Author: Jibril Qoobey

Walaaca laga qabo in doorashada Dalka ay dib u dhacdo ku ke, isla markaan dalka uu galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ayaa aad isu soo taraya. Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaannadii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in aanu dalka u horseedin qalalaase iyo fowdo, isla markaana wanaaggii shalay lagu doortay laga doonayo inuu sameeyo oo doorasho hufan uu qabto. Sidoo kale, Siyaasiyiin dhowr ah ayaa u jeediyay Madaxweyne Farmaajo inuu dalka u turo, isla markaana uusan damaciisa siyaasadeed uu god ugu ridin dalka. Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhowaan ka digay in haddii dowladda Federaalka ku…

Read More

Dib-u-dhac ayaa mar kale ku yimid Jadwalka doorashada dadban ee ay dhowaan ku heshiiyeen Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo dhigayay in 1-da December ay bilaabato doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada Aqalka Sare ee BJFS aya loo qorsheeyay 1-da ilaa 10-ka bishaan, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan saan doorasho, maadaama Dowlad Gobaleedyada qaarkood aysan magacaabin guddiyadii doorashada halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay. Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa doorta Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladaha xubnaha ka ah DFS, iyadoona xubnaha ku tartamaya kuraasta ay soo magacaabaan Madaxweynayaasha…

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland oo la tacaalaysa xakamaynta Ayaxa ku habsaday Gobolada Puntland, ayaa howlgal buufinta iyo xakamaynta ayaxa ah ka samaysay gobolada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland oo ayax cusubi ku habsaday. Wasaaraddu Deegaanka Puntland ayaa howlgaladan u istimaacshay diyaarado iyo gaadiid loogu talagalay sumaynta Ayaxa, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaalada Wasaaraddu ay ugu jirto xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa.

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku qiratay Wasaaraddu in manhajka cusub ee dhawaan ay soo daabacday uu ku baxay cabir qaldan oo laga qoray dheerarka badda Soomaaliya. Manhajka cusub ee dowladda Buugiisa maadada Juqraafiga – fasalka 4-aad ee dugsiga sare ayaa qoraya in badda Soomaaliya dheerarkeedu uu yahay 2800 oo KM, halka cabirka saxda ah ee biyaha Soomaaliya uu yahay 3333-KM.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradaha Amniga, Shaqada Shaqaalaha, Qorsheynta , Ganacsiga, Tamarta iyo Macdanta, Hanti-dhowrka guud iyo xarunta xiriirka qurbajoogta Puntland. Madaxweynaha ayaa u kuurgalay shaqada ka socota xafiisyada kala duwan ee xarumahaasi, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray. Kormeerka Madaxweynaha ee xarumaha Hay’addaha Dowladda, ayaa qeyb ka ah qorshaha tayeynta hay’addaha dowladda si loo hubiyo in adeegyada dowladda lawada gaarsiiyo dadweynaha.

Read More

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan Dowladda Soomaaliya ka helin warqad rasmi ah oo ku saabsan go’aanka ay Safiirkeedii Nairobi joogay ugu yeertay, isla markaana ku amartay Safiirka Kenya Amb Lucas Tumbo inuu ka tago Muqdisho. Kenya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay go’aanka dowladda Federaalka, waxay sheegtay inay ixtiraamayso madax-bannaanida siyaasadeed, iyo midnimada dhuleed ee dhammaan waddamada oo dhan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray wareegto Madaxweyne Lr. 06, 30 November 2020, ayaa ku wargeliyey Maamulka Dekadda Boosaaso in Khidmada ay qaado Shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada Maamulka Dekeda Boosaaso. Wareeegto Lr. 06, ee 30ka November 2020, kuna saabsan wargelin Ku: Maamulka Dekedda Boosaaso Og: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Laga billaabo 1da December 2020, waxaa Maamulka Dekedda Boosaaso lagu wargelinayaa in khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada hoos ku qoran ee Bangiyadda Amal iyo Salam oo ay leedahay Maamulka Dekeda Boosaaso; Bangiga Amal AC. 1013677059Bangiga Salam AC. 80650000 Fulin Wacan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga. Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland Og: Bangiga Dowladda Puntland Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso. Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga. Fulin wacan Siciid Cabdullaahi DeniMadaxweynaha Dowladda…

Read More

Xubnaha Beesha Caalamka oo bilaabay inay fargeliyaan Arrimaah la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay, kaddib markii musharxiiinta qaar ee Madaxweynaha Soomaaliya ay kasoo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ay magacaawday dowladda Soomaaliya. Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa ay kulan dhinaca Internet-ka ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed & Xubno kale oo ka tirsan Dowladda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, iyaga oo sidoo kale oo dhaweeyay safarkii la xiriira doorashooyinka socda ee…

Read More

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa. Mr Biden oo 78 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn. Dhaktarkiisa gaark ah, Kevin O’Connor, ayaa sheegay in raajo hordhac ah oo laga qaaday Biden aysan muujinin dhibaato weyn balse waxaa ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan lugta oo laga qaadi doona sawirro horleh. Kumbuyuurtarkii xigay ee la saaray Mr Biden…

Read More

Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii. Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle. Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.

Read More

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil inuu afduubay habsami u socodka xarunta Golaha Wakiillada Puntland, isla markaana uu mudanayaasha Barlamaanka u adeegsaday ciidankiisa gaarka ah si uu ugu caburiyo. Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay in Guddoomiye C/rashiid uu kala qeybiyay Xildhibaanada Golaha, iygoona ugu baaqay inuu is-casilo. Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu soo faragasho Arrimaha Baarlamaanka, sidoo kalena wax ka qabto Amniga xarunta Golaha Wakiillada Puntland.

Read More

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada jarista dhirta ka sameeyay deegaano hoostaga Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari. Ciidanka oo ka koobnaa Ciidammada Booliska Bari iyo Madaxtooyadda Puntland, uuna hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa lagu burburiyay goobo lagu gubo dhuxusha, kuwaas oo dhan illaa 9 Goobood. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali, ayaa sheegay in howlgalkaas ay Ciidanku ku guuleysteen dhamaantood, isagoona uga digay Dadka ku Howlan jarista dhirta, waxaana ugu baaqay inay ka waantoobaan inta aan gacanta lagu dhigin, lana horkeenin Cadaaladda.

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa kulan looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeysay Duufaantii Gati ee ku dhufatay Gobolka Bari la qaatay Hay’adaha UNHCR iyo DRC. Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro Iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Ahmed xaaji Maxamud. Hayaddaha UNCHR Iyo DRC oo iska kaashanaya taakulaynta dadka Roobabkii da’ay ku waayey Guriyihii iyo xoolihii ay haysteen iyadoo ay caawin doonaan Dhammaan dadka ay saameeysay Duufaantii ku dhufatay Gobolka Bari. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa ugu mahadceliyey UNCHR Iyo DRC kulankan waxa uuna…

Read More

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar, ayaa waxba kala socon talaabadii Dowladda Soomaaliya ay ku joojisay xiriirka Kenya. Fahad iyo Farmaajo,ayaa soo gaaray go’aankaas xalay kadibna amray in la shaaciyo. Waa masuuliyad daro aad uweyn oo si fudud Somaliya khatar loogaliyay. Dal daris ah,Ciidankiisu gudaha joogo,Somali oo idil la degan tahay in sidaa fudud go’aan looga qaato waxuu la mid yahay go’aankii Siyaad Barre ka qaatay Ruushka ee lagu jabay. Farmaajo taageero kama haysto guud ahaan Somaliya kamana bixi karo Qolka uu Villa-da kaga jiro,waxuuna dalka udhibaataynayaa sidii dib loogu dooran lahaa.

Read More

Buuq iyo Sawaxan ayaa hareeyay kulanka maanta ay xaruntooda Garoowe ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kaas oo la xariiray la xisaabtanka Xukumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. Kulanka oo saaka uu hortagay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, ayaa fashilmay kaddib markii Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ay bilaabeen Buuq, iyagoo ku doodaya in sifo sharci-darro ah loo maray ka doodistii Heshiiskii Puntland iyo Shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso oo sabtidii Baarlamaanka Puntland u codeeyay in loo daayo Xukuumadda.

Read More

Suuqyada Ganacsiga ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa maanta xiran, kaddib markii ganacsatadu cabasho ka muujiyeen Sicir barar baahsan oo ka jira Guud ahaan Puntland. Qiimaha lacagta dollarka ayaa Hawada isku shareeray, waxaana hoos u dhacay lacagta Shilinka Soomaaliga, taas oo saameyn ku yaalatay Ganacsatada.

Read More

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in Shir deg-deg ah hada u socdo FARMAJO, Fahad iyo iyo sirdoonada 3 dal ( Qatar, Ethiopia iyo Eritrea). Waxaa looga arinsanayaa masiirka Jubaland iyo ciidamada Kenya ka jooga somalia. Ila wareed muhiim ayaa cadaynaya in gunaanadka lagu gaari doona 4 qodob. In Madaxweynaha JUBBALAND AHMED MOHAMED ISLMAM lagu eedeeyo qiyaano qaran.In KISMAYO loo aqoonsado magaalo Somali xoog kenya uga haysato. -In maamulka JUBALAND loogu yeero kuwo cadaw u gacan galay. Maamul kameel-gaar ah oo Garbahaarey xarun u tahay la magacaabo.

Read More

Wararka ka imaanaya Deegaanka Bacaadweyne ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday waaberigii saaka Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas. Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday Qaraxyo uu xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada dhinac. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa Isgaarsiinta ka jartay Deegaanka Bacaadweyne, waxaana Qoraal lagu daabacay baraha taageera Al-Shabaab lagu sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bacaadweyne ee Koonfurat Gobolka Mudug, sidoo kale…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa ku amartay unuu dalkiisa ku laabto Ilo diblomaasiyadeed ayaa inoo xaqiijiyay in Safiirkii Kenya Lucas Tumbo ee caawa DFS ku amartay inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto uu maalin ka hor ka tagay Muqdisho, isagoona ku sugan Magaalada Nairobi. Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa isna maalmahan ku sugnaa Muqdisho, waxaana la sheegayaa in saaka laga baajiyay safar uu ku aadi lahaa Nairobi.

Read More

Safar muhiim ah,ayuu ahaa iyo Shir loo baahnaa in uu qabsoomo xili xiriirka Puntland iyo caalamku uusan joogin meeshii la rabay. Arimaha ay kawada hadleen Puntland iyo beesha caalamka waxaa ugu xooga badnaa waxay ahaayeen arinka Doorashada. Beesha caalamku waxay qabtaa in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto oo dib udhac uusan imaan,waxayna Puntland usoo jeediyeen in ay bilowdo hanaanka Doorashada. Si gaar ah waxay ucodsadeen in Puntland ay qabato Doorashada Seneterada Aqalka-sare oo ay tahay in la qabto 10-ka bisha soo socota ee December. Sidoo kale Beesha caalamku waxay Puntland ufasaxday dhaqaalihii Doorashada lagu geli lahaa. Waxaa muuqata in Puntland ay…

Read More

Puntland dhamaan arimaha amni xumada sababa ee lala dagaalamo way leedahay. Waxaa ka hawlgala kooxaha danbiilayaasha ah ee caalamku lawada diriro… 1.Argagixisada2.Tahriibta3.Ganacsiga Hubka4.Isku dhacyada Beelaha5.Xanuunada faafa6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka. Arimahan waxaa Puntland usoo jiiday meesha ay ku taalo,deganaanshaha,ganacsigeeda xoogan iyo nolosha Deegaamadeeda ka jirta. Puntland waxay udhaxaysaa oo isku xirtaa Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya + Itoobiya. Dhanka Badda waxay kulmisaa laba Badood oo istiraatiijiya oo ay sanadkii isticmaalasn in ka badan 30-kun oo Markab. Puntland waxay Xuduud Badeed la leedahay Dhulweynaha Carabta ee xasaasiga ah. 1.Dadka Puntland waa 3.9-Milyan 2.Dhulku waa labo boqol oo kun Km oo isku wareega. 3.Xeebta…

Read More

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo Wafti balaaran oo isugu jiray xildhibaano, Sarentaro heer Federaal ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Ujeedada Socdaalka Garoowe ee Wasiirka Haweenka XFS ayaa la xariira sidii ay kulamo ula qaadan la haayeen Haweenka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxdda Dowladda Puntland, islamrkaana la isaga kaashan lahaa sidii ay Haweenka Musharaxiinta ah uga mid noqo lahaayeeyn Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafti Wasiir Xaniifa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta…

Read More

Dib uhabaynta ku socota Booliska Puntland halagu daro qaybta isgaarsiinta ama xiriirka. Baahiyaha xiligan ugu waa weyn ee haysta Booliska markii laga tusaale qaato qiimayntii ugu danbaysay waa Xaafiis isgaarsiineed oo aan jirin. Majiro Xaafiis Boolisku si toos ah xogta 24-ka saac ugu soo diro kaasoo ururiya kadibna ugudbiya Taliska. Taa badalkeeda Talye qaybeed walba waxuu si toos ah ula xiriiraa Talyaha guud oo usiiyaa xogta,isagaana umadax banaan Gobolkiisa. Waxaa meesha ka maqan isku xirnaantii Gobolada oo idil iyo isla Xisaabtankii guud. Booliska Puntland dib uhabayntiisu waa muhiim. Jibril Qoobey.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay Tababar ku saabsan Hannaanka wax soo iibsiga Dowladaha Hoose kasoo kor loogu qaadayo aqoonta shaqalaha degmooyinka ee ku lugta leh Arrimaha wax soo ibsiiga Degmooyinka. Tabarbarka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb-galay Wafdi ka socda Galmudug oo aqoon kororsi u joogay Puntland, Shaqaalaha Dowladdaha Hoose, Qaar kamida shaqaalaha iyo la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo si rasmiya u daah-furay Tobabarka Hannaanka wax soo iibsiga Dowladaha Hoose, ayaa kula dardaarmay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka daah-furtay Shirweynaha Haweenka kamidka ah Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Shirwaynaha Haweenka Gollayaasha Deegaanka Puntland oo socon doona muddo Labo maalmood ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay gabdhaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo Maamulka degmooyinka uu ka shaqeeyo Mashruuca horumarinta Dowladaha hoose ee (JPLG). Sidoo kale, Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland Sahro Kiin Xirsi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaalada Mudane Ilyaas Cabdi Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaardda Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada Marwo Fardowso Cismaan, Madaxa Hay’adda UNDP, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Puntland,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay. “Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro ,…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland. Buuggan oo ay muddo labo sano ah ka wada shaqeynayeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Caafimaadka, wuxuu soo bandhigayaa xogta caafimaad, sida cudurada ka jira Puntland, talaalada loo hayo, da’aha dadka Puntland, tirada dadka reer guuraaga ah, tirada lab iyo dhedig iyo dhammaan xogaha arrimaha Bulshada oo lagu muujiyay boqoley. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay in la helo Buuggan oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee lasoo saaro burburkii kadib, waxaana uu qeyb ka qaadanayaa in qorshaha Dowladda ee waxqabad dhinac walbo lagu…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faallo ku qoray Majaladda Foreign Affairs oo falanqeysa siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka. Faallada uu Xasan Sheekh ku qorqy Majaladda Foreign Affairs ayaa cinwaankeedu ahaa: Soomaaliya waa inay cagaheeda ku istaagto ka hor inta aysan is barbar taagin dalalka kale ee Geeska Afrika Bishii Maarso 1977, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay qarka u fuuleen dagaal la xiriiray gobolka Ogaadeen, oo ay labada dowladoodba sheeganayeen. Madaxweynihii kacaanka ee Cuba, Fidel Castro wuxuu safarro degdeg ah oo quus ah ku tagay Geeska Afrika isaga oo xambaarsanaa qorshe dhiifoon oo ku aaddan sidii nabadda loo ilaalin…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa kulan kula leh xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe Xubnaha Beesha Caalamka ee tagerada siisa Soomaaliya. Wafdiga ayaa ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, waxaana kulana ay la lee yihiin Madaxwyne Deni looga hadlayaa xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan Guddiga doorashooyinka. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Marwo Seynab Ismaaciil, ayaa la kulmay Maamulka Degmada Boosaaso, Beeralayda, Xoolo dhaqatada, Kallumaysatada iyo Barakacayaasha Boosaaso. Kulanka ayaa lagu falanqeeyey saamaynta Isbedelka Cimilada ee dhinacyada dhaqaalaha, kaabayaasha dhaaqaalaha iyo tacaddiyada bini’aadamtimo ee ka dhasha isbedelka cimalada iyo weliba hababka ugu haboon ee lagula tacaali karo. Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa kormeeray goobaha gawaarida xamuulka ah isaga bedelaan olyada iyo taayirada, taas oo keentay dhallan bedelka bilicda magaalada iyo burbur deegaan.

Read More

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta shir degdeg ah ku leh Hotelka Jazeera Jazeera Magaalada Muqdisho. Kulabkan ayaa looga hadlayaa xaalado soo kordhay, wixii ka dambeeyay shirkoodii todobaadkii hore, gaar ahaan hadalkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay qorsheynayaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka sameeyaan Muqdisho, sida bannaan baxyo iyo shirar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa kulan laqaatay Maamulka Degmada, Waxgarad, iyo Odayaasha dhaqanka Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari. Kulanka ayaa looga hadlayay Arrimaha dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban, iyo sidii odayaasha doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen, xoojinta amniga, wada-shaqeynta  Dowlada  iyo bulshada iyo wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay ka qeybqaatan dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-shuban iyo Hormarinta Degmada, isagoona xusay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay wax ka qabashada Degmada,…

Read More

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shacabka ku nool Gobolka Banaadir ugu baaqayo sugidda amniga, iyadoo eedeyn loo jeediyay Musharaxiinta Madaxweynaha ee todobaadkii hore ku shiray magaalada Muqdisho. War saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa sal iyo raad laheyn lagu tilmaamay eedeyn ka timid Musharaxiinta Madaxweynaha oo loo jeediyay hadalkii uu dhowaan jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo.

Read More

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger. Shirka ayaa halku dhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda argagixisada iyo xag-jirnimada fog si loo gaaro himilooyin horumarineed. Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay in kulanka looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan diidmada ka hortimid Guddiyada Doorashooyinka iyo culeysyada Villa Somalia ay wajahayso. Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay.

Read More

Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka 3 xubnood oo kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo uu kamid yahay Macallinkii dilaaga ahaa Maxamed Xaaji Ilka case. Sidoo kale, Xubnaha kale ee lala toogtay Macalin Ilkacase ayaa kala ahaa Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, waxaana toogashadoodu ay ka dhacday fagaaraha dugsiga Booliska ee Genaraal Kaahiye.

Read More

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari, waxaaana kusoo dhaweeyay Degmada Isku-shuban Maamulka Degmada, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal shacabka ah. Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ku saabsan dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban iyo wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudadne Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa. Madaxweyne Axmed Madooben oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ay argagixisadu ku laayeen magaalada Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa si qoto dheer uga hadley Xaalada Siyaadadeed ee Dalka, Xaalada gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi. Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka. Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Read More

Dowladda Puntland ayaa si toos ah ula wareegtay Mushaaraadka Ciidammada PSF-ta Puntland, kuwaas oo Mareykanku horey uga taageeri jiray Puntland dhaqaalahooda. Dowladda Mareykanka ayaa bilo kahor joojisay taageeradii ay siin jirtay Ciidammada PSF-ta Puntland iyo Ciidammada DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona si KMG ah u sheegtay inay muddo 6 bilood ah u sii bixin doonto Mushaaraadka Ciidanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku guuleystay xuquuq u helista Ciidanka oo kamid ah tiir dhexaadka Amniga Puntland, dagaal toos ahna kula jira Ururada Argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobalka Bari iyo Sanaag. Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa…

Read More

Munaasabad uu Xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho. Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fadraalka, Wasiiro hore, Xildhibaano iyo Safiiro. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday. Wasiiraka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobalka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda bilaabi doono socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe ee xarumaha u ah Puntland iyo Koonfur Galbeed. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa abuucan gudihiisa tagi doona magaalada Baydhabo halkaas uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Lafta-gareen. Kulanka ayaana looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka DFS. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland safarkiisa Baydhabo kaddib booqan doona magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Golayaasha Dowladda,…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayada Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku naf waayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xalay Muqdosho. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri War…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu dhowaan shaaciyo inuu yahay Musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida laga soo xigtay dad ka agdhow Madaxweyne Deni ayaa go’aansaday inuu ka qeyb-gallo loolan doorashada 2020 – 2021, kaddib la tashiyo badan iyo soo jeedin uu ka helin Siyaasiyiin iyo saaxiibo dhow. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu taageero fariimo badan ka helay qaar kamid ah Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah, Isimo, Waxgaradka iyo Bulsho fara badan oo ay kamid yihiin Qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaas oo u soo jeediyay inuu soo istaago fagaaraha…

Read More

Degmadda Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa ah Degmada ay saameynta ugu weyn ku yaalatay Duufaan GATI ee ku dhufatay deegaanada dhaca xeebaha Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu ee Puntland, Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday Degmada Xaafuun iyo deegaanada hoostaga ayaana muujinaya xajmigga ay leedahay dhibaatadii ka dhalatay duufaantii GATI ee ku dhufatay. Duufaantaan ayaa sababtay dhimashadda 8 qof iyo dhaawac 7 qof oo kalle. Halka ay ku barakaceen in ka badan 14kun oo qof.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa dood ka yeeshay dib-u-eegista u eegista Heshiiskii Puntland iyo Shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso. Kulanka oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa loo gudbiyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland codsi ka yimid Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda. Dood dheer kaddib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa u codeeyay codsiga Madaxweyne Deni, waxaana ogalaaday 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Read More

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso sii dhamanaayo in uusan wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Amniga Shacabka iyo sidoo kale u damqashada Shacabka. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan ka tacsiyeeyn dhalinyaradii Soomaaliyed ee xalay qaraxa lagula beegsaday Maqaayadda Jallaato Divino oo ku taalla Muqdisho. “Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Waxaa…

Read More

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Shekh Shariif Shekh Axmed, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed. Kulanka oo uu goobjoog ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa looga hadlay marxalada ay mareyso Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka oo ay ugu horeyso soo xulista Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo ay Awooda ugu badan lee yihiin odayaasha dhaqanka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ilaalinta dhex-dhexaadnimada oo sal u ah dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in ay iibsadaan masiirka dadkooda iyo dalkooda. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa…

Read More

Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa shalay booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horeysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya. Waa Safarkii ugu dambeysay ee booqasho uu Miller ku tagayo afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor. Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, ka dib markii uu ka kicitimay xerada…

Read More

Qarax xooggan ayaa goor-dhoweyd ka dhacay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada. Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon. Maareeyaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay, waxaana la maqlayaa Gaadiidka gurmadka deg dega ah oo goobta Qaruxu ka dhacay gaaray. Ciidammada Dowladda oo goobta gaaray ayaana hakad galiyay isu-socodka waadiidka wadada marayay, waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Garoowe, iyagoona uga doodi doona Dib-u-eegista heshiiska Puntland iyo P&O (DP World) ee Dekedda Boosaaso. Xildhibaanada ayaa kulankoodii khamiistii waxaa ay u codeeyeen in lasoo hormariyo qodobka ka doodista dib-u-eegista Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso, kaas oo Ajandaha Golaha horey uga jiray qodobka 13-aad. Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas saxiixday sanadkii 2017-kii, ayaa dhigaya in muddo labo sanno ah DP World ku dhisto Deked casri, iyadoo sii maamuli doonta…

Read More

Qarax ismiidaamin ah ayaa caawa ka dhacay maqaayada Gelato Divino ee ku taal wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in illaa 7 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa, kuwaasoo u badnaa dhalinyaro caan ka ahaa magaalada, sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Qaraxan ayaa waxaa fuliyay Qof xirnaa jaakadaha qarxa oo lugeynayay, kaas oo isku qarxiyay maqaayada banaankeeda oo ay fadhiyeen dhalinyaro badan oo ku caweynayay.

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud, ayaa u kuurgalay xaalada kalluumaysatada magaalada Boosaaso oo khasaare kasoo gaaray roobkii ka da’ay magaalada. Kormeerka masuuliyiinta wasaaradda kalluumaysiga ay ugu kuurgelayeen xaalada kalluumatada waxaa ku waheliyey masuuliyin katirsan wasaaradda Dekedaha, Taliyaha saldhiga dekedda, iyo masuuliyiin katirsan Hay’adda FOA. Saxiimadaha kalluumaysiga ayaa qaarkood kusoo caariyey nawaaxiga Dekeedda, iyado sidoo kale uu burbur soo gaaray qaar kamid ah qalabka kalluumaysatada. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa guddoonka iskaashatada kalluumaysatada ka dhegaysteen warbixin ku aadan khasaaraha soo gaaray qalabka ay ku kalluumaystaan. Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa warbixinta Guddoonka Iskaashatada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan. Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeenaya bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliya geerida AHUN Gen Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska. Alle ha u naxariisto Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe…

Read More