Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo wareysi siiyay BBC News Somali ayaa sheegay in aysan ka warqabin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, isagoona xusay in shir la galo ay ka horeyso xalinta caqabaha ku gadaaman doorashooyinka qabsoomidiisa. Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu ciidammo soo dhigay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ku dhow halka uu degan yahay, waxaana uu xusay in talaabadan ay muujinayso in Farmaajo uusan doonay in xal laga gaaro doorashooyinka dalka. “Shirka berri furmayo maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay…

Read More

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa amar ku siiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada in aanay jirin cid Muqdisho ka tagi karta illaa heshiis laga gaaro. Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay, isagoo sii adkeynayay war saxaafadeedki Beesha Caalamka ayuu ku sheegay in aanu fashilku aheyn ikhtiyaar ee loo baahan yahay in heshiis la gaaro oo aan la bixin “Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan hadda doorasho” ayuu yiri Yamamoto oo magac dhabay shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xiriirka la leh Villa Somalia uu doonayay inuu dib ugu laabto deegaankiisa,…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku qaabilay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan. Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay. Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xilli roobaadka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Muqdisho ka waday kulamo looga hadlayo Arrimaha ka taagan doorashooyinka.

Read More

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay madaxda soomaaliyeed inay heshiis gaaraan iyadoo qoraalkana lagu soo dhaweeyay imaanshaha dhamaan madaxda maamul goboleedyada ee caasimada dalka ee Muqdisho. War Saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa u qornaa sidan;Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021. Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo…

Read More

Munaasabad lagu taageerayo Madasha Badbaado Qaran oo maalmo kahor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa ka socota Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Caasimadda ayaa hal ku dhig looga dhigay “HA WAARTO HOGGAAMINTA DR. SICIID CABDULLAAHI DENI”. Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, oo safar ku joogay muddo Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Lafta-gareen oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Cabdicaziiz Laftagareen ayaa kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo ka furmaya Teendhada Afisyooni, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana la filayaa in illaa Isniinta berri…

Read More

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa uga digay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, inuu xukunka dalka isku dhajiyo, isagoo sheegay intaas uu horey u eersaday Hoggaamiyihii Dowladdii Milateriga AUN Maxamed Siyaad Barre. “Madaxweyne Farmaajo mucaaradka kaa soo horjeedo waa kuwii dalka ka saaray Siyaad Barre oo Dalka ku xidideystay, adigoo 4-sano jooga waxba kama gashid ee ka joog”, ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Idilnews

Read More

Madasha Badbaado Qaran oo Warqad furan u qortay Beesha Caalamka ayaa kaga hadashay aas-aaskii Madasha, marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha iyo Shirka lagu wado inuu maalmaha soo socda ka dhaco Magaalada Muqdisho. Madasha Badbaado Qaran ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo aanu laheyn sharciyad uu shir isugu yeero, iyagoo soo jeediyay in shirka la ballaariyo oo saamileydu ka qeyb gasho, iyo inuu amniga wareejiyo.

Read More

Ciidanka Booliska Puntland iyo koox ka ganacsanaysay maandooriyaha khamrida ayaa caawa ku dagaalamay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Dagaalka ayaa sababay dhimashada 1 qof oo kamid ah kooxdii wadatay khamrida, halka ay ku dhaawac illaa 4 qof oo kale oo ay ku jiraa shacab. Ciidanka Amniga ayaa haatan wada howlgallo, iyagoo baaritaano ka sameynaya goobo lagu tuhmayo in lagu gado maandooriyaha khamrida iyo xashiiska. Idilnews

Read More

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa dowladda Uganda uga tacsiyadaysay 6 Libaax oo dalkaasi ku dhintay, kuwaas la rumeysan yahay inay sameeyeen dad ugaarsato ah. “Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada Bariga Afrika gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax, taas oo sii kordhinaysa hoose u dhaca kala duwanaasha noolaha iyo isu dheeli tirnaan la’aanta deegaanka”. Idilnews

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeysay weerar Kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, kuwaas oo lala beegsaday magaalada Khamis Mushait iyo warshada sifeynta shidaalka ee Magaalada Riyadh. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd” “Soomaaliya waxa ay markale ku…

Read More

Degmada Badhan oo ka tarsan Gobolka Sanaag ayaa nasiib u yeelatay in laga dhagax dhigo Maxkamada Gobolka, Bulshaduna ay baahi wayn u qabeen. Xarunta Maxkamada waxaa dhagax dhigay Wasiirka Wasarada Maaliayada, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, Gudoomiyaha Gobolka ,Duqa Dagmada iyo ku xigeenkiisa. Xaruntan ayaa ah mid dib uhabayn lagu samayn doono waxana ay horay u haan- jirtay dhismihii hore ee Maxkamadii ay degmada Badhan ka hirgelisay dowladii dhexe ee Soomaaliya taasi oo dibu-dhis iyo qalabayn lagu samayn doono. Ugu dambayntiina mas’uuliyiinta dawladda Puntland ayaa kormeeray xarunta dowladda hoose ee magaalada Badhan oo dibu-dhis…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, ayaa maanta markii labaad kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay marxalada Dalka iyo Shirka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee Teendhada Afisyooni. Wakiilka QM ayaa ku amaanay Madaxweyne Deni doorkiisa ku aadan xaalada Dalka, iyo dulqaadka uu muujiyay mudadii uu joogay Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Danjire James Swan ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Puntland in aysan ka jawaabin fariintii marin habaabinta aheyd Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, maadama la ogyahay cida Shirka qaban-qaabisay, sidoo kalena damaanad qadaysa fulinta qodobada lagu heshiiyo inay tahay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo la hadlayay Boqolaal kamid ah Shacabka degmadda Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay Hanaanka Federaalka Soomaaliya iyo nooca Puntland ay doonayso. Wasiir Abgaal ayaa sheegay in dadka Reer Puntland aysan diidaneyn Soomaalinimo, balse ay doonayaan Dowladnimo baahsan oo qof kastaa meesha uu joogo uu ku helayo adeega dowliga ah. “Qof Reer Puntland ah Somaalinimo waan rabaa, laakiin waxaan Soomaalinimo ku rabnaa Badhan oo nool oo jirta oo wax walba heysata, oo Xamarna heysato, Afgooyana heysato, Jowharna heysato yaan ku rabnaa” ayuu yiri Wasiir Xasan Abgaal. Idilnews

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta qaatay tallaalka COVID-19, waxaana uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay qaataan tallaalkan. “Waxaan maanta qaatay talaalka ka hortagga fayriska Covid19. Waxaa mudnaanta talaalka leh bahda caafimaadka, dadka nugul iyo kuwa da’da ah. Waxaan u qaatay in aan shacabka ku dhiirragelino qaadashada talaalka”. Idilnews

Read More

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cusmaan Dubbe, oo shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS uu ka qeybgalayo Shirka Madaxda Soomaaliya ee maalmaha soo socda ka furmaya Teendhada Afisyooni, ayna garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka. Dubbe ayaa sidoo kale eedeeyn u jeediyay Madasha Badbaado Qaran ee maalmo ka hor looga dhawaaqay Muqdisho, ayna ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi, isagoo sheegay in yihiin cida hor-taagan doorashooyinka dalka. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay Xannuunka Covid-19 sida uu isaga qudhiisa ku xaqiijiyay bartiisa Twitter-ka oo uu soo dhigay qoraal uu dadka ugu sheegayo in uu haleelay fayruska. Imran ayaa soo daliilsaday Aayad qur’aan, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu caafimaad degdeg ah helo, Dadka ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana qadarka alle uusan dhinacna uga gudbeen. وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ°And when I am ill, it is He Who cures me.(Qur’an 26:80)Prime Minister Imran Khan has tested positive for Covid-19 and is self isolating at home.— Prime Minister’s Office, Pakistan (@PakPMO) March 20,…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Sanaag ayaa sheegay inuu dagaal beeleed mar kale ka qarxay buuraleyda Shidan ee woqooyiga gobolkaas. Dagaalkan oo u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland ayaa galaaftay nolasha 4 qofood, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay dagaalka. Dagaalka deegaanka Shidan oo salka ku haya muran dhuleed ayaa marar dhowr ah soo laalaabtay, waxaana kan maanta bilowday uu yimid kaddib markii Ciidanka Somaliland ay garab soo siiyeen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Somaliland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in tallaalka cudurka COVID-19 ee (AstraZeneca), laga bilaabayo deegaanada Puntland 27 bishan Maarso. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in tallaalku uu ka bilaaban doono 30 goobood oo katirsan deegaanada Puntland, iyadoo lagu bilaabayo Shaqaalaha safka hore ku jira, sida shaqaalaha Caafimaadka, Ciidammada Booliska iyo Asluubta, macalimiinta, shaqaalaha Kastamyada canshuuraha iyo suxufiyiinta. Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xusay in tallaalkan oo socon doona muddo 10 maalmood ah uusan laheyn wax dhibaato ah, lana hubiyay, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland…

Read More

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo khadka Taleefoonka xalay kula hadlay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa u sheegay in ay dhamaatay waqtigii Soomaalidu ay laheyd go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka. Safiirka Mareykanka Donald Yammamoto, ayaa u sheegay Farmaajo inaan loogu dulqaadan doonin caqabadaha uu ku wado go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, uuna ka waantoobo, sida ay ilo-dublamaasiyadeed ay u sheegeen idilnews Danjire Yammamoto ayaa sheegay in Mareykanku uu go’aano aan la mahdin doonin iyo tilaabooyin adag uu ka qaadi doono, kuwa diidan gogasha Saaxiibada caalamka ay dhigeen Muqdisho, isagoona ugu baaqay in Farmaajo in isaga iyo xulufada ku…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa War kasoo saaray hubka iyo Ciidammada DFS ay ku daabulayso Gobalka Gedo, xilli xaalad adag oo abaareed ay ka taagan tahay Gobalkaas, iyo deegaanada kale ee Jubbaland. Jubbaland ayaa sheegtay in Mas’uuliyadda wixii ka dhashay colaada laga hurinayo Gobalka Gedo uu si shaqsi ah u qaadan doono Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Idilnews

Read More

Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha ayaa la hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo horay Saldhigga Booliska Garoonka uu ahaa mid madax bannaanaa. Wareegto uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka inuu ka mid noqdo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga Qeybta Guud, taasoo ka dhigan in awoodda magacaabis iyo xil ka qaadis uu leeyahay Taliska Booliska Gobolka Banaadir, maadaama shaqo ahaan loo hoos keenay. Lama oga tallabadan inay la xiriirto arrin siyaasadeed iyo in kale, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, tan iyo…

Read More

Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka wada Magaalada Gaalkacyo ayaa xabsiga u taxaabay dad looga shakisan yahay inay xariir la lee yihiin Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Gobalka Mudug ayaa u sheegay Idilnews, in Dadka la xiray ay u badan yihiin dhalinyaro Deegaanka ah, kuwaas oo la xariirinayo Ururka Al-Shabaab. Dhalinyarada la xiray oo ka badan 15 ayaa la sheegay inay safaro ku tageen Koonfurta Soomaaliya, waxaana Saraakiishu sheegeen inay ku socdaan baaritaano, ayna Hay’adaha Amniga la wadaagi doonaan Saxaafadda. Xukuumadda Puntland ayaa Boqolaal Ciidanka iyo dharcad ku daabushay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Booliska Gobalka Mudug…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Mohamed Dhabancad, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay jawaab ka bixin doonto fariinta Villa Somalia. Villa Somalia ayaa baahisay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo uu Shir ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada, xilli Muqdisho ay ka socoto qaban-qaabada Shir ay garwadeen ka yihiin QM, EU iyo Mareykanka, kaas oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Idilnews

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, uu Shir ugu baaqay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Gobalka Banaadir. Baaqa Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli lagu wado in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo maalmaha soo socda Shir u dhexeeya Madaxda Soomaalida, ayna soo qaban-qaabiyeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka. Warka kasoo baxay Villa ayaa lagu sheegay in Shirka Farmaajo uu Iclaamiyay uu furmi doono 22 Maarso, uuna socon doono muddo 2 maalmood ah Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni & H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa…

Read More

Antony J. Blinken Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dalka. “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.”  Ayaa laga lugu suxay qoraalka wasaarada arimaha dibada Maraykanka. “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee ciriiriga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto…

Read More

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human right Watch ayaa sheegtay in burburinta milateriga dalka Masar ay burburiyeen inkabadan 12 kun oo guri oo ku yaala gobolka Sinai tan iyo sanadkii 2013 ay ka dhigan tahay dembi dagaal. Hey’addan ayaa sidookale sheegtay in ciidamada Masar ay dab qabadsiiyeen, ayna xireen ku dhawaad 15 kun oo hektar oo dhul beereed ah, waxayna sababta ku sheegeen olole ka dhan dhulka ay ku sugan yiiin kooxaha jihaad doonka ah ee ka dagaalama gobolkaas. “Intii ud haxeysa dhammaadka 2013 ilaa Luulyo sanadkii 2020, milateriga Masar waxay burburiyeen 12,350 oo dhsimo, kuwaas oo ay ugu dambeysay kuwa…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa maanta loo dhaariyay madaxweynihii lixaad ee wadanka kadib geeridii lama filaanka ahayd ee John Magufuli. 61 jirtaan, oo ku labisneyd dhar madow iyo indho shareer cas, ayaa ku dhaartay xafiiska Dar es Salaam. “Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya,” ayay ka hor tiriysay goobta dhaarta. Sida uu qabo dastuurka, Suluhu, waxay shaqeyn doontaa inta ka harsan Magufuli muddo xileedkiisa labaad oo shan sano ah, kaasoo aan dhammaanayn illaa 2025. Xafladda dhaarta waxaa xigi doona kulan heer sare ah oo golaha dhexe…

Read More

Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta XFS Eng. Cabdi Cashuur Xasan, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa soo dhaweeyay Madasha Badbaado Qaran oo shalay laga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Madashan Aas-aaskeedu uu kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa, isagoona ugu baaqay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay taageeraan si looga baaqsado inuu dalku dib u laabto. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir hore Eng. Cabdi Cashuur Xasan. Soomaaliyeey maanta ayey talo nala gudboontahay. Markii ay ummaddii Soomaaliyeed rajo xumo iyo niyadjab la soo gudboonaatay, Caalamkiina naga niyad jabay halisna ugu jirno in markale dhabar…

Read More

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay inay xoojinayaan dagaalka ay Puntland kula jirro kooxaha Argagixisada ah, loona baahan yahay inay Ciidammadu meel walba oo ay joogaa u diyaar-garoobaan. Gen. Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo tababar loogu soo xiray dugsiga Gen. Giriin ee magaalada Badhan ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Argagixisada laga sifeyn lahaa Buuraleyda Puntland ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Read More

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay Amniga, Caabuqa Covid19, qorshaha Tallaalka, Xaaladda Biya-yarida iyo abaaraha deegaanada Puntland iyo halka ay marayso socodsiinta isticmaalka Shillin Soomaaliga. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana uu faray in la dardargeliyo howlaha shaqo iyo adeegyada loo hayo bulshada.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay muhiimada Madasha Badbaado Qaran oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madashan ay ka shaqeyn doonto in dalka dib loogu celiyo dhibaatooyinkii uu soo maray, isagoona sheegay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday uu dalka galiyay hubanti la,aan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo looga dhawaaqay magaaladda Muqdisho, Madasha ayaa waxaa ku mideysan Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland. Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay Kulanka ayaa hadlay xaaladda dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad baadiyo, isagoo xusay in Madasha Badbaado Qaran ujeedka loo sameeyay tahay sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd Doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galay shirka madasha Badbaadada Qaranka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshan loo arkay inay xal ka noqon karto Xaalada cakiran ee Doorashada dalka, taas oo ilaa hada ay muuqato in aan lahaynin wado sax ah oo dalka lagu jihayn karo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in madashan ay noqonayso mid jiho…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ee Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, isagoo xusay in muhim ay tahay in laga wada qeyb qaato badbaadinta qaranka Iyadoo ay Madashu tahay mid u furan cidkastoo door ka qaadanaysa badbaadinta qaranka iyo sidii dalkan dhakhso uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Read More

Maxkamada darajada 1-aad ee Gobolka Mudug ayaa xukun isugu jira xabsi, lacag magdhow ah iyo ganaax ku ridday Haweenay jirdil ugu geysatay magaalada Gaalkacyo gabar yar oo ay eedo u tahay laguna magacaabo Qaali Ilyaas Sheekh Cali. Maxkamadda ayaa ku xukuntay Haweeneydan oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cali, saddex sanno oo xarig ah, $1,000 oo ganaax ah iyo $4,000 oo magdhow ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee Gobolka Mudug Cabdinaasir Maxamed Cali.

Read More

Madasha Bad-baado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta ayaa looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad oo Saxaafadda la wadaagay War-Saxaafadeedka Golaha ayaa ku dhawaaqay in Madasha Bad-baado Qaran Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi. Idilnews

Read More

Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ayaa tababar u soo xiray Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, oo kasoo baxay Dugsiga General Giriin ee degmada Badhan ee Gobalka Sanaag. Munaasabadda tababar loogu soo xiray Ciidammada ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale. Ciidamaddan tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay (GUUTADA LIBIN SIDE).

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed , geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka COVID-19. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada. “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa beeniyay war ay baahisay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee ahaa inuu furmay Shir u dhexeeya Guddigii farsamada ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, ee horey ugu shiray Magaalada Baydhabo. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Warka DFS aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin Shirka furmay Muqdisho. “Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadishu”ayuu yiri Wasiir Dhabancad. Warbaahinta dowladd ayaa goordhow shaaciay in Muqdisho uu ka furmay horudhac u ah Shirka dowladda iyo Dowlad Go baleedyada, kaasoo aan horay loo shaacin.

Read More

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu yahay mid muhiim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in kulankaan ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka iyo sidoo kalena ay dhaqaalle badan ku bixin doonaan si loo helo hanaan doorasho. Ergeyga ayaa sidoo kale xusey sida murankan mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya. “Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah,…

Read More

Ugu yaraan 1,300 ciidan ah ayaa iska xaadiriyey Xarunta Tababarrada Taageerada Nabadda ee Singo si ay tababar u qaataan ka hor inta aan loo dirin Soomaaliya bisha Oktoobar. Uganda waxay qorsheyneysaa inay dirto 2,752 oo keyd ah oo ka socda UPDF kuwaasoo loo maleynayo inay dhisi doonaan kooxaha loo yaqaan ‘Battle Groups 34 iyo 35’ si loo geeyo inta u dhaxeysa Oktoobar sanadkaan iyo bartamaha sanadka soo socda Soomaaliya. UPDF waxay dib ugu yeertay ciidanka Keydka bishii Janaayo iyada oo loo marayo xafiiska taliyaha ciidamada keydka, Lt Gen Charles Awany Otema.Kuxigeenka afhayeenka ciidamada, Lt Col Deo Akiiki, si loo soo…

Read More

Wasiirka,ku xigeenkiisa,Agaasimaha Guud iyo dhamaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradu waxay qayb ka yihiin Musuqa. Wasaaradu waa mid ka mid ah Afarta ugu qaalisan Wasaaradaha Puntland marka lagu qiimeeyo dakhliga soo gala. Sanadkii waxay toos umaamushaa labo ilaa Sadex Milyan oo dolar oo uga yimaada deeq bixiyayaasha. Tusaale” Talaalka Sanad walba laba jeer,ayuu yimaadaa,waxaana ku baxa dhaqaae gaaraya 1-Milyan. Gaari walba oo kiro la siiyo waxaa lagala haraa boqolkiiba Sodon narka maalinkii ay uqoran tahay 80$. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee qaada Talaalkaas waxaa laga jartaa 20$ Lacagtooda markay tahay 30$ maalinkii. Intaas waxaa sii dheer Gawaarida iyo Shaqaalaha waxaa intooda badan…

Read More

Madaxweynihii Dalka Tanzania John Magufuli, ayaa geeryooday, kaddib maalmo uu la xanuunsanayay wadno xanuun. Mdaxweyneku-xigeenka Tanzania Samia Suluhu, oo la hadlay Shacabka Tanzania ayaa xaqiijiyay geerida Madaxweyne Magufuli, isagoona ugu baaqay inay muujiyaan deganaan. John Magufuli ayaa ku dhintay Isbitaalka Jakaye Kikwete oo la dhigay 6 Maarso.

Read More

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo go’aan looga gaarayo Doorashooyinka Dalka. Shirka oo la filayo inuu 20-ka bishan Maarso uu ka furmo Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa garwadeen ka ah Wakiiladda QM, Midowga Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo damaanad qaadaya fulinta qodobada Madaxdu ku heshiiyaan. Wakiillada Beesha ayaa digniin u diray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo u sheegay inuu isaga fogaado carqaladeynta Shirkan, sidoo kalena uu soo xaadiro. Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland,…

Read More

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee dalka Netherlands ayaa maanta markale muddeysay dhageysiga ugu dambeeya ee galdacwadeedka badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Mahdi Maxmed Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dhageysiga gunaanudka uu qabsoomi doono maalinta berri ah oo ku astaysan 18 Maarso 2021. “Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guulleed Khadar. Sidda ay wararku sheegayaan, go’aanka muddeynta dhageysiga ugu dambeeya ee dacwadda ayaa ka dambeeyay markii ICJ ay ku…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adda NPA ee Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin wada shaqaynta Labada dhinac, loona baahin lahaa shaqooyinka la tacaalista halista walxaha qarxa iyo ciribtirka aafoyinkeeda. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kusoo dhamaaday Is-afgarad.

Read More

Musuq-maasuq baahsan ayaa hareeyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay Tallaaladii Xoolaha ee Wasaaraddu geyn jirtay dhulka Miyiga ah, si loo tallaalo Xoolaha kunool deegaanada Puntland. Shabakadda Idil News ayaa ogaatay inuu hakad ku yimid ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha, kaas oo la gaarsiinaya 5 Milyan oo Neef, oo kamid ah Xoolaha kunool deegaanada Puntland, kaddib markii Gaadiidleydii qaadi laheyd Kooxaha Caafimaadka iyo Tallaalka ay Xubno kamid ah Masuuliyiinta Wasaaraddu ku xujeeyeen inay bixiyaan Lacago laaluush ah. “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa nagu yiri ha bixiyo calaa gaari $500 oo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid bin Khaliifa bin C/casiis Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DF Soomaaliya Xasan Xundubey. Kulanka ayaa looga hadlay xoojibta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaalia iyo Qatar. Qatar ayaa taageero dhaqaale oo joogto ah siin jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, hase ahaatee bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu istaagay taageerada dhaqaale ee bilaha aheyd.

Read More

Iyadoo shalay la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee doodda dacwadda ka dhanka ah khilaafka xudduud Baddeedka ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayeey dowladda Soomaaliya ku boggaadisay qareennadii ku matalaya maxkamada ICJ sida wacan oo ay u soo bandhigeen xujooyinkooda la xiriira kiiskan. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed ayaa sheegay in qareennada dhinaca Soomaaliya ku matalaya maxkamada si wanaagsan u guteen doodda iyaga oo bandhigay xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Xeer ilaaliyaha ayaa intaas ku daray “Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu kala qeybinayo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo kala saaray kuwo daacad u ah Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kuwo ku howlan danta qaranka oo kaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in qorshahan ay ku Howlan yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raagi iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee XD Gen. Biixi. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha…

Read More