Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka KAAH, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka KAAH. Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Madaxweynaha oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Ururka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee ururka, waxaana uu bogaadiyey shaqada wanaagsan ee la qabtay iyo sida ay u socoto qorshaha hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland.
Author: Jibril Qoobey
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay Iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga Puntland iyo Galmudug. Shirkan oo ka qabsoomay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Taliyaasha Ciidanka Booliska Gobalka ee Labada dhinac iyo Maayarada degmada Gaalkacyo. Shirka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray xoojinta Amniga, iyo sidii si wadajir la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo ka hortaga dilalka ka dhaca miyiga. sidoo kale shirka ayaa looga hadlay sidii Maamulka Gobalka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee Puntland…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa u magacaabay Subeyr Muuse Maxamuud Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Rako-raaxo ee Gobalka Karkaar.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka leexdeen dariiqii wanaagsanaa ee la doonayo in lagu hoggaamiyo doorashooyinka dalka, isla markaana ay tahay nasiib darro inay isku dayaan inay boobaan doorashooyinka. Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasbad lagu soo xirayay Shirka midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in musharixiinta ay garteen in dalka meesha uu u socda laga soo leexiyo si loo qabto doorasho la isla wada ogol yahay. Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Hoggaamiyaha midowga Musharixiinta ayaa tilmaamay in sida ay wax u wado Dowladda uu hoggaamiyo…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane cabdiasiis xasan maxamed lafta-gareen oo shir-gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Kulanka Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Laftagareen oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray Guddiyada Doorashooyinka oo ay diidan yihiin Musharixiinta Doorashada ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la wadaagay Madaxweynaha Koonfur Galbeed walwalka Musharixiinta ee ku aadan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, isagoona u gudbiyay codsigooda ku aadan…
Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay’adaha Gar-gaarka , Arrimaha Bani’aadinimada iyo Masiibooyinka Puntlanad. Kulanka waxaa looga hadlay saameynta duufanta GAKTI ee ku dhufatay deeganada Bari ee dowlad gabaleeydka Puntland. Cabdi Casiis Cabdulaahi Axmed oo ah Mamaulka Hay’adaha Gargaarka, Arrimaha Bani’aadnimada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn guud ay ku yeelatay dhul baxaad leh,sida Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, , Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin dhowr kale ah. “ Mudane Wasiir Duufta GAKTI waxa ay sababatay geerida 12 ruxu oo 8 Yeman ah iyo AfarSaamli ah, sidoo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan qado oo is xogwareysi ah la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland la wadaagay xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020 – 2021, waxaana uu sheegay in Puntland ay door muuqda ka cayaartay in la cadeeyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqay la shaqeynta Xukuumadda, iyadoo la ilaalinayo is dheeli-tirka Dowladda, iyo la xisaabtanka Xukuumadda, waxaana uu xusay in loo baahan yahay inay ka feejignaadaan dabinada loo maleegayo Dowladnimada iyo Hormarka Puntland ee 22…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay maanta xaruntooda magaalada Garoowe ayaa u codeeyay soo hormarinta ka doodista heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda magaalada Boosaaso. Kulanka Xildhibaanada oo Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa dood adag ay ka yeesheen in la soo hormariyo qodobkan oo Ajandaha Golaha uga jiray qodobka 13-aad,iyadoona ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Xildhibaan, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaannadu ay dood ka yeelanayaan Dib-u-eegista…
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab. Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha…
Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021, ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo waxa ay ku diidan yihiin Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed. Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ayaa dalbaday in lakala diro guddiyada Doorashada ee magacaabay, iyo in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Teendhada Afisyooni oo aheyd, halkii ay ka dhacday doorashadii Madaxweynaha 2017. Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku hanjabay in dowladda Federaalka haddii ay qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn ka shaqeyn doonaan hannaan doorasho dalka lagu badbaadinayo,…
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo War-saxaafadeed soo saaray goor-dhaweyd ayaa sheegay in uu bilaaban doono ‘duulaankii ugu dambeeyay’ ee ay ku qabsanayaan Caasimada Ismaamulka Tigray ee Mekella. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in hogaanka TPLF ay ka faa’iideysan waayeen fursadii ay hubka ku dhigi lahaayeen oo ah 72-dii saac ee lasoo dhaafay. Dagaalka Itoobiya ee u dhexeeya Ciidanka Abiy Ahmed iyo Ismaamulka Tigreega ayaa socda ku dhowaad hal bil, waxaana Warbaahinta gudaha laga soo xugtay inuu dagaalkan galaaftay nolasha 15 Kun oo Askari, halka ay ku qaxeen in ka badan 60 Kun oo Qoys.
Maamulka Somaliland ayaa xukun dil ah ku fulisay Lix maxbuus, oo horeyto Maxkamadaha Somaliland ugu rideen xukuno dil ah. Fulinta xukunka dilka ah ee lixdan Ruux ayaa ka dhacay duleedka xabsiga weyn ee Mandheera, waxaana magacyada dadka dilka lagu fuliyay oo dhamaantood ahaa Rag lagu sheegay; 1- Yaasiin Maxamed Yuusuf 2-Sharmaarke Sahal Oogle 3-Quulle Maxamed Cilmi 4-Khaalid Cabdi Xaydar 5-khadar Maxamed Warsame 6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.
Waxaa lagu wadaa in jimcaha berri ah Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland AUN Marxuum Genaraal Khaliif Ciise Mudan, oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland. Meydka Gen. Mudan ayaa laga soo qaaday xalay Dalka Turkiga oo ku geeryooday, waxaana diyaarada wada ay saacado kaddib soo caga dhigan doonta Magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Guddoonka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Masuuliyiin ka socda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Marti kale ayaa ka qeybgalaysa Aaska Qaran ee Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan.
Magalada Idmanton Gobolka Alperto ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed halka mid kale lagu dhaawacay, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas. Dilka & dhaawaca loo geystay labada qof ee soomaalida ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyen rag hubeysan oo ugu tagay, kaddibna rasaas ku furay Goob ay fadhiyeen oo ku taalla Waqooyiga Magalada Idmanton ee dalka Canada Bashiir Xaaji Cali oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa sheegay in dadkii ka damebeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed & dhaawaca qofka kale ay goobta ka baxsadeen,…
Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021 oo 5 maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaba-gaboobo, iyadoona laga soo saarayo War-murtiyeed ku aadan qodobada ay isku afgarteen musharixiinta. Shirka oo ay ka qeybgalayaan illaa 12 Musharax ayaa mudadii uu socday waxaa ka qeyb galay, Guddoonka Labada Aqal ee BJFS, Urrurada Bulshada rayidka, Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed iyo Madaxda Warbaahinta, waxaana ay is-dhaafsadeen talooyin la xiriira Arrimaha doorashooyinka. Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in musharixiinta ay aad uga doodeen, halka dalka uu ku socdo halka…
Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo ahaa rug cadaa ayaa lagu dilay Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah oo diiday magacooda in la shaaciyo. Sida uu qoray Wargeyska New York Times, Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa Xarunta CIA-da qeybta taakulada Ciidamada, waxaana lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha Soomaaliya. Lama sheegin goobta iyo waqtiga la dilay, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu u geeriyooday dhaawac ka soo weeraray dagaal. Arrintan ayaa mar kale dib u soo nooleyneysa doodo ku saabsan howlgalada Argagixisada ee Mareykanka ka wado Afrika. Donald Trump ayaa dhowaan amray in dalal ay ka mid tahay Soomaaliya…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa aqbalay wax ka bedal uu sameeyo Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee uu dhowaan magacaabay, kaddib kulan uu la yeeshay Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021 ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye. Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Musharixiinta Doorashada ee ku Beesha ah Qoorqoor u sheegeen in aysan yeeli doonin in deegaankoodu u afduubnaado Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayna lagama maarmaan tahay inuu Qoorqoor qaato labo go’aan midkood, kuwaas oo kala ah; 1: Inuu kala diro Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee dhowaan uu magacaabay, kana kooban 8 xubnood ayna…
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay magaalooyinka Balli-busle, Jariiban iyo Garacad ee Gobalka Mudug. Ciidammada PSF-ta Puntland ayaa kulamo la yeeshay Maamulka, Waxgaradka iyo Bulshada Magaalooyinkaas, iyagoona ku dhiirrigeliyay adkaynta amniga iyo gacansiinta ciidammada Amniga Dowladda Puntland. Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta ayaa daawooyin kala duwan gaarsiiyeen xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka Balli-busle, Jariiban iyo Garacad, si loogu dabiibo Bulshada ku xiran Isbitaaladaas.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021 Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmi doona Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen, Isimada dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed, isagoona kala hadli doona Arrimaha Doorashooyinka. Safarka Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli maanta uu Baydhabo ka dhoofay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, kana waday kulamo Siyaasadeed.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa kulan ku yeelanaya todobaadka soo socda aalada ZOOM ee khadka Internet-ka. Kulanka oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa looga hadlayaa Arrimaha doorashooyinka Dalka, iyo doodaha ka dhashay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo ay ka horyimaadeen Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee 2020 – 2021, oo ku doodaya inay kamid yihiin xubno kamid ah Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Xafiisyada Dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo 3 kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad…
Taliye ku-xigeenka Ciidammada Daraawiish-ta Dowladda Puntland Sareeyo Guuto Axmed Cali Salaad, ayaa kormeer ku tagey dugsiga tababarka Ciidanka ee Abqaale ee Degmada Xarfo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Xaaji Yuusuf, ayaa xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug.
Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka ayaa kala wareegay Axmed Cabdisalaan Gabax qalabka Isgaarsiinta Ciidanka Booliska oo ay ugu deeqeen Ciidammada Qaar kamid ah jaaliyadaha Reer Puntland.
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta magaaladda Garowe ku daah-furtay ololaha sannadlaha ee 16-ka maalmood ee la dagaallanka xadgudubka ku salaysan jinsiga.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo 30 cisho ah oo ku maqnaa Dalka dibadiisa. Madaxweyne Deni ayaa socdaalkiisa dibedda kusoo maray dalalka Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Dalka Kenya oo uu saaka kasoo amba baxay, waxaana uu intii uu ku sugnaa dalalkaas Masuuliyiinta ugu sareysa, oo ay ka wada hadleen Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta xiriirka Puntland ay la wadaagto. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo Saxaafadda, isagoona Shirkiisa Jaraa’id diirada ku saari doona safarkiisa dibedda, xaalada duufaanta GATI ee ku…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan maanta ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021, taas oo dhan $ 341,861,037. Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 54 Mudane, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Dawladda Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xildhibaannada ayaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021. Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 2021 ee Golaha Wakiilladu Ansixiyeen ayaa dhan $341,861,037 (Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 (Labaatan iyo sideed malyan…
These past few weeks, over 50,000 Tigrayan refugees have fled to Sudan to avoid risks. The Tigrayans that are living in other areas of Ethiopia are currently being ethnically profiled. More than 51,000 Tigrayan ….People living in Addis Ababa have already been arrested. Please stand with Tigray, a genocide is about to happen and we need your help to spread awareness. In 1988, Tigray was bombed by the Ethiopian government for 6 hours straight and over 2,500 people died. Today, Tigray. Is continuously getting BOMBED by the governments of Ethiopia, Eritrea, and the United Arab Emirates. History is repeating itself…
Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne ayaa magaalada Muqdisho ka wada olale xooggan oo ugu jiro Doorashada 2020/2021, isagoona kireystay mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Muqdisho. Xasan Cali Kheyre ayaa kireystay dhismaha “Green Paradise Hotel” muddo 6 bilood ah, isagoona bixiyay dhaqaale gaaraya $400,000 kun oo dollar oo kirro ah, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka agdhow. Dhismaha Hotelka ayaa la dajiyay dhalinyaro laga kala keenay Gobalada kala duwan ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Gobalada Somaliland iyo Puntland iyo dibedda, kuwaas oo ka amaani doona baraha bulshada, sidoo kalena ceyn doona…
Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku geeryooday Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed oo galinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoos-taga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran la xiriira Baraago biyo laga cabo oo mudo lagu dirirsanaa, waxaana jira heshiis dhawaan labada beellood ay ka gaareen colaadan dib u soo cusboonaatay. Sidoo kale, dagaalkan oo socday tan iyo cishihii xalay ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro kamid ah dhinacyadii dagaalamayay, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto cid waliba oo cabasho ka ah Guddiga Doorashada 20/21 oo hormuud u ah hirgelinta doorashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasare Rooble ayaa sheegay in mas’uuliyad culus ay saaran tahay Xukuumaddiisa, sidaas awgeed uu diyaar u yahay in uu raadiyo qof waliba oo cabasho qaba si uu u fahamsiiyo guddiga & micnaha uu u leeyahay dhismaha Dowladda cusub ee 4-ta sano soo socota. “Xilka in la qaado waa mas’uuliyad culus, waxaa jira Rag walaalahey ah oo aan si fiican u garanayo oo musharixiin ah oo cabasho…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay muddo ka badan bil oo uu ugu maqnaa Dibedda. Madaxweyne Deni ayaa goor-dhaweyd diyaarad kasoo raacay magaalada Nairobi oo maalmo uu ku sugnaa, kana waday kulamo isagoona duhuradii kusoo wajahan Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa intii uu joogay Nairobi la kulmay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo, Wakiillada Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowladda Kenya, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa intii uu ku maqnaa safarkiisa…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo sagootin loogu sameynayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan. Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa sheegay sheegay in guddiyada hadda laga cabanayo afar sano ka hor sidaan oo kale loo magacaabay. “Dadka shiraya ee diiddan guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan, waxay horay usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad horay u soo sameyseen” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen. Sidoo kale,…
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah Taliyaha Hay’adda NISA, ahna Wakiilka Dowladda Qatar ee Arrimaha Siyaasadda ayaa baneeyay garabka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Shabakadda Idil News. Madaxweyne Farmaajo oo habeen kahor kula kulmay Villa Soomaaliya xubnaha katirsan Dowladiisa iyo Siyaasiyiin ay ee ay isku beesha yihiin ayaa la sheegay inuu walaac ka muujiyay kalsoonida uu ku qabo Dowladda Qatar iyo Taliyihiisa NISA Fahad oo ah garabka kaliya ee haatan ku haray. “Ma jirto wax kalsooni ah oo aan ku qabo Dowladda Qatar oo Wakiil uu ka yahay saaxiibkay…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa kulan dhanka Online-ka ah la qaatay madaxda maaliyadda dowladda Sudan, si dalkeenna uu uga faa’iideeyo Suudaan khibrada deyn cafinta, maadaama dalkaasi hadda uu dib u bilaalabayo sharuudaha IMF ee Soomaaliya ay ka gudubtay. Wasiir Beyle ayaa sheegay in dawadda Soomaaaliya ay sharaf u tahay in wadanka aan walaalaha nahay ee Suudaan ay ka caawiyaan sharuudaha loo maro nidaamka deyn cafinta, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP. “Sharaf ayey inoo tahay…
Hayadda qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay sii kordhayaan. UNHCR waxay tilmaantay in iminka 40,000 ay kor u dhaafeen dadka qaxootiga ee gaaray bariga Sudan. Labadii cisho ee ugu danbeysay waxaa xadka Sudan gaaray 5,000 oo qof kuwaas oo caruur iyo haween u badan . UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah kuwaas oo aad u nafaqo daran hada la quudiyo islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad. Qaxootiga waxaa la siiyaa cuno bisil waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo . UNCHR waxay sheegtay in ay…
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu doonayo in uu doorashada dalka ka dhacaysa uu noqdo garsooraha doorashada. Hadal uu ka jeediyay musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulanka musharaxiinta madaxweynaha ee ka socda Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay in tartanka doorashada madaxweynaha soomaaliya uu noqdo mid loo siman yahay.
Guddiga xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland ayaa magaalada Garoowe kulan kula qaatay Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Puntland. Shirkan ayaa intii uu socday diirada lagu saaray baahiyaha ka taagan Binu aadantinimada ee ka taagan Deegaano kamid ah Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in xaalad adag ay ka dhalatay Duufaanta GATI, isagoona xusay in Hay’adaha looga baahan yahay siday qeyb uga noqon lahaayeen in si deg deg looga jawaabo xaaladan.
Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo wada-hadal khadka ZOOM ah la yeeshay Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020/2021 ee ku shirsan maalintii 4-aad magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay marxalada uu marayo dalku. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in aysan u qanacsaneyn qaabka ay howlaha doorashooyinka u wado Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyagoona tilmaamay in aysan aqbali karin in Nabadsugida lagu daro Guddiyada doorashada arrintaasna ay Farmaajo iyo Fahad kala hadleen. Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xusay inay ka walwalsan yihiin gacan ka hadal inuu yimaado, ayna doonayaan in laga baaqsado.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Musharaxiinta maalintii Afraad shirka uga socda Hoteelka Jasiira ee Muqdisho ayaa ka hadlay sida ay uga walaacsan yihiin in doorashada soo socoto uu hareeyo Musuq maasuq. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay bidhaamisay in doorashada dhexe ee dalka ay noqon doonto mid wareegga koowaad lagula kala baxo, taasina ay muujinayso sidda loo doonaayo in ay noqoto mid musuq hareeyay.
Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay Sicir-bararka, isagoona baaq u diray Ganacsatada iyo Sariflayaasha lacagta. Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Ganacsatada iyo Sariflayaasha Reer Puntland looga baahan yahay in u naxaan bulshadooda, kana qeyb noqdaan qorshaha Dowladda Puntland ee ku aadan ka hortaga Sicir bararka Suuqyada Puntland hareeyay.
Allaha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland ayaa maanta ku geeryooday Dalka Turkiga. Hadaba hoos ka daawo Taariikh nolaleedkii Marxuumka.
Macalinka xulka kubadda cagta Puntland Ibraahim Cabdi Cali, oo goor-dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay xulka ka qayb-gaali doona tartanka Dowlada goboleedyada Dalka ee ka dhici doon Magaalada Muqdisho. Xulka lagu dhawaaqay oo dhan 22 ciyaartoy, waxaaa xulkii hore kaaga jira 7-qof, halka 14 ciyaartoy ee kale ay yihiin kuwo ku cusub xulka. Akhriso Liiska xulka kuubada cagta Dowladda Puntland uga qayb gelaaya tartanka Dowlad goboleedada Soomaaliyaa 2020.
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Abdulahi Abdisalan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeryooday Dalka Turkiga. Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland, ayaa soo noqday Wasiirka Amniga Puntland Dowladdii Madaxweyne Faroole, waxaana uu haatan ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. Wasiir Cabdullaahi ayaa alle uga baryay inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland ee uu ka baxay Jenaraal Mudan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Jenaraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeryooday Dalka Turkiga. Madaxweynaha Puntland oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Alle ha u naxariisto Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaan dareenka tacsida la wadaagaya dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, Masuuliyiintii uu lasoo shaqeeyay, Saraakiisha Ciidamada, Ehelkiisii iyo qoyskiisii” Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Gen. Khaliif Ciise Mudan uu kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland, sidoo kalena uu door muhiim ah kulahaa dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya. “Runtii Marxuumku wuxuu ahaa shakhsi wakhti badan…
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, iyo Wafti Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Puntland ayaa Arbacada kulan ku yeelan doona Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn. Madaxweyne Cagjar ayaa berrito soo gaari doona magaalada Buuhoodle, waxaana kulanka ay wada yeelanayaan Waftiga Puntland looga hadli doono Arrimaha Iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga. Sidoo kale, Madaxweynaha DDS iyo Waftiga Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirada Qorsheynta, Ganacsiga, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasiir ku-xigeenada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, ayaa kulankooda diirada ku saari doona Arrimaha Nabad-gelyada Xuduudaha Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo sidii la isku dhaafsan lahaa xogaha la xariira…
Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada. Madaxweyne…
Allaha u naxariistee Jenaraal Khaliif Ciise Mudan, oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaalla Dalka Turkiga oo uu ku xanuunsanayay muddooyinkii ugu dambeeyay. Gen. Khaliif Ciise Mudan ayaa soo oqday Wasiirka Amniga Dowladda Puntland, waxaana haatan uu ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.
Ciidammada PMPF Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka wada samata-bixinta iyo daabulka dadka danyarta ee kunool kaamamka Barakacayaasha, kuwaas oo ay saameeyeen roobabka xariir ah 24 saac ka da’ayay Boosaaso. Dadkan ayaa Ciidammadu dajiyeen goobo ay u diyaariyeen Maamulka Gobalka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, waxaana socda dadaalo dadka lagu wada gaarsiinayo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay u baahan yihiin. Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Yuusuf Abwaan, oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in roobabka ka da’ay Boosaaso ay ku hanti beeleen 6 kun oo Qoys, isagoona ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo…
Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha arrimaha dibadda ee maamulkiisa cusub, iyadoo uu isku dayayo in uu boorka ka jafo xiriirkii isbaheysigii dibadda ee Mareykanka, kaas oo uu dhabarka jeediyay madaxweyne Trump. Anthony Blinken ayaa ka mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha siyaasadda dibadda. Blinken oo ah 58 sano jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo is baddal…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Villa Soomaaliya La-taliyaha Amniga Qaranka Dowladda Itoobiya Gedu Andargacho. Kulankaan ayaa ahaa mid aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya laakiin ay shaacisay Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxana kulankan looga hadlay taageerada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee Midnimada Itoobiya. Amb. Jamaludin Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa xalay bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya. Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero…
Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo kamid ah Golaha Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Hay’adda NISA iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, isagoona sheegay in wax ceshtan ay waayeen. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen hadii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay, Fahad Yaasiin reer Ow Xasan waa naga celi waayeen waxa dalkeena ku ciyaaro waa isagaa la leeyahay” ayuu yiri Senator Muuse Suud Yalaxow. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa shir xasaasi ah ka yeeshay xaalada dalka Soomaaliya, waxaana Warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya Golaha uga warbixiyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha soomaaliya Amb, James Swan oo shirka dhinaca Internet-ka uga qeyb-galay, isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho. Wakiilka ayaa ka hadlay doorashooyinka qaranka, amniga, deyn cafinta, caqabadaha dhanka bani’aadamnimada, caddaaladda, arrimaha xuquuqda aadanaha, COVID-19 iyo qodobbo kale. Hoos ka Akhriso Warbixinta uu Golaha Ammaanka ee QM uu u gudbiyay James Swan.. Mudanayaal & Marwooyin, Xubnaha Sharafta Leh ee Golaha, Waad ku mahadsantahay fursada aan mar kale kugula socodsiin…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa baahisay goor-dhaweyd Sawirro muujinaya xajmiga khasaaraha ka dhashay duufaanta GATI ee ku dhufatay Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar. Sidoo kale, Qoraal kooban oo ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay inay duufaantu galaafatay nolasha 8 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahman oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenkiisa 1-aad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa goor-dhoweyd oo caawa ah ku biiray Shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ee maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho. Guddoonka Golaha Shacabka BJFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha oo uu qeyb ka yihiin illaa 12 Musharax ayaa waxaa haatan u socda shir gaar ah oo ay uga wada hadlayaan arimaha doorashooyinka iyo caqabadaha jira ee ku aadan guddiyada doorashooyinka. Shirka ayaa waxaa galinkii hore ee maanta waxaa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi…
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulan dhanka khadka Internet-ka ah la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Kulanka Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Amb. James Swan ayaa inta uu socday looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020 – 2021, iyagoona si gaar ah diirada u saaray dhacdooyinkii u dambeeyay ee Dalka. kulanka ayaana kusoo dhamaaday is afgarad. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka biya diidan Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee kasoo…
Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah ay gashay Boosaaso kaddib roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay Magaalada 24 saac. Guddoomiye Abwaan ayaa sheegay in roobabku ay saameeyeen 12 Kun oo Qoys, oo 6000 kun oo kamid ah ay ku waayeen guryahoodii iyo wixii ay quudanayeen, isagoona xusay inay socdaan dadaalo ay wadaan Maamulka Gobalka iyo Kan Degmada oo ku aadan in la samata bixiyo dadka roobabku saameeyeen. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaa sheegay in roobab dabeylo wata ay ku dhufteen Degmooyin ay kamid yihiin…
Wasiirka Wasaaradad Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guud xaqiijineyso amniga dalka maadaama la galaayo waqti adag oo doorasho. Wasiir Xasan Xundubey ayaa sheegay in sugida Amniga kaliya aan qoray loo adeegsan doonin,sidoo kale ay wacyigelin ku maareyn doonaan, waxaana uu Bulshada ugu baqay inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan sugida dhinaca Amniga. Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka haaya & kuwa hadda doonaya ay jecel yihiin in qof walba waqtiga uu joogo uu amniga hagaagsanaado,sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo.
Ugu yaraan 8 Ruux oo ah Kalluumeysato Yamaniyiin ah ayaa ku geeryooday Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar, kaddib roobab dabeylo wata oo ka da’ayay degmadaas ku dhawaad 48 saac. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in 10 Ruux ay ku dhaawacmeen duufaantan, iyadoona ay ku burbureen Guryo farabadan, halka kuwa kalena ay saqafka ka qaadeen. Sidoo kale, Roobabka dabeylaha wata ay khasaare ka geystay Deegaanka Hurdiya ee Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka Gardafuu oo ay kamid yihiin Caluula, Xaabo, Gumbux, Bareedo, Murcanyo iyo deegaano kale. Guddoomiyaha Gobalka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye, oo shir jaraa’id ku…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha bini’aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii ku dhufatay xeebaha Puntland iyo sidii ay UNOCHA iyo hay’adaha kale ula shaqayn lahaayeen guddigii loo magacaabay arrimahaasi.