Shaki kuma jiro in Faylka maxkamadeynta Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir, ee horyaalay Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada uu ahaa mid kamid ah caqabado muddo dheer horyaalay dalka Suudaan. In kastoo arrinkani wali uu mugdi ku jiran, madaxa Golaha Siyaasadda Ku meel gaarka ah ee Suudaan, Cabdul Fitaax Burhan, ayaa shaaca ka qaaday wareysi dheer oo uu siiyay TV-ga Al-Xadath, Jimcihii, in ay hayaan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Maxkamadeeynta Al Bashiir. Burhan ayaa carrabka ku adkayay in Suudaan ay heshiis ku tahay arrinta maxkamadeynta madaxweynihii hore, balse waxuu intaa ku daray in Maxkamadda Caalamiga…
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Golaha Wakiiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku dhawaaqay in kulanka Golaha oo uu ku sugan yahay Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni, uu yahay mid Albaabadu u xiran yihiin. Suxufiyiinta, Shaqaalaha Baarlamaanka, Madaxtooyadda iyo martida kale ayaa uu Guddoomiyuhu faray inay ka baxaan gudaha hoolka Baarlamaanka. Idil Television
Kulanka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa bilowday goor-dhaweyd, waxaana ku sugan Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo lagu wado inuu kulanka ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo marxalada Dalka iyo mowqifka Puntland ee muddo kordhinta uu sameystay Farmaajo. Idil Television
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage. Kulanka oo ka dhacay Hoysga Sheekh Shariiif ayaa ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, waxaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan ka taagan dalka. Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in siwyen looga hadlay dooda ka dhalatay muddo kororsiga, isla markaana Sheekh Shariif uu ka dalbaday taliyaha xoogga in aan Ciidamada loo adeegsan dano gaar ah oo siyaasadeed. Sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Madaxweynaha…
Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday 8-dii February Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa bixiyay warreysi uu ku difaacayo mowqifkiisa ah federaal duminta, waxaana ku soo koobayaa qodobbadaan soo socda. 1-Warreysigu wuxuu fal-celis ka yahay kii uu madaxweyne Deni maalmo ka hor siiyay warbaahinta, waxay ka simanyihiin in ay adeegsadeen “New Media” warbaahinta cusub, oo lama adeegsan warbaahinta fogaal-aragga ah (TV) amaseba, warbaahinta dowladda, waana arrin daaran saamaynta ay yeelan karto warbaahinta cusub. 2-Warreysigu wuxuu u ekaa mid ay soo diyaarisay “Villa Soomaaliya” marka laga fiiriyo dhinaca weeydiimaha iyo warcelinnada iyo wariyaha oo aan ahayn wariye dhex dhexaad ah! 3-Nuxurka warreysigu wuxuu xambaarsanaa fikradda Madaxweyne…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in maanta oo ah uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada cakiran ee Dalka iyo kulamadii uu Muqdisho uga qeybgalay. Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday kulamo uu la yeelanaya Golaha Xukuumadda Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee haldoorka deegaanada Puntland, si uu la tashiyo ula sameeyo. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Mowqifka iyo go’aan marxalada cusub ee dalku galay uu uga dhawaaqo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo ka hor dib ugu soo laabtay magaalada…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubaland, waxaana uu uga warbixiyay xaalada dalka iyo sida Dowlada wakhtigeedu uu dhamaaday ay ugu fashilantay hirgalinta doorashooyin loo dhan yahay. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Bulshada Jubaland ugu baaqay wadatashi guud si looga dhabeeyo himilada shacabka Jubaland.
Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS oo Shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Shiikole ee Muqdisho ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu yahay hoggaamiye kooxeed, duulaan ku ah Dilmuquraadiyadda Soomaaliya iyo qabiileyste fadhiya Villa Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen dadka ay matalan inay iska difaacaan. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada ka hadlay Shirka jaraa’id ayaa yiri”Farmaajo, Fahad iyo Biixi ayaa qaadaya masuuliyadda wax walba oo dhaco mana uga hari doonno waan kula xisaabtameynaa, dadka aan kasoo jednana waxaan leenahay diyaar garooba duullaan baa la idinku soo yahaye”. Idil Television
Banaanbax looga soo hor-jeedo Farmaajo, ayna dhigayaan Dad iskood isku abaabulay ayaa ka dhacay xaafada Shiirkole iyo nawaaxigeeda. Dadka bannaan baxayay ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo, sida “Farmaajo ha dhaco iyo Kali-talis dooni mayno.
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa caawa kulan kula leh Madaxtooyada Garoowe Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, kuwaas oo uu kala tashanayo xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo Mowqifka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale tallooyin ka dhageysanaya Siyaasiyiinta iyo Bulshada uu la kulansan yahay.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo safar ku marayay Gobolka Mudug, ayaa kormeeray School-ka Omar Samantar ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo qeybo kamid ah lagu sameeyay dayactir. Wasiirka ayaa ardayda kula dar-daarmay in ay kordhiyaan dadaalka waxbarashada, maadaama uu soo dhowyahay wakhtigii la qaadi-lahaa imtixaankii guud ee Puntland. Idilnews
Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobalka Mudug, kaas oo ka kooban 19 xubnood. Halkaan Hoose ka Akhriso Liiska Magacyada xubnaha Guddiga. Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Gudoomiyaha Gudiga Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur Aadan, Xubin Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi, Xubin Cabdicasiis Maxamud Maxamed, Xubin Caasho Geele Diiriye, Xubin Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug Shugri Cabdi Cali, Xubin Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Gobolka Mudug Cabdiqani Cismaan Yuusuf, Xubin Dr. Aadan Maxamed Cigaal, Xubin Sh Cabdicasiis Cali Axmed, Xubin Nabadoon Sh Cabdiweli Diiriye Xasan, Xubin Sheikh Jaamac Cabdi Caynab, Xubin…
Beelaha Hawiye ayaa todobaadka soo socda Muqdisho ku yeelanaya Shirweyne looga soo horjeedo muddo kordhinta uu Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ka sameystay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo. Qaban-qaabada Shirweynaha oo ay ka qeyb galayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, waxaana la filayaa in Shir laga soo saaro go’aano ka dhan ah muddo kordhinta labada sano ee Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyana shirkaas ka sheegi doona waxa ay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka…
Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa maanta kulan la yeeshay Engineero ku takhasusay Korontada, kuwaas oo Puntland ka caawinaya sidii Koronto raqiis ah loo gaarsiin lahaa Shacabka magaalada Gaalkacyo. Korontada ayaa laga dhalin doonaa Tamarta-Cadceeda, waxaana ay kaafin doontaa guud ahaan Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland sidii Bulshada Gaalkacyo adeeg koronto oo hufan, kaasoo noqonaya 1-KWD $0.30 si aynu ula tartano Magaalooyinka iyo Gobolada kale ee Dalka.
Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeedhay madaxweyne Farmaajo, ee ku saabsanaa in madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe, caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri; “Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay! Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bixiyay wareysi dheer oo soconayay muddo ka badan 1 saac, kaas oo uusan ku jirin nuxur badan, marka loo eego waxyaabaha uu ka hadlay oo u badan eedeymaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Farmaajo ayaa diirada saaraya cambaareynta iyo eedeynta Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo sheegay inay lahaayeen fashilka Shirkii Teendhada Afisyooni, iyo inay shuruudo kala duwan hordhigeen shirka. Maxaa uu ahaa Ujeedka Wareysiga Farmaajo ? Eedeymaha uu Farmaajo kusoo koobay wareysigiisa ayaa ahaa kuwo aan ku cusbeyn Dadka Soomaaliyeed, maadama horeyto ay uga maqli jireen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cusmaan…
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Jon, ayaa ka baxay gurigii uu ku sugnaa oo ku yaalay wadada Jaayga ee ku dhow garoonka Aadan Cadde, waxaana uu dib ugu laabtay Xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho ee beeshiisu degan tahay. Talaabada uu Gen. Saadaq Joon dib ugu laabtay Xaafadda Shiirkole ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegay in Farmaajo uu amray Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Biixi oo ay isku beel yihiin Farmaajo, inuu weeraro Saadaq Joon. Xaalada Muqdisho caawa u muuqata habeen kale oo cabsi dagaal ah, waxaana jira in Ciidammo fara-badan oo la safar Musharixiinta…
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa caawa kulan weyn la yeelanaya Waxgaradka Jubbaland. Kulanka ayaa ka bilaabanaya goor-dhaw Madaxtooyada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeedin doona Kulanka ayaa Waxgaradka Jubbaland la wadaagi doona waxyaabihii uu kala soo kulmay kulamadii Muqdisho iyo Mowqifka Jubbaland ee muddo kororsiga uu sameystay Farmaajo. Idil Television
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa wareysi dheer oo uu siiyay Shabelle TV kaga hadlay muddo kororsiga uu ka sameystay Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, iyaguna sameysteen, isagoona eedeymo lamid ah kuwii Dubbe u jeediyay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland.
Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ayaa qaylo dhaan ka soo saaray xaaladda ka taagan gobolka, iyadoo kulan arrintaa la xiriira oo maanta Gaalkacyo ka dhacay uu ku sheegay guddoomiyaha degmada in halkii ugu sarreeysay ay taagantahay saameynta cududarada faafa iyo abaarta. Duqa Degmada Gaalkacyo Eng. Maxamed ayaa si cad u sheegay dawladda hoose inay maalintii aasto ugu yaraan labo ruux oo gobolka ugu dhimanaya cududarrada iyo gaajo, dadka oo ah kuwa danyarta ah. Arrinta naxdinta leh ayaa ah in duqa uu sheegay dadka qaar in meydadkooda laga helay bannaanada, waxaa ka mid ah nin xoogsato cadeyle ah iyo haweeney dan yar ah.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay xiisad ka taagan Gobolka Sool ayaa ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo Coladda ka taagan Deegaanka Dhabar-Dalool. Madaxweyne Axmed Karaash ayaa waxgaradka ugu baaqay in ay qaataan kaalintooda mas’uuliyadeed isla markaana ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa dagaal dhexmara dhinacyada abaabulka ku howlan sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar-Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa…
Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo Sharif Sheikh Ahmed, ayaa kulan weli uga socdaa Magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo hor-jeedo damaca Farmaajo uu uga kororsaday muddo xileedkiisa Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idilnews in dhinacyadu ay isku raaceen in meel looga soo wada jeedsado muddo kordhinta, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa kulankii xalay muujiyay in ay kasoo horjeedaan damaca Farmaajo. Waxaa lagu waday in Warmurtiyeed wadajir ah ay soo saaraan Madaxweyneyaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Midowga…
Safiirka iyo baratakoolkiisu xataa lama socon Calankan,waxaana loo isticmaalay Photo Shop. Waxaa la xaqiijiyay in kulankuba uusan ahayn mid waadixa ah oo loogu talagalay Saxaafad ama kulan Diblomaasiyadeed oo heer Dowladeed ah. Marka ay kulmayaan labada Nin Calanba ma hor oolin ee kadib,ayaa Wariyayaasha SNTV Photo Shop ku hor dhigeen. Ujeedkoodu waa in ay iskaga mayraan ceebta iyo jabka kaga dhacay Diblomaasiyadii Caalamka. Farmaajo waxaa dhabarka ujeediyay guud ahaan Beesha caalamka oo IGAD ilaa Qaramada Midoobey. Jibril Qoobey.
Dowladda Mareykanka ayaa Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Larry Edward André Jr., waxaana uu bedelo doonaa Safiirka waqtigu ka dhamaaday Donald Yamamoto, sida uu baahisay CNN. Danjire Larry Edward oo la filayo in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo ayaa horey u ahaa Safiirka Mareykanka ee Dalka Jabuuti, waxaana muddo 30 sanno ka badan u kasoo shaqeynayay dublamaasiyadda. Magacaabista Safiirka cusub ayaa imaanaya xilli xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya cakiran tahay, sidoo kalena Mareykanka uu ugu hanjabay Farmaajo iyo xubnaha la socda ee Wadanka qasaya inuu cunaqabateyn iyo xayiraad safarada ah saari doono. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Col.Keyse Cismaan Gari, oo xanuunka COVID19 ugu geeriyooday Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si gaar ah tacsida ula wadaagay Ciidamada Booliska Jubaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Marxuum Col. Keyse Cismaan Gari.
Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa hadda waxaa uu shir uga socdaa guriga Madaxweyne Qoorqoor. Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka. Labada Maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan muddo kororsiga, kaddib markii warqad laga qoray Madaxtooyada dhowr habeen ka hor ay labadan Maamul uu mid beenisay, midka kalena uu taageeray.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Balal Cusmaan, sidoo kalena ku beel ah Maxamed Farmaajo ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirka Ruushka u qaabilsan Somalia iyo Jabuuti Michail Golovnov. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Arrintan ayaa u muuqata mid dowladda Soomaaliya uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka, isla markaana farriin ugu direyso, haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka, maadaama Ruush iyo Mareykanka ay yihiin labo quwadood oo iska soo horjeedo. Farmaajo ayaa u muuqda inuu gabalkiisu dhacay, iskuna bedelaya Hoggaamiye kooxeed, waxaana haatan dalku uu galay xaalad adag,…
Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii xilalka u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kadib dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay. Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Oomaar ayaa qoraal uu habeenkii Isniinta soo dhigay bartiisa facebook ku diiday xilka cusub ee loo magacaabay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu daray liiska hogaamiyaasha Afrika ee kaligood taliska ah “dictatorship” Haddii aad Google-ka ku qorto Dictatorship countries 2021 in Africa ayuu ka soo dhax muuqanayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Is bedel iyo isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah Taliye kuxigeenadi qeybta guud ee Gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka ayaa la isku bedelay halka kuwa kalana xilka laga qaaday. Is bedeladan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John, iyadoo taliyaashana laga shakiyay inay gacan saar la leeyihiin Saadaq John. Magaalada Muqdisho ayaa xaalad kale gashay kadib markii xilka laga qaaday taliyihii ugu awooda badnaa booliiska gobolka Banadair Saadaq Joon, kaas…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan safarkiisii iyo xaaladda uu dalku marayo.
Midowga musharaxiinta oo isku qeebiyay qabashada qeeba ka mida Muqdisho, iyadoo mid kasta oo kamid ah xubnaha Midowga loo diray qabashada Xaafad kamid ah Caasimadda. Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii Farmaajo uu muddo labo sanno ah oo muddo kordhin ah uu sameystay, ayna Caalamka u aqoonsaday hoggaamiye kooxeed. Halkaan Hoose ka Akhriso sida xubnuhu u qeybsadeen xaafadaha Muqdisho. Sheikh shariif iyo General Koronto waxaa loo xil saaray in ay la waregaan xaafada Fagax uu maanta u guuray isaga iyo ciidankiisa. Saadaq John iyo Xildhibaana ku heeb ah waxaa loo xil saaray dagmooyinka Hodan iyo Howlwadaag. Hassan Sheikh oo wata…
Madaxweyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ka guuray guryihii ay daganaayeen ee aagga garoonka Muqdisho, waxayna dageen waqooyiga gobalka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa dagay nawaaxiga mirinaayo oo dhinaca kaaraan ah, halka Sheekh Shariif uu maanta u guurayo aagga Fagax, waxaana jira warar kale sheegaya in Xasan Cali Kheyrre iyo CC Warsame ay iyagana dagayaan goob kale oo xaafadaha magaalada ah. Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib xiisad ka dhalatay muddo korarsiga uu sameestay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cabsi amni oo xalay ka jirtay Muqdisho.
Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday DFS ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegay in waan waan lagu dhameeyay xiisadii dagaal ee ka taagneyd Magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysay Ciidan uu horkacayo Gen. Saadiq Joon iyo Ciidammo ka amar qaata Farmaajo. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad. Duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu xalay ku soo qaadeen xaafada Shiirkole wada hadal laguma dhamaynin ee tabar ayaa u deyrisay. Kuwa leh waanwaan iyo wadahadal ayaan wax ku dhamaynay waa koox Farmaajo u shaqaysa oo guushiina xaqiraya, goobayana ceebta Farmaajo xalay ku dhacday sidii ay uga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in sabtida soo socota uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada cakiran ee Dalka iyo kulamadii uu Muqdisho uga qeybgalay. Madaxweyne Deni oo maalin ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, kaddib muddo bil ah oo uu ku sugnaa Muqdisho oo uu joogay wada-hadalada dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka oo uu fashiliyay, sidoo kalena muddo kordhin uu sameystay. Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa haatan wada kulamo uu la yeelanaya Golaha Xukuumadda Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee haldoorka deegaanada Puntland, si uu la…
Ciidankii Dowladda ee caawa la dul-geeyay aagga Xaafada Shiirkole oo uu degay Jen. Saadaq John ayaa goordhow la soo celiyay, kaddib waan waan iyo dadaalo socday oo lagu joojinayay xiisada dagaal ee ka taagneyd qeybo ka mid ah degmada Hodan. Dadaaladan ayaa waxaa ku jiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo saraakiil kale oo kulamo la yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo weli socdaan waan waantaas. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in caawa fiidkii intii dowladdu diyaar garow ugu jirtay weerar lagu qaado Jeneraalka ay ku kala qeybsameen Saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaarkood ka biya diiday inay hoggaamiyaan weerarka.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in waxba kama jiraan uu yahay muddo kordhinta Farmaajo uu ka sameystay Golaha Shacabka, aysana aqbali doonin.
Xiisad dagaal oo caawa ka jirta Muqdisho, mucaaradka oo hub siiyay Saadaq Joon, ciidanka Dowladda oo kala shakiyay iyo abaabul ciidan oo ka socda labada dhinac.
Ra’iisul Wasaaraha Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa hadda shir uga socdaa Madaxtooyada, kulankan ayaa yimid saacado kaddib markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho caawa laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan. Taliyihii booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa fiidnimadii caawa degay xarunta Shiirkole, halkaasoo uu ciidamo fara badan la tagay. Iyadoo uu jiro tuhun laga qabo in dowladdu inay weerarto, waxaana Ciidamo ka tirsan dowladda la geeyay xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo Jen. Saadaq John caaw saldhigtay.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo shir jaraaid qabtay ayaa ka hadlay Mudo kordhinta sharcidaradaa ee ay sameeyeen Baarlamaank Dowlada Federaalka Somaaliya oo wakhtigoodu dhamaaday isagoona tilmaamay in bohol aan la aqoon uu kuwado dalka Ex-Madaxwayne Farmaajo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa si adag uga hadlay marxalada Dalka, isagoona sheegay in Farmaajo uu Dalka u horseedayo dhib iyo dagaal sokeeye. Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in tareenka Farmaajo meeshaa uu marayo lagu joojiyo, hadii kale uu tagi doono meel aan waxba laga qaban karin oo dhibaatooyin u horseeda Dalka.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Musharaxnimo ay soo dhamaatay, uuna kasoo fujistay waddooyinka Muqdisho boorarkiisii musharixiinimo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu Farmaajo yahay hoggaamiye kooxeed, xoog doonaya inuu Dalka ku xukumo, isagoo ku baaqay dagaal ka dhan ah.
Xuska maalinta Beeraha Puntland ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe. Beeraleyda Puntland ayaana soo bandhigtay noocyada kala duwan ee dalagyada ay beeraan. Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa ugu hambalyeysa beeraleyda Puntland Xuska maalinta.
Waaxda Arrimaha Africa ee Mareykanka ayaa muujisay Magacyada Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, xilli Dowladda Mareykanku ku hanjabtay cunaqabateyn iyo xayiraad safarada ah oo ay saareyso kuwa diidan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kalena hor taagan Doorashooyinka Dalka.
Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah kana soo baxay Muqdisho una socday Jowhar, ayay miino kula qaraxday inta udhaxeysa Balcad iyo Jowhar Wararka ayaa intaa ku daraya gaariga dadkii saarnaa in ay ka badaadeen kaliya afar ruux oo iyaguna dhaawac ah halka dhamaan dadkii kalena ay geeriyoodeen.
Musharax Madaxweyne Mustafa Dhuxulow, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo yahay qofka kaliya ee isaga oo soo jeeda riyooda. Halkaan Hoose Akhriso qoraal Mustafe Dhuxulow. Nin baa wuxuu nooga sheekeeyay qiso ku dhacday nin muqallas ahaa Waqti dadka Soomaalidu aad qurbaha u jeclaayeen. Nin muqallas ah ayaa waxaa u timid hooyo Soomaaliyeed oo caruur wadata, waxey tiri dal hebel ayaan VISA ka rabnaa weyna isku af garteen. wuxuuna u waday Safaaraddi, mana ahan wax laga yaqaan safaaraddaas dhaqan noocaas ah . Wuxuu yiri banaanka igu sug, isagina Receptionka ayuu galay isagoo Applications iyo Passports wada, daqiiqada…
Dowladda Jarmalka oo war ka soo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka. Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si heshiis looga gaadho khilaafka harreeyay hannaanka doorashada dalka.
Warqad kasoo baxda Golaha ceebaysan oo uu saxiixo hogaamiye kooxeedka soo daahay midan uguma horayn. Dhawr Warqadood,ayaa jiray oo lagu baadi goobayay mudo kororsi… 1.Warqadii Doorashada Qof iyo Cod. 2.Warqadii 13-kursi ee Gobolka Banaadir. 3.Warqadii Xaliimo yarey ee 13-ka bilood. Dhamaan Waraaqahaas oo saxiixan lana faafiyay waxay yaalaan Xaafiiska hogaamiye kooxeedka soo daahay midnana kama hirgalin. Warqada hada ugu danbaysa ee 2-sano wadata waxayba sii dheer tahay kuwii hore waxaa soo diray Gole wakhtigiisii idlaaday. Iyaduna wadadii kuwii ka horeeyay mareen ayay mari doontaa !!! Jibril Qoobey.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Lubnaan iyo Israa’iil, Markab laga leeyahay Isra’iil ayaa lagu weeraray gacanka Beershiya gaar ahaan xeebta Imaaraadka Carabta. Warbaahinta Lubnaan oo xiganeysa ilo aan la magacaabin ayaa sheegtay in markabka oo lagu magacaabo “Hypern” oo ka diwaan gashan Shirkadda “PCC” ee laga leeyahay Isra’iil, lagu bartilmaameedsaday meel u dhow dakadda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta. Kan channel oo ah warbaahin ku hadasho afka Israa’iiliyiinta ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Iiraan, kuwaa oo Markabkan la beegsaday gantaal laga soo ganay markab dagaal ama diyaarad Drone ah, iyaga oo intaa ku daray in weerarka uu dhacay…
Villa Somalia ayaa Abaabuleysa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay la doonayaan Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor kaas oo iska diiday inuu soo dhaweeyo Muddo Kordhin Xildhibaanada Waqtigoodu dhamaaday ay u sameeyeen Madaxweynaha Xilka ka dagaya Maxamed C.llaahi Farmaajo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Gacal oo ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo kala duwan si Xildhibaanada ay Xilka uga qaadaan Madaxweyne Qoorqoor. Dhanka kale Xildhibaaanno ka tirsan Galmudug ayaa ii Xaqiijiyay in Guddoomiye Gacal iyo Kuxigeenkiisa ay wadaan Qorshahaan,balse inta badan Xildhibaanada ay ka soo horjeedaan si aan Qatar loogalin Daganaashaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay dib ugu laabtaan wada hadalsa “Go’aanka lagu kordhiyay muddada dowladda Federaalka ayaa wiiqeysa sii socoshada nabadda iyo amniga dalka. Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu laabtaan wada hadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa”. Sidoo kale, Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku nuuxnuuxsatay in haddii la isku dayo fulinta muddo kordhinta inay dib uga fiirsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo ah mid diblomaasi iyo dhaqaale. Waxaa ay…
Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay si degdeg ugu laabtaan wada hadalada si loo helo xal wax ku ool ah. “Maaddaama uusan jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto iyada oo aan dib loo dhigin, xiriirka bulshada caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya ayaa is beddelaya, UK waxay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xiriirkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK.
Kulankii Pl,Jl iyo Beesha caalamka ee saakay?? Beesha caalamka oo maanta shir la gashay Madaxweynayaasha PL iyo JL ayaa ka wada hadlay: Go’aanka sharci darrada ah ee muddo kororsiga ee Fahad, Farmajo iyo MursalBeesha caalamka iyo Madaxda ayaa isla gartay in dib loogu laabto wadahadaladii muddo dhowLabada dhinac ayaa isla qiray in Dalku galay marxalad adag oo u baahan in meel looga soo wada jeestoSafiirada Beesha Caalamka ayaa uga mahad celiyey labada Madaxweyne samirkoodii iyo dadaaladii ay ugu jireen in la helo doorasho loo dhan yahay oo wada oggol ahUgu dambeyntii, waxaa la isla qaatay in aan la aqbali karin…
General Maxamed Maxamud Koronto oo kamid ah saraakiisha Ciidanka xoogga Somaliyed ayaa sheegay in uu la wareegi doono Dekedda iyo Airporka magaalada Muqdisho hadii muddo korarsiga laga noqon waayo. “Waan la wareegayaa Airporka iyo Dekadda. Aniga iyo ciidankeeyga Waan ka difaaceynaa Muqdisho dulmiga Farmaajo”. Gen Koronto. Janaralka ayaa wata 40 gaadiid oo kuwa dagaalka ah. Wuxuuna hogaamiyaa ciidamo farabadan oo ka tirsan xooggga Somaliya
Madasha Badbaado Qaran ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo lagu joojinayo muddo kordhinta sharci darada ah ee masiirka dalka lagu afduubayo, ayna ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa maareynta xilliga kala guurka ah.
Midowga Yurub ayaa sheegay in aan la aqbali karin mudo kordhintii Golaha shacabku shalay u sameeyeen golayaasha Dowlada taasi oo ku tilmaameen mid xasilooni daro dalka abuuraysa oo Soomaalidu isku laynayso isla markaana samaynsa dalalka dariska ah. Midowga yurub wuxuu madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan wada hadalada isla markaana hirgaliyaan heshiiskii 17kii Sebtembar hadii ay yeeli waayana ay qaadi doonaan tilaabooyin la taaban karo.
Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay. Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan. “Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa ayaa kulan laqaatay Mrs Heidi Elburg oo ah Wakiilka gaarka ah Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo Mr Svein Olav Sarkaal Arrimaha siyaasadda oo ka tirsan Safaaradda Norway ee Nairobi. Masuuliyiinta ayaa si guud uga wada hadlay xaaladda Dalka, gaar ahaan Arrimaha siyaasadda, amniga iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, wuxuuna kulankaan ka qabsoomay Airport ee Magaalada Mogadisho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga uu hoggaaminayay ee muddo bil ah ku sugnaa Muqdisho, waxay galabta dib ugusoo laabteen Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaadan doona saacadaha soo socda Golayaasha Dowladda Puntland, Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, isagoona intaas kaddib la hadli doona Saxaafadda kuna dhawaaqi doono go’aanada Puntland ee marxalada Dalka.