Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda cudurka Covid-19. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo loo diray Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray dhamaan Hay’adah dowladda & Shaqaalaha rayidka in ay yareeyaan isku imaatinkooda ayna ku Shaqeeyaan Guryahooda, iyaga oo adeegsanaya Barahooda Internet-ka, hayeeshee Agaasimayaasha iyo inta aan laga maarmi Karin ay yimaadaan xarumaha Shaqada.
Author: Jibril Qoobey
Sirdoonka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedeeyay inay isku dayayeen inay xadaan xogta tiknolojiyadeed ee tallaalka Corona ee ay sameysay shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer ee Mareykanka. Wakaaladda wararka ee Yonhap ee dalkaas ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan sirdoonka Seoul ay gollaha sharci-dejinta ee dalkaas u sheegeen in isku dayga ay sameysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, si ay ula soo baxdo xogta la xiriira tallaalka Corona ee ay sameysya shirkadaas oo haatan ay iibsanayaan dalal badan oo caalamka. BBC-da aya isku dayday in arrintan ay wax ka weydiiso shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer balse ilaa iyo hadda kama…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Shiikha la wadaagayaa, Culimada Soomaaliyeed, Ehelkiisii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.
Guddiga Farsamada ee ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shiray Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaran qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada. Guddiga ayaa sheegay in xal laga gaaray Arrimaha Gobalka Gedo, Guddiga doorashada Maamulka Somaliland, muranka Guddiga Guud ee Doorashada iyo Jadwalka doorasho, inkastoo aanay faah faahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen. Guddiga ayaa soo jeediyeen in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 18 bishan, balse ma aanay sheegin goobta shirka lagu qaban doono.
Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo kamid ahaa culimada waa weyn ee Soomaalida ayaa ku geeryooday Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho. Marxuum Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa, waxana uu ku geeriyooday isbitaalka Martini oo ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, balse si gaar ah dadka uu soo rito cudurka Covid 19 lagu daweeyo. Madaxda DFS ee waqtigoodu dhamaaday, Madaxda Dowlad Gobaleedyada, iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si Wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur, iyagoo alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul fardowsa.
Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Dowladda Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Doon dhan oo siday Hub sharci daro ah oo ku soctay Soomaaliya. Hubkaan waxaa ka mid ahaa RPG,BKM iyo AK- 47, waxaana Ciidanka Mareykanka ay sheegeen inay ku hayaan gacanta hubkan, doonta iyo Dadkii watay.
Wasiirka Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa arrimaha horumarinta Dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomalia Mr Marius Rath. Wasiirka xaange iyo Mr Marius Rath Ayaa ka wada hadlay Mashaariic ay Dowladda Jarmalku ka fulin doonto Puntland, Sida Mashruuca Beeraha iyo wax soo saarka, Balaadhinta Mashruuca Caafimaadka iyo Sidoo Hormarinta Farsamada gacanta oo ay ka fulin doonaan Magaaloyinka Garowe iyo Waaciye . Labada Masuul ayaa intii uu socday kulanka hoosta ka xariiqay sidii loo dardar galin lahaa Fulinta Mashaariicda.
Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah saldhiga Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa dooneysay in berri qoraal ka soo baxo Baydhabo si uu mudaharaadku u macno beelo,balse way diideen Puntland iyo Jubaland mana jirayo wax la shaacinayo. Shirka Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee qabsoomi doona,ayaana toos loo hor dhigi doona heshiiska ay soo diyaariyeen Gudiyada farsamada si ay uga wada xaajoodaan. Waxa kaliya oo la sheegayaa in Qodobadii Farsamada la isku raacay ayna ansixin doonaan Odayaasha… Gedo: Magacaabista Guddiga dib u heshiisiintaXabbad joojinGogol nabadeedMagacaabista Maamulka JL ee Gobolka Gedo oo la wadaagayoGuddiga Doorashada JL oo taga GarbahaareyHaddii Guddiga iyo…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shirka magaalada Baydhabo uga socda Guddiga farsamada ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, oo lagu wado inuu caawa soo gaba-gaboobo. Shirka oo maalintiisii labaad socda ayaa wararku sheegayaan in qodobada la isku hayo laga gaaray is af-garad, sida Arrimaha Gobalka Gedo, Guddiga Doorashooyinka xubnaha Somaliland iyo Dooda ka taagan Guddiga Doorashooyinka. Xogo hordhac ah oo ay heshay Shabakadda Idil News ayaa tibaaxaya in Arrimaha Gobalka Gedo lagu heshiiyay in Madaxweynaha Jubbaland uu soo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka, lana geeyo Booliska AMISOM ah Garbahaarey, intaas kaddibna ay tagaan Guddiga Doorashooyinka…
Saraakiisha iyo macaliinta xerada tababarka ciidanka Abqaale ee Degmada Xarfo ayaa ka hadlay shaqooyinka haatan ka socda Xerada iyo qorshayaasha horumarineed.
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in goobahooda ay joogaan dadka ka yimaada dalka dibadiisa, si uusan u faafin cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyay. Wasiir Jaamac ayaa si gaar ah baaq ugu diray Soomaalida ku sugan Mareykanka, Yurub iyo dalalka kale ee qaboobaha ah oo uu xilligaan ku badan yahay cudurka COVID-19. Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegay in sababaha ay tallaabadaan u qaadeen ay tahay in ay dhici karto inay ka qeyb-qaataan dadka ka imaanaya dalka dibadiisa faafinta cudurka, maadaama ay ka imaanayaan dalal uu aad…
Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maalintii labaad leh Shir adag ayey suuragal tahay in maanta ay ku dhawaaqaan go’aan ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah. Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaaray shirka Guddiyada uga socda baydhabo, kaas oo xalay xilli dambe soo gaaray. Shirka ayaa xalay hakad ku yimid kaddib markii Qaar kamid ah xubnaha Dowlad Gobaleedyada ay codsadeen in laga saaro Shirka Cabdi Cali…
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa ballaaran ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta. Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo soo duubay muuqaal ayaa shacabka u sheegay in banaanbaxa maalinta Jimcada ka dhici doono fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay hoggaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Cudurka uu soo laba kacleeyay, isla markaana Isbitaalka Martiini la kenay dad badan oo uu haayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in Isniintii ilaa maanta ay Isbitaalka Martiine tageen 16 ruux, mid kamid ah la geeyay qeybta daryeelka degdegga ah ee ICU-da, 9 Ruux la jiifiyay, halka lix Ruux ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii talooyin la siiyay. Wasiirka ayaa intaasi ku dartay in shalay ilaa Maanta ay Cudurka u geeriyoodeen ilaa 5 ruux, waxaana ay beenisay in xalay isbitaalka Martiini ku geeriyoodeen 30…
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame, ayaa ka hadlay War-been abuur ah oo lagu baahiyey baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in Agaasimuhu is-casilay. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, uuna Agaasimuhu ku maqan yahay arrimo Caafimaad.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa soo saaray liiska xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Cabashooyinka ee doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland, kuwaas oo ka kooban 9 xubnood. Akhriso Liiska xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Cabashooyinka ee doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha, oo laga tallaalayo Xoolaha Puntland. Tallaalka oo ay horgelinayso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, ayaa la gaarsiinaya 5 Milyan oo Neef Iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan 75,000 oo qoys oo ka mid xoola dhaqatada Puntland wuxuuna socon doonaa muddo labo bilood ah. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyay hirgelinta tallaalka, waxaana uu kula dardaarmay in masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka ee fulinaya tallaalka ay masuuluyad gaar ah iska saaraan arrintan madaama caafimaadka xooluhu ay muhiimad gaar ah inoo…
Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Farmaajo oo gelinkii hore ee maanta ka soo muuqday kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay,ayaa caawa laga saaray shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada. Puntland iyo Jubaland,ayaa ku adkaystay in laga saaro Shirka Cabdi Cali Raage,maadaama uusan ka mid ahayn Xubnihii magacawnaa ee laysla ogaa. Shirka Gudiyada Farsamada waxaa la filayaa beri in uu soo gabagaboobo. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiyada Farsamada ee hordhaca u ah Shirka waxay tagayaan goor dhow Baydhabo oo ay kusoo shaqayn doonaan maanta iyo beri hadii rabi idmo. Puntland iyo Jubaland waxaa ku matalaya masuuliyiin culculus Dhabancad iyo Gaani. Si gaar ah Dhabancad Gudigan waxuu ka dhex yahay Xidig markii la qiimeeyo aqoontiisa,khibradiisa iyo shaqo aqoontiisa. Markaad xog raadis waxa ugu horeeya oo qof walba kuu sheegayo oo Xamar jooga waa in Puntland ay soo dirsaday wafti culus oo hormuud ah. Gudigan waxay soo diyaarin doonaan arimaha ay isla fahmaan iyo waxaysan isla fahminba mana laha iyagu gudoonka ugu danbeeya. Jibril Qoobey.
MUQDISHO 14 FEB. 2021 Guddoonka Aqalka Sare ee BFS ayaa soo saaray go’aan ku aaddan Xeer Madaxwayne Lr. 357, laguna soo saaray todoba xubnood oo kamid ah Golaha Adeegga Garsoorka ee Dalka, xeerkaas madaxwayne wuxuu si toos ah u jabinayaa Qodobo si cad ugu qeexan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ee Dalka oo soo baxay 08/07/2014. Haddaba, Xeer Madaxwayne Lr. 357 oo soo baxay 30/12/2020 malahan wax raad sharci ah oo ay xubnaha ku magacaabani si sharci ah ugu howlgeli karaan. Twitter: – @AqalkaSareWebsite:- www.senate.gov.soEmail:- Media@senate.gov.so
Halkan ka daawo muuqaalka
Baahin Seejooyinka iyo Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaaasha Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo 13-kii Feb oo shalay ku beegnayd ansixiyay goobaha seejooyinka doorashada iyo diiwaangalinta codbixiyaha ayaa maanta shaaciyay liiska degmo kasta iyo goobaha loo asteeyay seejo iyo goob diiwaangelin. Goobaha loo asteeyay codbixinta iyo diiwaangalinta degmooyinka waa sidaan hoos ku qoran: codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga
Xubno ka tirsan Guddiga Sare iyo shaqaalaha TPEC oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa maanta kormeeray tijaabo lagu samaynayay qayb ka mid ah qalabka casriga ah ee loogu talogalay diiwaangelinta codbixiyayaasha Puntland. Qalabkaan wuxuu suuragalinayaa in dadka la diiwaangeliyo iyadoo la isticmaalayo hab casri ah oo qof walba laga sawirayo indhaha iyo wajiga (IRIS and Facial Recognition), taas oo suuragalinaysa in uusan qofna halmar ka badan uusan isdiiwaangalan karin. Dhowaan ayaa deegaanada Puntland laga bilaabidoonaa diiwaangelinta codbixiyayaasha buuxiyay shuruudaha si ay udoortaan golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Puntland. codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga
Illaa caawa Haddii la heli waayo war cad oo ah isu imaanshiyaha Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada xubnaha ka ah waxaa isku keenista iyo iclaaminta shirka Qaadan Doona Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey. Haddii Xafiiska Siyaasada Qaramada uu shirka looga hadlaayo Doorashada Somaliya iclaamiyo macnaheeda waxay noqoneysaa Saamileyda Siyaasadda in ⅞⁶p⅚ay shirka Qeyb ka Noqon doonaan Sida ay Dowladda Puntland iyo Jubaland horey u sheegeen. Waxaa ilaa Caawa saq Dhexe war laga Sugaayaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadey Mohamed Abdullahi Farmaajo warkaasoo ah inuu iclaamiyo shirka Dowladaha xubnaha ka ah iyo Dowlada Federaalka somaliya iyo Goobta uu ka dhacayo . Dowlada Puntland ayaa…
Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Addunka ay ku dhageysaneyso dacwadda badda xilligii horay loogu muddeeyey. Waa Alle mahaddii ah in ay meesha ka baxday isku daygii lagu doonayey in mucaaradka lagu eedeeyo dib u dhaca dacwadda. Waxaan ugu baaqayaa madaxda muddo xileedkooda dhammaaday in aysan arrimaha danta qaranka u adeegsadaan ciyaar siyaasadeed. C.C Warsame.
Wasiir warfaafinta Somaliland,ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii TV-ga Somaliland Maxamed Xasan Cali Waji. Maxamed Waji,ayaa ku xanuunsanaya mid ka mid ah isbitaalada Hargaysa xiliga laga qaadayo xilka. Waji waxuu kasoo jeeda Beelaha la hayb sooco.
Kulan,ayaa usocda Farmaajo,Rooble iyo Gudigooda Doorashada. Saacadaha soo docda,ayaa laga sugayaa war. Ilaa iyo shalay Farmaajo waxuu ku maqnaa wada tashi uu codsaday in la siiyo. Jibril Qoobey.
Puntland iyo Jubaland majiraan Gudiyo Farsamo oo ay udireen ama udiri doonaan Baydhabo. Sidoo kale waxay qabaan baahi Gudiyo Farsamo in aysan jirin xiligan Balse waxay ogol yihiin hadii laysla waafaqo goobta Shirku ka dhacayo,iyagoo tixgalinaya cadaadiska Beesha Caalamka in ay soo diraan Gudiyo meeshay rabaan haku kulmeen. Puntland iyo Jubaland waxay ubadan tahay in ay soo saaraan War ay kaga hadlayaan arimahaas ilaa caawa. Jibril Qoobey.
Wadamo badan iyo ururo calami ah oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa baaqyo kala duwan ka soo saarey xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya. Ururka Jaamacada Carabta oo baaqyadaasi kuwoodii ugu danbeeyey soo saarey ayaa sheegey in ay muhiim tahay in hogaamiyayaasha Siyaasada ee Soomaalida ay wada hadlaan.
Ansixinta Seejooyinka doorashada iyo goobaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn: Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 13ka Feb, wuxuu ansixiyey Seejooyinka doorashada iyo goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha ee 3da degmo ee Qardho, Eyl iyo Uffeyn. Guddiga oo qiimeeyey warbixintii xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga Doorashooyinka ee safarada ku tagay 3da degmo iyo tuulooyinka hoos taga intii u dhexeysay 20kii ilaa 27kii Jannaayo, wuxuu go’aamiyey: Degmada Qardho waxay yeelanaysaa 20 (labaatan) goobood oo dadka laga diiwaangalinayo iyo 23 (saddex iyo labaatan) Seejo oo dadku codkooda ka dhiibanayo.Degmada Eyl waxay yeelanaysaa 16 (lix iyo toban) xarumo diiwaangelin iyo 16…
U.S. Rep. Ilhan Omar is rising on the House Foreign Affairs Committee as she steps into the role of vice chairwoman of the subcommittee with jurisdiction over Africa and global human rights issues. Omar’s office said her new position was being announced Thursday in Washington. The panel’s full name is the Subcommittee on Africa, Global Health, Global Human Rights and International Organizations.
Siyaasiyiinta reer Puntland mid xil haya iyo mid u ordayaba majiraan mid fahansan waxtarka Sirdoonka iyo saamayntiisa!! Fikrad iyo qorshe kama laha Sirdoonka in ay wax xukumaana way rabaan!! Madaxweyne Deni dhismaha Ciidanka ee uu ku guulaystay ugumaba jirto qaybta Wardoonka ilaahay amarkii. Sirdoonku wax badan,ayuu xakamayn lahaa oo rag aan ogahay maba hadleen markii xogohoda loo diro!! Sirdoonku markay ugu yar tahay baqdin iyo is ilaalin buu abuuri lahaa,waana waxa Dunida 3-aad lagu xukumo. Puntland ahaan dagaalka siyaasadeed,midka amni iyo mid horumarineed ee aan ku jirno iyo sida aan uga hurudno Wardoonka ismaba qaadan karaan!! 7-beri ee ugu danbaysay…
Isbahaysi Milatari oo aan wadan aragti furan waa riyo maalmeed aan macno lahayn. Sadexdan Nin waa Dikteetaro mana laha qorshe horumarineed oo ay ku hogaamiyaan Dadkooda kuna soo saari karaan haldoor Umadeed oo Geeska Afrika ah. Dadka Sadexda wadan ee Somaliya,Itoobiya iyo Eretereya Viso la’aan iskuma dhoofi karaan si furan oo Sharciyana uguma wada shaqaysan karaan Dalalkooda. Abiy waxuu ku guuladaraystay in uu doorasho ku qabto xiligii loogu talagalay mudo kororsi uu samaystayna waxaa ku naf waayay in ka badan Nus Milyan Qof,waxaa ku barakacay 4-Milyan,kufsi iyo tacadiyo kale oo fara badan,ayaa ka dhashay,waxaana burburay dhaqaalihii iyo midnimadii dalkaas. Asiyas…
Markaan raadiyay xogta Ninkan waxay ii sheegeen ilo xog ogaal ah in Ninkaan uu yahay danbiile Dad Shacab ah kusoo laayay Galmudug. Kadibna dhaawac kasoo gaaray is rasaasayntaas loona soo fakiyay Deegaanka Saaxo isaga oo dhaawac ah si qarsoodi ahaan Puntland loogu soo daaweeyo. Ugu danbayna waxaa lagu qabtay Garowe isaga iyo kuwii watay. Ciidamada Booliiska,ayaa hada gacanta ku haya waana doorsaday waxaana lagu wareejinayaa Galmudug oo ah measha danbiga uu kasoo galay iyaga ayaana ciqaabtiisa iska leh Labada Maamul waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn buuxda oo dhanka amaanka ah. Jibril Qoobey.
Kulankii shalay Aadan-cade ee Farmaajo iyo Beesha caalamka weli waxuu ku maqan yahay “Waa soo tashanayaa”. Beesha caalamka waxay si cad ugu gudbisay in Shirka Muqdisho lagu qabto,ilaa shalayna waxaa laga sugayay in uu soo saaro warqada Shirka in Muqdisho lagu qabanayo. Fariintan Maraykanka iyo Sxb-ada kale ee Caalamku cida ay toos ugu ocoto waa Farmaajo. Farmaajo waxuu rabaa in uu khiyaano sameeyo oo waxuu leeyahay marka hore Gudiyada Farsamadu ha iskugu yimaadaan Baydhabo, markii Gudiyadu tagaan Baydhabo maalin kadib in uu ka daba tago,kadibna yiraahdo Shirku halkan,ayuu ka dhacayaa ee halays kugu yimaado,taasoo hada umuuqata in lala fahmay. Jibril…
War-saxaafadeed, Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya waxa ay maanta soo dhoweeyeen ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kulmi doonaan 15-ka Febraayo si loo dhammeystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhuusamareeb ee dhowaan qabsoon tay. “Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17-kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya,” ayey ku xuseen…
Beesha caalamka,ayaa garoonka Aadan-cade kula kulmaysa Farmaajo oo ay weheliyaan Rooble iyo Maxamed Cabdirisaaq. Beesha caalamku waxay rabtaa in Shirka kagu qabto Muqdidho halka Farmaajo kala cararayo oo saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono Baydhabo. Sida ila muhiim ah ii xaqiijiyeen Laftagareen,ayaa ka aqbalay Farmaajo in Shirka Baydhabo lagu qabto. Balse Pl iyo Jl ma aqbali doonaan maadaama Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay joogaan Baydhabo. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Wakhtigii Madaxweynaha waa ka dhamaaday,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalkana heshiis way wada gaari waayeen,Musharaxiinta Madaxweynuhuna waxay ku dhawaaqeen in aysan aqoonsanayn Madaxweynanimada Farmaajo. Doorashadu goortay dhacayso lama yaqaan dalkuna waxuu unugul yahay in uu dib ugu laabto colaad sokeeye,xoogaga argagixisaduna waa ka faa’idaysanayaan fursadaas. Muuqaalkan waa midka laga dhaxlay 4-tii sano ee Farmaajo dalka hogaaminayay!! Halkan ka daawo muuqaalka
Waa dhab wakhtiga iyo dhaqaalaha ay galisay Dowladii Farmaajo 4-tii sano ee lasoo dhaafay dhaw arimood haday gelin lahayd Arinta Badda guul baa laga gaari lahaa Dacwada Badda,kuwaasoo kala ah… 1.La dagaalanka Fadaraalka 2.La dagaalanka Dowlad Goboleedyada 3.La dagaalanka Madaxdii hore. 4.Abuurida CBB-da. Halkan ka daawo muuqaalka
Todobaadkan waxay ka baqday Diyaarada Itoobiya Airlibes in ay dukheeyaan Xoogaga TPLF iyo Ciidamada Sudan oo labaduba gacanta ku ka lahaya Gobolka Tigree iyo Gobolka Axmaarada. Sudan,ayaa Gobolka Amharada qaybtiis gacanta ku haysa.
Sida xaqiiqda ah aragtida Farmaajo ee Kenya waa midan.. Xiligan waa Awrku kacsi dhawaaqiisa Kenya waa cadow!! Waxaase war farxadle ah in la fahmay oo aan dhag jalaq loo siin beenta Farmaajo.
“Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo Gobolka xilligan xasaasiga ah”Ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xaafiiska Swan.
Wadamada Ciidamadu Ka joogaan Smaliya,ayaa Ka shiri doona Mustaqbalka Amisom maadaama aysan Somalita Dowlad Ka jirin xiligan. Ilo Diblomaasi oo lagu kalsoonaan karo,ayaa xaqiijiyay xogtan.
Kismaayo, 11, Feb, 2021- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada. Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada #covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo…
Xog muhiim ah!! Farmaajo waxuu uyeeray Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Cabdirisaaq,waxuuna ku amray in uu Puntland aado oo Gaalkacyo ka dago la hadlo reer Mudug hadhowna Garowe uga sii gudbo. Arinkaas Maxamed Cabdirisaaq waa ka diiday waxuuna ku yiri ma awoodo in aan tago Puntland xiligan..Sidoo kale waxaan la ii xaqiijin in uu fadhiyay kulankaas Cabdi Siciid La taliyihiisa dhanka Amniga. Kadib kulankaas Farmaajo waxuu si deg-deg ah ugu yeeray Rw Rooble. Beesha caalamka oo la hadashay dhamaan Dowlad Goboleedyada,ayay usheegeen in ay rabaan in Muqdisho Shirka lagu qabto. Caawa 6-saac ayay ugu danbayn uqabteen Beesha caalamku in uu Farmaajo…
Garoowe: 11 February 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka Golaha Wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020. Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah…
Farmaajo si aan Weligeed Puntland cid loogu soo dhaweyn,ayaa loogu soo dhaweeyey. 800 oo km,ayaa hooyooyin,Odayaal, Isimo, Arday,Shaqaale Dowladdeed,Ciidamo, xitaa caruur loo tubay iyagoo calamo iyo ubax qoyan u ruxaya. Muqdisho markuu ku noqday wuxuu shaqadii ka eryey.. 1.15 shaqaale hoose ah oo reer Puntland ah wuxuu diiday qaybtii tababarada ciidamada Reer Puntland, wuxuu joojiyey.MShahaadooyinkii Aradayda Puntland. 4 Waxuu joojiyey mucaawinadii deeqaha Waxbarshada ee Puntland la siin jirey. 5.Waxaa laga codsaday in uu Dhagax dhigo Dekeda Garacad waa diiday. 6.Waxaa laga codsaday in uu bilaabo mashruucii Jidka Kala-Bayr Qandala-Caluula, wuu diiday. 7.Waxaa laga baryey in uu siidaayo Sadex Mashruuc oo…
Madaxweyne Deni iyo sababta shirka loogu celiyey Muqdisho?? Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa madaxadii Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay Shirkii Dhuusamareeb 4 ee la qabtay 1-7 Febraayo. Shirkaas oo uu ku baaqay Madaxweyne Farmajo in la isugu tago si loo dhameystiro aragti kala duwanaanshihii ka soo baxday heshiiskii Doorashooyinka ee 17 September iyo Habraacii 1da October 2020. Arrimaha lagu kala aragti duwanaaday: Arrimaha Gobolka GedoMaamulka iyo Maareeynta Doorashada SomalilandHufnaanta, kartida iyo Dhexdhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa Guddigii Madaxweynayaasha ee loo xilsaaray xallinta qodobka ku saabsan khilaafaadka Gobolka Gedo iyo qabsoomidda Doorashooyinka ee degmada Garbahaarey. Doodo…
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxaana taagernay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto Muqdisho, kasoo qayb galayaashana la ballaariyo oo ay Beesha Caalamkana goobjoog ka noqoto. Mudane Maxamad C/llaahi Farmaajo wuxuu shirka kaga soo qaybgeli karaa oo qur ah in uu yahay murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin.
Aqalka sare oo taageeray soo jeedintii Puntland Ee Shirka Doorashada. Halkan ka akhriso
Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo. Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.
Hal eray oo doorasho ku saabsan kuma soo hadal qaadin waxqabadkiisii Boqolka Maalmood Rooble,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Afhayeenka Waaxda Arriamah Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sheegeay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay inaan weli heshiis laga gaarin sidii doorashooyin looga fulin lahaa Soomaaliya. “Dowladda Mareykanka waxay doorashooyin deg deg loo qabto u aragtaa inay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Heshiis waa la gaari karaa. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wada-halladooda si heshiis looga gaaro doorashada,” ayuu yiri Ned Price. Afhayeenku marna Farmaajo kuma sheegin Madaxweynaha Somaliya ee xiligan,taasoo wax utaraysa horusocodka Dimuqraadiyada Somaliya,waji gabaxna ku ah Kali talisnimada,xukun boobka iyo Kursi jeclaysiga xuduud dhaafka ah. Jibril Qoobey. U.S.…
Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan uu Talaadadii yeeshay kaga hadlay arrimaha Soomaliya, oo xilligan uu ka jiro khilaaf xooggan oo la xiriira qabashada doorashada dalka. Kulankan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa gabagabadiisii, madaxweynaha Golaha ee bishan February, Barbara Woodward oo ah danjiraha dalka Britain u joogta QM ay akhrisay war-murtiyeedkii shirka. Goluhu waxuu afkiisa ka dhawray armaajo iyo Madaxwanrnimada uu sheeganayo,isagoo mudo xileedkii ka dhamaaday. Sidoo kale Goluhu afka kuma dhufan goobta Shirka lagu qabanayo kaliya waxuu adkeeyay in la qabto Shirkaas. Jibril Qoobey.
Ciidamada Dowladda,ayaa Qarxiyay Miino sida la sheegay taallay agagaarka garoonka kubadda cagta Eng. Yariisoow Ex Koonis, taas oo dhawaaqeeda laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho. La soco wararkayaga danbe
Madaxweyne Deni weli ma aqbalin Shirka uu ku baaqay Madaxweynihii hore Farmaajo. Xogo qaar,ayaa sheegaya in ay ubadan tahay in uusan aqbalin Shirkaas Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.