Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida oo ku beegan 1 May 2021 uu ku hortagayo Golaha Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo khudbad ka dhex jeedinayay Villa Somalia ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kaas oo ay uga horyamaadeen muddo kordhinta loo sameeyay. Farmaajo ayaa ku eedeeyay mucaaradka iyo dalal shisheeye oo uusan magac dhabin inay hortaagan yihiin Doorashada dalka, ayna sabab u yihiin barakicii ka socday Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay. Farmaajo ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo sabtida Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, si meesha looga saaro muddo kordhinta loo sameeyay, dalkana loogu Heshiiskii doorasho ee 17-kii September. “Waxaan maalinta sabtida…
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay sababta keentay inay ka horyimaadaan xilliga muddo kororsiga Farmaajo, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay dagaaladii ka dhacay Muqdisho.
Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid muddo kororsiga Mohamed Abdullahi Farmaajo, waxaana uu ku baaqay in dib loogu soo laabto wada-hadalada Heshiiskii Doorashooyinka Dalka ee 17-kii September.
Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, yaa soo dhoweeyay go’aankii Dowlad Gobaleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Mohamed Hussein Roble ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka, ayna kaga horymimaadeen muddo kororsiga Farmaajo. Hassan Sheikh Mohamud, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Shacabka ka barakacaya magaalada Muqdisho inay muujiyaan deganaan, ayna guryahooda joogaan, waxaana uu tilmaamay in aysan dooneyn inay colaad ka shaqeeyaan, horayna aan loogu aqoon. Hassan Sheikh ayaa intaas ku daray “4 sanno kahor ayaan dadka Soomaaliyeed ku iri dadka xilka iyo mas’uuliyadda loo dhiibayo Taariikh-doodii hore ha baaro, hadana waan ku celinayaa”.
Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle kaga horyimaadeen muddo kordhinta Farmaajo. Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa ugu baaqay Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu qaato go’aan geesinimo leh qaato, uuna is casilo, intii uu qalalaase hor leh uu dalka u horseedi lahaa. “Waxaan ugu baaqay Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu go’aan geesinimo leh qaato, khudbada uu jeedinaya uu ka dhigto tii ugu dambeysay, intii uu kasii talin lahaa qalalaase kale” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka ay kaga horyimaadeen muddo kordhinta Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, iyadoo ugu baaqday Farmaajo inuu ku biiro. “Waan ku amaaneynaa@MrQoorqoor,@AliGuudlaawe, iyo@MaxamedHRobleka soo horjeedka muddo kordhinta iyo taageerida heshiiska doorashada ee Sebtember 17. Waxaan ku boorrinaynaa@M_Farmaajoin la aqbalo wadada cad ee wadahadalka iyo nabada.”
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Galmudug iyo Hirshabeele, kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ah ee Mohamed Abdullahi Farmaajo. “Waxaan aaminsanahay heshiiska 17 Sep inuu yahay waxa kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca.”
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa galabta ku dhawaaqay inay kasoo horjeedaan go’aankii muddo kordhinta loogu sameeyay Dowladda waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo, kaas oo la filayo inuu isna go’aan lamid ah kuwa saaxiibadiis uu goor-dhow ku dhawaaqo. Shabakadda Idilnews, ayaa ogaatay 5 qodob oo soo dad-dajiyay inuu is dhiibaan Kooxda Farmaajo, kuwaas oo kala ah; 1.In ay xaqiiqsadeen mudo kordhintii in aysan shaqaynayn. 2.In Madaxtooyadii hal irid ufuran tahay inta kalena laga xiray. 3.In lagu heshiiyay oo la dajiyay qorshe ah weerar lug iyo Madaafiic in lagu galo Madaxtooyada habeen danbe. 4. Beesha caalamka oo…
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada ahaa Dastuurka Dalkana baal marsanaa. Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon.
Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, ayaa soo dhoweeyay go’aankii Dowlad Gobaleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Mohamed Hussein Roble ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka, isagoo ku tilmaamay go’aan dhiiranaan iyo geesinnimo dugsan. “Waxaan si buuxda u soo dhaweynayaa go’aanka Hirshabeelle, Galmudug iyo Ra’iisulwasaaraha ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka.Waxaan leeyahay waa go’aan dhiiranaan iyo geesinnimo dugsan ee guuleysta”. Idil Television
Qoraal lagu soo daabacay goor dhow bogga madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu uu idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed. Madaxtooyada ayaa ku macneysay qudbada inay tahay mid Farmaajo uga hadli doono xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa ka horyimid muddo kororsiga Farmaajo, isagoo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay hirgalinta doorasho ku saleysan Heshiiskii 17-kii September. Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale ku baaqay in Ciidanka qalabka sida lagu celiyo xeryahoodii, lana joojiyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee ka jira Muqdisho. Hoos ka Akhriso qoraalka Ra’iisul Wasaare Rooble. Bismillaahi, Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee…
War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxay si cad u sheegeen inay tahay doorashada lagu heshiiskii 17 September, iyagoo ka soo horjeestay muddo kororsigii labada sano War Saxaafadeedkan ayay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug si rasmi ah ugu cadeeyeen inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga labada sano ayna ku baaqayaan in dib loogu laabto wadahadaladii doorashooyinka kuwaasoo ku salaysan heshiiskii September 17.
Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa goordhow warbaahinta dowladda ka sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin waxa ka socda Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay awood u leedahay in ay wax ka qabato wax uu ku sheegay kooxo diidan nabada Muqdisho. Sidoo kale Xundubeey ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo badanayaan maleeshiyaad leh dhaqan muuryaan oo guryaha jabsanaya dadkana cabsi gelinaya, isagoo digniin u diray dadka gabaadka u ah ama la shaqeeya. Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay gabaad u yihiin Argagixisada.
Wadamada saaxibada la ah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Axadii aynu ka soo gudubnay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo weliba khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka. War Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan; Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda. Waxaan si gaar ah uga welwelnay…
Ciidanka Duufaan oo isugu jira maleeshiyaad horey looga qabtay Al-Shabaab iyo kuwa ku beel ah Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa difaacyo ka sameystay waddooyinka soo gala Madaxtooyada Villa Somalia. Sidoo kale, Ciidammo gaaraya 250 Askari oo horey loo geeyay Galmudug, Gobalka Gedo iyo Hiiraan ayaa lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho, Saraakiil dhanka Ciidanka ah ayaana sheegay in talaabada lagu soo celiyay Ciidammadan ay ka dhigan yahay in Farmaajo uusan Awood Ciidan ku heyn Muqdisho.
Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in Madaxtooyadda Villa Somalia laga qaado Ciidanka AMISOM, si ay isaga difaacaan weerarada joogtada ah ee uga imaanaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Midowga Musharixiinta oo kulan aalada ZOOM ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Xalane, ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in Farmaajo uu ku hayo duulaano joogta Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, taas bedelkeedana amaankiisa ay isaga sugayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM. Musharixiinta ayaa ka dalbaday Wakiillada Beesha Caalamka in laga wareejiyo Madaxtooyada…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka walaacasanyahay xaaladda Soomaaliya, kaddib dagaalladdii Axaddii ka dillaacay magaalada Muqdisho. War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa qornaa sidan:- “Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul. Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo…
Magaalada Muqdisho xaafadaha qaar waxaa ka billowday barakac, kaddib markii ay soo badatay cabsida laga qabo in mar kale isku dhacyo ka dillaacaan magaalada Muqdisho maadaama ciidamada labada dhinaca dhaq-dhaqaaqooda la dareemayo. Muuqallo iyo sawirro laga soo qaaday jidadka magaalada Muqdisho ayaa muujinaya boqolaal dad ah oo u qaxaya bannaanka magaalada, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen inay aad uga xunyihiin inay ka barakacaan guryahooda. Dad u badan carruur iyo dumar danyar ah lagu arkayay iyagoo ka qaxaya degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag. Ma jiro isku dhac ka dambeeyay midkii Axaddii, hase yeeshee dadka rayidka ah ayaa dareemaya culeys weyn oo ku…
Ciidankii mucaaradka ee daganaa aagga Cabdiqaasim iyo nawaaxiga KM4 ayaa xalay saqdii dhexe ka guuray aagaas, waxeyna dageen xaafadda Siigaale ee degmada Howlwadaag, iyadoo halkaas ay hore u daganaayeen ciidan kale oo ka tirsan mucaaradka. Xaafadaha Dabka, Siigaale, Bakaaraha, xarunta degmada Howlwadaag iyo goobo kale oo ka tirsan degmadaas ayey joogaan ciidanka mucaaradka waxaana halkaas ka barakacaya dhamaan dadkii daganaa. Ciidanka ka guuray aagga Cabdiqaasim waxaa hogaaminaya taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir Janaraal Saadaq Joon iyo Janaraal Indhacade, waxayna gaashaanbuur la sameesteen ciidan kale oo uu hogaamiye taliyihii hore ee DANAB Ismaaciil Cabdimaalik, kuwaas oo maalmahan ku sugnaa aagga…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. “Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka. Sidoo lale waxaa lagu yiri War saxaafadeedka “Sida uu xoghayaha horey u sheegay, Mareykanku wuxuu…
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo saakay arroortii galay xarunta Idaacadda Mustaqbal, ayaa qaatay dhamaan qalabkii idaacada iyo qalabkii qeybta muuqaalada. Sidoo kale ciidankaan ayaa jirdil iyo handadaad u geestay xubno kamid ah shaqaalaha idaacadda, sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Hon. Abdullahi Godah Barre, ayaa uga digay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo in uusan Hormuud u noqon dagaal ka bilowday Magaalada Muqdisho. Goodax Barre oo Muuqaal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadii uu dagaal ka bilowday Muqdisho in uusan noqon doonin mid uu guul ka gaaro Farmaajo, taas bedelkeedana uusan ka bixi doonin Dalka, laguna dili doono dagaalkaas. “Farmaajo Xamar dagaal ha ridin, hadaad ka ridana ogow kama baxaysidee waad ku dheh dhiman doontaa” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. Idil Television
Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, ayaa soo dhaweeyay Bannaan-baxyada ka bilowday Magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu diidan yahay xukunka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Sheekh Shariif ayuu ku yiri “Waxaan soo dhaweynayaa banaanbaxyada nabadeed ee lagu diidan yahay muddo kororsiga sharci darrada ah ee qaybaha bulshada Gobolka Banaadir ay ka dhigayaan magaalada Muqdisho.” Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay Bannaan-baxyadan tallaabo lagu difaacayo xoriyadda hadalka iyo dilmuquraadiyada. “Waa tallaabo lagu difaacayo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, waxaana aaminsanahay in dibadbaxyadu yihiin habka ugu wanaagsan ee ay shacabka ku muujin karaan…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ku baaqayaa in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu boorrinayaa ilaalinta midnimada guud ee Dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaal.
Bannaan-bax looga soo hor-jeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa caawa ka soconaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Dibadbaxan oo ay dhigayaan dad fara badan oo shacab ah ayaa si weyn uga socda Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicaziiz ee Muqdisho, waxaana Dadka dhigaya ku dhawaaqayaan erayo ay kamid yihiin “FARMAAJO DOONI MAYNO, DAGAAL OOGAHA DOONI MAYNO IYO KALIGII TALISKA DOONI MAYNO”. Idil Television
Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Barre ayaa sheegay in heshiis kala saxiixdeen Shirkada TTN. Heshiiskaan ayaa ah qandaraaski dhismayaasha wadooyinka Caasimada, TTN horey waxa ay Garoowe uga hirgalisey wadooyin Laami ah. Duqa Caasimada ayaa dhawaan sheegay in bilaabi doonan hirgalinta laamiyaal cusub oo ay Caasimada Garoowe yeelan doonto.
Taliyihii Saldhigga degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed oo wata gaari dagaal iyo ciidan yaa ku biiray ciidanka ku sugan aagga Mirinaayo ee diidan muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo. Waa taliyihii 2aad oo ku biira ciidanka ka gadoodsan muddo korarsiga hay’adaha dowladda. Saacado ka hor ayaa ciidankaas waxaa ku biiray taliyihii Saldhigga Shibis.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, waxaana uu ku baaqay shir degdeg ah oo la iskugu yimaado loogana hadlo arrimaha ammaanka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu la kulmay xubno ka tirsan bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay. Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga. “Waxaan farayaa ciidanka sugidda amniga muwaadiiinta,…
Waaaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa war ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isku dhacyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taasoo ay sheegtay inay ka dhalan karto cawaaqib dib u dhac u keeni karta horumaradi la gaaray. Suudaan ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan, waxaana ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo laguna laabto heshiiskii 17 September. “Innaga oo og awoodda dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaalida, waxaan ugu baaqaynaa in ay degdeg ugu laabtaan miiska wada-hadallada doorshada oo ku salaysan heshiiskii 17 September”. Ugu dambeyntii, Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay la soconayso xaaladda…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay. “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah…
Taliyihii ciidanka booliiska ee Saldhigga degmada Shibis, Farxaan Axmed Xasan “Jaraaye” oo wata gaari Cabdi bile ah ayaa ku biiray ciidanka ku sugan aagga Mirinaayo ee ka soo horjeeda muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo. Taliye Farxaan waxaa la socda ciidamo ka tirsanaa booliiska Soomaaliya oo uu taliye u ahaa. Jaraaye ayaa kamid ahaa taliyaashii la magacaabay markii xilka laga qaaday Saadaq Joon, inkastoo ka hor uu taliye ku xigeen ka ahaa Yaaqshiid.
Waxaa socda dadaalo ku aadan in Ciidamo AMISOM ah la kala dhex dhigo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhaceen, si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane oo saacadihii u dambeeyay shirar gaar u socday ayaa waxay Midowga Afrika kala hadlayeen in dib u eegis lagu sameeyo kaalinta howlgalka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan Nabad Ilaalinta. Idil Television
Safaaradda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya Ciidanka Farmaajo iyo Malateri ka gadoodsan muddo kordhinta uu sameystay. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.” “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.”
Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa weerar ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadalka Rooble ee ku aadan dagaalka Muqdisho, uu yahay mid aan ka turjumay xaqiiqada Muqdisho, isagoona sheegay inuu Dario waxa keenay isku dhinacyada hubeysan ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Hoos ka Akhriso qoraalka Wasiir Axmed Macalin Fiqi. Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo. Xalay…
Waxaa degen deegaanadii xalay iyo shalay ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan golaha Shacabku u kordhiyay muddo laba sano ah. Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama ayaa degen , waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaalada qiimeeynaya. Wadahadalo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa suurtogeliyay in xaalada ay qabowdo inkastoo ay jirto weli kala shaki dhinacyada dagaalamay. Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Muqdisho ee lagu khalkhal gelinayay amniga iyo nabadda ee magaalada Muqdisho, isagoo faray Ciidamada Amniga inay waajibaadkooda Qaran gutaan oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga wax kasta oo dhibaato keeni karta. “Waxaa farayaa cid walba in nabadda la ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo, dowladdu waxay aaminsan tahay in wada hadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo, howshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanayo, waxaan…
Jaamacadaha oo fasaxay ardayda kaddib dagaalka ka billowday Muqdisho! Jaamacadaha Simad, Benaadir, Hormuud, Somalia, Horseed & Himilo ayaa shaaciyey in dagaalka kasocda Caasimadda Muqdisho awgi aysan suuragal ahayn sii socoshada Waxbarashada iyaga oo kala diray ardaydooda sidaas oo kalana waxa ay dib u dhigeen Imtixaanadii la qaadi lahaa. Dagaalka maanta oo Axad ah ka billowday degmooyinka Muqdisho Qaarkood ayaa horseeday saameyn xun oo taabatay hay’adaha Waxbarashada dalka
Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo howlgalo ka wada duleedka magaalad Boosaaso, ayaa gacanta kusoo dhigay qeyb ka mid ah Kaydka walxaha qarxa oo leeyihiin dhagar qabayaasha Alshabaab. Ciidamada oo ku guda jira howlgaladooda joogtada ah, waxay duleedka Boosaaso ka heleen God ay argagixisada alshabaab ku keydsatay walxaha qarxa, Ciidanka geesiyaasha ah waxay qarxiyeen miino aagaasi ku jirtay, kadibna waxay gacanta kusoo dhigeen tiro bamka gacanta laga tuuro ah iyo walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo. Laamaha amniga ayaa uga mahadcelinaya dadka deegaanka iyo shacabka Puntland sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada heeganka u taagan iyo ka shaqeynta amniga.
Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si adag u cambaareeyay weeraradii Ciidan ka amar qaata Farmaajo ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hoos ka Akhriso qoraalka Shariif Sheekh Axmed. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame. Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada…
Safaaradda Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dagaalada ka socda Muqdisho, waxaana ay ku baaqday in xaalada la dejiyo, wada hadalka nabadeed uu ku jiro danta ugu wanaagsan ee Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xasan Xundubey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in la weeraray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, isagoo arrintaas ku tilmaamay been abuur. Xasan Xundubey ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen, soona afjareen maleeshiyaad soo weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo xusay in dagaalo loo soo xawilayo Muqdisho uu yahay kuwo ay ka dambeeyaan dalal shisheeye.
Midowga Musharixiinta ayaa si adag u cambaareeyay weerarka Ciidanka ka amar qaata Farmaajo ay ku qaadeen Guryaha Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Midowga Musharixiinta ayaa uga digay Ciidanka AMISOM iyo Turkiga in aysan qeyb ka noqon colaada sokeeye, ee uu hurinayo Farmaajo.
Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame, oo haatan qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Ciidan ka amar qaata Farmaajo ay weerar kusoo qaadeen hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”
Ciidamada Dowladda ee ka amar qaata Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee DFS ayaa hada weeraray Guriga Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u dhaw Madaxtoyadii hore ee Abdiqaasin, oo aan saa uga fogeyn agaagarka Isgoyska KM-4. Ciidanka ilaalada Cabdiraxmaan Cabdushakuur oo ay hoggaaminayaan Generaal indhacade iyo Generaal Saadaq John, ayaa iska difaacay weerarkan, waxaana haatan socda dagaal culus. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa walaac ka muujiyay xaalada kacsan iyo dagaalada ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inay yihiin dhacdooyinka ka socda Muqdisho kuwa aan la aqbali karin. “Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. Danta guud waxay codsaneysaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hay’adaha ay leeyihiin dhammaan iyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ah lala xisaabtami doono.”
Madaxweynihii hore ee dalkan ahna hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed, oo dhawaan galay safar dalka dibeddiisa ah ayaa soo gaabiyay safarkiisa, isagoo maalinimada berrito ah dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho. Talaabadan uu Sheekh Shariif kusoo gaabiyay socdaalkiisa dibedda ayaa kusoo aadaysa xilli galabta ay Ciidan ka amar qaatay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ay weerar ku qaadeen guriga Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud.
Dagaalkii ka socda Mirinaayada ee magaalada Muqdisho ayaa istaagay, wallow marar qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, kaddib markii la jabiyay markii labaad Ciidan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka oo ah Ehelka Farmaajo, kuwaas oo weerar ku qaaday guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, Dad goobjoogayaal ah ayaana sheegay inay arkeen Beebe ah oo la gubay Iyo askarta ku dhax gubaneysa.
Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa canbaareeyay Weerarka la sheegay in lagu qaaday Guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre. Waxaa wax aad looga xumaado ah in markii labaad(2) hoygiisa lagu weeraro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday, ay weerar toos ah ku qaadeen hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho. Waa nasiibdaro aad u weyn in iyada oo bil Ramadaan lagu jiro, ay magaalada Muqdisho dhexdeeda isku dagaalayaan ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka…
Ciidanka Dowladda ee ka amar qaata Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bilaabay inay hoobiyayaal ku tuuraan guriga Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud, xilli dagaal culus uu ka socdo agagaarka Isgoyska Miiraanyada. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyayaasha qaar kamid ah ay ku dheceen xaafado dad shacab ah degan yihiin, lamana oga khasaaraha.
Musharax Madaxweynaha Abdirahman Abdishakur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in la difaaco Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh, isagoona uga digay AMISOM inay qeyb ka noqoto colaada uu hurinayo Farmaajo. “Waxaan shacabka Muqdisho ugu baaqayaa in ay difaacaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hoygiisa weerar ku yihiin ciidamo ka amarqaata Farmaajo. Waxaan AMISOMM uga digaynaa in aysan dagaalka qayb ka noqon dagaalka. Rasaasta uu taliyaha NISA Fahad Yaasiin ka qaaday AMISOM waa mid colaad lagu hurinayo”.
Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Ciidanka ka amar qaata Farmaajo ay weerar kusoo qaadeen gurigiisa. “Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo”.
Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha lagu muransan yahay ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar ku qaaday Ciidanka ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo degan agagaarka Mirinaayada. dagaal xooggan ayaa haatan ka socda aagaas, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Ciidamada Militariga ah ee diidan Muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo iyo Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo wato Beebayaal iyo hub culus ayaa ku dagaalamaya Isgoosyara Fagax iyo Sanca. Militariga waxay ku sugan yihiin Isgooska Fagax, halka Booliiskana ay ku sugan yihiin Isgooska Sanca, dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo is-aruursi ayaana hadda kasocda aaggaas.
Barakac ayaa ka bilowday Xaafadaha Sanca, Siisii iyo Fagax ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Qaxan ayaa yimid kaddib markii goor-dhaweyd uu bilowday dagaal goos goos ah oo u dhexeeya Ciidammo lagu magacaabo Duufaan, kuwaas oo ku beel ah Farmaajo iyo Ciidammo gadoodsan oo kasoo horjeeda Farmaajo, kuwaas oo la wareegay qeybo badan oo kamid ah Isgoysyada iyo xaafadaha Muqdisho.
Ciidanki Milateriga ee ka soo baxay furimaha dagaalka ayaa soo gaaray Isgoyska Sanca, xaalada deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa ah mid kacsan, dhaq dhaqaaqa gaadiidka ayaa ah mid istaagay. Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ee ka yimid furimaha dagaalka ayaa sheegay inay ka gadoodsan yihiin muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo.
Ciidanka Booliska Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay Rag iyo Dumar ka ganacsanaysa cunooyinka xaaraanta ah ee la kariyo bisha barakeysan ee Ramadaanta. Howlgalkan ayaa Ciidamaddu sameeyeen kaddib markii ay u soo gudbiyeen Shacabka magaalada Boosaaso goobo lagu karinayo cunnooyinka xaaraanta ah, kuwaas oo ku yaalla xaafado kamid ah magaalada, Ciidanka ayaana albaabadu u laabay goobihii cunada lagu karinayay, waxaana ay xabsiga u dhaadhiciyeen dadkii ka ganacsanayay. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa uga digay dadka ka ganacsada cunnooyinka xaaraanta ah bisha barakeysan ee Ramadaanta, waxaana uu…
Dallada Bulshada rayidka Jubbaland ee JUNSA ayaa soo dhawaysay war-murtiyeedkii golaha Ammaanka, kaas oo looga soo horjeedo muddo-kordhinta xubno kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhamaaday ay u sameeyeen Hay’adaha Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.