Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ah Boqorka Guud ee Beelaha Daarood ayaa ka tacsiyeeyey geeridda ku timi AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Author: Jibril Qoobey
Dadaalo laga dhex waday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada ayaa fashilmay, kaddib markii ay dhinacyadu ka biyo-diideen qodobo ay kala wateen. Waan-waantan oo ay horkacayeen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la doonayay in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada. Musharixiinta ayaana soo jeediyay in Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ay raalli galin ka bixiso Weerarkii lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-bax ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo jeediyay in xaalada la qaboojiyo, sidoo kalena…
Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa shaacisay inay si wanaagsan uga socoto Suuqyada Boosaaso lacagta Shilinka Soomaaliga ah, oo dhowaan laga diiday deegaanada Puntland. Dowladda Hoose ee Boosaaso oo Sawirro ku baahisay barteeda Facebook ayaa tilmaamtay in Suuqyada Khadaarta ee Magaalada si wanaagsan wax loogu kala iibsanayo Lacagta Shilinka Soomaaliga ah. Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirtay muddooyinkii ugu dambeeyay Xalinta qiimo dhaca ku yimid Lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana ay u saartay Guddi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo go’aano soo saaray.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Midowga Musharixiinta oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan joojin karin banaanbaxa Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho. “Caburin iyo xoog kama yeeleyno madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waana dhacaya banaanbaxa Jimcaha ee lagu dalbanayo in doorasho dalka ka dhacdo” ayuu yiri CC Warsame. Wasiirka amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa shalay sheegay in aan la qaban karin banaanbax iyo kulan dadweyne.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho. “Alle ha u naxariisto Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed oo kaalin muhim ah kasoo qaatay dhismaha dowladdnimada, Nabadgelyada, arrimaha Bulshada iyo horumarka guud ahaan Soomaaliya. Wuxuu ahaa shakhsi siweyn looga yaqaanay dalka oo ku sifoobay wanaag iyo nabad ka shaqeyn, waxaan tacsi u diraya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday.” Madaxweynaha Puntland waxa uu…
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya, waxaana Puntland ay sharuudo cusub ku xirtay ka qeyb-galka geedi socodka doorashada. Shuruudaha ku qoran War-saxaafadeedkan oo ka kooban 3 Bog, laguna qoray Afafka Soomaaliga iyo Engaliishka ayaa waxaa kamid ah; In la bedelo saddexda Taliye Ciidanka Qalabka sida, Booliska, Milateriga iyo NISAIn go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.In laga xisaabtamo wixii dhacay 19 February, guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro…
Waxaa goor-dhaweyd ku geeryooday Magaalada Muqdisho Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho. AUN Ugaas Xasan ayaa la sheegay inuu u geeryooday cudurka COVID-19.
Beesha Caalamka ayaa soo saaray baaq ku saabsan sii socoshada dadaalada lagu gaarayo heshiis dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka gaaraan Hirgelinta Doorashada. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Beesha Caalamka. Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Sanaag, Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD
Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga been sheegtay Mashruuca dhismaha Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo. Ugu horrayn wasaaraddu waxay sheegtay in Mashruuca la saxiixay sannadkii 2019, taasina waa been Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkcyo waxa la saxiixay 11 Maarso 2015. Waxa si wadajir ah wakhtigaas u saxiixay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, safiirkii Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Safiirkii Jarmalka u qaabilsanaa Soomaaliya Andreas Pesxhke. Lacagta loo qoondeeyay Mashruuca waxay ahayd $21 Milyan oo Dollar, waxaana $18 Milyan oo kamid ah bixinaysay Midowga Yurub, halka $3 Milyan oo kale ay bixinaysay dowladda Jarmalka.…
Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa goordhow warbaahinta u sheegay in aan Muqdisho lagu qaban karin banaanbax dowlada lagu taageerayo ama looga soo horjeedo, xili ay mucaaradka qorsheeyeen in Jimcaha qabtaan bamaanax kale oo doorasho lagu dalbanayo. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday saacado kadib markii magaalada Beladweyne lagu qabtay banaanbax ay qeyb ka yihiin Ciidanka Haramcad ee Villa Soomaaliya, kaas lagu taageerayo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga. Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira. Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP) Maxamed Daahir Caynsane. Kulanka oo uu goobjoog ahaa Af-hayeenka Madaxtooyada ahna Agaasimaha Warfaafinta Jaamac Depraani, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Puntland.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kulan la leh Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulanka James Swan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan dhameystitka heshiiskii Doorashooyinka ee 17-September iyo sidii loo xalin lahaa tabashada Jubbaland iyo Puntland. Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Cabdirisaaq Abaakur, ayaa waji gabax kala kulmay Shirka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, oo uu ka qeybgalay Isniintii. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa inta uu ku guda jiray khudbad uu ka jeedinayay Shirka Golaha Amaanka, laga dalbaday inuu soo gaabiyo Hadal-jeedintiisa oo u badneyd eedeymo uu u jeedinayay Madaxweynayasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah DFS. Sidoo kale, Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii uu ka qeybgalayay Shirka laga dalbaday inuu qiro in Dowladda Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS uu ku kacay falal ka dhan ah xoriyadda hadalka iyo dambi, maadama uu…
James Swan Wakiilka Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya , ayaa khudbad dhinacya badan taabaneyso uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uu ka jeeydiyay shirka Golaha Ammaanka QM oo xalay ka qabsoomay Aalladda fogaan aragge ee Zoom-ka . Shirkan oo ay ka soo qeeyb galeen xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, Arrimaha Bini aadanimada , Doorashooyinka iyo Ammaanka. Swan ayaa sheegay Soomaaliya in ay wajaheyso xaalad cakiran oo dhanka Ammaanka ah , isagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin shaqaaqadii magaalada Muqdisho ka dhacday jicmihii . “Xiisadaha ka dhasha hirgelinta doorashada ayaa hada waxaa ku…
Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee QM Amb. Byrne Nason ayaa si kulul uga hadashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Awoodda ciidan ee Dowladda u adeegsatay bannaan baxayaasha. “Waddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab, laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaasha” ayay tiri. Mar ay la hadleysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa tiri “Wasiir, waxaan arkaa inuu shaashadda ka baxay, waxaan aaminsanahay inaad nala socoto. Wasiir, waxaan rabaa inaan tiraahdo waa idinku raacsan nahay in rabshadahan aan la…
Mareykanka ayaa ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay aqbalaan talooyinka ka soo baxay shirkii Guddiga farsamada ee ka dhacay Baydhabo in si dhaqse loo bilaabo hirgelinteeda. “Talooyinka ayaa bixinaya qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya” sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Ergeyga Mareykanka ee UN-ka
Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu dilay dalka koonfur Afrika, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahinno kala kala duwan. Hoggaamiyaha ayaa lagu dilay magaalada Cape Town, waxaan in muddo ah uu dalkaasi ku joogay Musaafuris, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo Rwanda National Congress (RNC). In kasta oo ujeeddadiisa dilkiisa aaney weli caddeyn, afhayeen u hadlay RNC, Etienne Mutabazi, ayaa sheegay in qaabkani uu ka muuqdo weeraradii hore ee ujeeddada siyaasadeed laga lahaa. “Dilka waxaa lagu fuliyay qaab la mid ah ka duufsashada dhibanaha meel khalkhal gelinaysa iyo jawi nabadgelyo darro ah…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa Taliye qeybeedyo cusub ugu magacaabay Gobalka Karkaar iyo Sanaag. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtadii Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska…
Prof. Xasan Sheekh oo caawa ka qeybgalay Madasha Haldoor ayaa ka hadlay marxalada Siyaasadeed ee Dalka, fashilka Farmaajo iyo khudbadii xasaasiga aheyd ee xalay uu u jeediyay Bulshada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.
Somalia’s president, whose four-year term expired this month, should not take part in talks aimed at resolving a dispute that has caused a delay in choosing a new head of state, two of Somalia’s five regional governments said on Sunday. Parliament had been due to make a choice on Feb. 8, but this was delayed because new lawmakers have yet to be picked while opponents of President Mohamed Abdullahi Mohamed, who is seeking a second term, accuse him of packing his supporters into the regional and national boards who choose the legislators. The delay has stoked tensions in the Horn…
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga. Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka. Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa…
Ilhaan Cumar oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan. Xildhibaanka ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya. Warbixinta ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya xilligan u socda, iyadoo Wakiilada Midowga Afrika iyo QM laga dhageysanayo warbixin ku saabsan xaalada is mari-waaga siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay banaanabxa ku qabanayaan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondhgeere welina ka tanaasulin. C/raxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in hadalkii xalay ee Madaxweynaha Puntland uu fashiliyay qorsho doorasho been ah oo uu waday Madaxweynaha Puntland. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayi doono in uu ku dhaco isqarxintii ugu dambeeysa, waxaana uu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander. Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.
Gollaha Murashaxiinta oo hadda shir jaraa’id ku qabtay hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Jimcaha soo socda uu banaanbax salmi ahi ka dhici doono Daljirka Dahsoon, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay kasoo qayb galaan. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Bannaan-baxa lagu dalban doono doorasho xor iyo xalaal ah inay Dalka ka dhacdo, iyo Kali-taliye dambe uusan dalkan hoggaamin.
Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa sheegay in digniinta hoggaamiyaha Puntland ay Beesha Caalamka u noqoto baaq baraarug ah, ayna u dhaqaaqdo wax ka qabashada xaalada cakiran ee Dalka. “Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay” ayuu yiri
Ciidanka Gorgor ee fuliyay weeraradi ka dhanka ahaa madaxweynayaashi hore iyo shacabka muqdisho ee banaanbaxayaaasha ahaa waxay tiradoodu gaareysaa 2500 waxaana la qoray oo la ciidameeyay inta uu xilka haayay Maxamed farmaajo ( 8 feb 2017- 8 feb 2021) waxaana tababaray qalabeeyay Dowlada Turkiga oo hadafkeedu ahaa in ay Soomaliya u dhisto ciidan taya leh lkn nasiib daro ay noqdeen kuwa lagu duminaayo Somaliya oo lagu baabi’inaayo rajadi yareed ee Somaliya laheyd. Beelaha ay kasoo jeedaan Beelaha ay kasoo jeedaan Ciidankaan waa: Mareexaan 1300Dhulmahante 400Biyamaal 250Jareer 150Raxanweyn 130Hawiye 93Darodka yaryar 817 beelaha kale 67 Sidee loo diyaariyay ciidankaan waasa maxay…
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay khudbadii adkeyd ee uu xalay ka jeediyay Xarunt Cilmi baarista iyo Hormarinta Puntland (PDRC) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa amaan u jeediyay Madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu Soomaalida u soo bandhigay xaqiiqooyin xanuun badan oo Dalku wajahayo iyo tallooyin u gaar ah Reer Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Khudbadda Madaxweyne Deni waxay dibedda soo dhigtay xaqiiqooyin xanuun badan oo la xariira taliska muddo xileedkiisu dhacay ee ina Farmaajo. Waxaan isku tirinayaa…
Wafti ka socda Beesha Caalamka ayaa xalay ku hoyday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyagoo saaka kulan la yeelanaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada cakarin ee Dalka iyo sidii Puntland ay Hormuud uga sii ahaan laheyd dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka ee 17-September lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni oo madasha furan ee PDRC kula hadlay siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaha kala duwan ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray marxalad adag ee uu dalka marayo. Madaxweyne Deni ayaa mid mid u sharraxay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlay hannaanka doorashooyinka dalka, sababaha keenay in ay fashil ku dhammaadaan oo u aaneeyey madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu tilmaamay in rabitaanka Farmaajo ay ugu weyneyd maamulidda doorashada Jubbaland gaar ahaan tan Garbahaareey ka dhici lahayd, maadaama uu Farmaajo caddeeyey in reerkiisa aana diyaar u aheyd in ay maamul ahaan u hoostagaan Axmed Madoobe.…
Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera DFS ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo khilaafka la isku mari la’yahay ee ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkiga uu ka walaacsan yahay xaaladda ka dhalatay khilaafka ku hor gudban doorashada iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Turkiga ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhammaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada heshiis nabadeed ka gaaran doorashada oo wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal laguna shaqeeyo niyad wanaagsan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Bulshada Puntland kala hadlaya marxaladaha siyaasadeed ee hadda taagan. Madaxweyne Deni ayaa banaanka keenay xaqiiqooyinka Shirarkii uu la galay Farmaajo iyo qorshihiisa la xariira Kali-talisnimada. “Wuxuu FARMAAJO nagu qabsaday markii aan Xamar tagnay- Aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, “Dadkaasi waa iska qeylinayaan Aniga Ciidan ayaan heystaa cid wax iga qaadi karta ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Deni . Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray “Mar kale Habeen hore ayuu isoo wacay wuxuuna igu yiri: Heshiiskii 17-ka Septembar ma ogolaadeen ee waxaan u ogolaaday markaad igu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo khudbad caawa u jeediyay Bulshada Puntland ayaa si aan ka qabasho laheyn uga hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka, xaqiiqooyinka Shirarkii ay la galeen Farmaajo iyo arrimo kale.
Midawga musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka ay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal, waxayna intaa ku dareen in hadii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah. Warqaddooda ayey ku sheegeen…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa caawa la hadli doono Shacabka Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada Guud ee Puntland, Arrimaha Federaalka iyo heshiis la,Santa doorasho ee Dalka, muddo-xileedka dhamaaday ee Hay’adaha DFS iyo rabshadihii jimcihii ka dhacay Muqdisho. Kulanka hadal-jeedinta oo ka qabsoomaya xarunta PDRC ayaa la filayaa in Madaxweyne Deni uu si gaar ah Bulshada Puntland ugu Cadeeyo mowqifka Dowladda ee xaaladaha hada taagan iyo dadaalka Puntland ay galisay in heshiis laga gaaro Doorashooyinka dalka, waxaana su’aalo weydiin doona Saxaafaddu.
War-saxaafadeed kasoo baxay Indheergaradka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Dalka, heshiis la,aanta Doorashooyinka xilli uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah, iyo weeraradii jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo xubno kale oo kamid ah Midowga Musharixiinta oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Shirka amniga oo ay ka qayb galeen Taliyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka ayaa looga hadlay shirka manta iyo sidoo kalle xoojinta amniga ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca xatooyada u geesta dadweynaha xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ay jiraan kuwa badan oo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Maxkamada La Horgeen doono xili dhow Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Le Yuusf Cabdi Cartan ayaa ka war bixiyay natiijada shirka amniga isagoona sheegay in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga…
Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay inay dhamaan bedeshay qareenadii u doodayay dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, iyada oo Magacaawday 8 qareen oo Cusub. 15-ka Bisha Maarso 2021 ayaa loo balansan yahay inay bilaabato dhageysiga dacwadda Badda , waxaana 8 qareen 7 kamid ah ay yihiin Ajaanib halka Xubinta 8aad uu yahay Kenyan, taas oo lagu Magacaabo Prof Phoebe Okowa. Qareenada Cusub ee Kenya u Magacaawday dhageysiga dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa waxaa hoggaminaya Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law & Garsoore hore Tullion Treves. Hoggaamiyaha qareenada Prof Sean Murphy ayaa mar…
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu digay Dowladha ku xadgudbaya xuquuqul iInsaanka iyo xoriyadda hadalka. “Waa Waajib in dowladaha lagula xisaabtamaa ilaalinta xuquuqul insaanka, mana jiro Dal loo ogolaanayo kutumashada xuquuqul insaanka iyo xuquuqda asaasiga ah iyada oo lagu marmarsiyoonayocudurka COVID-19” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Jubbaland ayaa looga hadlay xaalada Dalka gaar ahaan dagaaladii jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Dhameystirka heshiiska Doorashada dalka. Jubbaland ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka inay garawshiyo iyo raalli gelin ka bixiso tallaabadii lagu weeraray Musharaxiinta, in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed, iyadoo goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka. Sidoo kale, Jubbaland ayaa dalbatay in la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas iyo in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka,…
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday ayaa ka hadlay eedeymo uu saaka u jeediyay Dalka Imaaraadka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cusmaan Dubbe, isagoona raalli galin ka siiyay hadalka Dubbe. Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Dowladaha carabta ay garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa Dadka Soomaaliyeed, ayna u ogsoon yihiin. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Mahad Salaad. Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin! Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been…
Waxaa xaqiiqada tahay in “ismari waaggi hore” ee Madaxweyne Farmajo muddada dheer ku tala galay inuusan dheg jalaq u siin madaama uusan ku socon waqti sida lataliyayaashiisa fagaaraha ka sheegeen, isla markaana uu raadinayay muddo kororsi, waxaa hadda taagan arrin cusub oo lama dhaafan ah, taaso ah “Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday awood uma laha inuu la fariisto madaxweynayaasha DG muddo xileedka uusan dhammaan. ” Hadalka ah “ha loo tanasulo danta dadka iyo dalka” waa hadal fiican haseyeeshe aan haysan maqaam kiisa, kana soo horjeeda danta dadka iyo dalka. 3 DG ee la safan gargar iyo gardarro ama sharci…
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaddii xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si adag uga hadlay kulan ay Magaalada Muqdisho ku lee yihiin Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan. Cabdullaahi Goodax Barre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in doorasho dalka ka dhacda ay ka horrayso in dhacdadii Jimcaha laga hadlo. “”Waxaa lagu waramayaa in James Swan, Qoor-Qoor iyo Laftagareen ay shir kula jiraan Farmaajo. Qaramada Midoobay waxaa looga fadhiyaa in Agendaha shirka saamileyda siyaasadda iyo shacabka ay u soo bandhigaan si…
Waxaa isbitaalka Martiini ku geeriyootay Fanaanad Faadumo Cali Nakruuma oo kasoo mid noqotay Hoboladii Qaranka ee Waaberi. AUN Marxuum Faadumo Nakruuma ayaa la sheegay inay u geeryootay cudurka COVID-19, oo maalmahan ay u xanuunsanaysa.
Kulan u dhexeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo James Swan ayaa ka socda Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Kulanka oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cismaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay Dowladda Imaaraadka carabta, isagoona sheegay inay Soomaaliya la doonayso sida dalalka Libya iyo Yemen. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay ka doonayaan raalli-galin, maadama Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligan jirta ay ku tilmaameen Dowlad KMG ah.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo sabtidii gaaray magaaladabMuqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynayaashi hore iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta. Kulamada oo uu codsaday Qoorqoor ayaa looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho iyo sidii xiisada siyaasadeed xal loogu heli lahaa.
Barnaamijka Inside Story ee ka baxa mid kamid ah warbaahinta dunida uga caansan ee TV-ga Al JAZEERA ayaa asbuucaan lagu gorfeeyay xaalada cakiran ee ka taagan khilaafka doorashooyinka Soomaaliya. Barnaamijkaas oo ay ka qeybgalayeenaqoonyahano soomaaliyeed iyo kuwa ajnabi ah oo si dhaw ula socda xaalada siyaasadeed ee kajirta dalka Soomaaliya, waxyaabihii ugu weynaa ee dooda barnaamijka diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa sharciyada dowlada Soomaaliya ee uu waqtiga dastuuriga ahaa ka dhacay, dib udhaca doorashooyinka Soomaaliya iyo xaalada amni iyo siyaasi ay leedahay firaaqa dowladeed ee ay sababtay xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Madaxweynihii waqtigiisu dhacay ee Mudane Mohamed C/laahi…
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumud Cumar (Cagjar), oo la hadlayay Shacabka deegaankiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay burbur uu sheegay inuu ku yimid Jabhadda ONLF oo furatay Xisbi Siyaasadeed weyn oo loolan adag uu kala kulmayo Xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Cagjar. Madaxweyne Cagjar ayaa eedeymo u jeediyay ONLF, isagoona sheegay inay haatan burbureen.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Wakiillada Beesha caalamka, ayaa maalinimada berrito ah yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo ku qabsoomaya Aalada Zoom-ka ah. Kulanka oo ay kasoo qaybgalaya dhamaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Somaliya, ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan 1.Shirkii la filayay in uu Muqdisho ka qabsoomo. 2.Ka baaqashada Shirkaas ee Puntland iyo Jubaland. 3.Aragtida Puntland ee Shirkaas iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho. Sida aan xogta ku helay Madaxweynaha Puntland waxay ugudbin doontaa Beesha caalamka iyo kulanka Isniinta ee Golaha amaanka qodobo ay ka mid yihiin… 1.In Madaxweynaha wakhtigu…
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir lagu balansanaa inuu Muqdisho ka dhaco intii u dhaxeysay 18-kii ilaa 19-kii bishan. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo ku qoran luuqada Englishka, kana kooban laba bog ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.” Sidoo kale dowladdu waxay qoraalkan ku soo…
Isbadal aan la shaacin oo la sheegayo in lagu sameeyay hay’ada Sirdoonka ee NISA. Jiis,ayaa la sheegayaa in laga dhigay Talyaha NISA isla markaana loo dalacsiiyay Jeneraal xalay 19-Feb walow aan la shaacin waa sida warar ay sheegayaan. Saciid Kampala oo horey u joogi jiray habmaamuuska Xafiiska Madaxweynaha waxaa loo magacaabay Talyaha NISA ee Gobolka Benaadir. Fahad Yasiin waxaa loo gaar yeelay la socodka dhaqdhaqaaqa Musharaxiinta iyo furfurkooda. Ilaa iyo hada wareegtooyinkan lama shaacin oo waa la qarinayaa sida ilo xog ogaal ah sheegayaan. Jibril Qoobey.
Askari katirsan Ciidanka Dowladda ee ku sugan Taalada daljirka daahsoon aya caawa toogtay Nin magaciisa lagu soo koobay Abkow Cambuure, oo kamid ahaa howlwadeenada Gobalka Banaadir. Lama oga sababta loo dilay Marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka iyo Askariga Toogtay uu is fahamwaa soo kala dhaxgalay. Abkow Cambuure ayaa caan ka ah Gobolka Banaadir waxaana uu la soo shaqeeyay Maamuladii hore ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa howlgallo ka dhanka Kooxda Argagixisada ah Al-Shabaab ka sameeyay degaanada Ceel Kharaar, Dameer,Ceel Cadayle iyo Xamur ee Buuraha Cal Madow. Howlgalkan ayaa si gaar ah ay Ciidammada PSF uga bartilmaameedsanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee miinooyinka galiya Wadada u dhexaysa Sugure, Balli-khadar iyo Galgala, kuwaas si dhuumaleysi ah ugu jira Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Ciidammada PSF Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada, iyagoo dhowaan Magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda Galgala ku qabtay maleeshiyaad kamid ah Al-Shabaab kuwaas qorsheynayay inay dhibaateeyaan Shacabka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowlada Puntland Cabdisamad Maxaamed Gallan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa maanta kulan kula yeeshay Gudaha Wasaaradda Madaxa Hay’adda The Halo Trust ee Somalia Mr. Lawrie iyo wafti uu hogaaminayo Kulanka intii uu socday ayaa oo looga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa hawlaha xakamaynta hubka (PSSM) iyo miino saarka (Demining).
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Imaaraadka carabta ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Magaalada Muqdisho iyo Rabshadihii ka dhacay jimcihii, kuwaas oo yimid kaddib markii Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ay weerareen Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-baxayaal ay horkacayaan Musharixiin. “Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada kasii daraysa ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Imaaraatka ayaa Dawladda Faderaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo…