Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen. “Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay…
Author: Jibril Qoobey
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland.Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxay kala yihiin:- 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye). 2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin). 3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin). 4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin). 5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-Xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hadda Shir-guddoomiyay Shir Gole Wasiir oo deg deg ah kaasi oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay deegaan xeebeedka Gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu. Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa ka warbixiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale. Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”. Xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn. Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen. Mar sii horreysayna ciidamada dowladda…
Roobab mahiigaan ah ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay si xariir ah uga da’aya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoona u hakad ku jiro inta badan ganacsiga magaalada. Roobabkan ayaa sababay inay soo dhacaan ku dhawaad 15 Baalle, oo kamid ah Baalayaasha Shirkadda Eeneeye, waxaana 10 saac ee lasoo dhaafay maqan Korontada magaalada Boosaaso. Ma jirto illaa hada khasaare xooggan oo Roobabkaas ka dhashay, waxaana socda Dadaalo ay wado Dowladda oo ku aadan in laga gaashaanto dhibaatooyin ka dhasha roobabkaas.
Ciidammada Ismaamulka Tigreega ee TPLF ayaa Gantaalo ku garaacay goor-dhaweyd Magaalada Bahra-daar ee Caasimadda u ah Gobalka Amxaarada, iyadoona mar qura la maqlaya dhawaqa Madaafiicdan oo daqiiqado socotay. Wararka ayaa sheegaya in gantaaladan ay ku dhaceen Garoonka diyaaradaha Magaalada Bahra-daar, waxaana la arkayaa gaadiidka dab-damiska ah, oo ku sii qulqulaya dhinaca garoonka. Waa markii saddexaad ee Ciidanka TPLF ay duqeeyaan magaalada Bahra-daar, oo ah halka laga hago howlgalka Ciidammada Dowladda dhexe ay ku qaadeen Deegaanada Ismaamulka Tigreega. Madaafiicdan ayaa kusoo aadaysa xilli Taliyaha Ciidanka Cirka Itoobiya Jen. Yilma Maddesa, uu dhowaan sheegay inay burburiyeen guud ahaan gantaalada Tigreega.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dib shaqada ugu fasaxay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo uu horey ugu joojiyay shaqada kaddib markii ay isku dhex dagaaleen xarunta Wasaaradda ee Magaalada Garoowe. Shaqada dib loogu fasaxay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa timid kaddib markii la heshiiyay Labada Masuul, oo horey isugu qabtay arrimo dhaqaale, sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Wasaaradda.
Wararka ka imaanaya magaalada Hurdiya ee Gobalka Karkaar ayaa sheegaya in Roobab dabeylo wata ay ka da’ayaan magaaladaas iyo deegaanada hoostaga. Roobabkan oo bilowday abaaro 5:00 galabnimo ayaa ka yimid dhanka Xeebaha, Wararka ayaana intaas ku daraya in Baddu ay kusoo fatahday, ayna biyo buux dhaafiyeen gudaha magaalada. Sidoo kale, Maamulka Degmada Hurdiya ayaa kusoo waramaya in illaa 14 guri ay dumeen duufaanadan, waxaana socda bad-baadinta Dadka iyo duunyada kunooleyd oo laga saarayo gudaha Magaaladaas oo dhacda labo buurood dhexdood. Dhanka kale, Meydka labo Ruux oo u dhashay Dalka Yemen, loona maleynayo inay yihiin Kalluumeysato ayaa kusoo caariyay xeebta degmada…
Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha DFS ee 2020 – 2021 ee ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen kaga horyimid Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed. Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle inay Guddiga Doorashooyinka kusoo dareen Shaqaale iyo xubno katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyagoona ku baaqay in la kala diro guddiyadaas, lana soo dhiso mid cusub. Sidoo kale, Musharixiinta ayaa sheegay in Liiska labada Guddi ay soo gudbiyeen Puntland iyo Jubbaland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka, iyagoona ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland…
Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlad Goboleedka Koonfur galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.
Ciidammada Milateriga Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa qorsheynaya inay Taangiyo ku weeraraan magaalada Mekelle ee caasimadda Ismaamulka Tigreega, iyagoona ugu digay shacabka inay raadsadaan goobo ay uga nabad galaan. Afhayeenka militariga ayaa u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC Colonel Dejene Tsegaye in qeybaha xiga oo ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca. Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah…
Dowladda Puntland ayaa degmada Badhan ee Gobalka Sanaag Tababar uga furtay 400 oo Askari oo kamid noqonaya Ciidammada Daraawiish-ta Puntland. Ciidammadan oo ku qaadanaya tababarkooda dugsiga tababarada Ciidamadda Puntland ee Badhan ayaa noqonaya dufcadii labaad ee lagu tababaro dugsigan, waxaana mudada ay xareysan yihiin la bari doonaa Akhlaaqaadka Ciidammada, difaaca iyo la dhaqanka Bulshada. Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ahaa Abaanduulaha Ciidammada Daraawiish-ta, Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland, Saraakiil kamid ah Ciidammada iyo Masuuliyiin kale.
Wararka ka imaanaya Gobalka Karkaar ayaa sheegaya in Roobab dabeylo wata ay goor-dhaweyd ku bilowdeen degmada Xaafuun, kuwaas oo waxyeelo u geystay degmada. Roobabkan ayaa sidoo kale sababay inay meesha ka baxdo Isgaarsiintii degmadaas, haatana xiriirka Dadka iyo Maamulka Degmadaas. Dhanka kale, Wararka ka imaanaya Gobalka Bari iyo Gardafuu ayaa tibaacaya in Roobab dabeylo wata ay ka da’ayaan degmooyin iyo deegaano katirsan Gobaladaas, kuwaas oo hakiyay Isgaarsiin iyo isu-socodkii bulshada, waxaana jira waxyeelo soo gaartay dadka iyo duunyada.
Roobab dabeylo wata oo xalay bilowday ayaa ka da’aya deegaano katirsan Gobalka Gardafuu, oo ay kamid yihiin Degmooyinka Caluula, Xaabo, iyo Bareeda. Roobabkan oo ka yimid dhanka Raasiga Gardafuu ayaa saameyn ku yeeshay Dadka iyo duunyada, waxaana sidoo kale meesha ka baxay Isgaarsiinta qaar kamid ah deegaanada Gobalkaas, oo ay ku jiraan Xoogaag, Qoraxaad, iyo Murcanyo. Guddoomiyaha Gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed, ayaa sheegay in roobabkan oo bilowday Abaaro 3:00 habeenimo ee xalay ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka, ayna jareen Isgaarsiintii deegaanada qaar. Sidoo kale, Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in digniinta roobabkan ay maalmihii u dambeeyay la wadaagayeen bulshada,…
Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo Shacab fara badan ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Waftiga Ra’iisul Wasaaraha. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah kii u horreeyay ee gudaha dalka, tan iyo markii loo magacaabay xilka 17 bishii December, waxaana Ujeedkiisa la xiriira dardar gelinta howlaha doorashooyinka.
Guddoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga dhismaha Garoonka Kubadda cagta Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Xubnaha Guddigan uu magacaabay Guddoomiye Abwaan ayaa ka kooban 17 xubnood, waxaana ay ka shaqeyn doonaan Qaban-qaabada dhismaha Garoonka Boosaaso, Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaana ka codsaday cid kastaa oo ay quseyso dhismaha Garoonka Boosaaso inay la shaqeyso Guddiga.
Shirka Wada-tashiga Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee 2020 – 2021, ayaa galay maalintii labaad, iyadoona ay goobjoog yihiin illaa 12 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sharif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Axmed iyo xubno kale. Shirkan oo sabtidii shalay aheyd furmay ayaa waxaa qorshuhu yahay in maalinnimada berito ah lasoo gabogabeeyo, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.
Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Howlgalkan oo si Wadajir ah ay u sameeyeen Ciidammada Booliska, PMPF iyo PSF-ta Puntland ayaa lagu baarayay Gaadiidka, Ciidanka ayaana gawaarida fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta. Sidoo kale, Ciidammada ayaa inta howlgaladu socdeen gacanta ku dhigay hubka si sharci darro loogu sitay Gudaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo Dadkii sitay aysan kamid aheyn Hay’adaha ammaanka Puntland. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa Shacabka uga mahadceliyay siday Ciidammada ula shaqeynayaan amniga magaalada Boosaaso, oo dhowaan marti galinaysa Doorashada…
nta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeryooday, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Shire ee Gobalka Karkaar. Shilkan gaari ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen 5 gaari oo isugu jira Gaadiidka xamuulka qaada iyo yaryar, xilli ay marayeen Deegaanka Shire oo ku yaalla Wadada xariirisa magaalooyinka Garoowe iyo Qardho. Maamulka Gobolka Kar kaar oo gaaray goobta shilku uu ka dhacay, ayaa bilaabay kala gurista Gaadiidka isku dhacay iyo samata bixinta Dadka saarnaa.
Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa kulan saacado badan socday oo illaa xalay xilli dambe la isla gaaray oo ka dhacay hoyiga Muqdisho uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug, sida Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed, Daahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow. Musharaxiinta ayaa mid mid ula wadaagay dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan doorashada, waxaana Musharax walba uu u jeedinayay Qoorqoor inuu dib ugu…
Dowladda Norway ayaa kasoo horjeesatay Xukun dil ah oo Somaliland ay ku riday Nin heysta dhalashada dalkaas, kaas oo lagu eedeeyay in uu si ula-kac ah u dilay Nin kale. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Oslo ayaa ka dalbatay in Soomaalilnad ay joojiso fulinta xukunkaas, isla markaana dowladda Norway aysan aqbaleyn. “ Waxaan Somaliland u gudbinay farriin ah in xukunka dilka ah oo ay ku rdeen muwaadinka heysta dhalshada Norway in aysan aqbali Karin, waajibna ay tahay in aan la fulin, sidoo kalena muwaadinkaas uu maro hababka caadiga ah…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galaya Barnaamij Dood wadaag uu soo qaban qaabiyay Xarunta tala soo jeedinta ayaa sheegay in aan Fahad Yaasiin oo ah midka majaraha u haya Madaxweyne Farmaajo aan laga yeeli doonin duminta uu la doonayo Siyaasadda dalka. Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Fahad Yaasiin in mudadii uu joogay Hay’adda NISA uu burburiyay Hay’adihii amniga Qaranka, uuna kala diray Ciidammadii Nabad-sugida, laguna sii daayay dalka. “Milkiilaha la sheegayo waa la wada garanayaa waa Nin aan saaxibo nahay oo Fahad Yaasiin la yiraahdo waaye, isaga ayaa ka shaqeynaya dummin siyaasadeed kamana…
Shirka wada-tashiga Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021, ee maanta uga furmay magaalada Muqdisho ayaa goor-dhaweyd soo idlaaday. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya. Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd. Sidoo kale, Musharax Geelle ayaa xusay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo…
Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, oo ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland dhawaana ku geeriyooday dalka Turkiga, ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyay magaalada Badhan ee xarunta Gobalka Sanaag. Aaska AUN Marxuum Garaad C/llaahi Ciid ayaa waxaa ka qeyb-galay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Dawladda Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale. Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo mudasha Aaska khudbad kooban ka jeediyay, ayaa u duceeyey Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid…
Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Deegaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland), isagoo hore u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa hore Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Markabka DJibouti Shopping Company, oo kamid ah Maraakiibta waa weyn ee qaada xamuulka ayaa markii 3-aad ku soo xirtay Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Markabkan oo u raran ganacsato Reer Puntland ah ayaa markii uu kusoo xirtay Dekedda Boosaaso la bilaabay in laga dajiyo Kunteenarada uu waday. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Yasiin Cartan Maxamed, oo kormeeray Dekedda Boosaaso, ayaa uga mahad-celiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekedda howsha wanaagsan ee ka socota Dekedda, isagoona sidoo kale amaan u jeediyay ganacsatada Reer Puntland oo qeyb ka ah howlaha wanaagsan ee dekedda ka socda.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegey in Puntland ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisaleh Dowladda Puntland. Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada. Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer…
Dowladda Puntland ayaa ka digtay roobab dabeylo wata oo 48 saac ee soo socota ka di’i doona deegaano ka tirsan Gobalka Bari. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Maamulka Gobalka Bari ayaa lagu yiri “Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab dabeylo wata sida saadaasha cimiladu sheegeyso”. Maamulka Gobalka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka kunool dhulka hooseeya ee u dhow Buuraha, Togaga iyo deegaanada xeebta ah inay ka isaga baxaan, si looga baaqsado dhibaato ka dhalata roobabkaas, soona gaartay Dadka iyo duunyada. “Hadaba waxaa shacabka degan dhulka u dhow…
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa ogalaaday inuu wada-hadal la galo hoggaamiyayaasha Ismaamulka Tigreega, sida ay daabacday Jariiradda Addis Standard. Aqbalaada Abiy Ahmed ee Wada-hadalada TPLF ayaa imaanaya xilli Ciidammada Dowladda dhexe ee Abiy hoggaamiyo lagu jabiyay weerar ay ku qaadeen deegaanada Ismaamulka Tigreega. Dagaalka Itoobiya oo soconayay muddo 18 cisho ah ayaa galaaftay nolasha in ka badan 10 oo Askari oo kamid ah Ciidammada Dowladda dhexe Abiy majaraha u hayo, waxaana sidoo kale uu saameyn ku yeeshay Guud ahaan dhaqaalaha Itoobiya, iyadoona la duqeeyey goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalka .
Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021 ayaa goor-dhaweyd ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirkan oo soconaya muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo cabashada Musharixiinta ee ku aadan Guddiga Doorashooyinka Dadbad ee uu soo dhistay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo u badan Shaqaalaha Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Saraakiil kamid ah Hay’adda NISA iyo taageerayaashii Madaxweynaha ee Siyaasiyiinta ka aflagaadeyn jiray Baraha Bulshada. Shirkan oo xubnaha ka qeybgalaya ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga…
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay uu dhexmaray labada dhinac, isla markaana ay dhinacyadu isku adeegsaday hub culus. Wararkii ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Dowladda oo saldhig ku lahaa Deegaanka Sabiib ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al-Shabaab, ayna hadda ka wadaan duleedka Deegaanka howlgallo ka dhan ah Argagixisada. Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, welina labada dhinac wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkaas.
Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona bartilmaaneedsanayo goobo gaar ah oo loo maleynayo in laga soo abaabulo ammaan darada ka jirtay Gaalkacyo. Howlgaladan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xalay Bam-gacmeed lagu tuuray Ciidammo katirsan Booliska Puntland, oo marayay agagaar Xero Daraawiish, kuna gudajiray howlgallo Roondo ah. Wararka ayaa sheegaya in Ciidammada Amniga Puntland ay howlgalkooda ku bartilmaameedsanayaan goob loo maleynayo in Weerarkii xalay laga soo abaabulay. Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay soo hagaagayay, Ciidammada Amniga Puntland ayaana gacanta ku dhigay Shabakado katirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fulin jiray…
Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya inay xiisad dagaal ay saaka ka taagan tahay Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga, kaddib markii xalay halkaas lagu dilay Nin rayid ah. Dilka ninkan oo ka dhacay deegaanka Qabno ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad hubeysan, Dadka Deegaanka ayaana sheegay in dilkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil. Deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay ayaa horey waxaa ugu dhacay dagaal beeleedyo, galaaftay nolasha dad shacab ah. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ahna Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa maanta lagu waddaa in uu Muqdisho uga furmo Shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dooda ay ka qabaan guddiga doorashooyinka dadban oo in badan oo ka mid ah ay kasoo horjeesteen. Shirkan ayaa socon doona Saddex berri waxaa ka mid ah qodobada looga hadlaayo sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA. Hoggaamiyeyaasha Shirkaan ka qeyb gali doonna waxaa ka mid ah: Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed Labadii…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ahna Musharax Madaxweyne uu hoygiisa ku soo booqday, isla markaana cudur daar ka bixiyay weerarkii 17 december 2017 lagu qaaday gurigiisa. “Waxaa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017″ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee ku lug lahaa weerarkaas inay ka faa’ideystaan fursadan oo ay weli u furan tahay. Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa booqday hoyga Madaxweynayaashii hore…
Danjire Maxamed Nuur Caalim, oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ahna Falanqeeya Arrimaha Siyaasadda Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka hadlay marxaladaha adag ee Soomaaliya mareyso iyo doodaha hareeyay Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.
Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada. Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa berri shir u furmaya, iyagoo sameysanaya Gole ay ku mideysan yihiin, waxaa shirkooda socon doonaa saddex maalin. Ka hor shirka berri waxaa caawa illaa maanta dhacay shirar gaar gaar ah oo hordhac u ah shirka berri, waxaana hoyga Madaxweyne Shariif uu haatan noqday halka laga bilaabay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee is bedel doonka.
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Bam-gacmeed lagu tuuray Ciidammo katirsan Booliska Puntland, kuwaas oo marayay agagaarka Xero Daraawiish ee Gaalkacyo. Ciidammada Bam-gacmeed lagu tuuray ayaa ku jiray howlgallo Roondo ah, oo lagu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo, wararka ayaana sheegaya inuu jiro khasaare. Bam-gacmeedkan caawa lagu tuuray Ciidammada, ayaa kusoo beegmayaa xilli Ciidanka Dowladda Puntland ay dhowaanahan wadeen howlgallo ka dhan ah Argagixisada, ayna gacanta ku dhigeen Shabakaddo katirsan Kooxda Al-Shabaab. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay inay hubka. Dr Tedros wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii TPLF. “Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda” ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay. Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay kusoo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka. Shaley ayay…
Saddex Aray ayaa galaaftay Wasiirkii arrimaha debedda ee Soomaaliya kuwaas oo ku jiray Bayaankii sida degdeg ah looga tirtiray Page-ka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xaaladda Ethiopia lagaga hadlay. 1: Mawqifka Soomaaliya ee ka muuqday Warqada waxaa loo adeegsaday kelmedda “Call for Dailogue” oo taageeraysay in arrinta tigreega Wadahadal lagu dhameeyo balse ereygaasi wuu dhibayaa Xukumadda Abiye Ahmed, oo ma maqli karto kelmedaa oo macnaheedu kusoo ururayo arrinta wadahadal ha lagu dhameeyo. 2: Dagaalka ka socda gobolka Tigreega Xukuumadda Abiye, waxa ay u bixisay “Law Enforcement operations” iyaga oo ka cararaya kelmedaha “Conflict, War iyo kuwa la mid ah ” oo…
Ciidammada Ismaamulka Tigreega (TPLF), ayaa xalay Gantaalo ku garaacay Caasimadda Gobolka Amxaarada ee Bahra-dar, oo ah halka Xukuumadda Abiy Ahmed ay ka abaabulayso dagaalka ka socda Deegaanka Tigray. Gantaaladan ayaa noqonaya kuwii labaad oo lala beegsado Bahra-dar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaalladu ka qarxeen Tigray. Waxaana lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada. TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas. Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen…
Dalalka daneeya arrimaha Soomaliya iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ugaga hadleen arrimaha doorashooyinka iyagoo ku baaqay in wadahadal ay yeeshaan. Qoraal ka soo baxay beesha Caalamka ayaa waxa ay ugaga hadleen arrimaha doorashooyina. Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la…
Wasiirkii gore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu xil qabto Safiir iyo mid kaleba, kaddib markii laga xilkii Wasiirnimo ayuu Madaxweynaha u magacaabay Safiir. Qoraalka Amb. Cawad soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Madaxweynuhu ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee loo magacaabay, sida uu qorayna wuxuu yiri 4 November 2018, balse xilliga saxda ah ee loo magacaabay xilka waxay aheyd 4 January 2018.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud, iyadoo Wasiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Safiir aan weli la shaacin dalka loo magacaabay. Maxamed C/risaaq ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee doorashadii 2017, sidoo kale waxaa uu soo noqday La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka.
Garaad Cabdillahi Garaad Caliciid wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag sannadu markay ahayd 1942-dii, waxaa dhashay hooyo Xaawo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Garaad Caliciid oo kamid ahaa hogaankii hore ee dhaqanka. Waxbarashadiisii heerka malcaamadda iyo dugsiga hoose kadib Cabdillaahi wuxuu ku biiray ciidanka booliska dhammaadkii 1950-meedyadii, isagoo dhawr iyo toban jir ah ayuu ciidanka booliska ku biiray isla waqtigaas ayuu noqday Danbi-baare isagoo aakhirkii u wareegay Laanta-Khaaska ah ee CBS, kadib arrimo shaqsiyadeed ayuu uga haray booliska. Sannadku markuu ahaa 1961-dii ayuu Cabdillaahi yimi magaalada Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay ciidanka booliska, isagoo ka shaqa bilaabay xafiiska Laanta-Khaaska ah ee…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka dowladda Ingariiska u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender, ayaa kulan ku yeeshay maanta Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlay xilliga kala guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray caqabadaha hor taagan doorasho heshiis lagu wada yahay oo Soomaaliya ka dhacda. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Dalka ayaa la wadaagay Safiirka Ingariiska Ben Fender, walaaca Musharixiinta Doorashada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku aadan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal oo ku dhacda waqtigeeda, isagoona ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka…
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa shaaciyay Guddoomiyaasha Guddiga ee Gobalka Karkaar iyo Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, kuwaas oo kusoo baxay imtixaan laga qaaday dadkii usoo gudbay wareegga liiska gaaban (short list). Warsaxaafadeed lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga ee Gobalka Karkaar ku guuleystay Maxamuud Ismaaciil Salaad, halka Guddoomiyaha Guddiga ee Degmada Eyl ku guuleystay Maxamed Cabdirisaaq Axmed.
Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda degmooyinka Puntland iyo Xeerka Dalxiiska ee Puntland. Sidoo kale, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland, kuna geeryooday Dalka Turkiga. Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Deperani, ayaa ka warbixiyey kulanka Golaha Wasiirada markii uu soo dhamaaday.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii 15-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha ku yeeshay xaruntooda Garoowe, ayaa maanta loo qeybiyay Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021, taas oo ay Golaha u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ku soo sameynaya akhriska 2-aad kusoo sameyn doona Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021, taas oo dhan $341,861,037, waxaana dib loogu soo celin doonaa Golaha maalinta Arbacada ee todobaadka soo socda oo ku beegan (November 25, 2020). Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland ayaa sabtidii lasoo dhaafay Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2021, oo ay ka muuqato koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marna la aqbali doonin qaabka dowladda wax u wado ee la doonayo in doorasho lagu aado. Xasan Sheekh ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay in Guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada laga qoray hey’adaha amniga dhexdooda oo lagu soo daray ciidamo. “Lagama yeelayo sida ay rabaan marna ma dhaceyso sida hadda wax u qaabeeyaan inay doorasho u dhacdo, waa idin ku tumanayaa iyo saan anaga rabno idin ka yeelayaa iyo meesha waa iska sii joogayaa, hortiis jiraa waayay, Madaxweynaha lagama yeelayo, yeyna gaarsiin ayaa leenahay dalkaan meel taladu…
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga. AHUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada…
Allaha u Naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, oo kamid ahaa Isimada Dhaqanka Deegaanada Puntland ayaa ku geeryooday Dalka Turkiga, oo muddooyinkii ugu uu ku xanuunsanayay. Marxuum Garaad C/llaahi ayaa ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland, waxaana lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa dhismaha Dowladnimada Puntland oo uu kamid ahaa udub dhexeedkeeda. TACSI:انا لله وانا اليه راجعون Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida garaad Cabdullahi Cali Ciid oo hada geeridiisa nasoo gaartay isagoo mudo xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka debediisa. Garaad Cabdullahi Cali Ciid wuxuu ahaa tiir ka mid ah isimada puntland kuwa ugu miisaanka weyn. sabir iyo iimaan ilahay haka siiyo shacabka, dawlada,…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka saartay barteeda Twitter-ka qoraal ku saabsan walaac dowladda Soomaaliya ee dagaalka Itoobiya, ayn taageereyso midnimada dalka Itoobiya iyo in wada hadal saaxibtinimo leh lagu xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya. Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku caddeeyay in uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana war saxaafadeedka aanu aheyn mid matalaya aragtida dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Xubnaha dowladda Federaalka ku dareyso Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada, waxaana maamul goboleed kasta 8 Xubnood uu soo gudbiyay lagu daray min 3 xubnood, inkastoo aanay Puntland iyo Jubbaland soo gudbin Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, kuwaas oo ka kooban siddeed xubnood, uuna hoggaamiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici. Sidoo kale, Guddigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Warfaafinta, Diinta iyo Aw-qaafta, Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex iyo Duqa Magaalada Hargeysa. AUN Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa, ayaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo noqday Dowladdii Milateriga ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland oo galabta lagu qabtay Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimi Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen. Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ahMaxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay , Fu’aad Siciid Cali oo…
In ka badan 1300 Askari oo ka tirsan ciidanka Dawladda dhexe ee Itoobiya oo ka Dagaalamayey goob furin ah ayaa waxaa Haleelay Dhawr Madfac oo ay soo tuureen Jabhada Tikreegu , Sida Wararku sheegayaan Waxaa halkaas ku dhintay dhamaan Askartii goobta ku sugnayd. Furinta Askartu ka Dagaalamayeen ayaa Warbaahinta madaxa banaani ku sheegtay deegaanka Alamada . Dhinaca kalena Wararka ayaa intaas ku daraya in maanta Jabhada TPLF ay dhawr tuulo dib u Qabsadeen kuwaasoo ku yaala dhanka xadka Eritrea.
Waxaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland maanta ku geeryooday AUN Marxuum Cumar Carte Qaalib oo Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo noqday Dowladdii Milateriga ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.