Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goor-dhaweyd ka duulay Magaalada Muqdisho, oo uu muddo ku sugnaa, waxaana uu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa la filayaa in marka uu tago Kismaayo uu Saxaafadda la hadlo, isagoona ku dhawaaqi doona go’aanka Jubbaland ee marxalada Dalka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Muqdisho, isagoo ku ku wajahan Magaalada Garoowe, kaddib muddo bil ka badan oo uu ku sugnaa Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda Saxaafadda kula hadlay Garoowe, waxaana uu ku dhawaaqi doonaa go’aanka cusub ee Puntland ka qaadanayo marxalada hubanti la,aanta ah ee dalku uu galay. Idilnews

Read More

Saraakiil horay uga tirsanaa Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutooyinka Haramcad iyo Goror ayaa lagu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay sheegeen in ay Faquuq la kulmeen. Xarunta Madaxtooyada waxaa Saraakiisha ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku xigeen kiisa. Saraakiisha oo la hadlay Madaxda ayaa sheegay in ay wax ku soo barteen Dalka Turkiga horayna Puntland si iskooda uga tageen tiro shana dhamaayeen 140 soo laaba- shadoodiina loola dhaqmay si aan wanaag sanayn balse qaybo ka mid ahaa ay ka soo bexeen xer yihii ay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wax lala cajabo ku tilmaamay in Baarlamaan lasoo doortay ay is doortaan, Madaxweyne labo Aqal Baarlamaan ay doorteena uu doorto mar kale Hal Aqal iyo Waraaq ninkii la lahaa waa soo qoray lagu baryayo inuu sheegto Mas’uuliyadda qoraalkeeda. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Wasiir Fiqi. Calaamadaha siyaasadeed ee aakhiru-zamaanka waxaa ka mid noqday: baaq ninkii loo tiirinayey inuu qoray laga tuugayo inuu sheegto, ka dibna taageero!.! Waxaan isweydiin mudan; Xildhibaanada waxaa soo doortay ergo matalaysay dadweynaha uu xildhibaanku matalayo, haddana ayagii ayaa si iskood ah isku…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo soo saartay Habraaca tukashada Salaadaha ee Masaajida ku yaala deegaanada Puntland, ayaa amartay in dadka tukunaya ay isku jirsadaan 1.5 mitir ugu yaraan, si loo yareeyo faafintaanka cudurka COVID-19. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa amartay in aan salaadaha Taraawiixda laga badin karin 30 daqiiqo, iyo in qof kasta uu xirto Af-Saab (Facemask).

Read More

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Askari qof shacab ah ku dilay Isniintii magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Nuur, oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen Askariga dilay qofka shacabka ah, kaddib markii uu isaga baxsaday goobta, isagoona intaas ku daray in la horkeeni doono Cadaaladda.

Read More

Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga ay Xildhibaannada Shacabka u sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Senator Bob Menendez oo ah Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay curyaamineyso geedi socodka lagu baadi goobayo qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo. “Doorashooyinka waqtigooda dhaca waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda caafimaadka qabta. qorshaha muddo kordhintu waa jebinta qawaaniinta dimuqraadiyadda & halista xasilloonida Soomaaliya ayaa waxaa agu yiri’ Qoralka Sanoter-ka. Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Daneeyayaasha inay…

Read More

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo saaray qoraal qoraal uu uga hadlayo Dastuurnimada Baarlamaanka iyo u kordhinta muddada Xil-hayniisa gogoldhig. Qormadaan oo uu qoray guddoomiyhii hore ee golaha shacabka ayuu ku qeexay awoodaha shacabka, Barlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha JFS. Axkaamta Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey 1-dii Agoosta 2012-kii, hal qodobba ha ahaatee meel uu shabiga awood ku siiyey in Barlamaanka uu si iskiisa ah u kororsado muddada xilbayntiisa oo ka kooban kuna dhammaata muddo afar sanno ah kuma jirto. Si la mid ah Dastuurka kuma jirto meel uu shacbiga awood uu u siiyey…

Read More

Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga hadashay talaabadii maanta ay Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday muddo kordhinta ugu sameeysteen iyaga iyo Farmaajo, waxaana ay tilmaamtay inay ka qaadan doonto mowqif adag. Qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Somaliyed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay.”

Read More

Wasiir Maxamed C/llaahi Oomaar, oo shalay laga qaaday Wasaaradda Duulista Hawada ayaa iska diiday xilkii loo bedelay ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS. “Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.”

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa u codeeyay in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabto. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ka hadleen mooshinka la horkeenay ayuu cod geliyay waxana uu sheegay in muddo 7-bil ah oo ka bilaabaneysay 1-ka November 2020 Ku siman 8-da Febaraayo 2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karay Doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shegay in 153-Xildhibaan ay joogeen golaha ayna ogolaatay 149-Mudane, waxaa ka…

Read More

Ciidamada daraawiishta dawladda Puntland mudo tababar uga socday Dugsiga Gen (CARAYS) ee Godod ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta loo soo xiray. Xaflada soo afmeerida Tababarka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Maaliyadda oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Duqa degmada Gaalkacyo, Taliyaha qaybta Gobolka, Masuuliyiinkale iyo Bulshada deeganka Godod. Ciidamada ayaa soo bandhigay Casharadii dhanka Ciidamada ee ay qaateen waxana salaan ka qaatay Taliyaha Ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar dhere. Ciidamada daraawiishta ee Tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay Guutada (BIR-JEEX) sida uu munaasabadaasi uu ka sheegay Taliyaha Ciidamada daraawiishtu.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe. Madaxweyne Ku-Xigeenka waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhoweeyay xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Read More

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa soo saaray sharci gaar ah oo jiheynta doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la faray Xukuumadda in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga, sidaas darteed waxaa awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

Read More

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa sheegay inay joojiyeen kulankii maanta ee Baarlamaanka, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay Isgoysyada magaalada. Shir jaraa’id oo uu goordhow ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in aanay dooneyn inuu qalalaase ka dhaco Gobolka Banaadir, isla markaana aanay dooneyn dagaal iyo kala aragti duwanaan xabad wadata. “Ma dhici karto in baarlamaanka Soomaaliya inaan soo xiro inaan soo dilo, Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho…

Read More

Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug. Kulankan ayaa ahaa mid qayb ka ah kulamo horay udhex maray labada Wasaaradood waxaana ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Galmudug Mudane Muqtaar Cali Cismaan iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Wasaradda Amniga Puntland Gudoomiyaha Gobolka Duqa Dagmada ayaa goob-joog ah kulanka. Mudadii uu socday kulankan ayaa looga hadlay 1-in si wada jir ah loola dagaalamo ganacsiga loo yaqaan (BERMUUDA) oo ah cashuur ka Carar. 2-In cashuur isku mid ah laga qaado Ganacsatada Kastamyada, iskaashina laga sameeyo…

Read More

Waxaa la xaqiijinayaa oo ilo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in Baarlamaanka wakhtigiisu idlaaday ay Qodobka koobaad soo saari doonaan maalinka beri foog ah. Farmaajo wuxuu raadinayaa qaab uu Afisyooni ugu laabto,waxayna u badan tahay in baarlamaanku dhahaan 4-bari gudahood waa in heshiis lagu gaaraa.. si asaguna ugu laabto Teendhada. Balse wax walba oo ay soo saaraan saamayn kuma yeelan doonaan meel aan ka ahayn Xaafiiska Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga hadlay xaalada Dalka iyo kulanka maanta la isugu yeeray Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday. Mudane Sheekh Shariif oo ku hadlay magaca Midowga Musharrixiinta ayaa ka digay in hoggaanka dowladda Fedraalka ee waqtigiisu dhamaaday uu sameeyo muddo kororsi sharci darro ah xilli muddo xileedka dastuuriga ah ee hey’adaha dowladdu uu dhammmaaday welina la sugayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Read More

Hay’adda Nabadsugidda Sirdoonka Qaranka [NISA], oo mas’uul ka ah ururinta sirdoonka, ayaa si weyn loo tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah hay’adaha ka danbeeya dhacdooyinka xun ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Geeska Afrika. Warbixinta ayaa sheegatay in NISA ay ka danbeyso dad la waayey oo lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay la shaqeeyaan. Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay maqnaanshaha Maxamed Nuur “Abuuja” mid ka mid ah tusaalooyinka kiisaska noocaas ah. “29-kii Febraayo ilaa 2-March,Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka [NISA] waxay xireen wariye ka tirsan Radio Higsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur“ Abuuja ”, iyadoo looga…

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa loo diray fariin ku aadan inuu berri jiro kulanka Golaha, kaas oo looga hadli doono mooshin ku saabsan Doorashooyinka Dalka. Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli la hadal hayay in Farmaajo uu Shirkii Teendhada Afisyooni u fashiliyay inuu sameysto muddo kordhin, taas oo horey ay uga digeen Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka.

Read More

Arrintan isku badalka labada Wasiir waxay la xiriirtaa Jaadka. Omaar wuxuu $20 kun ka qaadan jiray jaadka Ethiopia ka yimaada. Waxay isku dhaceen Hassan Farmaajo oo hada suuqa Jaadku uxiran yahay. Ganacsatada Beesha Sacad oo aad uga ganacsan jiray jaadka Kenya,ayaa dacwooday. Duraan Wasiirka la geeyay Duulista Hawada,waxaa korsaday oo Abti u ah Xaaf. Marka waa arrimo Jaadka la xiriira oo RW Rooble, Sacadka Jaadka ka ganacsada iyo Farmaajo ku heshiiyeen. Oomaar oo loo isticmaali jiray dagaalka Jubbaland,ayaa markii lagu gaaray dantii laga lahaa hoos u dhig lagu sameeyey. Maanta Oomaar waa qaracan

Read More

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Demoqradiyeynta Dowladda Puntland ayaa ayaa manta magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ku qabatay shirweyne dibu-shiin ah oo lagu soo gunaandayo dirirtii dhexmartay laba ka mid ah beelaha dega degmada Iskushuban, ee gobolka Bari. Shirka ayaa waxa uu socon doonaa ila 13 bisha April, waxaa ka soo qaybgalay Guddiga ku hawlanaa Nabaddaynta iyo dibu-heshiisiinta iyo ka hortaga xasaradda ammaanka ka dhanka ah, Waxaa hogaaminyey Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Guddah Mohamed Ahmed Kulan, Agaasimaha Guud Mohamed Ali Nur Jubba, Agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo dibu-heshiisiinta, Gudoonka gobolka karkaar, iyo gudoonka demgada qardho. Waxaa sidoo kale ka soo…

Read More

Dowladda Puntland ayaa maanta 14- maxaabiis Burcad badeed ah ku wareejisey Dowladda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku jirey xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe. Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ku eedeysnayd ayaa ku xirnaa heshiis is afgarad ah oo dhex maray Seychelles & Puntland, Bishii Maarso 15, 2011, inta u hartay xabsigooda ayey ku dhameysan doonan xabsiyada kuyaal Magaalada Muqdisho, Waxaana wareejintooda goob-joog ahaa Wasiiradda Cadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Read More

Diyaarad sida 200.000 oo Talaalka Covid-19 nuuca Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China ugu deeqday Soomaaliya ayaa goordhaw soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Drs. Fowsiyo Abikar Nuur iyo masuuliyiin kale ayaa kala wareegay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

Read More

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa ku wareejiyay Booliska Galmudug gaari laga soo dhacay Degmada Cadaado iyo Dadkii soo dhacay, kuwaas oo lagu qabtay kantarool magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Taliyaha hawlgalinta ciidanka ilaalada wadooyinka Ugaas Cabdulaahi Xasan ayaa ku wareejiyay Taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug gaadhigaan iyo maxaabiistii lagu soo qabtay.

Read More

Dowladda Puntland ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu soo xaadiro miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, si Dalka loogu jiheeyo doorasho loo dhan yahay. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay Puntland weli joogto miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, isagoo ugu baaqay Farmaajo inuu yimaado miiska, si xal looga gaaro doorasho loo dhan yahay oo Dalka ka dhacda.

Read More

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa waxay walaac kaga muujiyeen is mari waaga ka tagaan doorashada, iyagoona ugu baaqay Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada inay ku laabtaan miiska Wada-hadalka. Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa ka digay doorasho hal dhinac ama mid isbarbar socota iyo muddo kororsi ay sheegeen inay halis ku tahay xasilloonida Soomaaliya.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah. Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May,…

Read More

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada waxaa ay sheegtay in si ku talo gal ah loo dilay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun, kaddib markii Guddigii loo xilsaaray baritaanka dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay wareejiyeen natiijada barotaankoodii. Xeerillaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda Janeraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in baritaanka kiiska la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maanta oo Axad ay bilaabaneyso gudbinta dacwadda si loo muddeeyo waqtiga la qaadayo. Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in geb-I ahaan la soo geba-gabeeyay baariaanka sida uu u dhacay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan, isla markaana si ku talo gal ah…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane H.E Said Abdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa hambalyo iyo tahniyad u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismail Omar Guelleh oo dib loo doortay. “Waxaan u hambalyeenaya Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay, Shacabweynaha Jabuuti iyo Dowladoodana waxaan u rajeynaya horumar wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Geelle wuxuu door muhim ah kasoo qaatay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya, sida shirkii Carta iyo ka qeyb qaadashada amniga iyo garab istaaga dadka Soomaaliyeed.

Read More

Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland lo lagu wadaa in dhowaan tababar loogu soo xiro dugsiga tababarada Godod ee Gobalka Mudug, ayaa maanta soo bandhigay Dhoolatus hordhac ah. Guddiga dib-u-habaynta Ciidanka Dowladda Puntland oo gaaray Godod, ayaa amaan u jeediyay macalimiinta gacanta ku heysa dugsiga, iyagoo sheegay in Ciidanka tababarkooda lasoo gaba-gabeynayo maalmaha soo socda.

Read More

Falanqeeyayaasha Siyaasada Somalida waxay qabaan Warqada Wasaarada Arimaha dibada ay qortay ujeedkeedu in uu laba mid midkeed yahay.. 1-In Farmaajo loo hanjabay runtana loo sheegay oo hada wixii loo sheegay uu samayn doono balse CBB-da baraha Bulshada marin habaabinayo. 2-In Farmaajo iyo reer galbeed kala tageen dagaalkoodana uu diyaar u yahay oo uusan wax danbe ka dhagaysan doonin kii danboo hadlaana uu dalka ka bax ku oran doono. Labadaas qodob midkii ay noqotoba waa geeridiisa. Farmaajo waa laga badiyay ciyaartii siyaasadeed,waana looga adkaaday dhagihii Beesha caalamka. Sida xog ogaalka siyaasadeed tilmaamayaana haduu wax kala garanayo waxuu iska badbaadin doonaa cunaqabatayn…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Qarax ismaadimin ah lala beegsaday maqaayad ku taalla bartamaha magaaladaas. Qaraxan oo uu fuliyay qof naftiis halige ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow inta uu gaarsiisan yahay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Waxaa laga joojiyay safar uu ugu bixi lahaa Shiinaha,iyadoo loo sheegay in uusan bixi karin. Ugu danbayn Axada beri ah teeda kale,ayaa loo qabtay in uu miiska Afisyoone isgeeyo. Balse sida xog ogaalo siyaasadeed sheegayaan wuu is adkayn doonaa isagoo istusaya CBB-da baraha Bulshada kadibna waxaa soo bixi doona Twitter-kii geeridiisa.. “Madaxweyne Farmaajo waxuu ku guuldaraystay hogaaminta Somaliya,waxuuna caqabad ku noqday hanaankii doorashada dalka,waxaan ku boorinaynaa madaxda Somalida ee masuulka ah in ay sii wadaan wada xaajoodka arimaha doorashada”Ayuu uqornaan doonaa Twitter B.caalamka. Kadib shir jaraa’id buu qaban doonaa waxuuna dhihi doonaa hogaamiye kooxeedka soo daahay… “Dalka waxaan kasoo furfuray…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu kusoo laabto miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, oo Arbacadii isaga cararay, kaddib markii looga adkaaday dooda. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay weli diyaar u yihiin inuu sii socda Shirka Horudhaca ah ee Teendhada Afisyooni, isagoona ugu baaqay Farmaajo inuu soo xaadiro Wada-hadalka.

Read More

Ismaaciil Cumar Geelle oo 73 jir ah ayaa markii shanaad ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha ee ka dhacday Jabuuti, wuxuu helay 98% cododkiii dadweynaha reer Jabuuti, halka musharaxii la tartmayay Zakariye Ismaaciil Faarax uu ka helay 1.59%. Geelle ayaa markii u horreysay xilka Madaxweynaha qabtay, sannadkii 1999 kii, waa mid ka mid ah hoggaamiyaasha ugu waqtiga dheer qaarada,

Read More

Shirkadda Golis oo fulinaysa go`aankii ka soo baxay guddiga xalinta suuqa lacaga Puntland ayaa berri laga bilaabo hakinaysa in adeega “Sahal” la isugu diri karo $1 wixii ka hooseeya. Tallaabadaan ayaan saamayn doonta Guud ahaan deegaanada Puntland, marka laga soo tago magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo. Guddiga ayaa go’aan kan la mid ah horay u soo saaray, balse dib ugu laabtay.

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargalinta tababarada kor loogu qaadayo tayada Ciidanka Booliska Puntland. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hirgalinta Barnaamijka Tababarka Ciidanka Booliska Puntland ee xoojinta ku shaqeynta shuruucda, Barnaamijkaas oo ay Wasaaradda Amniga Puntland ka taageerayso Hay’adda UNDP, sidoo kalena socon doona muddo hal sanno ah, iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland. Wasiir ku xigeenka Amniga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan, ayaa sheegay in hirgalinta Barnaamijka uu ka qeyb qaadanayo sidii loo heli lahaa Boolis tayeysan,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u Naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) oo ku geeriyoodey Muqdisho. “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cirro la qaybsanayaa dhammaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Bari, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay Puntland, wuxuu hore usoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xaafuun, sidoo kale wuxuu…

Read More

Madaxweynayaasha Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo wada-hadallo uga bilowdeen Addis Ababa, ayaa is afgarad ku gaaray in lasoo afjaro colaada ka taagan deegaano dhaca xuduuda labada Ismaamul, sida ay shaacisay Wasaaradda Nabadda Dowladda Federaalka Itoobiya. Wada-hadalada labada Madaxweyne Ismaamul ayaa yimid kaddib markii dagaalo lagu hoobtay oo salka ku haya muran dhul, ay maalmihii ugu dambeeyay dhexmareen Ciidammada Labada dhinac, oo garabyo ka helaya maleeshiyaadka Soomaalida iyo Canfarta.

Read More