Author: Jibril Qoobey

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaweyd lala eegtay saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho, oo ku dhow Isgoyska Dabka, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Illaa hada Dadka la xaqiijiyay geeridooda waxaa kamid ah Taliyihii Saldhiga Waaberi Axmed baashane oo ku magac dheeraa (Calooley), iyo Askar kamid ah ilaaladiisa. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu dalka uu mamnuuc ka yahay in la keeno qaadka ka imanaya dalka Kenya, xilli la soo celiyey xidhiidhkii labada dal. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaalida in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya. Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay…

Read More

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaddib muddo dheer oo uu ku sugnaa Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale. QoorQoor oo la filayay inuu shalay tago Dhuusamareeb ayaa uga baaqday cabsi amni, kaddib markii Al-Shabaab ay kusoo dhawaatay magaalada, oo mararka qaarkood ay ku garaacaan Hoobiyayaal.

Read More

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo muddo 13 sanno ah marti galinaysa dilal, Qaraxyo iyo colaado ayaa haatan soo kabanaysa, waxaana Magaalada laga dareemayaa Amni balaaran iyo korniin dhinacyada Ganacsiga iyo Deegaanka ah. Haatan oo lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan ayaa Suuqyada Magaalada laga dareemayaa, sare u kac dhanka wax iibsiga ah, iyadoo sidoo kale Gudaha magaalada ay ka socdaan howlgallo looga hortagayo falalka lidiga ku ah Amniga.

Read More

Shirka Madaxda waqtigoodu dhamaaday ee DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, e dhowaan uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa laga yaabaa inuu dib u dhaco, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Shirka oo la qorsheeyay inuu dhaco 20-May, ayaa la sheegay inuu dib u dhaco horaanta bishan June, kaddib markii la sheegay inay soo baxeen caqabado cusub. Wararka ayaa sheegaya in isqabad uu soo dhexgalay Rooble iyo Farmaajo, taas oo sababtay in Farmaajo uu qorsheeyo socdaal uu Dalka uga baxayo, illaa 20 May, si uu Shirka Rooble ku baaqay…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan Rugta Ganacsatada Muqdisho. Farmaajo ayaa u soo jeediyey ganacsatada uu la kulmay dhawr qodob oo kala ah… In Ganasatadu taageerto olalihiisa 4ta sano ee soo socota.In Doorashada uu diyaar u ahaa mar walba balse uu ka shaqeyn waayey Madaxweyneyaal hore u fashilmay, PL iyo JL.Wuxuu sheegay in nidaamka Federaalku yahay mid waddamo cadow ah noo keeneen.Wuxuu sheegay inuu dhisi Dowalad Dhexe oo xoog badan oo Kismayo ilaa iyo Hargeisa Dalka gacanta ku qabata.Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku kula dirirtay Hormarka uu Soomaaliya la rabo iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo waftigiisu maanta ayay ubadan tahay in ay kasoo anba baxaan Adis,waxayna kusoo wajahan yihiin Nayrobi Kenya. Intii uu joogay Adis caasimada Midowga Afrika waxuu la kulmay Madax kala duwan oo laga xusi karo.. 1.Wasiirka Gaashaandhiga.2.Wasiirka Arimaha Dibada.3.Agaasimaha Sirdoonka4 Talyaha Ciidamada.5.Wakiilo Midowga Afrika.6.Ssfiirada Beesha caalamka7.Taliska Maraykanka ee Africom.8.Madaxweynaha DDSI oo ay Khadka kuwada kulmeen. Puntland iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis Milateri oo cad,kaasoo PL u ogolaanaya in ay hesho Tababaro,Qalab iyo Xogo. Midowga Afrika waxay Puntland ka wada hadleen xaalada Dalka,gaar ahaan Doorashada iyo sidii loola shaqayn lahaa ergayga cusub. Taliska Africom…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta la wareegay qalab casri ah oo loo adeegsan doono diiwaangelinta, kaas oo ka kooban Server, Computers, Printers, IRIS iyo Softwares koodii. Qalabka ayaa Guddiga Doorashooyinka Puntland kala wareegeen Shidkadda PIITECH, waxaana si gaar ah loogu isticmaali doonaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dhowaan ka bilaabandoonta degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland. Idilnews

Read More

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddin roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya. FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da’ay todobaadkii la soo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose. “Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar.…

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Siciid Qaloombi, ayaa deegaanka Rabaable ee Gobalka Nugaal ka daah-furay 30 Biyo-xireen oo laga hirgalinayo Guud ahaan deegaanada Puntland. Biyo-xireenka kowaad oo laga hirgalin doonaa Deegaanka Rabaable, ayaa qaadi doonnaa ilaa 20 milyan Mitir Kuyuubig oo biyo ah, waxaana loogu talagalay inay ka faa’ideystaan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaas. Dhismaha Biyo-xireenada ayaa qeyb ka ah Mashruuca Biyoole ee uu maalgeliyey Baanka Adduunka, waxaana Munaasabadda dhagax dhiga sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Maamulka Deegaanka.

Read More

Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, kaddib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservativeka. Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbeed ah ayaa ku guueystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey. “Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida” ayuu yiri Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono ololaha shaqo…

Read More

Illaa 8-ruux ayaa ku geeriyootay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii darbi uu kusoo dumay qoysas kasoo barakacay Gobolka Shabeelaha oo deegaansaday Xero ku taalla Waaxda Afaraad ee Garasbaaley. Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in 6-ruux goobta ku geeriyootay halka labada kale ay ku dhinteen Isbitaalka loo geeyay in looga daweeyo dhaawacyo culus oo soo gaaray. “Darbi dheer oo qadiimi ah ayaa dadkaan kusoo dumay, waxaana ku dhintay 6-ruux oo kala ah Hooyo, carruurteeda & dad kale oo ay deris ahaayeen, afar ruux oo dhaawac ah labo kamid ah waa ay dhinteen, sababta burburka darbiga sababtay…

Read More

Midowga Musharixiinta oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya, kaasoo noqonaya Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama. ”Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aas-aas u ah qaadashada doorashooyinka…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qaraxyo loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray Iskuul ay ku sugnaayeen Boqolaal Arday oo ku yaalla Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Qoraal kooban oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay Cambaareyneyso weerarkii argagixisimo ee duhurnimadii shalay lagu qaaday Iskuulka ay joogeen ardayda aan waxba galabsan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garan taagan tahay, isla markaana  murugadana la qaybsaneyso shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan, ayna ka xun yihiin weerarkii ka dhacay Caasimadda Kaabul. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan…

Read More

Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku toogtay abuukaate ka tirsanaa Wasaradda Caddaaladda Dowladda Federalka Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa lagu maacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Bagadi), kaas oo caan ka ahaa Magaalada Muqdisho, Mana jirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana gaaray Ciidanka Dowladda oo baaritaano San cidna lagu soo qaban ka sameeyay aaga.

Read More

Muumin waa mutaystay in loo abaal gudo Madaxweyne !! Talyaha Booliska Mudug Muumin Cabdi Shire waxaa la magacaabay xili amaanka Gobolkaas xasaasiga ah uu dhulka yaalay. Madaxweyne Deni oo la dardaarmayay magacaabistiisa kadib,isagoo ku sugnaa markaas duleedka Garowe,waxuu ku yiri.. “Gobolka Mudug hadaad amnigiisa iga qabato waa kuu abaal marinayaa Muuminoow Mudug waa Gobol isaga iyo Dadkiisuba Puntland muhiim ay uyihiin” Ayuu ku yiri M Deni. Muumin shaqo galkiisii caqabado badan,ayuu la kulmay 3-dii bilood ee ugu horaysay meel laga jiro,ayuu sixi waayay Dad badana waa qabqabtay. Balse kadib cagtuu salaanka la helay xargo badana waa udhaqaaqeen oo godod muhiim…

Read More

Sida uu tabiyay muuqbaahiyaha ku hadla afka Dowladda Shiinaha burburkii iyo haraadigii gantaalkii March 5B Yao-2 ayaa ku dhacay meel kamid ah badweynta Hindiya, Gaar ahaanna dhanka xigta waddamada Carabta. Arrinta sheekada Gantaalka la xiriirta ayaa maalmihii laso dhaafay ahayd waxyaabaha ugu badan ee ay dadku hadal hayeen, Waxayna dadku ka walwalsanaayeen halka uu ku dhici doono iyo waxyeelada uu geysan doono. AFP News Agency

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha Booliska ayaa hoygiisa ku soo booqday Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame. U jeedka Kulankaan oo ahaa booqasho ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladdaha guud ee amniga dalka, waxa uuna Taliyaha cudurdaar ka bixiyey xadgudubyadii ay horay u gaysteen Ciidanka Booliska, isagoo ballan qaaday in aysan dib danbe u dhici doonnin. Waxaa kulanka sidoo kale goobjoog u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Wadajir Mudane Sayid Cali Macallin Cabdulle, Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Wadajir ahna Xubin ka tirsan hadda Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Maaliyadda…

Read More

Itoobiya ayaa shacabkeeda ugu baaqday in ay koofiyado xidhaan, si ay uga badbaadaan finiinka gantaalka dunida kusoo wajahan, haddii uu dalkeeda kusoo dhaco. Mac’hadka Sayniska iyo Tigloojiyadda hawada sare ee Itoobiya ayaa sheegay in uu la socdo dhaq-dhaqaaqa gantaalka faraha ka baxay ee ‘Long March 5B’. Mac’hadku waxa shacabka ugu baaqay haddii ay arkaan finiinka iyo qashinka gantaalka in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo socodka lugtaba, iyagoo taxaddar muujinaya.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 48 saac ee ugu dambeeysay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (23) Puntland (18) gobalka Banaadir (4) Hirshabeelle (1) iyo Jubbaland (3), taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,415. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 2 bukaan ah u geeriyoodeen cudurka COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 747 qof, halka ay cudurka ka bogsadeen 39 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,191. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa wada olale balaaran oo uu ku doonayo in Urur Siyaasadeedka Kaah ee uu hoggaamiyo uu kamid noqdo Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Puntland yeelan doonto. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa lagu wadaa inuu bilaha soo socda qabto Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, Doorashooyinka oo ay ku loolami doonaan 10 Urur siyaasadeed, ayaa Saddexda uga sareysa loo aqoonsan doonaa Xisbi Siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland. Madaxweyne Deni oo maalin ka hor ka duulay Puntland, ayaa u socdaalay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda…

Read More

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ee PSF ayaa gacanta ku dhigay Shabakad kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Daacish, taas oo dilalka ugu badan ka geystay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Shabakadda gacanta ay ku dhigeen Ciidanka PSF Puntland ayaa beegsatay Waxgaradka Bulshada iyo ciidamada amniga. Xubnaha la qabtay ee Shabakadan ayaa waxaa kamid ah Madixii Amniyaadka Daacish Ee Gobolka Bari Abshir Tooshle iyo Taxi Aadan Dheere oo ahaa Madaxa fuliyaha Qarxyada iwm.

Read More

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u soo magacowday dhexdhexeedinta siyaasiyiinta Soomaalida John Dramani Mahama, ayaa dhashay 29-kii November 1958-kii. Madaxweynihii Ghana,ayuu soo noqday intii u dhaxeysay 2012-2017. Wuxuu kaloo soo noqday Madaxweyne ku-xigeenkii Ghana,2009-2012. Ilaa iyo hada Xaafiiska RW Rooble,Dowlad Goboleedyada iyo Musharaxiintu kama hadlin soo magacaabistiisa. Sidoo kale magacaabistiisu waxay kusoo aaday, iyadoo 20-ka bishan loo balansan yahay Shir looga xaajoonayo Doorashada Dalka. Idil Television.

Read More

Xogo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Dowlada Qatar ay ku qancisay Farmaajo in uu Kenya la furo wadahadal kusaabsan Arrinka Badda, lagana codsado ICJ in dacwadaas lagu xaliyo Wadahadal labada dal ah. Arrintan ayuu Farmaajo ku bedelanayaa Lacago ay u ballan qaaday Dowlada Qatar. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa xaqiijiyay inay dhowaan bilaabayaan wada-hadalo toos ah oo ay la yeelanayaan Dowladda Kenya, si meesha looga saaro mad-madowga labada dhinac. Idil Television.

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho galabta ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar. Sheekh Shariif iyo Gen. Xijaar ayaa ka wada-hadlay qalalaasihii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay muddo kororsigii Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo sidii Ciidanka Booliska aysan ugu dhex milman laheyn Siyaasadda. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in markii hore sababta keentay in Kenya xiriirka loo jaro ay keentay faragelin ay ku sameeysay arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhegaha ay ka fureysatay baaqyo ay u jeediyeen. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in wada-hadallo toos ah ay la furi doonaan dowladda Kenya, arrintaasna ay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya wadi doonto si loo dhameeyo mad madowgii ka dhex-jiray labada dowladood. Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kusoo aadayaa xilli dowladda Qatar ay ka dambeysay in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in dib…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa qorsheynayo inuu Toddobaadka soo socdo safarkiisii u horeeyey ee uu ku tago Caasimadda dalkasi ee Riyadhtan iyo sanadkii 2017-kii. Saraakiil la hadashay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Wasiirku qorsheynayo inuu bishan 11-da Kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS). Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Waddan ayaa xayirnaa dhowkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Dowladda Sacuudiga ka carootay Taageeradda uu Turkiga la garab taagnaayeen Dowladda Qatar, kadib, Cunaqabatayntii ay Sacuudiga iyo kuwo kale ku soo rogeen Qatar. Sidoo kale, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa isku maandhaafay dilkii ay Sirdoonka Sacuudiga ee…

Read More

Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyay sida Ismaamulada Itoobiya ay isugu diiwaan-galiyeen doorashada, waxaana cajiib noqotay in Dowlad Deegaanka Soomaalida loogu yeeray Somalia. Qoomiyadda ugu badan ee isku diiwaan-galisay ayaa noqotay Qoomiyadda Oromada, waxaana dadka isdiiwaan-gaaliyay ay badan yihiin 14 Milyan, halka Qoomiyadda soo raacda ay tahay Amxaarada oo gaaraysa 5 Milyan. Sidoo kale waxaa xusid mudan in doorashadan ay qeyb ka aheyn Qoomiyadda Tigreega oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu weeraray dabayaaqadii sanadkii tagay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD. Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee lagu balansanyahay Muqdishu 20ka May 2021.

Read More

Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda FAO xafiiskeeda Soomaaliya ayaa kulan labo-geesood ah ku yeeshay maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Kulankaan waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, sare u qaadista mashaariicda wadajir ka ay u fuliyaan FAO iyo wasaaraddu, dhamaystirka qorshayaaashii ay horey uwada fuliyeen labada dhinac iyo arimo kale oo muhiim ah.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Read More

Warbaahinta Mustaqbal Media ayaa Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed u gudbisay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed. Mustaqbal Media ayaa Labada Nin ku eedeysay inay lahaayeen Amarka Weerarkii 27-April-2021, lagu qaaday xarunta Idaacadda Mustaqbal kaas oo ay fuliyeen Ciidanka Haramcad, waxaana ay sheegtay inay heyso cadeymo muujinaya lahaanshaha Amar ee Labada xubnood. Xafiiska Xeer ilaalinta ayay ka dalbatay in baaris qoto dheer lagu sameeyo cabashadooda, una gudbiyo Maxkamadda awooda u leh si talaabo sharci ah looga qaado Ragan.

Read More

Laba kamid ah Todobo Eedeysane oo Maxkamad Qaadistooda socoto ayay Maxkamadda sii-daysay kadib Dhageysiga Guddiga oo Maxkamaddu ka weyday in ay qayb ka ahaayeen Xabadihii uu ku dhintay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdikariin Dhagajuun. Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud “Buuqsane” ayaa lasii daayey. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Eedda kala noqday waxaa uuna codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo maalin kahor gaaray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem. Kulanka oo ka dhacay Hotel ku yaalla Addis Ababa ayaa looga hadlay xaalada Dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World iyo sidii Shirkaddu u bilaabi laheyd balaarinta Dekedda oo ay la wareegtay 2017-kii, kaddib heshiis ka dhacay Magaalada Dubai. Deni ayaa marar badan warbaahinta dhaleeceyn u mariyay Shirkadda DP World, oo uu sheegay in aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland ee la xariiray balaarinta Dekedda Boosaaso, waxaana…

Read More

Moussa Faki Mahamat Guddoomiyaha Midoowga Afrika , ayaa Madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama, u magacabay in uu nooqdo ergayga u qaabilsan arrimaha doorashadda iyo siyaasadda Soomaaliya. Madaxweyne Mahama ayaa la shaqeyn doono dhamaan saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka si siyaasiinta ay tanaasul u sameyaan islamarkaana xal looga gaaro waxyaabaha la isku hayo, doorashadana lagu qabto muddada ugu yar ee ugu macquulsan. Si howlihiisa uu u guto ayaa waxaa la sheegay in uu taagero ka heli doono ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya ee Amisom kuwaas oo xaqijiin doono in dedaallada wadaxaajodka iyo qorshaha geeddi socodka nabadda ay isla jan qaadaan.…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa utacsiyadeeyay, garab istaagna u muujiyay waalidka carruurtii ku geeriyootay daadadka roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Alle ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaskaan kulana dardaarmay in ay samir muujiyaan. Xasan Abdullahi Gacal oo 5 carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalidka 3 carruur ah oo hooyadood cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu…

Read More

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ. Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa mas’uulkii hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto. “Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka. Waxaa soo baxayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kuwaasoo sheegayey…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar, Ku-xigeenkiisa kowaad iyo Af-hayeenka Booliska. Kulanka Xasan Sheekh iyo Gen. Xijaar ayaa looga hadlay marxalada Dalka, gaar ahaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ay sababtay muddo kororsigii fashilmay ee Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo sidii Ciidanka Booliska aysan ugu dhex milman laheyn khilaafka Siyaasadda. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna xaaladaha amni Galmudug iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka argagaxisada iyo suggidda Amniga.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhawaysay maanta Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomali kasoo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen, kuwaas oo doon sidday ay kusoo xiratay Dekedda Boosaaso. Qaxootiga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa dhan 61 Qoys, waxaana loo galbiyay goobo Wasaaraddu u diyaarisay inay ku degaan. Waddanka Yemen oo ay ka jiraan dhibaato iyo colaado ayaa si xiriir ah waxaa uga soo qaxa qoysas fara badan si ay naftooda ugu la cararaan meel nolol ahaan iyo Amni ahaanba dhaanta, waxaana ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah ugu soo qaxaan deegaanada Puntland oo…

Read More

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa xubnaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa goor-dhoweyd ku geeriyooday Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay geerida Xildibaanka. Marxuumka ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii. Sidoo kale, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha Shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Suleyman, oo soo gaaray magaalada Hargeysa. Madaxweyne Biixi iyo Maareeyaha DP World ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Somaliland iyo DP World, iyo sidii loo dardar-galin lahaa balaarinta Dekedda Berbera iyo mashaariicda kale ee ku gadaaman, sida wadada Berbera Corridor. Tagista Maareeyaha Shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Suleyman, ee Somaliland ayaa la xariirta furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono.

Read More

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska dowlad gobaleedka Jubbaland Sareeye Guuto Maxamed Cabdi Sheekh iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Jubadda Hoose Gashaanle Sare Sadiiiq Mohamud Dhogor ayaa xalay kormeer guud ku sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalad Kismaayo. Goobaha ay kormeereen ayaa waxaa kamid ah Rugaha Ciidanka, Isgoosyada laga sugo ammaanka iyo Xarumaha Birmadka Booliska ay ka hawlgalaan. Ujeedka kormeerka taliyeyaasha ayaa daaranaa is dhex galka Bulshada iyo Boliiska Xaqiijinta ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyagoona xog wareystay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan goobihii ay kormeereen Sidoo kale intii ay saraakiishu ku jireen kormeerka ayay kulan la qaateen shacabka ku nool Kismaayo…

Read More

Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland ayay ubadan tahay in maanta ama Beri midkood la shaaciyo. Golahan waxaa kasoo dhex muuqan doona wajiyo cusub iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh Jubaland iyo guud ahaan Somaliya. Sidoo kale waxaa boosaskoodii hore lumin doona Wasiiro miisaan culus oo hada Golaha ku jira. Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa la sugayay in la magacaabo Wasiirada cusub,balse mar walba waxaa dib loogu dhigayay xaaladaha siyaasadeed ee taagnaa. Idil Television.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ujeedada safarkiisa ayaa ah mid cumro ah, iyadoo inta uu gudashada cumrada ku guda jiro la filayo inuu la kulmo Mas’uuliyiinta sare ee Boqortooyada. Wararka ayaa sheegaya in Diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha oo maanta duhurki ka qaadi doonta Muqdisho.

Read More

Shirkadda DP World ee Dubai ayaa khamiistii sheegtay inay heshiis hordhac ah la saxiixatay wasaaradda gaadiidka ee Itoobiya oo lagu horumarinayo kaabayaasha saadka ee waddamada Bariga Afrika iyada oo la marayo marin ganacsi oo ku xidhan ismaamulka Soomaaliyeed ee Somaliland. DP World iyo la-hawlgalayaasheedu waxay rajaynayaan inay maal-gashadaan illaa $ 1 bilyan tobanka sano ee soo socota dhismaha bakhaarro iyo Dekedo qalalan. Heshiiska hordhaca ah waxaa sidoo kale ka mid ah qorshayaal lagu dhisayo shirkad wadaag ah oo saadka. Wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegay in horumarka marinku uu dabooli doono baahida sii kordheysa ee Itoobiya ee ganacsiga caalamiga…

Read More

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Sheikh Tamim oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda. “Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo…

Read More

Madaxtooyada Puntland oo qoraal kooban u baahisay goor-dhaweyd ayaa sheegtay in Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni uu safar gaar ah ku aaday Dalka Itoobiya. Idilnews ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni oo caawa ku sugan Magaalada Addis Ababa uu la kulmayo Madaxda dalka Itoobiya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Itoobiya uga sii gudbaya Dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda Imaaraadka iyo Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso. Idil Television

Read More

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka. Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhow soo saartay go’aan cusub oo dib usoo celinaya xiriirta diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, ka dib muddo xiriirka labada waddan oo xuma uu istaagay xiriirka diblumaasiyadeed. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Federaalka, Cabdiraxmaan Al -Cadaala oo hadda la hadlaya warfaafiyeenka ayaa ku dhaqaaqay go’aanka , wuxuu inta ku daray in xal laga gaaray khilaafka labada dal. Dowladda Qadar ayaa dhexdhexaadisay labada dhinaac, sida uu sheegey Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta DFS, Al-cadaala.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay eheladii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Faransiiska. Xubnahan oo ka kooban qoyskii uu ka tagay Marxuumku iyo dadweyne kala duwan ayaa ka yimid dalka dibadiisa si ay uga qeyb galaan tacsida marxuumka oo taala Magaalada Kismaayo.

Read More

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Qatar ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Wasiirka Maaliyadda Qatar Ali Shareef Al Emadi, si wax looga waydiiyo tuhunka laga qabo Lunsashada lacagta dawlada iyo ku tagri fal awoodeed, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda. Wakaaladda Wararka ee Qatar ayaa qortay in go’aanka la qaatay kaddib markii dib loo eegay dukumiintiyada la xiriira dambiyada waaxda dowladda, waxaana ay intaas ku dartay inuu socdaan baaritaano dheeraad ah.

Read More

Sida ay sheegeen hey’adaha Qaramada Midoobay, ilaa iyo 500 oo qof ayaa sannadkaan oo kaliya ku dhintay isbiimeynta khatarta ah ee badda Mediterranean-ka, xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan Yurub. Tani waxay ka badantahay khasaarihi sannadki hore oo ahaa 150 qof oo ku garaqmay biyaha madda miditareeniyaanka. Dad lagu qiyaasay 130 qof ayaa ku dhintay kaddib marki dooni ay la socdeen ay ku hallowday meel aanan ka fogeyn xeebaha Libya. Hey’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa dhimashada dadkaasi ku eedeysay, badbaado la’aan, kaddib markii ay ciidamada badda ee aaggaasi ka ag-dhawaa iska indha-tireen qeylo dhaanta dadkaasi oo codsaday in…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo gaaray magaalada Nairobi. Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa Madaxweynaha Kenya gaarsiiyay dhambaal qaas ah oo uu ka siday amiirka dowlada Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani. Dr. Mutlaq Al-Qahtani, oo maalmo ku sugnaa Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaalida, marka laga soo tago Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday, waxaana uu kala hadlay xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka, Sidoo kale Mohamed Abdullahi Farmaajo ayuu gaarsiiyay dhambaal…

Read More