B.Caalamka iyo D.Goboleedyada oo wadajir uga hor yimid mudo kororsiga ?? Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Beesha caalamka iyo 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleedyad ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah: Beesha Caalamka: Waxay soo dhoweeyeen wadashaqeynta DG dhexdooda ah.Waxay ugu baaqeen heshiiska 17 September ee Doorashooyinka in la dhaqan geliyoWaxay uga Mahad celiyeen dhabar adaygga ay sameeyeen Madaxda DG gaar ahaan Ahmed Madobe iyo Deni oo muddo dheer Xamar u joogay in heshiis laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiranWaxaa la isla qaatay in muddo kordhin ay tahay sharci darro horseedi karta khilaaf xoogan ee siyaasadeed Dowlad Goboleedyada: In Beesha Caalamku…
Author: Jibril Qoobey
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta ee Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb-galay kulan lagu soo bandhigayay Manhajka dugsiyadda hoose ee Puntland oo Garoowe lagu qabtay.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay Shirka Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka. Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlaya marxaladda dalku marayo gaar ahaan doorashada. Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland oo wareysi siiyay Barnaamijka ‘Madasha Haldoorka’ ee Idilnews ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, Hanaanka dhaqaale, qiimo dhicii dhawaan ku yimid Lacagta Shilin Soomaaliga iyo saameynta dhaqaale ee Puntland uu ku yeeshay cudurka COVID-19. Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay in su’aalo badan ay dadka Puntland ka keeneen sababta hoggaanka looga dhigay Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, balse taas ay tahay Awood Madaxweyne oo digreeto kusoo baxday. “Dadku waxay lee yihiin maxaa Xasan Shire faraha u galiyay Ciidammada, aaway Wasiirka Amniga, balse waxaysan ogsooneyn in wareegto Madaxweyne laygu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada”,…
Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, oo aan illaa iyo hadda heshiis ka gaarin khilaafka biyo xireenka ayaa weli madaxa is kula jira, gaar ahaanna muddooyinkaan dambe. Intaas waxaa sii dheer, ciidanka Suudaan waxay la wareegeen gacan ku haynta aagagga xudduudka barwaaqada ah ee dhulka beeraleyda Itoobiya oo ay sheegtay inay qayb ka yihiin dhulkeeda. Suudaan iyo Masar waxay dhawaan gaareen heshiis tababar ciidan iyo iskaashi dhaqaale. Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, wuxuu Talaadadii ka hadlay arrimaha biyo xieenka, wuxuuna yiri: “Itoobiya ujeedkeedu ma ahan in ay wax yeeleyso Masar ama Suudaan.” “Si kastaba ha noqotee, ma dooneyno in aan ku…
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in Dowladda Federalka Somaaliya aysan wax dareen ah ka muujin weerarkii dhawaan kooxda Alshabaab ku qaaday xabsiga magaalada Boosaaso. Wasiir Cabdisamad Gallan wuxuu sheegay taas bedelkeed in ay dowladda federalka isku dayday in ay amni xumo ka sameyso magaalooyin nabad ah oo Puntland ku yaalla si ay colaad uga kiciso.
Kooxda Al-Shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021. Hadalkaan waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab. Hoggaamiyaha Alshabaab Abuu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay. Bishii May ee sanadkii 2014, Alshabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday…
Labo qarax oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay saaka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaana lala eegtay gaadiid Qaraxyada ayaa galaaftay nolasha 3 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen 4 Ruux oo kale.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa soo dhaweeyay dadaalada la xiriira xal ka gaarista khilaafka doorashooyinka oo ay Muqdisho ka wadaan Madaxda dowlad Goboleedyada. Amb, James Swan oo ka hadlayay Kulan Wakiilada Beesha Caalamka & Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex-maray Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalada Madaxda dowlad goboleedyadasi looga dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebteembar. “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”-…
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlay xalka guud iyo sidii doorasho nabdoon dalka uga dhici laheyd, odayaasha dhaqanka u qaadan lahaayeen doorkooda kaga aadan badbaadinta masiirka ummadda.
Safiirka Dowladda UK Ee Soomaaliya Kate foster ayaa soo dhoweysay dadaalada xalka Looga Gaarayo Arimaha doorashooyinka Dalka. Sido kale, Kate Foster ayaa ku dhiira-galisay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay sii wadaan wada hadalada, iyadoo laga duulayo heshiiskii 17 September eey wada gaareen Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Dhexe.
Shir u dhexeeya Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ka socda Hotelka Airport ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlayaa xal u helida Arrimaha cakiran ee doorashooyinka dalka, iyo sidii Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay u qaadan lahaayeen doorkooda. Idilnews
Waxaa maanta xariga laga jarey xafiisyada Safaarada Soomaalidda ee Zambia oo in muddo ahba dib u habeyn ku socotey. Mashruucan oo ahaa mid is ku tashiya oo ey isku xilqaameen Jaaliyadda Somaliyed ee degan dalka Zambia oo uu hormoodka u yahey Gudoonka Jaaliyadda Mudane MOHAMUD MOHAMED (Hiiraan).ayaa dhamaystiray qaybtii 1aad, ee dhismaha. Waxaa kaloo suurta galiyay mashruucan Ganacsata Soomaaliyeed oo bixiyay dhaqaalaha ku baxay Mashruucaan. Gudoomiyaha Jaaliyadda ayaa ku wareejiyay Furaha Xafisyadda la dhamaystiray Danjire Xaawo Maxamed. Safirad Xaawo iyo Gudoomiye ha Jaaliyadda ayaa u mahadceliyay Shirkadihii iyo Shaqsiyaadkii ka qayb qaatay dhismaha Safaaradda. Waxaa si Gaar ah loogu Mahad…
Markabkii Ever Given ee ku xirmay Kanalka Suez ayaa hadda lagu guuleystay in laga saaro. 7 maalmood oo uu halkaas ku xayirnaa waxaa uu Masar ku sababayay $9.6Bilyan oo doollar oo khasaare ah maalin walba. Waxaa maanta safarradooda dib u billaabaya 380 Markab oo sugayay Kanalka uu degay Markabka weyn ee Ever Given oo culeyskiisu yahay 200kun oo Tan. Waxaana hawasha inta badan ku guuleystay doon laga leyahay dalka talyaaniga.
Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha Maamul Gob oleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, khilafka weli ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sida ugu macquulsan oo xal looga gaari karo. Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la wadaagay wixii ay isla soo gaareen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbalan d & Puntland oo labadii maalmood…
Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed,ayaa berrito 5-saac la kulmaya Waddamada C+6 oo ka kooban ( US, UK, EU, IGAD, UN iyo AU). Baajinta kulankii Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday iyo Shirka Beesha caalamku way wada socdeen,waana cadaadis ka yimid isla Beesha Caalamka. Si kastoo xaalku yahay kulanka beri waa muhiim. Jibril Qoobey.
Kulankii berri ay u balansanaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ee waqtigiisu dhamaaday ayaa baaqday, sida lagu sheegay fariimo loo diray Xildhibaanada. “M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March.” Ayaa lagu yiri fariin-qoraaleed loo diray Xildhibaanada. Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo qorshihiisa hoose uu ahaa muddo kordhin loo sameeyo Farmaajo, ay soo fara-galiyeen Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo digniin adag dul-dhigay Guddoomiye Maxamed Mursal.
Ilo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa ii xaqiijiyay in Safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, UK iyo Wakiilka Qaramada Midoobey xiriir taleefan oo kala gaar gaar ah la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, iyagoo kala hadlay arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo haddii go’aankaas uu qaato Golaha ay noqon doonto mid wiiqeysa xasilloonida dalka iyo dadaaladii socday, waxaana ay u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin, ayna heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeed ah lagula xisaabtami doono Guddoonka. Waxaa la filayaa in Beesha Caalamka ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan shirka berri ee Baarlamaanka…
Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay saxaafadda dibad joog ka tahay la qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Madera, taliyaha ciisanka AMISOM iyo taliyaha Ciidanka sector 1. Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaashii hore ee Sheikh Sharif iyo Xasan Sheekh, Xasan Kheyre iyo Craxmaan C/shakuur ayaa AMISOM looga digay in muddo kororsiga uu Farmaajo samaysto ay horseedayso colaad sokeeye iyo cawaaqab xumi saamaysa hawlaha nabad ilaalinta AMISOM. Labada dhinac ayaa isla gartay sida ugu habboon ee arrinkaas looga hortegi karo, laguna xakamayn karo qar iska tuurnimada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Farmaajo.
Ugu danbayn waa la heshiiyay,waxaana la shaacinayaa maalinka Talaadada ah siday ubadan tahay. Doorashada: Shirka Madaxda DG oo guuleystaRW Rooble oo ku soo biira ShirkaMurashaxiinta oo u daaya hogaanka Doorashada in ay wada maamulaan RW Rooble iyo Madaxda DG Farsamada: Maamulka Doorashada JL oo loo daayo DG JubbalandXubnaha Guddiyada ee la magacaabay oo lagu soo beddelo xubno karaamo iyo ixtiraam ku leh bulshadaMaamulka iyo Maareynta Doorashda SL oo loo daayo Mudane Abdi Hashi (most senior politician from SL) iyo siyaasiyiinta SL si wadajira ah oo heshiis lagu yahayMadaxda DG oo saxiixa in ay doorashada u maamulayaan si hufan oo cadaalad…
Xildhibaan Mahad Salaad “Ciidammada dharcadka ah ee shalay lagu soo daadiyay xarunta Golaha Shacabka waxaa watay Nin la yiraahdo ‘Shakiib’ oo Shabaab horey u ahaan jiray, isagoo dhaawac ah oo dagaalamaya ayaa laga soo qabtay suuqa bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhexe kaddibna waxaa loo sii gudbiyay Sarandi oo lagu xiro dadka dambiilayaasha ah ee iska soo dhiiba Shabaab ama ayaga oo dagaalamaya la qabto, halkaas ayaa laga soo saaray waxaana loo qaatay inuu kamid noqdo Ciidanka Nabad-sugida, wuxuu Shabaab u qaabilsanaan jiray dilalka qorsheysan ee dadka masuuliyiinta ah lagu laayo, wuxuu si toos ah ugu xiran yahay Taliyaha Nabad-sugida…
Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal. Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo khalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso. Sidoo kale, xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeereen muddo kordhin sharci darro ah.
Sida ilo lagu kalsoonaan karo xaqiijinayaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka in ay isku soo dhawaadeen. Qodobada ay isla fahmeen,waxaa ka mid ah; 1.In Talaadada shir ka furmo Afisyooni Farmaajana ka soo qayb galo. 2.In marka la heshiiyo howsha doorasahada lagu wareejiyo Rooble. 3.-In Qodabadii Dhuusamareeb-4, wixii ka khaldan la saxo 4-In maadaama aan heshiin karno aan Beesha caalamka uyara kaadino kasoo qaybgalo. Jibril Qoobey.
Saalax SiciidDiiriye oo ah khabiir dhanka amniga ah ayaa yiri ”Dowlada Puntland waxay ku bixisaa Miisaaniyadeeda Boqolkiiba Konton Amaanka hadana sida uu yahay lama aqbali karo”.
Ciidamo gadoodsan ayaa baro kontorool ka samaystay qaybo ka mid ah gobolka Mudug, ciidamada oo ka cabanaya mushaar la`aan ayaa la sheegay iney masuuliyiinta dowladda ka joojiyeen isu socodka gobollada Mudug iyo Nugaal. Wafdi heer wasiir ah oo la filayay inay soo gaaraan degmada Xarfo, si ay ciidamo tababar ugu soo xiraan ayaa baaqday, waxaana haatan socda kulamo looga tashanayo xaaladan. Ciidammada mushaar la,aanta ka cabanaya ayaa ah kuwo aan marin hanaanka tirakoobka iyo tayeynta Ciidammada, waxaa cabashadoodu imaanaysa xilli Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa horey ugu dhawaaqday in aysan mushaar siin doonin Askari aan marin hanaanka diiwaan-galinta Ciidanka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ee waqtigiisu ayaa loo diray Farriin qoraaleed lagu sheegay in berri oo Isniin ah, uu jiro kulanka Golaha, kaas oo ajandihiisu yahay; 1: Caabuqa COVID-192: Ansixinta labo xubnood Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha. Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shaki badan uu ku gadaaman yahay, ayaa shalay u baaqday muran iyo buuq, kaddib markii ay ismaan-dhaafeen Guddoonka Golaha iyo Xildhibaano dhaliishanaa habraaca loo maray iclaaminta kulanka, kuna doodayay in la doonayo in muddo-kordhin loo sameeyo Farmaajo. Idilnews
Shir u dhexeeya Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada iyo Madasha Badbaado Qaran ayaa ka socda Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii Ajande loo dhan yahay looga hadli lahaa shirweynaha loo balansan yahay oo la filayo in uu dhex-maro Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday & dowlad Goboledyada ee lagu qabanayo xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii kulamo saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ay ku gaareen is-afgarad la xiriira sidii loo qancin lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga Musharixiinta.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah 15ka xildhibaan ee uu guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka joojiyay inay kaqeybgalaan shan kulan oo baarlamaanku yeelanayo ayaa sheegay inay dooranayaan guddoon kale. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in inaysan jirin wax laga mamnuucay laakiin ay arkeen warqadda ka soo baxayday,haddii uu guddoonka ku adkeysto go’aankaasi uu baarlamaanka xirmayo. “Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa”ayuu yiri xildhibaan Xiddig oo u waramayay laanta afka soomaaliga ee BBCda. “Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Senator Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa sheegay in ciddii qasta heshiiska September ay tahay iney muteysato cunaqabateyn. Senator Cumar oo arrinkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu yiri ‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada’’. Cumar Cabdirashiid oo horay Soomaaliya labo jeer ra’isul wasaare uga noqaday waxaa uu qabaa inkasta uu gaabis jiro hadana in ay tahay in la dhaqangeliyo heshiiskaas isaga oo yiri ‘‘ Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan…
Hoyga uu ka dagan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe talaalka laga hortagyo xanuunka COVID-19 ku qaatey Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan aqalka sare Dowlada Federalka Somalia Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole. Degaanada Puntland ayaa waxaa si habsami leh uga socda talaalka COVID-19 iyadoo la siinayo shaqaalaha dowlada, macalimiinta, bahda caafimaadka, askarta Booliiska, ciidamada asluubta, suxifiyiinta iyo dadka waaweyn oo qabi kara xanuunada sonkorta iyo dhiigkarka.
Wafti uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa gaarey Dhul daaqsimeed udhaxeeeya Deeganada Buurawadal iyo Carooley. Waftigaan ayaana ka koobnaa Maamulka Gobolka, Taliska qaybta booliiska Gobalka Nugaal, Odoyaal dhaqameed iyo Masuuliyiin kale. Masuuliyiintaan ayaa safarkooda salka ku hayay sidii ay u xalin lahayeen isman dhaaf ka dhashay Ceel Biyood dhexmartey xoolaha dhaqatada Deeganadaas Masuuliyiintaan ayaana ku guulaystay in laga heshiiyo isman dhaafkaas dhex marey Dadka xoola dhaqatada deegaanadaas.
Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa maalintii Saddexaad yeelanaya kulan, kaas oo lagu gorfeynayo marxalada Dalka iyo go’aan ka gaarista hirgalinta heshiiskii doorashooyinka. Kulanka maanta ayaa si gaar ah diirada loogu saaraya caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga doorashooyinka wada-tashiga iyo doorka hoggaaminta Shirka iyo fulinta heshiiska doorashada. 5 Madaxweyne ayaa kulankoodii shalay ku gaaray illaa 8 qodob, kuwaas oo ay kamid yihiin; 1: In si wadajir ah ay uga shaqeeyaan qabsoomida Doorashooyinka. 2: In ay u midoobaan in laga gudbo caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka wada-tashiga doorashooyinka. 3: In laga heshiiyo Ajandaha Shirka, iyo Arrimaha kale…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Mursal ayaa shan kulan ka joojiyay illaa 15 xildhibaan oo lagu eedeeyay inay is hortaag ku sameeyeen fadhigii maanta ee Golaha. Xildhibaanada kulamada uu ka joojiyay Guddoomiye Mursal ayaa waxaa kasoo muuqday Xildhibaano aan joogin kulankii maanta, sida Cilmi Maxamed Nuur. Idilnews
Midowga musharrxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa caawa kulan ku leh guriga Madaxweyne Hore Shariif Sheekh Axmed. Kulankaan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda cakiran ee ka jirta dalka.
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, oo kamid ah Isimada Puntland, kuna sugan magaalada Boosaaso ayaa kamid noqday Dadka qaatay tallaalka cudurka COVID-19, oo maanta si toos ah uga bilowday 40 goobood oo kamid ah deegaanada Puntland. Ugaas Xasan ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay qaataan tallaalka, si looga hortago faafitaanka cudurka COVID-19 oo saameyn ba’an ku yeeshay dunida. Idilnews
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Baarlamaamka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa si adag uga horyimid muddo-kordhin loo sameeyo Farmaajo iyo Hay’adaha Dowladda xiligeeda Dastuuriga ah dhamaaday. Xildhibaan Sadiiq ayaa sheegay in aysan aqbaleyn muddo-kordhin isagoo ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday inuu ogalaado in dalku doorasho aado, si loo ilaaliyaha Dilmuquraadiyadda curdanka ah ee ay ku hanaqaaday Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya. “Dalkan wax muddo-kordhin ah kama shaqeyn karto, Jamhuuriyadda 3 Saddexaad waxay kusoo hanaqaaday Dilmuquraadiyadan curdanka ah, waana in dalku doorasho aadaa” ayuu yiri Sadiiq Warfaa. Idilnews
Toddobo shirkadood oo dawlada Ah ayaa lagu ayeeshay a 780 bilyan oo bir ama 19 bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya Ayaa sheegtay in dowladdu ay ka shaqeyneyso amaah iyo sababo aasaasi ah si ay uga jawaabto xasillooni darrada dhaqaale. Waxay sheegeen in dowladda ka dib markii ay sameysay dib u eegis dhameystiran ay sheegtay in toddobo shirkadood oo dowladeed deyn badan lagu leeyahay Dal iyo Dibadba Shirkadaha ayaa kala ah Ethiopian Electric Power, Ethiopian Electric Service, Ethiopian Railways Corporation, Ethio Engineering Group (Old Metek), Chemical Industry Corporation, Construction Works Corporation iyo Sonkor Corporation. Shirkadahani waxay galeen 780…
Midowga Musharixiinta ayaa goor-dhaweyd ku biiray Shirka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee ka socda Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaas oo looga hadlayo marxalada Dalka. Kulanka oo ay soo agaasimtay Beesha Caalamka ayaa si gaar ah loogu gorfeynayaa hirgalinta Doorashooyinka dalka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida Shir loo dhan yahay oo ay yeeshaan hoggaamiyayaasha Soomaalida. Idilnews
Kulan ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa baaqday, kaddib markii ay Buuq iyo fowdo hareeyeen furitaankii kulanka. Kulanka oo Ajandihiisa lagu sheegay ‘Xaalada cudurka COVID-19’, ayaa Xildhibaanada mucaaradka ahi sheegeen inuu ku duuganaa Ajande qarsoon oo ah in muddo-kordhin uu kaga dhawaaqo Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal. Idilnews
Shir u dhexeeya Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa goor-dhaweyd ka furmay Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Shirka oo ay goobjoog yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, ayaa looga hadlayaa xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan arrimaha Doorashada iyo xal u helista caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirkii loo balansanaa ee doorashada. Idilnews
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday uu noqday mid maalinta uu doono uu furto Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, marka uusan rabina uu xirto. “Baarlamaanka waxa uu noqday Aqalka marka uu doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo furto, marka uusan rabin xirta” ayuu yiri Mahad Salaad.
Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha Soomaalida inay isugu yimaadaan Shir, kaas oo ay heshiis uga gaarayaan arrimaha Doorashooyinka iyo hirgalinta heshiiskii 17-kii September. UK ayaa sheegtay in aysan taageeri doonin tallaabooyin horseedaya hannaan doorasho qeybsan ama is barbar socda iyo in kordhiyo muddo xileedkii hore. Idilnews
Qarax miino ayaa goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka Hotelka Oriyantal ee degmadda Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidammo kamid ah kuwa Dowladda. Wararka ayaa sheegaya in gaariga lala beegsaday Qaraxa uu lahaa Taliyaha Ciidanka ilaalada deegaanka, kaas oo xilliga uu qaruxu dhacay aan saarnayn gaariga, waxaana jira dhaawac soo gaaray 3 kamid ah Askartii gaariga saarneyd. Idilnews
Tallaalka cudurka COVID-19 ayaa maanta laga daah-furaya deegaanada Puntland, kaas oo si toos ah uga bilaaban doona 30 goobood oo ku yaalla 9 Gobal ee Puntland. Wajiga 1-aad ee tallaalka ayaa lagu bilaabi doonaa Shaqaalaha ku jira safka hore, sida Shaqaalaha Caafimaadka, Ciidammada Booliska, Asluubta, Macalimiinta, Saxaafadda iyo Dadka ka waa weyn ee qaba xanuunada macaanka iyo dhiikarka. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo dhowaan Saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan tallaalka, si looga hortago cudurka COVID-19, oo saameyn balaaran ku yeeshay dunida. Idilnews
Maleeshiyaadka ka wada tirsan Kooxda Daacish ayaa jimcihii ku dagaalamay Buuraleyda Gobalka Bari, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland. Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Deegaanka Dhaadaar ee buuraleyda Calmiskaad, ayaa galaaftay nolasha 5 kamid ah Labada garab ee Kooxda Daacish. Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in dagaalkan oo soo taagnaa muddo uu salka ku hayo muran ka taagan cida badaleysa Hoggaamiyaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, oo la ildaran haatan cudurka Macaanka (Sonkorta). Idilnews
Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay in lajoojiyay dhaq dhaqaaqyada soo gala iyo kuwa kabaxa magaalooyinka Nairobi, Kiambu, Machakos, Kajiado iyo Nakuru laga bilaabo saqda dhexe ee xalay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan, sida lagu sheegay fariin wargalin ah oo loo diray Xildhibaanada. Fariinta Xildhibaanada ayaa lagu xusay in Kulanka looga hadli doono Arrimaha cudurka COVID-19, iyadoona laga codsaday mudanayaasha inay kulanka soo xaadiraan. Kulanka ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay in Baarlamaanka ay muddo kordhin u sameyn doonaan, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS iyo Xukuumadda xil-gaarsiinta ah, waxaana jira digniino laga soo saaray talaabooyinkaas.
Waxaa xalay kulan qaatay saacado badan isugu yimid 5ta Madaxweyne Dowlad Goboleed. Shirkan oo ka qabsoomay Airport Hotel oo ah halka degaanka u ah Madaxweynayaasha Deni iyo Jubbaland. Ariimaha laga wada hadlay: Madaxweynayaasha DG in ay ka yeeshaan aragti mideysan arrimaha masiiriga u ah DalkaIn qodobadii shirkii Dhusamareeb 4 iyo soo jeedintii Guddiga Farsamada ee Baydhabo la meel mariyoIn doorka Dowladda Dhexe iyo Masuuliyadda ay yeelan karaan kaddib 8 February la isla qaato qeexoIn aragti dheer oo ku saleysan xaqiiqda iyo wajahadda Dalku galay si hagar la’aan ah loo wajaho ayadoo laga fogaanayo dan shakhsigaIn si wadajir ah loo diyaariyo…
Beesha Caalamka oo kulan saacado socday la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleeyda Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle waxa ay kala hadashay qorshaha ugu fudud ee looga tallaabi karo xargaha siyaasadeed ee hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka dhinacyadii ku heshiiyay 17-kii September 2020 ay isla jiheen waayeen. Madax-Goboleedyada ayaa loo dhiibay Shaqo guri oo la micno ah in ay kasoo fakiraan sida ay la tahay in looga gudbi karo culeyska jira ayaa laga sugayaa in berri oo Sabti ah 27-ka Maarso 2021 dib ugu celiyaan Beesha Caalamka si loo madliyo fadhiga guud ee hoggaamiyaha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada. Beesha Caalamka ayaa gacanta ku heysa heshiiska 17-kii September 2020, ansixinta labada Gole…
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka hadlay xaalada Gobalka Gedo iyo is-dhiibistii Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uu ahaa shaqsi, uusana waxba ka bedeli doonin xaalada Gobalka Gedo, isagoo intaas ku daray in Jubbaland iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee muddo-xileedkoodu dhamaaday aysan isku heyn shaqsi ee ay isku hayaan Dastuur. “Annaga iyo ragga Muqdisho Jooga qilaafka inoo dhexeeya waa mid dastuuri ah ma ahan mid ciidan iyo qof shaqsi ah ku xiran” ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.
Dowladda Eritrea ayaa ogalaatay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gobalka Tigray, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali. Go’aanka ayaa yimid kaddib markii uu khamiistii Asmara gaaray Ra’iisul Wasaare Abiy, oo kulan la yeeshay Hogaamiyaha Eritrea Asias Afwerki. Ciidammada Eritrea ayaa xasuuq ba’an ka geystay Gobalka Tigray ee Dalka Itoobiya, intii uu socda dagaalkii bilowday November-2020, kaas oo uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed. Dowladaha Reer Yurub iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyay Hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea xasuuq iyo gabood falo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha, waxaana ay ku hanjabeen inay ka qaadi doonaan tallaabooyin aysan mahdin…
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa ka hadlay marxalada Dalka, isagoona sheegay in Puntland aysan noqoneyn sida Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ah kuwo uu iska hoggaansado Farmaajo. “Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfurgalbeed waa dowlado daciifa oo meel ay maamulaan aysan jirin, kana amar qaata Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Xaamud. Muxuu ka dhigan yahay Hadalka Wasiir Xaamud ? Wasiirku waxa uu ka hadlayo waa Madaxda Maamuladaas curdinka ah ee la kufsaday ee mahan Shacabka Goboladaas. Hadalka Wasiirka waxaa xoojin tusaale noqon kara ugu filan dhacdadii shalay,iyagoo fadhiya Shirkii Beesha caalamka 3-maamul…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa soo dhaweysay 117 qoys oo isugu jira Haween, Caruur, Dhalinyaro iyo Weeyeel oo ah Soomaali iyo Qaxooti u dhashay Dalka Yaman oo ka soo qaxay Dagaalada dalkaa ka socda, kuwaas oo dooni sida ku soo xiratay Dekedda Magaalada Boosaaso . Magaalada Bosaaso maalmihii u danbeeyay waxaa soo gaaraya Qaxooti iyo muwaadiniin Soomaali ah oo ka soo haajiray Colaadaha ka jira dalk Yaman oo horseeday qulqulka qaxooti horleh oo imaanaya Puntland.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Maxamed Iimaan Cabdule Ayaa kala wareegay hay’adda UNOPS laba gaari oo xambaara/dalaca gaadiidka dhaca ama meelahan khaldan la dhigo (Towing/Recovery Vehicles) Gaadiidkaan ayaa loogu talagay ciidamada Booliiska Puntland waxaana uu qayb ka yahay Gaadiidka Ladoonayo in Sare Loogu qaado Shaqada ciidanku shicibka u hayaan. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland waxay dadaal badan galisaa sidii loo dar dar galin lahaa shaqada laamaha amaanka ah shicibka uhayaan.
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ka hadlay mudaharaadkii fashilmay ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ka Abaabulay Degmada Dhahar ee Gobolka Heylaan. Wasiir Gallan oo wareysi siinayay BBC Soomaali, ayaa sheegey in dastuurka Dowlada Puntland uu fasaxayo mudaharaad nabad-galyo ku dhaca, balse marnaba aan la aqbali karin mudaharaad khal-Khal lagu galinayo Ammaanka. Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusey in laamaha amaanku ay ku guulaysteen inay dadka qaska waday ee mudaharadkaan samaynayay ay kala kaxeeyaan, iyadoon cidna wax gaarin.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah. Wasiir Abgaal oo ka hadlayay kulan maanta ka qabsoomay duleedka Garoowe, ayaa tilmaamay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay. Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.
United States: Joint press release on the meeting between High Representative/Vice-President Josep Borrell and the U.S. Secretary of State Antony BlinkenBrussels, 24/03/2021 – 19:45, UNIQUE On 24 March, EU High Representative for Foreign Affairs and Security Policy/Vice President of the European Commission, Josep Borrell, and the Secretary of State of the United States of America, Antony J. Blinken met in Brussels to discuss ways to strengthen the EU-U.S. relationship and coordinate responses to priority foreign policy, security, and economic issues. They also committed to cooperate in the face of global challenges, including addressing the global climate crisis, bringing an end…
Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay inuu baaqday shirkii loo balansanaa ee dhex mari lahaa Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+. Wasiirka arimaha Gudaha Puntlaan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay is hortaagtay shir lagu waday in uu furmo galbta, ka dib markii ay ka baaqsadeen qaar ka Mida Maamul Goboleedyada.
Guddoomiyahha gobolka Sanaag mudane Siciid Axmed Jaamac (Badmaax) ayaa guddi u magcaabay u qareeemidda iyo dhismaha jeelka (Xabsiga) Badhan.Guddidan ayaa ka kooban 9 xubnood oo isugu jira dal-joog iyo qurba-oog oo kala ah: 1.Cabdalle Aadan Cabdi. Faaduma Axmed Dhahar.3.Maxamuud Faarax Cismaan.Maxamed Siciid FaaraxMaxamed Cumar Bulqaas.Maxamed Siciid Cali.Maxamed Ibraahim Giigaroor.Daahir Maxamed Aw-cabdalle.C/risaaq Shire Ciise
Waxaa soo if baxaysa inaan lagu heshiin doonin habraacyada Doorashada,Dalkuna uu geli doono laba doorasho. Doorashada Farmajo iyo Fahad iyo Doorashda Dadweynaha Soomaliyeed oo ay hogaamin doonaan Madaxda Madasha Badbaada Qaran. Doorashada Muqdisho: SL Farmajo, Mahdi iyo FahadAbdi Hashi iyo Guddiga SL Doorashada Hirshabelle: Farmajo, Guudlaawe iyo FahadSheikh Sharif iyo Madasha Doorashada Galmudug: Farmajo, Fahad iyo Qoor QoorHassan Sheikh iyo Madasha Doorashada Koofur Galbeed: Farmajo, Fahad, LaftagareenSharif Hassan iyo Madasha Doorashada Jubbaland: Kismayo dhamaan kuraasta oo ay ku jiraan 16ka GarbahaareyFarmajo iyo Fahad 16 kale oo Garbahaarey ku qabsadaan Doorashada Puntland: GaroweBoosaaso. Jibril Qoobey.