Author: Jibril Qoobey

Wasiir dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa saaka shir gudoomiyey shir looga hadlayey u adkaysiga abaaraha. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xoghaynta ku midaysan qor uqaadista arrimaha u adkaysigan Abaaraha (Resilience Secretariat Working Group ) kaas oo ujeedadiisu ahayd in daneeyayasha arrimaha u adkaysiga Abaaruhu ay ku falanqeeyaan xaaladaha taagan iyo in ay ku kala faa,idaan khibrad ku saabsan siyaabaha loo maareeyo khataraha ka yimaada arrimahaas. Shir ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday Hay’adaha Dawladda Puntland, Hay’adaha caalamiga ah iyo midowga Consorium-kan Somali Resilience Program “SomRep” Shirka ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la qaatay hormuudka haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha kala duwan ee Dowlada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa ka qeybgalka haweenka ee arimaha Siyaasada. Kulanka ayaa looga hadlay sidii Haweenku u heli lahaayeen qoondooda Baarlamaanka oo ah 30%. Madaxweyne axmed Madoobe ayaana balanqaaday inuu u halgami doono sidii doorashooyinka dhawaan dhacaya ay uga heli lahayeen qoondo ku filan. Idilnews

Read More

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka kadib kulan maalmo qaatay oo weli ka socda magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay khudbad uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq. Wasiirka ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota. “Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, xor iyo xalaal ah. Saddexda qodob ee muhiimka ah ee dhameystirka heshiiska dhammaantood waa laga wada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar), oo dagaal siyaasadeed kula jiray tan iyo intii uu xafiiska yimid Beesha Majeerteen ee degta deegaanka, ayaa qaaday talaabo ka careysiisay Beesha. Mustafe Cagjar ayaa Beesha Majeerteen ka qaaday mid kamid ah Labadii kursi ee ay ku lahaayeen Baarlamaanka DDS, oo kasoo gali jiray degmada Wardheer ee Gobalka Doollo, isagoona siiyay Beesha Ismaaciil Gumcadle oo aan waligeed qaadan Kursigaas. Beesha Majeerteen,ayaa awood qaybsiga Xildhibaanada ee Degmada Wardheer ka hesha 3-Kursi oo kala ah, 2 Xildhibaan oo Baarlamaanka Deegaanka ah. iyo 1 Xildhinaan oo heer Fadaraal ah, waxaana horey looga…

Read More

Wasiir dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa saaka Shir la yeeshay Mrs Orla Clinton oo ah lataliye sare o ka tirsan Hay’adda UN OCHA. Shirka oo u jeedadiisu ahyd sidii deg deg looga jawaabi lahaa Xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira Puntland, sida Ayaxa, fatahaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda iyo sidii la isugu dubba -ridi lahaa deeqaha caalamiga ah ee la xiriira arrimaha bini’aadanimada.

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay uga digay in haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin ay macluul baahdsani ka dhici doonto gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa aragtay nuqul ka mid ah warbixin uu Mark Lowcock oo ah Wakiilka Arrimaha Bani’aaddannimada ee Xoghayaha Guud ee QM uu ka diyaariyay gobolka Tigray, taas oo uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Lowcock ayaa sheegay, in haddii labada bilood ee soo socota aan si deg deg ah loo xoojin gargaar bani’aadannimo ay dadka ku nool gobolkaas ay…

Read More

Wasiirka Haweenka Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Xildhibaano hore, Qurbo joog iyo maamulka Degmada Buurtinle ayaa maanta kaqeybgalay qorshe lagu daahfurey mashruuc ku kacaya lacag dhan 15,000 USD oo lagu iftiiminayo magaalada Jalam kaasoo ku yimid firkad ku dhisan iskaa wax u qabso oo ay hogaaminayeen bulshada deegaankaas. Waxaana isla fadhigii maanta lagu dhamaystirey lacagta mashruucaasi ku kacayo oo dhan shan iyo toban kun oo dollar iyadoona ay ka qeybqaateen saddex mudane oo ka tirsan baarlamanka Puntland,Wasiirka Haweenka,Xildhibaano hore,Qurbo joog iyo Guddiyo wakiil ka ahaa Bulshada deegaanka Jalam. Jibril Qoobey.

Read More

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland ayaa waxaa weli ka soconaya diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah oo lagu qabanayo saddexdan degmo, ayna Shacabku kusoo dooranayaan Golayaasha Deegaanka. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in diiwaangalintu ay si weyn uga socota deegaanada iyo miyiga degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayna Shacabku safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada kaararka codbixiyaha, iyagoona Guddigu sheegeen inay meel kasta oo dad joogaan, kana tirsan degmooyinkan ay geynayaan diiwaangalinta. Sawirro ay baahiyeen Guddiga ayaa muujinaya Shacabka kunool deegaanada Maraye, Kabaal, Xasbahale, Dhiganle, Biyacado iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran ee hoosyimaada degmada Eyl ee gobolka…

Read More

Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay Teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho ayaa maanta hakad ku jira, Madaxda ka qeybgalaysay Shirka ayaana nasasho iyo wada-tashi ugu laabtay Waftigooda. Shirka ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo maalinimada berrito ah, maadama is afgarad at ka gaareen Madaxdu qodobada la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, waxaana Muqdisho ka soconaya qabanqaabada Munaasabadda saxiixa heshiiska. Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha…

Read More

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee dalka Soomaaliya James Swan ayaa khudbad dheer uu ujeediyey maanta Golaha Amaanka waxa uu ugaga hadlay xaalada Soomaaliya. James Swan oo khudbadan jeediyay kadib hadal uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Maxamed Cabdirizaq Golaha ammaanka iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa ugu horeyntii waxa uu ku ammaanay ciidamada AMISOM howlgalada ay dalka Soomaaliya ka wadaan. “Waxaanan ku amaanayaa geesinimada iyo go’aan qaadashada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM maadaama ay horumar ka sameynayaan nabadda iyo amniga dalka.”ayuu yiri Swan. Waxa uu ka warbixiyay maraxaladihii ay…

Read More

Is afgarad hordhac ah,ayaa laga gaaray Shirkii socday maalmahan. Heshiiskii 17-Sep iyo farsamadii Baydhabo,ayuu is afgaradkan ku salaysan yahay. Arimaha laysku afgartay? 1.Arinta Gobolada Waqooyi waxaa layskaga afgartay in si siman loo qaybsado Lix iyo Lix,gudoomintana uu yeesho Cabdixaashi laguna qabto doorashada Xildhibaanadooda Teendhada Xalane. 2.Arinta Gudiyada Doorashada waxaa layskaga afgartay in dib loogu laabto heer walba ay yihiin lagana saaro Xubnaha la diidan yahay,sidoo kalena la dhiso Gudi khuburo ah. Arimaha dib loo dhigay?? 1.Arinta Gedo. 2.Arinta Hir-shabelle 3.Arinta Amaanka. Is afgaradkan waa hordhac lagu bilaabayo doorashada Aqalka-sare,iyadoo Aqalka-hoose dib looga kulmi doono ka hor bilaabista doorashadiisa. Is afgaradkan…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire, oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kulan ku yeeshay maanta Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid ay goobjoog ahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo la filayo in dhowaan heshiis laga gaaro. Siyaasiyiinta baratanka ugu jira xilka Madaxweynaha ayaa bilaabay isbaheysi iyo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo ay ku xoojinayaan olalahooda.

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii afaraad soo dhamaaday, iyadoo Madaxda ka qeybgalaysa ay is afgarad ka gaareen dhamaan qodobadii doodaha adag ka taagnaayeen ee hortaagnaa heshiis rasmi ah oo laga gaaro hirgalinta Heshiiskii 17-kii September. Shirka maanta ayaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ku lafagureen xal u helida Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, waxaana la sheegay inay ku guuleysteen in la qanciyo Labada garab ee isku haya oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Madaxda Shirka ka qeybgalaysa ayaa berri nasan doona doona, iyagoo kulamo gaar gaar ah la yeelan doona…

Read More

Sida la isugu haayo hab qeybsiga Dhismaha Guddiga Doorashada Feit, Siet iyo Xalinta Khilaafaadka ee Gobolada Waqooyi/Somaliland. 1- Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo magacaabaya 3 xubnood Guddiga SEIT 8 xubnoodGuddiga FEIT 2 xubnoodGuddiga xalinta khilaafadka 2 xubnood Garabka Mahdi Guuleed ayaa doonaya in garabka Cabdi Xaashi ay afar xubnood ka qaataan Guddiga SEIT oo 8 xubnood ah, halka Xubnaha Guddiga FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka oo min labo xubnood ah ay ka yimaadaan dhanka Mahdi Guuleed. Dood iyo wada hadal dheer garabka Cabdi Xaashi ayaa shalay Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay shan xubnood ay qaataan, balse markii Cabdi Xaashi kula noqday xubnihii…

Read More

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu guul ugu soo dhamaan lahaa Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kass oo galay maalintii Afaraad. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ay dhinacyada Shirku ka muujiyeen kalsooni xumo, iyo in uusan aheyn Ruux mowqifkiisu cad yahay. Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Farmaajo iyo Fahad, halka Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe uu isku dhiibay Midowga Musharixiinta, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo…

Read More

Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyadda dhexe ee deegaanada Puntland ayaa maanta oo talaado ah uu u soo gaba-gaboobayaa imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021, kaas oo ka bilowday Puntland sabtidii. Arday u fariisatay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland oo gaarayay 12, 027 oo Arday, ayaa saaka galay imtixaanka Labadii maado ee ugu dambeysay, halka Arday fasalka 12-aad ee dugsiyadda Sare ee Puntland uu imtixaanku u dhamaan doono khamiista soo socota. Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa sheegtay inuu siyaaday Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa si adag uga digay Qabaa’ilka Gobolka Mudug, in ay wax xiriir ah la yeeshaan Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Abdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay inay soo baxayaan warar ku saabsan in Qabaa’ilka Mudug qaarkood ay hadda Al-Shabaab heshiisyo la galayaan, taas oo uu si adag uga digay cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabadas. “Ciddii lagu ogaado in ay Shabaab heshiis la gashayna, ama Qabiil weyn ha noqoto ama qof ha noqotee, waxay noogu calaamadsanaan in ay Shabaab yihiin, sidii qabiilna ula macaamili mayno” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur.

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona xaalada Soomaaliya, kaas oo looga hadli doono doorashooyinka, Amniga iyo arrimaha bani’aadamnimada. Kulanka Golaha Ammaanka ayaa warbixinno looga dhageysan doona Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Read More

Dowladda UK ayaa u soo direysa Soomaaliya 250 askari oo kamid ah Ciidankeeda gaarka ah. si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab, sida uu shaaciyay Wargeyska Ingiriiska ee Express. Tallaabadan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, ayaa noqonaysa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya. Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ciidamadan la…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa wuxuu dib u bilaabay in uu xiriir hoose la sameeyo saraakiisha hogaaminaysa Ciidanada Badbaado Qaran. Farmaajo oo ka faa’idaysanaya fursad iyo dayac ka yimid Rooble oo aan siin Ciidamada 3-bilood mushahaarkoodii,ayaa isku dayay in uu dhexgelo oo furfuro, Balse waa laga war helay,waxaana si hoose uga hawlgalay Midowga Musharaxiinta. Xaafiisyada Dowlada mushahaaar lagama qaadan 4-tii bilood ee udanbaysay,l acagta yar ee laga helo Dekeda waxay ugacan gashaa Fahad oo Rooble kama qadeeyo .Jibril Qoobey.

Read More

Gudoomiyeyaashii Ama Mayorskii Magaalada kismaayo soo maray sanadkii 1960 ilaa Haatan 2021 iyo Qabiilada ay kasoo Jeedeen . 1- Maxamed cabdalla biindhe-biindha oo u dhashay beesha Majeerteen Wadalmuge waa duqqii ugu Horeeyey Magaalada kismaayo 1959 ilaa 1964 Waana Ninkii ay Talyaaniga Kismayo ku Wareejiyeen . 2- Cumar Lulaaye oo u dhashay beesha Majeerteen Cismaan Maxamuud . 3- xaaji Maxamed mire oo u dhashay beesha Majeerteen ciise Maxamuud . 4- Xaaji Aadan Suudi oo u dhashay beesha Mareexaan Reer Diini . 5- Jamaal Shire Jibriil oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud . 6- idiris Warsame Gurxan oo u dhashay beesha…

Read More

Milateriga dalka Mali ayaa xiray Madaxweynihii, Ra’iisul-wasaarihii iyo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda ku meel gaarka ah, ka dib markii isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada. Milateriga oo xubno ku waayay isku shaandhaynta ayaa madaxda ku xiray xero ciidan oo ku taalla magaalada Kati oo ka baxsan caasimada Bamako. sida lagu soo xigtay ilo diblumaasiyadeed. Dalka Mali ayaa dhaca galbeedka Africa, inqilaab milateri oo dhacay Agoosto 2020 kii ayaa xilka looga tuuray, Madaxweyne, Ibrahim Boubacar Keita. Xiritaanka hoggaanka rayidka ah ee Maali ayaa timid saacado kadib markii isku shaandheynta dowladda ay ku hartay labo askari oo hogaaminayay afgambiga bishii Ogoosto ee sanadkii…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bishii July ee 2020 weerar siyaasadeed ku qaaday Ra’iisul Wasaarihiisii la shaqeynayay mudada 3 sanno iyo barka ah Hassan Ali Khaire, kaas oo ahaa difaaca ugu adag ee mudada uu heystay, Sidoo kalena dusha saaran jiray eedaha dhacdooyinkii dalka ka dhacay ee uu hormuudka u ahaa Farmaajo. Hadaba, Farmaajo ma u darsaday Xasan Cali Kheyre mise waa ka reystay ?

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed ku aadan qodobada ay ku heshiiyeen. Shirka ayaa 48 saac ee ugu dambeeysay ay hareeyay doodo adag, waxaana qodobada la isku mari waayay kamid ah Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, oo ay ku loolamayaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Warar ay heshay Idilnews ayaana sheegaya inay u dhowdahay in saacadaha soo socda heshiis laga gaaro.

Read More

Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotel, iyagoo ka wada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo shirka dhexdooda ahaa uu is faham waa ku dhamaaday. Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la hakiyay, kaddib codsi la soo sheegay inuu uga yimid Puntland iyo Jubbaland, waxaana laga cabsi qabay in shirkaas jaraa’id uu xiisada cirka geliyo, gaar ahaan haddii ay ka hadli lahaayeen kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay Guddoomiye…

Read More

Xildhibaan Axmed-daad Jaamac Diiriye & Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa lacag dhan $18.000.00 dollar ku wareejiyey Guddiga xallinta shaqaaqo horay uga dhacday miyiga Degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari taas oo ay kala qeyb-qaateen Golaha Wakiillada. Labada Xildhibaan ayaa horay uga balan-qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dhaqaale loo qorsheyay xal ka gaarista shaqaaqadaas, waxaana wareejinta maanta dhaqaalaha kala qeyb-galay Xildhibaan Faysal Axmed Geesdir, Guddoonka Gobolka Karkaar iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka Qardho. Xildhibaanada ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada, Guddoonka Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland…

Read More

Cabdirashiid Yuusuf Nuur Wasiir kuxigeenka Wasaarada ka hortaga Xanuunada Faafa ee Dowlad deegaanka Soomaalida oo Todobaadkii hore gaaray Garowe, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Arimaha ay kawada hadleen,waxaa ugu waa weynaa… 1.Xiriirka labada Deegaan. 2.Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka argagixisada. 3.Xoojinta Ganacsiga labada dhinac. 4.Wada shaqaynta guud ee labada Maamul. Wasiir Cabdirashiid Yuusuf Nuur kulanka Madaxweynaha kadib waxuu usoo anba baxay dhanka Gobolka Mudug oo uu soo gaaray maanta. Jibril Qoobey.

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir ku saabsan habka qiimaynta kartida shaqaalaha ee loo yaqaan ( performance Appraisal) Kulanka ayaa mid ku aadan in lagu soo ban dhigo sida ugu wanagsan ee looga faa’idaysannaayo shaqalaaha Wasaaradda iyadoo diiradda lugu saarayo sidii masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu ay u qiimayn lahaayeen shaqaalaha ay xukumaan, iyadoo loo samayn doono shaqalaaha waaxyaha dhamaantood qeexidda shaqooyinkooda ( Terms of reference). Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayagoo ku bogaadiyay khabiirka Soo jeedinta sameeyay, shaqada wanagsan ee uu qabtay.

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa shaacisay inay deeq waxbarasho siinayso ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan kuwa aragga naafada ka ah ee ka qeybgalaya Imtixaanka shahaadiga ah ee ka socda deegaanada Puntland. Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Maxamuud Maxamed Siciid (Ceynsane), ayaa xusay in Wasaaraddu ay dadaal badan galisay Waxbarashada Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayna balanqaadayso inay Deeq Waxbarasho oo gaar ah la siiyo.

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inuu soo gaba-gaboobo maalinimada berrito ah, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed ku saabsan Arrimaha looga dooday Shirka iyo heshiisyada laga gaaray. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Shirka oo maanta galay maalintii saddexaad laga gaaray is afgarad inta badan qodobadii caqabadaha ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Arrinta Gobalka Gedo, Amniga Doorashada iyo qodobo kale. Sidoo kale, Madaxda ayaa saacadihii ugu dambeeyay dadaal ugu jiray xal u helida Khilaafka Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, waxaana jiray kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Shirka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Gobalada Waqooyi, oo dood badan ka taagan tahay, Labada dhinac ayaana is afgarad ka gaaray kulanka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka sidee ku yimid ? Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay kulan casho ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka shaqeeyay Kulanka Rooble iyo Cabdi Xaashi, kaddib markii doodo badan hareeyeen Shirkii shalay ee Madaxda Soomaalida. Kulamo…

Read More

Gudoomiya Gobalka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Ayaa Maanta Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay si wada jira uga wada so qayb galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug. Shirka oo isbuuclaa ayaa waxaa Goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Puntland iyo qaar kamida taliyayaasha Boolis Labada Dhinac Ee Gobolka Mudug. Kulanka ayaa waxa uu kadhacey Xarunta Maamulka Gobalka Mudug Ee Galmudug waxaana Kasoobaxey Go,aamo ku saabsan in waxii ka bilowda sideeda fiidnimo la hakiyey socodka Gaariga looyaqaan Bajaajta arimo la xiriira xaalado amni awgooda.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa waxaa u socdo kulan ay uga hadlayaan arrimaha cakiran ee ka taagan Doorashada xubnaha Somaliland, iyadoo la filayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi shir jaraa’id qabto kulanka kaddib. War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha guddiga matalayay garabka Cabdi Xaashi ee la kulmay Guddiga ka socda garabka Mahdi Guuleed ayaa waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka inuu diidan yahay hab qeybsiga dhismaha Guddiga jiheynta doorashada. Inkastoo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka uu beeniyay eedeynta iyo warqadaba kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad laheyn. Waxaa muuqata…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa maanta daah-furay Ololaha Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu qabtay Beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, ayna ka qeybgaleen Boqolaal shacab ah. Madaxweyne Muse Bihi Abdi oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha xisbigiisa ayaa u jawaabay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysay Cali Waraabe, oo shalay weerar afka ah ku qaaday, kuna tilmaamay Madaxweyne Badow ah, Muse Bihi ayaana sheegay inuu badownimada ka keenay Abtiyaashiis oo uu ula jeeday Beesha uu kasoo jeedo Feysay Cali Waraabe. “Faysal Cali Waraabe shalay waxa u yidhi Dalka waxa hogaamiya Madaxweyne badawa ah, waa run badaw ayaan ahayn…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Deegaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe. Dagaalkan oo u dhexeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Guriceel iyo Balanbale ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Dagaalkan ayaa salka ku haya aano qabiil, waxaana muddooyinkii u dambeeyay deegaanadaas kusoo noqnoqonaya colaada beelaha, taas oo galaafatay nolasha tobonaan qof, oo ay kamid yihiin Carruur iyo sarkiil katirsan Ciidanka Dowladda. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews.

Read More

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu xiran yihiin xalay la qaatay Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen. Kulanka oo ka dhacay Hotelka peace ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Qoorqoor uu fursad siyaasadeed ugu abuurayay C/raxmaan C/shakuur. Waxaa durbaba muuqata inuu bilowday ololaha doorashada iyo sameynta isbaheysiyo siyaasadeed oo xilligan oo kale si hoose u bilaaban jiray. Waxaa jirta in Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood iyo Midowga musharixiinta ay wadaan is xulafeysi siyaasadeed, maadaama la galayo waqti doorasho,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay inuu si wanaagsan u socdo Shirka wada-tashiga Qaran ee ka socda Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September. Madaxweyne Deni oo la hadlayay Shacabka Puntland ayaa sheegay in wadada uu hada ku socdo Shirka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ay keeni doonto in xal laga gaaro khilaafyadii hore u jiray, dalkuna oo aado doorasho. Ugu dambeyntii, Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in khilaafaadka siyaasadeed ee dhexdooda ah ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo isu tanaasul, ayna ilaaliyaan…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland. Raggan hubeysan ayaa bar tilmaameedsaday xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI, waxaana ku dhaawacmay rasaasta ay fureen hal qof, sida ay inoo xaqiijyeen dadka deegaanka. Weerakan ayaa imaanaya xilli maanta lagu wado in Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu Olalahiisa doorashada ku qabsado fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Laasacaanood iyo deeganada kale ee Somaliland, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xooggan.…

Read More

Mareykanka ayaa ku soo rogay xayiraadaha fiisaha madax ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalka lix biloodlaha ah ee ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya. Xoghayaha Arimaha Dibbada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay axadii in sidoo kale cunaqabateyn lagu soo rogayo kaalmada dhaqaale iyo mida amni ee la siiyo Ethiopia balse aysan ka mid ahayn gargaarka bini’aadanimo ee dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo waxbarashada. “Dadka ku dhaqan Tigreega waxa ay weli wajahayaan xadgudubyo xuquuqul insaanka, waxaana si deg deg ah loogu baahan yahay in gargaarka bina-aadamnimada ay gaaraan shacabka ku nool Tigray balse…

Read More

Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada indhashareerka ( Niqaabka), Arrintaan ayay sheegeen in ay ciidammadu uga goleeyihiin adkeynta amniga maaddaama ay cadowga ummaddu u isticmaali karaan falal amniga liddi ku ah. Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kaso baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indhashareerka xiligaas oo ay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab isku dayeen in ay rag usoo galiyaan indhashareer si ay isugu ekaysiyaan dumarka Soomaaliyeed kaddibna dhibaateeyaan dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan. Taliyaha ciidammada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23…

Read More

Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland ayaa ka soconaysa degmooyinka katirsan Puntland, kuwaas oo lagu qabanayo Doorashooyinka horudhaca ah, waxaana talaabadan ka dhigan tahay in 22 sanno kaddib Aas-aaskii Puntland ay Shacabku u dareerayaan inay soo doortaan Madaxda hoggaaminaysa. Degmooyinka ay ka socoto diiwaangalinta oo kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayaa Shacabka kunool safaf dhaadheer ugu jiraan Goobaha diiwaangalinta, si ay uga qeybqaataan doorashooyinka Golaha Deegaanka Dowladaha Hoose ee degmooyinkaas. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo diiwaangalinta wada ayaa sheegay inay haatan gaareen deegaanada iyo miyiga Saddexda degmo si loo diiwaangaliyo dadka kunool, ayna xaq ugu yeeshaan inay codkooda ku…

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo ka soconaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad galay, iyadoo Madaxda ka qeybgalaysa ay doodo adag ka lee yihiin qodobada caqabada ku ah hirgalinta Heshiiskii 17-kii September. Kulanka shalay ayay Madaxdu diirada ku saareen qaar kamid ah qodobada la isku hayo, sida Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, kaas oo laga muujiyay isku soo dhawaansho. Wararka ayaa sheegaya inay Madaxdu maanta ka doodi doonto Arrinta Gobalka Gedo oo ah qodobka ugu weyn ee doodihiisu hareeyeen Shirarkii hore, Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaana dood macquul ah u saaran tahay miiska. Shirkan oo ay ka…

Read More

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka Midowga Musharaxiinta, oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa soo dhoweeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo u rajeeyay in guul iyo natiijo wax ku ool ah ka soo baxaan. “Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Read More

Waxaa soo dhammaaday maalintii labaad ee shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in xubnaha ka qeyb-galaya shirka ay maanta billaabeen ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, islamarkaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Macallimuu ayaa sheegay inay jirto rajo wanaagsan oo ah in la isku raaci doono qodobada laga hadlay, si ugu dambeyn heshiis loo gaaro, kaasi oo hoggaamin doona in dalka uu doorasho aado. Shirka ayaa sii socon doona maalinta berri ah, si loo sii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay habka ay u socoto hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada Puntland oo hadda ay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ay ka socoto saddex-dii degmo ee ugu horeysay kuwaasi oo kala ah Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Hambalyeeyay Ardeyda Puntland oo shalayto u fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanadka 2020/2021, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Dowladda ee kala shaqeeyay in iyadoo adduunka uu ka jiro Cudurka Covid19, hadana ay ardeydu gelayso Imtixaanaadkii.

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan  saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida amniga doorashooyinka loo sugi lahaa. Madaxa AMISOM iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa balan qaaday in laamaha Amniga Soomaaliya ay kala Shaqeyn doonaan sugida howlaha amniga doorashada Soomaaliya. Kulankaan looga hadlayay amniga doorashada Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wasiirka…

Read More

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan. Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da.

Read More

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta furay kulan Aqoon-isweydarsi ah oo ay ka qeyb-galeen Xildhibaano & Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada kaas oo ay qabatay Hay’adda MAX PLANCK Foundation. Guddoomiyaha ayaa ugu horayn uga mahadceliyey Hay’adda MAX PLANCK Foundation, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto. Aqoon-isweydarsiga ayaa lagu baranayey doorka xeer-dejinta, waxaana is-barbar dhig lagu sameeyay dhammaan dastuuradda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federalka ee Soomaaliya, iyo dalal badan oo aduunka ah.

Read More

Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13 bishan ayaa xaqiijiyey in maydkiisii laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km. Meydka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah ayaa waxaa ka muuqday rasaas iyo nabarro kale oo jir dil ah. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka ahaa shirkad ganacsi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweyna ka wadday dalka Kenya. Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaaddo ah la la’aa, balse waxaa maalmo yar kaddib markii la waayay ayaa lagu arkay duleedka magaalada gaari la…

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii labaad galay, waxaana lagu gorfeynayaa xal u helida caqabadaha hortaagan hirgalinta heshiiskii 17-kii September. Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shalay diirada lagu saaray Ajandaha Shirarka soo socda, Madaxda ayaana ka gaaray is afgarad, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Shirka Madaxda Soomaalida ee ka socda Muqdisho ayaa ka duwan Shirarkii hore, maadama uu dibad joog ka yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo lagu eedeeyo inuu fashiliyay…

Read More

5 kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe ayaa kamid ah Ardayda u fariisatay maanta Imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa ku booqday xabsiga weyn ee Garoowe, isagoona ku dhiirigaliyay inay si wanaagsan uga faa’ideystaan. Idilnews

Read More

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii kowaad kusoo gaba-gaboobay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, Madaxda ayaana ku balamay inay sii amba qaadaan berri oo Axad ah. Shirka oo ahaa horudhac ayaa waxaa Shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta ay Madaxdu diirada ku saareen Ajandaha Shirarka soo socda, ayna is afgarad ka gaareen. Shirkan ayaana la doonaya in xal looga gaaro caqabadaha hortaagan in dalku aado doorasho iyo in lagu dhameystiro heshiiskii 17-kii September. Shirka Madaxda Soomaalida ee ka…

Read More

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Nigeria Lieutenant General Ibrahim Attahiru iyo saraakiil kale oo militari ah ayaa geeriyooday kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kaduna ee waqooyiga dalka Nigeria. Diyaarada oo dooneysay inay soo cagodhigato garoonka Kaduna hase yeeshee cimilada oo xumeyd awgeed ayay dhacday iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen toban sarkaal oo la socotay taliyaha. Taliyaha Guud ee Ciidanka Attahiru waxaa magacaabay Madaxweynaha Muhammadu Buhari bishii Janaayo iyada oo qayb ka ah isku-shaandheyn lagu sameeyay taliska sare ee millatariga si loola dagaallamo rabshadaha sii kordhaya, oo ay ku jiraan dagaalka in ka badan toban…

Read More

Cabdullahi Qosal Biid waa wiil da’yar kuna nool Degmada Xarfo Gobalka Mudug wuxuu horay ugu guuleeystay isku dayo wanaagsan  oo kasoo maaxday maskaxdiisa, kuwaas oo uu ku sameeyay diyaarado uu isagu farsameeyay balse Cabdullahi fikradisii iyo farsamadiisii horay kagama uusan harin isku daygii koowaad ee guuleeystay, waxaana haatan uu sameeyay diyaarado ka duwan kuwii hore, maadaama kuwii hore aysan aheyn kuwa socanaya ama duulaya. Cabdullahi Qosal Biid ayaa hadda waxuu farsameeyay diyaarado gacan ku sameeys ah kuwaa oo isugu jira kuwa duulaya ama socanaya taasna waa mid muujineysa dadaalka maskaxeed ee wiilkaan yar.

Read More