Author: Jibril Qoobey

Bannaan-bax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa ka socda Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho. Dadka bannaan-baxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay kamid yihiin “FARMAAJO DOONI MAYNO, KALIGII TALIYAHA DOONI MAYNO”, waxaana ay socod ku mareen qaar kamid waddooyinka soo gala Isgoyska.

Read More

Ciidamo Milateri ah oo ka gadoodsan muddo korarsiga Madaxweynaha lagu muransan yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qabsaday inta badan waqooyiga Muqdisho. Ciidankan ayaa la wareegay isgoyska Fagax waxaana halkaas isaga baxay ciidankii booliska ahaa ee halkaas joogay, sidoo kale degmada Kaaraan ayaa la sheegay in ciidankaan qabsadeen. Dhamaan goobaha ay qabsadeen ciidanka kama uusan dhicin dagaal waxaana goobaha qaar isaga baxay ciidankii joogay.

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa been abuur ku tilmaamay hadalkii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Farmaajo, kaas oo ahaa inay maraan tahay khasnadda Dowladda, loona baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed dhaqaale ku taageersan Dowladda muddo-xileedkeedu dhamaaday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay farsamo cusub oo Maamulka Farmaajo uu doonayo inuu Shacabka uga jeediyo boobka ku socda hantida Qaranka. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya oo taabacsan midowga musharixiinta ay gudaha u soo galeen magaalada muqdisho, isla markaana lawareegeen qeybo kamida magaalada muqdisho. Xaalad kacsanan ah ayaa ka jirta caasimada dalka iyadoo taliyaha ciidamadda xooga Odawaa Yuusuf Raage uu u tagay saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas, waxaana uu ka wareestay waxa keenay gadoodka iyo sababta ay usoo faarujiyeen furumihii ay cadawga Al-shabaab kaga difaacayeen shacabka Soomaaliyeed. Ciidamadan oo kasoo baxay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa hogaaminaya Saney Cabdulle Qoorgaab iyo Jeneral Koronto oo si weyn uga soo horjeeda…

Read More

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo dhoweysay dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021. Warsaxaafadeedka Jubaland kasoo baxay ayaana lagu yiri “Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo “

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa daaha ka qaaday in dhaqaale baahsan ay wajahayso Dowladda waqtigeedu uu dhamaaday ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay bishii August ee sanadkii tagay ee 2020, taas oo sababtay inay martaan khasnadihii Dowladda. “Lacagihii kabka ee dunida sannadkii hore ayaa nala ka joojiyey, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina dhammaade, hadda waxaan taagannahay sagxadda, waa in Soomaalidu iskutashato oo dalkan yeelato” ayuu yiri Wasiir Beyle

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtida maanta ah xasuuq u aqqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay Armenia. Aqoonsiga Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, wuxuuna ku soo beegmay Maalinta Xusuusta Xasuuqa Armenia ee laga xuso Armenia iyo qurba joogta Armenia. “Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa waji gabax kala kulmay muddo kordhin uu ka sameystay Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo in muddo ah aan shaqeynin. Go’aankii Baarlamanka iyo Madaxtooyada ee muddo kordhinta ayaa waxaa si adag uga horyimid: Upper House of Somalia ParliamentPLJLGalmudug Govt membersCPCCivil SocietySomali Business CommunityIC reps MogadishuUS governmentUK governmentEU PresidentSwedenUS Senate Foreign RelationsNorwayChief Commissioner of Banadir Regional PoliceGalmudug cabinet membersAfrican Union Mission in Somalia (AMISOM)CanadaDenmark European 19. Finland20.FranceGermanyIntergovernmental Authority on Development (IGAD)IrelandItalyNetherlandsSpainSwitzerlandUnited NationsNorth Hirshabelle (Beletweyn)African UnionBurea of African Affairs, USABeesha Hawiye ee Soomaaliyeed33.US Africom military34.UNSC35.KENYA36.DJIBOUTI37.Ghana38.Nigeria Waxaa taageeray: Madaxweynihii muddo xileedku ka dhamaaday…

Read More

Wafti ka kooban golayaasha Baarlamaanka iyo xukumadda oo ay wehelitaan saraakiil ka socotay madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyey degmada Bareeda ee gobolka Galdafuu . Waftiga golayaasha waxaa weheliyey maamulka gobolkaas iyo taliska qaybta Booliska taas oo kormeerka ku weheliyey . Waftiga waxaa duleedka Magaalada ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha degmada Bareeda Waxgarad ,nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Ujeedaka waftigaan ayaa ka qayb ah ukuurgalidda xaaladda gobolka iyo oganshaha hananka shaqo si loo dar dargaliyo adeegyada shacabka la siiyo .

Read More

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta DFS Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ugaga hadlay baaqii ka soo baxay golaha ammanka iyo midowga Afrika. Wasiir Dubbe ayaa xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaa oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya. Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso balse ay soo dhoweeyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya. “Majiro urur cambaareyn karo dal madax banaan,waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka .”ayuu yiri wasiirka warfaafinta.…

Read More

Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku saabsaneud xaalada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu sheegay In Midowga Yurub uu taageersan yahay diidmada muddo kordhin kasta, isagoo xusay in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020. Midowga Yurub ayaa wuxuu kaloo soo dhoweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo…

Read More

Somalia’s embattled president has hired a US lobby shop to help build inroads with Congress amid growing criticism from the Joe Biden administration over stalled elections in the East African country. The Embassy of Somalia retained New Jersey-based lobbying firm LFA Holdings last month to help organize a US visit for President Mohamed Abdullahi Mohamed, according to a new filing with the US Department of Justice. The filing states that LFA is expected to help set up meetings with members of Congress and think tanks, but makes no mention of the executive branch. “LFA’s work scope includes but is not necessarily limited to show support for a US…

Read More

Dowladda Puntland ayaa Ciidammo cusub geynaysa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, si ay qeyb uga noqdaan xoojinta Amniga magaalada. Ciidanka ayaa ku biiri doono howlgalada ka socda gudaha magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ah iyo ka ganacsiga maandooriyaha. Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), ayaa sheegay inay Ciidanka Amniga Puntland ay guulo la taaban karo ka gaareen la-dagaalanka Argagixisada, ayna qabteen Shabakado badan oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaas oo dilal, qaraxyo iyo weeraro ka geystay magaalada Gaalkacyo tan iyo horaantii 2008-dii. Guddoomiye Sanyare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Ciidammo cusub ay Dowladda Puntland…

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta oo Sabti ah 24-ka April 2021 bilawday dhageysiga kiiska Dilka loo geystay Guddoomiyihii hore ee Degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo ka dhacay Degmada Howlwadaag 21-kii Janaayo 2021. Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey oo feelka baarista Kiiskaan kala wareegay Guddigii Xukuumadda Xil-gaarsiinta u magacawday baarista dilka Marxuumka 10-kii April 2021 ayaa sheegay in dilka Guddoomiye Dhegajuun uu ahaa mid wadajir ah ay u geysteen dhammaan dadka ku eedeysan marka laga reebo qof hagayay. “Hal qof in ka badan dambi ay wadajir u galeen waaye, nimba kaalin haku lahaadee…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa dhaqaalo fara-badan ku bixinaya si uu u tago dalka Mareykanka, kulana ula yeesho xubno kamid ah Aqalka Congress-ka ee Mareykanka. Farmaajo ayaa Lacag dhan $150,000 oo dollar kaga iibsaday shirkad loobiga samaysa oo Maraykan ah oo lagu magacaabo ‘LFA Holdings’ inay kala shaqayso sidii uu Maraykanka ku booqan lahaa, kulana kulmi lahaa Congress-ka Maraykanka. Ujeedada uu kulanka uu ka lee yahay Farmaajo ayaa lagu sheegay si looga badbaadiyo cunaqabatayn, kusoo wajahan xubno uu kamid yahay, ayna qeyb ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo ku eedeysan qalalaase inay…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa Ergay gaar ah u soo magacowday dalalka Geeska Africa, kaas oo lagu magacaabo Jeffrey Feltman. Jeffrey Feltman ayaa si gaara loogu xil saaray xiisadda Biyaha Neylka, gobolka Tigray, Itoobiya, Suudaan iyo arrimaha kale ee ka jira Geeska oo Soomaaliduna kamid tahay. Danjie Feltman oo ah dublamaasi sare oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa soo noqday Safiirkii Mareykanka ee Lubnaan iyo Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Bariga dhexe, waxaana lagu tilmaamaa inuu aqoon fiican u lee yahay arrimaha geeska Africa.

Read More

Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan gaarka ah ku leh xerada Xalane si ay uga arrinsadaan Xaaladda Cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, diidmada joogtada ah ee muddo dheereysiga Golaha Shacabka BFS & ka go’aan gaarista qorshaha xiga. Kulanka oo si gaar ah ugu dhexeeya Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa, Mareykanka, UK, Germany, Norway, Sweden, Filand, iyo dalal kale, ayaa lagu gorfeynayaa talaabada xigta ee Beesha Caalamku qaadayso, kaddib diidmadii Ururada iyo dalalka ay matalaan ee muddo kororsiga Farmaajo, si looga hortago colaad sokeeye oo Soomaaliya dib uga qaraxda. Xubnahaan ayaa maskaxda ku haya Shirkii Natiijo la’aanta…

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka hadlay Munasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka falceliyay fariin Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Soomaalida. Cabdifitaax ayaa Sumcad dil ku tilmaamay go’aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqli doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin Dowlado uusan sheegin. “AU-da waxa ay soosaartay  in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu…

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa ay Billowday Fadhiga Maxkamadaynta Rag loo haysto Dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun. Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha sare ee Maxkamadda Ciidamada, Ragg loo heysto dilka, Ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qyeb galaya fadhiga Maanta ee Maxkamadda. Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun ayaa 21-kii Bishii Janaayo ee Sakandan 2021 waxaa uu u geeriyooday rasaas ay Ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen Gaari uu saarnaa oo marayay isgoyska…

Read More

Kooxo Burcad Koonfur Afrrikan ah ayaa waxaa ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi (Big show) ayaa wxaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha Ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika Mid kamid ah Soomalida ku nool anka Khayelitsha Ee Magaalada Cape Town ayaa sheegay in dilka kadib ay goobta tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka. Degaanka Khayelitsha ayaa ah deegan isku raranka ah oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin Ajaanibta…

Read More

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, ayaa ka digay qorshe uu wato Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kaas oo halis u ah Amniga Qaranka, gaar ahaan kan Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA. DIGNIIN KUSOTA BULSHA WEYNTA SOOMAALIYED. GAROONKA ADAN CADAN. Ugu horentii aad iyo aad uga xumay muqaalada hoose iyo wixii garoonka ka dhacay maanta iyo shalay. Cawaaqib xumo aad u weyn baana lasoo socota garoonka diyaaradaha Adan Cade, hadaan laga hor tegin. Muda hada laga joogo ku dhowaad hal sanad ayaa waxa Fahad ka bedelay garoonka dhamaan dadkii…

Read More

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeymo markii labaad uu shalay u jeediyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti Ilyaas Dawaale, oo qoraal kooban soo ayaa dhigay bartiisa Twitter-ka sheegay inay aad uga xumaadeen in Wasiir ka tirsan Soomaaliya uu markii labaad eedaymo u jeediyo Jabbuuti, waxaana eedaha DFS uu tilmaamay “Been”. Idilnews

Read More

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo. Qoraal kasoo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdeg ah ka gaaraan doorashada. “Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayaa lagu…

Read More

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend, oo su’aalo ay weydiiyeen aqalka sare ee dalkaas ayaa sheegay in xilligaan uu madaxweynaha DFS ee muuda xileedkiisu dhamaaday uu ka Qatar badanyahay kooxda Shabaab. “Walaaca ugu weyn ee xilligaan naga heysta ma aha Al-Shabab, ee waa is-mari waaga siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo dowlad gobaleedyada … Waqti kordhinta loo sameeyay xafiiska madaxweynaha, ayaan filayaa iney tahay caqabadda ugu weyn ee xilligaan,” ayuu dhahay Townsend oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay Senator Jack Reed.

Read More

Golaha amaanka ee Midowga Afrika oo ka hor yimid mudo kororsigii sharcidarada ahaa,isla markaana amray in heshiiskii 17-Sep lagu laabto. Goluhu waxuu kaloo isla qaatay in ergay cusub loo magacaabo dhexdhexaadinta ismariwaaga doorashada Somaliya,kaasoo noqon doona Madaxweynihii hore ee Siraliyoon. Dooda Golaha waxaa looga adkaaday Itoobiya oo difaacaysay mudo kororsiga Farmaajo. Sidoo kale Ergay Itoobiyaan ah oo Farmaajo ku faraxsanaa,ayaa daaqada laga tuuray,kaasoo ahaa RW-hore Itoobiya Hayle Maryum iyo mid Eretereyaan ah. Dhan walba Farmaajo iyo xulafadiisa Itoobiya waa looga dheereeyay doodii fadhiga ee Golaha. Warmurtiyeedka rasmiga ah,waxuu soo bixi doona beri oo 23-bisha ah. Halkan ka akhriso English-ahaan” Update…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd. Sidoo kale, Wasiirka Amniga Xukuumadda Rooble ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan dadka ay ku cadaato inay qeyb ka qaateen shaqaaqadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho. “Aanaga oo fulineyna amarka madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha waxaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Read More

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka sameeyay xalay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub, Rasaas iyo Ragii watay, sida uu shaaciyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari. Howlgalkan oo ka dhacay xaafado kamid ah magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Booliska, PMPF, Sirdoonka. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu hayo Raga lasoo qabtay. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka magaalada Boosaaso uga mahad-celiyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha Amniga, waxaana uu sheegay in Ciidammada ka go’an tahay ka hortaga dhibaatooyinka ay shacabka u…

Read More

Madasha Badbaado Qaran ee Sooomaaliya ayaa warqad qoraal ah ay u direen Madaxa Shir Gudoonka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Ethiopia Ambasadoor Maxamed Idris Farah kaa oo ay cabasho kaga yihiin waqti kordhinta loo sameeyay Hay’adaha Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Qoraalka Madasha Badbaado Qaran ay u dirtay Ambasador Maxamed Idris Farah ayay ku sheegtay in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay ka hor yimaadaan waqti kordhinta Golaha Shacabka Barlamaanka waqtigiisu dhamaaday ay u sameeyeen Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna talaabo ka qaadan kuwii falkaasi ku kacay. Ugu dambeyntii, Madasha Badbaado Qaran ayaa…

Read More

Shaqaaqo u dhaxeysay Nabadusgida dharcada iyo shaqaalaha Waaxda Socdaalka ayaa saaka ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha, gaar ahaan qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga, gacan ka hadal ka dhashay muran labada dhinac soo kala dhex galay ayaa sababay inuu burbur soo gaaro muraayadihii miiska Immigration-ka iyo qalabkii yaallay qeybta hubinta ee dal ku galka iyo gelitaanka loogu dhifto dadka soo dega. Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay…

Read More

Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Vitnam ahna Gudodomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Amb, Dang Dinhi Quy ayaa ku baaqay in hoggamiyeyaasha Soomaalida dib ugu labtaan wada-hadallada heshiiskii doorashada ee 17-kii September. Waxaa uu sheegay in Danjire Dang Dinhi Quy oo guddoomiyey Kulankii Golaha Ammaanka ee QM in caqabada weyn ee Soomaaliya heysata ay tahay in aan wax horumar ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay hoggamiyeyaasha Soomalida inay ka fogaadaan ficilda keeni kara inay sii kala fogaadaan, isaga oo sidoo kale ka dalbaday inay dhinac iska dhigan khilafka kuna laabtaan…

Read More

Gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho gaar ahan qaybta Internationalka, waxaa gacan ka hadal ku dhexmaray ciidamo ka tirsan NISA iyo Howlwadeenada hay’adda socdaalka Jinsiyada iyada oo taliyaha hay’ada socdaalka uu halkaasi u tagay xalinta khilaafka. Sawirro laga soo qaaday guddaha Garoonka ayaa Muujiyay burbur ka dhashay gacan ka hadalka dhinacyada dhexmaray.

Read More

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya. Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika. Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya,…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag.  Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah.  1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya. 2-  In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay. Kulankii Golaha…

Read More

Dowladda Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka soo saartay xaalada doorashada dalka Soomaaliya, iyadoo ka hortimid muddo-kordhinta uu Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday u sameeyay Hay’adaha DFS ee uu hoggaamiyo Farmaajo. War Saxaafadeed ka kooban 7 qodob ayay Puntland ku baaqday in miiska wadahadalka doorashada ee heshiiskii 17-kii September 2020 dib loogu soo laabto. Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa ku goodisay in ay tallaabo kale qaadi doonto, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynihii Puntland, haddii lagu soo laaban waayo wada-hadalka.

Read More

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa berri shir ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo Midowga Afrika uu qaadan doono door hoggaamineed oo ku saabsan xal u helida xaalada cakiran ee siyaasadeed. Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu soo magacaabo Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed, waxaana laga yaabaa in Madaxweyne hore oo Afrikaan ah la soo magacaabo.

Read More

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida iyo dambiyadda culus ee Puntland ayaa sii deysay 13 eedeysane oo loo heystay inay xiriir la lee yihiin Ururka Argagixisada Al-Shabaab, kaddib markii lagu waayay wax dambi ah Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday 8 kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal loogu geystay Gaalkacyo dad badan oo ahaa Haldoorka Gobalka Mudug. Maxkamadda Ciidanka ayaa maalmaha soo socda sii wadi doonta dhageysiga gal-dacwadeedka xubno loo heysto dilal, Qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Amniga Dowladda Puntland. Idil…

Read More

Ciidanka Booliska Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Ciidanka ayaana baaris ku sameynaya gaadiidka maraya magaalada si looga hortago falal Amni-darro oo ka dhaca Boosaaso inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanta. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo kormeeray Ciidanka howlgalka wada ayaa kula afuray bartamaha Magaalada Boosaaso, waxaana uu ku booriyay inay adkeeyaan Amniga si Shacabka looga ilaaliyo dhagarta Argagixisada.

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeye Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 8 kamida inka badan 50qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab. Gudoomiyaha ayaa yiri “ Waxaan soodhawaynayaa Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 8 kamida Argixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay, waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin. Xukunkan waxuu fariin adag udiraya…

Read More

5 Ruux ayaa ku geeryootay Tiro hoobiyayaal ah oo maanta lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho. Hoobiyayaasha ayaa qaar kamid ah ku dheceen guryo ku dhow Madaxtooyada iyo xero ay kunool yihiin dad barakacayaal ah. Mana jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo kasoo baxay laamaha Ammaanka DFS. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay sheegeen inay la beegsadeen Madaxtooyada Villa Soomaaliya, wallow ay ku habsadeen guryo dad shacab ah degan yihiin.

Read More

Guddiga wacyigelinta xanuunka COVID-19 ee Dowladda Puntland ayaa maanta kulan is xog-waraysi ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Caasimadda Garoowe. Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ka soo jeedisey xaaladda caabuqqa COVID-19 ee Gobolada Puntland, sidoo xubnaha guddiga ayaa is xog-waraysi ka yeeshay saamaynta xanuunkaan iyo sida loo dardargelin karo xakamayntiisa. Iyadoo laga duulayo qorshaha Dawladda ee helidda Warshadaha naqas-ka sameeya wasaaradda Caafimaadka ayaa ku warbixisay in dhawaan magaalooyinka waa weyn ee Puntland la keeni doono Warshadaha dhaliya naqaska ( oxygen). Guddiga wuxuu dhamaan bulshada Puntland ugu baaqayaa. -In dhamaan dadka Puntland ku noolaan ay qaataan amarka Dawladda iyo talooyinka…

Read More

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ee Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa xukun dil ah ku riday 8 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dil ka geystay Magaalada Gaalkacyo. Maxkamadda oo maanta u fariisatay Labo gal-dacwadeed ayaa xukunka kowaad ku riday Rag shan ah, kuwaas oo ah Shabakadii 1-aad ee Al-Shabaab uga howlgasha magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena dilay dad fara badan oo ahaa haldoorka Gaalkacyo, waxaana magacyadoodu kala yihiin; Feysal GujisSahal CabulaahiIidiris Maxamed AfyareSalmaan Maxamed SaleebanJaamac Muruudi Xuseen. Sidoo kale, Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa xukunka dilka ah ee labaad ku riday Saddex dambiile,…

Read More

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland ee Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa Magaalada Gaalkacyo ka bilowday Maxkamadeynta ku dhawaad 70 xubnood katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilal, Qaraxyo iyo weeraro Al-Shabaab ay ka geysatay 13 sanno ee lasoo dhaafay Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland. Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa shalay lasoo taagay 5 kamid ah eedeysanayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo Gaalkacyo ku dilay dad ka badan 20 Ruux oo ahaa Haldoorka Gobalka Mudug, kuwaas oo dilalkoodu soo bilowdeen sanadkii 2008, Maxkamadda ayaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqdo…

Read More

Duqeyn ka dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu khaarajiyay Saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacadda Afka Ciidanka Dowladda ee (SNA Radio). Duqeyntan oo ka dhacday tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka Janaale, ayaa  Saraakiisha Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada Hanti-wadaag ee gobolkaas, Macalin yuusuf oo ahaa horjoogihii Amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo horjooge kale oo aan magaciisa la sheegin. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in sidoo kale duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones ee Ciidammada Mareykanka lagu dilay illaa 5 kamid ah Maleeshiyaadka…

Read More

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyada, kaddib shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay qolaha Ammaanka, maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qodobadii shirkaas looga hadlay iyo waxyaabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya. “Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September” ayaa lagu yiri…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa xalay u guuray waqooyiga Muqdisho, iyadoo  qorshahan uu qeyb ka yahay tallaabooyin Musharaxiinta kula wareegayaan xaafadaha Muqdisho. Sheekh Shariif iyo Ciidammo uu wato ayaa degay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis oo aan sidaa uga fogeyn halkii uu dhowr cisho ka hor uu degay Madaxweyne Xasan Sheekh. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe Musharaxiinta Madaxweynaha ku dagayaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo ka guuraya goobihii ay degenaayeen ee nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Read More

Dawladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin. Qatar ayaa qoraal ay u dirtay VOA ku sheegtay inaysan jirin lacag madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan. Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goordhow shir albaabada u xiran oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya yeelanaya, iyadoo warbixin looga dhageysanayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo maalmo ka hor gaaray New York. Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu war murtiyeed soo saaro iyo go’aan ku aadan muddo kordhinta labada sano oo horay dalal dhowr ah oo Mareykanka, UK iyo wadamada Midowga Yurub ka horyimaadeen.

Read More

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ka degay Magaalada Kinshasa ee Caasimadda DR Congo, saacado uun kaddib markii uu isaga soo laabtay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa Isniintii baahisay in Uhuru Kenyatta uu diiday inuu Kinshaasa kula kulmo Farmaajo, si xal looga gaaro muran Badda Kenya ku heysato dalkeenna, maadama uusan aheyn Madaxweyne sharci ah. Idil Television

Read More

Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka hadlayay Shirweynaha Beelaha Hawiye ayaa yiri “Farmaajo waxaan lee yahay waxaad haystaa fursaddii ugu dambeysay dadkaan maalin dambe isku imaan maayaan balse waxay isugu imaanayaan sidee isaga kaa qaban lahaayeen”. C/rixmaan C/shakuur ayaa intaas ku daray”Anaga (Hawiye) iyo Farmaajo waxaan ku kala baxeeynaa DAGAAL oo kaliya”. Idil Television

Read More