Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib. Qoraal Kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan umada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib.” AUN Marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo noqday Dowladdii Milateriga ee uu hoggaaminayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre, isagoona muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa oo ugu…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul…
Wararka ka imaanaya Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Ugandha ayaa sheegaya dhawaqa rasaasta laga maqlayo gudaha magaalada. Taageerayaal taabacsan Murashaxa u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Uganda Bobi Wine ayaa isugu soo baxay qaybo kamid ah jidadka caasimada kampala iyagoo ka caraysan xarig shalay loo gaystay murashax bobi wine. Booliska ayaa isku dayaya iney kala eryaan taageerayaasha murashaxa iyagoo adeegsanaya rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa Wali wax war ah kama soo bixin laamaha Amniga Uganda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka baaqday xaflad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, taasoo loogu mahadcelinayay dadkii soo diyaariyay Manhajka waxbarashada Soomaaliya. Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa Xalay xiray agagaarka tiyaatarka iyadoo saakayna dadka iyo gaadiidkaba loo diiday ilaa Isgoysyada, Boondheere, Jubba iyo agagaarka Dekadda Muqdisho. Si rasmi ah looma oga sababta uu uga baaqday, hase yeeshee waxaa jiray sawiro iyo qoraalo qabsaday baraha Bulshada saacadihii hore ee saakay, kuwaas oo ku saabsanaa carruur saqiiro ah oo usoo lugeeyay Iskuulada markii loo xiray wadooyinka Madaxweynaha waxaana markii ay Iskuulkooda lug ku soo gareen celiyay ciidanka ilaalada Madaxweynaha.
Cumar Carte Qaalib, oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland. Marxuum Qaalib ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa, waxaana haatan socota qabanqaabada Aasitaanka marxuumka.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii 14-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada ayaa Ansixiyay Xeer Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo ay Golaha horgeysay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland. Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 37 Mudane, ayaa qodob-qodob looga dooday xeerka illaalinta Af-Soomaaliga, iyadoona ugu dambeyntii cod gacan-taag ah ay ku ogolaadeen 34 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamustay 3 Xildhibaan. Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa faraya goobaha ganacsiga iyo dhamaan goobaha lagu qoro boorarka inay ku qortaan magac Af-soomaali ah, waxaana cidii ku xadgudubta xeer lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 15,000,000(Sadex Malyan ilaa…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), oo uu wehlinayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed, ayaa Qasriga uu ka degan yahay Magaalada Jowhar ku qaabilay Wafdiga ka kooban Wasaaradda Arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka Madaxda iyo Waftiga Hay’adaha Dastuurka oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubayr ayaa looga hadlay aragtida Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay oo ay hay’adaha dastuurku soo dhammaystireen. Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay latashiyo badanna ay kala soo yeesheen Hay’adaha kala duwan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, kaddib safar muddo qaatay oo uu ku maray dalal kamid ah Bariga dhexe oo uu kamid yahay Dalka Imaaraadka carabta. Madaxweyne Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay Wakiilka Puntland ee Dalka Kenya, Siyaasiyiin iyo xubno katirsan Baratakoolka Madaxtooyada Puntland, iyadoona soo dhaweyn kaddib loo galbiyay Hoyiga uu ka dagayo Magaalada Nairobi. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo ku sugnaan doona Nairobi, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda Dowladda Kenya iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa kulano la yeelanaya Siyaasiyiin…
Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ka horyimid Guddiyadda Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ee ay magacaabeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Dowlad Gobaleedyada, sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in Guddiga ay magacowday Xukuumaddiisu yihiin Shaqaale katirsan Xafiiskiisa iyo Hay’adda NISA ee uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin. Hadaba Maxaad ka taqaan Magacyada xubnaha ku jira Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed ee katirsan Taliska NISA. Heer Federaal” 1)Maxamed Xasan Maxamed ( Kornel ,NISA)Shaqada: ( Madaxa waaxda Diiwangilinta ee NISA) Qabiilka…
Daahir Maxamuud Geelle, Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta ay Mucaaradku ku diidan yihiin Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ee DFS iyo qaar kamid ah Dowlad Gobaleedyada taageersan magacaabeen. “Dowladda in ay Guddi soo magacawday ayadaa awood u leh, laakiin waxaan ku diidnay taageeraasheedi in ay Garsoorayaal nooga dhigtay” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Madaxda Sare ee dalkaas. Axmed Madoobe ayaa diyaarad khaas ah ka qaaday Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, isagoona u tagay Dubai arrimo la xariira xoojinta xiriirka Jubbaland iyo Imaaraadka carabta oo taageero siiyo qeybo kamid ah Ciidanka Jubbaland, iyo Doorashooyinka 2020/2020.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax lagula eegtay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Ciidammo katirsan AMISOM, iyadoona dhawaqa Qaraxan laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho. Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Kolonyo kamid ah Gaadiidka Gaashaman ee Ciidanka AMISOM, waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxa. Ciidanka AMISOM ayaa qaraxa kaddib furay Rasaas xooggan, waxaana jira khasaare ka dhashay oo soo gaaray dad Shacab ah.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa xayiraad kusoo rogay saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ay ku eedeysan yihiin weeraro kala duwan oo ka dhacay Geeska Afrika sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Xukuumadda Washington ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso sanadkii 2008, hoggaamiyaashooda waxaa madaxooda la dul dhigay adduun lacageed lagu abaalmarinayo dadka fududeeyo xogtooda, sidaas ayay u galeen liiska shaqsiyaadka la doon-doonayo. Magacyada labada Ruux ee Xukuumadda Washington daneyneyso ayaa kala ah: Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalin Ayman, waaxda arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegtay in lala wareegayo Hantida ka taalla Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa qirtay in Cabdullaahi & Maalin ay yihiin khubaro sare oo…
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax, oo safar shaqo ku jooga Puntland ayaa maanta booqday deegaanka Jibagale ee duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, halkaa oo ay ka billaabatay diiwaangelinta Qoysaska uu Ayaxa saameeyay ee beeralayda ah, kuwaas oo taageero dhaqaale ay siinayso Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP. Wasiir Duraan ayaa waxaa booqashada ku wehlinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Hodan Siciid Xasan iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda WFP, Iyagoona Warbixin ku aadan habka diwaan gelinta u socota iyo nooca ay yihiin dadka loo baahan yahay in la diiwaan gesho…
Qarax Ismiidaamin ah oo galaafta nolasha 6 Ruux oo uu ku jiro qofkii fuliyay, ayaa maanta ka dhacay maqaaxi ku dhow Dugsiga Tababar Ciidammada Booliska Dowladda Puntland ee Jenaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof oo rayid ah, waxaana xilliga Qaruxu dhacay fadhiyay maqaaxida Dad Rayid ah iyo Boolis, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Af-hayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha cusub gobolka Shabeelaha Hoose. Madaxweyne Lafta-gareen oo khudbad dardaaran ah ka jeediyey Munaasabada dhaarinta ayaa tilmaamay howlaha Horyaala Gudoomiyaha iyo Dadaalada Dowlada ay ku bixisay dib-u-xureynta Gobolka.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafdigan oo isugu jira Agaasimeyaal, la taliyeyaal iyo xubno farsamo, ayaa Garoowe kaga qeybgalay Shirka iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo la isku weydaarsanayo khibradaha shaqo iyo habka maamul ee Hay’addaha Dowladda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdiweli Timacade iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaraddaha Puntland oo ay isku shaqo yihiin Agaasimeyaasha ka socda Koonfur Galbeed.
Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Gen. Giovanni Caravelli, uu la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, iyagoona ka wadahadlay sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.
Wargayska lagu magacaabo Washinong Eximar ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray maqaal dheer uu kaga hadlayo xiriirka ka dhaxeeyo taliyaha hay’adda naba sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Fahad Yasin iyo urur waynhaa al-Qaacida oo ka dagaalamo meelo badan oo dunida kamid ah oo ay Soomaaliya ku jirto. Wargayska ayaa maqaalkan ciwaan uga dhigay “Madaxa sirdoonka Soomaaliya waxa ay wadashaqayn kala dhaxeesaa al-Qaacida, ee sideen u maal galinaa”. Soomaaliya ayaa waxa ay kamid tahay dalalka ay lacagaha badan ku bixiso dowladda Maraykanka, sanadihii ugu danbeeyay Marayakan waxa uu soomaaliya ku bixiyay boqolaal milyan oo doolar. Bishii aynu kasoo gudubnay safiirka…
Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay Wasaaradda Waxbarashadda, Jaamacadaha, Aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka wada-tashida oo lagaga hadlayay Hindise-Xeereedka ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa dhinacyada oo dhan waxa ay si saraaxad leh qodob qodob ugu falan-qeeyeen Hindise-xeeraadkaas oo ku jira akhrintii labaad kaas oo hor-yaala Golaha Wakiillada si ay aqoontooda iyo khibradooda ugu biiriyaan.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Mudane Awil Mahamed, oo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa booqday Xabsiga weyn ee Qardho, Maxkamadda, Xafiiska xalinta Khilaafaadka ee Odoyaal dhaqameedka iyo Xarunta Gobolka Karkaar. Wasiir Xaamud ee ayaa sheegay in socdaalkiisa Qardho uu la xariiro u kuurgalida xaalada Maxaabista ku xiran Xabsiga weyn, habsami u socodka Cadaladda iyo xalinta Khilaafadka ee bulshada soo kala dhexgala.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa uga digay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor inuu ka shaqeeyo ajande doorashada Federaalka, isagoo kula taliyay in aanu Galmudug dib ugu celin halkii ay beeshay 2016. “Anaga waxaan aaminsanahay in Galmudug gudaheeda looga shaqeeyo ku fiican tahay, laakiin meesha Galmudug marka hore beeshay haddana beeleysa waxa waaye, marka ajande doorasho Federaal looga shaqeeyo 2016 halkaas ayay beeshay oo waxaa la isku dayay doorashadii xamar in looga shaqeeyo, wixii ka dhacay waa la ogaa, haddana tii ayaa socoto, Madaxweynaha waa uga digaynaa, Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka danta galmuudug haka shaqeeyaan, haddii ay…
Darawalada uu gaadiidkooda ku shaqeeyo Dhaweeye ayaa magaalada Garoowe ku dhigay maanta Banaanbax ay kaga Cabanayaa lacag dheeraad ah oo ay ku soo rogtay shirkada dhaweeye. Magaalada Garoowe ayaa saakay uusan ka shaqaynay adeega dhaweeye kadib markii shirgadu gaadiidka lacag saartay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, ayaa looga hadlay xaalada doorashada iyo muranka ka jira Guddiyada doorashada ee ay soo magacawday dowladda Federaalka.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Dowladda Puntland ayaa dayactir iyo qalabeyn ku sameysay ceelka biyaha Tuulada Baqbaq ee Degamada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. Dayactirkan ayaa yimid kaddib markii Dadka deegaanku ay codsadeen in la tayeeyo qalabka Ceelkan, oo ay ka cabaan Dadka Tuulada Baqbaq iyo Reer Miyiga ku xeeran. Wakaaladda Horumarinta Biyaha Dowladda Puntland ayaa dhowaanahan ku howlaneyd sidii looga hirgalin lahaa deegaanada Puntland Ceelal biyoodyo cusub iyo sidii dayactir loogu sameyn lahaa ceelasha biyaha ee horey u jiray.
War kasoo baxay ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa lagu faah-faahiyay howlgal dhacay marar kala duwan oo lagu qabtay xubno katirsan oo u kala qaabilsanaa Gobollada Shabeelooyinka & Hiiraan oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle. Ugu horeyn warka kasoo baxay DANAB ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolladaas, halka gacanta lagu dhigay saraakiil kala darajo duwan. DFS ayaa soo bandhigtay magacyada xubnaha & waxyaabaha ay u qaabilsan yihiin waxaana kamid ah: Madaxa Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali, Madaxa Maktabka waxbarashada Dumarka ee Deegaanka Ceel cade oo lagu magacaabo Cali…
Agaasima Guud ee Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah Sharmaake Xasan Cali Ayaa saaka Ka qayb galay Aqoos is waydaarsi u dhexeeya Wasaaraddaha Qorshaynta Puntland iyo koonfur galbeed aqoon Gaar ahaan Waaxyaha Korjoogtayna iyo Qiimaynta (ME) ee Labada wasaaradood. Aqoon is Waydaarsiga ayaa Daarna Sidii Puntland uga Caawin Lahayd Koonfur Galbeed Wixii Khibrada ee ay dheeratahay Mudadii 22 sano ahaa ee ay Jirtay Puntland Aqoon is waydaarsigan ayaa Socon doona ilaa khamista iyadoo waax walba la kulmi doonto dhigeeda . Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharmaake Xasan Cali Ayaa uga war Bixiyey dhigiisa Qorshaynta Koonfur galbeed Sida waax…
Doon kalluumeysi oo laga lee yahay Dalka Yemen ayaa kusoo caaridday xeebaha Degmada Gumbax ee Gobalka Gardafuu, kaddib markii ay ku timid cillad dhanka matoorka ah. Doontan ayaa xilliga ay soo caarinaysay ku sii jeeday Degmada Xaafuun, waxaana la socday 5 Shaqaale ah oo kasoo jeeda dalka Yemen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Gumbax ee Gobalka Gardafuu Mudane Maxamuud Axmed Muuse. Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay inay socdaan dadaalo dib loogu celinayo Badda Doonidan, taa oo u kireysan Shirkad Kalluumeysi oo ku taal Degmada Xaafuun.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Marwo Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa maanta soo xirtay Shir looga hadlayay xaalada Deegaanka Soomaaliya oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garoowe Caasimadda Puntland. Shirka oo intii uu socday si gaar ah diirada loogu saaray sidii looga faa’ideysan lahaa khibradda Puntland ay u lee dahay Mashruuca Biyoole oo ah mid ka shaqeeya awoodsiinta xoolalayda iyo beeralayda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiinta ka socota Wasaaradaha Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Doon sida 49 Qoys oo qoxooti Yemeniyiin ah kana soo cararay colaada Dalka Yemen ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaartay Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa kusoo dhowaysay Dekedda Boosaaso Qaxootigan, iyagoona loo sii gudbiyey Xerada Qaabilaadda Qaxootiga ee Magaalada Boosaaso.
Ciidammada Booliska Dowladda Puntland, gaar ahaan Qeybta Goodir ayaa howlgallo ka dhan ah ka ganacsiga Maandooriyaha iyo jarista dhirta ka sameeyay Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federalka Soomaaliyaa Durhaan Faarax iyo wafti uu Hogaaminaayey, ayaa maanta soo gaaray Magaalada ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Hodan Siciid Xasan oo ay weheliyaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Fadaraalka Soomaaliyaa ayaa Puntland u yimi hawlo shaqo iyo Xoojinta xiriirka Labada Wasaaradood, sidoo kale wasiir Duraan, waxaa ku wehelinaayey Safarka Madax ka tirsan World Bank ee barnaamijka Baxnaano, madax ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha…
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax kasocotaay Haayadda UN-OCHA. Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa sidii wax loo qaban lahaa Arrimaha Bini aadan-tinimadda, Ladagaalanka Ayaxa ku hubsaday Deegaanada Puntland, iyo ka hortaga Masiibooyinka dabiiciga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayo xoojinta wada-shaqeynta Laamaha ammaanka iyo Suxufiyiinta oo ka furmay Garoowe. Kulanka oo socon doona Labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Puntland Eng. Maxamed Ciise Cismaan, Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) Maxamed Daahir Ceynsane, Masuuliyiinta Warbaahinta iyo Qareeno madax-banaan. Kulankan oo ah kii 6-aad uuna soo qaban-qaabiyay Ururka MAP ayaa ujeedku yahay isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya warbaahinta Iyo laamaha amaanka Puntland.
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa bilaabay olale lagu soo afjarayo colaada Dalka Itoobiya ee u dhexeeysa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali iyo Ismaamulka Tigreega, kaas oo galay todobaadkii 2-aad. Madaxweyne Museveni ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Kampala Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Demeke Mekonnen Hassen, iyagoona ka wada-hadlay arimaha nabada iyo amaanka ee saameynaya itoobiya xiligan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Museveni. Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda ayaa intaas ku daray “Dagaal ka dhaca Itoobiya wuxuu qaaradda oo dhan siin doonaa sawir xun. Dhibaatada Afrika haysata ayaa ah in…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland ayaa soo xirtay kulan imtixaan looga qaadayay 35 kamid ah Garsoorayaasha Kubadda Cagta Puntland ah.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa C/qaadir Shekh Maxamed Nuur Siidi u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose. Agaasimaha Warfaafinta Iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyadda DGKGS Mudane Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow, ayaa la wadaagay Warbaahinta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Ismaamulka Tigreega ayaa lagu sheegay in Weerarkii Axadii lagu qaaday goobo kamid ah deegaanadooda loo adeegsaday diyaarado caalami ah iyo Hub aan oolin Africa, ayna waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay xubnaha Golaha Adeegga garsoorka oo ay u soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya. Kulankoodii 6-aad Kalfadhiga 8-aad oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 145 xildhibaan, kuwaas oo si Wadajir ah u ansixiyay Guddigan. Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaa loo qeybiyay sidoo kale Qoondaha miisaaniyadda 2021. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka usoo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta sheegtay in ay qabsatay magaalo kale oo ku taal woqooyiga gobolka Tigray ka dib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal culus ka socday waqooyiga dalkaas kuna sii fiday wadanka dariska la ah ee Eritrea. Boqolaal ayaa ku dhimatay, ugu yaraan 20,000 oo qaxooti ah ayaa u cararay dalka Suudaan waxaana jira warbixino sheegaya xasuuqyo tan iyo markii uu Abiy amar ku bixiyay duqeymo xagga cirka ah iyo weerar dhulka ah oo lagu qaado taliyayaasha Tigray ee diidan maamulkiisa. Colaaddu waxa ay khatar gelin kartaa furitaanka dhaqaale ee dalkaasi, waxay kicineysaa dagaalo qowmiyadeed oo ka…
Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa maanta daah-furay qandaraas horay loo soo xayaysiiyay oo ku saabsan qalabka iyo System-ka diiwaangalinta codbixiyaha Doorashooyinka Puntland. Qandaraaskan oo ay soo codsadeen 4 shirkadood ayaa daah-furkiisa waxaa kasoo qaybgalay Daladda daneeyayaasha aan Dowling aheyn ee Puntland (PUNSAA), Safaaradda Denmark iyo Hay’adaha InterPeace iyo SAHAN oo qayb ka ah Guddiga Qiimaynta Qandaraaska. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inay dhowaan shaacin doonaan Shirkadda ku guulaysata qandaraaskan, marka lasoo dhameeyo qiimaynta ay isla samaynayaan Guddiga iyo khubarada ka socota hay’adaha caalamiga ah.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlayay TV–ga Universal ayaa sheegay in doorasho aysan iyagu raali ka aheyn marnaba lagu qabin karin sida uu hadalka u dhiggay magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u muuqda markaa in uu ka hadlayo doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka mid noqonaya mudanayaasha cusub ee Golaha Shacabka ee la soo dooranayo dhawaan. ”Qof walba oo raba in uu xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka soo socda waxaa la marsiinayaa xarunta Nabad-sugida oo ay tallo lacag ay Dowladda Qatar ugu tala–gashay in uu xildhibaankaasi ku soo baxo, waxaan rabaa in aan u sheego dowladda in doorasho…
Odhaahda Maanta (Talk of the Town)Los Angeles, California, Nov 15, 2020 Dulmar Arimaha Dagaalka Tigre iyo Aragtida Aduunka Dagalkii ka bilowday Gobolka Tigree November 4, 2020, weli wuu socdaa. Qorshihii ahaa in uu noqono dagaal dhowr beri ku afjarma oo bar tilmaamsan doona madaxda iyo dhufaysyada TPLF, hadeer waxaad moodaa in u diga rogtay (1) dagaal balaadhan oo taabanaya Itoobiya, Ismaamulada Axmarada iyo Canferta, Tigree, iyo Ereteriya; iyo (2) dagaal noqon kara dagaal sokeeye. Waxaan inaba sheki ku jirin in Axmaaro iyo Tigre si gaar ah isku bar tilmaamsanayaan. R/W Abiy waxa uu dagaalkan ku sifeeyey sharci socodsiin (law and…
Dhawr dhalinyaro ah oo gacan yarayaal u ah horboodayaasha kooxda hada awoodooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Madaxtooyada Puntland ay sii wiiqmayso ee Aaran-jaan,ayaa Turkiga jooga. Maxamuud Shido,Cali Gaab iyo Xasan Shire waxay tagi doonaan Turkiga sida ilo kala duwan ii xaqiijiyeen. Ujeedka Ragaas waa in ay la kulmaan Khayre oo ay rabaan in ay Wakiil uga noqdaan dhanka Puntland soo saarista Xildhibaanada. Aaran-jaan waxay ciyaarayaan laba Kaar oo kala ah… 1.Hadii Khayre guulaysto RW awood qaybsiga ha idin siiyo. 2.Haduu guuldaraystana ka hela Kacag iyo Xildhibaano aad soo saarateen. Madaxweyne Deni waa ka diiday qorshahooda dulaalnimo sida xogo la…
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 16-ka November 2020 waxa ay yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, iyagoona ka wada-hadlaya saddex ajende sida ku cad fariinta loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya. Qodobada maanta horyaalla Golaha Shaabka waxa ay kala yihiin: 1-U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, xili ururka Qareennada Soomaaliyeed uu ku baaqay in uusan golohu ansixin, maadaama si sharciga baalmarsan ay ku magacaawday Xukuumaddii Xil-gaarsiinta 30/7/2020. 2-U codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo loo gudbiyay golaha shacabka si xubnahaan oo shaqadoodu tahay la dagaalanka is daba mareynta ay u shaqo galaan. 3-Aqrinta 3aad ee Hindise…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ogalaaday Wada-hadalo dhexmaro Isaga iyo Hoggaanka Ismaamulka Tigreega, sida ay kusoo waramayso Warbaahinta caalamiga ah. Wada-hadalkan oo ka bilaaban doona dhowaan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Ugandha, ayaa waxaa garwadeen ka ah Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo IGAD. Wada-hadalkan ayaa hadii ay bilowdaan waxay guul Siyaasadeed oo taariikhi ah u tahay Ismaamulka Tigreega, halka ay guuldarro u tahay Maamulka Abiy Ahmed ee duulaanka ku qaaday Tigreega.
Shir looga hadlayo Arrimaha Deegaanka iyo Mashruuca Biyoole ayna ka qeyb- galayaan Masuuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa ka furmay magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa warqaddan u diray beesha caalamka, isagoo ku sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay sharcigii ku tunteen isla markaana ay nidaam sharciga baalmarsan u mareen magacaabista guddiyada doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa daah-furtay kulan ku saabsan aqoon isweydaarsi oo dhexeeya Shaqaalaha Wasaaradaha Puntland iyo Koonfur Galbeed . Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta iyo Waxbarashada Puntland iyo Agaasimaha Qorsheynta Koonfur Galbeed. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdiqafar Cilmi Xange, oo ka hadlay Madasha ayaa si diiran u soo dhaweeyey Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha ka socday Koonfur Galbeed, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay Iskaashi dhanka Ganacsiga, Amniga, Wada shaqaynta Haayada Dowladaha Puntland &…
Ciidanka Booliska Gobalka Bari ayaa bilaabay howlgallo lagu xoojinayo Amniga Gobalka, iyagoona baaris ka sameeyay dhulka Buuraleyda ah ee u dhexeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo. Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa hubinaya Gaadiidka galaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, oo dhowaan marti-galinaysa doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka BJFS. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay Shacabka inay kala shaqeeyaan Ciidanka xoojinta Amniga.
Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka wasaraadda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muse Iyo Xubno ka Tirsan Wasaraadda. Kulankan ayaa U jeedkiisu ahaa Dar-dargalinta Howlaha shaqo ay ka hayso wasaraaddu Gobolka Iyo sidii looga wada hadli lahaa Baahiyaha Taagan. intii uu socday kulanku ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa Garoonka Kubadda Cagta Ee Bosaaso, in shaqo Abuur loo sameeyo Dhalinyarada Gobolka Iyo sidii looga shaqeyn lahaa hormarka Gobolka Bari.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka ee weyn, qeybta casriga ah ee loo dhisayo soo dhoweynta martida oo booqashada ah, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaaday bilicda Qasriga Madaxtooyada. Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la…
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Dalka Dib ugu so laabtay ka dib Safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa Dalka Turkey. Lafta-gareen ayaa dalka Turkiga uga soo qeyb-galay kulamo qarsoodi ah oo ay abaabuleen Sirdoonka Dalka Qatar, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen QoorQoor-ka hoggaansha Galmudug, Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ku dhow Villa Soomaaliya, loogana hadlayayarrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeryooday Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo kula kacday deegaan qiyaastii 12-KM kaga beegan galbeedka Tuulada Dharkayn-geenyo ee koonfurta gobolka Sool. Saddexda ruux ee Miinadu dishay oo ahaa Rag xoolo dhaqato ah, ayaa geeridoodu timid kaddib markii mid kamid ah uu ul ku garaacay miinada oo afkeedu kasoo jeeday dhulka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo ku hadlaya magaciisa, kan wasaaradda ayaa ka tacsiyeeyay geerida Dr Ismaciil Ciise Rooble (Dr Rooble). Wasiirka ayaa xusay in wasaaradda caafimaadka ay ogsoontahay kaalintii muhiimka ahayd ee Dr Rooble kaga jiray caafimaadka, waxaana uu Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Reer Puntland,eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.
War kasoo baxay Kooxda AlShabaab oo xiriirka dhaw la leh Ururka Alqaacidda ayaa lagu sheegay iney la wareegeen deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla Inta dhaxeysa Magaalooyinka Guriceel Iyo Dhuusamareeb gaar ahaan Caasimada Galmudug. AlShabaab ayaa sheegay iney hada gacanta ku hayaan deegaankaasi oo horay howlgalo uga fuliyeen Ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug. Wali wax war ah kama soo bixin hogaanka Ciidanka Xoogga ee Jooga Gobalkaasi iyo Mas’uuliyiinka Maamulka Galmudug oo looga hadlayo dhaq dhaqaaqa ay wadaan Kooxdan.
Madaxweynaha Ismaamulka Tigreega Debretsion Gebremichael, ayaa xaqiijiyey in ay xalay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Casmara ee caasimadda Ereteriya. Madaxweyne Debretsion ayaa sheegey in garoonkaas laga soo abaabulayey howlgal ka dhan ah iyaga. Gantaalo culus ayaa xalay lagu garaacay goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea, ayna kamid yihiin Garoonka diyaaradaha Asmara, Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Xarunta Xoogga Korontada iyo Saldhig Ciidan.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa ka hadlay dagaalka mudada dheeraaday oo ay dowladda Soomaaliya kula jirto Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya. Amb, James Swan waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo khatar amni iyo mid horumarineed ku ah dalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii wado dagaalka lagula jiro. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo la hadlay Wargeyska Daily Xayaat ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in weli ay Al-Shabaab yihiin kuwo…
Dhawaqa Madaafiic culus ayaa markii labaad goor-dhaweyd laga maqlay Magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea, iyadoona xaalad Jahwareer ah caawa ay ka jirto Eritrea. Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicdan cusub ay ku dhaceen Xarumo muhiim ah oo ku dhow Madaxtooyada Asmara. Talaabada ay Tigreegu ay ku duqaynayaan Caawa Asmara ayaa muujinaysa Awooda balaaran ee ay heystaan iyo in dagaalka cagaha la galay Guud ahaan Gobalka Geeska africa. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.