Author: Jibril Qoobey

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah kulan ka leh Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Doorashooyinka & is marin-waaga siyaasadeed ee hareeyay marxaladda looga gudbayo geedi socodka muddo xileedka dowladda waqtigeedu dhammaaday. Sida ku xusan war kasoo baxay Golaha ammaanka Todobaadkaan, fadhiga waxaa warbixin guud laga dhageysanayaa Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo gunta uga jiray wada-xaajoodka Siyaasadeed & la socodka dhaq-dhaqaaqa ficilka loogu rogayo heshiiska 17-kii September 2020 laga gaaray Doorashooyinka balse ku dhaqaaqisteeda caqabadaha hareeyeen. Swan ayaa kulamo siyaasadeed toos ugu horfadhiistay dhinacyada lafta-dhabarta u ah hirgelinta heshiiska Doorashooyinka, halka…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday dalka Jabuuti. Madaxweyne Deni, ayaa Qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray dhammaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday suldaanka gaar ahaanna Qoyska iyo Eheladiisi. “Alle ha u naxariisto Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti, geeridiisa waxaan uga tacsiyeenaya ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland.” Marxuumka oo ka mid ahaa odeyaasha dhaqanka Puntland, wuxuu kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo lagu xasuusto kaalintiisii Shirkii Carta ee sanadkii 2000.

Read More

Ergeda Soomaaliya uga qayb galeysa Maxkamadda Caddaaladda Aduunku ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kula la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier. Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda garanqsiga Soomaaliye ee ku aaddan dacwadda. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixinaya kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeed a oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa Duqa KMG ah ee Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland u magacaabay Cabdiqani Axmed Ismaaciil, oo haatan ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso .2. Waxaa Axmed Nuur…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa kala diray Golihii Deegaanka Degmada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Wuxuu…

Read More

Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, u xil saaray aaska Allah u naxariitee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in maalinta beri ah la keeno doono Maydka Madaxweynah. Cumar Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddigaas kamid ah ayaa sheegay in shaqada Guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Read More

Ciidanka Puntland ayaa maanta is hortaagay qorshe ay Somaliland ku geynaysay Sanaadiikhda cod-bixinta Degmada Taleex ee Gobalka Sool. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah Sanaadikhda cod-bixinta ee Somaliland ugu talagashay Taleex. Somaliland ayaa dhaqaale siisa maleeshiyo beeleed ka howlgasha Degmada Taariikhiga ah ee Taleex, kuwaas looga Awood roonaday maanta inay Degmada soo galiyaan Sanaadikhda codeynta Doorashooyinka Somaliland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoyigiis magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kadib kawada hadley xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka. Sidoo kale madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysey ee gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Read More

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in “ciribtir qowmiyadeed” uu ka socdo Galbeedka Tigray, waxaana uu sheegay in xaaladda gobolkaas ay tahay mid aan la aqbali karin. Blinken oo hortegay guddiga arimaha dibedda u qaabilsan Congress-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gobolka Tigray laga saaro xooggaga Eritrea iyo kuwa deegaanka Amxaarada, laguna bedalo “ciidamo aan tacaddiyo ka geysan doonin gobolkaas.” Xoghayaha ayaan faahfaahin waxa uu ula jeedo ciidankaas, iyadoo qaar kamid ah xubnaha guddiga ay weydiiyeen in loo baahan yahay in hawlgal nabad ilaalin ah loo diro gobolka Tigray. “Dhibaatada ka taagan Itoobiya ayaa ah…

Read More

Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa lafaray dhamaan laamaha amaanka inaan xuudaha,Garoomada & Dekada Puntland aan laha soo Dajin karin Gaadiidka Ciidanka & Gaadiidka aan xabadu Karin. Wareegtadaan oo ahayd dhaqan Galinta wareegto uu horey usoo saaray madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa ahayd inaan cid aan aqoonsi saxa dowlada ka wadan aysan Gaadiidkaa lasoo Dagi karin ama Xuudaha Puntland aysan soo Galin Karin.

Read More

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa Deegaanada Puntland Looga mamnuucey Gaadiidka Bilaa Taarikada Ah. Wasiir Gallan ayaa faray dhamaan Ciidanka booliska inay qabtaan Gaadiidka bilaa taarikada ah kuwa shacabka ama kuwa dowladaba. Waxaa sidoo kale wasiirka uu faray ciidanka booliska inay mamnuuctahay in deegaanada Puntland aan lagu dhex wadan karin Gaari Bilaa taarko ah.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu isbedel ku sameeyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, Maamulka Gobalka Bari iyo Hay’adaha Amniga, sida ay ogaatay Idil News. Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, isagoona u magacaabi doona Gallan Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Bari. Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali, ayaa xilka laga qaadi doonaa, waxaana lagu badali doonaa G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusu oo ahaa Taliyihii hore ee Madaxtooyadda Puntland. Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa magacaabi doona xubno cusub kamid…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay xubno kamid ah Ururka Daacish oo kamid ahaa maxaabiistii Al-Shabaab kala baxday xabsiga magaalada Boosaaso oo dhowaan ay ku qaaday weerar, sida ay sheegayaan saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland. Xubnaha Daacish ee ay toogatay Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Labo Nin oo lagu kala magacaabo Ina Toojle iyo Ina Khuurshe, kuwaas oo ahaa saraakiil sare oo katirsanaa Daacish.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo xalay marti ku ahaa barta Xiriirka Bulshada ee loo yaqaan Club House, ayaa ka warbixiyay Arrimaha Guddiga uga qabsoomay diyaarinta Hannaanka Xisbiyada badan. Guuleed Saalax ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan Habraacyada iyo xeerarka ku saabsan hirgelinta Barnaamijka xisbiyada badan, si loo qabto doorashooyin ku salaysan Hannaanka qof iyo cod, islamarkaana looga gudbo Nidaamka Qabaliga ah. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay doorashooyin hordhac ah oo bartamaha sannadkan laga qaban doono saddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo tijaabo u noqon doona Hirgelinta Doorashooyinka qof iyo cod.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, oo xaalad caafimaad markii hore loo geeyay. Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq, iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka.

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa kula kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa , Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Kulanka ayaa looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika. Wasiirka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan ku sugan yahay. Sidoo kale, Kulanka ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha qaaradda ee labada dhinac ay danaynayaan oo ay ku jirto deganaanshaha gobolka iyo dib-u-cusboonaysiinta muddo sharciyeedka Howlgalka Midowga Afrika…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin; Xasan Xundubeey Jimcaale, GuddoomiyeCismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeenCumar Maxamuud Maxamed (Filish), XubinJanaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, XubinXasan Xuseen Xaaji, XubinEng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), XubinDurraan Axmed Faarax, XubinCumar Cali Rooble, XubinXil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, XubinXil. Maxamed Axmed Abtitoon, XubinCabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), XubinRa’iisul Wasaare Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu caawa la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso. Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka oo meel wanaagsan maraya. Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.

Read More

Duqii degmada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, oo goor-dhaweyd la hadlay Saxaafadda ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley xilka, kaddib markii uu xalay shaqo joojin ku sameeyey Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni. “Waxaan gebi ahaan iska casilay jagooyinkii aan ka hayey Boosaaso dhammaantood, xubinimadaydii Golaha Deegaankana waan iskacasilay iyana , waxaana soo dhawayn baadhista loo diray Hantidhowrka guud ee Puntland”. Ayuu yidhi Cabdisalaan Bashiir. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud. Kulanka oo ka dhacay Hoyga Madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay hubanti la’aanta weli ka jirta arimaha doorashooyinka dalka iyo shirka dhowaan la filayo in uu Muqdisho ka dhaco. Idilnews

Read More

Shirkadda YouTube ayaa qoraal ay soo saartay xalay waxay ku sheegtay in dadka YouTubers-ka ah ee aan degeneyn Mareykanka in laga billaabo bisha June ee sanadkan 2021 – laga goyn doono canshuur Mareykan ah. Waxay sheegeen in toddobaadyada soo socda la weydiin doono in qof kasta uu xogtiisa canshuurta ku soo gudbiyo AdSense si loo go’aamiyo inta ka go’i doonta. Waxaa canshuurta looga goyn doonaa lacagta YouTubers-ka ay ka sameeyaan dadka ka daawada Mareykanka gudihiisa. Haddii qofka YouTuber-ka ah aanu gudbin macluumaadkiisa canshuurta ilaa 31 May 2021, shirkadda Google waxay sheegtay inay ku qasbanaan doonto, inay ka jari doonto 24%…

Read More

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur). Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Dood ayaa dhowaanahan ka taagneyd in Safiirka cusub ee UK ay Waraaqaha u gudbiso Madaxweyne Farmaajo maadama uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, balse Waaxda Arrimaha Dibedda UK ayaa sheegtay in lagalama maarmaan tahay in Waraaqaha Aqoonsiga laga gudddoomo Safiirka, si shaqada safaarada loo dardar-galiyo. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Kheyre. Kulanka oo ahaa mid Is xogwareysi ah ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, iyo Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ay yeelanayaan, kaas oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka. Idilnews

Read More

Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xaalada cakiran ee Dalka, gaar ahaan Amni-darada sii kordhaysa iyo baaritaanka cudurka COVID-19. Midowga Musharixiinta ayaa si adag u cambaareeyay Weerarkii xabsiga Magaalada Boosaaso, Qaraxii Maqaayada Luuley Yamani ee Muqdisho iyo Madaafiicdii shalay lagu garaacay Xerada Xalane ee saldhiga u ah Beesha Caalamka, waxaana ay eedeymo kulul u jeediyeen Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo. Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta.

Read More

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 12-ka Maarso 2021 oo ku beegan Jimcaha maalin kadib fadhi ka leh Xaaladda cakiran ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay boggooda. Fadhiga Golaha ammaanka oo guud ahaan wadajir looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique, balse marka la gaaro xogta dhanka Soomaaliya si gaar ah ayaa loo qiimeynayaa. Wargeyska Foreign Policy oo maqaal dheer ka diyaariyay kulanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa daabacay in la dhageysanayo Warbixinnada laga diiwaangeliyay xaaladda Soomaaliya. Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in uu fadhiga…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka baaqsaday socdaal la filayay maanta inuu ku tago Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo rasmi ah. Madaxweyne Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay dib-u-habeyn uu ku waddo Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobalka Bari, waxaana uu kulamo la lee yahay Masuuliyiin kamid ah Xukuumaddiisa iyo Waxgarad. Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni uu tagi doono Muqdisho, galinka dambe ee berri, ama jimcaha, waxaana Muqdisho ku sugan Wafti horu-dhac u ah Madaxweynaha iyo qeyb kamid…

Read More

Ciidamo ka socda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo diiday inay galaan Xerada Xalane, kaddib markii Ciidanka AMISOM ay ka cesheen afaafka hore ee Xerada. Ciidanka oo la sheegay inuu soo diray Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa la sheegay in la doonayay inay qeyb ka qaataan sugida Amniga Teendhada Afisyooni, oo lagu qabanayo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo go’aan looga gaari doono Arrimaha Doorashooyinka Dalka. Taliska Ciidanka AMISOM ayaa ku wargaliyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya in Ammaanka Guud ee Teendhada ay iyagu sugi doonaan, balse Madaxda ka qeybgalaysa Shirka loo ogol yahay ilaaladooda, taas oo waji gabax ku noqotay…

Read More

Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka. Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. AUN Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow ayaa katirsanaa Golaha Shacabka BJFS ka tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir kasoo noqday Dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa soo dhaweeysay Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomaali kasoo laabtay Dalka Yemen, kuwaas oo Doonni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda magaalada Boosaaso. Qaxootigan oo ah 75 Qoys ayaa kasoo cararay dagaallada daba-dheeraday ee waddanka Yemen ka jira. Doontan Qaxootiga siday ayaa noqonaysa tii labaad oo todobaadkan soo gaarta Dekedda magaalada Boosaaso, Waaxda Arrimaha Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaana qaabishay dadkan oo dib u dajin loo sameyn doono.

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo Xalane ee Muqdisho. War ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Read More

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha. “Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan. “Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Duqa Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, kaddib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq, isagoona faray Hanti-dhowrka Puntland inay baaris ku sameyso. Akhriso Wareegtada Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka…

Read More

Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa Maanta Magacaabay Saddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiiradda Kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa. Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Guudlaawe ayaa kala ah 1. Maxamed Cumar Ceymoy Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka. 2. Xil. Saalax Maxamed Xasan Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Tamarta. 3.Xil. Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Read More

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa maanta u qaybisay agabyo isugu jira dharka, qalab caafimaad iyo kuwa nadaafada 170 kamid bulshada qaybahooda baahiyaha gaarka ah qaba ee magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Buurtinle. Deeqdan oo qayb ka ah munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa waxaa madasha lagu bixinayay goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Sahro Kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda. Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in qorshaha horu-tabinta sandkaan ee Wasaaraddu uu…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen Hoobiyayaal maanta lagu tuuray xarunta Xallane oo ah saldhigga Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay lix Hoobiye ku weerareen Xallane, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkas. Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli Xallane uu ka dhacayo shir dhexmaraya Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo go’aan looga gaarayo doorashooyinka Soomaaliya, ayna garwadeen ka yihiin Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka. Lama oga in madaafiicda ku dhacday xallane ay saamayn ku yeelan karaan shirka madaxda Soomaalida ku yeelandoonaan.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa haatan ka dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee dhameystirka Heshiiskii Doorashooyinka Dalka, kaas oo ay garwadeen ka yihiin Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka.

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa Shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Gobalka Mudug, kaas oo ay ka qeyb-galeen Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, iyo Saraakiisha Ciidanka Amniga Labada dhinac. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Amniga Gobalka Mudug, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray iskaashiga amniga ee la xiriira la-dagaalanka kooxaha Nabad-diidka ah. Kulanka ayaana intii uu socday waxaa Guddi loo saaray shaqaaqo dhawaan ka dhacday Galbeedka Gobalka Mudug. Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegey in Dowladda Puntland ay Isbadal dhaba ka samaysay Ammaanka Gobolka Mudug, isagoona…

Read More

Tiro Hoobiyayaal ah ayaa lagu garaacay goor-dhaweyd xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah saldhiga Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ahaa illaa 6 Hobiyayaal ah, maadama xogta Xerada xalane aad loo qariyo. Madaafiicdan lagu tuuray Xalane ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhowaan Teendhada Afesiyoone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, iyo Dowlad goboleedyada, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool. Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha. Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Magaalada Muqdisho, oo uu maalmaha soo socda ka furmi doono Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee dhameystirka Heshiiskii Doorashooyinka Dalka ee 17-kii September. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa degi doona Hoyi looga diyaariyay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ay Amnigiisa sugayaan ilaaladiisa gaarka ah iyo Ciidanka AMISOM. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa inuu gelinka dambe ee berri ka dego Magaalada Muqdisho, waxaana Muqdisho gaaray Wafti horu-dhac u ah iyo Qaar kamid ah Ciidanka ilaalada Madaxweynaha. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa booqday Buuraleyda Gobalka Bari oo ay howlgallo ka dhan ah Kooxaha Argagixisada ah ay ka wadaan Ciidanka Difaaca Puntland. Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland ayaa inoo sheegay in diyaarad AirCopter ah oo ay lee yihiin Ciidanka PMPF Puntland ay Madaxweyne Deni ka qaaday Isniintii magaalada Boosaaso, isagoo tagay fariimaha Ciidammadu ku lee yihiin Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat, waxaana uu kulan kula yeeshay Saraakiisha Amniga. Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo ku guda jira howlgalka ayaa bogaadiyay, isagoona balanqaaday inay Dowladdu u dhameystiri doonto waxyaabaha ay u…

Read More

Howlgalo ayay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen deegaanada u dhaxeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose,iyadoo howlgaladas lagu diley dagaalamayaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Wararka ayaa waxa ay sheegeyaan in howlgaladan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin Basra iyo Daniga Baallow. Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay in cid kasta oo ka safraysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland laga rabo inuu Damiin keensado, si loogu fasaxo safarkiisa. Axmed Maxamuud Cali, oo ah Taliyaha Kantaroolka saddexaad ee laga soo galo Magaalada Garoowe ayaa sheegay in qof kasta oo safraya sidoo kale laga rabo inuu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.Sidoo kale, Axmed Maxamuud ayaa xusay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas. Puntland ayaa horey baaritaan ugu sameyn jirtay Dadka…

Read More

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni & Axmed Maxamed Islaam ayaa Labada maalmood ee inagu soo aadan ka degi doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay uga qeybgalayaan Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Shirka oo ka dhacay Xerada Afisyooni, ayna ammaankiisa sugayaan Ciidanka AMISOM ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka, waxaana la filayaa inuu dabayaaqada Asbuuca uu qabsoomo. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa looga diyaariyay Deegaan ku yaalla Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaas oo amaankiisa ay sugayso AMISOM. Caqabada Shirka ku geedaaman. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta Mudne Cabdullaahi Xirsi timacade, Maamuulaha Furadda Maxamed Yuusuf iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda. Masuuliyiintan ayaa tagay goobaha shaqadu ay ka socto maamulaha furdada ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay qaabka ay u socto shaqo maalmedka we dhanka cashuurta badeecooyinka. Kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa looga hadlay hawlaha shaqo ee dekedda waxaana ka qayb galay Wasiirku xigeenka Dekedeha Yaasmiin Cartan.

Read More

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal ay ku sheegeen “inay kula socod siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal. Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen…

Read More