Author: Jibril Qoobey

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay howlgallo lagu dhaqan galinayo bandow habeenkii ah iyo afxirashada, si looga hortago cudurka COVID-19. Booliska Jubbaland ayaa la faray inay dhaqangeliyaan awaamiirtaaasi. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo laba-kacleeyay cudurka COVID-19, iyadoo dhimasho badan laga soo sheegayay maalmihii dambe. Idilnews

Read More

Shir horu-dhac ah oo u dhexeeya Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaas oo looga Ajandaha Shirka dhameystirka doorashada kaas oo si rasmi ah maalmaha soo socda u furmaya. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Deperani, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada.” Idilnews

Read More

Shirka DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, iyadoo shirku yahay mid albaabada u xiran. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen. Shirka maanta ayaa la filayaa in looga heshiiyo ajandaha shirka soo socdo, is fahamka shirkan hordhaca ah laga gaaro ayay ku xiran tahay jawiga uu ku furmi doono shirka rasmiga ah.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa gaaray Teendhada Afisyooni oo uu ka dhacayo Shir hordhac ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo looga hadlay Ajandaha Shirka dhameystirka heshiiska doorashada. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka, ayna garwadeen ka tahay ayaa waxaa amaankiisa sugaya Ciidanka AMISOM, iyadoo Ilaalada Madaxda Soomaalida lagu reebayo banaanka. Idilnews

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku bilowday qaraxyo saaka aroortii ku qaaday saldhigyo ciidan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lee yihiin deegaanada Awdheegle iyo Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Weerarka kowaad ayaa maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidanka xoogga dalka ku leeyihii  deegaanka Bariire, weerarkan ayaana ku bilowday 2 gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Sidoo kale weerar kale ayay ku qaadeen deegaanka Awdheegle oo isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah. Dagaal saacado badan qaatay ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanadaas oo sanad ka hor ciidanka dowladda ay la wareegeen, mana jirto illaa hada cid xaqiijin…

Read More

Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka ayaa maanta ka bilaabanaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho. Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ujeedadiisa tahay in laga heshiiyo Ajandaha Shirka guud, waana mid kamid ah shuruudihii horey ay u soo bandhigeen Puntland iyo Jubbaland.

Read More

Sida ilo kala Ka duwan aan ka soo xigtay, Waxaa dhinacyadii amniga ee shirka Afisyooni , ay isla garteen In hoolka Teendhada amaankeeda ay la wareegto Amisom, In gudaha Teendhada aan lala geli karin askarta hubaysan ee wadata hubka muuqda. In Madaxda ay la soo galaan ciidamada VIP protection loo yaqaan lana xadido tiradooda. In dhamaan madaxda oo ay ku jiraan kuwa Dowladda Federaalka ay ciidanka uga tagaan banaanka Teendhada Afisyooni. Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa soo wadan doona istaafyadooda balse waxa ay uga tegi doonaan banaanka teendhada Afisyooni.

Read More

Puntland iyo Jubbaland ayaa la oran karaa ilaa iyo hada,ayagaa ku guulaystay goos-goosadkii Siyaasada Somaliya.. 1.Shirka beri beesha caalamkaa martigelisay. 2.Shirka beri beesha caalamkaa amniga sugaysa. 3.Shirka beri beesha caalamkaa goobjoog ka ah. 4.Shirka beri waa loo siman yahay oo majirto cid gudoon leh. 5.Shirka beri Ajandahaa looga wada xaajoonayaa. 6.Shirka Beri waxuu meesha ka saarayaa Ajandihii hore ee ay wateen kooxda hogaamiye kooxeedka soo daahay. 7.Shirka beri saxaafada looma ogolaan doono. Dhamaan Shuruurdahaas waa kuwii ay wateen Pl iyo Jl oo lagu khasbanaaday ugu danbayn. Jibril Qoobey.

Read More

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa ka joojisay duulimaadyada deegaanada Puntland Shirkadda diyaaradaha Premiem, taas oo dhowaan diiday in ganacsato maal-gashi dooneysay ay geyso deegaanka Garacad oo uu ka socda dhismaha deked caalami ah. Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa ku eedeysay Shirkadda diyaaradaha Premiem, inay ku xadgudubtay sharciga duulimaadyada Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, Ree Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Yasiin Jaamac, oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xaaji Yasiin Jaamac uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland iyo sidoo kale qaar kamid ah Hay’adaha ilaa maanta shaqeeya sida Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland JCCI oo muruq iyo maalba uu u huray sidii dadka Ree Jubaland ay uga faa’iidaysan lahayeen isagoo ahaa Gudoomiyahii ugu horeeyay ee…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kordhiyay muddo sanad ah cunaqabateyn lagu xayiray Dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay Barack Obama iyo Donald Trump ay hore tallaabadan oo kale ku dhaqaaqeen. Qoraal kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga. “Iyada oo la qadarinayo Xaaladda Soomaaliya, Amniga iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn” Sidaasi waxaa lagu yiri Warqadda Aqalka Cad kasoo baxday. “Sababta…

Read More

Ciidanka Amniga Gobalka Nugaal ayaa gacanta kusoo dhigay Rag 24 saac er lasoo dhaafay falal amni-darro ka geystay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse. Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in laamaha amnigu ay qabteen Labo Nin oo falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay Caasimadda, ayna Cadaaladda horkeeni doonaan. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Guddoomiye Axmed Barre. “24 saac u dambeysey dilkii dhacay, waxay gacanta kusoo dhigeen laammaha ammaanku eedaysanihii, haddana waa xiran yahay.Waxaa kaloo jira, wiil yar dhibane u ah in mid kale baad iyo jirdil isugu daray.…

Read More

Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa beenisay qoraal uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, kaas oo ku aadan in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday uu Shir isugu yeeray sabtida Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Akhriso qoraalka Madaxtooyada Puntland. Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada. Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed…

Read More

Ninkan waa Lataliyaha Amniga ee horjoogaha soo daahay,waxaana lagu magacaabaa Cabdi Siciid Dhalasho ahaan waxuu kasoo jeedaa Puntland. Diyaaradii Garacad aadi lahayd Ninka baajiyay ee la hadlay Mulkiilihii Diyaarada waa isaga oo bixiyay amarka loogu goodiyay in ruqsada lagala laababayo haday Garacad ka degto. Diyaarada oo la hadashay Tower-ka Xamar loona xaqiijiyay Hawadu in ay nadiif tahay oo ay duuli karto,ayaa markay biliwday in ay dhabaha ku orodo waxaa si toos ah ula soo hadlay Mulkiilaha,kaasoo ku amrayvPilot-ka in uu istaago dibna u laabto. Ogow Cabdi Siciid waa Musharax Xildhibaan oo Puntland raba in uu ku matalo Baarlamaanka Fadaraalka. Dowlada…

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo Shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay in Laamaha ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen kooxdii ka dambeysay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay, AUN Cumar Maxamed Samatar oo ahaa sarkaal katirsan laanta dambi baarista Puntland ee C.I.D. “Argagixisada Al-Shabaab waxaan lee nahay Gaalkacyo iyo Mudug waa idinkaga dhamaatay, ma aha waagii intaad qof dishaan, la oran jiray wax dilay lama yaqaan, dad aad ka dhuuman kartaan ma nihin hadda, wayna idinkaga dhamaatay magaaladan wixii aad ku heyn jirteen 10 sanno ee lasoo dhaafay, albaabkoodiina waan soo xirnay, inaad ka…

Read More

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ay isugu keeneyso hoggaamiyeyaasha Soomaalida, kaddib markii ay fashilmeen dadaaladii socday ee Madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda wadeen ee ahaa in si wadajir ah shirka looga qeybgalo. Shirka Sabtida oo ah mid aan rasmi aheyn ayay xubnaha Beesha Caalamka wadaan inay markaan iyaga qaataan doorka isu keenida labada dhinac.Tan iyo xalay waxaa socday cadaadis xooggan oo labada dhinac la saarayay, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, isla markaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda. Ilo ku dhow dhow Xalane ayaa sheegaya in haddii todobaadkan xal uu iman waayo…

Read More

Xasan Xaaji oo ah Xildhibaan hore ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ay soo gaba-gabeeyeen eedeymaha ku saabsan rabshadihii ka dhacay M/ Baydhabo, xilligii doorashada K/ Galbeed sanadkii 2018. Sidoo kale waxa uu sheegay in qarreenada ka guddoomeem galka dacwad loo heysto Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM qeybta Sector 3 oo loo heysto xasuuqa illaa 15 ruux. Ma sheegin halka ay dacwada ka fureen haddii ay tahay gudaha dalka iyo dibadda.

Read More

Golis maxaa laga rabaa ?? Rabitaanka 1-aad ??Waxaa laga rabaa in ay umuujiso wada shaqayn buuxda laamaha amaanka. 1.In ay diiwaan geliso Qof walba oo Card ka qaadanaya. 2.In ay macluumaadka Qofkaas ugudbiso Dowlada markii loo baahdo. 3.In ay la shaqayso sirdoonka marka ay uga soo baahdaan xogo dheeriya. 4.In lacagaha laysku diro macluumaadkooda iyo amaankooda ay sugto. Tusaale”Hadda ka hor Nin ka tirsan Maamulka Maaliyadda Shirkaddaas,ayaa loo xiray kiis la xiriira Alshabaabnimo kadib markii Gaalkacyo lagu dilay Madaxii Amniyaadka, Ayaamo yar kadib markii uu dhacay qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug, kaasoo ay ku cadaatay in uu wada shaqayn…

Read More

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Golaha Ammaanka Ambassador Barbara Woodward, ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso dadaalada socda ee uu hormaadka ka yahay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kuwaas oo go’aan looga gaarayo Arrimaha cakiran ee Doorashooyinka Soomaaliya. Barbara Woodward, ayaa xustay in aan la aqbali doonin doorasho hal dhican ah, kuwo is-barbar socda iyo mudo korarsi loo sameeyo Madaxweynaha iyo Hay’adaha xil heyntoodu dhamaatay ee DFS. “Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalada uu wado Ambassador James Aswan, mana soo dhaweyneyo doorasho hal dhican ah, kuwo is-barbar socda iyo mudo korarsi Dowladda xil heyn dhamaatay. laakiin way ogol yihiin ku darsasho…

Read More

Laamaha ammaanka Gobalka Mudug ayaa albaabada isugu laabay xarumaha shirkadda Golis ku leedahay Gaalkacyo kadib markii lagu sababeeyay isfaham-waa, wada-shaqeyn,oo ka dhex-maray maamulka Golis qeybta Gaalkacyo iyo guddiga Amniga gobolkaas. Xubno ka mid ah saraakiisha Amniga ayaa ku eedeeyay shirkadda Golis maamulkeeda Gaalkacyo inuu diidey sidii gacan wanaagsan uga geysan lahaa,kaqeyb qaadashada danta guud ee xagga sugidda nabadgalyadda gaar ahaan inay ka caawiyaan macluumaadka looga soo baahdo,taasina sababtay dacwad ka dhan ah boolisku inuu ka gudbiyo maamulka shirkaddaas u jooga Gobolka Mudug. Amarkaan oo sida la sheegay u fasaxayay booliska irdaha inay u laabaan xarumaha shirkaddu ku leedahay Gaalkacyo,waxaa lagu…

Read More

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku geeryooday Saddex nin oo dhallinyaro ah, kaddib markii uu ku duntay Suuli la qodayay. Sidoo kale, Ruux kale ayaa ku dhaawacmay, iyadoona gaadiid deg deg ah lagu qaaday dadka dhintay iyo ruuxa dhaawacmay. Mid kamid ah 3 nin ee geeryooday oo qodaya musqusha ayaa bullaacad kale ku fatahday, ragga kalena gurmad ayey ugu tageen.

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Markab u raran ganacsato Soomaaliyeed uu kusoo caariyay xeebta magaaladaas. Markabkan oo sida Shamiito, ayaa sida qorshuhu ahaa maanta lagu waday inuu kusoo xirto Dekedda Boosaaso, balse markabka ayaa ka baxay marinadii Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso. Dadaalo lagu badbaadinayo markabkan ayaa haatan socda, iyadoo la filayo inuu goor-dhow si toos ah ugu xirto Dekedda Boosaaso.

Read More

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada in ay ugu horayn shiraan si loo xaliyo khilaafka ka jira doorashooyinka. War saxaafadeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in laga dhagaystay ergeyga gaarka ah ee Q.M. u fadhiya Soomaaliya Amb James Swan in ay muhiim tahay in doorasho loo dhanyahay ka dhacdo Soomaaliya “sida ugu dhakhsaha badan” taasna ay dan ugu jirto dhamaan soomaalida. Golaha amaanka ayaa ugu yeeray dhinacyada in ay xalliyaan arrimaha taagan iyadoo lagu saleynayo heshiis ay gaareen 17 Sebtember 2020. Tani waa baaqii labaad ee bishaan ay soo gudbiso…

Read More

Koox hubaysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku dilay sarkaal ka tirsanaa Laanta Danbi baarista Puntland ee C.I.D, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed Samatar. Kooxda oo ku hubaysneyd bastoolado, ayaa sarkaalkan toogtay xilli uu fiidnimadii xalay ku sii jeeday gurigiisa, sida ay sheegeen laamaha Amniga Gobalka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen mid kamid kooxdii dilka fulisay oo aheyd Saddex dhalinyaro ah, iyadoo lagu daba-joogo 2 kale iyo dad kale oo lala xariirinayo Kiiska dilka ah.

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Farmaajo uu caqabad ku yahay Nabadda iyo xasiloonida Dalka loona baahan yahay in la iska qabto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siinayay KNN ayaa sidoo kale ku eedeeyay Maamulada matalada we Galmudug iyo Hirshabelle inay diideen inay ka qeybqaataan xasiloonida Dalka. “Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle waan ka dhaa-dhicin weynay in ay ka qeyb qaataan xasiloonida dalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Read More

Waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee Wakiillada Beesha Caalamka ugu jiraan isku keenista Hoggaamiyayaasha Soomaalida, si heshiis looga gaaro Arrimaha Doorashooyinka Dalka. Kulamo kala duwan ayay Wakiilada Beesha Caalamka la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland, si la isugu keeno Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland ayaa soo bandhigay shuruudo uu ku qabsoomi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka, hayeeshee qaarkood ay ku adkaatay fulinteeda Villa Soomaaliya. Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayasha Jubbaland & Puntland si…

Read More

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-SISI ayaa Talaadadii sheegay in saamiga dalkiisa uu ku leeyahay biyaha Webiga Nile uu yahay lama taabtaan isaga oo diraya diginin cad oo muuqata inay ku socoto Ethiopia oo biyo-xireen ka sameyneysa webiga Nile. Shir jaraa’id oo uu qabtay, ayuu el-Sissi kaga digay xasillooni darro aysan cidna qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka haddii biyo-xireenka Nile la buuxiyo, lana howlgeliyo heshiis la’aan. “Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yiri. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena.”El-Sissi kuma magacaabin Ethiopia…

Read More

Mahad Salaad oo kamid ahaa Xildhibaano saaka laga celiyay xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ay kala kulmeen Ciidanka lagu gooyay waddooyinka Muqdisho. Akhriso qoraalka Mahad Salaad oo uu Facebook soo dhigay. SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON? Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta ansixisay Manhajka Waxbarasho ee dugsiyada Hoose ee Puntland (1aad – 4aad), kaas oo Wasaaraddu ay soo bilowday diyaarintiisa sanadkii 2013-kii. Wasaaradda Waxbarshada Puntland ayaa sheegtay in manhajka oo ah mid ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalka, la daabici doonaa, loona qaybin doonaa iskuullada hoose ee Puntland, si sannad-dugsiyeedka inagusoo fool leh ay macallimiintu iyo ardayduba u adeegsadaan buugaagtaas. Idilnews

Read More

Dhismaha Wadada dhexmarta Degmada Burtinle ee Gobalka  Nugaal ayaa meel gaba-gabo ah mareysa, iyadoo haatan laami saarista loo diyaariyay 400-M oo ah qeybtii ugu dambeysay. Wadada ayaa waxaa si isku-tashi ah u hirgaliyay Shacabka degmada Burtinle oo kaashanaya Mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG iyo Dowladda Puntland, waxaana sidoo kale qeybta cusub ee dhameystirka ah ku deeqay Shirkadda Kaberco oo dhisaysay Wadadan. Dowladda Hoose ee Degmada Burtinle ayaa sheegtay inay dhowaan bilaaban doonto dhismaha laamiyada u leexda xaafadaha Magaalada, kuwaas oo qeyb ka ah Mashruuca JPLG. Idilnews

Read More

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa saaka ku wareejisay Wasaaradda Xanaanda Xoolaha labo Ambalaas Xooleed. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Cabdiqafaara Cilmi Xaange ayaa ku wareejiyay furaha labo Ambalaas xooleed Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cisman. Labadaan Ambalaas Xooleed ayaa waxaa Ka caawinaya Dowaladda Puntland Mashruuca Biyoole. Ambalaas Xooleed ayaa loo isticmaali doono sidii loogu booqan lahaa meelaha looga baahan yahay oo ka jiraan cudurada xoolaha ku dhaca ama marka uu jiro talaal guud.

Read More

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Ciidan Farmaajo ka amar qaata ay isgoyska dabka ku celiyeen isaga iyo Xildhibaano kale oo kulan baarlamaanka u socday si ay uga qeyb galaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri” Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya”

Read More

Askar katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino oo daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka xaafada Daarusalam ee Muqdisho. Gaari Kaarib ah oo ay saarnaayeen Ciidammo ka tirsan kuwa Taraafikada ayaa loo dhigay Qaraxa, waxaana la sheegay in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 4 Askari.

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS inuu xirtay saaka waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho, ayna tahay la iska qabto. “Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas…

Read More

Wadooyinka waaweyn ee caasimada dalka Muqdisho ayaa saaka xiran iyadoo wadooyinka qaar lagu gooyay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Booliska. Wadooyinka la xirey ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarramah iyo Jidka Wadnaha, sidoo kale waxaa Ciidammo fara-badan lagu soo daadiyay waddooyinka Madaxtooyada. Dadka saaka goobahooda shaqo u kalahayay ayaa lugeynaya iyadoo wararku ay sheegayaan in loo xirey wadooyinkan kulanka golaha shacabka uu maanta yeelanayo. Warqado ay ku qoran yihiin magacyada 15 xildhibaan oo laga ganaaxay kulamada.

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa maanta yeelanaya kulan, kaddib markii labadii kulan ee lasoo dhaafay ay u baaqdeen muran iyo isqab-qabsi. Ajandaha kulanka ayaa lagu sheegay cudurka COVID-19, Ansixinta 2 xubnood oo kamid ah Guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo u codeynta sharciga qaxootiga Qaranka. Sidoo kale, kulanka maanta ayaa laga cabsi qabaa inay hareeyaan buuq iyo fowdo, kaddib markii 15 Xildhibaan oo uu dhowaan sheegay Guddoomiye Mursal in laga joojiyay kulamada Baarlamaanka ay sheegeen inay kulanka tagayaan. Kulamada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday oo muddo hakad ku jiray ayaa la sheegay in dib loogu furay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan ku yeelanaya maanta Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Wakiillada Beesha Caalamka ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka, qabsoomida Shirka dhameystirka heshiiskii 17-kii September iyo sidii Ra’iisul Wasaare Rooble uu u qaadan lahaa doorkiisa ku aadan marxalada kala-guurka ah. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga Doorashada iyo hirgalinta arrimaha doorashooyinka Dalka, waxaana shalay ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo…

Read More

Madasha Badbaado Qaran ayaa soo saartay qoraal ay uga digeyso muddo kororsiga mudda xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, madasha ayaa sheegtay in tallaabada muddada loogu kordhinayo hey’adaha Dastuuriga aysan gacmaha ka laaban doonin. Madasha ayaa sharci darro ku tilmaamtay go’aankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu 15 mudane uga joojiyay fadhiga Golaha shacabka, isla markaana baraha koontaroolada la dhigay magacyada mudanayaashaasi.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka  aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee  uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Laftagareen iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, kaas oo dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, UK, iyo Jarmalka ayaa diirada lagu saaray xaalada cakiran ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka. Safiirada Beesha Caalamka ayaa Farmaajo u gudbiyay fariin adag oo kama dambeys ah, iyagoo uga digay inuu sii carqaladeeyo Doorashooyinka iyo damiciisa ku aadan in muddo kordhin ay u sameeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday. Farmaajo ayaa kulanka intii uu socday la wadaagay Wakiillada Beesha…

Read More

Wafti isugu jira xubno kamid ah Dowladda Puntland iyo Ganacsato u dhalatay dalalka Kuwait iyo Jabuuti ayaa ku wajahan berri Deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug, oo uu ka socda dhismaha Deked isku-tashi ah. Waftiga ka amba-bixi doona Magaalada Garoowe ayaa booqan doono dhismaha Dekedda oo meel gaba-gabo ah maraya, lana filo in bilaha soo socda ay shaqo bilowdo. Dhanka kale, Puntland ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in Garacad laga celiyay maalgashato la socota Dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay faafinta wararka DFS oo muddooyinkii u dambeeyay Lacago fara-badan ku bixinaysay khalkhal-galinta…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa ka digay qorshe uu wado Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, kaas oo ah inuu heshiis difaac la saxiixdo Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea. Cumar Cabdirashiid oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in heshiis difaac oo lala galo dalalka Itoobiya iyo Eritrea uu halis ku yahay dalkeena Soomaaliya, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay talaabadaas ay il gaar ah ku eegaan. “Heshiis Difaac oo lagu xamanayo in uu udhexeeya Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa noqon kara arrin khatar keeni karta oo fiiro gaar ah mudan, haddii…

Read More

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa guddiga dorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya u sheegay cabashada deegaanka haddaan laga jawaabin iney ku adkaaneyso doorashada soo socota iney ka qayb galaan. Warqad uu maamulka deegaanka Soomaalida uu si toos ah ugu qoray guddiga doorashaada qaranka Itoobiya ayuu deegaanka ku codasaday iney guddiga dooorashooyinka dib uga laabtaan go’aanka ay ka gaareen 30 goobood oo cod bixin ah oo hoos tagto 8 tuulo oo ka tirsan deegaanka Soomaalida goobo codbixin ay ka sameeyaan ayna ku soo celiyaan deegaanki ay horay uga tirsanaayeen. Warqad maalinti shalay ahayd ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DDS…

Read More

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalkaas Caarif Calawi laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii Madaxweynaha lagu sameeyay baaritaano kala duwan. Madaxweyne Caarif oo Qoraal kooban bartiisa Twitter-ka kusoo qoray waxaa uu ku sheegay in baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday inuu haleelay Cudurka COVID-19, isla markaana uu galay xaalad karantiil. 20-kii bishaan ayay eheed markii ra’iisal wasaaraha dalkaas Cimraan Khaan laga helay Karoona Fayras, isagoo qaatay tallaalka looga hortago cudurkaan. Mas’uuliyiinta kale ee laga helay cudurka waxaa ka mid ah wasiirka difaaca ee dalkaas.

Read More

Xasan Daahir Aweys, oo xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS inuu u dhaqmayo qof uu lee yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xasan Daahir ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku guuldareystay doorkiisa hoggaamineed ee dalka, iyo inuu dadka uu matalo difaaco, ama iyaga uu ka difaaco khaladoodkooda. “Rooblow waxaa u shaqeynaysaa inuu Farmaajo ku lee yahay, meeshana waxaad ku joogtaa kuraas la qeybsaday midkood, mana taqaanid inaad dad ka wakiil tahay oo kursigoodii ku fadhid ma taqaanid” ayuu yir Xasan Daahir Aweys.

Read More

Shir u dhexeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu kala kacay xalay, kaddib markii la isku mari waayay qodobada qaar. Arrimaha sababay fashilka kulanka ayaa waxaa kamid ah in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu wareejiyo Maamulka Shirka, islamarkaana uu ku wareejiyo Raiisul Wasaare Rooble, iyadoo ay Beesha Caalamku goobjoog ka tahay. Shirka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa 4 maalmood ka socday Hotelka Airport ee magaalada Muqdisho, Wararka ayaana sheegaya in sababaha fashiliyay kulanka ay qeyb ka ahaayeen in Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Idilnews

Read More

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Somaliland in aysan sii hurin colaada dhaxaysa laba beelood oo muddooyinkan ku dagaallamaya deegaanka Shidan ee woqooyiya gobolka Sanaag. Af-hayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Deperani, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha dagaalamaya in ay colaadda joojiyaan, odayaasha dhaqankana u daayaan xal u helidda khilaafka. “Somaliland waxaan ugu baaqeynaa in aysan sii hurin colaada beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, Dadka deegaankana nabad baan ugu baaqeyna iyo inay dagaalka joojiyaan, howshana ha loo daayo Odeyaasha dhaqanka ee hore ugu jiray.” ayaa lagu yiri Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland…

Read More

Madaxtoyada Puntland ayaa sheegtay in uu Been abuur yahay qoraal baraha bulshada lagu faafiyey oo loo ekaysiiyey in uu qoray Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu beesh abuur yahay qoraalkaas.

Read More