Author: Jibril Qoobey

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyagoo kusii wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Ciidamada gaarka ah ayaa hor-dhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan Magaaladaasi, halkaas oo uu ka furmi doono shirka wadatashi ah oo looga hadlayo marxada kala guurka ah ee Doorashada.

Read More

Ugu yaraan sagaal qof oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal, iyo dad kale oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu xalay warbaahinta u sheegay afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Doodishe. Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa cusbitaalada magaalada Muqdisho. Afrik Hotel waxuu marti galiyay Todobaadyadii lasoo dhaafay Shirar Mucaaradka iyo beeluhu qabsanayeen. Shirarkaas oo looga soo horjeeday Xukuumada Fadaraalka. Waxaa horay ujiray digniin Hay’ada Nisa ay usii say Maamulka Hotelka,taasoo…

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa caawa kulan mudo dheer socday iskugu yeeray haldoorka reer Puntland. Kulanka oo looga xaajoonayay xaalada guud ee dalku marayo iyo qorshaha Shirka Dhuusamareeb ay Puntland la tagayso. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Golayaasha Xukuumada,Ururada,siyaasiyiin iyo Madaxdii hore. Jibril Qoobey.

Read More

Hotelka Afrik, oo ku yaalla wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah. Sarakiisha lasoo bad-baadiya,ayaa waxaa ku jira General Yuusuf Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah milkilaha hoteelka. General Galaal iyo Cabdulaahi Nuur Siyaad Waal,ayaa iyaguna ku geetiyooday qaraxa Hotel Afrik. Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, waxaase jira dhimasho iyo dhaawac. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Read More

Waxaan aad loo hadal hayaa in arintii maanta dhacday hay’adaha amnigu fududeeyeen,taasoo la rabay in rag badan oo saraakiil ah lagu laayo. Sidoo kale in lagu qariyo saamaynta shirarka maanta Muqdisho ka socday ee bilowday shalay xalay ilaa maanta. Rag tuutaysan oo wata Qoryo PKM in ay km4 harcad soo maraan wax sahlan maahan. Hotel Afrik-ga la weerayay waa Hotelka kaliya ee ay ku kulmi jireen mucaaradka qaarkoodna Xafiisyo ku lahaayeen fadhiisina u ahaa,gaar musharaxiinta beelaha Habargidir iyo Murursade. Hotelka la weeraray waxaa caawa uga bilaaban lahaa xubno katirsan Madasha. horay ujirtay in Maamulka Hotelka loo keenay Warqad digniin ah…

Read More

Beelaha Cayr iyo Saleebaan,ayaa ku dagaalamaya Deegaanka Xananbuura oo 45-KM ujira Dhuusamareeb. 7-dhimasho ah iyo 12-Dhaawaca,ayaa la xaqiijinayaa in uu gaarayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaas. Ilaa iyo hada Maamulka Galmudug kama hadlin dagaalka. Beri oo Isniin ah waxaa qorshaysan in Shirka looga xaajoonayo ismari waaga doorashooyinka lagu qabto Dhuusamareeb. Jibril Qoobey.

Read More

Afar Qof,ayaa weerarka ku Qaadey Hotelka mid Gaariga Qarxay,ayuu wadey Derbiga Gadaale ee Hotelka,ayuuna Gaariga ku dhuftey kaasi meesha,ayuuna ku dhintay sida la xaqiijinayo. Sedex Dagaalyahano,ayaa Gudaha Hotelka Galay mid ayaa Qarax kuxirnaa wuuna is Qarxiyey Qiyaas ahaantii labo Dagaalyahano ayaa hadda ka dhex dagaalamaya Hotelka , Ilaalada Hotelka,waxaa soo gaaray dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan,ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kusii sagootiyay wafti uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. Swan waxuu kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay kawada hadkeen arimaha doorashooyinka. Sida wararku sheegayaan Swan waxuu Jubaland ku adkeeyay ka qaybgalka Shirka Dhuusamareeb,isagoo ubalan qaaday in aysan wax eeda ku lahayn hadii Madaxweynaha Fadaraalku muujin waayo tanaasul oo uu burburo.

Read More

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY Kismaayo, 31, Jan, 2021-Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO. Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay…

Read More

Dhuusamareeb waa lawada tagayaa si buuxda. Ciidamada Amaanka Puntland caawaba waxay gaarayaan Dhuusamareeb si ay ula wareegaan goobaha ay degi doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Shirka waxaa kasoo bixi doona 3-Qodob oo kala ah… 1.Madal Qaran oo Doorashada wada hogaamisa. 2.Sadex -bilood oo mudo kordhin u ah hay’adaha Fadaraaliga ah. 3.Heshiis laga gaaro arimaha laysku khilaafsan yahay. Feb-15 keeda waxaa la bilaabayaa doorashada Seneterada Aqalka sare. March -1 deeda waxaa la bilaabayaa soo xulida Ergooyinka dooranaya Aqalka hoose. March 30-keeda waxaa la dooranayaa Xildhibaanada Aqalka hoose. April-15 keeda waxaa la dooranayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah. Waxay ubadan tahay in uusan…

Read More

Swan waxuu ku gaaray Kismaayo socdaal qayb ka ah dadaalka doorashada. M-xigeenka iyo Xubno kale oo Maamulka Jubaland ka tirsan,ayaa garoonka kusoo dhaweeyay. Swan waxay kulan wada qaadan doonaan Madaxweyne Axmed Madoobe. Socdaalkiisu waxuu qayb ka yahay kuwii uu ku maray guud ahaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Jibril Qoobey.

Read More

Dhamaan Musharaxiinta doorashada waxaa loo kala diray fariimo. Fariimahaas waxaa loogu sheegay in ay gudaha dalka kusoo xaroodaan inta maqan. Sababta looga codsaday in ay wada yimaadaan Muqdisho waxay tahay in ay ku biirayaan Shirka Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee 1-da bisha furmaya, Sida qorshuhu yahay dhamaan Somalida waxay qayb ka noqon doonaan hanaanka doorashada lagu gaarayo. Jibril Qoobey.

Read More

Ugu danbayn Farmaajo waa aqbalay Shirkii Puntland iyo Jubaland ay ku baaqeen beesha caalamkuna taageertay. Waxa kaliya ee uu badalay waa Taariikhda oo uu ka dhigay 1-da bisha in uu bilowdo. Kulankii maanta ee beesha caalamku la qaadatay Farmaajo waxuu ahaa mid adag oo runta layskugu sheegay kuna soo idlaaday natiijo la’aan. Balse Saacad kadib Farmaajo waxuu lasoo xiriiray Swan waxuuna usheegay in uu aqbalay soo jeedintii beesha caalamka kuna dhawaaqayo aqbalaada Shirka. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Farmaajo waa is casilayaa mana tartamayo doorashadan. Labada Aqal ee wakhtigu ka dhamaaday,ayyuuna hortagi doona kagana dhawaaqi doonaa iscasilaadiisa. Xogtan waxaan kasoo xigtay ilo Diblomaasiyiin shisheeye ah iyo kuwa Somaliyed waxna waa iska badali karaan.

Read More

Galabta ayay beesha caalamku la balan sanayd Farmaajo,balse waa la waayay!! Kadib fariin,ayuu soo diray uu beri subax ku sheegay in uu diyaar yahay. Kulanka beri beesha caalamku waxay Farmaajo hor dhigaysaa 4-qodob oo kala ah… 1.Heshiiskii 17-kii Sep waa in sidiisii loo fuliyaa. 2.In uu ku dhawaaqo Shirka xalinta tamashada doorashada. 3.In laga wada xaajoodo 3-dii qodob ee horay layskugu hayay. 4.Ma jiri doonto wax la yiraahdo 13-Kursi oo Aqalka sare. Kulankaas kadib Newyork waxaa kasoo bixi doona Warqad adag oo lagu ayidayo baaqa Shirka iyo Gudiyada Pl iyo Jl sii daayeen. Dagaalku hada waxuu toos udhexyaalaa Farmaajo iyo…

Read More

Nabar iyo Naxdin maysan filayn in shacabka Somaliyed,gaar ahaan kuwa Beesha Hawiye uga falcelinayaan sida maanta muuqatay 13-Kursi ee been boodka ah. Waxaa muuqatay in Shacabku barteen Farmaajo iyo kooxdiisa oo aysan iska hor keeni karin. Hawiye meel uu joogaba waxuu lasoo istaagay doorashada gal 13-beena nagu khaldi mayside!! Xaqiiqdii Bulshadu waa bislaatay waana kasoo istaageen dhagarta Farmaajo!! Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda Qadar ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo ciidamada Soomaaliyeed la geeyey Ereteriya kuwaas oo markii hore loo sheegey in loo qaadayo dalka Qadar. War ka soo baxay dowladda Qadar ayaa lagu yiri: “Waan cambaareynaynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah”. Anger as several young Somali men who had been told they’d been offered jobs as security men in Qatar only to be sent to fight…

Read More

Somaliya iyo IGAD” 1.IGAD waxaan ka midnahay asaasayaasha 2.IGAD Mashaariic Horumarineed iyo mid siyaasadeed ayaan la wadaagnaa. 3.Ethiopia ayaa si xun u isticmaashay IGAD. 4.Somaliya haddii ay kobocdo waxaan ku qabi karnaa horumar fara badan. Dowlad waan isku dhici karnaa laakiin organization loogama baxo. Maxaa yeelay cod ayaad ku waayeysaa. Intaas oo Qodob,ayaa ka hor imaanaya hadii Somaliya ay ka baxdo Urur Goboleedka IGAD. Jibril Qoobey.

Read More

Shirkada Wadaagsin ee dhisaysa Dekeda Garacad,ayaa shir ku qabatay Hotel Istanbul ee Magaalada Jigjiga. Shirkaas waxa looga gol lahaa sidii Dadka Deegaanka Somalida Itoobiya fursad loogu siin lahaa in ay Saamiyaal ku darsadaan Dekada Garacad. Maareeyaha Dekada Garacad Siciid Cabduqaadir,ayaa Madasha ku sharaxay xogta Dekeda iyo sida ugu fudud ee Saami looga iibsan karo. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Xukuumada iyo Ganacsatada Deegaanka Somalida Itoobiya. Garacad waa dhisantay waana il Ganacsi oo muhiim ah kuna soo biirtay Maalgashiga Bariga Africa. Jibril Qoobey.

Read More

Sida hadda iga soo gaartay Addis Ababa, waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Mudane Maxamed Cabdirisaak uu kula kulmay Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa dhiggiisa Ethiopia, Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia & Wasiir Mohamed ka wada hadleen, iyadoo ay Somaliya ka dacwoonayso Go’aankii Guddiga Xaqiiqa Raadinta IGAD ee arrimaha Somaliya & Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia wuxuu Dhiggiisa Somaliya ku qanciyay In arrinta IGAD ay u taallo Madaxwaynayaasha IGAD ee aysan ahayn arrin Wasaaradeed.

Read More

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ugu baaqday madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda. “Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Fariintan si gaar ah waxay ugu socotay Farmaajo oo hada ah kan xalka…

Read More

Waxaa dherar ahaan Badda gudaha loo galay 710-Mitir Yoolku waa 1150-Mitir December in la gaaro. Badda gunteeda hoose waxaa la gaaray 11.5-Mitir yoolku waa 13.5-Mitir December in lagu soo afmeero. Bisha 4-aad waxaa la furayaa qaybta Maraakiibta qaada 7-kun oo Tan iyo Doonyaha,Yoolku waa Maraakiibta 30-Kun ee Tan in ay kusoo xirtaan December. December sanadkan ayay Dekedu gabagaboosaa si rasmi ahna xariga looga jarayaa. Jibril Qoobey.

Read More

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo muujinaya in guddiga reer Jabuuti ay u eexdeen Kenya, sida ay rumeysan tahay Soomaaliya. Waxaa qodobadaas ka mid ah in wasaaraddu ay sheegtay in tan iyo markii guddiga uu howshiisa billaabay 9-kii Janaayo uu dhowr mar oo is-xigxigay booqday Kenya, halka uu Soomaaliya u yimid si kooban oo kaliya.

Read More

Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland 28 Janaayo 2021 waxaalooga hadlay Arrimaha… Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintiiGuddiga xaqiiqa raadinta IGAD. Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beeshacaalamka. 1.Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababey khasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaan dadkii ku dhintey dagaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaan inuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey. 2.Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaas ayagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aad looga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayey magaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneydciidanka daraawiishta Jubbaland ee…

Read More

Garoowe: 28 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay. Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha. DHAMMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA…

Read More

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya. Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii ay socdeen shirarkii Dhuusmarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17ka Sept. Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad ciyaal Faa Cali oo ah (qarshaa ii jabsan, waa banad). C.C.Warsame.

Read More

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyay baaqii Shirka ee Puntland iyo Jubaland. Swan xiliga uu warkan soo saarayo waxuu ku sugnaa Jowhar xarunta Hir-Shabelle. Wararka hordhaca ah ee la helayo waxay sheegayaan in Madaxweyne Guudlaawe uu aqbalay kasoo qaybgalka Shirkaas. Sidoo kale waxaa Shirka aqbalay Madaxweyne Qoorqoor oo qayb ka ahaa Conference xalay dhacay. Hadalka Swan waxuu xaqiijinayaa in Pl iyo Jl iyo beesha caalamku isla jaanqaadeen isku meelna wax uwadaan. 4-saac ayay dhaaftay xiligii Farmaajo qabsaday in uu soo saari doono warqada soo dhaweynta Gudiyada Pl iyo Jl iyo Shirka ay ku baaqeen. Jibril Qoobey.

Read More

Fariin dhabar jabin Ku ah kooxda Nabar iyo Naxdin!!! Fudeydkooda iyo ka fiirsi la’aantooda Durba waraaq diidmo ah bay iska soo jareen. Beesha caalamkuna waxay iska soo jartay aqbalaad iyo boorin,taasoo ka dhigan in dagaalku uu hada u wareegay Beesha 6-aad iyo Farmaajo. Waaqicigu waxuu yahay Farmaajo laba arimood midkood,ayaa ufuran.. 1.In uu iscasilo oo yiraahdo ma qaadan karo waxaan. 2.In uu israaciyo ciyaarta oo u hogaansamo soo jeedinta beesha caalamka iyo Somalida. Labadaa waxii ka baxsan Wadnuhuu isjarayaa sidii Biciidkii C.C.Warsame sheegay. Shirku wuu dhacayaa haduu yimaado iyo haduusan imaanba. Xalay intaan Gudiyada Pl iyo Jl la shaacin,ayaa kulan…

Read More

Hadii siyaasad laysku kufsado Farmaajo caawa waa la ilhaamaystay. Haduu wax kala garanayana meeshii Cabdullaahi Yuusuf iska casilay ee uu diiday in uu qaato ayay maraysaa!!!. 1.Madaxweynihii Dalka isagoo ah oo taagan,ayaa inta layska hor leexiyay masiirkii Umada la jiheeyay. 2.Doorashadii uu qorshaystay inta laga hor yimid,ayaa hadana mid kale lagu dul sameeyay.. 3.Gudiyadii uu dhistay ee doorashada waxaa laga soo qaaday waxba kama jiraan. 4.Waxuu ku dhici waayay in uu hal Maamul Goboleed ka bilaabo doorasho. 5.Shir baa lagu dul abaabulay uusan ku lahayn wax door ah. 6.Hogaaminta Dalka ee xiliga doorashada awood Musharax,ayuu ku yeeshay. 7.Mudo kororsigii waa…

Read More

Puntland iyo Jubaland” 6-Qodob oo la taaban karo ayay Pl iyo Jl ku guulaysteen hogaankii siyaasada iyo badbaadiyayaashii Qarankana ku noqdeen. Dalka waxay keeneen meel doorasho xor ah oo xalaal ah ay uga dhici karto. 1.Badbaadiyayaasha Dalka iyagaa noqday. 2.Qodobadii 3-ahaa waa loo fuliyay 3.Shirka Xamar ka dhacaya Swan iyo Yamamoto,ayaa damaanad qaaday fulinta waxii kasoo baxa. 4.Shirka Muqdisho waxaa abaabulay beesha caalamka. 5.Farmaajo iyo Rooble oo taagan waxna dhaqaajin waayay,waxaa wada xaajooday beesha caalamka iyo Pl iyo Jl oo xal gaarsy. 6.Dalku doorasho awood musharax oo kaliya uu ku leeyahay Farmaajo,ayuu galayaa. Dowladnimada Somaliya ha guulaysato. Jibril Qoobey.

Read More

Liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashada Qaranka heer Dowlad goboleed ee Jubbaland. Dowlada Jubbaland Waxay sii daynaysaa liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashooyinka Qaranka ee heer Dowlad Goboleed oo kala ah:- 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐫𝐬𝐚𝐥𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐍𝐮𝐮𝐫𝐒𝐚𝐦𝐬𝐚𝐦 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐚𝐛𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐍𝐮𝐮𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 DHAMMAAD

Read More

WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: DOWLADAHA PUNTLAND IYO JUBBALAND EE XUBNAHA KA AH DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA. Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga…

Read More

SHAACIN XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA FEDERAALKA EE PUNTLAND (SIEIT): Garoowe: 27 January 2021: Dowladda Puntland ayaa waxaa ay shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Puntland kuwaas oo kale ah: 1 Cabdikariim Muuse Maxamuud2 Muuse Cabdulqaadir Ducaale3 Axmed Cabdi Maxamuud4 Caynaanshe Yuusuf Xuseen5 Caydaruus Axmed Faarax6 Cabdirisaaq Cabdulle Faarax7 Farxiya Xuseen Maxamuud8 Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Read More

Golaha Dhexe Xisbiga Kaah,ayaa laga saaray Ragii ugu Tayada xumaa oo ay ku jiraan xubno Golaha Xukuumad ka mid ah. Sidoo kale waxaa ku deyn doona maalmaha soo socda Agaasimayaal Guud,Talyayaal Ciidan oo ugu horeeyo Agaasimaha sirdoonka ee Pisa. Talaabooyin horay usocod leh oo kalsoonida shacabka sii dhisi doon, ayuu qaadayaa Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Fadaraalka Iyo Dowlada Federaalka waxuu Mogadishu ka furmi doonaa 2/2/2021. Sidoo kale waxaa la Magacaabi doonaa isla taariikhdaas Guddiyadii ka harsanaa Liiska Guddiyada Doorashada. Xogtaan wax waa iska badali karaan Balse waxaan ka helay masuul lagu Kalsoonaan karo. Jibril Qoobey.

Read More

IGAD Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dacwadi Madaxweyne Farmaajo ka Gudbiyay Dawladda Kenya Taaso ahayd in Kenya ay Faragalin ku Hayso Somalia iyo inay Maleeshiyo Soo Hubeysay Guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u xil saartay eedeynta Somalia u jeedisay Kenya ee ah iney faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda iyo waxyaabaha ay ku soo ogaadeen…. Warbixinta Guddiga ayaa ku eedeeyay Qeybta Hawada Dowladda Kenya inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ku xad-gudbeen hawada Somalia, iyagoo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah kadib markii Dowladda Somalia soo saartay amaro lagu joojinaayo dhammaan…

Read More

Shirweynaha Nabadda ee Haweenka Soomaaliyeed. Aaaldda ZoomJANUARY 21 2021 Shirweyne ay ku kulmeen Haween Weynaha Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha Bulshada, Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa oo qabsoomay 21 Janaayo, 2021. Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay doodo dhaxgal u ah arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelanyaan geeddi socodka Nabadda, xasiloonida, horumarka iyo Doorashooyinka Dalka. Nuxurka isku imaadka haweenka somaliyeed ayaa ahaa in arrimaha masiriga ah ee dalka iyo kuwa hadda taagan intaba ay ka geystaan kaalintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda, nabadaynta iyo haweenka. 1.Haweenka Soomaaliyeed waxay u soo jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo…

Read More

Swan Axada 31/01/2021,ayuu tagayaa kismaayo xarunta Kmg ah ee Dowlada Jubaland ee Somaliyed. Tagida Swan ee Kismaayo waxay daaran tahay arimaha doorashooyinka,gaar ahaan Shir ay beesha caalamku qabanqaabinayso. Puntland iyo Jubaland waxay aqbaleen kasoo qaybgalka Shirkaas iyo magacaabida Gudiyada doorashada. Jibril Qoobey.

Read More

Maantoo kale 26-Jan1991,ayaa lasoo afjaray xukunkii 21-ka sano ee kaligii Taliyihii Somalida midnimadeedii,Dowladnimadeedii,Xishoodkeedii,Aragtideedii wanaagsanayd iyo Akhlaaqdeediiba dhaawaca xun ee ay kasoo kaban la’adahay ilaa maanta dhaxalsiiyay. Siyaad Barre waxuu gacanta ku dhigay 1969-kii Dal iyo Dad lasoo dhisay,lasoo xoreeyay isjecel horay usocda hiigsigiisu ahaa nidaam Dimuqraadiya oo Dowladnimo. Balse waxuu ka tagay Dal iyo Dad burburay,iscunay,kala dhintay,dhaqankii iyo Akhlaaqdii wanaagsanayd laga baaba’shay oo dabka saaran. “WALEE DAL WAA LAYGU IMAAN DADSE LAYGUMA YIMAADO” hadalkaas Siyaad waa ka dhabeeyay,waana mida keentay in aan dib layskaga waraysan Danbiyadii ay galeen isaga iyo Guulwadayaashiisii. 30-sano kadib Farmaajo oo ka mid ahaa Ardaydiisii,ayaa la…

Read More

Cawil iyo Fu’aad waxay qaateen hal qandaraas oo caato ah,kaasoo uu soo waariday Cabdi Siciidka Farmaajo. Qorshuhu waa in Mudug Puntland laga carqaladeeyo oo si gaar ah arimaha Ciidamada buuq loogu furo. Isku daygoodii koobaad waa la fashiliyay oo Ciidan 500 ah oo xaroon lahaa ayay tushuush la dhexgaleen oranaya Dowlada Fadaraalkaa Lacag iyo tababar idin siinaysa ee ha xaroonina. Qorshahooda xiga waa in Odoyaasha Mudug iyo Dowlada layska horkeeno,iyadana waa loo toog hayaa. Cabdi Siciidka Farmaajo waxuu yaqiinsaday in uusan Puntland-ta maanta jirta Xildhibaan kasoo dhex qaadayn,waana intaas waxa uu uwado carqaladaynta ay leedahay maalgalinteeda Villa Fahad. Cawil Daad…

Read More

Puntland iyo Jubaland way aqbaleen mabdi’iyan codsigii beesha caalamka ee ahaa in ay sii daayaan Gudiyada doorashada. Balse shuruud ayay ku xireen taasoo ah in marka hore beesha caalamku ku dhawaaqdo Shirka xiliga uu dhacayo iyo goobta uu ka dhacayo. Sida xogtu xaqiijinayso beesha caalamku way aqbashay shuruudii Pl iyo Jl,waxayna ubadan tahay maanta gelinka danbe ama beri foog in midkood ay shaacin doonaan Shirka iyo xiligiisa. Swan waxay ubadan tahay in uu gaaro Kismaayo saakay inkastoo aan la hubin boqolkiiba boqol. Aqbalaada Pl iyo Jl ee sii daynta Gudiyada doorashada waxay soo afjari doontaa rajadii yarayd ee Farmaajo uharsanayd.…

Read More

Kooxda kubada cagta Talliska qeybta Booliska ayaa soo bandhigtay Dareeska Cusub ee kooxda taliska policeka Kaambo F.C 2021…2022 “Bilow cusub Sanad cusub ayaa uu bilowday kooxdaa faca wayn leh ee Taliska policeka Kaambo Kooxda taliska policeka kaambo Ayaa si Wayn ugu diyaar Garoobaysa Sidii ay bandhigyo Qurux badan oo indho Qabad leh ugu soo bandhigi lahayd Taageerayaasha kooxda. Kooxdaan Ayaa lagu yaqaanaa Inay Tartamada kubada Cagta soo bandhigto Ciyaaro Cajiib ah Sanadkaan Waxaa safafka kooxda kasoo muuqan doono Ciyaartoy Heer Caalami ah. Waxaa xusid Mudan inuu Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Abdi shire uu door wayn ka qaatay sidii…

Read More

Ra’isalwasaarihii Itoobiya Abiy Axmed oo laga helay sawiro aad uqarsoon oo aan si buuxda loo xaqiijin karin. Sawiradan waxay soo baxeen,iyadoo maanta Xaafiiskiisu war kasoo saaray xaaladiisa. Xaafiiska Abiy,ayaa beeniyay in uu dhaawacmay ama caafimaadkiisu khatar ku jiro. Tagidii Xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska ee Adis-ababa oo uusan Abiy la kulmin,ayaa tuhunka ugu weyn dhalisay. Wararka qaar,ayaa sheegaya in Abiy Isbitaal Ciidamada Faransiisku ku leeyihiin Duleedka Casabalanca lagu dabiibayo. Jibril Qoobey.

Read More

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAAMINAYO WAKIILKA QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA. Garoowe: 25 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN. Kulanka ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo. “Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu…

Read More

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dagaalka magaalada Beled-Xaawo, oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay soo qaadeen “jabhad ay soo hubeysay” Kenya. Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.…

Read More

“Ciidankeenna Jubbaland Fariisin ay lahayeen ayeey soo weerareen Jabhada Gedo diyaarada lagu geeyay waxaana arrintaas ay dhashay in dagaalka ku faafo Degmadda Beladxaawo ciidanka Daraawiishta Jubbalandna ay la wareegaan qeybaha kala duwan ee degmadda,iyadoo rasaasna wali la maqlayo laakin saraakiisha Jubbaland waxa ay inoo sheegeen in ay magaalada gacanta ku hayaan”.Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidanka Daraawiishta Jubaland oo dagaal dhowr jiho ah kuqaaday baladxaawo ayaa hada Gacan kuhaynta baladxaawo lawareegay, iyagoo la wareegay, Kantaroolka, xaafado ka tirsan magaalada, iyo saldhigyo ay fadhiyeen ciidankii Xamar looga keenay diyaaradaha, iyadoo qasaaraha uu badan yahay maadaama ay tahay xilli habeenimo ah. Wasiirka warfaafinta Somalia Cismaan Dubbe ayaa xaqiijiyey dagaalka isagoo ku tilmaamey ciidanka daraawiishta jubaland maleeshiyo ay kenya Tababartey.

Read More

Madaxtooyada Puntland sadexdaa qaybood,ayaa ka maqan. 1.Darbiyada Gudaha Madaxtooyada oo lagu dhajiyo Sawirada taariikhiga ah,kuwa Madaxdii hore,dhulka qurxoon iyo Xeebaha Puntland. 2.Barsad qurxoon oo lagu qabto shirarka jaraa’id. 3.Kaararka aqoonsi oo soo booqashadayaasha Madaxtooyada Qoorta loo galiyo. Dhisme ahaan aadbay uqurxoon tahay Madaxtooyada Puntland,balse waxaa ka dhiman dhawr qaybood oo la buuxin karo. Dowladninada Puntland ha xoogaysato. Jibril Qoobey.

Read More