Author: Jibril Qoobey

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay u yeertay in ka badan 1,000-Askari oo howlgab ah si ay ugu soo dirto Soomaaliya uguna biiraan ciidamada Ururka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa difaaca dalkeeda ka socda. Askarkaan lasoo dirayo ayaa ah qaybta 31-aad ee Ciidamada Difaaca Uganda UPDF oo la qorsheeyay in Soomaaliya loosoo diro bishii April 2020 balse waxaa baajiyay faafitaanka xannuunka Covid-19 sida warka lagu yiri. Maj Yuusuf Bilaal Katamba oo kamid ah Saraakiishii ugu horreysya ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya la keenay sanadkii 2007-dii ayaa sheegay in ciidankaan bilaha soo socda dib loogu celinayo Soomaaliya. Askarkaan howlgabka ah ayaa Soomaaliya…

Read More

Guddiga lagu muransan yahay ee hirgelinta doorashooyinka ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha dorashooyinka dalka si looga gudbo caqabadaha weli hortaagan inay qabsoomaan doorashooyinka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu muransan yahay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhamaaday & Dowlad Goboleedyada in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020 lagu gaaray Magaalada Muqdisho. Sidoo kalena isugu yimaadaan Shir deg deg ah. Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa so dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya. Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay in ‘xaaladda ay tahay mid daran isla markaana lasii wadayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka” ayay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka. Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya. Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19,loo baahan yahay in…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu Siyaasadda Soomaaliya kusoo kordhiyay dhaqamo fool xun oo aan Soomaalidu horey u aqoon. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu Siyaasadda kusoo kordhiyay, khaarajin, Shirqool iyo Sumcad dilka Siyaasiyiinta kasoo hor-jeeda habdhaqan Siyaasadeed ee Dowladdiisii. “Soomaalidu dhaqan uma laheyn is khaarijin, shirqool iyo sumcad dil siyaasadeed. Waa eel iyo aafo ay siyaasadda ku soo kordhiyeen taliska xilligiisu dhacay ee uu hoggaaminayey madaxweyne hore Maxamad Farmaajo”. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta oo isniin ah uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha. Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kaas oo lagu dejinayay xaalada Magalada Muqdisho. Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan casho sharaf ah ugu sameeyey Madaxtooyada Garoowe weriyayaasha Puntland oo maanta usoo idlaaday Shirweynihii Afraad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP. Madaxweyne Deni waxa uu hambalyo la wadaagay hogaanka cusub ee maanta loo doortay Ururka, waxa uu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan tayaynta Warbaahinta, adkaynta midnimada, Amniga iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in dhawaqa Gantaalo culus oo ka dhacay dhinaca Badda xalay laga maqlay Boosaaso. Gantaaladan oo dhawaqooda la maqlay Labo jeer ayaan la ogeyn, meesha lala beegsaday iyo cida rideysay. Xeebaha Puntland ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo ay lee yihiin dalal dhowr ah, kuwaas oo sameeya howlgallo ka dhan ah Burcad-badeeda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland ee MAP ayaa maanta doortay Hoggaanka cusub ee Ururka saddexda sanno ee soo socda, kaddib Shirweyne ka qabsoomay magaalada Garoowe Labo maalmood. Guddoomiyaha Ururka MAP ayaa loo doortay Maxamed Daahir Ceynsane oo horey xilkan u hayay saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, halka Guddoomiye ku-xigeenka loo doortay Saalim Yuusuf, waxaana Xog-hayaha Ururka MAP loo doortay Naciimo Muuse Dalaf oo xilkan horey u heysay. Shirweynaha Doorashada Hoggaanka cusub ee Ururka Warbaahinta Puntland ayaa waxaa ka qeyb-galay 109 Suxufi oo ka kala yimid Gobalada Puntland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso bisha soo socota ee Maarso dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Godobjiraan, Xingalool, Jariiban, Towfiiq iyo Boocame, oo ka kala tirsan Gobalada Mudug, Nugaal, Sool iyo Haylaan. Wasiir Dhabancad ayaa faray Masuuliyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Degmooyinkaas inay diyaar garoobaan, soona xulaan xubnaha Golaha deegaanka ee Degmooyinkan.

Read More

Waxay ahayd bishii December 2019, markii gudiga abaal marinta bilada nabada aduunka ee Norway ay gudoon siiyeen raisul Wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed bilada nabada aduunka ee sanadka 2019, iyadoo sabab looga dhigay inuu meesha ka saaray colaad mudo 20 sano labadan u dhaxaysay wadanada eritrea iyo itoobiya, walow aan markaa heshiis rasmi ah oo ka baxsan xidhiidhka abiy iyo Afworke la shaacin. Isla sanadkaas waxaa itoobiya ka socday isku dhacyo qoomiyadeed oo lagu hoobtay waxaana gudaha dalka ku qaxay dad kabadan 3 million oo qof halka kumanaan ay dhinteen ama wadanka dibada uga carareen.Sidookale intabadan sanadkii 2020,wuxuu ahaa mid sii…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Shirka looga hadlay xaalada kalaguurka ah ee dalka ku yeeshay aalada ZOOM. Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.

Read More

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo amniga ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, oo kamid ah magaalooyinka ay ka qabsoomeyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. Howlgaladan oo ay si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidammada Booliska, PSF iyo Daraawiish-ta Puntland, ayaa Ciidammadu ay baaris ku sameynayaan gaadiidka dadweynaha iyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso. Ciidanka Howlgaladan si joogto ah u waday bilihii lasoo dhaafay ayaa gacanta ku dhigay walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka Boosaaso. Sidoo kale Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Qansax-dheere ee Gobalka Baay, waxaana dagaal ka dhacay degmada uu sabababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Maamulka degmada Qansaxdheere oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay. Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay. Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan…

Read More

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cabaas Amiin, ayaa ka bad-baaday Qarax Miino oo maanta lagula eegtay Magaalada Muqdisho gaarigiisa. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagula eegtay gaariga Taliye ku-xigeenka agagaarka Iskuulka ‘Hoyga Xamar’ ee Degmada Hodan, waxaana ku dhintay Labo kamid ah Ilaaladiisa. Kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo dhigay barahooda bulshada ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxan, oo sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Read More

Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad, ayna soo abaabuleen fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen. Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku wajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen. Ilaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid maalba oo ka dhashay weerarkaasi. Waxaa sare u kacay weerarada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca Xudduudda Yemen xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran. Bishan ayay aheyd…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee xanuunka Covid 19 ee Isbuucii la soo dhaafay kadib markii cudurka uu kusoo laba kacleeyay degaannada Puntland. War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la baaray dad gaaraya 572 ruux , hayeeshee xanuunka laga helay 82 kamid ah taasoo muujinaysa sara ukac inuu jiray marka loo eego todobaadyadii ka horeeyay. Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in badankood ay ku sugan yihiin magaalada Garowe oo laga helay 57 ruux oo ka mid ah. Wasaaradda ayaa waxay walaac ka…

Read More

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, ayaa qado soo dhaweyn ah u sameeyey Ganacsatada Maalgashatay Dakada Garacad, Maamulka Shirkada Waddaagsan ee Dakada Gacanta ku haysa, Maareeyaha Dakada Garacad, Ganacsatada Gobalka Mudug, Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Maamulka Mudud iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland. Soo dhawey iyo qadashar dabadeed, Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay Wax-qabadkii Maamulka cusub iyo Caqabadaha horyaagan in ay Magaalada Gaalkacyo la tartanto Magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay in ay ka qayb qaataan in Degmadu yeelato Gaadiid ay ugu adeegto Danta Guud waxna uga qabato Maareynta Biyaha roobka oo fariista Maagaalada dhexdeeda go’doona galiya…

Read More

Inta dhimatay iyo inta nool ee halgankii SSDF qaybta ka ahaa waxay mudan yihiin in loo dhiso taalo,maalin la xuso iyo Bilad qiimaheedu sareeyo. Manhajka Waxbarashada Puntland waa in lagu daraa. Sidoo kale waa in loo yagleelaa hay’ad ugaar ah oo tabantaabisa dhashii halgamayaashaas taariikhda meesha adag ka galay. Daahir Mire Jibril waa astaamaha nool mid ka mid ah in la karaameeyana mudan. Ragii iyo Gabdhihii ubaxay halgankaas waxay wax walba uga tageen ka dhiidhinta diktatooriyadii,kalitalisnimadii iyo dulmigii Siyaad Barre. Halgankaas waxa ugu yar ee laga faa’iday waa Puntland iyo nidaamka Fadaraalka ah SSDF dareen iyo tixaglin gaar ah hakuu…

Read More

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda gaaraan magaalada Muqdisho, oo uu ka furmi doono Shirka wada-tashiga arrimaha Doorashooyinka oo lagu dhameystirayo heshiiskii 17-Sep-2020. Shirka oo ka dhacaya Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa waxaa garwadeen ka ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxda DFS ee muddo-xileedkiisu dhamaaday, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Shirka ayaa imaaaya xilli la fuliyay qaar kamid ah Shuruudihii ay Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb-galka Shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka oo ay kamid ahaayeen…

Read More

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo saaray warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin & degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay howlgalkii ugu dambeeyay ku qaadeen degaananda Mishaani iyo Doonka daafeedow, halkaas oo ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Abaanduulaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM Gen. Don William Nabasa ayaa sheegay in howlgallada oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qeyb ka ahaayeen hawlgallo isdaba-joog ah…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dhaliilay shaqada Puntland TV ee hormarinta deegaanada Puntland, ayaa sheegay in aysan ku faraxsanay shaqada Telefishinka Dowladda oo ah midka ku hadla Afka Xukuumadda. “Puntland TT hortiina ayaan rabaa in aan ka qiro habbi kuma nihin meesha uu joogo Gudi khuburo ah baan u saarnay si ay uga soo talo bixiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka hadlay furitaanka Shirweynaha 4-aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP).

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furay Shirweynaha 4-aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP), isagoona ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Saxaafaddu ay tahay isku xiraha Shacabka iyo Dowladda, loona baahan yahay inay qeyb ka noqdaan ilaalinta Xasiloonida iyo Hormarinta Bulshada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay la shaqeynta Saxaafadda, waxaana uu ugu baaqay Suxufiyiinta inay hormariyaan xirfadooda, ayna ka qeyb qaataan ilaalinta nidaamka dowladeed ee ay dhisteen dadka reer Puntland.

Read More

Madaxweynaha Maraykanka, Joseph R. Biden ayaa Khamiistii telefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. War saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu u xaqiijiyey dhiggiisa Kenya muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya. Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, taas oo ay ku jirto marka Golaha Ammaanka la joogo, kaas oo Kenya ay hadda xubin ka tahay. Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ee gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada…

Read More

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan kooxda shabaab Xubnahan argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay. Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka Erica Barks-Ruggles oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Read More

Xildhibaan Ihaan Cumar oo kamid ah Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Baarlamaanka Mareykanka ay u gudbisay mooshin ka dhan ah Amiirka Sacuudiga. Mooshinka oo ku aadan in cunaqabateyn la saaro Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka dambeeyay ,kadib Markii (CIA) Mareykanka xaqiijiyeen in Aniirka Sacuudiga uu lahaa amarka dilka & hilbajarjarka Wariye Khashooji. Amiirka Sacuudiga ayaa dhankiisa beeniyay eeda loo soo jeediyay ee ah in uu bixiyay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal Kaashuqji oo dilkiisa baaris kala duwan soo maray.

Read More

Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoona la filayo inuu wajiga 1-aad ee dhismaha Dekedda soo gaba-gaboobo dabayaaqada sanadkan. Sidoo kale, Maal-gashadayaal cusub ayaa ku qulqulaya Dekedda, kuwaas oo saamiyo ku yeelanaya Dekedda.

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa looga hadlay Heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Jubbaland. Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Heshiiskii ay xalay ku gaareen Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland. Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo. Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay Heshiiska xalay dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharaxiinta. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka”. Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka…

Read More

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xogaha la qariyay ee ku geedaaman Heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta. Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Dad badan ayaa u arkayey in mudaaharaadku macno badan lahayn, ama uusan wax wayn goyn karin, sababtoo ah dhaqankeena awoodda qalafsan (hard power) ayaa ku xooggan. Iminkase waxaa dad badan u caddaatay in mudaaharaadku yahay awood dabacsan (Soft Power) oo xisaabta siyaasadeed wax wayn ka bedeli karta. Tani waa guul shacabka u soo…

Read More

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo ka hadlay Heshiiskii ay xalay gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta ayaa shaki galiyay ku qanacsanaanta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo. Axmed Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu noqdo ilaaliyaha heshiiskan. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Axmed Macalin Fiqi. Heshiiskii xalay ay wada gaareen Raysulwasaaraha xukuumadda Federaalka iyo Midowga mushraxiinra ayna garwadeenka ka ahaayeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Akhyaar kale wuxuu ahaa mid loo baahnaa oo ku yimid is-aqoonsi, meeshana ay ka baxday inkiraadii sanadahii la soo dhaafay socotay. Heshiiska…

Read More

Waxaa soo gaba-gaboobay goor-dhaweyd Shir qaatay saacado badan oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta DFS, Madaxweynayaaasha Galmudug & Hirshabeelle iyo Midowga Musharrixiinta, kaas oo ka dhacay hotel Decale ee magaalada Muqdisho. Halkaan Hoose ka Akhriso War-murtiyeed laga soo saaray Shirka oo ay heshiis ku gaareen dhinacyadu.

Read More

Ciidamada badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa badbaadiyey kalluumaysato u dhashay wadanka Yeman oo Saxiimad ay wateen ku xumaatay xeebaha degmada Eyl ee Puntland, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada. Ciidamada PMPF ayaa sheegay in bad-baadinta kalluumaysatadan oo Labo maalmood la laa’aa ay timid, kaddib markii ay shacabka Degmada Eyl kusoo wargeliyeen Ciidanka, iyagoo intaas ku daray inay kalluumaysatadan ay heystaan shatiga Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland.

Read More

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan hotel Decale ayaa ii sheegay in shirka looga hadlay saddex qodob, islamarkaana mid kamid ah la isku fahmay halka labada kale ilaa hadda aan la isku fahmin. Dhinacyada ayaa isku fahmay in xukuumadu ay raali gelin ka bixiso dhibaatadii dhacday 19-kii bishaan iyo in guddi loo saaro isla arintaas, balse waxaan wali la isku fahmin in banaanbax berri la joojiyo oo ay dalbatay xukuumada. Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya i berri dhaco banaanbaxa halka Ra’iisul Wasaaraha codsaday in la joojiyo si xukuumadu ugu diyaar garowdo sugida amniga. Sidoo kale mucaaradka ayaa dalbaday in laga…

Read More

Xafiiska Xeer -ilaalinta Guud ee Dowladda Puntland ayaa shaaciyey cidda uu ka soo jeedo muwaadin ay ku muransanaayeen dhalasho ahaantiisa Labo qoys, kaas oo dadiisu tahay 63 – 64 jir. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in lagu cadeeyay Qoyska uu ka tirsan yahay dhecaanka labada dhinac iyo Ninka la isku heystay oo ay baaris ku sameysay Hay’adda Foransig Sayniska Dowladda Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cismaan Karaash ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan ay ka qeybgaleen Guddoomiyayaasha Gobolada, Degmooyinka, Saraakiisha amniga iyo Lataliyayaal Madaxweyne. Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay dardargelinta shaqooyinka socda iyo adeega dowladnimo ee Bulshada loo hayo. Iyadoo Madaxweynuhu uu warbixino ka dhegaystay Wasaaraddaha , Guddoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ka qeybgalay. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray Golaha Wasiirada, Guddoomiyaasha Gobalada iyo Degmooyinka iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga dardar-gelinta howlaha shaqo ee Shacabka ay u hayaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha Dowladda ee hormarinta Dalka.

Read More

Pro Hassan Sheikh Ali Nur, ayaa mahad-celin u jeediyay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, oo uu sheegay inay Soomaalida ka hor istaagsan yihiin dhibaatooyin badan oo kusoo food leh Soomaaliya. Prof. Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay Dowladda Puntland iyo Hoggaankeedii kala dambeeyay oo uu sheegay inay garab iyo gaashaanba u muujiyeen dib-u-dhiska Dowladnimada Soomaaliya. “Axmed Madoobe iyo Saciid C/laahi Deni labadaas nin maamulkooda dadka la shaqeeya iyo Soomaaliya qaybta ay ka yihiin waxay hortaagan yihiin mar kale in dhiiga Soomaallliya isku dhex daato,Wax magarato fara badan maanta ma fahamsana balse maalin maal maha ka mid ah taariikhda…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyadda Hay’adaha Garsoorka Jubbaland. Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Garsoorka ayaa looga hadlay Hanaanka shaqada hay’adaha garsoorka, si loo xoojiyo shaqada ay u hayaan Bulshada.

Read More

Midowga Musharaxiinta ayaa hadda shir dhanka qadka Zoomka kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, iyagoo ka wada hadlaya is mari waaga siyaasadeed iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Warqad Beesha Caalamkanu qoreen oo ahaa labo bog ayay ka dalbadeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelkii ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore, sidoo kale falkii lagu rasaaseeyay bannaan bixii ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta. In Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ku wareejiyaa talada Gole Qaran oo Kumeel Gaara ah, In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro saddexda qodob ee muranku ka taagnaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga dalbaday in uu yeesho doorka hogaaminta doorashada Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uu Farmaajo lumiyay kalsoonidii laga qabay ee fulinta heshiisyada. Wakiilada caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare ka dalbaday in uu qanciyo mucaaradka iyo Dowladaha Jubblaand iyo Puntland isagoo kaashanaya Beesha Caalamka. Ilaa caawa ayaa la filayaa in ay is badasho xaaladda Soomaaliya ee dhinaca doorashada ama ay qaadato waqti kale oo dheeraad ah, sidoo kale dadaalada socda ayaa qeyb ka ah sidii ay dowladdu u ogalaan laheyd banaanbaxa berri iyo in ay raali gelin ka…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya ayaa taageeray bannaan-baxyada la filayo inay Jimcaha ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta. Dr. Cabdiweli Gaas oo wareysi siinayay TV-ga Universal ayaa sheegay in dalkan uu xukun Digtaaroori ah ka talinayay 21 sanno, aana la aqbali karin in hada dib loogu laabto.

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday ayaa heegan 100% galiyay Ciidanka Booliska Muqdisho, kaddib cabsi soo wajahday Villa Somalia. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay saacadihii ugu dambeeyay wajahayay culeys dhanka Ciidanka ah, kaddib markii Dowladda Turkiga ay u sheegtay Farmaajo in aysan aqbaleyn in Ciidanka ay u dhistay xoojinta Dowladmimada Soomaaliya loo adeegsado dano shaqsi iyo fulinta weeraro ka dhan ah Dilmuquraadiyadda curdanka ah ee Soomaalida. Turkiga ayaa si gaar ah u tababara Ciidanka Gorgor, isagoona siiya saanad Milateri iyo lacag gino ah, sidoo kale wuxuu Dowladda Farmaajo ka caawiyaa tababarka Ciidanka Haramcad oo uu…

Read More

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa jahwareer iyo xaalad kacsan, kaddib markii Beesha Caalamku ay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ku amartay in 72 saac gudahood uu kusoo buuxiya qaar kamid ah shuruudihii ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland. Wakiillada Beesha Caalamka oo Waraaq u diray Farmaajo ayaa sheegay in aysan ka aqbaleyn halka uu ku wado Dalka, loogana baahan yahay inuu raaco Dastuurka Dalka iyo curfiyadda Dowladeed ee Xukuumadihii ka horeeyay ay sameeyeen. Ugu horeyn Beesha Caalamka ayaa hordhigtay Farmaajo inuu soo saaro Waraaq lamid ah tii uu soo saaray Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubno ka socda Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin Senator Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa looga hadlayaa weerarkii 19-kii bishan lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Bannaan-bax ay horkacayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS. Kulanka oo ka dhacaya Hotelka Decale oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa la filayaa in marka uu soo dhamaado ay war kasoo saaraan labada dhinac.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Prof. Maxamed Cali Xasan(Castro) oo ku geeriyooday Muqdisho. Prof Castro waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland isagoo sidoo kale qeyb weyn kasoo qaatay dhismaha shuruucda hay’adaha dowliga ah waxaana hada uu la taliye sare ka ahaa hanaanka dhismaha Dowladaha hoose ee Wasaarada arrimaha gudaha. Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa dhamaan Shacabka ree Jubaland si gaar ahna ehelada iyo qaraabada Marxuumka isagoo Alle uga baryay in uu Naxariistii jano ka waraabiyo.

Read More

Dowladda Puntland ayaa bilowday dayactirka Garoonka diyaaradaha Degmada Xaafuun ee Gobalka Bari, kaas oo aan shaqeyn muddo fara-badan. Injineero ka socda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo bil kahor gaaray Degmada Xaafuun, ayaa sheegay inay dhowaan soo gaba-gabeyn doonaan dayactirka Garoonka oo la dhisay 1974-tii. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobalka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro, oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Xaafuun ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabanayaan duulimaadyada Garoonka.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Puntland Abdiqafar Hange, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa beeniyay sheegashada Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee ah inay soo celisay Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo – Garoowe. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Facebook soo dhigay Wasiir Abdiqafar Hange. “Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland waxay la wadaagaysaa dadweynaha reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba inay Dowladda Puntland soo bilowday dedaaladda dib-udhiska Wadada Jalam-Harfo, horraantii Sanadka 2019, ugu dambayntiina lagu guulaystay, iyadoo ay soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la dhamaystiray qiimayntii qaab-dhismeedka…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo Soomaali ka soo cararay colaadaha Yemen, kuwaas dooni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda Boosaaso. Dadkan Qaxootiga ah ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 164 qoys oo u badan haween iyo caruur, waana doonidi seddexaad oo soo gaarta Boosaaso maalmihii ugu dambeeyay. Xaaladda Yaman ayaa kasii daraysa sababo la xiriira saameynta uu u gaystay virus-ka corona.

Read More

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa mar kale ku adkeystay inay qabanayaan bannaan baxa maalinta jimcaha, iyagoo ka digay in laga waantoobo oo aan la is hortaagin si la mid ah kii jimcihii hore. “In nala qasbo ayaa diidnay Soomaali haddaan nahay hadda ka hor, hadana ma aqbali karno, taas nuxurkeeda waxaa kala jeednay maalin dhoweyd markii bannaan baxa nabadeed aan qabaneynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga horyimaadaa sidaas darteed waxaa go’aansananay maalinta jimcaha ee soo socota waxaa rabnaa inaan mudahaaraadkii nabadeed inaan qabno” ayuu yiri Musharax Dahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta. Dahir…

Read More

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey gal-dacwadeedka 14 kamid shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay bixin waayeen canshuuraha ku waajibay Mushaarka Shaqaalaha Hay’adaha QM. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa amray shaqaalahan inay iska bixiyaan canshuuraha ku waajibay, waxaana uu sheegay in hadii ay bixin waayaan la marin-doono sharciga.

Read More