Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay dabley hubaysan ku qaaday xabsigaas. Taliyaha ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay. G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.
Author: Jibril Qoobey
Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday Xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo ay ku xiran yihiin dad ku eedeysan dambiyo kala duwan, sida Argagixisanimo. Weerarka ayaa ku bilowday Qarax weyn, kaas oo lagu dhuftay afaafka xabsiga, waxaana intaas kaddib bilowday dagaal tops ah oo u dhexeeya Ciidanka Ilaalada xabsiga iyo Argagixisada, iyadoo intaas kaddib ay gaareen xabsiga Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta, kuwaas oo soo afjaray kooxdii weerarka soo qaaday. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarkan ka dhashay. Lamana iga inta uu gaarsiisan yahay.
Shirkii saddexaad oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta, ayaa goor-dhaweyd ka furmay Hotelka Decalle ee magaalada Muqdisho. Shirka caawa ayaa looga hadlayaa doorka midowga Musharixiinta ee arrimaha doorashooyinka, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay Madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale. Wakiillada Beesha Caalamka oo maanta Shir la yeeshay Midowga Musharixiinta, ayaa soo dhaweeyay kulamada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo midowga, iyagoo ayiday baaqii horey u soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in waqti la siiyo Wada-hadalada labada dhinac.
Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa wada olale lagu baneynayo godka qashinka lagu qubo ee duleedka magaalada Gaalkacyo. Olalahan oo ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Gaalkacyo iyo Shirkadda AL-BAASHI oo ku deeqday qalabkaan, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyay, sida uu sheegay Xogahayaha Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo Saadaam Cabdullaahi.
Ciidanka ilaalada waddooyinka Dowladda Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay gaari burburiyay qeyb kamid ah dhinacyada Buundada halbowlaha ah ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland iyo qofkii watay. Qabashada gaariga oo nooca raaxada ah ayaa waxaa Ciidanka ka caawiyay Dadka Shacabka ah, kaddib markii uu Duqa Caasimaddu ka codsaday shacabka in Ciidanka lagu garab siiyo soo qabashada gaariga. Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland Hon: Ahmed Musse ayaa uga mahad-celiyay Shacabka Garoowe iyo Ciidanka ilaalada waddooyinka ee gaarigan gacanta kusoo dhigay.
Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan. Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM. Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay…
Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.“Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah. Dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka Ethiopia ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kuwa…
Wakiillada Beesha Caalamka iyo midowga Musharixiinta ayaa kulan ku yeeshay aalada ZOOM-ta, iyagoo ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo caqabadaha hor-taagan fulinta heshiiskii doorashooyinka. Kulanka oo qaatay saacado ayaa labada dhinac isla soo qaadeen kulamada u socda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga Musharixiinta. Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka ayaa isku raacay in fursad la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada ay u leedahay heshiis labada dhinac gaaraan shirka soo socda ee dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.
Urur Siyaasadeedyada Kaah iyo Himilo Shacab oo kamid ah Ururada Siyaasadda Puntland ayaa munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garoowe ku shaaciyay inay midoobeen. Gudoomiyihii Hore ee Urur Siyaasadeedka Himilo Shacab Faadumo Diiriye Nuur ayaa Sheegtay in ay Ururka Kaah la midoobeen kadib markii ay aragtay inay isku Siyaasad yihiin. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ahna Xoghayaha Urur Siyaasadeedka Kaah Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa soo dhaweeyay Ururka Himilo Qaran, isagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu kusoo biiro.
11 qof ayaa u geeriyooday abaaraha ka jira gobolka Jubada Dhexe xilli ay sii kordheeyaan kuleelaha iyo biya la’aanta ka jirta meela badan oo Jubaland ka mid ah. Waxaa sidoo kale sii kordhaya saameynta iyo waxyeellada abaaruha ay sababayaan, ayada oo qeylo dhaan xooggan ay kasoo yeereyso deegaano badan. Gudoomiyaha gobolka Jubada Dhexe ee maamulka Jubaland Haajir Bille Sugaal, ayaa sheegay in meelaha ugu daran ee abaartu ay saameysay ay kamid yihiin Degmooyinka Bu’aale, Saakow Salagle iyo deegaanada hoos-taga. Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi uu VOA-da siiyay Guddoomiye Haajir.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Midowga Musharixiinta ayaa markii saddexaad kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid lagu gorfeynayo doorka midowga Musharixiinta ee arrimaha doorashooyinka, ayaa caawa ka dhacaya Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho, sida uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay Af-hayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Ibraahim Macalimuu. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta oo horey labo kulan ugu yeeshay Muqdisho ayaa heshiis ka gaaray tabashadii midowga ee la xariirtay weerarkii 19-kii Febaraayo lagu qaaday Musharixiinta. Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay kulan uu iclaamiyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo, kaas oo uu ugu…
SiyaasAddii arrimaha dibada Itoobiya waxaad mooda in culays xoogan soo food saaray, waxayna arrimahan soo bilawdeen kaddib markii Abiye Ahmed saaxib dhaw ka dhigtay Isayas Afework. Wuxuu dayacay fursadii lagu xoojin lahaa xidhiidhkii middawga Afrika, middawga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykan-ka. Waana sabbabta xagal daacisay rajo baddan oo laga qabay isbadalka kahor, dal sidda ree galeedbku rabbaan aan fur-furnayn oo ku eedaysan gabood fallo iyo dambiyo haddii aad ku xidhato waad dareemi kartaa culayska ku iman kara siyaasada arrimaha dibada. Siyaasada arrimaha dibada Itoobiya waxaa dabka kusii shidaya dagaalkii waqooyi, oo ay baaqaq kala duwan beesha calamka iyo middawga Afrika uga…
Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee ICC ayaa furtay gal dacwadeed rasmi ah oo lagu baarayo eedeymo dambiyo dagaal oo Israel ka geysatay dhulka Falastiin tan iyo bishii June 2014.Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in baaritaanada ku saabsanaan doonaan ficilada Isrealiyiintu ka geysteen Jiidda Gaza iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus. Saraakiisha Isrealiyiinta ayaa diiday go’aanka xeer ilaaliyaha, balse Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay talaabada, sidoo kale Mareykanka ayaa muujiyay sida uusan ugu faraxsaneyn go’aanka ICC. Maxkamadda ICC ayaa waxay awood sharciyeed u leedahay in ay baarto isla markaana ciqaabto kuwa lagu eedeeyo in ay xaquuq iyo dambiyo aadanaha ka…
Guddiga waxbarashada ee degmada York ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa habeennimadii Talaadada ee 2-da bishan March, si rasmi ah u ansixiyay in dugsiga sare ee Vaughn (Vaan) loo baddelo magaca dugsiga sare ee Hodan Naaleeye. Toban ka mid ah 12 xubnood ee gudigaas ayaa u codeeyey Hodan Naaleeye magaceeda in lagu bedelo kii hore uga jirey dugsiga sare ee-Vaan. Tallaabadan oo Soomaali badan farxad gelisay ayaa ah qiimeyn iyo tixgelin ay madaxda deegaankaasi u sameeyeen Saxafiyaddii Soomaaliyeed ee Hodan Nalayeh oo ku dhimatay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo, 2019.
Xaalad adag oo abaareed ayaa ka taagan deegaano katirsan Gobalka Gedo, iyadoo ay jiraan dad u dhintay Gaajo iyo Haraad, mana jirto gurmad illaa hada gaaray deegaanadaas. Degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee xaalada abaareed ay ka taagan tahay, DadkaDeegaanka ayaana soo warinaya inay jiraan dad Reer guuraa ah oo jidka ku dhintay, iyo kuwo xoolahoodii ku waayay.
Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegay in ammaanka xarunta baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan US Capitol aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya in Khamiista maanta ah “xoog lagu soo geli karo” si ay sheegeen booliska. Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska. Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka. Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baajiyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta. Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabsanaya…
Shir saddexaad ee uu ku baaqo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, tan iyo 8 Febraayo ayaa baaqday, kaddib markii ay iska diideen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland. Farmaajo ayaa Shirkan Iclaamiyay inuu maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, balse Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan Shirkan aysan tagi doonin, waxaana ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu caqabad ku yahay wada-hadalada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta, kuwaas dhabaha loogu xaarayo hirgalinta Hanaanka Geedi-socodka Doorashooyinka. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey Shir u Iclaamiyay in la isugu yimaado Garoowe iyo Muqdisho, balse waxaa taas ganafka ku dhuftay Madaxweynayaasha…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Bosaaso kusoo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo Soomaali oo kasoo cararay colaadaha Yemen, kuwaas oo doonidii siday ay caawa kus oo xiratay Dekedda Bosaaso. Qaxootiga soo gaaray magaalada Bosaaso ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 43 qoys oo u badan haween, caruur iyo weeyeel. Magaalada Bosaaso maalmihii u danbeeyay waxaa soo gaarayay Qaxooti ka soo haajirayColaadaha ka jira dalk Yaman oo horseeday qulqulka qaxootiga badan Oo Imanaya Gudaha Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa lagu sheegay inay Midowga Musharixiinta ay ka dalbadeen in Bannaan-baxa sabtida lagu qabto Garoonka Kubadda cagta Eng. Yariisow, lagana daayo Taalada Daljirka daahsoon oo ku dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Xukuumadda ayaa sheegtay in Musharixiintu ay ku gacan seyreen dalabkoodaas, iyadoo ugu baaqday in Dadka banaan-baxa ka qeybgalaya ay raacaan tallooyinka Caafimaadka ee ka hortaga cudurka COVID-19.
Agaasimihii hore ee Hay’ada Macdanta iyo Petrolka Puntland Ciise Dhoolawa, oo ka qeybgalay “Madasha Haldoor” ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu soo dhexgalo bulshadiisa, una furo albaabada Xafiiskiisa. “Madaxweyne Deni is furfur,dadka dhexgal oo maqaaxiyaha tag lana sheekayso Umada,albaabkaagana fur,see lagaaga kaxaysan karaa Dadkaaga”Sidaa waxaa yiri Ciise Dhoolawaa. Jibril Qoobey.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo Shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka warbixiyay saacadihii u dambeeyay ee cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland, isagoona sheegay inuu soo labakacleeyay cudurku. Wasiir Jaamac ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay qaataan tallooyinka ku aadan ka hortaga cudurka ee Wasaaradda, waxaana uu xusay in si baaxad leh uu cudur u kordhay cudurku.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi. Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa. Waa mas’uulkii labaad ee maanta iska casila xukuumadda Biixi, si ay isugu sharraxaan Wakiillada.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga Magaalada Bosaaso, waxaana fadhiga ku sugnaa dhamaan Saraakiisha Amniga Magaalada Bosaaso iyo qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada kulankaan oo manta diirada lagu saaray amniga iyo kala warqaadasho Saraakiisha iyo Taliyahooda oo dib ugu soo laabtay Xafiskiisa, Kulankaan oo ahaa u jeedadiisa kala warqaadashada amniga Bosaaso ayaa Taliye Xuseen waxa uu dhamaan ciidamada Booliska Gobalka uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen sugida amniga guud ee Gobalka Bari Sidoo kalle inta uu socday shirka amniga Gobalka Bari ayaa diirada lagu saarey sida ugu haboon ee loo…
Garowe March 3 2021:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Degmada Xarfo u magacaabay Xoghaye cusub kadib markii Xoghayihii hore ee Degmada Xarfo uu banneeyey shaqada. Wasiir Dhabancad ayaa u magacaabay Xoghayaha cusub ee Degmada Xarfo Cumar Cali Maxamed, isagoona faray Maamulka degmada iyo kan Gobalka Mudug inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Xukuumadda Soomaaliya, sida Gudiyada banaanbaxa loo xilsaaray iyo kuwa dhacdadii 19-kii Febaraayo. Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin dad ay dowladda soo abaabushay oo loogu talo galay inay banaanbaxaas ka qeyb-galaan, hadii ay tagaana ay carqalad u arkaan. Sidoo kale, Madaxweynihii hore ayaa sheegay in banaanbaxa Midowga Musharixiinta ku dhawaaqeen in uu qabsoomo Maalinta Sabtida ah uu yahay midkii ka baaqday 19-kii Bishii Febaraayo, isaga oo ku adkeestay in banaanbaxaas uu qabsoomayo. Ugu dambeyntii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa markii saddexaad bil gudaheed wajahaya Waji gabax uu kala kulmay Shir uu ku casuumay Dowlad Gobaleedyada, kaddib markii ay ku gacan seyreen Puntland iyo Jubbaland. Shirka 3-aad ee uu Farmaajo iclaamiyay ayaa ku beegan maalinamada berrito ah, Puntland iyo Jubbaland ayaana ku gacan seyray Shirkan, iyagoo sidoo kale taageero u muujiyay wada-hadalka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta, waxaana ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu qabad ku yahay xalinta caqabadaha ku horgudban Geedi-socodka doorashooyinka dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay 15 bishii hore ee Febraayo shir ka dhici Garowe,…
Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah. Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay. Falkan ayaa la sheegay inuu xiriiro aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga Magaalada ee Gobolka Galgaduud, iyada oo saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay taagan tahay. Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka…
Kulan Qarsoodi ah oo( 01-03-2021) Madaxtooyada ku Dhex Maray Madaxweyne Hore Farmaajo”Madaxweynayaasha Galmudug”Hirshabeelle iyo Taliyaha Nabad Sugida iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo iyagana Qadka Zoomka Shirka uga Qeyb Qaatay ayaa lagu Go aamiyay in La Qabto Doorasho aysan Qeyb Ka Aheyn Puntland iyo jubaland. Waxkasta oo ka yimaadana lala falgalo intii ay doodu Socotay ayaa lagusoo Waramaya in Qoor Qoor Soo Jeediyay in Kulanka laga Soo Qeyb Galiyo Raiisulwasaare Rooble Balse Waxaa Soo Jeedintaas ku Gacan Seyray Fahad oo Sheegay in Rooble ku Gowracan Yahay Wixii kulankan Kasoo Baxa ayna Waajib Tahay in la isbad baadiyo. Fahad ayaa Shrka ka…
Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka ayaa golaheeda u gudbisay Mashruuc sharci oo ay doonayso in lagu ganaaxo Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan, doorkii uu kulahaa dilka wariye Jamaal Khashoggi. Ilhaan, oo daba socota Warbixintii Jimcihii ay soo saareen Sirdoonka Maraykanku ee sheegaysay in Maxamed Binu Salmaan, bixiyay amarka lagu dilay Khashoggi, ayaa sheegtay in waajib ay tahay in la xayiro Hantida Boqorka sidoo kale la mumnuuco dhammaan cilaqaadka uu la leeyahay Maraykanka iyo weliba in aan la siin Viisaha Maraykan.
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta la hadlayay Boqolaal kamid ah taageerayaashiisa ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu carqaladeynayo wada-hadalada Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiiri-galisay taageerayaashiisa inay soo xaadiraan Bannaan-baxa loo balansan yahay 6-da bishan Maarso oo ku beegan sabtida soo socota, si looga hortago nidaamka Kali-talisnimada ee Dalka ka socda. “Waxaan xeerineyno, aanna idinku dhiiro gelineyno ee ku aadan diidmada Dictatornimada, annaguna aan u taagannahay waa waxa maanta saxda ah, berina sax ahaan doona” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh…
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cusmaan Abuukar Dubbe, oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan isku soo baxyada, Xafladaha iyo Goobaha caweyska ee Habeenkii. Sidoo kale, Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Dowladdu amartay in la xiro dhamaan goobaha Waxbarashada, Xafiisyada Dowladda, lana fasaxay shaqaalaha Dowladda. Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa imaanaya xilli habeen hore uu Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay Guddi isugu jira Midowga Musharixiinta iyo Dowladda, kuwaas oo ka shaqeynaya Bannaan-baxa nabadeed oo Muqdisho ka dhacaya 6-da Maarso oo ku beegan sabtida soo socota. Lamana oga saameynta go’aankan ku…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dhiirageliyay dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha, waqtina la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, isagoona sheegay in loo baahan yahay in la tabantaabiyo. Madaxweyne Axmed Madoobe Madoobe qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay.
Wasiirka Arimaha Afrika James Duddridge, Dowladda UK ayaa soo dhoweysay dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble si loo dejiyo xiisadaha, loona helo waddo nabadeed oo Soomaaliya horay ugu socoto. James Duddridge ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan inay isu diyaariyaan tanaasul, si loo helo hannaan doorasho loo dhan yahay iyo mid lagu kalsoonaan karo oo dib dhac la’aan ah.
Xafiiska Guud ee Xeer ilaalinta Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey 4 Kiis oo isugu jira kufsi iyo faafin cudurka HIV Addis oo ay kiisaskoodu ka socodan Maxkamada Sare iyo Racfaanka Puntland.
Cutubyo katirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo tababar ugu soo dhamaaday Dugsiga tababarka Gen. Giriin ee Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag ayaa maanta kusoo bandhigay bartamaha Magaalada dhoolatus, waxaana u soo daawasho tagay Boqolaal shacab ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Hon. Mohamed A. Dhabancad, oo ay Wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Iyo Gudoomiyaha Gobalka Nuugaal, ayaa awaamiir kasoo saaray Dadka ku hubsanaya dhulka xoola daaqeenka ah ee dooxooyinka Bixin iyo Wow.
Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeryooday maanta Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe), oo kamid ahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkiisu dhamaaday. Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Uga tacsiyadeeyay Dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo Bulshada soomaaliyeed Geeridii Ku timid Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe ) oo muqdisho ku geeriyooday, Gudoomiyaha Ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Casoowe oo kamid ahaa Ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka soomaaliya .
Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xagal-daacinayo Heshiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulanka Midowga Musharixiinta kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu caqabad ku yahay heshiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta, uuna Shir aan sharci aheyn xalay ku baaqay. “Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne farmaajo uu si ula kac ah u xagal daacinayo wada hadallada u dhaxeeya Reysal wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharixiinta” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Taliyaha Cusub ee Qaybta Gobolka karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed, ayaa Xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Qaybta Gobolka Karkaar G/Sare Cabdi Casayr Yuusuf. Munaasabadda Xil-wareejinta Waxaa ka qayb-gallay Xildhibaan Cabdirashiid Afguduud, Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmadda Qardho, Taliska Ciidanka, Madax ka tirsan Dawladda Puntland iyo Marti-kale ayaa ka qayb-gallay. Waxaa si wada-jir ah loo sagootiyay Taliyihii hore oo laggu amaanay shaqadii uu soo qabtay, waxaa lasoo dhaweeyay oo sidoo kale lala dardaarmay Taliyaha Cusub ee Qaybta Gobolka Karkaar.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS inay si deg deg ah u kulmaan, dsi loo dhameystiro heshiiska Doorashada dalka. Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu socdo waqtigu, ayna kulmaan Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. “Waqti ayaa socda waxaan ku boorinaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ahba inay hada u kulmaan” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.
Wakiillada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada Muqdisho ku dhex-maray Ra’iisul Wasaaraah xilgaarsiinta & Xubnaha Midowga Musharixiinta. War-Saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada in si deg deg ah loo qabto shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay ha Caalamka. Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo,…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay shaaciyay inuu martiqaad uu u diray Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, si ay uga soo qeybgalaan Shir lagu dhameystirayo Heshiiskii Doorashooyinka 17-kii September-2020 iyo Is afgaradka Guddiga farsamo ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyadu ku gaareen Magaalada Baydhabo. Shirka oo ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho ayuu Farmaajo sheegay inuu dhacayo 4 bishan Maarso (Khamiista), uuna socon doono 1 Maalin. Waxaana shaacinta martiqaadkan uu Farmaajo kusoo beegay saacado uun kaddib markii heshiis ay Hotelka Decale ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.…
Nin ku hanjabay inuu toogan lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la soo taagay maxkamad ku taal Kiambu, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation. Ninka oo lagu magacaabo Simon Muchiri ayaa lagu eedeeyay in Sabtidii la soo dhaafay uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu hanjabayo Madaxweynaha. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay dembiyada internet-ka lagu geysto oo uu daabacay “qoraal khatar ku ah xafiiska Madaxweynaha iyo dadka ka shaqeeya.”
Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush. Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey. Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada…
Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib dil xalay magaaladaas loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo kamid ahaa Suxufiyiinta waa weyn ee Puntland. Ciidammada ayaa howlgaladooda ku bartilmaameedsanaya dad lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin falalka Amaan-darro ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka tacsiyeeyay dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan, waxaana uu faray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay halka uu salka ku hayo Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ismaan-dhaafka Arrimaha Siyaasadda ee ka dhex taagan. Madaxweyne Deni oo wareysi siiyay Universal TV ayaa xusay in Puntland ay door weyn ku laheyd dhismaha DFS, aysana aqbalay in la dibin daabyeeyo Dowlad dhiska Dalka iyo Hanaanka Federaalka ah ee Soomaalidu ku heshiisay.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Wariye Jamaal Faarax Aadan, oo xalay koox hubeysan ay ku dishay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee The HAGUE ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saartay kiiska muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu furmayo maalinta Isniinta ah ee 15 bishaan Maarso marka saacaddu ay tahay 3 p.m. Horay ayaa maxkamaddu u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu dhacayo taariikhda kor ku xusan, kaddib markii dhowr jeer oo hore dib loo dhigay. Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague saacadu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo wareysi siiyay Universal TV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin ismari waaga Doorashooyinka Dalka, Weerarkii 2019 lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Puntland, ceyrintii 8 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiillada Puntland, xaalada Dekedda Boosaaso, Amniga iyo Hanaanka Dilmuquraadiyeynta Puntland. Wariye Cabdisalaan Hareeri ayuu u waramay Madaxweyne Deni.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga baaritaanka madaxa bannaan ee dhacdadii 19 February, waxaana Guddigan oo ka kooban lix xubnood ka mid ah Saraakiil Ciidan oo Taliyeyaal hore ahaa iyo Khabiir Amni. Guddigan ayaa saddex ka mid ah ka socda dhanka Dowladda Federaalka halka saddexda kale ay ka socdaan dhinaca Musharaxiinta Mucaaradka.
Allaha u naxariisto Wariye Jamal Faarax Aadan, oo kamid ah Suxufiyiinta waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Dilka Marxuum Jamaal oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxaa geystay koox hubeysan, kuwaas oo Marxuumka ku bartilmaameedsaday goob ganacsi oo uu ku lahaa Agagaarka Xerada Siinay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta waxaa uu amar ku bixiyey in bulshada caasimadda ay xirtaan Afsaarka (Face mask) si looga gaashaanto xanunka COVID19. Go’aanada waxaa ka mid ah in meelkasta oo ganacsi ah oo lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ama ha noqoto goobaha lacagaha la isugu xawilo in qof aan wadan Afxirasho (face mask) aan loo ogolaan inay gudaha u galaan oo ay ka ganacsadaan.
Kalluunka laga soo jilaabo xeebaha deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug ayaa loo iib-geeyaa magaalooyin katirsan Puntland iyo dalalka dariska ah, sida Yemen.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland mudane Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaran ) ayaa maanta daah furay Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Dawladda Puntland. Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha ayaa si guud u dul istaagaysa dhaqaalaynta Biyaha sare ( kuwa roobka ) iyo kuwa hoose ( kuwa dhulka hoostiisa ku jira), qaybsiga ama wadaagga Khayraadka Biyaha, maamulka khayraadka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka dawladda Puntland. Dood dheer ka dib dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka ayaa hoosta ka xariiqay; in loo baahan yahay wax ka qabashada biya yaraanta soo wajahan mustaqbalka dhow iyo kan fog iyo sidoo kale baahida ka dhalan…
Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka bilowday Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga musharaxiinta, kaa oo looga hadlayo dhameystirka Heshiiskii 25-kii bishii Febaraayo. Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa doorka midowga Musharixiinta ee doorashooyinka, maadama muddo xileedkii uu ka dhamaaday Madaxweynaha iyo Hay’adaha dastuuriga ah ee DFS, iyadoon heshiis dhameystiran laga gaarin arrimaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo shirkii hore ka maqnaa ayaa maanta kasoo muuqday kulanka.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa xaruntiisa kula shiray wasiirada wasaaradaha Puntland ee ay wada shaqeynta leeyihiin, kulanka waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Caddaaladda, Caafimaadka, Dhalinyarada iyo Warfaafinta. Guddoomiyaha TPEC Guuleed Saalax Barre oo soo dhaweeyey wasiirada ayaa warbixin ka siiyey wax qabadkii Guddiga intii u dhexeysay shirkan iyo kii ka horeeyey ee wasiirada Puntland iyo TPEC. Guddigu wuxuu wasiirada u sheegay in la dhammeystiray xeerarka iyo hab-raacyada lagama maarmaanka u ah in dooraaho ka dhacdo 3da degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, bartamaha sanadkan. Kulankan oo ka mid ah shirarka TPEC ay la yeelato masuuliyiinta hay’adaha dawladda looga…
Dib u dhac muddo kooban ah ayaa ku yimid shaqada safarrada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta kadib markii shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ay sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha. Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma…
Waxaa goordhow shir uga bilowday Hotelka Decale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa daba socda kii Khamiisti ee is afgaradka ku gaareen labada dhinac, waxaana shirka maanta looga hadlaya arrimaha doorashada iyo sidii Xubnaha Midowga Musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu shir isugu yeero, martiqaadna u diro dowlad Goboleedyada, si Muqdisho loogu saxiixo qodobadii Baydhabo xalka looga soo gaaray.
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa war ka soo saartay xaalada Abaaraha ka jira gobolka Gedo xili xaalad biniaadanimo oo adag gobolka laga soo sheegayo. Jubbaland ayaa sheegtay in Gobalka Gedo uu wajahayo xaalad daran oo abaareed, Amni-darro iyo cudurka COVID-19 oo fara ba’an ku haya dadka kunool deegaanadaas, iyadoo ku baaqday gurmad deg deg ah.