Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Abdinur Aden iyo dhigiisa Galmudug Abdirahman Sheikh Xasan, saraakiisha ciidanka isku dhafka ee Gaalkacyo, gudoomiyaasha deegaanka jeexdin iyo qaarkamid ah odayaasha dhaqanka ee Galmdug ayaa kormeer ku tagay deegaanka jeexdin oo hoosyimadaana magaalada Gaalkacyo. Kormeerkaan ayaa yimid kadib markii halkaasi dadka wada dega deegaanka ay ka sameeyeen dhul xirmaysi sharci daro, iyadoo arintaasi maamulka degmada ee labada dhinac ay kuso wargaliyeen gudoomiyaasha degaanka jeexdin ee Puntland iyo Galmudug. Kormeer kadib waxa la isla gartay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono dad dhul xirmaysiga kawada deegaanka, waxayna ay sheegen in maamulka labada dhinac in gacan bir…
Author: Jibril Qoobey
Villa Somalia ayaa xabsiga u taxaabtay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, kuwaas oo looga shakiyay inay u goosan doonaan Ciidanka diidan Mohamed Abdullahi Farmaajo. Saraakiisha la xiray ayaa waxaa kamid ah Cabdixakiin Saciid Ceel-Dheere oo ah Sarkaal Sare oo kamid ah Ciidanka Harmacad iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Hay’adda NISA. Ciidanka Dowladda ayaa u kala jabay labo garab, waxaana jira Saraakiil iyo Ciidammo cusub oo kasoo baxay garabka Farmaajo kuna biiray Ciidanka Badbaado Qaran. Sidoo kale Farmaajo ayaa wajahaya cabsi fara badan. Idil Television
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster. Kulanka Biixi iyo Foster xoojinta xidhiidhka labada dhinac, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee Golaha Wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan. Ingariiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale siiya Somaliland, gaar ahaan Arrimaha dilmuquraadiyadda, Amniga iyo Mashaariicda hormarinta. Amb. Kate Foster ayaana balanqaaday inay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey. Idil Television
Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa Dekedda magaalada Jeddah ka celisay Markab xamuul ah oo siday xoolo nool, kaas oo kasoo shiraacday dalka Sudan. Markabka oo lagu magacaabo MV Mabrouka sidday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah, ayaa dib ugu laaabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, sida at Warsaw warbaahinta gudaha ee dalkaas. Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga oo qoraal soo saartay, ayaa sheegtay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib, markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baaray Shaybaarka. Idil Television
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo ugu hambalyeeyay Suxufiyiinta Puntland Munaasabadda maalinta xoriyadda saxaafadda Adduunka, ayaa sheegay in Suxufiyiinta Puntland ay door muhiim kasoo qaateen dhismaha dowladnimada iyo hormarka Puntland. “Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da May darteed, waxaan u hambalyeeynaya dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Suxufiyiinta Puntland.” “Suxufiyiinta Puntland waxay door muhim ah kasoo qaateen dhismaha Dowladdnimada iyo horumarka, waana ku bogaadinaya sida howlkarnimada leh ee ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeynayaan.” Idil Television
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in dadka raba inay door wanaagsan ka qaataan doorashada loo baahan yahay inay ku taageeraan Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinkiisa muhiimka ah. Berlanga ayaa sheegay in Muqdisho lagu kala qeybiyo maleeshiy oo ka baxsan qadka Taliska Ciidamada amniga aysan caawineyn Shacabka Soomaaliyeed. Idil Television
Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Dr. Multaq Al-Qahtani, oo ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynahaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee. Kulamada oo si gaar gaar ah uga dhacay Hotel Decelle ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa looga wada-hadlay xaaladaha Dalka, gaar ahaan sidii arrimaha Doorashooyinka. Idil Television
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane, Degnachew Yitbarek. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha ganacsiga, amniga iyo siyaasadda. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Idil Television
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka cudur daartay qaabilaada Wafti ka socda oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani, kaas oo doonayay inuu yimaado Magaalada Garoowe. Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa u xaqiijiyay Idilnews, in Madaxtooyadda Puntland oo ka jawaabaysa dalab ka yimid Safaaradda Qatar ee Muqdisho ay ku wargalisay Al-Qahtani in Madaxweyne Deni uu galayo socdaal deg deg ah Dibedda ah, ayna jiraan kulamo badan oo Madaxweynuhu baajiyay. Sidoo kale, Madaxtooyada Puntland ayaan weli ka jawaabin dalab ah in aalada ZOOM ay ku kulmaan Madaxweyne Deni iyo Dr. Mutlaq…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska ayaa soo dhaweeyay talaabada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ugu wareejiyay Howlaha doorashada iyo Amnigooda. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u casuumayo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, si loo dhameystiro heshiiska doorashada. “Xukuumaddu waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl gali doontaa una soo bandhigi doontaa qorsheyaasha doorashooyinka amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale, Rooble ayaa sheegay inuu Guddi u saari doono kasoo tala bixinta sidii…
Safaaradda Mareykanka ayaa soo dhoweysay tallaabada Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka uga laabteen muddo kororsiga, sidoo kale waxay soo dhoweeyeen doorka Ra’iisul Wasaaraha ka qaadanayo hirgelinta doorashada in sida ugu dhaqsiyaha badan lagy qabto. Dhanka kale, Wakiilka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka ee ka laabashadii muddo kordhinta iyo ku dhawaaqida Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in hadda aanay wax shuruud ah, qas iyo fowdo aanay dhicin. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku tiirsanaado taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madaxweynayaasha FMS iyo saamileyda siyaasadeed ee geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso
Madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed, ayaa kulan kula yeeshay hoygiisa Muqdisho Madaxweynayaasha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Hirshabelle Ali Abdullahi Hussein Guudlaawe. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ka laabtay muddo kororsigii labada sano, iyagoo dib u soo celiyay heshiiskii 17 September ee doorashada dad-ban. 140 Xildhibaan ayaa u codeysay, halka wax diiday ama ka aamusay aanay jirin, sida Guddoonka uu ku dhawaaqay. Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Golaha waqtigiisu dhamaaday uu hortagay Farmaajo oo looga awood roonaaday Muqdisho, kaddib markii Ciidanka taageersan laga qabsaday inta badan Isgoysyada iyo degmooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. sidoo kalena lagu dhawaaday madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo si sharci darro ah uu haatan u degan yahay.
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay in Amniga iyo howlaha doorashada uu hogaamin doono Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna Golaha Shacabka ka codsaday in oggolaadaan in lagu laabto heshiiskii 17 September iyo doorasho dadban. “Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu la wareego arimaha doorashada iyo amniga. Hoosha doorashada uu isaga si toos ah halkaan ugala wareego.”
Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ugu baaqay madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka iska casilo. Farmaajo ayaa la filayaa in uu maanta khudbad xasaasi ah oo la xiriirta xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho uu ka horjeediyo Golaha Shacabka, isaga oo ka dalban doona sida wararku sheegayaan in Baarlamaanku ka laaabto go’aankii carrada badan dhaliyay ee muddo kororsiga. Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo wariyaayaasha kula hadlayay gudaha hoolka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu is casilo, madaama sida uu hadalka u dhigay loo adkaaday…
Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al Qahtani ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halkaasoo uu ku qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cusmaan. Dr. Mutlaq al Qahtani ayaa la sheegay inuu ku soo jeedo Muqdisho, lana filayo inuu Beesha Caalamka la kulmo iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Puntland iska diiday qaabilaada Ergaygan, kaddib markii ay Qatar ku eedeeysay inay sabab u tahay xaalada cakiran ee Siyaasadda Soomaalida, maadama ay dhaqaalo siinayay Farmaajo, si uu u burburiyo Hanaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa taageero u muujiyey ciidmaada Gedoodsan ee ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay difaacayaan dowladnimada Soomaaliya. Dr. Cabdiweli Gaas ayaa xusay in Farmaajo afartii sano ee lasoo dhaafay uu si weyn ugu mashquulay burburinta hanaanka federaalka Soomaaliya oo uu doonayay in uu meesha ka saaro laakiin uu ku fashilmay.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa munaasabada 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, waxaa uu ugu hambalyeeyay shaqaalaha Jubaland . “ Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed si gaar ahna shaqaalaha Jubaland oo mar walba u taagan shaqooyinka loo igmaday taas oo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee Bulshada ay u hayaan” Ayuu yiri Madaxweynahu. Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray shaqaalaha heeganka ah si gaar ah Ciidamada ku sugan jiida hore iyo dhakhatiirta dagaalka adag kula jira caabuqa COVID-19 kuwaas oo naftooda u huraya sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabka. Madaxweynaha ayaa…
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo. “Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.”ayuu yirri Wasiir Cabdi Xuseen. Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in xal laga gaaro hirgalinta doorashada Soomaaliya, meeshana laga saaro muddo kordhinta loo sameeyay…
Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xidhiidh caashaq iyo guur ahi dhex maro ragga iyo dumarka booliska ah. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xidhiidhka caashaq ee askarta booliska dhexdooda. Waxa sidaa sheegay wasiirka arimaha gudaha, Fred Matiangi’, oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tabobarka booliska. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in dhanka milatariga xidhiidhka noocan ah hore…
Ciidanka PMPF Dowladda Puntland ayaa howlgallo la xariira xoojinta Amniga iyo Sahaminta xogaha argagixisada ka fuliyay deegaanka Xiji-Eynaad oo ka tirsan buuraleyda Calmadow, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Facebook Ciidanka PMPF. Sidoo kale, Ciidanka PMPF ayaa howlgallo kale oo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay deegaanada Dhadhabo, Dhagcaan, Beeraha Shibis iyo Bacaadweyn, waxaana ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada. Ciidanka PMPF Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada, burcadbadeeda, Jariifka, Mukhaadaraadka iyo wixii lamid ah.
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kaddib markii looga adkaaday damaciisii ku aadanaa muddo kororsiga ee Golahan dhacay u sameeyeen. Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu khudbadiisa diirada ku saaro eedeynta Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga musharixiinta, sidii looga bartay, wallow ay jiraan tuhuno la xariira inuu doonayo in kulankaas uu isku bedelo mid lagu tuurayo Ra’iisul Wasaare Rooble. Midowga Musharaxiinta oo qoraal soo saaray xalay ayaa uga digay guddoonka Golaha shacabka ee muddo xileedkiisa dhamaaday inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, wuxuu u hambalyeeyay Shaqaalaha Puntland. “Munaasabadda maalinta Shaqaalaha darteed, waxaan u hambalyeenaya Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland oo lafdhabar u ah horumarka socda. Waxaan bogaadinaya shaqaalaha ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya Amniga iyo la dagaalanka COVID-19. Sanadka waxay Shaqaalaha Puntland munaasabaddu ugusoo aaday iyadoo la tirakoobay Shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaharaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaliya isagoo kashifay sababta rasmiga ah ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga dhiibay Baasaboorka Maraykanka. New York Times ayaa waxa uu ku macneyay sababta rasmiga ah ee uu Farmaajo u diiday inuu sii haysto dhalashada Maraykanka inay salka ku hayso baaritaano lagu bilaabay dhaqaalahiisa. “Markii Farmaajo uu iska dhiibay baasaboorka Mareykanka, waxaa jiray baaritaan ay Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) ku haysay maaliyaddiisa sida ay sheegeen saddex sarkaal oo reer galbeed ah oo arrintan xog ogaal u…
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamed Nuur Tarsan, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo in khudbada berri uu ka jeedinayo Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ay noqoto midiisii ugu dambeysay uuna baneeyo Villa Somalia.
Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay guddoonka Golaha shacabka ee muddo xileedkiisa dhamaaday inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April iyaga iyo tiro Xildhibaano ay u qaateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, taasoo ay sheegeen in tallaabadan ay sahleyso dib u mideynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee u kala qeybsamay diidmada muddo…
Inkastoo aan la aamini karin qof ushaqeeyay kooxda Fahad Yaasiin oo si gunimo ah ayay ubahdilaan Dadka farana uga qabtaan hadana Rooble fursad siyaasadeed,ayuu haystaa oo ay tahay in uu ka faa’idaysto dalkana ku badbaadiyo. Laba fursadood,ayaa taagan oo hogaamiye kooxeedka lagu soo afjari karo.. 1.In adeegsiga awooda Ciidan lasii wado 2.In Rooble wax badbaadsho. Farmaajo haduu beri Rooble dhankiisa eego waa gabagabada ila meeraysadiisa,waxaana ku filan Rooble oo 3-talaabo kaga jawaaba waxa kasoo baxa Baarlamaanka wakhtigiisu idlaaday… 1.In uu iska diido hadii Mooshin lagu socod siiyo. 2.In uu ku dhawaaqo Shir Doorasho. 3.In uu hogaaminta amniga la wareego si…
Booliska Dowladda Puntland ayaa ku amray Cabdimaalik muuse coldoon oo ku sugan Caasimadda Garoowe inuu si deg deg ah uga baxo deegaanada Puntland. Coldoon ayaa dhowaan taageero u muujiyay Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo weeraray xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso. Idil Television
Norway waxay wax ka badashay aragtidii Turkiga ee Siyaasadiisa Somaliya,iyadoo adeegsanaysa luuqado uu fahmi karo. Saamaynta Midowga Yurub ay Turkigu ku yeesheen waxay keentay in 3-arimood uu waayo hogaamiye kooxeedka soo daahay ee Farmaajo. 1.In Gaadiidkii dagaalka ee ugu danbeeyay Turkigu diido ku wareejintiisa. 2.In kabkii Miisaaniyadeed Turkigu hakiyo. 3.In Ciidamadii Gorgor Taliskoodu amar diido sameeyaan markii ugu danbaysay. Hogaamiye kooxeedka soo daahay dalalka uu sida weyn ugu tiirsanaa waxay ahaayeen Qatar iyo Turki oo labaduba hada gadaal ugurtay kadib cadaadis kaga yimid Midowga Yurub iyo Maraykanka. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Deegaanka, beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’ada ACF iyo Mashruuca “SomReP” ayaa beeralayda degmada Eyl ee gobolka Nugaal usoo gabagabaysay tababaro mudo u soconayey beeralayda degmadaas kuwaas oo isugu jiray qaybaha kaladuwan ee beerashada wanaagsan iyo habka suuqgeynta dalagyada. Tababaradaan oo mudo sanad ah soconayey waxaa ka faa’iidaystay in kabadan Labo-boqol oo beeralay ah waxaana tababaradaan sidoo kale garab socday taageero dhanka farsamada iyo qalabka ah oo la siinayey beeralayda, sidoo kale waxaa degmada Eyl laga hirgaliyey labo iskuul oo beerlaydu si joogto ah wax ugu baran doonto iyo iskaashatooyin beeraha iyo suuqgaynta ah. Agaasimaha waaxda…
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtey xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma illaa dhamaadka bisha Juun ee sanadka 2022-ka. Qorshahan cusub ayay dowlada Kenya u gudbisay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay doonayso in aan si qasab ah dib loogu celin qaxootigan. Hay’addu waxay sidoo kale dooneysaa in la siiyo habab kale oo ay ku joogi karaan qaxootiga ka socda Bariga Afrika Community (EAC). Dhawaan ayaa maxkamada sare ee Kenya amartay in la laalo amarka dowlada ee ah in la xiro xeryaha. 23-kii Maarso, Kenya…
Dowladda Ruushka ayaa sheegtey in la socoto xaaladda Soomaaliya isla markaasna ay qorshaynayso in ay taageerto dalka. “Waxaanu la soconaa dhacdooyinka Soomaaliya, taasi oo ay uga sii dareen fashilka ku yimid qabsoomidda doorashadda guud oo ay ahayd in ay qabsoonto bishii Febraayo. Maadaama aan xubin joogta ah ka nahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaan qorshaynaynaa in aan taageerno dedaallada caalamiga ah ee Soomaaliya isla markaasna aan siinno Muqdisho taageero balaadhan” -Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka.
Jaamacadda Puntland State University (PSU) ayaa ka dalbatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya inay soo bandhigto waxa ay ku saleysay xogaha ay bixisay ee wax ka bedeshay tirada jaamacadaha ay aqoonsan tahay Hay’adda Tacliinta Sare ee dalka Turkiga.
Booliska Somaliland ayaa uga digay Shacabka kunool Magaalada Hargeysa Libaax kasoo baxsaday beerta xayawaanada Hargeysa ee Waran-Cade. Booliska ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka feejignaadaan Libaaxan baxsadka ah, hadii ay arkaana ay kusoo wargaliyaan Ciidanka.
Shir ay isugu yimaadeen Guddiga isku duwida wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM oo isugu jiray labo heer sida Heer Taliyeyaasha Ciidamada iyo heer Danjirayaal ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo sida AMISOM ka yeeleyso. War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah. Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo…
Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay magaaladda Muqdisho ay ka dhalatay go’aankii golaha shacabka 12 April ay mudo kordhinta uga sameeyeen madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xilligaan oo lagu jiro Bil Ramadaan Magaalada muqdisho uu ka dhaco dagaal uu dhiig ku daato oo laga barakaco xilligaan adag. Sidoo kale waxaa u sheegay in waxyaabaha la isku haayo ay tahay arrin siyaasadeed, taas bedelkeedana…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo todobaadyo ka maqnaa dalka ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si toos ah u abaaray degmada Cabdulcasiis gaar ahaan deegaanka Mirinaayada loo yaqaan halkaas oo oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka, waxaana imaanshihiisu uu kusoo aadaya xilli dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed, isla markaana magaalada Muqdisho laga dareemayo isbedel.
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland oo Waraaq soo saartay ayaa fasaxday maalinta sabtida ah dhamaan Shaqaalaha Puntland, maadama ay ku beegan tahay 1 bisha May, oo ah maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka daah furey qorshaha horumarinta Dowlad goboleedka Jubbaland ee 2021/2024. Qorshahaan wuxuu ka kooban yahay Istaraatiijiyadda horumarinta ee wasaaradaha Jubbaland, afartii sanoba mar ayaa la dejiyaa kadibna wasaaradahu waxay galaan fulintiisa. Kulanka lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta ayaa waxaa kasoo qayb galay golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland, Xildhibaano, Agaasimayayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo ku sime wasiir ka ah wasaaradda qorsheynta Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka loo soo diyaariyey qorshaha…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa weerar afka ah ku qaaday Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inuu u dhaqmayo sida cunug yar oo bumbo garaacaya. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Wasiir Fiqi. Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya. Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso. Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab…
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud G/Sare Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka amniga Gobolka kaas oo lagu qabtay Xafiska Taliyaha Qeybta. Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha Saldhigyada Kala duwan iyo Khuburada Dhinaca Amniga ah Waxaana Diirada Lagu saaray Xoojinta Amniga Gobalka. kulankaan ayaa la iska wareystay Xaaladda amniga iyadoo Taliyahasha ay soo bandhigeen qorshayaasha amniga iyo dardargalinta waxana dhamaan La Faray in ay fajiignaan Xoogan ay muujiyaan sidii ay u sugi lahayeeen Amaanka. Taliye Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Bari isagoona Faray…
Madaxa NISA Fahad Yaasiin 25-26-kii waxuu Ra’isalwasaaraha Itoobiya ka codsaday in uu Ciidankiisa ku caawiyo si ay udajiyaan xaalaada Caasimada Muqdisho,sida ilo muhiim ah ay xaqiijinayaan.. Abiy waa ku gacansayray codsigaas ka yimid Villa Somaliya ee Fahad soo gudbiyay,sida warku sheegayo. Diidmada Abiy waxay ubadan tahay in ay ku salaysan tahay cadaadis dhanka Maraykanka uga yimid. Fahad Yaasiin waxay ku noqotay diidmada Abiy lama filaan aad dhabarka uga jabisay hankoodii. Xogtaas waxaa si faahfaahsan wax uga qoray operanewsap.com Jibril Qoobey.
Qaramada midoobey oo sheegtay In dhowrkii cisho ee ugu danbeeyey ay Magaalada Muqdisho ka barakeen Dad badan, Kuwaasi oo ay sabab u noqdeen Dagaaladi ka dhacay maalmihi ugu dambeeyey. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay iney aad uga walaacdan yihiin in la barakiciyo Dad soomaaliyeed oo aan waxba galabsan isla markaana ayagoo Qaxooti ku ah magaalada muqdisha ay hadana Banaanka magaalada muqdisha u barakacaan.
ODHAAHDA MAANTA TOLOW MAXAA DHICI LAHAA HADII AAN LAGA HOR IMAN LAHAYN DAMACA FARMAJO? Digniin: hadaad tahay Caruurta Baraha Bulshada (CBB) – N&N ha isku akhriyin maqaalka. Dhiig kar ayuu kugu keeni kar! Xili korodhsiga MW Farmajo isku dayey waxa uu noqon la ahaa tawrad aan dhiig ku daadan sida tawradii bilaa dhiiga dhacday ee1969 (bloodless coup d’e’tat). Kaliya waxay ku kala duwanaan lahaayey in uu kan farmajo noqon lahaa afgambi aanu milatari horumood ka ahayn. Waxa se uu abuuri kari lahaa waxa ay Rosenberg iyo Jackson ku sharaxeen buugooda caanka ah “autocratic rule” ama maamul kaligii talis ah. Buugaasi…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee Dowlada waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdi Casiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdi Casiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee…
Mareykanku wuxuu si dhow u eegayaa ballanqaadkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee 28-kii April oo ku aaddanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17, isla markaana uu si dhakhso leh dib u billaabayo wadahadalkii hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. War saxaafaded ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.” Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta. Bayaankan ayaa lagu yiri “Waxaan…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Midowga Musharixiinta ayaa kulan saacado badan qaatay caawa ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dalka iyo go’aanka cusub ee Rooble, QoorQoor iyo Guudlaawe ka qaateen muddo kororsiga Farmaajo. Sidoo kale, Kulanka ayaa diirada lagu saaray qorshe ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wadaan Farmaajo iyo Mursal, kaas oo la doonayo in xilka looga xayuubiyo Rooble.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad Wuxuu xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo u magacaabay Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesaweyne). Wasiir Dhabancad ayaa la faray maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo in ay fuliyaan dhaqan gelinta magacaabidda xoghayaha cusub.
Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwadda eedaysanayaal 5 ah oo xeer ilaalintu kusoo eedaysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena falal amniga liddi ku ah ka gaystay gobolka mudug. 1 Cabdiqadir Umul waa Madaxi qaraxyada iyo dilalka Gaalkacyo. Amiir Maxamed JeeriQaasim Al-Turaabi.AbayleMaxamud Abu Dhayib
Senatar Cabdi Qeybdiid ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhow magaalada Muqdisho ayuu Cabdi Qeybdiid ka sheegay in uu jiro shaki ah in baarlamaanka uu qorsheynayo inuu carqaladeeyo horumarka doorashada laga gaaray. “Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaatana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya,”ayuu yiri Senatar Qeydiid. Sidoo kale Senatar Cabdi Qeybdiid oo maalmihii la soo dhaafay dadaal xoog leh…
Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirka uu Maxamed C/llaahi Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka. Sidoo kale, Wasiir Timacadde ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay mid ku fashilmay Dalka, waxaana uu ugu baaqay Farmaajo inuu is casilo.
Ilo xog ogaal ah uu ku dhow Guddoonka Baarlamanaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kulanka deg-degga ah ee uu Guddoomiyaha muddo xileedkiisu dhamaaday ugu yeeray xildhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Rooble. Guuxa arrintan ku saabsan aya saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, kaddib markii xog laga helay Xildhibaanada qaar ay isla wadaageen in maalinta Sabtida ay la gedin doonaan Rooble, si mowjad cusub uu dalku u galo. Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre.
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga falceliyay hadalkii xalay uu jeediyay Madaxweynaha xilligisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku eedeeyay Farmaajo inuu maleegayo shirqool cusub oo uusan carabaabin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si dhaqso ah u gudo galo howlaha shirka doorashooyinka uuna ciidanka kala qeybsan midooyo. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidan; Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii…
Puntland iyo Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku gaaray heshiis iskaashi, kaas oo tababaro aqoon kororsi ah loogu sameynayo Shaqaalaha Dowladda Puntland. Heshiiska oo ay u saxiixeen Labada dhinac Agaasimayaasha Machadka tababarada Shaqaalaha ee Puntland iyo Kenya ayaa dhigaya in tababaro xiriir ah loo samayn doono Shaqaalaha Dowladda Puntland.
Hoggaamiyaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Villa Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bilaabay inuu Magaalada Muqdisho dib ugu soo celiyo Ciidanka gaarka u ah ee Haramcad, kuwaas oo si toos ah uu u maamulo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin. Diyaarad gaar ah ayaa saaka Magaalada Beledweyne kasoo qaaday Ciidammo gaaraya 100 Askari, kuwaas horey loo geeyay Beledweyne, si ay u caburiyaan shacabka Gobalka Hiiraan ee kasoo hor-jeeda Maamulka Hirshabelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, oo Fahad Yaasiin uu ka dhigay Madaxweyne. Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale aya dib Muqdisho loogu soo celiyay Ciidamada Booliiska Haramcad ee joogay deegaanada Galmudug. Warar aan…
War-saxaafadeed War-saxaafadeed baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay diyaariso shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhexmara dhinacyada siyaasadd dalka. War-saxaafadeedkan oo Puntland kusoo mowqifka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa loogu baaqay Wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah. “Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.”
Fariintii ka timid hogaamiye kooxeedka soo daahay cida kaliya ee ay wax yeeshay waa Ragan siyaasada ku matala Beesha Hawiye. Sida ay uhadleen xalay iyo fariinta uu ka daba keenay waxay isku ahaayeen lid. Odoyaashu waxay isku muujiyeen masuuliyiin dadkooda udiir naxay oo matalaad dhab ah u istaagay. Balse Farmaajo waxuu muujiyay in uu hadalka isagu usoo dhiibay qorshaha guudna lagu wada socdo muhiimaduna ay ahayd Hawiyaha israacay ee soo jeestay in biyo qabow lagu shubo. Ragan sadexda ah,gaar ahaan Rooble oo haysta fursad siyaasiya,ayaa la ogaan doonaa waxa uu noqdo ama jihada uu aado. Rooble waa dhiidhiyi doonaa ama…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ugu baaqay Shacabka ku barakacay dagaaladii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho inay guryahooda kusoo laabtaan. Sidoo kale, Rooble ayaa Ciidanka ka dalbaday inay Shacabka u fududeeyaan inay guryahooda dib ugu laabtaan, ganacsiyadoodana ay furtaan, waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay nabad iyo xasilooni. “Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni.”
Khudbad lama oran karo ee waa fariin gaaban oo qaadatay in lasoo daayo 7-saac markii la duubay kadib. Waxuu isku dayayaa in uu ra’yi caamka Somalida khaldo oo waxii ay indhahooda ku arkayeen ka tirtiro una shido ruwaayad ay uba jeedaan in ay tahay huuhaa. Beesha caalamka oo cadaadis aad uxoog badan uu kala kulmayay waxuu isku dayayaa in uu iska dajiyo oo isku muujiyo Nin tanaasulay wada xaajoodna ogol aqbalayna baaqoodii. Gudaha Dalka cadaadiskii gaaray gacan ka hadalka waxuu isku dayayaa in uu iska khafiifiyo oo ugu yaraan Madaxtooyada sii seexdo maalmo kale. Taageerayaashiisa maalmahan aadka uniyad xumaaday in…
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa munaafad ku tilmaamay khudbadii Farmaajo ee xalay, waxaana uu ku baaqay inaan heeganka laga bixin inta Wadanka laga saarayo Farmaajo. Hoos ka Akhriso qoraalka Mahad Salaad. Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale: Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka…