Author: Jibril Qoobey

Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo,ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalla iyo Gobolka Banaadir. Shirkan,ayaa ka furmaya 15-ka bishan caasimada Puntland ee Garowe. Waxaa muhiim ah jawaabta Puntland ee ku aadan ku dhawaaqistan. Puntland waxay horay usheegtay in aysan Madaxweyne u aqoonsanayn Farmaajo 7-bishan waxii ka danbeeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub,gaar ahaan Arimaha dibada iyo Amaanka oo fariintan soo dhigay Bogiisa Twitter-ka. Qoraalka ka soo baxay wakiilka Arimaha Dibada Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan “Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed,Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran,Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember”Aayaa lagu yiri ..

Read More

Xogtii ugu dambaysay Natiijadii kasoo baxday shirarkii beesha caalamka iyo Farmaajo u dhaxeeyay iyo Taladii oo la qaatay Gudigiisa istaraatiijiyada waa ay aqbaleen Qoraalkii beesha Caalamka qoraalkii beesha caalamka wuxuu ahaa : In muqdisho la isugu yimaado shir deg deg ah 12_ka bisha February 2021 ilaa 17_ka bisha February 2021 ugu dambeyn.Si xal loo gaaro khilaafkane uga baxo meesha waxa lasoo go’aamiyay deegaan doorashadu hal goob in ay noqotaa.Maadaama aan la heyn lacagta doorashada 90% waa in Ergada loosoo celiyaa sideedii hore 2016 oo ah 51_Ergo.Qadiyadda Gudiga maamulaya Doorashada Somaliland 50% waxaa soo xulan doono Raisul wasaare kuxigeenka halka 50%…

Read More

Sida ku cad dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Dowladda Federaalka (qodobadiisa 61 iyo 91aad) , muddo xileedka golaha fulinta iyo sharci dejintu waa muddo 4-sano ah oo kaliya. Haatan waxaa soo idlaaday muddo xileedka Madaxwaynaha Fadaraalka. Sidoo kale waxaa ka horeeyay mudo xileedkii Baarlamaanka Fadaraalka. Haddaba waxaa horay u jiray qoraal uu ansixiyay Golaha Baarlamaanka,kaasoo sheegayaa in Golayaasha Dowladdu noqonayaan kuwa xilka sii haya inta Golayaal bedela laga helayo. Markaan indha indheeyay dastuurka KMG iyo doodaha sharciyaqaanada ee arrintaan ku saabsan ,waxaa isoo baxday… 1.Baarlamanku masoo saari karo Xeer khilaafsan qodob Dastuuri ah,oo dastuurka ayaa ka sareeya shuruucda Baarlamanka ee…

Read More

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan ka yeesho xasaradda siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xigatay ilo wareedyo diblomaasiyadeed. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen “in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo”. Shir ay albaabbada u xiran yihiin oo ay Golaha Amaanka maanta ka yeelanayaan arrinta Soomaaliya waxaa codsaday dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha, sida ay ilo wareedyadu sheegeen. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii wajahay xasarad dhinaca hoggaanka ah kaddib markii uu ka dhammaaday waqtigii xilka loogu talo…

Read More

Dooda Todobaadkan waxay ku salaysan tahay Faashilka Shirkii Dhuusamareeb. 1.Hortigidii Madaxweyna wakhtigu kasii dhamaanayo ee Baarlamaanka? 2.Falanqaynta Khudbadii Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo? 3.Gobolka Gedo muxuu ugaga duwan yahay Hiiraan Madaxweyne Farmaajo ? 4.Hadii uu fashilmay Shorkii Dhuusamareeb maxaa xiga? Martida” Waxaa Marti noogu ah Madasha.. Danjire Cabdirashiid Sh.Cali 2.Aqoonyahan bartay Siyaasada iyo Amaanka Cabdinur Cabdalla. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

8-da Febraayo hala gaaro ma ahayn Jeegadaa Farmaajo lasoo qabanayaa!! Ujeedku waxuu ahaa in mudo xileedka Sharciga ah uu kaga eg yahay Farmaajo xiligaas. 7-waxyaabood oo uu dheeraa Madaxda kale,ayuu lumiyay xalay saq dhexe Farmaajo. Maanta waxii ka danbeeya waa Madaxweynihii hore oo ah suge xil wareejin. Ma noqon karo Dowlad sii shaqaysa inta mid badasha la helayo,sababtoo ah Somali iskuma waafaqin in uu sii ahaado mudo xileedkiisa Dastuuriga ah kadib. Xasan Sh.Somali wada socota,ayaa kasii dhigatay sii haye mudo Afar bilood iyo bar ah. Dood Qaanuun,ayaa hada bilaabatay,taasoo oranaysa… 1.Yaa Shirka Beesha Caalamku soo wado iskugu yeeraya Madaxda kale??…

Read More

Dadka reer Puntland way macno beeleen mana xusaan halyeeyadooda! Maanta oo kale 8 Feb 2017 waxaa waddanka Imaaraatka ku geeriyooday madaxwaynihii 3aad ee Puntland Janaraal Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse) AUN, wuxuu joogay xafiiska intii u dhaxaysay 8 Jan 2005 illaa 8 Jan 2009, waxaa lagu xasuusataa doorkiisii uu ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan taageeradii ciidan iyo midda dhaqaale ee uu la garab istaagay xukuumaddii TFG ee madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay oo miisaaniyadda ay ku shaqaynayso ay ahayd $200,000 oo ah canshuurta dekedda Bosaaso oo kaliya, dalka xilligaasna kama jirin taageerada uu hadda sida tooska ah uga…

Read More

Maanta kadib waxuu noqonayaa Madaxweynihii hore. Hal Maalin oo danbe Somali dib uga heli mahayo. Taariikhda waa Madaxweynihii ugu liitay ee soo mara Dalka. Nin Caqli xun,Xaasid ah,Cuqdad qaba,Bahdilan,aragti gaaban,Fulay ah,Afgarooc ah oo Dowladnimada uyaqaan Guulwadayn. Maalinkii lagu wareejiyay Villa Somaliya hogaaminteedii 4-sano ka hor 4-sano,ayaa naga khasaartay nasiib daro guud ahaan Somalidu waa ku faraxsan tahay in wakhtigiisii Dastuuriga ahaa uu dhaafay. Farmaajo isagoon doorasho qaban,heshiis gelin,mudo kordhin helin in wakhtigu ka dhamaado ayay dad badan guul siyaasadeed oo Somali heshay u arkaan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Read More

Marka laga saaro Laftagareen oo diiday in uu saxiixo Warqada 4-ta kale waxay si wadajir ah usoo saari doonaan Warmurtiyeed. Musharaxiinta waxay ufadhiyaan Shir,waxaana kasoo bixi doona Warmurtiyeed. Farmaajo iyo Mursal way wada joogaan,waxaana laga sugayaa hadal. Beesha caalamka dadaal aan yarayn ayay samaysay saacadihii udanbeeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha mudo xileedkiisu ay uga harsan tahay Saacadaha Maxamed Farmaajo,ayaa ku sugan Xarunta Xerada Xalane. Warar hor dhac ah,ayaa sheegaya in Farmaajo lagu amray in uu Dhuusamreeb dib ugu laabto. Kulanka Xalane,waxaa goob joog ah dhamaan Wakiilada Beesha caalamka. Gaar ahaan waxaa Xalane ku sugan masuul sare oo ka socda Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Jibril Qoobey.

Read More

Taliyihii hay’ada Sirdoonka NISA ee Dhuusamareeb Qooje Cabdi Shiikh-doon iyo ilaaladiisa,ayaa ku geeriyooday Qarax Miino. Qaraxa,ayaa lagula beegsaday meel ujirta Dhuusamareeb 20-Km. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo dhamaantood. Jibril Qoobey.

Read More

Beesha caalamku waxay lasoo xiriirtay Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,iyadoo ugudbisay aragtidooda ku aadan xalka Qodobada laysku hayo. Beesha caalamku waxay ka codsatay Hogaamiyayaasha in ay sii wataan Shirkooda soona saaraan go’aamo ay ku xalinayaan arimaha taagan. Sidoo kale Beesha caalamku waxay ubalan qaaday Madaxdaas in ay taageerayaan heshiis walba oo ay gaaraan. Kulamada Dhuusamareeb way socdaan hada,waxayna ubadan tahay in wax kasoo baxaan . Jibril Qoobey.

Read More

Ninka markii 3-aad lasoo xumeeyay intii Gurigiisa gogol la dhigtay oo hadana loogu daray Deni,ayaa gacantiisa ku qortay dhamaan heshiisyadii hore maxaa loo reebtay?? Hadalkii Farmaajaha maalintu uhartay ee Deni,ayaa wax qortay waxuu xataa ilhaamo ku yahay maqaamka Masuuliyada uu hayo ee Madaxweynaha Fadaraaliga ah. Qoor-qoor,Guudlaawe iyo Laftagareen hadii uu damiir ku haray maanta waa ka fal celinayaan hadalkaas gafka iyo meel ka dhaca ku ah. SOMALIYA HABADBAADO!! Jibril Qoobey.

Read More

Baarlamaanku Sadex fikradood,ayuu u kala jaban yahay oo kala ah… 1.Qayb leh Dalku doorasho ha aado. 2.Qayb leh Baarlamaanka oo kaliya Sanad haloogu daro. 3.Qayb leh Baarlamaanka iyo Madaxweynaha haloogu daro Sanad. Maanta wax mudo kordhin ah oo ay isku dayayaan majirto,balse way dhagaysanayaan beri ayayna dood galinayaan. Xamar meel adag bay ka dagatay… Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxaa dhici karta in ay Muqdisho uduulaan oo Xalane uu ka dhaco kulan iyaga iyo Farmaajo dhexmara sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed. Beesha 6-aad,ayaa deg-deg uwada in Xalane uu ka dhaco kulan ay soo abaabuleen iyagu Maanta ama Beri.

Read More

Kulan adag,ayaa Garoonka Aadan-cade uga socda weli Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka. Kulanka wararka laga helayo waxay sheegayaan in si adag loola hadlay digniino aan caadi ahayna farta laga saarsy loona xaqiijiyay wax alaale iyo waxii dhaca in uu isaga lagala xisaabtamayo. Kulanka kadib waxaa dhici karta in qorshihii Farmaajo isbadal weyn ku yimaado. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa guuldareystey dadaalo la doonayey in xaley ay dhinacyadu isugu soo laabtaan miiska wadahadalada. Madaxweynaha ayaa la filayaa in saaka uu dib ugu soo laabto Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in beesha caalamka ay culeys ku saaraan in aan Dhuusamareeb lagu kala tegin ilaa xal laga gaaro. Arrinka gobolka Gedo ayaana ahaa qodobka la isku mari waayey ee keeney inuu kulankaasi natiijo la’aan ku dhamaado. Wakiilada Beesha caalamka ayaa maalmihii dhawaa culeys ku saaraayey in masuuliyiinta ku shirsan Dhuusamareeb ay xal gaaraan si loo qabto doorasho loo dhan yahay. Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u sheegey…

Read More

Subixii 2-saac,ayaan baxayaa baa laga soo sheegay Farmaajo?? Madaxweyne Axmed Madoobe waagu hanoo baryo,ayuu ku yiri Beesha 6-aad. Madaxweyne Deni Kursi,ayuu ku fadhiyaa oo waa Qoslayaa markii Axmed loo dirina isa sii xanaaji,ayuu ku leeyahay. Farmaajo waxuu ku joogo ma yaqaan,waxuu ku tagana ma yaqaan kooxdiisiina waxay ku leeyihiin Inan gubeed baad tahay hadaad aqbasho waxa uu rabo Axmed Madoobe!! Dhuusamareeb waxaa laga faa’iday Oday Farmaajo ayay soo afjartay!! Ciyaartu ha socoto!! Xalka Somaliya waa Shirkoo fashilma iyo Farmaajo maalin kale Dhuusamareeb lagu sii hayo!!! Jibril Qoobey.

Read More

Maxaa Xamar ka socda Caawa?? 1.Mudaaharaad looga soo horjeedo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Gedo laga abaabulayo. 2.Senetarada Aqalka sare qaarkood oo loo samaynayo Twiter si ay ugu soo qoraan Bari Shirka waan imaanaynaa. 3.Dibad bax lagu taageerayo shirka Dhuusamareeb oo Xamar ka dhaci doona. 4.Baarlamaanka oo ku darsi programme ah oo lagu shubayo. 4.Abaabul Odayaasha Jubland oo Garbahaarey in la isugu geeyo ay tahay si culays loogu saaro Maamulka Jubaland. Jibril Qoobey.

Read More

Wargelin kasoo baxday Guddoonka Aqalka sare ayaa lagu yiri. Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021. Mahadsanidiin.

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe waa laga baajiyay Shirkii jaraa’id. Mardhow,ayaa laysku noqonayaa oo la wada Fariisanayaa hadii eebe idmo. Beesha Caalama,ayaa la wareegtay Shirka. Madaxweyne Axmed Madoobe Gudigii loo diri lahaa Gedo waa diiday wuxuuna taagan yahay(Farmaajo ka bax Gobolka oo igu soo wareeji). Beesha caalamka,ayaa hada qof qof ula hadlaysa madaxda Somalida. Gudoomiyaha aarlamaanka Mursal waxaa la hadashay Beesha caalamka oo digniin kama danbays ah siisay una sheegtay in uusan ku dhaqaaqin wax sharci daro ah. Jibril Qoobey.

Read More

Gaadiid dagaal iyo Ciidan fara badan,ayuu xalay saq dhexe kormeer ku sameeyay 16-ka Xaafadood ee Muqdisho. Xaafad walba waxaa heegan ku ah Talye iyo 100-Askari oo sugi doona amaanka 9-ka bisha waxii ka bilowda. Shacabka iyo haldoorka Muqdisho waa is abaabuleen si aysan argagixisadu iga faa’idaysan awooda banaanaatay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka Dhusamareeb 4 oo galay maalintii Afraad: Gedo” Guddigii loo xilsaaray arrimaha Gedo,ayaa soo jeediyey in la qabto dib-u-heshiisiin bilaabata 10 Febraayo oo muddo 30 maalmood ah colaadda lagu soo afjaro. Puntland in ay hormuud ka noqoto nabadeynta iyo Dhex dhexaadinta Dadka walaalaha ah ee ku nool Gobolkaas. Kaddibna Madaxweyne Ahmed Madoobe soo magacaabo Maamulkii heer Gobol iyo heer Degmo asagoo tixgelinaya heshiiska Nabadda. Ahmed Madobe ayaa aqbalay codsiga Guddiga. Dhinac kale, Madaxweyne Farmaajo,ayaa aaminsan in ciidanka XDS ee jooga Gedo ay ku filan yihiin Amniga guud ee Gobolka. Halka Doorashada ay wadajir u qabanayaan Guddiga Doorashooyinka iyo Booliiska AMISOM.…

Read More

Saakay waa 5-tii bisha Maalinkii uu Farmaajo sheegay in uu Baarlamaanka hor tagayo,balse suuroobi wayday. Xalay Dhuusamareeb waxay ku hoyatay Daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta. Dhamaan waxii ilaa Doraad laga wada hadlayay waa fashilmeen saakay. Arintii Gedo Farmaajo waxuu ka fuqi la’a yahay Gobolada kale Doorashada haka bilaabato Gedo dib haloo dhigo,waxuuna marmarsiiyo ka dhiganayaa dib uheshiisiin. Arintii Gobolada Waqooyi Cabdixaashi iyo Mahdi Guuleed waa heshiin waayeen oo waa kusoo kala kaceen. Arintii Gudiyada ilaa iyo hada lama kala dirin. Mudo xileedkii Madaxweynaha 2-maalmood,ayaa ka haray. Beesha caalamku waxay si cad ugu sheegtay in uusan soo tagi karin isagoon xal la…

Read More

Hoobiyaasha Caawa Dhuusamareeb lagu garaacay iyo Rasaasta la maqlayo shaki weyn ayay abuurtay. Farmaajo wuxuu isku deyayaa in Axmed Madoobe lagu dilo Dhusamareeb oo wuxuu rabaa aargoosi. Waxaa kasoo xirmay Farmaajo Wada walba oo uu qorshaystay,waxaana gees walba uga yimid digniin. Waxaa loo sheegay in uusan Dhuusamareeb kasoo tagi karin,isagoon heshiis lasoo saxiixan Madaxda kale ee Somalida.

Read More

War kooban oo caawa ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay sida uu ku socdo shirka Dhuusamareeb, waxaana fariin loogu diray madaxda halkaas ku shiray. Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.” Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember, ayuu qoraalka intaas ku daray. “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa…

Read More

Wadahadaladii Dhuusamareeb oo gabagaba maraya??? Gedo: Waxaa loo xil saaray Deni, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Laftagareen. In Police AMISOM la geeyo GarbahaareyIn Guddiga JL ee Doorashooyinka la geeyo Garbahaarey Ahmed Madobe:Wuxuu doonayaa in Duqa Magaalada Garbahaarey ee JL lagu celiyo Garbahaarey Arrinta Guddiyada lagu mursan yahay iyo Arrinta SL: Waxaa loo xilsaaray Ahmed Madobe, Qoor Qoor iyo PM: Waxaa lala xiriiray Abdi Hashi iyo Khadar Guled in ay ku soo heshiiyeen maanta soona gudbiyaan magacyadaGuddiyada lagu muransanyahay in maanta la beddelo Banaadir 13 Senator: Arrintaas dib ayaa loo dhigay weli dood ku filan lama gelin.. Wakhtiga Doorashooyinka: 45-60 maalmood lagu…

Read More

Dhuusamareeb” Saddexdii Qodob?? Waa la isla soo dhoweeyey .Dooddii waa socotaa.Qoraal rasmi ah,ayaa loo beddelayaa wixii lagu wada hadlo.Arrintii Benaadir waa laga hor yimid.Road Map,ayaa la filayaa in uu soo baxo qeexaya heshiiska iyo wakhtiga Doorashooyinka labada Aqal iyo Madaxweynaha. La soco….. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka Dhuusamareeb?? 1.Arinka Gedo Farmaajo waxuu taagan yahay Doorashada aan galno dib uheshiisiina aan samayno. JL iyo PL waxay taagan yihiin aan xalino arinka Doorashada kadibna dib uheshiisiinta aan bilowno. 2.Arinka Gudiyada labada dhinac way isla fahmeen waana lakala dirayaa. 3.Arinka Xildhibaanada Waqooyi waa laysla fahmay waxaana laysla qaatay in labada garab lays hor fariisiyo oo iyagu wada xaajoodaan kadibna waxay heshiis ku yihiin soo wada saaraan. 3-Qodob midka Gedo,ayaan weli laysla fahmin waxayse umuuqataa labada kale in layskaga soo dhawaaday. Shirku maanta waa sii soconayaaa … Jibril Qoobey.

Read More

Warkii udanbeeyay ee Shirka Dhuusamareeb” 1.Waxaa galabta la soo dhoweeyey arrinta Somaliland laakiin go’aan lagama qaadan. 2.Caawa waxaa la guda galay arrinta Guddigii Doorashada ee la isku khilaafay. Lagana saaro ciidanka, Shaqaalaha iyo dadka aan lagu kalasoonayn. Weli lama gaarin arimihii xasaasiga ahaa ee Gobolka Gedo ay ku jirto. Balse waxaa muuqata in horumar uu sameeyay Shirku oo Qodobadii Sadexda ahaa ee laysku khilaafsanaa midna layska soo dhawaaday mid kalana lagu gudo jiro. Jibril Qoobey.

Read More

Maanta 3 Febraayo, 2021 waxaa Magaaala Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Samareeb (Dhuusamareeb) ka furmay shirkii dhameystirka heshiiskii 17 September ee Doorashooyinka Dalka. The leaders of Federal and State Governments gathered today the capital of Galmudug state of Somalia for the completion of 17 September 2020 electoral agreement. Let us pray and hope the best for Somalia. LEADERSHIP? Burhaan Dio Mio

Read More

8-Xildhibaan oo buuxinaya boosaskii ay baneeyeen kooxdii ay hor boodayeen Baduugahaye iyo Cabdi-Jamaal ee Barlamaanka Puntland,ayaa la dhaariyay. Xildhibaanada la dhaariyay,ayaa kala ah… 1.Cabdicasiis Garagoos2.Faarax Sulub3.Awbaraa4.Cabdilaahi5.Cabdiqani6.Faadumo7.Axmed Cabdi Furre Afguduud Sidaa waxaa ku buuxsamay Kuraastiii banaanaa ee Baarlamaanka Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Doodii Ajandaha,ayaa weli socota lagumana heshiin. Arimaha qaybna laysku raacay qaybna laga doodayo ee miiska saaran waa sida tan… Inta la isku raacsan yahay” 17 September Heshiiskii in la xaq dhowroArrimaha Doorashooyinka SLArrimaha Guddiga DoorashooyinkaGedo Farmaajo” 13 SenatorMuddo kordhin D.Goboleedyada” Cabdi Xaashi in la casumoMurashaxiinta in la casumoMaya muddo kordhinGogosha iyo talada ha la balaariyo Saacadaha soo socda,ayay wax kale cadaan doonaan hadii eebe idmo. Jibril Qoobey.

Read More

Maxaan ka baranay Farmaajo taariikhdiisii?? Waqti 4 sano ah ayaan fursad u hellay lagu barto shakhsiyadda Farmaajo..Waxaan soo barannay markuu ahaa Raisal Wasaare. Balantii uu ku soo galay Kampala ayuu kabaxay markuu cagta soo dhigtay Muqdishu, ilaa lagu khasbay istiqaalo inuu bixiyo.Waxaanu soo barannay inuu balan waliba ka baxay heshiisyaddii Dhusamareeb 1,2,3 iyo Muqdishu.Waxaanu ku barannay in balamada shakhsiga uu ka baxo.Waxaan aaminsannahay haddii 24 saac loogu daro inuu isku dayidoono wax dhafoorada laga qabsado.Haddii maalin lagu darro, waxa sharci noqonaya Barlamaanka waqtigiisa dhammaday.Haddii Barlaamanka waqtigiisa dhammaaday maalin loogu darro waxaan aaminsannahay in ay ku darsanayaan 2 ama 3 sano…

Read More

Shirku goor dhow,ayuu furmayaa,waxaana laga wada hadlayaa marka hore Ajandaha. 1.Qodobada laga doodayo. 2.Qodob walba Maalinta lagalayo 3.Goorta Shirku soo xirmayo oo lasoo gabagabaynayo. Inta badan waxaa laysku raacsan yahay in doodu ku ekaato heshiiskii 17-Sep. Jibril Qoobey.

Read More

Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa odoros aad u wanaagsan iyo sawir la socda ka bixiyey shirka ka socda Dhuusamareb. Qoraalkii iyo sawirkii Xaajiga hoos ayaan ku soo lifaaqay. ==================//Qoraa: Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil Shirka DhuusamareebMa rajo fiicnna: 1. Qaabka loo bahdilay Gud. Abdi Hashi waa arrin foolxun ah, sababtoo ah Guddoomiye Aqalka Sare ayaa loo diiday inuu u safro degmo Dalka ka mid ah. 2. Waxa suuragal ah in kooxda Abdi Hashi ay diidaan ka qaybgalka Doorashada. 3. Haddii ay diiddo hal qolo, Doorasho dhicikartaa ma jirto. Waa la iska oran kara , Cidnna loo majoojinaayo tareenka”, Lkn taasi waa…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya Maxamed Mursal shiikh Cabdirahmaan,ayaa kasoo Safrey magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga isagoo Saakay magaalada Muqdisho ku imaanaya Diyaaradaha Turkish Airways , Gudoomiye Mohamed mursal Shiikh Cabdiraxmaan waxaa Deg Deg ugu yeerey Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaanaayo ee Farmaajo. Ma cada waxa safarka degdega ah keenay. Jibriil qoobey

Read More

“Somaliya Qofna lahayste danihiisa uu ku gaaro kama dhigan karo waa in doorasho xor ah oo wakhtigeedii ku dhacda si deg-deg ah loo hirgaliyo”Ayuu yiri Safiirka Uk ee Somaliya. Hadalka Safiirka ayay iska cadahay cida uu ula jeedo oo ah Madaxweynaha xiligu gabaabsiga ka yahay ee Farmaajo. Safiirka,ayaa hadalkan kusoo duubay bartiisa Twitter-ka muuqaa usoo dhigay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waa in ay socdaalkoodii maanta qorshaysnaa ku gaaraan Dhuusamareeb si walba oo xaalku yahay. Waxay ubadan tahay Hoobiyayaasha Xalay iyo xaalada Amni ee Magaalada in Nisa ka danbayso,iyagoo uga dan leh in ay baajiyaan Deni iyo Axmed si fursad siyaasadeed ay uga dhex helaan baaqashadooda. Hogaaminta siyaasada hada waa laga haystaa kooxda Nisa,waxayna samaynayaan wax walba oo ay fursad ku heli karaan. Naarta haday galaan waa in lala galaa sababtoo ah daqiiqadihii ugu danbeeyay ee dhimashadooda ayay ku jiraan. Jibril Qoobey.

Read More

Amaanka Dhuusamareeb kalsoonidii lagu qabay aadbuu hoos ugu dhacay. Xubno naftood haligayaal ah kana tirsan argagixisada,ayaa gudaha Magaalada ku jira. Saacad walba waxay argagixisadu awoodaa in ay Garoonka diyaaradaha iyo Xaafadaha Magaalada ay weeraraan. Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo miino fara badan lagu aasay. Sidoo kale Fahad Yaasiin oo aad loo aaminsan yahay in uu xiriir la leeyahay argagixisada kana faa’idaysto shirqooladooda waxuu isku dayi karaa in uu magaca Alshabaab ku fuliyo Qaraxyo,Weeraro iyo Dilal qorshaysan. Jibril Qoobey.

Read More