Xaalada Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya oo meel sare gaareysay, kadib markii Kenya sheegtay in sidii Israil ay sameyneyso deegaan aan cidna laheyn oo xuduuda Soomaaliya ku toosan.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Deni oo ayaa magaalada AddisAbaba, kulamo kula yeelan doona Madaxda dalka Itoobiya, gaar ahaan Ra’iisulWasaare Abiy Ahmed, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Madaxtooyadda. Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aaday arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen. Madaxweynaha ayaa intii uusan…
Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ururro argagixiso ugu aqoonsatay ururka Tigreegga ee TPLF iyo ururka Oromada ee OLF-shene. Baarlamaanka Itoobiya oo kulan yeeshay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay Ururo Argagixiso ugu aqoonsatay Ururka Tigreegga ee TPLF iyo Ururka Oromada ee OLF.
Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah. Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah. Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin. Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.
Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya Amp Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray Washington si wax looga waydiiyo xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ku lugta leh in dib loo dhigo doorashooyinka Soomaaliya. Amp Yamamoto ayaa kulan ay yeesheen Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Ra’iisul wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah ka sheegay in looga yeeray Washington si uu warbixin uga siiyo Maraykanka dadka ku lugta leh in ay dib u dhigaan doorashada oo khatar ku ah amniga Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Doowlada Mareykanka ay ka cabsi ka qabto in doorashada Dib loo dhigo. “Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka…
Nin hubeysan oo doonayay in uu dhac u geysto ayaa muwaadinka Soomaali ah waxaa uu ku dilay Magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Cabdullaahi, ayaa ahaa Tagsiile. Booliska Magaalada ayaa ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabten Ninka dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo sidoo kale wada baaritaan dheeri ah oo la xiriira dilka.
Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 ayaa sheegay inay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini’aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas. Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen inaysan xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay’adaha dowliga ah. “Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya…
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa la filayaa inuu maanta u amba-baxo dalka Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland. Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa kusii hakan doona Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isagoona berri uga sii gudbi doona magaalada Dubai. Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aadi doono arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen. Deni ayaa marar badan warbaahinta dhaleeceyn u mariyay…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magacaabay Guddi baaris kumeel-gaar ah ku sameeya kiiska caruurta lagu dilay Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa Madaxweyne Laftagareen faray inay natiijo dhab ah ka keenaan Kiiskii lagu dilay Labada carruurta ah ee ka dhacay Baydhabo 7 bishii April ee sanadkan.
Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Ciidanka gadoodsan ee ku sugan gudaha Muqdisho. Hoos ka Akhriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Shariif Sheekh Axmed. Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii”. Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September. Waxaan ku celinaynaa markale in…
Madaxweynaha Puntland Dowladda Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa booqday Hotelka Cadduun Plaza oo dhawaan laga hirgeliyay Garoowe, si uu ganacsata ugu dhiirrigaliyo iney dalkooda maalgashadaan. Madaxxweynaha ayaa intii uu booqashada ku jiray la kulmay qaybaha bulshadda, Cadduun Hotel oo qaab casri ah loo dhisay ayaa dhawaan xariga laga jaray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire iyo xubno kale oo katirsan Midowga Musharixiinta ayaa caawa kulan ku yeeshay Muqdisho. Kulanka oo ahaa Afur uu ku casuumay Masuuliyiinta Madaxweynaha Hirshabelle ayaa diirada lagu saaray amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.
Madaxwaynihii hore Dalka Ahna Musharax Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud, ayaa soo dhaweeyey dadaaladda iyo shaqada wanaagsan ee uu wado Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. “Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii, sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan.Dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda”. Ayuu yiri Madaxwaynihii hore JFS Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Idil Television
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Musharixiinta ayaa galabta gaaray heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo, kass oo ka kooban 10 qodob. Hoos ka Akhriso qodobada heshiis. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida:…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay soo dhisto ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhexdhexaadna ah. Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay xilli uu kulan la lahaa xubnaha beesha caalamka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci kadib marka wadatashi lala sameeyo dhammaan saamilayda siyaasadda. Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii…
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Axmed Bashiir Muuse, oo kormeeray buundooyin ku yaala deegaanka Qayaadsame oo waxyeelo ay gaarsiiyeen Roobabka ka da’aya deegaanada Puntland ayaa ugu baaqay gaadiidlayda in ay si tartiib ah u maraan wadooyinka xiligga roobka.
Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay teenadhada Afisiyooni wakiilo katirsan beesha Caalamka. Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho wakiilada beesha caalamka tan iyo markii uu la wareegay howlaha doorashooyinka dalka ayaa loogaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka. Sidoo kale kulankan ayaa la iskula soo qaaday kulanka uu dhowaan ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir inay isugu yimaadaan 20ka bishan magaalada Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ka codsaday wakiilada beesha caalamka inay garab ku siiyaan sidii ugu guuleysan lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta safar gaar ah ugu ambabaxay dalka Ingiriiska. Guddoomiyaha ayaa waxaa Airporka Gen. Maxamed Abshir Garoowe ku sii sagootiyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Puntland.
Midowga Musharixiinta iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa maanta ku yeeshay aalada ZOOM kulan saacado badan qaatay, kaas oo looga hadlayay marxalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Ciidanka gadoodsan ee wali ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingariinka iyo Mareykanka, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa qabsoomida doorasho lagu wada qanacsan yahay, iyo sidii Ciidanka taabacsan mucaaradka ay uga bixi lahaayeen gudaha Muqdisho. Safiirada Beesha Caalamka ayaa ka dalbaday Musharixiinta inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha si loo qabto doorasho deg-deg ah oo la…
Saddex Ruux ayaa ku geeryooday Qarax miino oo maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso waxaana ay la qaraxday gaari nooca loo yaaqaan SURF, waxaana Dadka ku dhintay la sheegay inay gaariga saarnaayeen, halka qof dumar ah wadada maraysay ay ku dhaawacantay. Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada Kaxda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.
Roobab ma hiigaan oo ka da’ayay guud ahaan deegaanada Puntland, gaar ahaan goboladda Bari iyo Karkaar 2 maalmood ee la soo dhaafay ayaa hakiyay isu-socodka gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, ka dib markii ay waxyeelo soo gaartay buundooyin ku yaala deegaanka Qayaadsame. Taliska Qaybta Booliska Gobolka karkaar, ayaa markiina ka hawl-gallay, waxaana ciidamada amaanka ay joojiyeen xiliyadda habeenkii ah socodka baabuurta si loo ilaaliyo bad-qabka muwaadiniinta iyo hantidooda. Wasiirka hawl-laha guud ee dawlada puntland, Axmed Bashiir Muuse, wasiirka tamarta, macadanta iyo biyaha Axmed Taaraan, wasiir ku xigeenka maaliyadda Cumar Fiqi, gudoomiye ku xigeenka gobolka karkaar Cabdicasiis Yuusuf…
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in si xal looga gaaro xaalada cakiran ee Muqdisho iyo Ciidanka la wareegay qeybo kamid ah Magaalada loo baahan yahay in xilka laga qaado Taliyayaasha Ciidanka ee sida khaldan loo soo adeegsaday, sidoo kalena Farmaajo uu si dhameystiran ugu wareejiyo Amniga Guud ee Dalka Ra’iisul Wasaare Rooble. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadii aan la qaadin talaabooyinkaas aan xal laga gaari doonin xiisada, ayna Ciidammadu ku sii sugnaan doonaan aagaga at Xoogga kula wareegeen.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go’aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia. Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada. Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay…
Taliska Qaybta Booliska Gobalka Bari ayaa shacabka digniin uga diray inaysan naftooda ku haligin daadadka markale ku soo rogmaday Togaga mara Carmo iyo Ceeldaahir ee Gobalka Bari. Gaadiid sida dadweyne kala duwan ayaa ku xaniban aagaga deegaanada maadama ay badan yihiin Biyaha qul-qulaya togagaasi. Sidoo kale, Kantaroolada ku yaalla deegaanada ay dadku ku Taliban yihiin ayaa lagu amray inay soo dhaweeyaan Dadka Shacabka ah, sidoo kalena ay goobo wanaagsan geeyaan dadka, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta.
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan aya sheegaya in saaka uu ka qarxay duleedka Galbeed ee magaalada Beledweyne dagaal u dhexeeya beelo halkaas wada dega. Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo dagaalka uu ku soo fidey xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen labadaan maleeshiyo beeleed, ee dagaalku dhex maray. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystey in ciidamo Milatari ah ayaa geeyaan halka dagaalku uu ka bilowday oo lagu magacaabo Beledunuur iyadoo ay ciidamadu kala dhex galeen maleeshiyaadka dagaalamayay,waxaana…
Kooxda Waaberi Puntland ayaa soo saartay hees ka hadlaysa damaca Farmaajo ee ku aadanaa Kali-talisnimada.
Warbaahinta Puntland ayaa dhowaan baahin doonto Barnaamijka taxanaha ah ee AF-MEER kaas oo lagu soo bandhigayo wareysiyo laga qaaday Amiiro iyo maleeshiyaad u qaabilsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab dilalka iyo Qaraxyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug 13 sanno ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo Muqdisho kulan kula yeeshay Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa ka dayriyay xaalada ammaan ee deegaanada Maamulkaas. Qoorqoor ayaa sheegay inay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay qarka u saaran tahay inay la wareegto Kooxda Al-Shabaab, oo dhowaanahan isku fidinaysa deegaanada ku dhow Dhuusamareeb. Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa u sheegay Odayaasha in Farmaajo uu saaray Ciidanka Dowladda Federaalka difaacyadii ay isku horfadhiyeen Al-Shabaab ee ku yaallay deegaanada Galmudug, sidoo kalena Muqdisho u soo rartay Ciidankii Haramcad ee ka howlgali jiray gudaha Dhuusamareeb iyo hareeraheeda. Odayaasha dhaqanka ayaa kulanka…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in kala qeybsanaanta Ciidanka Dowladda ay wiiqi karto wada-hadlada socda ee Doorashooyinka Dalka. Cumar Cabdirashiid oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa xusay in loo baahan yahay in Ra’iisul Wasaaraha la siiyo jawi degan si uu ugu guuleysto wada xaajoodyada iyo maareynta Geedi-socodka Doorashooyinka, waxaana uu intaas ku daray in lagama maarmaan ay tahay isbedel deg-deg ah oo hoggaanka Ciidanka ah si loo mideeyo. “Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto…
Haweeeney u dhalatay dalka dhaca galbeedka Africa ee Maali, ayaa dhashay 9- ilmood, xilli horey dhakhaatiir ugu sheegeen in makaankeeda ay ku jiraan 7- ilmood, balse dib laga ogaaday inay yihiin 9. Carruurta ay dhashay Haweeneydan oo lagu magacaabo Xaliimo, ayaa kala ah 5 gabdhood iyo 4 Wiil, kuwaas caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Dhacdadan ayaa hadal heyn badan ka dhalisay Dalka Maali, waxaana si weyn uga hadlay Warbaahinta caalamka. Source: Daily Mail Idil Television
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culimada taageersan, kuwaas oo uu kala hadly doorkooda ku aadan xasilinta iyo nabadeynta dalka, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Villa Somalia. Villa Somalia ayaa sheegtay in Culimada a la wadaageen Farmaajo talooyin ku aaddan dowlad dhiska, iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah. Farmaajo ayaana culimada taageersan ka codsaday inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada. Idil Television
Ergeyga gaarka ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Qatar Mutlaq Al Qahtani ayaa fariin qoraal oo uu ka sidey Amirka Labaad ee Qatar Sheekh Tamim bin Xamad u gudbiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynah muddo xileedkiisu uu dhamaaday. Wakaaladda Wararka ee dowladda Qatar ayaa sheegtay in fariinta ay ku saabsanayd sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, loona sii wadi kari lahaa. “Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka”.ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday Qatar News Agency. Qoraalka ayaa lagu sheegay in…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa ku wajahan Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, si uu ugu soo Cumreysto Xaramka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Sucuudiga la kulmi doono Boqorka Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka Labada dhinac. Idil Television
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubaland. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland. Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.
Madaxweynihi hore dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kulan gaar ah xarunta Midowga Musharrixiinta kula leh Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish). Kulanka waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo xiisadda ka dhalatay isku deygii muddo kororsi ee Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, oo Mudane kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii Dalka soo maray, isagoona mar noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee Labada Boqol, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda Hargeysa, Munaasibadda dhagax-dhigga, ayaa waxa madaxweyne Biixi kala qaybgalay Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster, oo dalkeedu maalgalinayo wadadan oo uu ku baxayo dhismaheeda lacag dhan 17milyan oo Dollar. Dhismaha wadadan oo dhan 22.5-KM ayaa qeyb ka ah mashruuca Berbera Corridor, waxaana ay yeelan doonto Biriijyo waa weyn iyo Buundooyin yaryar oo biyuhu mari doonaan, waxaana dhismaheedu socon doonaa muddo 22 bilood ah, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi. Idil Television
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo ka soo tala bixiya xal ka gaarista khalaalisihii ka dhacay Muqdisho Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale.
Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa meel gaba-gabo ah maraya, waxaana Injineerada gacanta ku haya dekedda ay sheegeen in bilaha soo socda lasoo gaba-gabeyn doono dekeddan oo ah mid si isku tashi ah ay u dhisanayaan Ganacsatada Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guled Salah, iyo Agaasimaha Hawlgalada Doorashooyinka Mudane Maxbuub Nuur ayaa la shiray saraakiil ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Kulanka Guddiga TPEC iyo WHO ayaa looga hadlay sidii WHO kaalin uga qaadan lahayd ilaalinta badqabka dadwaynaha ee ku aaddan caabuqa Corona ha xilliga diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa dhowaan u socdaali doona dalka Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Madaxtooyadda Puntland. Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa Garoowe ka duuli doona illaa horaanta todobaadka soo socda, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedada safarkiisa Dubai. Xubno kamid ah Xukuumadda Puntland ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweyne Deni uu Imaaraadka Carabta u aadi doono arrimo isugu jira shaqo iyo Caafimaad, waxaana uu kulan kula yeelan doonaa Dubai Madaxda Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Boosaaso, oo marar badan ay baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen. Deni ayaa marar…
Nin hubeysnaa ayay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Mareykanku toogteen kaddib markii ay saacado isku horfadhiyeen albaabka laga galo xarunta CIA-da, sida ay sheegtey hay’adda dambi barista Mareykanka. Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaari ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taala bannaanka Washington DC isniintii shaley. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey in ay isku dayayeen in ay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood. Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaari oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay…
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mahdi M. Gulaid, ayaa kulan kula yeeshay Hotelka Decale ee garoonka diyaaradaha Muqisho Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal, sida qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay Mahdi M. Gulaid.
Madaxweynaha Dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysa ku tagtay dalka Kenya, iyadoo kulan la qaadan doonta Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Ujeedada safarka Samia Suluhu Hassan, ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka Amni iyo ganacsi ee dalkeeda Tanzania uu la lee yahay dalka Kenya. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo casuumay Samia Suluhu ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta uu kusoo dhaweeyo Aqalka Madaxtooyadda ee looga arimiyo Kenya. Samia Suluhu Hassan, ayaa Madaxweynaha Dalka Tanzania loo dhaariyay 19-kii bishii Maarso, kaddib markii uu wadno xanuun u geeryooday John Magufuli, oo ay u aheyd Madaxweyne ku-xigeen.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa u diraya Geeska Afrika Ergeygiisa Gaarka ah maanta oo Talaado ah, si loo dejiyo xiisada gobolka ka taagan. Qoraal uu soo saaray Xoghaye Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May. Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona masuuliyiinta dowladaha waddamadan, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa saamileyda siyaasadeed ee dalalkan iyo kooxaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya. Qoraalka uu soo saarey Xoghaye Blinken ayaa lagu sheegay in safarka Jeffrey Feltman ay hoosta ka xariiqeyso…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo safar hal maalin qaatay shalay ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulkiisa. Laftagareen ayaa la sheegay inuu Muqdisho u tagay la kulanka Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaas oo ugu yeeray magaalada Muqdisho, si uu kulan ula yeesho. Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa talaabada Laftagareen loogu yeeray Muqdisho ku tilmaamay bahdil siyaasadeed iyo in hoos loo dhigay maqaamkiisii, iyadoo loo sababeeyay in uusan laheyn saameyn siyaasadeed iyo aragti lagu…
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku gacan seyray inuu la kulmo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaddib dalab ay Madaxtooyadda Jubbaland uga yimid Safaaradda Qatar ee Muqdisho. Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa Idilnews u xaqiijiyay in Madaxtooyadda Jubbaland ay iska diday inuu Kismaayo tago Dr. Mutlaq Al-Qahtani iyo Wafti uu hoggaaminayo, sidoo kale Jubbaland ayaa diiday wada-hadal dhanka ZOOM-ta ah oo ay yeeshaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Al-Qahtani. Talaabada Jubbaland ayaa imaanaysa xilli Waftiga Qatar ee uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, ay waji gabax…
Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in “aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan”. “Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go’aansanay in aan kala tagno,” ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter. Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka. Hay’adda…
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeedhay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir. Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid, oo wareysi siinayay BBC ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo islamarkana danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa. Puntland weli kama hadlin gogosha Rooble dhigey, waxayse mar sii horrayaay sheegtey in aysan Xamar tegeyn ilaa Beesha Caalamka casunto.
Buundada Qayaad-same ee deegaanka Al-xamdulilla oo isku-xidha magaalada dekedda leh ee Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka ayaa xalay go’day, kaddib daadad ka dhashay roobab mahiigaana oo da’aya, sida ay sheegeen Booliska Puntland. Taliyaha qaybta gobolka Karkaar Faarax Nuur Maxamed, ayaa dareewaladda gaadiidlaydda ku wargeliyay in hakad la geliyay Isticmaalka wadada laamigga ah ee xiriirisa magaaladda Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, ka dib markii roobabkii da’yay sacadihii lasoo dhaafay ay dhaawac soo gaarsiiyeen Buundada Qayaadsame. Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta waxa uu sheegay in dhamaan gaadiidka lagu celiyay baraha kaan-tarooladda si loo yareeyo khatar kasta oo ka dhalan-karta, hadana…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Ka dhagaystay Ururada Siyaasadda Puntland fikradahooda ku aadan Habraacyada kala ah1-Hab-raaca ka qaybgalka guud ee doorashooyinka iyo 2-Hab-raaca korjoogtaynta doorashada oo horay loogu soo bandhigay Ururadda balse ay codsadeen in la siiyo wakhti ay kuso akhristaan. Sidoo kale waxay Ururaddu saxiixeen Habraaca Anshaxa Ururadda Siyaasadda ee diiwaangelinta codbixiyayaasha oo horay loogu wadaagay. Ugu danbeyn waxaa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre oo Ururadda kula dardaarmay in loo diyaargaroobo doorkooda ay ka qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha oo bacda ciid bilaami doonta.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta sheegay in tirada qaxootiga Marekanka uu soo qaadanayo la gaarsiiyay 62,500, ka dib labo toddobaad ka hor markii uu sheegay in tirada qaxootiga la soo qaadanayo sannadkii uu ku heyn doono 15,000 ee uu dejiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Jamhuuriga, Donald Trump. Go’aanka waxa beddelay markii uu Biden mowjado dhaleeceyn ah kala kulmay taageerayaashiisa iyo Dimuqraadi. Qoraalka uu hadda saxiixay ee lixdan iyo labo kun iyo shanta boqol ah ayaa loo qeybiyay 22,000 oo barokacayaal ah oo ka imanaya Afrika, 6,000 oo ka iman doona Bariga Aasiya, 4,000 oo ka iman doona Yurub…
Madaxwaynaha DDS Mustafe muxumad ayaa maanta kaarka cod bixinta ka qaatay magaalada Dhagaxbuur ee xaruunta Gobolka Jarar. Madaxwaynaha ayaa kaarka ka qaatay xaafada 4-aad ee maamulka magaalada dhagaxbuur, halkaas oo Madaxwayne Mustafe uga sharaxanyahy doorasha 6 aad ee Dalka Itoobiya dhawaan la filaayo in ay qabsoomto. Waxaa kaloo kaarka codbixinta Dagmada Dhagaxbuur ka qaatay Hogaanka Nabadgalyada DDS Dr. Xuseen xaashi oo isna dagmada ka sharaxan. Qaadashada kaarka codbixinta ayaana guud ahaan DDS si habsami leh uga socota.
Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo uu wehliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Faarax ayaa maanta xariga ka jaray Tower ama Minaarada garoonk diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo, kaasoo ay maalgelisay Hey’adda ICAO.
Ilo xog ogaal ah ayaa nala wadaagay in Xubnaha ka socday midowga musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ay kulan gaar ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani . Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha siyaasada, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada Dowlada Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yasin. Musharaxiinta ayaa u sheegay dadaaladii Dowladda Qatar ka geysatay xilliyadii ay shacabka Soomaaliyeed iska caabinta kula jireen Dowladda Ethiopia iyo taageeradii ay…
Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, sidoo kale si fiican ula dhaqmaan Shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Abdinur Aden iyo dhigiisa Galmudug Abdirahman Sheikh Xasan, saraakiisha ciidanka isku dhafka ee Gaalkacyo, gudoomiyaasha deegaanka jeexdin iyo qaarkamid ah odayaasha dhaqanka ee Galmdug ayaa kormeer ku tagay deegaanka jeexdin oo hoosyimadaana magaalada Gaalkacyo. Kormeerkaan ayaa yimid kadib markii halkaasi dadka wada dega deegaanka ay ka sameeyeen dhul xirmaysi sharci daro, iyadoo arintaasi maamulka degmada ee labada dhinac ay kuso wargaliyeen gudoomiyaasha degaanka jeexdin ee Puntland iyo Galmudug. Kormeer kadib waxa la isla gartay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono dad dhul xirmaysiga kawada deegaanka, waxayna ay sheegen in maamulka labada dhinac in gacan bir…
Villa Somalia ayaa xabsiga u taxaabtay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, kuwaas oo looga shakiyay inay u goosan doonaan Ciidanka diidan Mohamed Abdullahi Farmaajo. Saraakiisha la xiray ayaa waxaa kamid ah Cabdixakiin Saciid Ceel-Dheere oo ah Sarkaal Sare oo kamid ah Ciidanka Harmacad iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Hay’adda NISA. Ciidanka Dowladda ayaa u kala jabay labo garab, waxaana jira Saraakiil iyo Ciidammo cusub oo kasoo baxay garabka Farmaajo kuna biiray Ciidanka Badbaado Qaran. Sidoo kale Farmaajo ayaa wajahaya cabsi fara badan. Idil Television
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster. Kulanka Biixi iyo Foster xoojinta xidhiidhka labada dhinac, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee Golaha Wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan. Ingariiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale siiya Somaliland, gaar ahaan Arrimaha dilmuquraadiyadda, Amniga iyo Mashaariicda hormarinta. Amb. Kate Foster ayaana balanqaaday inay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey. Idil Television