Caawa waxaa la filayaa in beesha caalamku ku dhawaaqdo xiliga uu dhacayo Shirka madaxda Somalida ee lagu xalin doono muran doorashada. Dhamaan dhinacyada Somalidu waxay aqbaleen kasoo qaybgalka Shirkaas ay beesha caalamku abaabushay. Farmaajo horay waxuu ugu faani jiray in Somalida la dhexgeli doonin oo Dowladiisu nabadoonimo ku shaqayn doonto. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey
Garoowe: 24 January 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.
Swan waxuu farta ka saaray Qoor-qoor fariinta beesha caalamka ee ah in uusan isku dayin qabashada doorasho hal dhinac ah. Sida warku sheegayo Qoor-qoor waa aqbalay,waxuuna balan qaaday in uusan wax doorasho ah oo aan laysku raacsanayn qabanayn. Sidoo kale Laftagareen isagoon doorasho qaban,ayuu maanta Turkiga uga siibtay Farmaajo. Farmaajo waxaa ku dhacay waxuusan filayn gacantiisana waxaa ka baxay wax walba oo uu isku badbaadin karay. Jibril Qoobey.
Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale,ayaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyey ciidamo ka tirsan Booliska oo Tababar ugu soo dhamaaday Dugsiga tababarka ee Xorgoble Qardho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Safaaradda Maraykanka ee Somaliya,ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Somalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay. Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal. Safaaradda,ayaa sheegtay in ay kulamo kala duwan la yeelatay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale. Warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho waxuu…
Laftagareen way isku fahmi waayeen Farmaajo kulankii dhexmaray. Farmaajo waxuu usoo jeediyay Laftagareen in uu qabto doorashadii xubnaha Aqalka sare. Balse Laftagareen waa ka cudurdaartay waxuuna usheegay in beesha caalamka iyo Somaliduba aad uga soo horjeedaan bilaabida doorasho aan loo dhamayn. Laftagareen waxuu dhankiisa soo gaarsiiyay Farmaajo fariintii kulanka Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,taasoo uusan soo dhaweyn uga helin Farmaajo. Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka kulankoodii Zoom-ka,ayaa Laftagareen loogu wakiishay la kulanka Farmaajo. Madaxweynaha Koonfurgalbeed,ayaa shalay Galab Muqdishu soo gaaray isla maantana waxuu usocdaalay Turkiga oo uu ku maqnaan doono Todobaad. Jibril Qoobey.
20-beri ka hor,ayuu soo baxay warka sheegaya in uu xanuunsan yahay Ra’isalwasaare Abiy. Abiy Axmed mudooyinkan danbe wuu ka maqnaa Baraha Bulshada. Warar laga helay Saxaafada Xabashida ee mucaaradka ku ah,ayaa lagu sheegey inuu u baxsaday South Africa. Markale,ayaa waxaa soo baxday hadana in uu haleelay Covid 19. Haatan waxaa ugu danbeeyay warar sheegaya in la sumeeyay,iyadoo lagula tacaalayo xaaladiisa Caafimaad Isbitaal ciidamada Faransiiska ku leeyihiin duleedka Magaalada Casablanca ee dalka Morocco. Jibril Qoobey.
Xalay kulankii Zoom-ka ahaa ee Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka wuu qabsoomay. Kulanka waxaa laysla gartay in Laftagareen u tagao Farmaajo kana keeno war cad ka hor inta aysan kulan kale iskugu sio laaban Madaxweynayaasha Diwladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Jibril Qoobey.
Ciidamada amaanku waxay qarax la diyaariyay ku qabteen Xaafada Garsoor Aaga Fooneeyaha ee Gaalkacyo. Kadib fashilinta qaraxaas Ciidanka waxaa lala eegtay mid kale oo soo booda ah. Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,ayaa soo gaaray Ciidamada amaanka Puntland. Beri ayay Laamaha amaanku la wadaagi doonaan Saxaafada wararka Qaraxyadaas. Jibril Qoobey.
Garoowe: 22 January 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, Iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Sweden ayaa bogaadisay dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay. Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Mudane Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo La…
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland dood macquul ah oo ay ku qanceen Wakiiladii beesha caalamku,ayay la shir yimaadeen.. 1.Arinka Gedo waxay ku doodeen in uu qayb ka ahayd heshiiskii 17-kii Sep,kaasoo dhigaya in Dowlad Goboleed kasta laba goob doorasho laga sameeyo maamulkeedana uu lahaado Dowlad Goboleedkaas,balse Dowlada dhexe ay hor istaagtay hirgalintiisa. 2.Xildhibaanada Waqooyi waxay ku doodeen heshiiskii 17-kii Sep in uu dhigayo in ay soo xulaan Gudigooda Siyaasiyiinta kasoo jeeda Goboladaas,taasna waxaa lug jiiday Dowlada dhexe oo Odaygii ugu miisaanka cuslaa Cabdixaashi banaanka dhigtay. 3.Arinka Gudiyada waxay ku doodeen in heshiiskii 17-Sep uu dhigayo in lasoo xulo Xubno miisaan leh,sumcad…
KISMAAYO- 20 JAN 2021 SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND OO UU SHIR GUDOOMIYEY MADAXWEYNE KUXIGEENKA JUBBALAND MUDANE MAXAMUUD SAYID AADAN. Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland waxaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyadoona uu qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka 2-aad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere. Ugu horeyn Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadda dalka gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo xaaladda qalafsan ee ka taagan gobolka Gedo. Xaaladda gobolka Gedo oo dhacdooyin kasoo cusboonaadeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland uga warbixiyey golaha…
Garoowe: 21 January 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.
Beesha Ibraahim Cumar waa istaahishaa Kursi Xildhibaan,isla markaana Beelaha kale ee Cumar Maxamuud in ay utanaasulaan way mudan yihiin,inkastoo saldanadu aysan hadyad laysku hibeeyo aqoon. Balse Kursi Ina Qufac diid loo wado oo Farmaajo loogu sii codayn doono danaha Puntland-na lagula dagaalami doono ka yeeli mayno Ibraahim Cumar. Beeshu marka hore ha iska bari yeesho Ina Qufac diid hana canbaarayso hadaladiisii meel ku dhaca ku ahaa Qiyamka reer Puntland. Ibraahim Cumar in loo tanaasulo waxaa ka horeeya in ay noo keenaan Shaqsiga Kursiga ay urabaan in uu nagu wada matalo!! Jibril Qoobey.
Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka isagoo si rasmi ah ula wareegay xafiiska Aqalka Cad ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin Madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump. Madaxweynaha cusub wareegtooyinka uu saxiixay waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Madaxweynihii hore ee Trump uu kusoo rogay 7 waddan oo kamid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay kujirto in doodkooda ay u socdaalaan Mareykanka. Amarkan ayaana dad badan u dhashay dalalka xayiraadda lagu soo rogay si weyn u saameeyay afartii sano ee lasoo…
Bismillah, Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa maanta sumcad xumo, fashil iyo karaahiyo kala baxay Aqalka Cad. Donald Trump wuxuu hormuud u ahaa madaxda aan isku kalsooneyn ee cuqdadeysan ee sanadihii lasoo dhaafay dunida kusoo batay. Muddo xileedkiisii dastuuriga wuxuu ku dhammeystay: Duridda natiijada doorashadii uu isagu ku guuleystayCeebeynta iyo aflagaaddeynta madaxdii ka horreysayKicinta iyo kala qeybinta shacabkiisaSoo dhaweysiga cadowga taariikhiga ah ee dalkiisa (Ruushka) iyo fogeynta saaxiibbada soo jireenka ahee (Yurub)Xil u dhiibidda dadka inta ugu aqoonta iyo kartida liidataLa dagaallanka cadow aan muuqan oo uu isagu ku riyoodayIsku koolleynta kursiga iyo diidmada doorasho xor & xalaal ah Madaxda ku…
Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka. Biden oo 78 jir ah, waa madaxweynihii ugu da’da weynaa Mareykanka ee xilkan qabta.
Si hoose ayay uguulaysatay ukala dabqaadidii madaxda Somalida ee Swan.. 1.Gudiga Xildhibaanada Waqooyi maamulaya doorashadooda waa 12-xubnood 4-waxaa horay uhaystay Cabdixaashi,waxaa hada loogu darayaa Xabad kale. 2.Gedo waxaa doorashadeeda maamulaya Wasiir Jubaland ka socda,waxaana lagu dhawaaqi doonaa dib uheshiisiin,balse Gudoomiye Gobol JL masoo diri doonto. 3.Xubnaha Gudiyada doorashada ku jira ee ka tirsan Nisa iyo Villa Somaliya waa la badalayaa,sidoo kale kuwa Pl iyo Jl xubnaa laga saarayaa. Is afgaradka kadib waxaa laysla qaadaa dhigay goobta kulanku ku qabsoomayo,Garowe,ayaa lasoo jeediyay,waxaa diiday Farmaajo,Baydhabo waxaa diiday Axmed Madoobe ugu danbayn Xamar,ayaa laysku raacay. Xiliga kulanku qabsoomayo weli layskuma raacin. Beesha caalamku…
Xafalada Xilwareejinta Duqa Cusub ee Degmada Gaalkacyo ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Degmada Dowlada hoose ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Magaalada gaalkacyo waxaana joob joog ahaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo labadiisa ku xigeen Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka waxgarad Culumo udiin iyo Shacab . Duqa Cusub ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdnuur Aadan ayaa si rasmi ah xilka waxa uu kala wareegay Duqii Hore ee Degmada Saahid Maxamuud Cali XAFIISKA WARFAAFINTA DEGMADA GAALKACYO
Halkan ka daawo
Halkan ka daawo muuqaalka
“Ka hortag dagaal doorasho in Dalku uu ka qarxo” Haddii aan la helin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelinlahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxaa suurto gal ah in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo Labaatan maalmood kayar ayuu dhammaanayaa muddo-xileedkii Madaxweyne MaxamedCabdullaahi Farmaajo, madaxda siyaasadda ee dalkuna weli iskuma afgaran hannaankii loo hirgelin lahaa heshiiskii 17-kii Sebtembar ee doorashada federaalka. Heshiiskaas taariikhiga ah, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah…
Qardho: 18 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Karkaar. Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Karkaar ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay waxqabadka Dowladda sida dib-u-dhiska Ciidamada, Hirgelinta Dimuqraadiyadda, Tashiilka Maaliyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha arrimaha bulshada iyo sida dowladdu door muhim ah Haweenka iyo Dhallinyarada uga siisay hoggaaminta iyo metelaada Dowladda Puntland.
Waxaa isa soo taraysa xogaha sheegaya in Sadex Nin oo ka tirsan Alshabaab oo mid yahay ismiidaamiye ay soo gaareen Gaalkacyo. Ragan waxaa laga soo diray Xarardheere waxayna ka tirsan yihiin Amniyaadka Alshabaab. Yoolka Nimankan waa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Sanyare. Jibril Qoobey.
Waxaa jira Nin la yiraahdo Maxamed Shiikh Maxamuud (Qaylo) qabiilkiisuna yahay Cismaan Maxamuud,isxul,reer Nuur. Ninkaas waa shakhsi aad saamayn badan ugu leh Deegaanada Puntland iyo Somaliland xaga Wardoonka. Qaylo,ayaa ku xiran Fahad Yaasiin waxuuna u qaabilsan yahay shaqaalaysiinta Dhalinyarada reer Puntland ee firfircoon iyo kuwa reer Somaliland. Magaalooyinka uu ka shaqo galo waxaa ka mid ah Gaalkacyo,Garowe,Qardho,Bosaso,Laascaano,iyo Ceerigaabo. Qaylo waxuu kaloo tagaa Hargeysa,isagoo dhanka Dhulka sii mara. Ibraahim Siciid Saalax,ayaa ka mid ah Dhalinyarada reer Puntkand ee uu shaqaalaysiiyay. Sidoo kale waxuu toos ugu xiran yahay Talyaha Police-ka Puntland Cabdi-yare. Hawlgalka Ninkan waa mid aad ubalaaran oo khatartiisa leh,bishi mar,ayuu…
Kulan ay iskugu yimaadeen madaxda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland maalinimadii Isniinta 18 January 2021 waxay uga wadahadleen hirgelinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland iyo kaalinta ganacsatadu ka qaadanayso hirgelinta hannaankaan. Labada dhinac waxay isla qaateen arrimaha hoos ku xusan: In la joogteeyo kulamada Guddiga iyo ganacsatada iyadoo 3dii biloodba hal shir la iskugu yimaado si loo kala warqaato.In ganacsatadu kaalin mug leh ka qaadato hirgelinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo wacyigelinta.In la aasaaso “Sanduuqa Doorashooyinka…
Waxaa maanta oo Isniin ah, bishuna tahay 18/01/2021 kulmey Guddiga Xalinta Dhibaatadda Suuqa Lacagaha ee Puntland. Guddiga ayaa waxay guddo galeen qaabki loo fulin lahaa go’aamaddii ay soo saareen. Waxaa maantaba shaqo bilaabey Bankiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxa uu soo dhoweeyey go’aanka Guddiga, wuxuuna Amrey in hay’adaha ay quseyso, ay fuliyaan Go’aamadda kasoo baxay Guddiga. Madaxweyne Dowladda Puntland wuxuu Guddiga u sii xilsaarey xaqiijinta fulinta go’aamadda. Hon Cabdi Qowdhan Warsame
Qardho: 18 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Dhismaha Xarunta Sheybaarka Ayaxa oo laga hirgelinayo Qardho, Halka laga dhisayo Garoonka diyaaradaha ee cusub, dhulka laga hirgelinayo xaafadda cusub ee Qardho,Wadada loo dhisayo Jaamacadda Bariga Africa, Garoonka cusub ee kubadda cagta ee Qardho iyo dhulka loogu talagalay in laga hirgeliyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunta Qardho. “Madaxweynuhu wuxuu warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta iyo Injineerada ka shaqeynaya dhismeyaasha xarumahaasi, wuxuuna bogaadiyey shaqada sida ay u socoto” Ayuu yiri Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani. Kormeerkiisa waxaa Madaxweynaha ku weheliyay…
Isimo reer Bari ah,ayaa qorshaynaya in ay Bosaso ku qabtaan Shir. Shirka waxaa qorshaysan in uu ka dhaco Hotel Gacayte. Isimadan waxaa laga soo abaabulay Xamar waxayna lacag kasoo qaateen Farmaajo,iyadoo isku xirka uu lahaa Wasiir Xayir. Laamaha amaanka Puntland waa in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Hotelada guud ahaan Bosaso. Sidoo kale Saxaafadu waa in ay ka fogaataa kooxahaas oo aysan qayb ka noqon hoosaasinta cadawga Puntland. Jibril Qoobey.
Inta la xaqiijiyay 370 askari oo somaali ah ayaa ku dhintay dagalkii Itoobiya iyo TPLF. Askartan,ayaa dagaalka ka soo galay dhinaca Eretereya waxeyna ahaayeen 4-kun oo Askari. Dhimashada iyo dhaawaca Askartaas soo gaaray,waa 900 oo askari sida ay xaqiiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhalinyaradan oo markii hore laga soo ururiyay Gobolada Somaliya,gaar ahaan Sool,Galgaduud,Gedo iyo Burco,ayaa loo qaaday Eretereya si loogu soo tababaro wax lagu sheegay Ciidan Qaran oo Somaliyed.
“Siyaasiyiinta Gabdhaha magacooda Fc-ga kusoo gala ee kicinta wada waa lala Xisaabtamayaa,”Ayuu yiri Deni. Halkan ka daawo muuqaalka
Taliyaha Milatariga Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Oromiya oo uu ka soo jeedo RW Abiy Axmed,ayaa si qarsoodi ah ku soo booqday magaalada Muqdisho Jimcihii halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen Madaxweyne Maxamed Abdulaahi Farmaajo,iyadoo Somaliya ay doorasho ka dhaceyso. Jibril Qoobey wuxuu ogaaday in Jeneral Birhanu Jula Gelalcha,Abaanduulaha guud ee ee ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) iyo Madaxweynaha maamulka Oromiya Shimelis Abdisa ay safarka la qaateen Farmaajo jimcihii. Si rasmi ah looma cadeyn nuxurka wada hadalada laakiin ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia,ayaa u sheegay Jibril Qoobey arrinta doorashooyinka iyo ciidamada ENDF ee Soomaaliya,ayaa ahaa arrinta ugu weyn. Farmaajo iyo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Farmaajo waxuu la hadlay Deni iyo Axmed Madoobe,balse waxaan salaan ahayn isma dhaafsan. Dhanka kale Beesha caalamku waxay Farmaajo usheegtay 8-da Feb ka hor in uu xal la gaaro Pl iyo Jl. Farmaajo waxuu la hadlay Laftagareen iyo Guudlaawe oo uu ka codsaday in ay Pl iyo Jl wada hadal la furaan oo xal raadiyaan. Puntland iyo Jubaland waxaa lagula taliyay in ay aqbalaan wada hadaladaas,balse ay gudiyo marka hore usaaraan bilowgooda ugu danbayna Madaxdu kusoo biirto. Jibril Qoobey.
Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sida la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo. Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel. Sidoo…
Wac lambarkan gaaban ☎️ 3️⃣3️⃣1️⃣1️⃣ Muwaadin oo la wadaag ciidanka PMPF falalka lidka ku ah amniga iyo xasiloonida xeebaha iyo dhammaan deegaanada Puntland. Wadashaqaynta shacabka iyo Ciidanka,ayaa sal u ah horumarka Dowladnimada.
Jawaab adag bay siisay Seneterad Shukri Camey wasiirka arimaha dibada ee Fadaraalka oo sii daayay hadal umuuqday in uusan miyir qab uga imaan oo ku wajahnaa Puntland iyo Jubaland,waxsyna tiri… Walalkeey Wasir Mohamed Abdirisak ma isweydiisay sababta,ay Puntland u didan tahay? Wasiir Wasirkii arrimaha Dibadda ayaan kugu ogaye,aaway Wasirka arrimaha gudaha ee qabilsana hoolwlahan? Saca toobinta ka daa,Puntland waxaan Somali weyn dan u ahayn ma qaadanayso Puntland dan u ahayn. Anagaa siyaasiyiintoodi ah iyo Somaliweyba ,Puntland doorasho diyaar beey u tahay una ahayd,Wasirka Arrimaha Gudaha u u diro Villa Somalia halaga helo markaas☆ Let us know and relax aboowe, meel…
Madaxweyne Deni Qardho,ayuu gaaray waxuuna kuliyada xorgoble ugu soo xirayaa Ciidan Boolis cusub ah oo gaaraya 500-askari. Kadib Madaxwrynuhu wuxuu usiigudbbayaa Carmo oo Kuliyada Booliska Carmo iyadana ugu soo xirayo 200 oo sarkaal. Ugu danbayn Madaxweyne Deni waxuu tagi doonaa Badhan oo ay diyaar ku yihiin 400-askari oo Daraawiish tababarkii dhamaystay ah. Puntland waxay si xawli ah kuwadaa dib uhabaynta Ciidankeeda kala duwan. Jibril Qoobey.
Carmo iyo Bosaso caawa waxaa laga abaabulayaa mudaharaadyo lagu taageerayo Nabar iyo Naxdin. Abaabulkaas waxaa wada Xayir oo maalmahan ku mashquulsan barnaamij uu lacag kaga qaatay kooxdaas. Maalmo ka hor waxuu ugeeyay Farmaajo Beeldaajaha Cawr yahan Cali iyo Aadan M.Cali. Ciidamada Booliska Puntland waa in ay ka digtoonaadaan qaska Xayir abaabulayo. Jibril Qoobey.
Gudigii loo saaray Sarifka Lacagaha oo go’aamo soo saaray? 1.Cashuurta Dekadda oo lagu qabto 20% Shillin Soomaali. 2.Shaqaalaha oo mushaharka lagu siiyo 20% Shillin Soomaali. 3.Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) oo sidoodii lagu celiyo. 4.Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan. Cashuuraha Dowladdaha hoose oo Shillin Soomaali lagu qaadayo. 6.Sarifka oo uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladda. Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga oo ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah oo lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.
500 -Askaro oo Boolis Puntland ah,ayaa tababar ugu soo dhamaaday Dugsiga Xorhoble Qardho. Sida la filayo Madaxwryne Deni,ayaa tababarka usoo xiri doona maalinka beri ah. Ciidamada kala duwan ee Puntland waxaa ku socda dib uhabayn xoog leh oo hada gabagaba ku dhow. Yoolka Dowlada Puntland waxa weeye in la gaaro 3000-Askari oo Boolis ah tababaran,diiwaangashan,qalabaysan oo Mushahaarkooda toos uhela bil walba. Dowlada Deni waxay ku amaanan tahay in ay wax la taaban karo ka qabatay Ciidamada. Jibril Qoobey.
Dowlada Puntland Oo Go,aamo Kasoo Saartay shaqaaqadii Kadhacdey Degmada isku shuban & deegaanada Hoos-yimaada. Gudi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Hawlaha guud axmed bashiir muse, wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha axmed Taaraan wasiru dawlaha Wasaarada arimaha gudaha Kulan, iyo wasiir dawlaha Wasaaradda dakadaha Dhedo oo arinkaan ku howlanaa ayaa Qodobadan soo Saaray. 1- In nabadda si dhamays tiran udhaqan galiyan labadi belood ee dirirtu dhexmartay. 2- In Maleeshiyad beledyadi so gurmaday dhamantod ay ku noqdaan deegaanadoodi iyo goryahoodi . 3- In magaalooyinka, Ceelasha,…
Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo dhamaystirkiisa waa in ganacsatadu Dowlada ku garab siisaa oo loo wada istaagaa. 4 ilaa 6-Milyan oo dolar,ayaa dhmaystiri karta. Amak Bank,Iftin Bank,Opec,Macruuf,Shell,Alfadli,Kebarco,Tawakal Bank,Wadaagsin iyo kuwa kale oo badan. Dhamaantood waxaa leh reer Mudug waxayna heli karaan dhaqaalahaas garooonku ubaahan yahay. Garoonku deeq uma baahna ee maalgashi,ayuu leeyahay. Jibril Qoobey.
Doorashada 2021: Waxaa muhiim ah in la kala ogaado laba arrimood: Heshiiskii Doorashada ee la saxiixay 17 September 2021 iyoHabraaca Doorashada ee1 October 2020 Heshiisku wuxuu ka koobnaa 15 qodob wuxuuna ahaa asaaska doorashada. Wax khilaaf ah kama taagna. Habraaca Doorashadu wuxuu qorayaa sida Doorashada loo qabanyo, cidda qabanaysa iyo wakhtiga la qabanayo. Habraaca waxaa ka soo laabtay mugdi fara badan oo ku aadan saddex arrimood: Arrinta Maamulka Doorashada JubbalandWadaagga, Maamulka iyo Qeybsiga kuraasta SoomalilandGuddiga Maamulaya Doorashada Qaranka Saddexdan arrimood oo Habraaca Doorashada ah ayey Doorashadu u xayiran tahay. Xal maxaa ah:In la isugu yimaado shir lagu xalliyo aragti kala…
Halkan ka daawo muuqaalka
Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan! Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen. Sidoo kale xalay waxay qabsadeen Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Degmada Matabaan xalay ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood. Weerarka…
Waa is casilay Yamamoto,kadib fashilkii ka raacay siyaasada Somaliya ee uu sida foosha xun u dhex dabaashay. Iscasilaadiisu waxay niyad jab ku tahay Farmaajo oo garab uga heli jiray danahiisa Siyaasadeed. “Ambassador Donald Y. YamamotoI regret to announce that I have submitted my resignation as the U.S. Ambassador to somalia , effective January 20. Serving as the U.S. Ambassador to somalia has been the honor of a lifetime. ThankYouSomalia”
Laftagareen iyo Swam waxay beri ama saadanbe ka dagayaan Garowe. Socdaalkoodu waxuu ku salaysan yahay arimaha doorashooyinka sidii xal looga gaari lahaa. Madaxtooyada Puntland,ayaa diyaarinaysa soo dhawayntooda. Puntland waa miisaanka ugu culus ee Villa Somaliya ka hor istaagay hirgalinta doorasho lagu shubto. Maanta oo ay 14-bishu tahay waxaa soo xirmay xiligii ay qabsadeen Gudiga doorashada Farmaajo Jibril Qoobey.
Hadalkaygii ahaa Nabar iyo Naxdin waxay heshay qofkii ay baadigoobaysay ee kasii liitay Cawad waaqiciguu ku fadhiyay!! Hadii uu jiro wax ma yaqaan aan damiir iyo dadnimo midna lahayn waa kan!! “Dalku doorashuu udiyaarsan yahay xataa Somaliland balse Puntland iyo Jubaland doorasho ma rabaan”.Ayuu lasoo shir tagay Wasiir dibadeedka Farmaajo. Halkan ka daawo muuqaalka
Deg-Deg: Madaxwaynaha KG Lafta Gareen oo ugu dambayn sheegay inuu san qabanayn Doorasho aan la’isku Waa faqsanayn. Hadalka Laftagareen waxuu soo afjaray hankii Nabar iyo Naxdin ee ahaa in ay doorasho ugaar ah ay qabsadaan. Dharbaaxo wajiga looga dhuftay,ayuu ku yahay hadalkan Farmaajo. Hadalkan waxuu soo baxay kadib booqashadii Baydhabo ee Wakiilka Xoghayaha guud ee Somaliya Swam. Halkan ka akhriso Warqada
Ciidamo ka wada tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Saldhiga Ciidammada Itoobiya ee Halgan ayaa yimid kaddib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Saraakiil iyo Ciidan ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega oo ka tirsan cutubyada Ciidan ee dagan deegaankaas, hayeeshee ay ka biyo diideen. Dadka kunool deegaanka Halgan ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ka dhaceeysay Xerada Ciidamada Itoobiya ee degaanka, balse aysan wlei helin khasaaraha ka dhashay dagaalkooda. Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada…
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Jubbaland ayaa looga hadlay Mowqifka Jubbaland ee Doorashooyinka 2020/21, Arrimaha Gobalka Gedo iyo xaalada Guud ee Soomaaliya, waxaana ay digniin adag u dirtay DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Dowlad Goboleedka Jubballand ayaa Madaxwayne Farmaajo uga digtey inuu ku sii socdo tixgelin la,aanta Cabashooyinka Saamileyda Siyaasadeed Gaar ahaan Midowga Murashaxiinta iyo Jubballand Laftigeeda.
Qiimaha lagu kala sarifanayo $1 dollar ayaa hoos u dhacay, waxaana sara u kacay qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga deegaanada Puntland. $1 dollar ee lacagta Mareykanka ah ayaa lagu kala badalanayaa 40 Kun oo Shilinka Soomaaliga, halka uu horey u ahaa 48 – 50 kun oo Shilinka Soomaaliga ah. Talaabadan ayaa ka dambeeysay kaddib go’aano kasoo baxay Dowladda Puntland oo wax looga qabanayo Sicir-barar ku yimid Lacagta Shilinka Soomaaliga, oo sababay mudaharaadyo ka dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.
Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur ayaa ka hadlay qorshaha Ciidamada Mareykanka ka jooga ay uga baxayaan dalka Soomaaliya, amarkaas oo uu bixiyay Madaxweyne Donlad Trump. Taliyaha oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in ay adag tahay in xilligaan la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu baneeyo Mareykanka oo kaalin muuqata siiya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale, Taliyaha DANAB ayaa xusay in Mareykanka uu si wyen uga caawin jiray dhinaca Ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana taariikh weyn uu ku leeyahay howlgallada ka socda Soomaaliya. “Majiro taariikhda…
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka horyimid talaabada ay Guddoonka ku doorteen Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay, iyagoo sheegay in cawaaqib kasta oo ka dhasha uu Mas’uuliyaddiisa qaadan doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu gaba-gabada yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa ka baaqday socdaalkoodii Muqdisho iyo Shirka Somali Partnership Forum (SPF) ee ay isugu yimaadaan Somaliya iyo Saaxiibadeeda. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay uga baaqdeen Muqdisho kadib xog amaan oo la helay, taas oo la xariirta weeraro ay qorsheynayso Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sidoo kale, Sirdoonka Jubbaland ayaa ogaaday in Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo Taliskeeda NISA ay diyaariyeen qorshe la doonayo in lagu afduubo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Madoobe. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wargeliyay Saaxiibada Beesha Caalamka in aysan kasoo qeyb-gali…
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa ku guuleysatay in caawa Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe laga qaado diyaaradda Air Jabuuti oo ku dhacday Arbacadii. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf, ayaa sheegay in shaqada Garoonka oo 3 maalmood ee lasoo dhaafay hakad ku jirtay ay dib u bilaaban doonto maalinimada berrito ah.
Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanada Puntland ayaa caawa dhaqan-galiyay Amar kasoo baxay Dowladda Puntland, kaas oo la xariiray in aan Telefoonada la isugu diri karin $1 iyo wixii ka yar. Amarka ayaa waxaa dhaqan galiyay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Golis iyo Somtel iyo dhamaan Shirkadaha kale ee howlgalla deegaanada Puntland. Talaabadan ayaa looga gol lee yahay in la dhimo Sicir-bararka ka taagan deegaanada Puntland, iyo socod siinta Lacagta Shilinka Soomaaliga oo laga diiday maalmihii u dambeeyay inta badan deegaanada Puntland.
Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada ka soo jeeda Gobolada Waqooye ayaa markale ka soo horjeestay Gudiga Doorashooyinka kuraasta Soomaaliland.
President Donald Trump has ordered the Pentagon to remove most of the its about 700 troops in Somalia working to assist the East African nation’s military with its long battle against al-Shabab terrorists, the Pentagon announced Friday. Most of the troops to be removed from Somalia will be relocated to neighboring countries, from where they will continue efforts against the al-Qaida-aligned al-Shabab group, according to a Pentagon statement, which did not provide specifics on how many troops would remain in Somalia. The withdrawal was to be completed by an unspecified date in early 2021, according to the statement. Pentagon spokespersons…