Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa magacaabay goor-dhaweyd Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiish-ta Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Qoorqoor. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Galmudug. Madaxweynuhu: Markuu arkayawoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug. Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaankaWuxuu u magacaabay saraakiishan; 1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay joogteyn doonaan bannaan baxyada ka dhanka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktaatooroyad. Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin u diray Ciidamada Dowladda ee ka amar qaata Farmaajo, isagoona sheegay inay cadaaladda hor imaan doonaan kuwii qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday Isaga iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Bannaan-baxayaashii ay horkacayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa u yeeray xubnihii ku matalayay Guddiga farsamo ee dhowaan ku shiray magaalada Baydhabo, kuwaas oo magaalada Muqdisho u joogay qaban-qaabada imaanshaha Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Xubnaha oo kala ahaa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif, ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo. sababta ay ayaana lagu sheegay xaalada kacsan ee ka jirta Muqdisho. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsan doonto in Madaxweyne Axmed Madoobe uu tago Muqdisho, kana qeyb-galo Shirka dhameystirka heshiiskii doorashooyinka, maadama xaalada amni ee Muqdisho aan la isku haleyn karin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho isagoo walaac ka muujiyay rabshadaha ka qarxay Muqdisho. Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay is dejiyaan. “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku boorrinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan wadada loo marayo doorashooyinka qaranka, iyadoo la waafajinayo qaabka doorashada ee 17ka Sebtember.”ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Xoghayaha guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda…
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan aan caadi aheyn ku leh xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo rabshadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho. Shirka oo ay horkacayaan Safiirada Qaramada Midoobay, Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa si gaar ah loogu hadlayaa weeraradii habeen hore illaa shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu qaaday Musharixiin ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo heshiis la,aanta siyaasadeed ee doorashada xilli uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxda DFS. Gaba-gabada Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War-saxaafadeed ku qoran looqad adag, oo looga hadlay arrimaha ka taaqan…
Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa jimcihii weeraro is xigxiga ku qaaday Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore iyo Masuuliyiin kale. Weerarka kowaad oo dhacay habeenimadii jimcaha ayaa lagu qaaday Hotelka Maa’ida (Ex. Naaso-hablood 2), oo ay degnaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, weerarkan ayaana fashilmay kaddib markii Ciidanka weerarka soo qaaday ay is difaacid kala kulmeen ilaalada Madaxweynayaashii hore. Sidoo kale, Weerarka labaad ayaa lagu qaaday 3.6 bilood ah lasoo shaqeynayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana rasaas loo adeegsaday…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo lagu waday inuu saacadaha soo socda u safro magaalada Muqdisho ayaa ka baaqsaday safarkiisa Muqdisho, kaddib dagaaladii jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo weeraradii Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ay ku qaadeen Musharixiinta Madaxweynaha. Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in safarka Madaxweyne Deni dib loogu dhigay sababo Amni, maadama xaalada Muqdisho aan la isku haleyn karin ayna ka dhaceen falal amni-darro oo ay hormuud ka yihiin Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodii dhamaaday. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Puntland ay darsi doonaan waqtiga ugu haboon…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo. Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Jubbaland ay muhiim tahay inay shirkaasi ka qeyb-gasho, hayeeshee haatan aysan muuqan wadadii ay uga qyeb-geli laheyd. Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in ay qiimeyn doonaan xaalada Magalada muqdisho oo saacadihii la oo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa taageersan Midowga Musharixiinta. Warkan kasoo yeeray Dowlad Gobaleedka Jubbaland…
Midowga Musharaxiinta oo War-saxafadeed soo saaray ayaa sheegay inay joogteyn doonaan bannaan baxyada, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktaatooroyad. “Golaha Midowga Musharaxiinta waxay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo”.
Urur goboleedka IGAD ayaa Cambaareeyay Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo xasaradaha Siyaasadeed ee soo kordhaya waxaana Igad ay sheegtay iney sii wadi doonto ku sidii dhinacyada siyaasadeed iyo saamileyda ay uga wada hadli lahaayeen xaalada taagan ee dalka.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyada Caalamiga ah ka sameyn jiray Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay gabi ahaana joojiyeen duulimaadyadoodii. Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa baajiyay duulimaadkooda maalinta berri oo sabti, sababo la xiriira shaqaaqooyinkii 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Caasimada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa mowjado dagaal, kaddib weeraro is dabajoog ah oo Ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaadeen Madaxweynahaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-baxayaal ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali…
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay dagaaladii saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku eedeysay inuu si sharci0-darro ah u adeegsanayo Ciidanka Dalka. “Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo”.
Ciidammada PMPF Dowladda Puntland iyo kuwa Madaxtooyadda Puntland ayaa weerar ku qaaday saaka Maleeshiyaad go’doomiyay deegaano kamid ah Gobalka Gardafuu. Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaadka ayaa ku dagaalamay dalcada Lafagoronyo, iyadoona Ciidanka ay u suuragashay inay jabiyaan maleeshiyaadka oo muddo maalmo ah go’doon galiyay deegaano kamid ah Gobalka Gardafuu. Sidoo kalena kala wareegay Hub, Saanad Ciidan iyo Gaari uu saad u saarnaa. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeed ay baahiyeen Ciidanka PMPF Dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ee sii xumaaneysa ee Muqdisho, taasoo khatar gelinaysa dhammaan guulihii laga gaadhay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyay dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidammo kala taabacsan Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta. “Dowlada Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed”.…
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa looga hadlay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS iyo Ciidan daacad u ah Midowga Musharixiinta. Midowga Afrika ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku amray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa. Ugu dambeyntii, Ciidanka AMISOM ayaa la faray in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dadaallo ku bixiyay 24 saac ee u dambeysay sidii lagu hakin lahaa isku dhacyadii ka dhashay abaabul bannaan baxyo.
Qax ayaa ka bilowday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaddib dagaalo goosgoos ah oo maanta illaa xalay ka dhacay, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda ee ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta.
Hadii garoonkii xirmay khadkii cagaarnaana soo laabtay ,Ciidamo kala duwana Xaafadaha joogaan saw dib looguma laaban 2003-dii. Shidaal soo saaris iyo horumar,ayuu dalku kusii socday. Sadex, ayaa laga dhaxlayaa maanta waxii dhacay. 1.Farmaajo oo magac xumo kala taga Kursiga dibna aan isku sharixi karin. 2. Mucaaradka oo helay waxay rabeen Dimuqraadiyad iyo doorasho doon in loo arko iyo Raga hala kala qabto. 3. Albaab Colaadeed oo aan la qiyaasi karin oo furmay. CBB-du waxay wax weyn u arkaan waxaa xabad lagu cayrsadey siyaasiintii Mucaaradka, balse sida caqliyan ah marka loo eego waxay guusha iyo libintu raacdey Midowga musharaxiinta. waxaana socda…
Shir lagu waday inuu maanta Magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa baaqday, kaddib markii inta badan Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay ka baaqsadeen tagistoodii Muqdisho. 17-kii bishan ayuu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo uu soo saaray qoraal uu madaxda Dowlad Gobaleedyada ugu sheegayo inay isugu yimaadaan shirkaas oo qorshuhu ahaa in 18-kii illaa 19-ka bisha oo maanta ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho, balse ma dhicin. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo kaliya ayaa hadda madaxda dowlad goboleedyada ka jooga Muqdisho, kaas oo shalay soo gaaray, waxaana muuqata inuu fashilmay jadwalkii…
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarada saacadihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Ciidanka Dowladda ku qaadeen Madaxweynahaashii hore ee Dalka iyo Banaan-baxyaal ay horkacayaan Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS. War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah”. Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada inay deganaan muujiyay, ayna Durango wadada wada-hadalka. “Waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka…
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay weerarada saacadihii lasoo dhaafay at Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ku qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Banaan-baxyaal ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre. Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Salaad Jowle, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay weerarka xalay lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka. Agaasimihii hore ee Xasfiiska Ra’isalwasaaraha Burhaan Dio Mio oo canbaareeyay weerarkii xalay kagu qaaday Sharaftii Somalinimada ee labada Madaxweyne iyo Banaanbixii Dimuqraadiyada ee saakay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyay Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib Madfac goor-dhaweyd lagu tuuray Garoonka. Madfac ayaa ku dhacay gudaha garoonka gaar ahaan goob ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha garoonka, waxaana la arkayay uuro iyo qiic ka baxayay. Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa ah mid ciidan, iyadoo rasaas laga maqayay, goor sii horeysay waxaa wadadaas oo bannaan socod ah ku marayay lagu rasaaseeyay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ka hadlay weerar ay Ciidanka Dowladda ay ku qaadeen goor-dhaweyd banaan-baxyo ay hoggaaminayaan ayaa sheegay in Isaga, Musharixiin Madaxweyne iyo Xildhibaano kamid ah BJFS ay ka bad-baadeen isku day dil. Hoos ka Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo. Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada…
Dhawaqa rasaasta culus ayaa laga maqlaya inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, kaddib markii Ciidanka Dowladda ay weerareen Bannaan-baxayaal ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed. Sidoo kale, Waxaa qiiq iyo olal ka baxaya Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo loo maleynayo in lagu dhuftay Hoobiye.
Rasaas culus ayaa ka socota agagaarka Koontaroolka KM4 , halkaasoo bannaan ay socod ku hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta lagu rasaaseeyay Bannaan-baxaan ayaa waxaa hoggaaminayay Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa si adag ugu hadlay weerar caawa ay Ciidanka Dowladda ku qaadeen Hotelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo ay degan yihiin Madaxweynahaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Xasan Cali Khayre. Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa bilowga natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ee aan…
Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka dowladu ku soo weeraray caawa si loo joojiyo banaan baxa nabadeed ay ku baaqeen. Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyeen in banaan baxu qabsoomayo subaxdii oo aan wax iska badlay aysan jirin.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ah ayaa qoraal ay ku baahisay Warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ku sheegtay inay Ciidanka Dowladda la dagaalameen Maleeshiyaad hubeysan. Halkaan Hoose ka Akhriso Qaraal lagu baahiyay baraha Bulshada ee Warbaahinta Dowladda. Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd…
Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay weerar caawa lagu qaaday Horelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo degan yihiin Madaxweynayaashii hore iyo qaar kamid ah Midowga Musharixiinta. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu soo amray weerarkan. “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray “Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Ciidanka Dowladda inay weerar kusoo qaadeen Hotelka Maa’ida Ex Naasohablood 2 oo degan yihiin isaga, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah Midowga Musharixiinta Doorashada. Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerarka lagu soo qaaday Hotelka ay degan yihiin. “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed.Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku…
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidammada Dowladda iyo kuwa Midowga Musharixiinta uu ka bilowday qeybo kamid ah Magaalada. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Dowladda ay weerareen Hotelka Maa’ida Ex Naasohablood 2, oo ay degan yihiin qaar kamid ah Midowga Musharixiinta oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa ka dhex bilowday Khilaaf weyn, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay. Khilaafka culus ee ka dhex bilowday Farmaajo iyo Rooble ayaa salka ku haya kala aragti duwanaan la xariirta go’aan laga soo saaro bannaan baxa, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo jeediyay in la ogolaado bannaan baxaas oo dowladdu ay qaadato doorkeeda sugidda amniga. Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka horyimid soo jeedintaas, waxaana dib loo dhigay war la filayay in laga soo saaro Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Mowqifka Xukuumadda ee ku…
Ciidamada gaarka ah ee Midowga Musharaxiinta uuna hoggaaminayo Gen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde ayaa goor-dhaweyd la wareegay jidad badan oo kamid ah kuwa Muqdisho iyo Taalada Daljirka Daahsoon. Gen. Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo saxaafadda kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in uusan dalka ka jirin Maamul ka jira, Farmaajona uu la mid yahay Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray. “Dalkaan wax maamul ah kama jiro, Madaxweynuhu wuxuu la midyahay Cabdi Qaasimka Masar jooga,Wasiiraduna anigoo wasiir hore ah ayey ila mid yihiin” ayuu yiri Gen. Indha-cadde. Xaaladda Magaaladda Muqdisho ayaa hadda kacsan, Ciidamadda dowladda iyo kuwa Musharaxiinta ayaana meelaha qaar isku…
Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa shir guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee golaha wasiiradda oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Kulanka maanta Wasaaradda Maaliyada ayaa golaha wasiirada waxay u qeybisay miisaaniyad sanadeedka 2021 ee Galmudug. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan laba-kaclaynta covid -19. Waxaa Sidoo kale, wasaaradda amniga gudaha ay golaha la wadaagay warbixin amni.
Midowga Musharaxiinta ayaa galabta booqasho ku tagay Taaladda Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, oo lagu wado in uu ka dhaco maalinta berri ah Bannaan-bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo. Madaxweynihii hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga musharaxinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bannaan-baxa berri uu dalka u horseedi doono dimuqradiyad.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa iska diiday inuu raaco diyaarad ay u soo dirtay Villa Soomaaliya, kaddib markii ay caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb. Lama oga sababta Madaxweyne QoorQoor oo waday dhow la ahaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu u diiday inuu raaco diyaarada Villa Somalia u soo diray. Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajahaya waji gabax Siyaasadeed kaddib markii ay Puntland iyo Jubbaland iyo Dowlad Gobaleedyadii u dhowaa qaarkood ka gaabsadeen inay si dhow u aqbalaan Shirkii u baaqay xalay.
Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa iska diiday dalab uga yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo la xariiray inuu la kulmo. Xasan Sheekh iyo Shariif ayaa u sheegay Gen. Odawaa Yuusuf in aysan jaanis u heyn la kulankiisa, iyagoo sidoo kale tibaaxay in loo baahan yahay in uusan ku mashquulin Arrimaha Siyaasadda, ee uu Xoogga saaro la dagaalanka Argagixisada. Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta xilalka ka haya Dowladda waqtigeedu dhamaaday ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay culeys uga imaanaya Farmaajo, si ay u hakiyaan bannaan-bax berri ka…
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Muqdisho inay u soo bannaan-baxaan iska qabashada Kaligii-taliska iyo ilaalinta Dastuurka iyo Dilmuquraadiyadda. “Qof kasta oo Muqdisho ku nool waa in uu saligiisa soo qaataa una soo tukadaa Barxada Daljirka Dahsoon, Banaan baxan waa kii lagu muuji lahaa Tabar yarida Rajiimka, awooda yar ee ismahadiyay” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Iyada oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada ayaa waxaa jira walaac xoogan o ay muujinayaan xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya. Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta Rosemary A. DiCarlo ayaa sheegtay inay lama huraan tahay doorashooyin loo dhan yahay, waxaana ay ugu baaqday madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadallada doorashada. “Soomaalidu waxay waddo dheer u soo mareen xasilinta dalka iyo u dhigista dhabbaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad Doorashooyin loo dhan yahay waa lama huraan. Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka waxaanan ku celinayaa taageerada buuxda…
Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo xalay degay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay bannaan baxa jimcaha oo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo. Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow yahay Taalada Daljirkq Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa, ayaa waxaa amnigiisa la wareegay Ciidamo taabacsan midowga Musharixinta.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si gaar ah isku dul-taagay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo heshiiskii doorashada ay la sheegay in Guddiyada farsamo ku gaareen magaalada baydhabo.
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xasaasi ah oo Arbacadii dhexmaray Midowga Musharixiinta Doorashada iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, kaas oo lagu gorfeynayay xaalada Guud ee Siyaasadda iyo marxaladaha kala-guurka, maadama uu dhamaaday muddo xileedka Dastuuriga ahaa ee Madaxda iyo Hay’adaha DFS. Midowga Musharixiinta ayaa intii uu socday kulanka dhaliilo adag u jeediyay Wakiillada Beesha Caalamka, iyagoo si gaar ah ugu qabowsaday tababar ay dhowaan Ciidanka AMISOM u qabteen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa raali-gelin la bixiyay cabashada Midowga Musharixiinta, waxaana dhankooda ay ka codsadeen Midowga inuu banaan-baxa ay Jimcaha ku baaqeen…
Xilli 15-ka bisha Maarso ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale. Inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay BBC-da u sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, ayna uga qeybgeli doonta qaab fogaan arag ah. “Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka…
Muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa looga digay in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo nabadeed oo lagaga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa digiin culus loogu jeediyay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxaana looga digay in ka ag-dhawaadaan Bannaanbaxa la filayo in u ka dhaco muqdisho. Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda u jeedisay tallooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.…
Maalinimada berrito ah oo Jimce ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco Banaan-bax balaaran oo looga soo hor-jeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ay baaqeen Midowga Musharixiinta. Halkaas Hoose ka Akhriso qorshaha banaan-baxa. Waxaa la Diyaariyay Dad Gaaraaya ilaa 6-Kun oo Qof. Waxaa la Diyaariyay 8-kun oo waji Xir Ama Face Mask. Waxaa la Diyaariyay 8-kun oo Sali Salaada Jimcaha lagu Tukado . Waxaa khudbada Salaada Jimcaha meesha layiraahdo Daljirka Dahsoon ka Akhrinaya Madaxweynihii hore Somaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed isagaana Salaada Jimcaha Dadka Tujinaya. Amniga yaa sugaya ? Tirada Guud ee ciidamada amniga loo…
Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay Hotelka Naasahablood-2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia. Madaxweynayaashii hore ayaa Hotelka Naasahablood 2 ka abaabulaya bannaan baxa jimcaha berri ah ka dhici doona Magaalada Muqdisho, waxaana Hotelka uu ku dhow yahay Taalada Daljirka Dahsoon oo loo balansan yahay in jimcaha uu ka dhaco bannaan baxa. Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah labada Madaxweyne hore ayaa la wareegay ammaanka Hotelka iyo nawaaxigiisa. Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada Dadaalo ay doonayaan inay ku baajiyaan banaan-baxa, iyadoo qaar kamid ah Wasiirada…
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Shir ugu baaqay Madaxda DFS ee xil gaarsiinta ah, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir. Shirka wada-tashiga Madaxda Soomaalida oo Farmaajo uu sheegay inuu qabsoomaya 18 – 19 Bishan, ayaa lagu qaban doonaa Magaalada Muqdisho, isagoona lagu dhameystiri doono talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aysan ka baaqan doonin Banaan-baxa qorsheysan ee jimcaha lagu qabanayo Magaalada Muqdisho. “Ma hakaneyno, ma baaqaneyno annagaa idin ka horeyno oo meesha ku hormareyno, qof walba san xirkiisu soo qaadanayaa, inta aan wadanin meesha lagu siinayaa, cid dheg jalaq u siineyso ma jirto” ayaa yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa ka hortagay qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Boosaaso, kaddib markii Ciidanka PSF ay heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsan tahay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta ku dhigay Ragii watay Qaraxyadan, iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, kuwaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.
Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen guddiga farsmo ee hore loogu xilsaaray shirka ay dhawaan yeelan doonaan Madaxda Dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah. Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay beesha caalamka; Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran. Saaxiibadu waxay sidoo…
Wasiirarada Amniga, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Taliyayaasha Ciidanka Boolidka iyo Xoogga Dalka oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in isku imaatin uusan jiri karin, sababo la xariira cudurka COVID-19. Sidoo kale, Masuuliyiinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyada oo midowga murrashaxiinta ay ku baaqeen bannaanbax ballaaran oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka Dahsoon maalinta Jimcaha.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Ururada Siyaasadda Puntland la qaatay kulankoodii bilaha ahaa ee xogta iyo talada lagu wadaagi jiray. Guddigu wuxuu Ururada uga warbixiyay hawlihii uqabsoomay bishii lasoo dhaafay iyo qorshaha hawlaha soo aaddan muddada dhow. Ururadu waxay la wadaageen Guddiga talooyin ku aaddan shaqooyinkii qayb ahaan qabsoomay iyo sidii loosii hagaajin lahaa, sidoo kale waxay talo ka gaysteen taabbagelinta hawlaha soo aaddan. Guddigu waxay kale oo Ururadda uqaybiyeen Qabyo-Qoraalka Buuga Tusmada Ururada oo u bidhaaminaya Ururada nidaamka iyo qaabka doorashada golayaasha deegaanku u qabsoomayso iyadoo la baahindoono buuga marka watashiga lagala leeyahay Ururadu soo dhamaado. Ugu danbeyn…
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada kulan mirodhal ah kula qaatay wasiirka Gaashaandhigga XFS, iyo Hoggaanka heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusmareeb. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa furista Maxkamadda U gaar ah tashigeedii u dambeeyay iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.
Wasiirka Amnigga iyo DDRta Dawladda Puntland Cabdisamad Mohamed Gallan, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland ayaa si rasmi ah, tababar ugu furay dugsigga Xorgoble Qardho, Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Booliska Puntland, kuwaas oo lagga keenay Goboladda kala duwan ee Puntland. Tababarkaan ayaa qayb ka ah, Hanaanka dib u habaynta ciidamadda dawladda kaas oo horay uu u balan-qaaday Madaxweyne Saciid Deni, ciidamadaa ayaa mari-doona, hanaan lagu saxayo xaquuqda aasaasigga ah ee askarigga, korna loogu qaadayo mushaharkoodda. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka karkaar, Cabdi-casiis Yuusuf Caamir, Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyadda Degmadda Qardho, Cabdifataax Warsame Hiirad, Taliyaha Dugsigha Xorgoble, Burhaan Caanood, Saraakiil…
Xildhibaan Axmed Saney Maxamud, oo kamida xildhibanada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in xaalad Bini’aadamnimo oo daran ay ka jirto Degmada Buuloburde ee Gobalka Hiiraan. Xildhibaan Axmed Saney ayaa sheegay inay Buulaburde ay heysato cuna yari baahsan, maadama aysan gaadiidku tagi karin magaaladaas oo go’doon ay saartay Kooxda Al-Shabaab,
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu u diray Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday & dowlad Goboleedyada waxaa uu dalbaday in loo madax banaaneeyo Arrinta gobolada Waqooyi ee doorashooyinka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aan wax tixgelin ah laga siinin shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Dhuusamareeb Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, isagoona ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday & Xukuumadiisa inay dadaaal adag u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland, isla markaana ay faafiyeen warar ay kamid yihiin inay heshiiyeen iyo in guddiga…
Musharax Madaxweyne Abdikarim Hussein Guled oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho kaddib safar dibedda ah oo uu ka yimid ayaa ka hadlay Banaan-baxa la qorsheynayo inay jimcaha ka dhacaan Muqdisho, kaas oo ay ku baaqeen midowga Musharixiinta. Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aan marna la aqbali karin in Dowladda ay iyadu mudaharaad sameyso , shacabka Soomaaliyeedna ay u diido.
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lacag kala baxay khasnada Maamulka Gobalka Banaadir, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kulan kula qaatay Madaxtooyadda Villa Somalia Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanabooro, isagoo weydiiyay cadadka dhaqaalaha ku jira khasnada Maamulka. Cumar Finish iyo Caanaboore ayaa u sheegay Farmaajo inay ku jirto illaa 1.5 Milyan, isagoona intaas kaddib ka codsaday inay kusoo wareejiyaan Akoonkiisa gaarka ah, ayna aqbaleen. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday DFS…