Author: Jibril Qoobey

Wararka ka imaanaya Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, uu maanta ka dhacay Deegaanka Laaso-dheer ee Bariga Gobalka Mudug. Dagaalka ayaa sababay dhimashada Labo kamid ah xoolo dhaqatadii dagaalantay, waxaana haatan degan xaalada Deegaanka lagu dagaalamay. Puntland iyo Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyay waday dadaalo lagu baajinayo dagaalada dhexmara xoolo dhaqatada kasoo kala jeeda Labada dhinac, iyagoo xal ka gaaray colaado marar dhow ah ka dhacay Deegaanka.

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, oo ka hadlayay Weerarkii dhowaan Kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay wixii ka socda baraha Bulshada Habeenkii weerarka, ayna muujisay in Boosaaso ay tahay Magaalada loogu nicib yahay. “Qof kasta oo damiir leh waa garan karaa in Magaalada Boosaaso tahay Magaalada loogu necebyahay Soomaaliya , inaad intaa ogaataan baa loo baahan yahay” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Bari.

Read More

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari, waxay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Hawlgalkaas oo ay saacadihii u dambeeyay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, waxa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aan tiradooda la xusin. Sidoo kale, waxa Al-shabaab hawlgalka looga furtay hub fara badan oo nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka. Ciidamada Puntland ayaa hawlgalo xiriir ah ka wada Buuraleyda Gobolka Bari, kadib weerarkii dhowaan lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Read More

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor & Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa kulan kula qaatay xalay Muqdisho Midowga Musharixiinta. Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Shirka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee maalmaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho. Midowga Musharixiinta ayaa la wadaagay QoorQoor iyo Guudlaawe in aysan u dulqaadan doonin in Dowlad Gobaleedyada ay kasoo jeedaan aysan matalin Siyaasad ahaan Bulshada deegaanadooda iyo kuwa Guud ee Soomaaliya, isla markaasna ay noqdaan u olaleeyayaasha Farmaajo. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa u sheegay Midowga Musharixiinta inay Farmaajo ula socdaan culeys ka heysta deegaanadooda,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulamo la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Dhammaan kulamada ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada.

Read More

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland qeybtii koowaad ee tallaalka cudurka COVID-19, kana timid xarunta COVAX, oo ay gacanweyn ka geysatay Hay’adda GAVI, iyadoo dajintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’adaha UN ta Ee WHO iyo UNICEF. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa Tallaalka kala wareegay Hay’addaha WHO Iyo UNICEF kala wareegay talaalka, isagoona ka warbixiyay talaalka inta uu ka koobanyahay iyo dadka la siin doono. “Farxad weyn ayay noo tahay ka wasiir ahaan iyo ka wasaraadda caafimaadka ahaan maanta inaan la wareegno wajigii koowaad ee talaalka Covid 19 oo dhan 40,000 oo xabo…

Read More

Duqa KMG ah ee Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Cabdiqani Axmed Ismaaciil, ayaa maanta xilka kala wareegay duqii hore ee Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hoolka Dowladda Hoose ee Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland, Maamulka Gobalka Bari, Saraakiil Ciidan, Isimo, Waxgaradka, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Duqa cusub ee Degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed, oo Munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in mudada uu xilka hayo uu si wanaagsan uga shaqeyn doono Hormarinta Magaalada Boosaaso iyo sidii adeeg wanaagsan loogu qaban lahaa Shacabka.

Read More

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa Xerada Xalane kula kulmay Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka Ambassador James Swan & Ambassador Donald Yammamoto. Kulanka ayaa looga hadlay Shirka go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, kass oo maalmaha soo socda uga furmaya Muqdisho Hoggaamiyayaasha Soomaalida, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka. Wakiillada QM iyo Mareykanka ayaa ku wargaliyay Qoorqoor in Hoggaamiyayaasha Soomaalida laga yeelayn inay ka meermeeraan Shirkan, maadama ay gaari waayeen heshiis Dalka ku jiheeya doorasho. Idilnews

Read More

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta ku dhigay intii badneyd Maxaabiistii ku eedeysnaa falalka Argagixiso ee ka fakaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso, kaddib markii ay weerar ku qaaday Kooxda Al-Shabaab dhowaan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta. Sidoo kale, Ciidammada PSF ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, ayna ku bartilmaameedsanayaan Kooxaha Nabad-diidka ah, iyagoo u mahadceliyay Shacabka Puntland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin sidookalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa qaatay tallaalka COVID-19 ee Oxford-AstraZeneca oo shalay la keenay Dalka. Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ay baahisay isagoo lagu durayo irbada Tallaalka COVID-19, ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay qaataan Tallaalkan, si looga hortago faafitaanka cudurka COVID-19. Tallaalka COViD-19 ee AstraZeneca ayaa haweenay da’ah ugu geeriyootay Denmark, kaddib markii xinjiro uu ku sameeyay dhiiga, taas oo keentay inay hakiyaan inta badan waddamada Yurub,

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo dhowaanahan ku maqnaa Dalka Turkiga ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Xubno kamid ah Labada Gole ee DFS, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Qoorqoor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. QoorQoor ayaa si deg deg ah uga soo amba-baxay xalay Dalka Turkiga oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku joogay Dalxiis, kaddib markii digniin adag ay u dirtay Beesha Caalamka isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, laguna amray inay si deg deg ah u yimaadaan. Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in…

Read More

Sarkaal kamid ah Laanta Dambi-baarista Puntland ee C.I.D ayaa saaka ka bad-baaday Qarax gaarigiisa lagula beegsaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), ayaa xilliga Qaraxa lala beegsaday marayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland ee Gobalka Mudug. Sarkaalkan ayaa la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Read More

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa shaacisay in afar dal oo kale, oo ay ku jiraan saddex dal oo Carab ah, lagu dari liiska dalalkooda aan dadkooda loo ogoleyn sababo la xariira covid-19. Dadka ka socda Cumaan, Qatar iyo Soomaaliya ayaa loo diidayaa inay galaan UK laga bilaabo Jimcaha. Dadka haysta baasaboorada Ingiriiska ama Irish, ama kuwa xaq u leh inay muddo dheer sii joogaan Boqortooyada Midowday, waa laga dhaafi doonaa, laakiin waxay ku qasbanaan doonaan inay hoteel karantiil u ahaadaan 10 maalmood markay yimaadaanba. “waxay gacan ka geysan doontaa yareynta halista noocyo cusub covid 19 – sida kuwa markii ugu horreysay…

Read More

Ugu dambeyntii dalalkii ugu dambeeyay ee baaritaanada ku waday talaalka Covid 19 oo kala ahaa Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas. Dalka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas. Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga…

Read More

Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa shaacisay in dhowaan si rasmiya loo daah-furi doono barnaamij ku saabsan dhiraynta iyo qurxinta magaalada. Barnaamijkan oo la baxay cagaarinta caasimadda, waxa iska kaashanaya dowladda hoose iyo shacabka Garoowe, waxaana dhir badan lagu beeri doona magaalada, si loo cagaariyo. Barnaamijka oo ku jihaysan hagaajinta bilicda caasimadda, ayaa la doonayaa in laga fuliyo dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe.

Read More

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye”QoorQoor” iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho oo maalmaha soo socda uu ka furmi doono Shirka Wada-tashiga DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Hoggoomiyayaashan oo maalmihii ugu dambeeyay dalxiis u joogay Dalka Turkiga, ayaa Axadii digniin adag ka helay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, iyadoo lagu wargaliyay in aan laga aqbali doonin qorshe kastaa oo ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan Shirka go’aan ka gaarista Doorashooyinka Dalka ee Beesha Caalamku hoggaaminayso. Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku gacan seyrtay soo jeedin ka timid…

Read More

Is mariwaagii waa sii xoogaysanayaa shirkiina waxaa kusii yimid caqabado hor leh… Farmaajo iyo kooxdiisa” In Odayaashii 135-ka ahaa loo yeero oo ay saldhig unoqdaan doorashada. Puntland iyo Jubaland” Waxay taagan yihiin halkoodii ahaa.. B.In shirka wada xaajoodka la hirgaliyo. T.In uu ka dhaco Xalane, J.In lagu shaqeeyo heshiiskii 17 Sept. X.In Golaha Midowga Musharaxiinta door la siiyo, Kh.In Beesha Caalamka korjoogto ahaato. Beesha Caalamka” Waxay ku mashquulsan tahay in ay hirgaliso Shirka ay iclaamisay. Talooyin,ayaa tilmaamaya in laysla soo qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa in loo soo jeediyo Warqad casuumad ah in ay soo saaraan oo 20-ka bisha ah,laguna qabto…

Read More

Ciidamada Badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorsheysan oo Badda ah ka fuliyey xeebaha Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raasi Gacan iyo degmada Laasqoray. Ciidammada ayaa hawlgalka inta uu socday kusoo qabtay 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey xeebaha Puntland si sharci daro ah. Ciidanka PMPF ayaa ugu baaqay Shacabka deegaanada Puntland inay kala shaqeeyaan Ciidammada sugidda Amniga, xasiloonida Puntland iyo kalluumaysiga sharcidarada ah.

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ahaa hoggaamiyihii ku guuleystay in dacwada bada la geeyo Maxkamada ICJ ayaa ugu baaqay dhammaan umada Soomaaliyeed in taageero loo muujiyo kooxda ka socoto Soomaaliya ee ku sugan Hogue. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in maanta dhammaan umada Soomaaliyeed ay muujiyaan kalsooni iyo midnimo. Waxaa uu tilmaamay inta ay socoto Maxkamad in wax walba meel iska dhigo si wax looga qabto soo celinta Soomaaliyeed. “Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan. Kulanka oo ah mid qaatay saacado badan ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Shirka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee la filayo inuu ka furmo Muqdisho. Idilnews

Read More

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintaan ayaa Warbaahinta u sheegay in arrintaan ay ka dambeyso khikaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabsoomid la’aanta doorashada. Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in arintaan ay ka dambeysay kadib cabashooyin badan ay gudbiyeen mucaaradka iyo maamul gobaleedyada dalka. Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in…

Read More

Waxaa goor dhow Muqdisho soo gaartay diyaarad siday talaalka cudurka Karoonaha oo markii ugu horreysay lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Talaalka ayaa waxaa siday diyaar gaar ah oo leedahay Hay’adda cuntada Aduunka ee WFP. Waxaa loogu tala galay in lagula dagaallamo cudurka Karoonaha soo si weyn ugu baahiyay magaalada Muqdisho todobaadydii lasoo dhaafay. Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa gaaray Wasiirka Caafimaadka iyo Wakiilo ka socda Qaramada Midoobey si ay ula wareegaan talaalka oo ah mid loogu deeqay.

Read More

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Hogue uu ka bilaabato Dacwada badda Soomaaliya ee Kenya ay ku heysato. Wafdi uu hogaaminaayo ra,iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku sugan Maxkamada. Masuuliyiinta ku sugan Hogue ayaa xalay ku adkeystay in ay tagayaan maxkamada ayna qaadanayaan doorkooda ayna difaacanayaan badda. Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation. Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan…

Read More

Wasaaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 18 qof ay 24-saac ee ugu dambeeyay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, waxayna sidoo kale diiwaan galisay 244 kiis oo cusub. Waa tiradii ugu badnayd oo 24 saac gudaheed u geeriyoota cudurka Covid-19 oo si xowli ugu sii faafaya Soomaaliya haba ugu badnaadee gobolka Banaadir oo dadka ugu badan ay ku nool yihiin. Wasaaradda caafimaadka ma sheegin dadka u dhintay cudurka meelaha ay kala joogaan, balse maalin kasta tacsida dadka u dhinta cudurka ayaa laga dareemaa baraha bulshada.

Read More

Wasarada caafimaadka qaybteeda la dagalanka cudurka duumada oo kashaneysaa hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) ayaa ka biloowday buufinta kaneecada meelaha halista ugu jira in uu Cudurka duumadu ka dilaaco ee gobolka Sanag. kooxaha buufinta ayaa la siiyay tababar labo maalmood ah , ayadoo ujeedadu tahay kahortaga duumada iyo cudurada kale ee Kaneecadu faafiso, Waxaana Ololahan oo socon doona muddo 17maalmood ah ayaa laga fulin doonaa degaanadaMidigar, Cawsane, Lako, Rad ,GumarCowsane iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoo la buufin doonaa 10kun oo Guri oo ay ku nool yihiin 60kun oo qof oo degaanadaas degan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Cismaan Buux Cali, oo maanta ku geeryooday Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. “Alla ha u naxariisto Cismaan Buux Cali, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dadka reer Puntland, isagoo soo noqday duqa degmada Qardho iyo Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelkiisii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya inuu janadii geeyo aamiin”.

Read More

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida uu sheegay Af-hayeenka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayay xoojinta Nabad-galyada iyo Xalinta Labadii dhacdo ee ka dhex-dhacay shacabka Gobalka Mudug. kulankan waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug Cabdiraxman Cali Diiriye, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug Cabdiraxman Sheikh Xasan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Galmudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland iyo qaar kamida Odoyaasha dhanqanka Magaalada Gaalkacyo Galmudug. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri” waan ku faraxsanahay inaanu maanta idinla kulano waxaanu maalmahanba wadnay aniga iyo saaaxibaday kulamo aan uga dabatagayno xalna uga gaarayno labadii dhacdo ee ka…

Read More

Madaxwaynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, ayaa ku xiray 2 Shuruud ka qaybgalkooda Shirka Muqdisho, sida ay sheegayaan saraakiil ka agdhow Labada Madaxweyne. 1- in Shirka lagu qabto meel ka baxsan Xalane. 2- In Dowladda Somalia ay isugu yeerto Shirka, sheegtana Waqtiga iyo goobta. Magaalada Muqdisho ayaa ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo uu casuumeen Beesha Caalamka, si ay uga qeybgalaan Shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, go’aana looga gaarayo Arrimaha Doorashooyinka.

Read More

Iyadoo maalinta berri lagu wado in Maxkamadda ICJ ay bilowdo dhageysiga dacwadda Badda ayaa waxaa soo baxaya in Kenya ay qorsheyneyso inay ka baaqato dhageysiga dacwadda. Kenya ayaa waligeed diidaneyd in dacwada badda lagu dhammeeyo Maxkmadda horteeda, waxaana taa bedelkeed ay rabtay in wadahadal iyo meelo kale lagu xalliyo. Hase ahaatee dowladda Soomaaliya oo dacwada gudbisay sanadkii 2014 ayaa diiday isku day kasta oo ay Kenya ku dooneyso arrintaas iyo in la aado meel ka baxsan Maxkamadda Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa shan qodob oo ka mid ah isku dayadii Kenya: 1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda…

Read More

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan kula leh Magaalada Muqdisho Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Khayre. Kulanka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ee weli cakiran iyo xal u helida jahawareerka siyaasaddeed ee uu dalku geliyay Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo. Idilnews

Read More

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka tacsiyeeyay askar ka mid ilaaladiisa oo xalay qarax lagula beegsaday Muqdisho. Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in labo ka mid ah ilaalada taliye Amnigiisa Masuulka ka ah uu ku dhinteen Qaraxa sidoo kalena uu ku dhaawacmay taliyaha Ciidanka ilaaladiisa. War uu soo saaray Musharax Daahir Geelle ayaa siddaan u qornaa: Waxaa caawa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan…

Read More

Xamar waxaa kasoo baxaya war sheegaya in aysan rajo badan jirin,Farmaajana is adkeynayo. Qodobada Miiska usaaran Deni iyo Axmed” Warqad inuu qoro la mid ah tii Xassan Shiikh 2016.Heshiiska Baydhaba oo qodobadiisa si waafi ah looga heshiiyo.Amniga Doorashooyinka oo laga dhex saaro NISA iyo Militariga.Murashaxiinta oo doorkooda campaignka loo ogolaado. Qodobada Farmaajo miiska usaaran” 1.In Farmaajo Shirka Casumo. 2.In Villa Soomaaliya lagu wada hadlo. 3.in Soomaalida kaliya ay wada hadasho. 4.In shirku noqdo saxiix kaliya

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay kulan kula yeeshay Madaxtooyada magaalada Boosaaso Qaar kamid ah Isimada Puntland, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Is waraysi ka dib Madaxweyne Deni,ayaa u sheegay Isimadaas in uu isbedel ku samaynayo Gobolada Gardafuu,Bari,karkaar, iyo Sanaag, sidoo kale hay’adaha Sirdoonka iyo Asluubta. Madaxweyne Deni Isimada wuxuu ka codsaday in ay gacan siiyaan. isimaadaasi waxay kala hadleen Amniga Bosaso,Dekada Bosaso sababta loo dhisi waayey iyo arimo ku saabsan Midnimada Soomaaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ayaa waxaa soo gaaray dhaawac siyaasadeed kii ugu xumaa. Mudane Farmajo wuxuu lumiyay kalsoonidii siyaasada ee ka dhexeeysay waxgaradka Soomaaliyeed. Mudane Farmajo wuxuu banaanka soo dhigay shakhsiga dhabta ah ee uu yahay:Mudane Farmajo ma ahan nin wax xeeriya, Mudane Farmajo ma ahan nin fahamsan dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, Mudane Farmajo kalama yaqaano xuduuda u dhexeeysa nabada iyo colaada. Mudane Farmajo colaada waa hurin yaqaan, laakiin ma yaqaano sida nabada loo sameeyo. Tusaale ahaan:SU’AALAyaa ii sheegi kara tirada Ciidan iyo hubkii aay siteen Ciidamadii Puntland ee la socday Madaxweyne Cabdi-Wali Gaas?Maalmihii uu Xamar u Imaam…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax Miino uu goor-dhaweyd ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Afisyooni. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aasay, ayaa lala beegsaday Sarkaal lagu magacaabo Col. Cumar Cabdiraxmaan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Col. Cumar Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in Qaraxan uu kasoo gaaray dhaawac. Wixii kasoo kordha kala soco IdilNews

Read More

Safiirka cusub ee Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, ayaa kulan dhanka Internet-ka la qaadatay xubnaha Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha si ay uga wada hadlaan ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida loogu gudbi karo . Golaha Midowga Musharixiinta ayaa safiirka waydiiyay sababta ay warqadaha aqoonsiga safiirnimo ugu wareejisay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Mudo xilleedkiisu dhamaaday. “Kulan wax ku ool ah oo aan la yeelanay Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha goor hore. Waa muhiim in dhammaan codadka la maqlo. U.K waxa ay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada in ay sii wadaan wadahadalka isla markaana la helo waddo loo maro in la gaarsiiyo doorashooyin lagu kalsoonaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ka amba-baxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xariirta ka qeyb-galista Shirka Wada-tashiga Doorashooyinka, kaas oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster. Guddoomiyaha iyo safiirka waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Dalku marayo iyo sida xal looga gaari lahaa arrimaha ku hor gudban doorashooyinka la filayo in dhowaan ay dalka ka qabsoomaan.

Read More

Ugu yaraan 8 Ruux ayaa lagu dilay, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay meel u dhow saldhig booliis oo ku yaal galbeedka gobolka Herat ee Afghanista. Afhayeenka isbitaalka gobolka, Rafiq Sherzai, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee qaraxii Jimcaha la filayo inay kororto, sababo la xariira in qaar kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaalad halis ah ku jira.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa 30 shaqaale oo ka kala yimid dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe u qabatay tababar ku saabsan talaalka COVID-19 oo la qorsheeyey inuu dhamaadka Bishaan uu soo gaaro Puntland. Agaasimaha guud ee wasaaaradda caafimaadka dawaladda puntland Dr Abdiraaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in 300 oo kun oo talaalka covdid-19 soo gaarayo soomaaliya dabayaaqada Bishaan loona qorsheeyey in Puntland lagu bilaabo. “Waxaan soo dhawaynayaa in loo xushay in talaalka oo bishan 25 keeda soo gaari doona Soomaliya laga bilaabi doono Puntland oo xaga qaboojiyaasha iyo inaan udiyaarsanahay wax kasta oo talaalku ubaahanyahay”. ayuu yiri Agaasime Cabdirisaaq.

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkiga uu ka taageerayo Soomaaliya sidii loo xallin lahaa muranka hareerayay in la qabto doorashooyinka dalka Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka ee Anadolu ayuu kaga hadlay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashooyinka dalka Soomaaliya. “Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga. Mevlut Cavusoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay isu…

Read More

Madaxweynaha DowladdabPuntland Dr.Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaw ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada. Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa la xiray, waxaana lagu daadiyay qaar kamid ah Degmooyinka Ciidammo si loo adkeeyo Amniga. Idilnews

Read More

Qaar kamid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta sabti ah xiran,iyadoo isgoysyada la dhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal. Dadka Shacabka iyo Gaadiidka ayaa Ciidammadu u diidayaan inay maraan Waddooyinka, waxaana jira culeys fara-badan oo Shacabku iyo Dadka shaqeeya ay ka cabanayaan.Lama oga sababaha maanta loo xiray waddooyinka, waxaana la hadal hayay shirka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada in loo xiray waddooyinka.

Read More

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.” Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed Waxay cadeysay inay adagtahay in lasoo afjaro sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha Afrikaanka ah ee golaha, oo ay kujiraan Kenya, Niger iyo Tunisia, kuwaas oo xitaa London ku qasbay…

Read More

Safiirka cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster ayaa kulan la qaadatay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta, waxaana ay kala hadashay Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa. Safiirka Cusub ee Dowladda UK, u fadhida Soomaaliya Kate Foster,ayaa sheegtay in kulan wax ku ool ah ay la qaadatay midowga Musharixiinta ayna ku faraxsan tahay in labada dhinac ay is maqlaan. Safiirka Waxa ay sheegtay in Dowladda UK, ay maqlayso dhamaan aragtida Musharaxiinta si loo helo doorasho loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan saamileyda Siyaasadeed. UK, Waxa ay ku boorisay dhinacyada in ay…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo barta Clubhouse kula hadlayay Kumanaan Shacab ah ayaa ku dheeraday marxalada Dalka, sida Amniga, Doorashooyinka, iyo Dhaqaalaha, qorshihiisa Siyaasadeed ee ku aadan haduu Hogganka Dalka uu ku guuleysto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo su’aalo furan lagu weydiiyay kulanka ayaa ku dheeraday Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Is-aaminka Siyaasiyiintu halka uu marayo, waxaana uu sheegay inay rabaa in Dalka ay ka dhacdo Doorashadii Puntland oo kale, si daah-furan loo tartamo. “Doorashadii Puntland ka dhacday oo kale baan rabnaa inay Soomaaliya ka dhacdo, ma oranayo 100% way saxnayd ee waxay ahayd doorasho si xor ah loo wada tartamayey oo…

Read More

Alle ha u naxariistee Meydka AUN Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, ayaa goor-dhaweyd laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Madaxda DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday, Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya Salaada janaasada ah oo goor-dhaw lagu tukanayo Marxuumka.

Read More

Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in garoonka diyaaradaha u diidaan madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha, kadib markii ay ku amreen in aysan geli karin iyagoo ilaalo wato. Madaxdii hore ee dalka ayaa damacsanaa ka qeybgalka soo dhaweynta iyo aaska Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo goordhow laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde. Muddo ka badan saacad ayaa waxaa socday dood iyo taag taag ciidan. AMISOM waxay sheegtay in amarkaan uu ka soo baxay madaxda dowladda ee muddo xileedka ka dhaamaday, waxaana maanta halis loo galay in garoonka dagaal ka dhaco, taas oo ugu dambeyn sababtay in…

Read More