Beesha Caalamka ayaa ka hor timid hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cusmaan Abuukar Dubbe, kaas oo ahaa inuu burburay Shirkii Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida inay sii wadaa Shirka, ayna muujiyaan isku tanaasul. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Beesha Caalamka. International Partners Urge that Talks Continue International partners* are alarmed by public statements made by some officials yesterday suggesting that the closed-door, consultative, ice-breaking meeting of Federal Government and Federal Member State leaders is not making progress. We stress that these talks are central…
Author: Jibril Qoobey
Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, saacado kaddib markii Villa Soomaaliya ay shaacisay inuu fashilmay Shirkii horudhaca ahaa ee Teendhada Afisyooni. Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo la weydiiyay cida fashilisay Shirka, ayaa ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay keeneen shuruudo cusub, sida ay hadalka u dhigeen 3 Masuul. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka dalbaday 3 Madaxweyne inay cadeeyeen shuruudaha cusub ee ay la yimaadeen, iyagoona ku dooday inuu ka mid yahay Amniga doorashada in laga wareejiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, Wakiillada ayaana u…
Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay si degdeg ah miiska wada hadalka ugu soo laabtaan. “lama aqbali karo ficilada wararka iyo ficilada aan naxariista ku jirin ee ka soo yeeraya teendhada Afisyooni”.
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, ayna wali taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Farmaajo ku eedeeyay in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase. Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga…
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni, isaga oo mas’uuliyadisa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Deni oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in xal doorasho ee Dalka ay ku jirto in loo caqli celiyo Farmaajo.
Marbaa jirta aan wasiir, wiil, wadaad iyo waranle midna aan wax laga qorin warkooduna shaqeyn. Haddii aan Farmaajo caddeyn aragtidiisa siyaasadeed iyo mowqifkiisa shakhsiga ee ku aadan arrimaha cakiran ee dalka ka jira, sidoo kalana si rasmi ah u ogolaan 2-da arrimood ee hoos ku qoran, wax walba oo dalkaan ka dhaca masuuliyadda waxaa qaadaya, lagulana xisaabtamaya Madaxwaynihii hore ee Farmaajo. 2-da arrimood,ayaa kala ah …. Farmaajo in uu si rasmi ah u caddeeyo, una ogolaado in muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday 8 Feb, 2021, oo uusan laheyn awood fulineed oo sharci ah, marka laga reebo mattalaadda sii joogista xaafiiska…
Kulan u dhexeeya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la yeelanaya maanta Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadli doonaa fashilka ku yimid Shirka horudhaca ah Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo uu fashiliyay Farmaajo. Wakiillada Beesha Caalamka oo xalay la kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa uga digay inay ka baxaan Muqdisho, sida uu u qorsheeyay Farmaajo, waxaana ay sheegeen in hadii ay dhaqaaqaan ay u aqoonsan doonaan Qaswadayaal.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si weyn uga digay mudo kororsi ay ku degdegayso kooxda hogaamiye kooxeedka soo daahay ee Farmaajo. “Mudo kordhin aan wadan heshiis guud waxay keenaysaa kala qaybsanaan iyo qas,waana in hada laga hor tagaa”Ayuu yiri Cumar.
Shirkii Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday, iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa fashilmay, kaddib markii Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday inuu saxiixo waraaqda cadeynaysa inuu dhamaaday muddo-xileedkiisii, sidoo kalena Amniga Doorashada uu ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah. Farmaajo ayaa kulanka oo socda isaga baxay, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen xubno ku sugan Afisyooni, wallow Wasiirka Warfaafinta DFS Cusmaan Dubbe uu sheegay inay Shirka fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa goor-dhaw la hadli doona Saxaafadda, iyagoo eedeynta fashilka Shirka dusha uga tuuri doona Farmaajo.
Il lagu kalsoonaan karo,ayaa ii xqiijisay in hogaamiye kooxeedka soo daahay aqbalay si buuxda Qodobka 2-aad. Balse kan labaad weli ku qalaamintii lagu hayay ay socoto. 1.Horjoogaha soo daahay Farmaajo oo aqbalay awoodiisa in la dhimo kuna wareejiyo amniga iyo in uusan wax xil ah magacaabi karin kana qaadi karin qofna. 2.In shirka ay ka soo qeybgalaan labo Madaxweyne hore iyo Cabdi Xaashi Abdullahi. Labadaas Qodob kadib waxaa loo gudbiyaa in laga heshiiyo arinahan lana qabto Shirweynaha…. GedoSl doorashadeeda MaamulkeedaGuddiga cidda laga beddelayo. Jibril Qoobey
Cabdirashiid Khaliif Xaashi, Agaasimihii hore ee Machadka Heritage oo wareysi siinayay Hanoolaato ayaa hadlay Siyaasadda cakiran ee dalka, dhaqamada qar iska tuurnimada ah ee Farmaajo, waxaana uu sheegay in dalku meel xun marayo.
Shirka horudhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta dib uga bilaabanaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaddib markii uu hakad ku yimid Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sidoo kalena ay Madaxdu kala aadeen wadatashiyo gaar gaar ah. Shirka oo looga hadlayo Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka ayaa la isku mari waayay sabtidii iyo Axadii, waxaana dood adag miiska soo saaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, halka Farmaajo uu iska soo hormariyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo markii dambe looga adkaaday dooda. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay in Shirka lagu gaaro heshiis gogol…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in Puntland ay wado qorshe dib ay ugu soo ceshanayso deegaanada ka maqan gacanteeda ee Gobalada Sool iyo Sanaag. Wasiir Dhabancad oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay xalay barta Clubhouse, in Magaalada Ceergaabo oo kali ah ay Puntland gacanteeda ka maqan tahay marka la eego Gobalka Sanaag, uuna dhowyahay qorshihii dib loogu soo celin lahaa, halka Laascaanood ay Puntland dhowaan soo ceshan doonto. “Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna…
Madaxtooyada Dawlada Puntland waxaa maanta ka dhacay shir Amni oo lagu xalinayey dhacdadii 17 March ay ku dhinteen 3 nin oo reer Guuraa xoolo dhaqato ah. Shirkaan oo ahaa kii 4aad waxaa lagu kala qaatay $ 1000 USD oo Duug ah iyo $ 1000 qorigii falka lagu fuliyey ah ninkiiba, iyadoo isla goobta lagula kala wareegay lacag cadadkeedu dhamaan $ 6’000 USD. Waxaa kale oo lagu balamay in ninwalba laga bixiyo 100 Neef oo geel ah sida uu ilaahay ka jideeyey qofka ninka ah magtiisa, waana markii 1aad oo ay xeertaan odayaasha labada dhinac ee Goballa mudug wadda dagan. Fulinta…
Xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda dhexe iyo maamulada in ay gaaraan heshiis. War kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka ayaa dowladda dhexe looga dalbaday in doorashada ay ku qabato heshiis iyo Wada ogol. Warka kasoo baxay beesha Caalamka ayaa sidaan u qornaa: Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la…
Wafti uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Dowladda Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa koormeer shaqo ku tagey Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
Qiimaha la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladi ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay. Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay. Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM,…
Xarunta Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland, waxaa maanta aqoon kororsi ku saabsan Barashada shaqada Baarlamaanka uga furmay 20 arday oo wax ka barta Jaamacadda Boosaso gaar ahaan kuliyadda Culuumta Bulshada. Ujeeddada guud ee tababarka ayaa looga gol-leeyahay xoojinta nidaamka dawladnimada, dawlad wanaaga iyo fahanka shaqada baarlamaanka. Furitaanka aqoon-kororsiga waxaa ka soo qayb-galay hormuudka xafiiska arrimaha ardayda ee Jaamacadda Boosaso xarunteeda Garoowe, qaar ka mid ah macalimiinta Jaamacada iyo hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana aqoon kororsiga si rasmi ah u furay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa caawa marti ku ah Madasha Clubhouse, isagoo ka hadli doona “XAALADA KALA-GUURKA EE SOOMAALIYA IYO DOORKA PUNTLAND”. Madasha oo bilaabanaysa 9:30 ee caawa, ayaa sidoo kale Wasiir Dhabancad lagu weydiin doonaa su’aalo ku saabsan marxalada kala-guurka ah iyo Siyaasadda Puntland ay ku wajahayso iyo shirarka ka socda Afisyooni. Idilnews
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay talaabada Xeer ilaalinta DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday ay ku laashay gal-dacwadeedkii Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kass oo ku eedeysanaa xasuuq uu dad Shacab ah ugu geystay Gobalka Gedo. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey…
Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka soconaya Gobalka Sitti ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dagaalka oo bilowday saaka aroornimadii ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaadka Canfartu ay soo weerar deegaan ay degan yihiin xoolo dhaqato Soomaali ah, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News. Idilnews
Shirkii hordhac ahaa ee u dhaxeeyay DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhacay, iyadoo la go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la isugu yimaado, kaddib marka uu dib ugu soo laabto Muqdisho Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo shalay safar gaaban oo degdeg ah ku tagay Dhuusamareeb. Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani, ayaa xaqiijiyay in dib loo dhigay Shirka maanta. “Shirkii Madaxda Soomaaliyeed uga socday Afisyooni, Kulankii saaka loo balansanaa waxaa dib loogu dhigay oo lala sugaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qooroor, oo Safar kaga soo laabanaya Dhuusamareeb” ayuu yiri Jaamac Deperani
Shirka horudhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta dib uga bilaabanaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaddib markii shalay Madaxdu ay kala aadeen wadatashiyo gaar gaar ah. Shirka oo looga hadlayo Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka ayaa la isku mari waayay sabtidii iyo Axadii, waxaana dood adag miiska soo saaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, halka Farmaajo uu iska soo hormariyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo markii dambe looga adkaaday dooda. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay in Shirka lagu gaaro heshiis gogol xaar u noqon kara Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii September, iyagoo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga ku booqday askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka.
Xafiiska xeer ilaalinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray gal-dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo la xariiray xasuuq uu ka geystay Gobalka Gedo. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa talaabadan ku tilmaamay mid laga xumaado oo muujinaysa in Hay’adaha sharciga Dalka loo adeegsanayo siyaasad iyo qabiil. Idilnews
Warar xaqiiqo ah oo naga soo gaaraya Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug Ayaa sheegaya In Al-Shabaab deegaankaas oo ah xudduntooda ay ka wadaan Abaabul & Hub aruursi. Sida ay ila wareedyada sheegayaan, qorshaha Al-Shabaab waxay duulaan kusoo yihiin Garacad, oo hadda ay ka socoto Mashruuca dhismaha Dekadda. Taariikh 02 April 2021, wuxuu Wasiir Oomaar is hortaag ku sameeyay duulimaad Diyaaradeed oo ku socday Garacad. Duulimaadkaas waxaa saarnaa maal-galiyaal shisheeye oo rabay inay soo qiimeeyaan Dekaddaas & Deegaan Oolimadkeeda. Qorshahan Al-Shabaab waxaa dabada ka riixaya Siyaasiin Soomaaliyeed oo siyaasadaynaya horumarka dalka, gaar ahaan xubno katirsan Villa Somalia, kuwaas oo gacan ka…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdullahi Cabdisalaan Xassan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ka qayb galay kulanka xuska maalinta miinada aduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda iyo hay’adda miinada ee aduunka (UNMAS), kaas oo lagu xusay Degmada Goldogob guud ahaan Somalia. Xafladan ayaa darneed in lagu baraarujiyo dadka ku nool deegamada miinaysan sida Goldogob siday isaga ilaalin lahayeen walxaha qarxa ee ku xeeran iyo sidoo kale sidii loogu qareemi lahaa deeganada Puntland ee miinaysan indhaha caalamkana loogu soo jeedin lahaa sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa. Ugu danbeyn waxaa xafladan goobjoog…
Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo xaaladaha lacagta Shilin Soomaaliga iyo go’aamo hor leh oo ay soo saareen. Guddiga ayaa go’aankooda uu daba socdaa 13 qodob oo ay horey usoo saareen , kuwaas oo looga hadlay sidii loo soo celin lahaa Isticmaalka Shilin Soomaaliga iyo xasilinta lacagta. Kulamada go’aanada lagu gaaray waxa qayb ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Bangiga Dowladda iyo shirkadaha bixiya adeegyadda lacagaha danabeysan. Mudane Faarax Cali Shire oo ka mida xubnaha Guddiga ayaa sharaxay ahmiyada kulanka, wuxuu sheegay in qodobada lasoo saaray loo baahan yahay in…
Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay dhalinyaro gaaraysa 4, kuwaas oo ka goostay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, tababarna kusoo qaatay Dalka Turkiga.
Madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/rixmaan Faroole, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa si adag uga hadlay marxalada uu dalku marayo, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo muddo-xileedka dhamaaday ee Madaxda DFS iyo Hay’adaha Dastuuriga ah.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo mudooyinkii danbe howlo shaqo u joogay Magaladda Miqsisho ee ayaa dib ugu soo labtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Ujeedada safarka deg-dega ah ee Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay inuu ka hortagayo in aysan ka dhamaan mudada uu Dastuurka Galmudug uu Madaxweybaha u ogal yahay inuu Deegaanka ka maqnaado, taas oo ah 45 cisho. QoorQoor ayaa berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho si uu uga qeybgalo Shirka horudhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada uga socda socda Afisyooni, kaas oo maanta hakad ku jira.
Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray BBC-da, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay. Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan caqabadaha hortaagan Doorashooyinka. Cumar Cabdirashiid ayaa ka digay in lagu guuldareysto wadahadalka socda ama dhinac loo weeciyo dhabbaha wanaagsan ee lagu abuuri karo qorshe siyaasadeed cusub, oo lagu xoojinayo heshiiska Doorashada 17-kii September 2020.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Shirarka hordhaca ah ee Teendhada Afisyooni ku yeesheen Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana uu ku booriyay in la sii wado, sidoo kalena ay heshiis gaaraan. “Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka…
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay sara kaca cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland. Wasiir Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Dadka uu haleelayo cudurka COVID-19 iyo dadka u dhimanaya ay kordheen ilaa bilawgii sanadkan 2021, gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay. Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro. Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan talaabooyinka muhiimka u ah ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tallaalka, isagoona…
Amiirkii hore ee dhaxalsugaha ahaa ee waddanka Urdun ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu iskudayayo inuu hogaamiyayaasha qabaa’ilka ka horkeeno dowladda, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa sidaas sheegay. Amiir Xamza bin Xuseen ayaa waxa uu “kooxo ajaanib ah” kala shaqeeyay sidii xasiloonni darro loogaga abuuri lahaa qaranka, ayuu yiri Ayman Safadi. Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay. Waxa uu iska fogeeyay inuu wax maleegay, hasayeeshee waxa uu hogaamiyayaasha Urdun ku eedeeyay musuq maasuq iyo maamul xumo.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu jartay qeyb kamid ah lacagtii billaha ee madaxdii hore loogu talo galay. Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay KNN ayaa yiri “Gunnadii nala siin jiray ee loogu talo galay Madaxweynayaal hore ayuu qeyb jartay Farmaajo”. Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray “48 maalin uu Xamar joogay inta uusan Madaxweynaha noqon Anigaa bixinayay gunnada Ciidanka ilaalinayay iyo shidaalka gawaarida lagu ilaalinayay, madaama uu ahaa Ra’iisul Wasaare hore”
Laba xubnood oo kamid ah Shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka qaxayan ayaa farrin loogu hanjabayo Madaxda dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada soo gaarsiiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa la sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble soo gaarsiiyeen inay cunaqabateyn saari doonaan cidii tanaasul iyo dabacsanaan la xiriirta doorashada la imaan weyda. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxaa Warbixino la xiriira khilafka doorashada Somaaliya waxaa u gudbiyay Wakiilada Beesha Caalamka, taas oo aheyd inay gacanta ka taageen xalka garista khilaafka doorashada Soomaaliya.…
Xaalad daran oo ka dhalatay cudurka COVID-19 ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dad ka badan 20 ruux, ay u geeryoodeen cudurka tan iyo dhamaadkii bishii Maarso, waxaana baaris lagu sameeyay dad ka badan 400 qof, laga helay cudurka illaa 200 qof. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqday Shacabka inay qaataan talaabooyinka la hortaga u ah, iyo Tallaalka, si loo xakameeyo fidista cudurka COVID-19.
Abaar daran ayaa ku dhufatay qeybo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, taas oo galaafatay nolasha dad iyo duunyo fara-badan. Meelaha ugu daran ee abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa kamid ah Gobalka City ee Deegaanka Soomaalida, waxaana la sheegay in gaajo iyo haraad ay u dhinteen illaa 25 ruux, oo u badan haween iyo carruur. Xuseen Gadiid, oo kamid ah Odayaasha Deegaanka ayaa BBC u sheegay in abaarta ay u raaceen dagaalo ba’an iyo dhac ay u geysanayso qoomiyadda Canfarta, isagoo Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay lasoo gaaraan gurmad deg-deg ah.
Dowladda Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka hirgalisay dhismaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida & Dambiyada culus ee Gobolada Mudug & Cayn. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, oo gaaray Gaalkacyo ayaa kormeerey qaabka loo dhisayo Maxkamadda, oo wali diyaarintii ay ku socoto. Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida & Dambiyada culus ee Gobolada Mudug & Cayn ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda lasoo saaro in ka badan 60-xubnood oo kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo ka dhacay Gobalka Mudug.
Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa soo bandhigay howlgal ay ku qaadeen xarun Daacish ay lahaayeen ee ku taalay gobolka Bari, halkaas oo ay ku laayeen ciidamadu xubno argagixisada ka tirsan, waxayna burburiyeen gaadiid iyo saldhigyo.
Guud Laawe & QOOR-QOOR oo kusoo daray shirka in laga reebo qodobada qusseeya Mucaaradka & Dhacdadii 19-ka February 2021 & Weerarkii Madaxwayne Yaashii hore. Doodda Guud-Laawe & QOOR QOOR ayaa ahayd inay iyagu yihiin dadka ka hadli kara dhacdadaas oo ay PL & JL arrimahaas Farah’s kala baxaan, waxay ku adkaysteen inay iyagu matalaan dadka Reer MQ. Qododkaasi wuxuu keenay in PL & JL ay yiraahdaan, waa run inaad matashaan dhalasho ahaan dadka Reer MQ iyo madaxdooda, waxba kama qabno, haddaba waxaan annaguna soo jeedinaynaa in aad isu kaaya daysaan ( annaga isku Reerka) ah, annagaa is hayna oo wada…
Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in weerarkii lagu soo qaaday 19-Febaraayo Hotelka Maa’ida la doonayay in lagu khaarajiyay isaga iyo Madaxwynihii hore Shariif Sheekh Axmed. “Waa la qorsheeyey dhabey aheyd, in nala dilaa loogu talagalay oo aan ku dhimmano weerarkii aniga iyo Sh. Shariif nalagu qaaday ee Hotel Maa’idda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa berri ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, maadaama mudada 45 cisho ee Dastuurka Galmudug dhigaya in aanu Madaxweynaha ka maqnaan karin deegaanka ay ka dhamaatay. Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu berri u tagayaa Dhuusamareeb si uu ugu soo dhufsado 45 cisho oo cusub, kaddibna uu gelinka dambe ee berri ama subaxa hore ee Talaadada dib ugu soo laabto Muqdisho. Shirka hordhaca ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah, si…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu qoyska, qaraabada, Shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cali Xuseen Nuur, oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Nabaddoonku uu ahaa shaqsi Cibaado badan oo mudo kasoo shaqaynayay Nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummada.
Guddiga Xalinta Dhibaatada Suuqa Lacagaha Puntland ayaa soo saaray qodobo cusub, xilli aan deegaanada laga wada adeegsan lacagta Shilli Soomaaliga ah, qiima koror na uu ku yimid adeegyada iyo alaabaha dadka danyarta ah ay ku iibsan jireen Sh. S. Guddiga ayaa soo saaray 3 qodob, si loogu daneeyo shacabka. 1- In mud xadidan la hakiyo adeegsiga Doollarka danabaysan ee ka hooseeya US$1.00, bedelkeeda na in Shirkadaha Isgaarsiinta Ivo Bangiyadu ay danabeeyaan Sh. S. U dhigma jajabka US$0.99 iyo wixii ka hooseeyay, ciddii uga baahata , sidaasna lagu helo laca danababsan (Mobile Money Transfer) oo labadaba ah. 2- Waxaa la isla…
Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa maalintii labaad yeelanaya Shir horu-dhac ah, loogana hadlayo Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka. Hogaamiyayaasha ayaa kulankoodii shalay uu kusoo dhamaaday is afgarad la,aan kaddib markii ay dood adag Madasha la tageen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddibna uu kulanka isaga baxay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida culeys ku saaraya inay 5 bisha kahor heshiis ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka Wada-tashiga Doorashooyinka, iyagoo wixii ka dambeeyay Isniinta lagu wargaliyay in aysan yeelan doonin wax go’aan ah,…
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdo baraha Bulshada qabsatay 48 saac ee lasoo dhaafay, taas oo aheyd Wiil yar oo jirdil loogu geystay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wasiir Xaamud oo garabkiisa uu fadhiyo Wiilka yar ee la jirdilay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo qofkii jirdilay Wiilkan, ayna Cadaaladda horkeeni doonaan.
Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga Abqaale ee duleedka Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug. Ciidammada cusub ayaa loo bixiyay guutada Gama-diid.
Qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa caawa isku qarxiyay goob maqaaxi ah oo ku taal degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Ninka is qarxiyay ayaa beegsaday goobta maqaaxida shaaha lagu iibiyo oo aan sidaa uga fogeyn goob kale oo Qaadka lagu iibiyo, waxaana Dadka dhintay kamid ah dhalinyaro badan oo goobta fadhiyay.
Madasha Badbaado Qaran oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ku eedaysay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee DFS in uu Ciidanka Xooga Dalka ku dayacay furimaha dagaalka, isagoo baylah uga dhigay Argagexisada Al-Shabaab, sirdoonkii dalkana ku hawlay dabagalka siyaasiyiinta iyo hawlaha doorashooyinka.
Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Garoowe Shir looga hadlaayay dardargelinta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, gaar ahaana mashaariicda uu Bangiga Adduunka ka taageero Dowladda Puntland. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cumar Fiqi oo kulanka shir guddoomiyay ayaa warbixino ka dhageystay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda sida Xisaabaadka,Dakhliga,Miisaaniyadda, FMIS-ka iyo khuburada ka shaqeysa Wasaaradda. Shirka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray mashaariicda,caqabadaha jira iyo fursadaha iyo shaqooyinka qorsheysan.
Dhismaha dekedda Garacad ayaa galay waji cusub oo heer gabagabo ah ku dhaweynaya , waxaa la dhammaystiray qeybta ay ku xiranayaan maraakiibta iyo doomaha. Sidoo kale, Waxaa hada loo leexday dhismaha qeybta Maraakiibta waa weyn iyo konteenarada.
Hogaamiye kooxeedkii soo daahay waa kasoo cararay goobtii Shirka,kadib markii si adag ay ula doodeen Pl iyo Jl. Hogaamiye kooxeedku waxuu soo jeediyay dhankiisa in aan wax Ajanda ah laga wada hadlin oo kaliya saxiix la sameeyo. Halka Pl iyo Jl ay ku doodeen in 8-dii Feb waxii ka danbeeyay laga wada hadlo lagana heshiiyo sida dalku ku gaari karo doorasho. Halkaa markay marayso,ayuu hogaamiye kooxeedku istaagay oo yiri yaa aragtidayda igu raacsan,waxaana gacanta taagay 3-dii la hayaste,kadib Pl iyo Jl,ayaa ganafka ku dhuftay oo si adag ula hadlay. Ugu danbayna waa kasoo baxay hogaamiye kooxeedka Shirkii isagoo ku qaylinaya…
Dhaban cado,Abaaruc, iyo Digaale waa Buuraha dhinaca Qorax ka dhac ka xiga Baliga 15-km ayey u jiraan ilaa 20-km. Ciidamadu gelinkii hore guulo waa weyn ayay gaareen laakiin soo noqodkii ayey argagixisadu jidka ugaleen. 11-dhaawac iyo labo dhimasho ah ,ayaa Ciidamada soo gaaray. Dhinaca Daaciish Maleeshiyo fara badan,ayaa laga dilay, waxaana la qabtay Gaari qarax siday iyo maxaabiis aan tiradooda la ii xaqiijin. Ciidamadu waxay joogaan Banka Qara oo waa kasoo degeen Buurihii lagu dagaalamay. Gurmad xoog leh oo ka kala yimid Talisyada PSF iyo Madaxtooyada,ayaa u yimid dhaawaciina kasoo qaaday. Alshabaan,ayaa iyaguna ka ag dhawaa halkaas lagu dagaalamay maanta.…
Shirka horu-dhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada oo saaka ka furmay Teendhada Afisyooni, ayaa goor-dhaweyd soo gaba-gaboobay, iyadoo aan wax is afgarad ah la gaarin. Shirka oo ku bilowday is-laab xaarasho ayaa diirada lagu saaray Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiska Doorashada, hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaana dood adag dhexmartay inta Shirku uu socday. Madaxda ayaana ku balamay kulan kale oo berri la isugu yimaado si loo sii amba qaado doodaha Labada dhinac. Idilnews
Dagaal u dhexeeya Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Kooxda Daacish ayaa ka dhacay saaka ka bilowday dhulka buuraleyda ah ee Degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan yimid kaddib markii Ciidanka PSF-ta Puntland ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen kooxda Daacish, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac. Sarkaal kamid ah Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo hub. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News. Idilnews
Cutubyo cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa tababar loogu soo xiray dugsiga tababarada Ciidammada ee ABQAALE ee degmada Xarfo ee Gobalka Mudug. Ciidanka ayaa loo bixiyay guutada 15-aad ee Gama-diid, waxaana munaasabadda tababarka loogu soo xirayay goobjoog ahaa Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland oo uu hoggaamiyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Rag dhaawac iyo dhac ugu geystay qof shacab ah magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, kuwaas oo u baxsaday duleedka Magaalada. Ragan oo ahaa Labo ayaa dhaawacay Wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay gaari (Probox), iyagoona intaas kaddib ka dhacay gaariga. Ciidammada ayaana howlgallo saacado qaatay kaddib gacanta kusoo dhigay Ragan oo ka baxsaday Magaalada falka kaddib. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qof shacab ah lagu xadgudbo isaga iyo hantidiisa, isagoona intaas ku daray inay Cadaaladda horkeeni doonan kooxdan dhaawaca iyo…