The Republic of Somaliland is an independent state that fully and completely controls its land, sea and air borders. Somaliland is an important tourist destination on the African continent, especially in the Red Sea and the strategic Gulf of Aden. The appointment of an envoy for the Horn of Africa, the Red Sea, and the Gulf of Aden to the Mogadishu administration is a daydream and a nightmare, with the aim of misleading the international community’s views on the issue of the independence of the Republic of Somaliland. The African continent based on Somalia’s colonial borders has no place in…
Author: Jibril Qoobey
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ka kooban 28 xubnood, sida uu ku dhawaaqay Af-hayeenka Golaha Ridwaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan qado ah la yeeshay qaar ka mid ah Isimada Puntland.
Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed ee lagu muransan yahay ayaa goor-dhaweyd doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Guddoomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo helay 17 cod, halka Guddoomiye ku-xigeen ku doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod. Guddigaan ayaa ah mid lagu Muransanyahay waxaana aad uga soo horjeestay Musharaxiinta Mucaaradka iyo dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ilaa iyo hada aan xubnahoodii aan la hayn.
Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 05-December-2020.
Tareenkii ugu horreeyay ee alaab ka qaada dalka Turkiga, una socda dalka Shiinaha ayaa ka shiraacday magaalada Istanbul. Tareenkan ayaa waxaa uu ku safri doonaa masaafo gaareysa 8,693Kms, waxaana uu isaga kala gudbi doonaa labo qaaradood, labo badood iyo shan wadan. Sidoo kale waxaa uu socon doonaa 12 maalmood oo uu Shiinaha ku tagi doono.Tallaabadan ayaa waxay kor u qaadeysa ganacsiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Turkiga, iyo wadamada kale ee Yurub.
Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayay ku ansixiyeen Miisaaniyad-sannadeedka 2021, taas oo dhan 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan).
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Cumar Xasan Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe ayaa ka hadlay go’aamo ay soo saartay Wasaaraddu, oo ku aadan wax ka qabashada Sicir-bararka.
Golaha Midowga Musharaxiinta oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa walaac ka muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala guur ah.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa kormeer shaqo ku tagay Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari, halkaas oo ay wasaaraddu kawado howlgallo kala duwan oo lagu xakamaynayo Ayaxa. Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay beeralayda deegaanadii uu booqday waxaana sidoo kale uu kormeeray shaqada ay kooxda Wasaaradda ee Caabinta Ayaxu ka wadaan Gobolada kala duwan ee Puntland, tani waxay qayb ka tahay dadaalo xooggan oo Wasaaradda Deegaanka iyo Beeruhu ay kula tacaalayso Ayaxa ku habsaday inta badan Gobolada Puntland.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ka dhan ah Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu weerarayo. Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in DFS ay ku heysato Dowladda Kenya xiriirka wada shaqeyneed ee ay la lee dahay Madaxweynaha Jubbaland ee ku dhisan la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu xiriir dhow oo aan guntiisa la ogeyn uu la lee yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Asias Afwerki.
Maraykanka ayaa la sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda dalka Soomaaliya. Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Pentagon ka in ciidamadiisa laga saaro Soomaaliya sidda ay lagu shaaciyay war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka oo lagu faahfaahiyay amarka Madaxweyne Trump. 700 ee askari ee maraykanka ah ee hadda jooga Soomaaliya ayaa dib ugu laaban doona saldhigyo Maraykanku ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga. “inta badan ciidamada iyo hantida Mareykanka ee jooga Soomaaliya lagala bixi doono horaanta sanadka 2021” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo…
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Shir aan caadi aheyn ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona Wasiirada xalay loo diray fariimo lagu wargelinayo kulankan. Shirkan aan caadiga aheyn ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada XFS ayaan la ogeyn waxa looga hadlayo, balse warar Hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada kulankooda looga dhawaaqi doono Go,aan ka dhan ah Dowladda Jubbaland. Warar lagu kalsoon yahay oo isa soo marayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay wadaan qorshe loogu aqoonsanayo Jubbaland dhul Cadow heysto. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne…
Shirka Somalia Partnership Forum ayaa Muqdisho ka furmaya 7 bisha December oo ku began Isniinta soo socota, waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Shirkan kii ka horreeyay ayaa horaanti bishii October sanadkii 2019 ka dhacay Muqdisho, inkastoo aanay xilligaas ka soo qeyb gelin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Shirka Arbacada soo socda ayaa looga hadlayaa wixii qabsoomay saddexdii sano ee la soo dhaafay, amniga, siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada, caqabadaha jira, ka gudbida marxaladaha kala guurka, gaar ahaan doorashada.
Wasiirka Wasarradda Arrimaha Gudaha Fedaraalka Iyo Dib-u -Heshiisinta General Mukhtaar Xussen Afrax, oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay xaalada Beledweyne oo maanta ay ka dhaceen Is-rasaaseyn iyo banaan-baxyo looga soo hor-jeedo Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Mudane C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde), ayaa ku amray Shirkadaha Isgaarsiinta Golis iyo Somtel in wixii ka dambeeya berrito oo taariikh-du tahay 5-December aan $1 dollar iyo wixii ka yar la isugu diri karin Adeegyada SAHAL & E-DAHAB. Amarkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa ka dambeeyay go’aankii kasoo baxay shalay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa digniin cusub kasoo saartay duufaan cusub oo lagu magacaabo “Burevi”, taas oo kusoo wajahan Xeebaha Gobalada Bari ee Puntland. Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa sheegtay in duufaantan ay isku bedeli karto Roobab dabeylo wata oo ka da’a deegaanada Xeebaha ee Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, oo dhowaan ay ku dhufatay duufaanta GATI oo saameyn balaaran ku yeelatay Dadka iyo Duunyada, ayna ku naf-waayeen ku dhowaad 10 Ruux.
Wasiirka kobcinta dimuqraadiyadda ee dalka Itoobiya Zadig Abraha oo BBC u warramay ayaa sheegay “dagaalkii TPLF lalal galay inuu soo dhammaaday howsha harsanna ay tahay hoggaanka TPLF in la soo qabto si sharciga loo horgeeyo”. Sabtida barri ah ayaa noqoneysa maalinti toddobaad xilligi ay dowladda dhexe ee Itoobiya ku dhawaaqday ciidamadeeda iney la wareegeen caasimadda Tigraay ee Maqale. Halka ay hoggaanka TPLF ee dhuumaaleysiga ku jira ay sheegayaan iney dagaalka weli fari ka qodneen. Guddoomiyaha Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF Debretsion Gebre-Mikael iyo Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan hoggaanka TPLF oo telefishiinka Tigraay maalinti shalay…
Abuukaate Jeremy Schulman, oo 47-jir ah,deggana Maryland, ayaa lagu oogay in 3.3 milyan uu si sharci darro ah uga qaatay $12.5 Million (Toban iyo Labo Milyan doolar) oo ahayd lacag Soomaaliya ka taallay bangiyada dibedda. Dembi-oogayaasha Waaxda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegeen in laga bilaabo 2009 ilaa 2014, Schulman uu abaabulay shirqool ay kala qeyb-qaateen dad kale, si khiyaano ahna ku heleen hantida maaliyadeed ee magaca Soomaaliya ku taalla bangiyada adduunka oo dhan, qayb ka mid ah hantidan wuxuu u qaatay khidmad iyo kharash ahaan. Schulman iyo kuwa kale (dad Soomaali ah oo aan la sheegin) ayaa la sheegay inay sameeyeen…
Sawir gacmeedka naagtaan naas nuujinaysa nin kaan oday ah oo ku jira xabsiga ayaa lagu iibiyey 30 milyan oo Euro. Sawirka waxa uu kula muuqan kara mid dhaqan iyo anshax ahaan aad u qaldan, laakiin sheekada ka dambeysa waxay ka timid diiwaanada taariikhiga ah. Nin kaan odayga ah waxaa lagu xukumay “death by starvation” “dhimasho gaajo ama si kale hadii aan u dhigo gaajo nafta looga qaado” kadib marki uu xaday hal xabo oo rooti ah intii uu jiray xukunkii Louis XIV oo ahaa boqorki Faransiiska 14ki May 1643 ilaa uu ka dhinto 1715. Haweeneyda aad aragtaan waxeey aheeyd gabadha…
Cadaadis saaran awgiis, Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saarayaa qoraal uu ku dalbanayo in Madasha Musharaxiintu ay la kulmaan, oo ka wada hadlan sidii looga gudbi lahaa jawiga cakiran. Dhanka Musharaxiinta ma xiisaynayaan la kulanka Farmaajo,waxaana jira xan hoose oo sheegaysa Musharaxiintu in ay ku faraxsan yihiin sida xaalku yahay oo ay danaynayaan in laysla gaaro 8-da Feb,iyadoon waxba dhaqaaqin. Farmaajo waxuu ku dadaalayaa in doorashadu bilaabato oo Seneterada Aqalka sare xiligooda lagu doorto. Gudiyada doorashada ee Xamar fadhiya qaybtana aysan ka ahayn Puntland iyo Jubaland,ayuu ku cadaadinayaa in ay soo saaraan Kereteeriyada wax lagu dooranayo ka hor Isniinta,balse iyagu waxay…
Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya inuu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya Ciidanka Jabhadda Jenaraal Xuud. Wararka ayaa sheegay in Ciidammada Jamhaddu ay la wareegeen xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne, walow dagaalku sii xoogeysanayo sida ay sheegayaan Ilo ku sugan Magaalada. Jamhaddan ayaa diidan in Magaalada Baladweyne uu tago Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dadka magaaladaasi ay tabasho ka qabaan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday DFS, Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Dalalka Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis hordhac ah, si loo soo dhameeyo muranka ka jira dalalka deriska ee Gacanka oo soo jiitamaayey muddo ka badan saddex sano,sida laga soo xigtay ilo wareedyo la xiriirayWarbaahinta Al Jazeera. Heshiiskaan la rajeynayo ayaa yimid ka dib markii la taliyaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jared Kushner uu la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Tallaabadaan ayaa lagu macneeyay isku daygii ugu dambeeyay ee maamulka Mareykanka uu qaadayo, ka hor inta uusan maamulka Trump xafiiska ka tagin bisha Janaayo.…
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliya qeybta 27aad ayaa xukuno kala duwan Maanta ku riday askar ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgalla gobalka Gedo. Askartan oo tiradoodu dhan tahay 9 Askari ayaa waxaa lagu eedeeyay dilka dable Bishaar Cumar Yuusuf oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska degmada Doolow, kaas oo dhacay 22/11/2020. Eedeysanaha koobaad dable Axmed Maxamed Dhaqane ayaa Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda uu kusoo eedeeyay dilka Dable Bashiir Cumar Yuusuf, halka eedeysanaha labaad oo lagu Magacaabo Cabdi Shiilow Maxamed lagu eedeeyay gadood & khalqal gelin amni. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin…
Soomaaliland ayaa si cad uga soo horjeestay xilkii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u Magacaabay Danjire Yuusf Garaad Cumar ee ahaa Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo ku tilmaamtay riyo maalmeed. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubbaland kaasoo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh. Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii…
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib-u-Heshiisiinta XFS General Muqtaar Xuseen Afrax ayaa goordhow soo gaaray magaalada Beledweyne. Guddoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Maamulka Gobolka Hiiraan xildhibaanno Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif wafdiga kusoo dhaweeyay. Socdaalka wasiirka ayaa salka ku haaya xallinta tabashada dadka ree Hiiraan ka qabaan dhismaha labaad ee maamulka Hirshabelle waxuuna kulamo la qaadan doonaa qeybaha bulshada sida Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada.
WARARKII UGU DAMBEEYAY: Baarlamaanka Puntland oo xasaanadda ka qaaday 8 Xildhibaan, & DFS oo wadda qorshe ka dhan ah Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Dowladda Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca sameynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.
Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa amray in aysan degaannada Puntland ka bixi Karin sigaar ahna loo ilaaliyo 8 mudane ee Maanta Baarlamaanka Puntland xasaanadii ka qaadeen. Mudanayaasha xasaanada laga qaaday oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Xeer ilaaliyaha Puntland uu sheegay in la xadidayo dhaq dhaqaaqooda ilaa Maxkamada laga horgeynaayo.
Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wadaan qorshooyin xal looga gaarayo khilaafka ka dhashay Guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, hayeeshee qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay diideen. Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa Muqdisho ka bilaabay la kulanka Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana uu la kulmay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo horjeestay Guddiyada doorashooyinka. Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Guud ee dalka Arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashada o uu khilaaf ka taagan ahay, sida uu sheegay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble…
Madaxweynaha la doortay ee Mareyaknka Joe Biden ayaa kulan khadka Zoom-ka ah kula qaatay Arbacadii Shalay ganasatada yaryar ee Mareyaknka iyo dadka shaqaalaha ah kuwaas oo uu saameeyay hoos u dhaca dhaqaale ee ka dhashay aafada Coronavirus. Biden oo isku howlaya wax ka qabashada Covid19 ayaa kulankan ku qabtay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware oo xarun u ah howlihiisa xilliga kala guurka waxuuna kusoo aadaya iyadoo todobo usbuuc ay ka harsan tahay caleema saarkiisa oo ku began 20-ka January ee sanadka soo socda. Madaxawyenaha la doortay ayaa sidoo kale hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka si maalinle ah uga hela helaya xogaha…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xasaanaddii ka qaaday 8 Xildhibaan oo lagu soo eedeeyay jebinta Xeer hoosaadka iyo Anshaxa Golaha Wakiiladda Puntland. Xildhibaanada Xasaanada ay kala laabteen Golaha Wakiillada Puntland ayaa kala ah; 1: Xildhibaan Cabdijamal Cismaan2: Xildhibaan Cabdiqani surato3: Xildhibaan Muuse Jajabsay4: Xildhibaan Cabdicasiis Baduugaaye5: Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre6: Xldhibaan Saleeban Faarax.7: Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore8: Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan oo kamid ahaa Golaha Wakiillada Puntland. 39 xildhibaan ayaa fadhiga Golaha soo xaadiray, waxaana in xasaanada laga qaado u codeeyey 35 xildhibaan, 3 Mudane Mudane diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
In ka badan 40 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshin xilka looga xayuubinayo Xildhibaano katirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kuwaas oo si adag u mucaaradsan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Xildhibaanada oo diiday inay wada-hadal la galaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay ku howlanaa mooshin ka dhan ah Guddoomiye C/rashiid, balse mooshinka ayaa dhinac kale u wareegay. Xildhibaanada Xildhibaanada Xasaanada lagala laaban doono kulanka Golaha ee maanta ayaa kala ah; Ayaanle Galan GuuleedMaxamed Maxamuud BarreBaduugahayeCabdiraxmaan DhooreCabdiqani SuratoCabdi JamaalMuuse GahayleMaxamuud Carbash. Waddooyinka soo gala xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa saaka xiran, waxaana la filayaa in Goluhu…
Dhacdo naxdin badan ayaa xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, kaddib markii Nin lagu magacaabo Cabsiiye Cadaan uu Hooyadiis ku dilay Hoygooda oo ku yaalla meel u dhow Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dilka uu Ninku u geystay Hooyadiis ayuu u adeegsaday tooreey, waxaana sababaha dilka keenay lagu sheegay kadib markii uu Ninku Hooyadiis ka dalbaday in ay u iibiso Boos dhaxal ah balse ay ka diiday.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa saaka lagu wadaa inay yeeshaan kulan xasaasi ah, waxaana xarunta hareereeyay Ciidammada Amniga. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa saacadihii dambe ee xalay bilaabay saxiixa mooshino iska soo hor-jeeda, kuwaas oo ay kala wadaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo doonaya in Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha oo fowdo joogta ah ka sameeya Golaha Xasaanada lagala laabto, halka Xildhibaanadaasna at wadaan Mooshin ay doonayaan in Guddoomiyaha xilka looga tuuro. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag uga hadlay qorshaha ku duugan talaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xariirka ugu jartay Dowladda Kenya, isagoona sheegay in Madaxweyne uu doonayo inuu olale Doorasho ku galo Kenya waa Cadow, si lamid ah olalihiisii 2016 ee Itoobiya waa cadowgeena.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa maanta la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya. Danjiraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowladda Galmudug.
Duulimaadyada diyaaradaha imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa si KMG loogu wareejiyay maalinimada berrito ah Garoonka diyaaradaha Kanoko ee Garoowe. Diyaaradaha,ayaa sii isticmaali doona garoonka Konoko oo ah Jay inta diyaarada Air Jabuti laga wareejinayo Dhabaha.(Runway).. Ilaa iyo hada laguma guulaysan ka wareejinta diyaaradii Air Jabuti dhabahii ay fariisatay. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuquraadiyeynta ayaa maanta qabatay shirka madasha wada-hadalka Geedi Socodka maamul Baahinta Puntland. Shirka ayaa looga hadlay sidii loo daadejin lahaa adeegyada assaasiga ah ee Bulshada. Shirka ayaa ka qabsoomay magalaada Garoowe Wasaaradda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Musadaq Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur Qaarka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Dowladda Puntland, xubno ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, madax ka socotay xafiiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo marti sharaf.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor Gabiley, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shilka ay Garoonka ku gashay diyaarada Air Jabuuti. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo looga qaadayo diyaaradda jidka ay diyaaraduhu ku ordaan oo ay ku go’day, ayna u saartay Wasaaraddu Guddi ka kooban 6 xubnood. Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray inuu dab ka kacay diyaarada, lana waayay dab-damiskii garoonka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo…
Diyaaradda Air Jabuuti ayaa shil ku gashay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, xilli ay ka dageysa Garoonka diyaaraddu, waxaana gabi ahaanba hakad ku jira shaqadii Garoonka. Shilkan oo ka dhacay Wadada diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir ayaa yimid kaddib markii cilad ay ku timid diyaaradda. Ma jirto khasaare ka dhashay shilkan, wallow uu burbur xooggan ku yimid qeybo kamid ah diyaarada.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in Madaxda Dowladda Federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiiran tahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.
Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in gobolka Gedo ay ka qabatao doorashooyin ay horboodayaan xubno ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Guddiyada doorashoyinka ee la Magacaabay ay yihiin kuwo ka tirsan NISA & Hay’adaha dowladda, isla markaana la doonayo in lagu boobo kuraasta Baarlamaanka labada Aqal, taasina aan la aqbaleyn. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa xusay in Jubbaland oo kaashaneysa Bulshada ay waajib tahay in sidii hore lagu soo celiyo Gobolada Gedo oo ay dib ula wareegaan si looga hortago qorsho kasta oo…
Xildhibaano ka socda Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uuna hoggaamiyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa xarunta Golaha Qaranka ee dalka Zambia ( National Assembly of Zambia) kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia Hon. Dr Patrick Matibini iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Dr. Howard Kunda. Baarlamaannada Puntland iyo Zambia ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, sidoo kalena, halkaas waxaa la isku dhaafsaday, dood cilmiyeed ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyada Guddiyada maaliyadda, Xisaabaadka, Hantidhawrka & wada-shaqeynta Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amniga. Weftiga ka socda Golaha Wakiillada Puntland ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia salaan ay uga sidaan…
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Dowladda Kenya ay tahay mid loola jeedo in loo adeegsado olole doorasho oo aan loogu daneyn danta Qaranka. Midowga Musharixiinta ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo uu ololihiisa doorashada 2016 ay xaruntiisa aheyd Kenya, halku dhigga ololaha uu ku soo galay ay aheyd in Itoobiya tahay Cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, balse xilligan ay sida kale isu rogtay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada. Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah waxaana ugu horayn Madaxweynahu uu ka hadlay Xaalada amaanka isagoo sheegay in maalmahii lasoo dhaafay Kooxda Al-Shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah isaga oo hoosta ka xariiqay…
Hooyadii ugu horaysay ayaa xalay lagu qalay cisbitaalka degmada Caluula ee xarunta Gobalka Gardafuu oo dhawaan laga soo kordhiyay qaybta qaliinka oo si casri ah loo qalabeeyay. Hooyada qaliinka lagu sameeyay ayaa gaari caafimaad looga soo qaaday degmada bareeda ee Gobolka Gardafuu. Hooyada uurka leh ama xanuusanaysa ayaa markii hore la marin jiray wado badda ah ama mid bariga oo qaadan jiray 48 saacadood, iyadoo la gayn jiray magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari. Dadweynaha kunool Gobolka Gardafuu ayaa soo dhaweeyay sida Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ay ugu soo dhaweysay adeegan caafimaad oo mudo la dhawrayay ayna usahashay in cisbitaalka laga…
Hay’adda AIDS –ka Dowladda Puntland ee PAC ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku qabatay munaasabad lagu xuseyay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka, oo sanad walba la xuso 1-da December. Xuska sanadkan ayaa halku dhigiisu ahaa “Isku Duubni iyo Masuliyad Wadag”, waxaa Munaasabadda intii ay socotay lagu soo bandhigay halka ay mareyso xaalada cudurka AIDS-ka ee deegaanada Puntland. Agaasimaha Guud ee Hay’adda AIDS –ka Dowladda Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Axmed, oo munaasabadda ka jeediyay warbixinta sanadkii tagay ee cudurka AIDS-ka ayaa sheegay in Sannadkan cudurka laga baaray 3791 qof gudaha deegaanada Puntland, waxaana laga helay 68 Ruux, halka…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Safiirka dalka Czech Republic ayaa looga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo dalka Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Somaliland.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay hogaamiyeyaasha Tigray inay sumeeyeen janaraal ka tirsan militeriga oo ka howlgalayay saldhig ku yaalla gobolka. Wuxuu sheegay in janaraalka in dhibkii kasoo gaaray sunta “uu ilaa iyo haatan kasoo kici la’ayahay isla markaana uu shaqada ku laaban waayay”. Abiy wuxuu baarlamaanka u sheegay in “In 15 maalmood ka hor inta uusan dagaalka bilaaban” madaxda Tigray ay sumeeyeen janaraal Diriba Mekonnen kaddib markii uu lasoo qadeeyay. Dhanka kale, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa shaley sheegay in ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan militeriga Itoobiya meel u dhaw caasimadda Mekelle halkaas labo maalin ka hor…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso. Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda…
Banaan-bax looga soo hor-jeedo sicir-bararka saameeyay Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta ka dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso. $1 dollar ee lacagta Mareykanka ayaa gudaha Puntland maraya 50 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaana wareegto uu soo saaray shalay ku joojiyay in canshuurta Dekedda Boosaaso lagu qaado Shilin Soomaali. Dad careysan ayaa isugu soo baxay laamiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo jaray qaar kamid ah waddooyinka Magaalada, sida Wadada halbowlaha ah ee bartamaha Gaalkacyo, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaan in wax laga qabto Sicir-bararka ku yimid qiimaha Shilinka Soomaaliga.…
Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari ay noqon doonaan 27 xubnood. Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa shaaciyay tirada Beel kastaa oo degan Degmada Isku-shuban ay ka helay Golaha Deegaanka cusub ee loo dhisayo Isku-shuban. Golaha Deegaanka cusub ee loo dhisayo Degmada Isku-shuban ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Degmadaas yeelato tan iyo aas-aaskii Dowladda Puntland, waxaana muddo socday Shirar looga hadlay dhismaha Golaha oo ka dhacay Isku-shuban iyo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Xildhibaan Mahad Salaad, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoona sheegay inay Galmudug wajahayso xaalad adag oo isugu jirta duulaan ay Al-Shabaab kusoo qaaday iyo dagaal beeleedyo. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad. Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen. Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka horyimid qorshe la doonayay in dacwad looga gudbiyo Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland kuwaas oo Isniintii buuq ka kiciyay kulan ay yeelan lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka. Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in Xildhibaano katirsan Golaha Wakiillada ahna garabka Guddoomiyaha Golaha ay u gudbiyeen dacwad ay ka diyaariyeen Mudanayaasha kale ee kasoo hor-jeeda Guddoomiyaha, balse uu ku gacan seyray Madaxweyne Deni isagoona sheegay in haatan aan loo baahneyn buuq cusub. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa xariir la sameeyay Xildhibaanada kasoo hor-jeeda Guddoomiye C/rashiid isagoona ka dalbaday…
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay nin ay sheegeen in uu aasayay miino ku toogtay degmada Wartanabada gaar ahaan waaxda Horseed sida ay xaqiijiyeen taliska Ciidanka Booliska. Booliska ayaa in ay ka hortageen falkaan, islamarkaana ninkaan uu miinada ku aasayay agagaarka Xaafada Nation. Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ninkaan la toogtay ka dib markii uu isdayay in uu ka baxsado ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Maamulka degmada Warta nabada ayaa uga mahadceliyay ciidanka booliska sida ay falkaan uga hortageen, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinaayo Ammaanka.