Author: Jibril Qoobey

Shirweynaha Beelaha Hawiye ee ay ku diidan tahay moddo kororsiga labada sano ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday ayaa goordhoweyd ka bilowday Hotelka Jazeera. Shirkan oo afur ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta, Xildhibaannada, senatarada, odayaasha dhaqanka iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka.

Read More

Madaxweynayaasha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Hirshabelle Ali Guudlawe Hussein, ayaa la sheegay inay ka qeybgalaan Shirweynaha Beelaha Hawiye oo caawa lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho. Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa la filayay in Shirweynaha ay ka cadeeyaan mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta Farmaajo, balse waxaa la sheegay inay haatan diideen ka qeybgalka Shirweynaha.

Read More

Warbaahinta ku hadashay Afka Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa laga saaray qoraalo ay ka sameeyeen dilka Madaxweynihii dalka Chad xukumayay mudada dheer Idriss Deby. Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii dad badan oo ka rayi dhiibtay warkaas ay uga digeen Farmaajo inuu xukunka isku sii dhaafiyo, iyagoo sheegay hadii ay dhacdo taas inuu mari doono Wadada uu maray Madaxweynaha Chad iyo hoggaamiyayaal badan oo Kali-talis ahaa. Idil Television

Read More

Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray jiida hore ee dagaalka isagoo dagaal kula jiray jabhada Front for change and Concord for Chad ee kasoo dagaalanta xuduuda Chad Iyo Libya. Idriss Deby wuxuu Chad soo xukumaayay laga soo bilaabo 1990, Waxuu ahaa nin dagaalada waaween ciidanka kala qeyb qaata isagoo hogaaminaya dagaalka. dalkiisa wuxuu ka midyahay dalalka afrika ee kalitaliska xukumayay waana dal uu la dagay Farqi Iyo musuq maasuq. Isniinti shalay aheyd ayuu marki lixaad ku shubtay doorashada dalkiisa ee la qabtay 11 April 2021 wuxuuna ku guuleestay sida la shaaciyay 79.3% codadki la dhiibtay,…

Read More

Qabanqaabada “shirweynaha beelweynta Hawiye” ayaa ka soconeysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa la filayaa in ay qeyb ka yihiin dhinacyadda ka hadli doona kulankan hal-ku-dhigiisu yahay “maya muddo kororsi”. Kulankan wuxuu kusoo aadayaa xilli waddanka wajahayo kala qeybsanaan siyaasadeed iyo is-mari-waa ka taagan doorashooyinka 2020-21.

Read More

Ciidamada wadanka Chad ayaa sheegay in Madaxweyne Idriss Deby uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaal ka socda jiida hore. Ciidamada Chad ayaa la dagaalamaya xoogaga kacdoonka ee weerarka ku qaaday caasimada N’Djamena. General Mahamat Kaka, oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyaha Chad ee dhintay, ayaa loo magacaabay madaxwayne kumeel gaar ah sida uu sheegay afhayeenka ciidanka. Warkan ayaa soo baxay maalin kadib markii Deby, oo xukunka ku qabsaday kacdoon 1990, uu ku guuleystay markii lixaad, sida ku cad natiijooyinka doorashada ku meelgaarka ah ee la sii daayay Isniinta. Deby wuxuu helay boqolkiiba 79.3 codadkii la dhiibtay doorashadii madaxweynaha…

Read More

Madasha Badbaado Qaran oo Golaha Ammaanka Qaramada ee Midoobay ka dalbatey in ay waxba kama jiraan ka soo qaadaan muddo kororsiga sharci darada ah ee uu sameystay taliska Farmaajo una aqoonsadaan “talaabo baalmarsan dastuurka” Madashu waxay qoraalkeeda ku xustay in Muddo kudarsigu halis ku yahay guulaha laga gaarey nabada iyo xasiloonida, kuna celineyso qaranka “tafaraaruq siyaasadeed & isku dhac hubeysan”.

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowlada Puntland ayaa dawlada hoose ee degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku wareejisay 5,000 oo geed. Geedahan ayaa lagu cagaarinayaa laamiyada, goobaha dadweynaha iyo xarumo kale oo kuyaala caasimada, taas oo qayb ka ah ololaha asbuuca dhiraynta ee Puntland.

Read More

Guddoomiye ku-xigeebkii Siyaasadda ee degmada Dayniile ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay Xaafada Daarasalaam ee Muqdisho. Xaafada Daarusalaam ayaa kamid noqotay goobaha ugu badan oo ay ka dhacaan qaraxyada miinooyinka ah gudaha Muqdisho

Read More

W/Q: Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Faarax Siciid (Juxa). TURKEY iyo QATAR maxaa u talo ah Farmajo kadib? Turkey waa dal Soomaalidu abaal weyn u hayso oo u yimi xilli xaalku adag yahay, wax badanna la qabtay. Waxaa dalka kusoo dhoweeyey Madaxweyne Sheikh Sherif iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo labaduba hadda Madaxweynenimo u tartamaya. Iyagaa ku wareejey Dekedda iyo Airpor-ka Mugadishu oo ay gacanta ku hayaan. Maanta TURKEY waa dalka keli ah oo muhiimka u ah arrimaha Soomaaliya oo ka aamusay baaqii Beesha Caalamka ee kudarsiga sharci-darro lagu diiday, taas oo u muuqatay is-garabtaag qaawan ee…

Read More

Hal Ruux ayaa ugu geeryooday cudurka COVID-19 magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, kaddib markii ay ka goday Oxygen-tu, sida laga soo xigtay dhakhaatiirta Magaalada. Waraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dad kale oo aad u liitay iyana loo qaaday Isbitaalka Magaalada Garoowe, kadib markii Isbitaalka Magaalada Qardho uu ka dhamaaday Oxygen, isla markaana cudurka uu weli kajiro magaaladaas. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo ka hortaga cudurka COVID-19 oo faro ba’an ku haya deegaanada Puntland.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa goor-dhaweyd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu waji gabax kala kulmay Safarkiisii DR Congo. Farmaajo oo socdaalkiisu qorsheysnaa inuu labo maalmood ku joogo Kinshaasa ayaa doonayay in Midowga Africa oo Wakiil ka ah Mareykanka, UK, EU iyo Qaramada Midoobay uu ka gado in la dhiso nidaam cusub oo doorasho, oo bedelaya kii 17-kii September, maadama uu fashilmay qorshihiisa muddo kordhinta loo sameeyay. Balse Farmaajo ayaa taas wax ka badalan kala soo kulmay Madaxweynaha Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, kaas oo si cad ugu sheegay in aysan soconay qorshayaashiis,…

Read More

Madaxweynaha Xilku ka dhamaday Farmajo ayaa muddo dhowr casho ah isku dayeyey inuu la kulmo Ismaaciil Omar Geelle,si uu uga helo taageero shirka AU ee ka socday Waddanka Congo. Madaxweyne Ismaaciil,ayaa diiday kulankaas oo yiri waxaan ahay oday Somaliyed, waxaan ahay ninkii idin heshiisiin lahaa. Sidaas awgeed, madaama aad Doorashada ku qaban weyday wakhtigeeda kulan kulama qaadan karo.Dhinaca kale, Farmaajo,ayaa ka codsaday Madaxweynaha Congo in uu dhex dhexaadiyo Somaliya iyo Kenya. Mar kale,ayaa waxaa diiday Madaxweynaha Kenya oo yiri madaama Farmajo uusan lahayn mandate siyaasadeed lama fariisan karo.Sidoo kale, EU iyo UK,ayaa u sheegay ururka AU in aan Farmaajo iyo…

Read More

Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada. Danjire Stephen Schwartz oo wareysi siinayay VOA ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad adag, isagoona ku eedeeyay Farmaajo inuu Soomaaliya galiyay xaalad hubaanti la,aan ah, waxaana uu ku baaqay in dalka la badbaadiyo. Stephen Schwartz ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qoraalada DFS uga jawaabto fariimaha Beesha Caalamka, iyadoo Soomaalidu ogtahay inay ku tiirsan yihiin dhaqaale ahaan, Milateri ahaan Beesha Caalamka.

Read More

Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug ayaa maanta lagu qabtay munaasabad roob doon ah, taas oo ay ka qeyb-galeen Maamulka Degmada, Isimo, Culimo, Nabaddoono, Waxgarad, Arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Dadka Roob doonayay ayaa Salaad alle bari ah ku tukuday banaanka magaalada Bursaalax, waxaana halkaas khudbado duco ah ka akhriyay Isimada iyo Culimada.

Read More

Shirkadda Korontada NECSOM, ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay qiima dhimis u ku samaysay adeegga Korontada caasimadda Garoowe. Shirkaddu waxay sheegtay, in ay sannadihii la soo dhaafay qiima dhimis kala duwan ku samaysay adeegga korontada magaalada Garoowe, iyadoo hadba eegaysa duruufaha macaamiish isticmaala adeega shirkadda. Qiima dhimista cusub ayaa u dhiganta $0.59/KW, halka markii hore ay ahayd $0.79/KW, waxaana go’aankan lagu tilmaamay mid shirkaddu ku daryeelayso macaamiisheeda.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD

Read More

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in lacagtii shalay Booliska sheegeen inay gacanta ku dhigeen ay laheyd gabar ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin C/qaadir Isaaq. Ehelada gabadha oo ila soo xiriiray ayaa sheegay in gabadha ay Kenya uga Ganacsato dahab, waxaana gabadha saaka soo gaartay Muqdisho, iyadoo hadda ku sugan Saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha, booliska ayaa gabadha su’aalo weydiinaya warbixin ka qoraya. Gabadha ayaa sheeganeysa in lacagteda ay dhameyd illaa Hal Milyan oo dollar, halka lacagta shalay booliska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 illaa 300,000, inkastoo aanu Boolisku sheegin…

Read More

Cutub ka kooban 144 sarkaal oo boolis ah oo ka socda dalka Nigeria ayaa yimid Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) muddo hal sano ah, muddadaas oo ay la-talin iyo taageero hawlgalba siin doonaan ciidanka booliska Soomaaliyeed . Saraakiishan booliska ka tirsan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho iyagoo ka soo duulay caasimada dalka Nigeria ee Abuja waxaa baaritaan caafimaad ay ku sameeyeen saraakiisha wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya , kaas oo ku saabsan Cudurka COVID-19, ka hor inta aysan warbixin siinin saraakiisha booliska AMISOM. Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel…

Read More

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo lagu faah-faahiyay Safarka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu labo cishe socdaal ku qaadanayaa Magaalada Kinshasa ee Caasimadda Koongada Dimuqraadiga. Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaaa sheegtay in Waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamamaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweyne Felix Tshisekedi ay kamid yihiin: Amniga, Siyaasadda, Iskaashi diblumaasiyadeed, ciribtirka fakhriga & waxa loogu yeero Xagjirnimada. Soomaaliya & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxa ay wadaag ka yihiin: Dagaalka, Ciidanka shisheeye ee Nabad ilaalinta, Muwaadiniinta ka barakacday Colaadda & Muranka Doorashooyinka oo sal u ah khilaafka siyaasadeed. Congo cagaheeda kuma taagna oo waxaa garab siiya Ciidanka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi ayaa difaacay heshiiska iskaashiga Amni iyo la-dagaalanka Argagixisada ee dhexmaray Puntland iyo Galmudug, kaas oo dhigaya in Ciidanka Puntland ay ka qeyb qaataan la dagalanka Al-Shabaab iyo xoreynta dhulka ay ka heystaan Galmudug. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Fiqi uu soo dhigay bartiisa Facebook. Heshiiska Galmudug iyo Puntlamd ee dhanka amniga kuwa aan taariikhdiisa la socon, waxaan xusuusinayaa in heshiiskaasi uu ahaa 24 December 2020 magaalada Gaalkacyo, uuna dhexmaray laba wafdi oo labada Madaxweyne ay kala hogaaminayeen. Argagixisada Alshabaab ee Galmudug amnigeeda halista ku ah waa in aan dhamaanteen u wada midownaa sidii…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waji gabax kala kulmay Saraakiisha Beeshiisa Habargidir oo habeen kahor kulan uu kula yeeshay xafiiskiisa, kaddib markii ay ku gacan seyreen dalab uu u soo jeediyay oo ahaa inay kursiga ku difaacaan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Idilnews in Rooble uu u sheegay Saraakiisha ku beesha ah in Habargidir aysan muddo helin mansabka uu ku fadhiyo loona baahan yahay inay ku difaacaan kursiga, maadama hadii Farmaajo meesha uu ka baxo ay waynayaan kursiga. Saraakiisha Rooble la kulantay oo ah kuwo Ciidammo ku heysta gudaha Muqdisho iyo Gobalka Shabeellaha Hoose…

Read More

Iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, kaddib muddo-kororsigii sharci-darada ahaa ee Farmaajo, ayaa waxaa soo baxaya xogo sheegaya in degmooyin katirsan Muqdisho ay ka baxeen gacanta Ciidanka Dowladda Farmaajo. Degmooyinka ayaa waxaa la wareegay Ciidammo kala taabacsan xubnaha midowga Musharixiinta iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir Gen. Saadaq John, waxaana sidoo kale aan degmooyinkaas gali karin Ciidammada ka amar qaata Dowladda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo. Waa kuwee degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ee ka baxay gacanta Ciidanka Farmaajo ? Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ayaa waxaa inta bada ku sugan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud…

Read More

Maalmo ka hor Teendhaduu tagay laba lakala dooran siiyay. 1.In uu iscasilo 2.In uu Teendhada kusoo laabto. Hadii kale waxaa loo xaqiijiyay talaabooyinka miiska saaran,waxuu codsaday hal fursad oo kula kulmo Musharaxiinta oo uu sheegtay in ay ubalansan yihiin. Kadib markii kulankii Musharaxiintu fashilmay waxaa loo diray fariimo toos ah oo qalafsan. Waxaa ku xigtay ku qabsashadii Garoonka ee mudada qaadatay iyo usii kaxayntii Saldhiga Jabuti.Ugu danbayn Congo,ayaa la filayaa in ay noqoto Kambala-2. Sida loola dhaqmay maalmihii udanbeeyay xataa maqaamka Madaxweyne Somaliyed ayay ilhaamo ku tahay balse isagaa sababay. Jibril Qoobey.

Read More

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya siday ula wareegeen degmada Bacaadweyne ee Gobalka Mudug, ee deegaanada Galmudug, oo maalmo kahor ay baneeyeen Ciidanka Dowladda. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada sida saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya, Galmudug iyo xarumaha maamulka degmadda Bacaadweyne. Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobalka Mudug ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo khasaara badan dhaliyay, oo dhexmrayay Ciidanka Dowladda oo garab ka helay dadka Shacabka ah iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo, halkaas oo uu ku sugnaan doono labada maalmood ee soo socota. Ujeedada safarka Farmaajo ayaa la xariira wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka karoonaha ee laga helay Soomaaliya. Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,906 o Laga Helay: 242 o Somaliland: 111 o Puntland: 75 o Koonfurgalbeed: 16 o Hirshabelle: 12 o Galmudug: 11 o Jubbaland: 10 o Banadir: 7 o Lab: 127 o Dhedig: 115 o Dhimasho: 14 (Somliland:10, Galmudug:2 Banadir:2) o Bogsashada: 67 Tirada Guud ee Laga Helay: 13,079 Bogsashada Guud: 5,411 Dhimashada Guud: 668

Read More

Taliyihii hore ee NISA Jen Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis, Tuuryare waxaa uu tilmaamay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmada ka shaqeyn jiray, oo ay yihiin Ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay xalay, kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan. Tuuryare ayaa sheegay in rasaastaasi ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoo xusay in isku day dil uu ahaa falkaasi isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha lagana jawaabi doono haddii aan laga jawaabin sababta keentay gaarigiisa oo la yaqaano in la rasaaseeyo.

Read More

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, wararka ayaa sheegaya in dal kalena uu tagi doono, kaddib safarkiisa DR Congo. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarkiisa uu la xiriiro wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC. Diyaaradda Farmaajo caawa ka qaadayMuqdisho ayaa laga soo diray dalka Congo, taasoo aheyd mid Madaxweynaha…

Read More

Bannaan-bax looga soo hor-jeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ka soconaya xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho, sida Xaafadda Shiirkoole. Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay kamid yihiin “Kali-taliye dooni mayno, hoggaamiye kooxeed dooni mayno iyo Farmaajo dooni mayno”. Idil Television

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo maanta ku geeryooday Dalka France. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Prof. Gaandi uu ahaa tiir muhiim ah oo ka baxay Dadka Soomaaliyeed, oo kaalin ku lahaa Tacliinta dalka, sidoo kalena wax badan ka ogaa sooyaalka Soomaaliya. “AHUN Prof Gaandi waxaan u lahaa aqoon fiican, waan isla soo kornay marna waxaan ka wada tirsanayn Baarlamaanka DFS, wuxuu kaalin muhim ah kulaha tacliinta dalka isagoo ahaa shakhsi waxbadan ka og sooyaalka iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed.” “Marxuumku door muhim ah ayuu ka geystay dhismaha Dowladdnimada…

Read More

Qarax weyn ayaa maanta ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana ku dhintay Labo Ruux, sida ay xaqiijiyeen Booliska Itoobiya. Qaraxan oo ka dhacay Ismaamulka Lideta ee Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal qof. Itoobiya ayaa wajahaysa qalalaase xooggan, waxaana inta badan deegaanada dalkaas ka dhacaya dagaalo qoomiyadeed, kuwaas oo galaaftay nolasha kulankan qof.

Read More

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya Isaias Afwerkioo muddo badan xukunka haya. “Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth. Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda…

Read More

Gudigga dib u habeynta Ciidamada Dowladda Puntland oo mudooyinkii danbe hawlo shaqo u joogaya Magaalada Gaalkacyo ayaa manta kulan looga hadlay amniga la yeeshay Masuuliyiin u hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Aminga Galmudug. Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee labad dhinac ujeedka shirka ayaa salka ku hayay ka shaqeeynta amniga iyo sidii Ciidamada Puntland ay uga qeyb qaadan lahaayeen codeynta deegaanada Al-Shabaab ka heysato Galmudug. shirka markii u soo dhamaaday waxaa Warbahiinta si-wadajir ah ula hadlay Wasiirka Wasaradda Aminga Puntland iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug.

Read More

Sida laga warqabo waxaa Caalamku Mogadisho isugu keenay bilawgii sanadkaan dhamaan Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah ka dib markii ay ku heshiin waayeen inay xaliyaan khilaafka ragaadiyey habkii iyo hanaankii loo qaban lahaa doorashada. Dawlada Federaalka ah ka sokow waxaa soo xaadiray Dawlad Goboleedka Puntland, Dawlad Goboleedka Jubbaland, Dawlad Goboleedka Galmudug, Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Waxaa isaguna tira-buuxis ahaan u joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Farmaajo tirada ku buuxsaday laakiin aan meesha boos siyaasadeed ku lahayn. Waxaa xusid mudan in xulufaysi aragti ku salaysani ka bilowday shirka kaas oo ahaa Saciid Cabdullahi Deni iyo Ahmed…

Read More

Danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa iska diiday war loogu been abuurtay oo baraha bulshada saraakiisha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya lagu baahiyey, kaddib kulan Danjiraha ay la yeelatay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka. Sida Danjiraha ay sheegtay “waxaa Ra’isul Wasaare ku Xigeenka loo sheegay inaysan UK taageeri doonin muddo kordhin. Waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto”. Hase yeeshee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa faafiyay sheeko aan meesha ku jirin oo ah “in xoojinta xiriirka labada dal laga wada hadlay.”

Read More

Allaha u naxariistee waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo xubin ka tirsan Midowga Musharaxiinta. Alllaha u naxariistaa Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandhi) ayaa dhashay sanadkii 1949 wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya, waxaa uu noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Canada,Wasiirka Gaashaandhigga dowlada federalka. Proff Gaandhi waxa uu muddo dheer wax ka dhigi jirey jaamacadaha dalka Faransiiska waxana uu hore isugu so sharaxay Madaxweynaha Jubbaland halka uu haatan ka mid ahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaliya. Prof Gandi wuxuu kasoo shaqeeyey Heya’adda UNDP Xafiiskeedda Somalia wuxuu xubin…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu u amba-baxo socdaal Dibedda saacadaha soo socda, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo u duuli doono Dalka Koonfur Africa, iyadoona diyaarad gaar ay ka qaadi doonto Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Muqdisho. Lama oga ujeedada safarka Farmaajo ee Dalka Koonfur Africa, waxaana uu kusoo beegmaya xilli uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, sidoo kalena muddo kororsi sharci darro ah ay u sameeyeen garab kamid ah Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Read More

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Iskaashigga Islaamka ayaa deeq raashin ah oo ka timi Dalka Sacuudigga gaarsiisay 100 qoys oo ka mid ah qaxootigga yamaniyiinta ah ee ku nool Magaaladda Qardho. Raashinkaan ayaa loogu talla-gallay in ay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana qaybinteedda goob-joog ka ahaa Duqa Degmadda Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Agaasimaha Waaxda Masiibooyinka Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland Cawil Buule iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Iskaashigga Islaamka. Deeqdaan ayaa ka kooban bur, bariis, Sonkor, Saliid, Caano, Timir iyo sharaab.

Read More

Saraakiil ka tirsan Tababarayaasha mareykanka ee Ciidamada DANAB ee xoogga dalka Soomaliyeed ayaa waxaa ay db ugu soo laabteen Xerada Tababarada Ciidamada eek u taal Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiishaan oo dalka ka baxay kadib markii uu amarkaasi bixiyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa haatan dib ugu soo laabtay si ay u bilaabaan tababarka ay siiyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB. Qaar kamid ah Saraakiisha Mareykanka oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dana bee ku sugan Xerada Balli-doogle ayaa waxaa ay u sheegeen in Mareykanka uu garan taagan yahay Bulshada Somaaliyeed, isla markaana halkan ay ksii…

Read More

Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta. Ilo ku dhow dhow shirka ka socda guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya inuu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.

Read More

Madaxda Wasaaraddaha Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii Puntland iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen Cashuuraha Garoomada, Kontaroolada iyo cashuurta lala baxsado sidii wax looga qaban lahaa. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mahdi Faarax Qambi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ee Puntland Ismaaciil Cabdinuur Geesey, Maamulaha Kastamka Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha. Dhanka Galmudug waxaa kulanka goobjoog ahaa Isuduwaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug ee Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha gobolka Mudug ee…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Xildhibaannada ayaa galay fasax tan iyo Kalfadhiga xigga oo ku mudaysan June 15, 2021.

Read More

Madaxweynayaashi hore ee dalka, Madaxweynaha Hirshabelle, Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo Senator Muuse Suudi oo ku kulmay hoyga Xasan Sheekh ee Mirinaayada ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, dhaq dhaqaaqyada ka socda Caasimadda Muqdisho iyo arrinta muddo kordhinta. Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa gaarsiiyay Madaxweynayaashii hore farriin uu ka waday Madaxweyne Farmaajo oo ahaa codsi ku saabsan inuu la kulmo Midowga Musharraxiinta, si ay uga wada hadlaan xaalada taagan. Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo durba warkan gaaray ayaa laga soo xigtay in aysan aqbaleyn kulanka Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday. Caawa ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Galmudug iyo…

Read More

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS Soomaaliya ee Wakhtigu k dhammaaday, Baarlamaanka Puntland ayaa go’aankan ku gaaray ka dib kulan ay warbixin uga dhegaysteen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka Golaha Wakiilada oo uu Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana kulanka soo xaadiray 52 Mudane . Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku qaadacaymuddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday, 49 Mudane ayaa u codeeyay, 1 Mudane ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland. Kulanka oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland u magacaabay S/G Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeenkiisa uu magacaabay G/S Maxamed Guuleed Xasan. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adaha Nabad-sugida iyo Sirdoonka Jubbaland (JISA) u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hakiyay khudbad ka filayay inuu maanta ka jeediyo xarunta Golaha Wakiillada Puntland, kaddib fariin uga timid Beesha Caalamka, taas oo looga dalbaday inuu hakiyo hadal-jeedintiisa. Madaxweyne Deni ayaa haatan kulan albaabadu u xiran yihiin la leh Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, waxaana banaanka looga saaray Saxaafadda. Idil Television

Read More

Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa kulan ku leh Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xerada Xalane ee Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Wakiillada Beesha Caalamka ay hordhigayaan Farmaajo Labo Arrimood, kuwaas oo kala ah *In uu doorasho loo dhan yahay dalka ka qabto 4 bilood gudahood, isagoo Heshiis deg deg ah ka galaya Madaxda Dowlad Gobaleedyada. *In uu is-casilo, oo baneeyo Madaxtooyada lana dhiso Dowlad KMG ah oo Dalka doorasho uga qabata bilo gudahood. Idil Television

Read More

Cabdicaziiz Axmed Saalax, oo bedelaya AUN Marxuum Xildhibaan Cali Dhahar oo dhowaan ku geeryooday Shil baabuur oo ka dhacay duleedka degmada Badhan ayaa maanta loo dhaariyay xubinimada Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland. Xildhibaan Cabdicaziiz Axmed oo ah walaalka Marxuum Cali Dhahar ayaa waxaa dhaariyay Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland, bilowgii kulanka maanta ee Golaha Wakiiladda Puntland.

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa sheegay in Farmaajo uu dalka ku wado god mafdow, isagoona ugu baaqay Waxgaradka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa. “Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday iyo Hay’adaha uu wato ee cam-camiska ku wataa Soomaaliya god bay ku ridayaan, hadaana maanta la iska qabana Wadankan dib buu u noqonayaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Read More