Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur iyo Wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Bookh ee Gobolka Doollo. Waftigan ayaa isugu jira Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoonka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Mudug, Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Duqa Degmada Galdogob, agaasimaha mashaariicda Gobolka Mudug, Nabadoono iyo marti sharaf kale. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur “Waxaan Maamulka Degmada Bookh iyo kan Gobolka Dollo uga mahadcelinayaa soodhawaynta qiimaha badan ee aan loo kala harin safarkaygaan waxa uu salka ku haya iskaashiga labada Gobol ee Doollo iyo Mudug dhinacyada Amniga, Horumarka iyo ganacsiga gaar aan…
Author: Jibril Qoobey
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde, ayaa ku dhawaaqay Guddiga Sare ee Warbaahinta Punrtland, kaas oo ka kooban 7 xubnood oo kala socota Wasaaradda Warfaafinta, Warbaahinta Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP), Dallada PUNSA, Ururka Qareenada Puntland iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Wasiir Timacadde ayaa faray Gudidiga sare ee Warbaahinta Puntland inay sida ugu dhaqsaha badan u gudo galaan shaqadooda, ayna xilweyn iska saaraan masuuliyadda loo igmaday.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa bulshada kunool deegaanada Puntland ku wargalisay in laga bilaabo bishan May, ay Dowladdu bilaabayso dib-u-eegis lagu samaynayo magac bixinta meherada iyo qoraalada boorarka si loo ilaaliyo Afka-Soomaaliga, loona hirgaliyo xeerkii ilaalinta Afka Soomaaliga oo la ansixiyay. Wasaaradda Wafaafinta ayaa sheegay in Dadweynaha looga baahan yahay in boorarka ay dhajinayaan yar iyo weynba ay ku qoraal Af-Soomaali. Idilnews
Shacabka magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa maalintii saddexaad safaf dhaadheer ugu jira diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada horudhaca ah ee Saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl, taas oo uu wado Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland. Diiwaangalinta oo la wadi doono muddo Labo todobaad ah, ayaa ka socota 10 goobood oo ku yaalla magaalada Qardho, Shacabka ayaana loogu baaqay inay tagaan goobahan si ay isugu diiwaangaliyaan inay soo doortaan dadka ku matalaya Maamulka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ugu baaqay Shacabka inay muujiyaan dulqaad, ayna isdiiwaangaliyaan, maadama ay markii ugu horeysay fursad u helayaan…
Aqalka Sanetka dalka Kenya ayaa xil ka xayuubin ku sameeyay Guddoomiyihii ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka Kenya. Golaha Sanet-ka Kenya ayaa dood dheer ka yeeshay warbixin uu soo gudbiyay Guddi loo xil saaray baaritaanka eedaha loo jeediyay Barasaabka Wajeer, waxaana mooshinka xil ka qaadistiisa u codeeyay 25 xildhibaan oo ka tirsan 47-da mundane ee aqalka sare ee Senate-ka. Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay Golaha Wakiilada ee ismaamulka Wajeer, kuwaas oo u gudbiyay Golaha Sanetka, waxaana Golaha oo u xil saaray guddi baara eedeymaha loo jeediya,…
Wasaarada Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland ayaa xirmaysay dooxooyinka Cado-dheero iyo laba dulay oo hoos yimaada Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal muddo 15berri ah, waxaana laga mamnuucay in xoolo daaqaan si naqu si fiican ugu baxo.
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo 48 saac ee soo socota Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, kaddib sanad iyo bilo kasoo wareegay dib u doorashadiisii August-2019. Golahiisa Wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa waxaa kasoo muuqan doona Wajiyo aan horey ugu jirin saaxada siyaasadda, kuwaas oo loo badinayo in loo magacaabi doono Wasaaradaha Maaliyadda, Amniga, Qorsheynta, iyo Waxbarashada, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Idilnews. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa haatan wada la tashiyadiisii ugu dambeeyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la leh La-taliyayaashiisa, Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Waxgaradka Jubbaland. Idilnews
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa subaxnimadii saaka ku qabtay Kantaroolka magaalada Boosaaso khamri fara-badan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo galiyo magaalada, laguna soo guray kartoonada saliida, sida uu shaaciyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari. Taliska Qeybta Booliska ayaa sheegay in khamridan ay doonayeen inay gudaha magaalada Boosaaso galiyaan Askar katirsan Ciidanka Amniga Puntland. balse ay ka hortageen Ciidanka Kaantaroolka oo baaritaan joogta ku sameeya wax kasta oo Magaalada soogala iyo waxa ka baxa si loo hubiyo. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku…
Xanta Xisbiyada? Mideeye waxaa banaanka la dhigay xubno muhiim ah oo Mulkiilayaashii Ururka ka mid ahaa. Xubnahaas waxay gaarayaan 24,waxaana hormuud u ah… 1.Cali Xaaji2.M.Cabdinuur Cowke4.Qarjab. Xubnahan oo la oran karo waa lagaaday,ayaa dacwad ugudbiyay Tpec. Balse dacwadoodu wax badan uma soo kordhin karto,waxayna umuuqataa ciyowgii waa ka baryay markii la qiimeeyo laba Qodob… 1.Golihii dhexe ee Ururk oo gaaraya 200,waxaa israacay 174-xubnood. 2.Mideeye oo aan looga maarmin Dimuqraadiyada dhaqaaqeeda oo keenaysa in la ilaaliyo jiritaankiisa. Xubnahan 24-ka ah ee lagu tilmaami karo in hada looga adkaaday loolankii Ururka dhexdiisa,ayaa hadafkoodu yahay in ay Ururka ku furaan buuq sababi kara…
Puntland waxaa ka bilowday jawi siyaasadeed ee Soomaaliya ku taameysay 50 sano. Doorashada saddex Degmo loogu diyaar garoobayo ee Eyl, Qardho iyo Ufeyn waxay bilow u yihiin Doorashooyinka heer Puntland, taas oo looga guurayo nidaamka qabiilka loona guurayo nidaamka mataalaadda ee heer degaan. Talo soo jeedin: 1. Guddiga Doorashooyinka in ay u dhabar adeygaan howshan adag, Samir u yeeshaan eedaha iyo tabashooyinka iman kara, Dowladda: 1. Dowladda PL waxaa laga rabaa in ay xisbiyada ula dhaqanto si waafaqsan sharciga doorashooyinka oo loo sinaado xuquuqda Dowliga ah, 2. In Dowladdu Xisbiyada ka taageerto wixii farsamo, logistics iyo dhaqaale ah, sida ay…
Guddiga Arrimaha Fatahaada ee Maamulka Hirshabelle ayaa ka jawaabay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid is difaacid ah oo aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta. Guddiga ayaa sheegay in 9 bilood ay ka soo wareegatay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Hirshabelle, haddii mas’uuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin karay mashruucan muddo kooban dhibaatadaasna kuma dhacdeen shacabka Hirshabelle. Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in waxa sababay dhihaatada inay tahay dib u dhaca ku yimid mashruucii wax looga qaban lahaa ka hortagga fatahaada iyo howlwadeenada…
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda – Qaybta iibka (Automation of Purchasing Module and Commitment control). Tababarkan oo ay ka faa’idaysanayaan dhammaan Hay’addaha iyo Wasaaradaha Puntland ayaa ah mid muhiim u ah dib u habeynta Maaliyadda dalka ( Public Finance Reform) sida hirgelinta qaybta iibka (Purchasing and Commitment control module). Furitaanka tababarka ayaa waxa ka qayb galay Todobaatan Agaasime iyo madax-qeybeed isugu jira , kana kala socda dhammaan hay’adaha dowladda sida waaxyaha Maamulka Maaliyadda iyo Iibka. Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan oo tababarka furay ayaa…
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa baaris ku sameynaya dilka wadaadanka oo xiisada ka abuuray koonfurta magaalada Gaalkacyo. 1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye) 2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen) 3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn) 4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin) 5. X/LE Ciise Axmed Cali…
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA. Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa. Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan. Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilmaamey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka…
Shirkadda diyaaradaha Imaaraatka ee Etihad Airways ayaa Isniinta maanta ah shaacisay in ay si kumeel gaar ah u joojineyso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel halkaasi oo garoonka ugu weyn ee u dhow Tel Aviv lala beegsaday gantaalo laga soo ganay dhanka magaalada Gaza. Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa sanadkii hore caadiyeeyay xiriirka dublumaasiyadeed ee Israel, waxaana heshiiskaas oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa uu Imaaraatka ka dhigay dalkii saddexaad ee Carbeed ee tallaabadaasi qaada ka dib Masar iyo Urdun. Baxrayn, Marooko iyo Sudan ayaa iyana xiriir la sameystay Israel. “Etihad Airways waxa ay si KMG ah u hakineysaa adeegga duulimaadyada…
Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, ayaa ka qeybgashay Shirweynaha Haweenka ee Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Puntland oo Garoowe ka furmay.
Ururada Muslimiinta Mareykanka ayaa qaaddacay munaasabad uu Aqalka Cad ugu tala-galay dabaal-dagga ciidul-fitriga, taasoo ku dhici laheyd muuqaalka tooska ah ee Internetka, Axaddii shalay. Hoggaamiyaasha Muslimiinta America ayaa qaaddacaada ku sifeeyay cabashadooda ku aadan wax ay u erkaan taageerada maamulka Biden ee rabashadaha Israel ay ku waddo Falastin.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashada Golaha Deegaanka ee degmadda Qardho. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad waxa kale oo uu boqday dhismaha Xarunta Ayaxa oo laga her galiyay Magalda Qardho. waxaana kormeerka Wasiirka ku wehlinayey Guddoomiyaha Gobalka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye.
Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee dawlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan is xog waraysi ah oo aaladda fogaan araga loo adeegsanayo la qaatay masuuliyiin ka socda Midawga Afrika. Kulankan oo ahaa mid xaqiiqo raadin ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo ciidamada qalabka sida ee dalka, nidaamka federaaliisimka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta bulsho, xaaladda bani’aadannimo. Madaxweyne kuzigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegau in sidoo kale shirka looga hadkay is kaashiga laamaha amaanka dalka iyo ciidammada hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ee dalka ku sugan. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaas…
Waalidiinta carruurtooda uu Ciidan ahaanta ugu diray Dalka Eritrea Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa banaan-bax ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Waalidiinta ayaa sheegay in aysan raq iyo ruux midna ku hayn carruurtoodii, waxayna ka dalbadeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin inay meel ugu sheegaan ubadkoodii. Sidoo kale, Waalidiinta ayaa sheegay inay qabaan walaac la xariira inay xaalad adag ku sugan yihiin carruurtoodii, waxaana ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble inuu wax ka qabto cabashadooda.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Sharif Sheikh Ahmed, ayaa maanta Muqdisho ku leh kulan xasaasi ah oo looga arinsanayay marxalada Siyaasadeed ee Dalka. Kulanka oo ka socda hoyga Muqdisho ka degan yahay Sheekh Shariif, ayaa si gaar ah looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Shirka loo balansan yahay inuu maalmaha soo socda ka furmo Muqdisho. Idilnews
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar, ayaa Taliyayaal cusub u magacaabay saldhigyada Booliska degmooyinka Dhuusamareeb iyo Matabaan, kuwaas oo kala tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle. Sidoo kale. Gen. Xijaar ayaa Taliye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug u magacaabay Maxamed Mire Maxamuud, oo horey u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, kaddib socdaal qaatay muddo maalmo badan oo uu ugu maqnaa Dalka Dibediisa. Madaxweyne Deni oo horaanti bishan ka socdaalay Magaalada Garoowe ayaa tagay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo haatan uu ku sugan yahay, isagoona kulamo aan xog badan laga heyn la qaatay Madax katirsan Dowladahaas, Dublamaasiyiin, Madaxda Hay’addo caalami ah iyo Ganacsato. Deni ayaa sida qorshuhu yahay Talaadada ka degi doona magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono, isagoona subaxnimada 20-May u socdaali doona Muqdisho, si uu uga qeybgalo Shirka…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ka gaaray derejada Janaraal, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer, sidoo kale waxa uu ka qayb-qaatay dhismihii dowladnimada Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu haygiisa ka yeelo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna kasiiyo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa sheegay inay Soomaaliya galayso marxalad doorasho, uuna socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro inuu qabsoomo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo loo balansan yahay 20-ka bishan. “Soomaaliya waxay galeysaa doorasho. Waxaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay Inshaa allaah.” Qoraalkan oo Ra’iisul Wasaare Roble, soo dhigay xalay bartiisa Facebook ayaa yimid xilli Midowga Musharixiinta ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka…
La taliyayaashiisu waxay kula taliyeen in uu xoogaa daahiyo wakhtiga si uu usii joogo. Shirka 20-ka bisha loo balansan yahay waxay ubadan tahay in uu dib dhaco oo gaaro ilaa 5-ta bisha danbe. Tagidiisii Sacuudiga waxay ilo muhiim ah sheegayaan in Cimraysigiisii kadib diyaarad khaas ah lagu qaaday,iyadoo laga reebay Wasiiradii,Safiirkii iyo Xaaskiisiba. Kulan in uu la qaatay madax sare oo Sacuudiyaan ah ayay xaqiijinayaan ilahaas. Sacuudigu waxay faraha usoo galiyeen xoogaa Soorya ah,waxayna ubalan qaadeen in ay geedi socodka doorashada ay iyagu maalgalinayaan kuna taageerayaan in uu ku guulaysto shaqadaas,waxayse shuruud uga dhigeen in uu aqbalo kala shaqaynta soo…
Musharax Daahir Maxamuud Geelle ahna Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo bandhigay shan qodob oo laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ka hor shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee loo madlan yahay 201-ka Bishaan. Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay Shanta qodob inay yihiin kuwo muhiim u ah Ra’iisul Wasaaraha in uu ogaado si ay ugu fududaato in heshiis doorasho lagu garo shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hoos Ka Akhriso Shanta qodob ee uu shaaciyay Musharax Daahir Maxamuud Geelle. Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa dib ugu soo laabtay caawa magaalada Muqdisho, kaddib markuu dalka Jabuuti uga qeybgalay caleema-saarka Madaxweyne Ismail Omar Guelleh. Soo laabashada Ra’iisul Wasaare Roble, ayaa imaanaysa xilli Midowga Musharixiinta ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday. Idilnews
Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo howlgallo ka fuliyay xeebaha Gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay Hub, iyo Saanad Ciidan loo waday kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Sidoo kale, Ciidanka Puntland ayaa qabtay maxaabiis lala xariirinayo inay hubkan oo laga keenay dalka Yemen ay soo galinayeen deegaanada Puntland, kuwaas oo haatan ay baaritaan ay Ciidanku ku wadaan. Ciidanka Amniga Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana marar badan ay gacanta ku dhigeen Hub iyo saanado kale oo loo waday labadan kooxood.
Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo ku qornaa luqada Englishka ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu wajahayo cadaadis dibbada uga imanaya taasoo ku qasbaysa inuusan dhexdhexaad ka noqon arrimaha doorashooyinka dalka. Midowga Musharixiinta oo qoraalkan u direy Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inaka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda. Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee…
Waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in carruurtooda ay ku dhibaateysan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta bannaanbaxyo ka dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Waalidiintaan oo warbaahinta kula hadlay Taalada Daljirka, ayaa sheegay in qaarkood ay la soo hadleen caruurtooda oo ka baxsaday xabsiyo iyo xeryo ciidan maadaama dowladda Soomaaliya geysay Asmara si tababar ciidan loogu soo siiyo, waxay intaa ku dareen in caruurta qaarkood madax furasho lacageed la dul dhigay. Ra’iisul wasaare Rooble ayay ka dalbadeen in uu ka soo jawaabo cabashadooda isla markaana ay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta ay ka helayaan jawaab cad oo ka timaada dhanka…
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa isugu yeedhay dhammaan Madaxweynayaasha Deegaanada Itoobiya oo uu la qaadanayo kulan socon doona laba maalmood. Abiy Axmed waxa uu sheegay in laga wada hadlayo xaaladaha taagan. Xukuumadda Abiy ayaa la daalaadhacaysa culaysyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo soo foodsaaray sannadkii u danbeeyey, kuwaas oo ay kamid yihiin; 1: Colaadda gobolka Tigray oo sii daba dheeraatay iyo beesha caalamka oo weli qaylo dhaan diraysa. 2: Guddiga doorashooyinka oo shalay sheegay in aanay doorashada ku qabanayn waqtigii la qorsheeyey, caqabado taagan darteed. 3: Dhaqaalaha oo sagxadda tagay tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu qarxay dagaalkii…
Shacabka magaalada Qardho ayaa maanta u dareeray diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland, si ay u qaataan kaarar codbixinta, qeybna uga noqdaan doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horeysay Puntland lagu qabanayo. 10 goobood oo ku yaalla gudaha magaalada Qardho ayaa Shacabku bilaabeen inay iska diiwaangeliyaan. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaana sheegay inay diiwaangelintu socon doonto muddo 2 asbuuc ah oo maanta ka bilaabanaysa.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka daah-furay magaalada Qardho barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka Golaha Deegaanka. Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda Daahfurka ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada meelsare uga jirto qorshaha Dowladda, dedaalna la geliyey ka miradhalinta yoolkaasi. “Dawladdu waxay xoogga saartay sidii shacabka reer Puntland ay codkooda ugu dooran lahaayeen cidda hoggaanka u qabanaysa, loogana gudbi lahaa habka qabaliga ah ee aynu kusoo dhaqmayney sanadihii lasoo dhaafay, farxad weyn bay noo tahay in maanta aynu daah-furno…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Laftagareen ayaa tababar u soo xiray Ciidammo kamid noqonaya Ciidanka gaarka ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas tababar ay siiyeen Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo. Ciidanka ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada lagu xoojinayo Amniga deegaanka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen ayaana kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Idilnews
Ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Dowladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay xilli magaallada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan. Madaxweyne ku xigeenka ah-na ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.
Ciidammada Haramcad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gadood ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle, oo la geeyay intii ay socotay Doorashadii Cali Guudlaawe. Ciidanka gadoodka sameeyay oo gaaraya illaa 50 Askari ayaa xirtay waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Jowhar, iyagoo gaadiidka ku amrayay inay kala wareegaan. Wararka ayaa sheegaya in Ciidankan uu ka go’ay saadkii, ayna dalbanayaan in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaalida u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in ay si degdeg ah oo buuxda u siiyaan dadka reer Falastiin nabadgelyo, hantidooda iyo goobaha barakeysan. “Dowladda Soomaaliya waxay taageeraysaa in Falastiin hesho xuquuqdeeda ah dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Quddus” Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska Sooomaalida ee QM.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa magaalada Qardho kaga qayb-galay munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Karkaar, iyo degmadda Qardho ayaa kusoo dhaweeyay Qardho Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash.
Hay’adaha Amniga safaaradaha dalalka shisheeye ee ku sugan xerada Xalane ee Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku aadan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsanayo Hotelo iyo goobo dowladeed oo soo galay Magaalada Muqdisho. Xogtan oo lala wadaagay Hay’adaha Amniga DFS ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay soo galisay Muqdisho Rag Ismiidaamiyaal ah, kuwaas oo sita jaakadaha Qaraxyada, lagana keenay deegaano kamid ah Gobalka Shabeelaha Hoose. Saraakiisha Amniga ayaa intaas ku daraya in Qaraxyadan ay Al-Shabaab qorsheeyeen in lala beegsado qaar kamid ah Hotelada ay fariistaan Madaxda Dowladda iyo xarumo ay kamid yihiin saldhigyada iyo xarumaha degmooyinka Muqdisho. Sidoo kale, Hoteelada Muqdisho…
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay isku rasaaseeyeen Goob Ganacsi oo muwaadin Soomaliyeed uu ku leeyahay degaan ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana rasaastaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday laba Nin oo Soomaali ah. Falkan oo ka dhacay Xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ayaa sababay geerida Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Abuukar (Goobo Raambow), halka mid kale uu ku dhaawacmay. Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool halka falka uu ka dhacay ayaa Warbahinta u sheegay in Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah ay sidoo kale weerareen goobo…
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, kuwaas oo ka soo horjeeday duqeymaha ka socda dhulka Falastiin, waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain,. Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London. Booliska London ayaa ilaalo xoog leh ka haya safaaradda iyo nawaaxigeeda. Dhinaca kale dibad-baxyo waaweyn oo ka dhan ah duqeymaha Israel ayaa siddoo kale ka dhacay dalal badan oo caalamka ah.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka bilaabaya magaalada Qardho diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha deegaanka, oo dhowaan ka dhacaysa 3 kamid ah degmooyinka Puntland. Shacabka kunool Magaalada Qardho iyo deegaanada hoostaga ayaa maalmihii ugu dambeeyay lagu wacyi-galinayay inay isdiiwaangaliyaan, ayna qaataan kaararka codbixiyayaasha, si ay uga qeyb qaataan Doorashooyinka. Doorashada oo ah mid tijaabo ah ayaa lagu qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana ku tartami doona 10 urur siyaasadeed, iyadoona 3 urur ee uga cod bata loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland,ayaa sheegtay in aan Dadk kasoo jeeda Beelaha Hawiye ka codeyn karin deegaanadeeda,maadaama aysan u dhalan. “Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, ka soo kaxaystayna wuu iska hadlaya,waanu ku daba jiraa maalamaha soo socdana talaabo ayaanu ka qaadaynaa ku waxaas leh.”
Ismail Omar Guelleh, ayaa markii shanaad maanta loo dhaariyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib guul uu ka gaaray doorashadii April oo mucaaradku qaadaceen. Caleema-saarka 73 sanno jirkan, Jabuuti xukamayay 23 sanno, ayaa waxaa ka qeybgalay Madax ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarayaasha Itoobiya, Somalia iyo Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland. Idilnews
Madaxweyne Deni waxuu gaaray imaaraadka Caawa,kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay Dowlada Dalkaas. Garoonka waxaa ka qaaday Walaalkiis oo wata gaari caadiya,mana jirin Diblomaasiyiin iyo Jaaliyad garoonka uga hor tagtay. Waxaa loo ogolaa in diyaarad loosoo diro,isla markaana wafti gaaraya 30-Qof uu la tago Abu-dhabi,isagaa iska fasaxay. Maqaamkiisa soo dhaweynta waxaa loo diyaariyay haykal Madaxweyne Qaran,balse isagaa ka cudur daartay. Nayrobi intii uu joogay hal qofna ma arag waxuuna ku jiray fasax,marka laga reebo kulan uu xalay la qaatay isagoo kaligii ah Madaxtooyada kenya. Waxaa xusid mudan in Wasiirkii Qorshayntu joogo Nayrobi oo kulankaas in uu ka qaybgalo…
Ma ku fashilntay Dowlada Madaxweyne Deni Xiriirka Caalamiga ah iyo ka faa’idaysiga Qurba joogta Puntland ?? Dood ku aadan labadaa Qodob ee muhiimka ah,ayaan idinla wadaagaynaa” Jibril Qoobey.
Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. “Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay…
Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu soodhaweeyey Degmada Galdogob. Wafdigan oo isugu jiray qaar kamida Isuduwayaasha Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, Gobolka iyo Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Gobolka Mudug, waxaana duleedka Magaalada Galdogob ku soodhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob, Odoyaal, Waxgarad, Bahda Dhalinyarada iyo Haweenka. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ” Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dhamaantii soodhawaynta qiimaha badan ee aad noosamayseen, waa idinla joogaa, si guud iyo si gaaraba waa u kulmaynaa “.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Cali Axmed Farax ” Sheikh Cali Dheere” oo ahaa maamulihii Xarunta Daryeelka Agoonta Ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilkiisa isagoona Bulshada Qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuumka.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed. Idilnews
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan sanad-guuradii 78-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii Ururkii xornimo doonka ee SYL, isagoona ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda Dowlad dhiska Soomaaliya. “Hambalyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed xuska sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.” “Dhalinyaradu waxay kaalin muuqata kaga jiraan kobaca hormarka iyo dib u dhiska dalkeena iyadoo loo baahan yahay in la xoojiyo doorkooda la xiriira ka qeybgalka dhinacyada kala duwan ee mudnaanta leh.”
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maalinta berri ah ka bilaabaya magaalada Qardho diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha deegaanka, oo dhowaan ka dhacaysa 3 kamid ah degmooyinka Puntland. Doorashada oo ah mid tijaabo ah ayaa lagu qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana ku tartami doona 10 urur siyaasadeed, iyadoona 3 urur ee uga cod bata loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland. Idilnews
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa gaaray Dalka Jabuuti, si uu uga qeybgalo caleema-saarka Madaxweyne Ismail Omar Guelleh oo maanta markii shanaad loo dhaarinayo Madaxweynaha Jabuuti. Raiisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Uhuru kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti. Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhallinyarada Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May ee maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga soo wacay Gobolka Shabeelle ee Dhulka Soomaali Galbeed laguna wargeliyay in biyo xooggan ay soo raaceen Wabiga Shabeelle si ay u sameeyaan feejignaan. Jayte ayaa muujiyay welwel la xiriira in uu karkaarada jabsan karo Wabiga Shabeelle marka biyaha kusoo darsamay ay soo gaaraan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dhowr jeer uu ku fatahay. “Waxa aan reer Hiiraan ama reer Baladweyne ku warcelinayaa xiriir uu nala soo sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle (Godeey) oo inoo sheegay in biyo badan ay kusoo darsameen Wabiga Shabeelle, micnaha hadalkeygu…
Ciidammada Difaaca Israel (IDF) ayaa sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel. Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah. Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan. Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa hadda ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen Qaar ka mid…
Ismail Omar Guelleh, ayaa maanta loo caleema-saarayaa markii shanaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii April. Guelleh oo 73 jir ah ayaa munaasabadda lagu dhaarinayo waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dalalka Africa, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi. Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977. Sidoo kale, Ismail Omar Guelleh ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siineyso xoojinta kaalinta dhallinyarada.
Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, oo gaaray Dalka Jabuuti ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti. Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Madaxweyne Biixi ayaa ka qeyb-galaya caleema-saarka Ismaaciil Cumar Geelle, oo markii 5-aad berri loo dhaarinayo Madaxweynaha Jabuuti.