Isaga iyo Deni oo dhinac ah iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo, oo ay Qabiil ahaan is xigaan. “1991-kii waa laga soo gudbay xiligaa waxaa laisku hayay qabiil,balse hadda waxaa laisku hayaa mab’da cid xumaan isku qabtana majirto” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midowga Afrika ay u soo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama. James Swan ayaa shalay ka hadlay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Somaaliya ayaa ku tilmaamay go’aankaas inuu ahaa mid aan wanaagsanayn. “Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.”ayuu yiri James Swan. Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo…