Qiimaha saliidda ayaa gaaray $ 70 halkii foosto markii ugu horreysay muddo 14 bilood ah kadib markii Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha saliidda adduunka ugu sarreeya, ay sheegtay in xarumaha tamarta la wareeraray maalinkii Axadda aheyd. Diyaarad Drone ah oo ka soo kacday badda oo ku jirtay haanta keydka shidaalka ee Ras Tanura, oo ah mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee maraakiibta shidaalka ee adduunka, ayaa dhacday subaxnimadii Axadda, sida ay sheegtay boqortooyada. Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa maalintii Axada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ku garaacnay wadnaha warshadaha saliida ee Sacuudi Carabiya, oo ay kujirto xarun Saudi…
Author: Jibril Qoobey
Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xero milatari oo ku taal Equatorial Guinea ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, halka in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Massuliyiinta Caafimaadka. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dab ka kacay bakhaar hub lagu kaydiyo, kaasi oo sababay qaraxyada rasaasta noocyadeeda kala duwan. Waxay sheegtay in tirada rasmiga ee la haayo ay tahay 20 dhimasho ah iyo 600 oo dhaawac ah, iyada oo intaa ku dartay in sababta qaraxyadan si buuxda loo baari doono. Mar sii horreysay, Wasaaradda Caafimaadka Equatorial Guinea…
Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadiyeen haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqeen in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha “Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay…
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah u jeediyay maanta Baarlamaanka Somaliland, isagoona diirada ku saaray arrimo badan, sida Doorashooyinka, Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo xaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay caqabad ku tahay Somaliland, isagoona sidoo kale digniin u diray Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hambalyo ku aadan xuska 8-da Maarso oo ah maalinta caalamiga ah ee Haweenka u diray Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Haweenka jooga furimaha hore, sida gabdhaha kujira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa caabuqa COVID-19. “Hambalyo maalinta Haweenka 08, Maarso. Waxaan u hambalyaynayaa haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Puntland, kuwooda jooga furimaha hore, sida gabdhaha kujira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa caabuqa COVID-19″ ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Deni.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu dhaqan galayo gannaax la dul dhigi doono cid walba oo aan xiran Face Maska ama Af xirka goobaha la isku yimaado, si looga hortago faafida COVID-19. Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in amarkaas ka dhaqan gelin doonaan goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha bulshada isugu timaado. Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa faray bulshada Caasimadda inay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.
Ciidamada PMPF iyo PSF Dowladda Puntland ayaa maalintii afaraad howlgallo Kooxaha Argagixisada ah Al-Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraleyda Gobalka Bari. Ciidanka oo Lugeynaya ayaa saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka sameeyay Togagga Marajiifle, Gaaca iyo deegaamo kale oo kuteedsan togaggaasi, iyagoo u si gudbaya Buuraha durugsan oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Argagixisada ah. Howlgalkan oo ah mid balaaran ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday jimcihii xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Saraakiisha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan, si loo…
Todobaadka soo socdo maalinta Isniinta waxaa si rasmi ah u bilaabmaya dhageysiga garmaqalka Muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ICJ oo dhowr mar hoore codsiya ka yimid dowladda Kenya dib ugu dhigtay ayaa go’aamisay dhamaadkii February in aan mardambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda labada dal. ICJ ayaa sidoo kale bilawgii bishaan March go’amisay in ay dacwadda Baddenna ee muranka galisay dowladda kenya qaadi doonto 15 March . Soomaaliya waxaa Maanta muqdisho ka amba baxaya masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qayb galaaya dhagaysiga Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Somalia.Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda…
Guddiga Dowladda Soomaaliya u matalaya dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa goordhow u ambabaxaya magaalada Hague. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumaddaxil-gaarsiinta aj, waxaana ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inay ka qeybgalayaan Dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhexeysa dalkeena Kenya.
Ciidanka Dowladda Sudan waxay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee K/Bari ee Sudan. Ilo-Milliteri oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka. Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan. Taageeradda Milliteri ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee…
Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa maalintii afaraad ku jira howlgallo ka dhan ah Argagixisada oo ka socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, kaddib Weerarkii jimcihii Al-Shabaab ay ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay inay cagta mariyeen kooxdii soo weerartay xabsiga, ayna badi dileen maxaabiista kasoo qabteen, kuwaas oo ay kusoo bandhigeen dhulka Buuraleyda. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay Ciidanku kusii siqayaan dhulka Buuraleyda ah ee fog, oo la aaminsan yahay inay Argagixisadu ku lee dahay Saldhigyo ay ku dhuumaaleystaan. Cutubyo kamid ah Ciidanka u tababaran ka dagaalanka Buuraha ee Daraawiish-ta Puntland ayaa shalay loo…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado. Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin. “Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si…
Sakeriye Cismaan Maxamuud waa Talye xigeenkii Xabsiga Bosaso waxuu door ka qaatay qorshihii Alshabaab sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen. Arimaha uu fuliyay waxaa ka mid ah… 1.Lacagta Xubnaha Shabaab ee Xabsiga ku jiray oo lagu soo shubi jiray. 2.Waxuu kala furfuray Waardiyaashii Xabsiga oo laaluushay. 3.Sagaal ka mid ah Ciidankii Waardiyaasha Xabsiga waxuu udiray Garowe maalin ka hor weerarka. 4.Waxuu Taleefoono mid mid ugu qaybiyay xubnihii Shabaab uga jiray Xabsiga. 5.Habeenkii hawlgalku dhacayay waxuu dansaday Taleefoonkiisii,isagoo Gurigiisa seexday. Laamaha amaanka Puntland xogtan waa hayaan. Jibril Qoobey.
Cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Daraawiish-ta ayaa maanta loo daabulay Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, si ay qeyb uga noqdaan Howlgal culus oo maalintii saddexaad socda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa shalay ku dhawaaqay howlgalkan si loo soo afjaro kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaad.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti oo la hadlay Warbaahinta Dowladda Puntland ayaa ka hadlay Amniga gobolka Nugaal waxa uuna shacabka faray in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga. Guddoomiyaha ayaa dhanka kale dadka kireeya guryaha iyo Hotelada ugu baaqay in ay hubiyaan dadka ay wax ka kireenayaan oo ay hubiyaan damaanadda Qofka.
Xildhibaan Mahad Salaad oo Boqolaal dhalinyaro ah kala hadlayay Aalada maqalka ah ee Clubhouse, ayaa banaanka soo dhigay xogo badan oo ku geedaaman fashilkii Wada-hadaladii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Shirkaas ay fashiliyeen Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo ay gadaal ka taagnaayeen Fahad Yaasiin iyo Farmaajo. “In wasiir dowle 9-saacadood qol 5-mitir ah nagu dhax haysto uu na yiraahdo fariimaha uu soo dirayo nin gurigiisa ama xafiiskiisa joogaa qaadaneysaan ama waa lagu kala tagaa waxay ahayd nasiib darada shirkii Decale” ayuu…
Illaa 3 Ruux ayaa ku dhaawacmatay Gaari siday Qoys Reer guuraa ah oo ku dhacay deegaanka Laaso-dheer ee magaalada Ballibulse ee Gobalka Mudug. Dadka ku dhaawacmay Gaariga dhacay oo noociisu ahaa ‘Dheyne’ ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Ballibusle, sida ay inoo sheegeen Dadka deegaanka. Sidoo kale, Shilkan ayaa sababay dhimashada qaar kamid ah xoolihii saarnaa gaariga.
Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo Ganacsatada Gobolka Nugaal oo ka wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa helitaanka warshad Oxygen soo saarta oo la dhigo cisbitaalka Garowe. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gudoomiyaha gobolka ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta gobolka Nugaal ganacsatada gobolka . Masuuliyiinta wasaaradda ayaa ganacsatada ka soo qaybgashay shirka kala hadlay sidii xaaladahii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid19 iyo koror ku yimid baahida loo qabo Oxygenta, taasi oo ka badan intii horay ujirtay, waxaana ay kala hadleen ganacsatada sidii dawlada iskaga kaashan lahaayeen helitaanka warshada soo saarta Oxygenta oo la…
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa maalmaha soo socda tagi doona Magaalada Muqdisho, oo uu ka dhacayo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada. Shirka oo ka dhici doona Xerada Xalane ayaa waxaa garwadeen ka ah Beesha Caalamka, waxaana lagu dhameystiri doonaa Heshiiskii Doorashooyinka Dalka ee 17-kii September-2020. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu berri oo Isniin ah tagi doono Magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu tagi doono Talaadada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shir Guddoomiyay shir looga hadlayay nidaamka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Shirkaas oo ay soo qayban-qaabiyeen hawl-wadeenada Waaxda Dimuqraadiyeynta waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasime Waaxeedyo iyo la taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudah Dowladda Puntland. Ujeedka Shrika ayaa daarnaa soo bandhigidda guulaha laga gaaray Geedi socodka nidaamka Dimuquradiyada Puntland iyo dar-dargalinta qorshayaasha nidaamka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland sanadka 2021.
Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya. Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho. Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021. Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta…
Af-hayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay inuu sii wado wada-hadaladii uu la lahaa Midowga Musharixiinta, ee dhowaan fashilmay. Af-hayeen Macalimow oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ay ka go’an tahay sii wadadi wada-hadalada Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado “Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno kamid ah Golaha Wakiilladda, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilladda oo shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Badhan iyo Ceel-daahir. Guddoomiyaha ayaa salaatul Jinnaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuumka oo ahaa Mudane dalka & dadka usoo shaqeeyey, muddo dheerna ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Wakiillada DPL, haddana ahaa Xildhibaan…
Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay wadahadaladii hakadka ku yimid ee u dhexeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Dowlada Federalka isagoo ku taliyay in la bilaabo wadahadaladaas. Musharax Geelle oo ah afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa ku taliyay in la wadahadlo,maadaama laga xaajoonayo caqabadaha taagan, sidaas awgeed ayuu ku baaqay in aan laga maarmin isla fadhiisiga si loo saldhigo ka gudubka caqabadaha jira. “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan…
Ismaaciil Aadan Diiriye, oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kana qeybgalayay Barnaamijka Madasha Haldoorka ayaa la hadlay Hanaanka Dowlad dhiska iyo Faa’idada nidaamka Federaalka, isagoona sheegay in nidaamka Federaalka ee Soomaaliya qaadatay uu eg yahay haatan mid fashilmay, taas bedelkeedana dalka loo raro Hanaanka Confederation. Jibril Qoobey.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxaana loo sameeyey soo dhoweyn diirran. Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Jubbland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii kusoo dhoweysay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo, sidoo kale madaxweynaha waxa uu ka hadlay xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya , abaaraha ka jira deegaanada hoos yimaada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.
Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka wada xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kuwaas oo lagu qabqabanayo Dadka la xariirinayo falalka Ammaan-darro ee ka dhacay Boosaaso. Ciidanka ayaa Howlgaladooda ku xiray dad fara badan oo lala xariirinayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ku socda baaritaan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo shalay la hadlay Saxaafadda ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Boosaaso inay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga ee howlgalada ka sameynaya gudaha magaalada Boosaaso.
Xildhibaan Mahad Salaad oo xalay su’aalo lagu weydiiyay barta Clubhouse ayaa la weydiiyay sababta ay u shaacin waayeen dadka ay ku eedeenayaan iney ka danbeeyeen amarkii lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka oo lagu weeraray Hotelka Ma’ida oo ku dhow taalada Daljirka Daahsoon. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyadda weerarkaas 8 Xubnood, kuwaas oo kala ah: 1. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ahaa Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida. 2. Fahad yaasiin X. Daahir oo ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 3. Taliyaha Ciidanka Xooga Gen Odowaa Yusuf Raage 4. Taliye ku xigeenka Hay’adda…
Geeska africa iyo wax socda somalidana ogayn . Abiy Ahmed wax kale ma haysto oo aan ahayn inuu la xaajoodo kooxda TPLF, waana taas midda reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, ay u socdaan. Ilaa hada, Abiy ma doonayo inuu la xaajoodo TPLF. Isaga iyo la-hawlgalayaashiisa dagaalka (Ereteria iyo Amxaaro elites) waxay rabeen in aan laga adkaan TPLF oo kaliya, waxay kaloo doonayeen in laga tirtiro dhulka. Way ka adkaadeen laakiin ma aysan baabi’in karin. Ma awoodo! Waa tan sida Abiy loogu qasbi doono inuu la xaajoodo TPLF: 1: Beesha Caalamka oo culeys saareysa sidii ciidamada Eritrea iyo Amxaarada looga saari…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland, Mudane Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan Guddiga Amniga Gobolka Mudug iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland, ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Amniga Gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen in gacanta lagu hayo dadkii gaystay dilkii Aun wariye Jamaal Faarax Aadan. Waxayna sidoo kale masuuliyiinta maanta kormeer ku tageen qaar kamid ah xarumaha Dowladda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu Isbedel ku sameeyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland, kaddib Weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah xilalka uga qaado Saraakiisha Hay’adaha Sirdoonka iyo Asluubta, kuwaas oo ay dul hoganayaaan eedeeymaha Mas’uuliyadda weerarka xabsiga Boosaaso ay ka geysatay Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Isbedel ku sameeyo qaab dhismeedka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland ee (PISA) iyo Hay’adda PSF-ta Puntland. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa shaaciyay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland, kaas oo qeexaya cida xaqa u yeelanaysa inay codeyso doorashooyinka Puntland. Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in qofka doonaya inuu codeeyo Doorashooyinka Puntland looga baahan yahay inuu yahay, Muwaadin Reer Puntland ah, ama kunoolaa Puntland muddo 10 sanno ah, sidoo kalena da”diisu tahay 18 sanno iyo wixii ka weyn. Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland oo ay ansixiyeen labadada Gole ee Dawladda.
Ciidamada kala-duwan ee Dowladda Puntland oo kala ah Madaxyooyada, Daraawiish, PSF ,PMPF, iyo ciidamada kale ee Amniga ayaa maalintii labaad ku gudajira howlgallo ka dhan ah Argagixisada, kaddib Weerarkii lagu qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso. Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana lagu wadaa inuu sii socda maalmaha soo socda, si loo soo afjaro kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo isaga oo ku labisan dareeska Ciidanka maanta Saxaafadda kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Ciidanku ay guulo ka gaareen…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay inay Ciidanka Amniga Puntland gacanta ku dhigeen Dadkii ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Faarax Aadan, oo 1-Maarso-2021 lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweyne Deni oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay dhowaan u soo bandhigi doonaan Saxaafadda kooxdii ka dambeysay dilka Wariye Jamaal Faarax, ayna mudan doonaan ciqaab.
Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo kamid ahaa Golaha Wakiillada Puntland oo u geeryooday dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur oo ku galay duleedka degmada Badhan ee Gobalka Sanaag. Geerida Marxuumka ayaa waxaa inoo xaqiijiyay qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowladda Puntland. AUN Marxuum Xildhibaan Dhahar ayaa saaka ka amba-baxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si uu u gaaro Aaska hooyadii oo xalay ku dhimatay isla degmada Badhan.
Xildhibaan Cali Axmed Saalad (Cali Dhahar), oo kamid ah Golaha wakiiladda puntland ayaa shil ku galay degaanka midigale oo 40 KM u jira magaalada Badhan. Xildhibaan Dhahar oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Badhan sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku sugan Badhan. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Badhan si uu uga qaybgalo tacsida hooyadiis oo geeriyootay.
Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa maalintii labaad howlgallo ka dhanka ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ka wada buuraleyda Gobalka Bari. Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay xubno kamid ah Al-Shabaabkii habeen kahor weerarka kusoo qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in lagu khasbay inuu markii 5-aad u tartamo xilka Madaxweynaha, balse uusan asagu aheyn mid mansab jecel. “Waa laygu khasbay in aan is sharraxo mar kale, waliba dhallinyarada ayaa i khasbay, ma ihi nin mansab jecel, aniga oo aan hadlin ayaa lay dhahay joog” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya…
Xeer ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa muddo 6 cisho u qabtay shaqaalaha u shaqeeyaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee aan bixin canshuurta ku waajibtay musharaadkooda. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in talaabo uu xafiiska xeer ilaalinta ka qaadi doono hadii ay canshuurta lagu lee yahay ku bixin wayaan mudada loo qabtay.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qarax xalay ka dhacay Maqaayadda Luul Yemeni ee ku taal degmada Xamar Jajab, qaraxan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay qaraxaas, waxayna u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana caafimaad u rajeysay. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay…
Madaxweyne C/Fataax Al-sisi waxa uu maanta booqan doonaa caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, isagoo la kulmi doona Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax Al-burhaani. Labada mas’uul waxay Kulankooda kaga hadli doonaan xaalladihii ugu dambeeyey ee Mandiqada, Xiriirka Milliteri ee labadooda dal, Muranka Biyo- xireenka Ethiopia ee GERD, Ammaanka Badda Cas, Xaalladda Xuduudka Sudan iyo Iskaashiga Wadajirka ee labadooda dal. Afhayeenka Madaxtooyada Masaarida, Basaam Raali ayaa sheegay in booqashada Madaxweynuhu ku tegayo Sudan ay noqonayso tii ugu horeeysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii ay Madaxda Golaha Milliteriga la wareegeen Talada dalkaasi. Booqashada Madaxweynaha Masar waxay…
Madaxweynuhu waxuu bogaadiyay Ciidamada hawlgalka ku jira iyo kuwii dagaalamay habeenkii weerarku dhacay.Waxuu kaloo ubalanqaaday abaal marin dadkii gacanta ka geystay fashilinta isku dayo kale oo argagixiso. Baaritaan iyo dabagal goobihii laga soo abaabulay ama dadkii gacanta ka geystay weerarkii Xabsiga in ay socdaan,ayuu xaqiijiyay. Madaxweyne Deni waxuu sheegay in Shirkiisan jaraa’id yahay hordhac oo uu ka danbayn doono mid faahfaahsan oo ay soo gudbin doonaan laamaha amaanka. Marka laga ficil qaato hab hadalka Madaxweynaha lana qiimeeyo Shirkiisa jaraa’id waxaa jiri doona xilal ka qaadis.Shacabka Puntland waxay aad urabaan in ay arkaan, iyadoo lala xisaabtamayo cidii dayacday shaqadeeda oo dhabarka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadda Boosaaso ayaa ka hadlay weerarkii Xabsiga Boosaaso, iyo howlgallo Ciidanka Amniga Puntland ay ka fuliyeen buuraleyda Gobalka Bari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Boosaaso ayaa sheegay inay guulo ka gaareen Howlgallo Ciidanka Dowladda Puntland ay ku qaadeen Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo habeen kahor weerar ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso. “Puntland waxay kujirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marino oo wajibkooda la mariyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shirkiisa ku sheegay in dhacdadii lagu weeraray Saldhigga dhexe ee Boosaaso ahaa dhacdo xanuun badan , isagoona…
Dowladda Turkiga ayaa cambaareeysay Qarax Ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday Maqaayadda Luuley Yamani ee Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay geerida dad ka badan 10 Ruux, dhaawaca 30 kale. War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas, isla markaana ay ka tacsiyadeeynayaan dadki ku dhintay qaraxaas “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay, Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii…
Warbixin qiimayn ah oo ka soo baxday Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa faahfaahin ka bixisay weerarada ay ciidanka maraykanku ka fuliyeen Qaaradda Africa iyo tirada khasaaraha ee soo gaaray dadka rayidka ah ee la soo sheegay Sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta qasaaraha rayidka oo ku ekayd 31kii Dec. 2020, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ma helin warbixino cusub oo ku saabsan qasaaraha dadka rayidka ah wuxuuna xiray labo ka mid ah seddex kiis oo furan. Warbixintan ayaa noqonaysa tii afaraad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabay sii deynta…
Sheekh Maxamed Cabdi Ummal oo hadal fariin ah u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Qarax Ismiidaamin ah ayaa caawa ka dhacay Maqaayada Luuley Yamani ee Magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Maamulka Gaadiidka Gurmadka deg Dega ah ee Aamin Abbulance ayaa Warbaahinta u sheegay in Maqaayada uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ay ka qaadeen Dhaawacyada 20 qof, halka ay arkeen Meydadka 30 kale. Dhinaca kale Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa iyaguna sheegay in Dhimashada Qaraxaasi ay gaarayso 10 Qof halka dhaawacana ay ku sheegeen 20 ruux.
Ciidanka amniga Puntland oo hawl-gallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay maleshiyadii xalay weeraray xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso. Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ayaa kadabo tagay kooxaha argagixisada, kuwaas oo lagu laayay goobihii ay ku dhuumaalaysanayeen halka qaybtoodna lagu qabtay nolosha.
Midowga Musharraxiinta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii lagu ballansana in uu maalinta berri ah ka dhaco Daljirka Daahsoon, sababo la xariira Arrimo amni iyo xaaladda Caafimaad ee waddanka ka jirta Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayay Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotelka Jazeera ayaa xusay in ay dib kasoo sheegi doonaan xilliga uu dhacayo Bannaan-buxu.
Taliyihii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB Gaashaanle Jeeniqaar Sheekh Cumar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay Weerarkii Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab xalay ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Gaashaanle Jeeniqaar Sheekh Cumar. Ciidamada Puntland waxay dagaal kula jireen Argagixisada mudo ku siman 26 sano oo weerer iyo weerer celin guul iyo guul daro, dhagar iyo khayaano sahaniyo wardoon maalmo badan ayay guuldaro iyo hungo la huleeleen argagixisadu waxaana ka xusi karaa saliid, Garoowe, Bacaad weyn Galgala. sugure garmaal madarshoon garacad Qandala calmadow iyo calmiskood…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku labisan dareeska Ciidanka ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada. Madaxwayne Deni safarkiisa deg Dega ah ayaa ah safar shaqo oo la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la leh Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.
Dagaal u dhexeeya Ciidammada Amniga Dowladda Puntland iyo Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Girible oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Dowladda Puntland ay ka daba tageen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee xalay weerarka ku qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana jira maxaabiis ah Ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen, wallow tdagaalku wali socdo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ka dego Magaalada Boosaaso, Saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha Amniga ayaana ku sugan Madaxtooyadda Boosaaso oo Shir…
Khaladaadka fududeeyay waxii Bosaso ka dhacay!!! Khaldka 1-aad” 6-bilood ka hor,ayaa xogta weerarkan Madaxweynaha farta laga saaray oo waliba loo faahfaahiyay loona sawiray sida ay wax u qorshaysteen. Sidoo kalena tala laga siiyay ,balse nasiib daro Madaxweynuhu wax talaaba ah ma qaadin. Xalay weerarku markuu dhacay waxay ahayd in hal Ciidan loo daayo hawlgalka lana xiro banaanka Magaalada gees walba 5-Km,balse ma dhicin nasiibdaro taladaasna waa la siiyay. Khaladka 2-aad” Waxay ahayd hawlgalka oo socda in Shacabka lala hadlo oo war la siiyo ma dhicin. Ilaa iyo hada Sarkaal ama Wasiir hadlay oo xaqiiqda dhabta ah Shacabka la wadaagay majirto.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo goor-dhaweyd ka baxay Shirar saacado qaatay oo looga hadlayay Weerarkii Al-Shabaab xalay ku qaaday Xabsiga weyn ee Boosaaso la lahaa Hay’adaha Amniga Puntland iyo La-taliyayaasha Amniga ayaa la filayaa inuu u amba-baxo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Madaxweyne Deni ayaa diyaarad ka raaci doona Magaalada Garoowe, waxaana uu Boosaaso kulan Guud kula yeelan doonaa Saraakiisha ugu sareysa laamaha ammaanka Puntland, kaas oo lagu gorfeyn doono suuragalnimada in weerar noocaas ah lagu qaado. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kormeeraya xabsiga, isagoona intaas kaddib la hadli doono Shacabka Puntland. Wixii kasoo kordha kala soco…
Talyaha Qaybta,Gudoomiyaha Gobolka,Duqa Bosaso iyo Agaasimaha Sirdoonka haduusan xilka ka qaadin Deni wax badan haka sugina. Jabka oo aad qirataa waa qayb ka mid ah geesinimada iyo guusha. Gudoomiyaha Gobolku waa qayilayay markii weerarku bilowday xalay saq dhexe. Talyaha qaybtu 3-dii,ayuu gaaray Xabsiga,isagoo Kaamira wata,argagixisaduna 1-dii waaba iskaga baxday. Majirin Ciidan Roonda ah oo Xaafadaas joogay ama ka hawlgalayay. Sidoo kale Talyaha Qaybta Boolisku intii Alshabaab diyaarinayeen hawlgalkan waxuu fasax ujiray Nayrobi. Duqa Magaaladu waxuu ku guuldaraystay in Maamulkiisu la socdo dhaqdhaqaaqa Xaafadaha doorkiisa amnina qaato. Agaasimaha sirdoonka Pl shaqadiisu waa qayilaad iyo tumasho,waana qayra masuul aan waxar jabtay lagu…
Xalay si fiican ayay Alshabaab uga adeegteen Xabsiga Bosaso. Waxay haysteen Xabsiga mudo saacadaha,iyagoo ka adkaaday ilaaladii. Shabaab waxay sii daayeen ku dhawaad 400 oo Maxbuus,waxaana loogu tagay gudaha Xabsiga 7-Maxbuus. Maxaabiista ay sii daayeen waxaa ka mid ah Xubno Waa weyn oo Shabaab ah. Shabaab waxay xalay ka fuliyeen Bosaso hawlgal qorshaysan,iyagoo xirtay dhawr Difaac oo ay ka mid tahay wadada Sadex Xidigood ka hor intaysan Xabada ku bilaabin Xabsiga. Ciidankii usoo gurmaday Xabsiga ee iskugu jiray PSF iyo PMPF waxay ku sameeyeen Anbush gaadmo ah. PSF waxay ka gubeen Gaari,waxayna ka dileen 4-Askari. Sidoo kale PMPF-ta soo gurmatay…
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Decalle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan laheyn wax go’aan ah, talaabadaasna ay tahay mida sababta u noqotay fashilka Shirka xalay ay la yeesheen. “Waxaan aad iyo aad uga xunnahay oo nasiib darro taariiqda siyaasadda Soomaaliya usoo hoyatay ah in dad aan caawa dhan la fadhinay oo go’aanka iska leh ay u muuqatay inaysan go’aanka lahayn” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaas ku daray “Go’aan kasta oo la gaaro waxaa loo dirayey iyadoo fariin qoraal ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo diiday in…
Shir saacado badan qaatay oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa kusoo dhamaaday Natiijo la,aan kaddib markii ay isku mari waayeen dhinacyadu qodobada qaar. Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaato doorka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidoo kalena ay door ku yeeshaan. Balse Rooble ayaa arintaas ka biyo diiday.