Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu berri uga qeybgalayo caleema-saarka Madaxweyne Ismail Omar Guelleh. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Idilnews
Author: Jibril Qoobey
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib loogu soo dhaweeyay. Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Boliiska Soomaaliyeed oo mudo 3bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka . Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed. Soo laabashada Ciidankaan ayaa laga rajeynayaa inay qeyb ka noqodaan, howlgalada sugida Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle oo ay sheegeen in ay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle. War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa: Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle. 1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir…
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Safar dhulka ah kusoo gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey Maamulka iyo shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatey wargaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isoo ka xog wareystay xaalada deegaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweeysay Qaxooti Yemeniyiinta ah iyo Soomaali kasoo carartay Colaadaha ka socda dalka Yemen, kuwaas oo soo gaaray Dekedda Boosaaso. Wasaaradda ayaa sheegtay in 55 Qoys ay ku soo dhowaysay dekedda Boosaaso waxaana loo gudbiyay xarun ku yaalla gudaha magaalada oo lagu qaabilo dadka ka imaanaya waddanka Yemen ka hor intaan la dejin.
Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Idilnews, wuxuu farxada Munaasabadda Ciida la wadaagayaa Shacabka Soomaaliyeed.
Dunida Islaamka oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa maanta ay ka socdaan Munaasabadaha loogu dabaal-degayo Ciidul Fitriga, kaddib markii shalay oo Arbaco aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan, halka degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab laga ciidayay. Meelaha Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, Kismaayo iyo deegaanada kale ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu oogayo salaada Ciida, sidoo kalena ay dadku isugu hambalyeeynayaan munaasabadda Ciida.
Maamulka Hirshabelle ayaa war saxaafadeed ka soo saaray fatahaada wabiga Shabelle ee deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku eedeeyay Wasiirada Federaalka sida Maaliyadda iyo Qorsheynta inay caqabad ku noqdeen sii deynta lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha. “Waxaa wax laga xumaado ah laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen hadii wasaarada maaliyada sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Maamulka dalbaday”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka
Ciidammada Ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goordhaw fashiliyay isku day ay Kooxda Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muslimiinta ah ee Eebbe uso soomanaa bishii Barakaysnayd ee Ramadan. Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland ayaa fashiliyay miino ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku xireen gaari uu lahaa mid kamid ah dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Kismaayo.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda Ciida ugu hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabweynaha Puntland. Axmed Karaash ayaa faray laamaha Amniga inay laba jibaaraan howlgalada ay wadaan, si Bulshada Puntland ugu Ciidaan Amni buuxa.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Hassan Ali Khaire, ayaa Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay farxada Ciidul Fidriga la qeybsadaan dadka ay heystaan duruufaha gaarka ah. “Waxaan dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa farxada Ciid Al-fidri. Waxaan Allah ka baryayaa inuu naga aqbalo waajibaadka iyo cibaadada bishii Ramadan aan soo gudanay, uuna nooga dhigo danbi dhaaf iyo Alle u dhawaansho.” “Waxaan qof walbe oo awoodo inuu wax baxsado ku boorinayaa inuu farxada Ciidda gaarsiiyo walaalaha kale ee duruufaha noloshu aysan u saamixin inay farxaan ama ubadkooda u iibiyaan agabyada Ciida. Si…
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray Shacabka Puntland. Idilnews
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fidriga u diray Shacabka Soomaaliyeed. Idilnews
Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa shaaciyay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonto diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Guled Salah ayaa sidoo kale sheegay inuu gaba-gabo marayo diyaargarowga diyaarinta Agabka codbixinta, isagoona mahadcelin u jeediyay Shaqaalaha Guddiga oo dadaal galiyay habsami u socodka diyaargarowga doorashooyinka. Idilnews
Yoweri Kaguta Museveni, ayaa markii todobaad loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Ugandha, kaddib Munaasabad weyn oo maanta lagu qabtay magaalada Kampala, ayna ka qeybgaleen in ka badan 4,000 oo qof, oo ay ku jiraan madax ka socota qaaradda Africa. Museveni ayaa hadii uu dhameysto 5 sanno ee cusub ee loo dhaariyay, waxaa xukunkiisa ay ka dhigi doontaa inuu jiray 40 sanno, isagoona kamid noqonaya Hoggaamiyayaasha ugu mudada dheer Africa. Soddonkii sano ee la soo dhaafay ee uu hogaaminayay, Uganda waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo oo xagga horumarka bulshada iyo dhaqaalaha ah.Laakiin hogaamiyaha gaboobay ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay inuu…
Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ugu hambalyeeyay Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed xuska maalinta caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha Adduunka, oo ku beegan 12-May, waxaana uu sheegay in Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaateen caafimaadka Bulshada. “Waxaan kalkaaliyayaasha caafimaadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 12ka May ee maalinka caalamiga ah ee kalkaaliyayaasha Caafimaadka.” “Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed waxay kaalin muuqato ka qaateen u adeegista bulshada xilliyo adag oo kala duwan, taasoo mudan in lagu bogaadiyo howsha adag ee ay Dalka iyo Dadka u hayaan.” Idilnews
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Farmaajo uu wali caqabad ku yahay Soomaaliya, sida inuu haatan diiday Ergaygii cusbaa ee Midowga Africa soo magacaabay oo horey uu isagu u dalbaday iyo dantii dadka Soomaaliyeed uu u afduubay walaalkiis iyo saaxiibadiis. Hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin. Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare…
Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in mudada loo kordhiyo marka la gaaro 31-ka December 2021,iyadoo looga dhigayo in ay dalka sii joogaan illaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaato qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya. Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu cadeeyay go’aanka ah muddo kordhinta. Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaanka ah ee Dalal kala duwan. 15-ka Dal ee Doorashada…
Magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud oo ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab ayaa maanta si weyn looga Ciiday. Boqolaal qof ayaa fagaaraha weyn ee magaalada Salaadda ciidda ku tukaday.
Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay. Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loo tiriyey shirkadda oo lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May. “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkadda soo saartay. “Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya…
After a let up, the US State Department has indicted Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) of war crimes, human rights violations, and collaboration with armed militia groups allied to the Al-Qaeda branch in Somalia, Harakat Shabaab al Mujahideen. The United States intelligence (CIA) and military (US Army Special Forces) have been operating in Somalia for more than a decade as advisors and security operations coordinators. The US State Department also indicted the weak Federal Government of Somalia of Corruption, atrocities in the South West State, societal abuses, and political conflicts in the war torn and extremely impoverished Horn…
Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in Saddexda maalmood ee soo socota oo ka bilaabanaysa berri oo khamiis ah la fasaxay dhamaan shaqaalaha ka howlgalla deegaanada Puntland, munaasabadda Ciidul fitriga aawadeed. Sidee kale, Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Puntland ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fitriga u dirtay Shaqaale weynaha Puntland iyo qoysaskooda.
Sarkaal sare oo katirsan gobolka Tigree ee dagaaladu aafeeyeen Itoobiya ayaa sheegay inuu jiro olole ula kac ah oo looga hortagayo dadka inay wax tabcaan, taas oo uu ka digay inay horseedi doonto dadka inay u dhintaan gaajo. Abebe Gebrehiwot, oo ah ku xigeenka madaxa xukuumada kumeelgaarka ah ee Tigray, ayaa ka sheegay TV-ga maxaliga ah in ciidamadu ay ka celinayeen abuurka inay gaaraan gobolka una sheegaan dadka inaan loo ogoleyn inay wax beertaan. Ma uusan magacaabin kuwa sidan samaynaya laakiin wuxuu carabaabay aagag cayiman oo laga ogyahay inay ku sugan yihiin askarta iyo ciidamada Eriteriya ee ka socda gobolka…
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Gobalada Mudug iyo Cayn ee Dowladda Puntland ee magaalada Galkacyo ayaa xukun dil ku xukuntey 5 Nin ee kala ahaa Horjooge Kalaay, Abkow, Laaga, Cali Jareer iyo Nageeye Qanjey, kuwaas oo lagu helay falal dil ah oo iyago Argagaxisada Alshabaab ka tirsan ay ka geysteen magaalada Galkacyo. Maxkamadda ayaa sidoo kale xoriyaddooda dib ugu celisey 6 qof oo tuhun Alshabaab lagu soo qabtey balse ugu danbeyn wax danbi ah lagu waayey. Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa dhawaan illaa siddeed ruux ugu riday xukun dil toogasho ah,kuwaasoo dhammaantood lagu helay inay xubno ka ahaayeen Alshabaab ayna dilal…
Kenya ayuu fariin udirsaday,isagoo sii marsiiyay waftigii Qatar, Fariintaas waxuu ku cadeeyay in uu diyaar u yahay wada xaajood dhexmara isaga iyo Uhuru. Waftiga Qatar markuu gaarsiiyay fariintii Kenya,way aqbashay,waxaana wada xaajood hoose lagu heshiiyay laba arimood oo kala ahaa… 1.In uu soo celiyo xiriirkii uu jaray kaligii. 2.In Doxa Qatar 21-ka bishan ay ku kulmaan Uhuru iyo isaga oo ay kawada hadlaan arinta Badda. Hogaamiye kooxeedku waa ku dhaqaaqay fulinta qodobkii koobaad,isla markiiba waa soo ceshay xiriirkii. Kenya oo u aragtay in la heshiiyay,ayaa durba bilowday in ay ganacsigeedii Qaadka ka faa’idaysato waxayna soo rartay 3-diyaaradood,balse Farmaajo oo ilaalsanaya…
Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Jigjiga ay suurto gashay inay gacanta ku dhigaan 9 Ruux oo qorsheeynayay inay weeraro argagaxiso ka geystaan Gudaha dowlad degaanka Soomaalida. Taliyaha Booliska dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Cali Xuseen ayaa sheegay in raggaas ay qorsheeynayeen inay weeraraan Xarumaha Diinta, sidoo kale ay jiraan Ajando qarsoon oo ah inay siidaayaan maxaabiis uga xiran Xabsiga Havana. Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii socdeen ilaa laga gaarayo Maalmaha Ciidul Fidriga, sidoo kalena ay horay gacanta ugu dhigeen 7 Ruux oo looga shakiyay inay weeraro geysan rabaan. Booliska dowlad…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa faray laamaha amniga Gobalka Mudug inay xoojiyaan Amniga magaalada Gaalkacyo, maadama la galay maalmo ku asteysan farxad iyo damaashaad, oo Muslimiintu u dabaal-degayso Munaasabadda Ciidul Fitriga. Guddoomiye Abdiladiif Muuse Nuur oo shalay guddoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Gobalka Mudug iyo maalmaha Ciida, ayaa tilmaamay in Ciidanku ay ku guuleysteen inay xaqiijiyaan amniga magaalada Gaalkacyo bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay shacabka dhibaateyn jireen Argagixisada Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidanka ayna u hoggaansamaan Awaamiirtooda, si looga guuleysto kuwa doonaya dhibaateyntooda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay in bishan dhamadkeeda laga bilaabi doono deegaanada Puntland wajiga labaad ee talaalka COVID-19, kaas oo la siin doono dadkii horay u qaatay kii koowaad. Wasiir Jaamac ayaa tilmaamay in looga baahan yahay in dadka aan talaalkii hore qaadan inay tagaan goobaha caafimaadka ee degmada ama gobolka uu joogo, oo wali talaalku diyaar ku yahay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeer shaqo oo kadis ah ku tagay Xarumaha saldhigyada iyo qeybo ka mida Wadoyinka Magaalada Bosaaso halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska gobalka bari kuwaas oo ku jira sugida amniga shacabka madaama magalada ay u soo baxayaan dadweyne badan oo gadanaaya dharka ciidda Waxaana halkaas uu warbixin kaga dhegeystay Taliyaasha iyo sida ay amniga u sugayaan. Sidoo kalle Taliye Xuseen ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee ka socda goobaha uu cawa kormeerka shaqo ku tegay, waxaana uu ciidamada kula dardaarmay iney sii laban laabaan howlaha muhiimka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab-taagan tahay Shacabka Falastiiniyiinta, ayna taageerayso dhismaha Dowlad madax-banaan oo Reer Falastiin lee yihiin, taas caasimadeedu ay tahay magaalada Qudus. Go,aanka DF Soomaaliya ayaa yimid kaddib markii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda uu ka qeybgalay shir deg-deg ah oo ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta. Idilnews
Wasaaradaha Caafimaadka iyo Cadaaladda Puntland ayaa qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in salaada Ciidul Fidriga lagu tukado fagaarayaasha waa weyn, sida Garoomada ciyaaraha, sababo la xariira ka hortaga faafitaanka cudurka COVID-19.
Ururka Xamaas ayaa 130 gantaal caawa ku garaacay Magaalada Talaabiib ee xarunta Maamulka Yahuuda. Sawirro laga soo qaaday Talaabiib ayaa muujinaya bartamaha magaaladaas oo holcaya, sidoo warbaahinta caalamiga ah ayaa soo warinaysa in la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ee ku wajahnaa Talaabiib. Dhanka kale, Ciidanka Israel ayaa duqeymo ka geysanaya Magaalada Gaza, Wasaaradda Caafimaadka Falantiiniyiinta ayaana sheegtay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu dilay dad shacab ah oo ay kamid yihiin in ka badan 10 Carruur ah. Idilnews
Safiirka Dowladda Jabuuti, Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu aad uga mahadceliyey booqashadaas. Boggiisa Twitter-ka ayuu ku soo qoray “sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”. Xasan Sheekh waxa uu Dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib-u-dhiska Soomaaliya. “Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya” ayuu ku yiri dhigaalkiisa Twitter-ka. Waxa uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay dalka,…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho qaadatay 5 maalmood oo uu ku tagay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya. Rooble ayaa kusoo Cumreystay Magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madina. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga ay u suuragali weyday inuu la kulmo Madaxda Boqortooyadda. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Doboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda KGS ku qaabilay Wafdi ay hogaamineysey Kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya. Waftiga ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilada midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale. Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wakiilada ayaa ka wada hadlay Xoojinta joogteynta xariirka wadashaqeyneed ee koonfur Galbeed iyo iyaga, iyo xaqiijinta shirka looga balansanyahay 20 bishan in uu ka dhaco Caasimada Dalka ee Moqdisho.
Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada Dowlada Federalka Duraan faarax ayaa ka hadlay qoraal ka soo baxay dalka Kenya oo ku aadanaa joojinta duulimaadyada Soomaaliya. Duraan Faarax Wasiirka duulista hawada ayaa sheegay in uusan jirin xiriir toos ah oo ay dowlada Kenya la soo sameeysay dowlada Soomaaliya oo ay baraha bulshada ka aragtay qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya. Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso labada dalba waxana uu xusay in aysan jirin dhibaato gaar ah oo dalka Soomaaliya kasoo gaarayo. “Dowlada Soomaaliya waxa ay arrinkaas kasoo saari doontaaa go’aan munaasib ku ah, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo…
Laba nin oo hubeysan ayaa toogasha ku dishay in ka badan 10-caruur ah kadib marki ay weerareen School ku yaala dalka Ruushka. 20- caruur iyo laba la mida Macalimiinta Schoolka ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaas balse 8- ka mida ayaa dhaawac halis ka soo gaaray weerarkan Argagaxisada lagu tilmaamay. Waxa la arkaayay labo caruur ah oo ka soo booday dabaqa sadexaad ee Nambar 175-iskuul oo afar dabaq ah oo cabsi ka qabay in ladilo balse dhaawacya halis ah ayaa soo gaaray iyagana. Weerarkan waxa lagu tilmaamay Weerar Xagjirnima ah oo ka dhan nolosha Aadanaha.
12-ka Urur oo dalbaday in ay la kulmaan Madaxweyne Deni,ayuu ka safray isagoon qaabilin. Dalabka in ay Madaxweynaha arkaan Uraradu waxuu yimid kadib markii ay ku qanci waayeen hogaaminta Gudiga Doorashada. Guuleed Saalax mahan Nin Abqari ku ah hogaanka,balse waa Nin urursan oo shaqada Xaafiiskiisa ay maamul uleedahay. Afhayeenka Gudiga Doorashada oo ah Nin weyn oo waayo aragnimo lagu tuhmayay,ayaa noqday Nin iska sheeko macaan oo aan wax saamayn ah oo badan aan lahayn. Doodu waxay ka taagan tahay hada doorashada ka bilaabanaysa 3-da Degmo. Puntland Dimuqraadiyadeeda si ay umuujiso dhaqaaq wanaagsan waxaa muhiim ah in 3-Degmo Ururada saamayntoodu kawada…
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay in gudaha Puntland ay soo galaan Dadka ka imaanaya Dalka Hindiya, kaddib markii dalkaas uu ka dilaacay nooc cusub oo cudurka COVID-19, sida ay xaqiijisay Hay’adda WHO. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in nooca cusub ee COVID-19 ee ka jira wadanka Hindiya uu yahay mid ka halis badan noocyadii kale ee Soomaaliya ka jiray. “Annaga oo ilaalinayna badqabka muwaadiniintayada, waxaan joojinay dadka ka imaanaya wadanka Hindiya, waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso. Hadii ay dhacdo in qof…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dalbatay in la bedelo Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika dhowaan u soo magacaabay Xalinta khilaafka doorasho ee Soomaalida John Mahama, oo horey u soo noqday Madaxweynaha Ghana. Kooxda Farmaajo oo qoraal u diray Midowga Afrika ayaa sheegtay in John Mahama aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, maadaama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya. Hadaba maxaa ay yihiin xaqiiqooyinka ku dhaliyay Farmaajo inuu dalbadeen in la bedelo John Mahama ? Shabakadda Idilnews ayaa ogaatay in sababta Kooxda Farmaajo ay warqada uga qoreen ergayga cusub ee Midowga…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa hambalyo u diray tartamayaasha degmada Kismaayo oo ku guuleysatay tartan aqooneedka Telefishinka Qaranka. “Waxaan hambalyo u dirayaa guulaystayaasha tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee Telefishinka Qaranka, waxaana mar kale si weyn ugu guulaystay tartamayaasha Degmada Kismaayo. Kaliyah caan kuma aha ree Kismaayo ciyaaraha kubada cagta sidoo kale dhinaca aqoonta heerarkeeda kala duwana sanadahii lasoo dhaafay guulo la taaban karo ayay ka gaareen anigoo mar kale ugu hambalyaynaya guulahaas ay usoo hanteen guud ahaan Shacabka Jubaland. Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa tartamayaasha kale ee ka qeybgalay iyo Telefishinka Qaranka oo soo qaban…
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xayireen malaayiin dollar oo loogu deeqay in wax loogaga qabto fatahaadaha wabiga Shabelle. Maxamed Cabdi Waare ayaa boggiisa Twitterka ku daabacay in lacag ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle ay xayirtay dowlada federalka. “Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.”ayuu yiri Waare. Hadalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya…
Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyada Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka. Duulimaad ku socday Soomaaliya ayaa lagu haliyay saakay Nairobi, tallaabadan ayaana imaanaysa maalmo kaddib markii labada dal ay sheegeen inay dib usoo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed. Hay’adda duulimaadka Soomaaliya ayaa maalin kahor sheegtay inan la fasaxin Qaadka ka imaan jiray Kenya, iyadoo arrinta loo sababeynayo go’aanka ay Kenya ku joojisay diyaaradaha Soomaaliya uga imaanaya ama tagaya.
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa u dhoofay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha, si uu uga qayb galo caalama saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni. Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Ugandha kulan doceedyo la yeelan doona Madaxweynaha Ugandha iyo Madaxda kale ee ka qeybgalaysa caleema-saarka, sida ay sheegtay Madaxtooyadda Villa Somalia. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii lagu dhawaaqay in Yoweri Museveni oo 76 sanno jir ah, uu ku guulaystay doorashooyinka guud ee dalkaas markii 6-aad, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Museveni xukunka Ugandha haysta tan iyo 1986-dii.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha. Wasiir Mevlüt ayaa sheegay inuu Madaxda Sacuudiga kala hadli doono xiriirka Labada dal, iyo arrimaha muhiimka ah ee khuseeya gobolka, gaar ahaan weeraradii lagu qaaday Masaajidka Al-Aqsa iyo dhibaateynta shacabka Falastiin. Idilnews
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Midowga Africa in la bedelo Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo dhowaan loo magacaabay Ergey sare oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo dublamaasiyadeed. Wararka ayaa sheegaya in qoraal ay DFS u dirtay Midowga Africa ku tilmaamtay Ergeyga in aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, sidaas darteed uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya. Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama isla markaana aan loo marin nadaamka diblumaasiyada. Si kasta ha ahaate Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa berri ku wajahan magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Ugandha, si uu uga qayb galo caalama saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni. Lindah Nabusayi, afhayeenka Madaxtooyadda Uganda ayaa hadalkaan u sheegay mareegga Chimpreports, waxa uuna intaas ku daray in Farmaajo uu kamid yahay hogaamiyeyaasha dalalka lagu martiqaadey caleema-saarka. Nabusayi ayaa hadalkiisa raaciyay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha lafiyo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May. Dhanka kale, ma jiro war xaqiijin ah oo illaa haatan ka soo baxay dhanka Villa…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-gareen ayaa cafis u fidiyay 10 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Magaaladda Baydhabo, munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa ballanqaaday in Ururka Al-Shabaab ka sifeyn doonaan magaalada Gaalkacyo, ayna ka dhigi doonaan meel ka caagan Argagixisada. Sidoo kale, Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay inay goobo fagaare ah ku fulin doonaan xukunada lagu riday xubnaha Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Gaalkacyo intii ay ku dhex dhuumanayeen Bulshada, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga. “Waxaan idiin balan qaadaynaa Gaalkacyo inay noqoto meel ka caagan Ururka Argagixisada ee Al-Shabaab, waxaa goob joog ka ahaan doontaan goobo fagaaraa oo lay ka dhici doonaan xukunada wax kastoo intay ku dhuumaanayeen Bulshada dhexdheeda…
Xukuumadda Puntland ayaa ka carootay warbixin ay Waaxda Badbaadada iyo Amniga ee Hay’adaha UN-ka ka qortay deegaanada Puntland, taas oo ay ku sheegtay in Amniga deegaanada Puntland uu halis yahay, sidoo kalena ay dalbatay in Amniga Gobalada Sool iyo Sanaag la hoos geeyo Somaliland. UNDSS ayaa qoraalkan oo ay u dirtay Xafiiska sare ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in shaqaalaha Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland, gaar ahaan Gobalada Bari, Mudug iyo Nugaal ay ku sugan yihiin khatar weyn, sida beegsida Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, aanooyin qabiil, dhac iyo Afduub. Sidoo kale, UNDSS oo sheegtay…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda socdaalka adduunka (IOM) ee Soomaaliya Richard Danziger. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, waxaa looga hadlay dar-dargelinta ka hortagga tahriibta iyo caawimaada qaxootiga kasoo talaaba xuduudaha Puntland. Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland, ayaa Hay’adda IOM uga mahadceliyay doorka lixaadka leh ee ay marwalba ka qaadato kobcinta iyo tayeynta Hay’adaha dowliga ah ee Puntland.
Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa. Inta uu socda kulanka labada Madaxweyne hore ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiskii uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka dalka. Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka wadatashida qaran loo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga tan iyo Jimcihii 7-da May 2021, ayaa degdeg u soo gaba-gabeynaya safarkiisa labada qaybood ah ee Cumrada & la kulanka madaxda dalkaas. Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa ujeedka soo gunaanadka socdaalka Rooble ku sheegay in uu ka shaqeynayo howlo badan oo horyaalla, sida abaabulka gogoshada wadahadalka doorashooyinka ee 20-ka May 2021 in ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada. Rooble ayaa la sheegay inuu Madaxda Boqortooyada Sacuudiga weydiisanayo taageere Maaliyadeed iyo mid siyaasadeed, maadama haatan ay DFS la ciir-ciirayso dhaqaale xumo baahsan. Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marka uu…
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan. Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xiray ee Darfur. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo. Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xiriira xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray. Bishii Febraayo ee sanadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo wareysi siiyay Barnaamijka Hanoolaato ayaa ka hadlay dilkii aabihii Madaxweyne Cabdirashiid 15-October-1969.
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada xilli lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidanka Booliska ayaa baaris ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka magaalada iyo qaar kamid ah xaafadaha Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo xalay kormeeray Suuqyada magaalada Boosaaso, isagoo bulshada xogwareystay, waxaana uu ku dhiirigaliyay inay la shaqeeyaan Ciidanka si looga guuleysto Argagixisada iyo kooxaha kale ee ku howlan falalka Amni darro.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo la hadlayay Boqolaal Shacab Soomaaliyeed ah ayaa ka hadlay marxaladaha dalku marayo iyo guulihii laga gaaray fashilinta damicii waalnaa ee Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay ku guuleysteen Midowga Musharixiinta, Iyo Dowlad Goboleedyada inay Arrimaha Doorashada ka wareejiyaan Farmaajo, uuna hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo aan horey u laheyn taariikh Siyaasadeed, balse hada abuuran kara.
Waxay ubadan tahay in uu dib uga dhaco Shirka arimaha Doorashada ee Rooble iclaamiyay xiligii loo qabtay ee ahaa 20-ka Bishan. Arimaha dib udhaca keeni kara,waxay kala yihiiin… 1.RW Rooble iyo arrinta Muqdisho. 2.Midowga Afrika oo doorkeeda uusan caddeyn. 3. Qatar faragelinteeda. 4. Farmaajo oo cadaadis ku haya Rooble si uu shirka uhogaamiyo. Sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen Shirka furitaankiisa rasmiga ah, waxuu gaari doonaa bisha 6-aad horaanteeda. Jibril Qoobey.
Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, ayaa la tacsiyeeyay geerida Askartii iyo Saraakiishii xalay lagu dilay Qaraxii ka dhacay Saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa tilmaamay inay yihiin shuhado naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka, isagoona ku baaqay in loo midoobo ciribtirka fikirka Argagixisada. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, bahda Booliska, ehelada & qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii iyo askartii lagu dilay qaraxii Muqdisho. Waa shuhado naftooda u huray difaaca dalka & dadka. Aan u midowno ciribtirka fikirka argagixisada”. Idilnews
Babatunde Taiwo waa laga hor istaagay in uu Lataliye ama gacan yare unoqdo Wakiilka gaarka ah arimaha doorashada ee Midowga Afrika, kadib dacwad xoog badan oo ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharaxiinta. Babatunde waa La taliyaha arimaha siyaasada ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya Danjire Madeira. Taiwo waxuu kasoo jeedaa Nigeria waana Nin saamayn badan ku dhex yeeshay Xaafiiska Midowga Afrika ee Somaliya. Waa musuqmaasuqe khibrad sare leh, danaysta ah aan haba yaraatee tixgelin masuuliyada uu hayo. Waa Ninka Xaafiisyada AMISOM, UNISOM iyo guud ahaan Beesha Caalamka xogohooda hoose, go’aamada soo baxaya iyo Waraaqaha muhiimka ah u gudbiya Fahad…