Madaxweynaha Ismaamulka Tigreega ahna Hoggaamiyaha TPLF Debression oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Abiy Ahmed ay duqeeyeen warshadaha Sonkorta ee Wolkeyt, iyo xarunta korontada ee Takaze. “Kooxda Abiye Ahmed ee guuldaradu dhankasta kasoo gaartay ,waxay maanta diyaarado ku weerareen warshadaha Sonkorta ee Wolkeyt, kahorna waxay la duqeeyeen xaruunta korontada ee Takaze.” ayuu yiri Madaxweyne Debression. Madaxweynaha Tigreega ayaa intaas ku daray “Ciiddamada Tigreegu ficiladan jawaab celin lagaga aargoosanayo ayay sameyn doonaan.Goobo gaara oo la xulay ayaan duqayn doona”.
Author: Jibril Qoobey
Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee (TPLF) ayaa caawa gantaalo ku garaacay airport ka Asmara Iyo wasaarada warfaafinta Eritrea saacado kadib marki ay maanta ku hanjabeen in ay ka aargudan doonaan duulaanka qarsoon oo ay Eritrea qeyb katahay sida ay sheegeen. Warbaahinta ayaa ku warantay in ay Asmara Korontada ka tagtay marki ay kusoo dhaceen gantaalada culus ee sida la sheegay laga soo gamay dhanka gobolka tegree.
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037. Miisaaniyadda ayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey iyadoo lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka qeybgalay Xaflad isugu jirtay Cash sharaf iyo Sogootin ay usameeyeen Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada Koonfur Galbeed ee ku nool Dalka Turkia gaar ahaan Magaalada Istanbuul. Madaxweynaha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed uga mahadceliyey Xaflada ay usameeyeen waxaana uu Warbixin ka siiyey Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Lagu Tilaabsaday Dhinacyada Amniga,Dhaqaalaha,Dib-udhiska,Hormarinta Waxbarashada,Cafimadka,iyo Taabigelinta kaabayaasha Dhaqaalaha, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale Jaaliyada ku Bogaadiyey inay maal gashadaan Deeganada si ay qeyb uga qaaatan Hormarka haatan Dalka uu ku Tilaabsaday. Kulankan ka dhacay Magaalada Istanbuul ayaa ahaa Mid ay so…
Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ee PSF-ta iyo Daraawiish-ta ayaa Howlgallo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay tuulada Karin iyo buuraleyda Ceel Onkud iyo Muguc, kuwaas oo 45-KM dhanka koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Deegaanada Howlgalka ay ka sameeyay Ciidammada ayaa waxaa Saldhig ku leh Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Hoggaamiyayaasha gobolka Tigray-ga ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan Eritrea, ayaga oo sidoo kale sheegay inay weeraro ku qaadeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Amxaarada. Weerarada lagu qaaday garoomada – iyo hanjabaad la xiriirta kuwa kale oo dheeri ah inay qaadi doonaan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalka uu saameeyo gobolka oo dhan, Weerarada oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa lala beegsaday labada magaalo ee Bahir Dar iyo Gondar ee gobolka Amxaarada oo deris la ah kan Tigray-ga. Dowladda federaalka Ethiopia ayaa qiratay in garoomada diyaaradeed ay gaareen waxyeelooyin, halka dhaqtar ku sugan magaalada Gondar uu sheegay…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Dhabancad, oo ay wehliyaan Wasiir katirsan Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo. Shirka ayaa looga hadlay dardargalinta amniga, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha Dowladda iyo bulshada, Daadajinta Adeegyada bulshada, iyo Dardar-gelinta howlaha shaqo ee Horyaala Guddiga amniga.
Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa lagu soo Waramayaa iney dhoolatus Milatari oo Cirka ah si Wadajir ah ugu qabanayaan Wadanka Sudan. Dhoolatuskan Milatari oo la sheegay inuu soconayo mudo labo Todobaad ah ayaa ka dhacaya Saldhiga Cirka ee Merowe Air Base ee Sudan, waxaana Halkaasi gaadhay Diyaaradaha Dagaalka Masar. Waana dhoolatuskii koobaad ee Ciidamada Cirka labada Wadan si Wadajir ah u qabanayaan tan iyo Markii ay horaantii Bishan kala Sexeexdeen Heshiis Iskaashi Milatari oo iskugu jira dhinacyada Cirka, Dhulka iyo Badda oo lagu difaacayo danaha Labada Wadan. Dhoolatuskan ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadadii lasoo dhaafay lagu kala kacay Wadahadaladii udhexeeyay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Faarax Cabdi Diini u magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble uu u magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Cabdi Wardheere oo loo yaqaano Cali Yare ayaa kamid ahaa u Ololeeyihiisii Baraha bulshada iyo banaan baxyada, waxaana uu caan…
Laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Ethiopia ayaa gelinkii danbe ee Jimcaha gantaalo lagu garaacay, dowladda Ethiopia ayaa xaqiijisay maanta oo Sabti ah. “Gantaal ayaa loo riday dhanka magaalooyinka Bahir Dar & Gonder. Natiijada ayaa ah in aagagga garoonnada diyaaradaha ay soo gaareen burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gondar qayb ahaanna wuu burburiyay ayuu yiri Awoke Worku, oo ah afhayeenka aaga bartamaha magaalada Gonder. Gantaalka labaad ayaa isna ku dhacay meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bahir Dar. Dawladda ayaa weerarkan ku eedeysay xisbiga…
Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga oo ay soo gudbisay Golaha Xukumadda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa soo Akhrinaya Xeerkan maalmaha soo socda, iyagoona intaas kaddib ka yeelan doona dood, ugu dambeyna u qaadi doona codka kalsoonida.
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku eedeeyay beesha Caalamka in aysan siin maamulkiisa xilligii la dhisayay wax taageero ah. Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay in beesha Caalamka ay ka gaabisay in ay taageero dhanka dhismaha maamulka ah ay siiso Hirshabeelle oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan, isagoona intaas ku daray in isku tashi maamulka dhexdiisa ah lagu dhisay Hirshabeelle markii ay waayeen wax taageero ah.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa beeniyay warar ay baahisay qaar kamid ah Saxaafadda Soomaaliya iyo caalamka oo ku aadan in diyaaradda Shirkadda Ethopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadeedii magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in Diyaaradda Ethopian Airlines ay Caasimadda Puntland ee Garoowe ay timaado 4 maalmood, isagoona ugu baaqay Saxaafadda inay iska hubiyaan xaqiiq ahaanta wararka ay u gudbinayaan Bulshada.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Xaruntooda Garoowe ku yeeshay maanta kulankoodii 13-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha ayaa Ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland, kaas oo maalmihii u dambeeyay ay Mudanayaashu ka lahaayeen Dood adag. Kulanka Xildhibaanada oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa soo xaadiray 38 Mudane, iyadoona 36 Xildhibaan ay u codeeyeen meelmarinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, halka uu diiday 1 Mudane, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan. Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob, ayna soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa magacaabay Guddiga KMG ah oo soo diyaariya saameynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, kaas oo ka kooban 9 Xildhibaan.
Hay’adda Cilmibaarista Heritage ayaa Warbixin ay soo saartay ku dhaliishay qaabka ay ku socdaaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiga doorashooyinka ee dhawaan lagu dhawaaqay. Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka. Heritage ayaa sheegtay in guddiga loo xil saaray in doorashada ay qabtaan ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada…
Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaaso ee xarunta Gobalka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaal xaafadeed dhexmaray dhalinyaro Laba Garab ah, oo ku dagaallamay gudaha magaalada. Ciidanka dilka geystay oo katirsanaa Qeybta Booliska Gobalka Bari, ayaa doonayay in ay xir-xiraan dhalinyarada dagaallamay, iyagoona Rasaas xooggan u adeegsaday dhalinyarada, taas oo sababtay geerida labada marxuum. Sidoo kale, Booliiska ayaa xabsiga dhigay tiro kamid ah dhalinyaradii dagaallantay, kuwaas oo laba xaafadood isu diriray, islamarkaana qaarkood dhaawacyo qabaan, halka qaar kalena aan weli gacanta lagu dhigin.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeelanaya xaruntooda Garoowe kulan xasaasi ah, kaas oo uu Shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Ajandaha kulanka ayaa ah Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo Goluhu kulamadii u dambeeyay ay ka yeesheen dood adag.
Isgaarsiinta Bahardar ma wacna balse wararka laga helayo waxay sheegayaan in weerar iyo Qaraxyo qorshaysan ay socdaan weli. Dadka weerarkan fuliyay waxay umuuqdaan in ay aad uyaqaanaan Saldhiga. Hada waxaa laysla galay gudaha Taliska Qaybta Galbeed ee Ciidamada Itoobiya. Jibril Qoobey.
Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay Hambalyo iyo bogaadin u direysaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar.
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay khamiistii in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya ee walxaha qarxa , iyadoo ay jirto “qatar weyn” waxaa loo isticmaali karaa soo saarida aaladaha inta badan dilaaga ah ee sii kordhaya ee loo adeegsado weerarada Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale dowladda dhexe Soomaaliya loogu baaqay inay sii wado la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee lacagaha sharci darrada ah ka qaada dadka taasoo khubarada Qaramada Midoobay ay ku qiyaaseen inay ka soo xaroodeen $ 21 milyan sanadkii hore. Qaraarka, oo lagu ansixiyay 13-0 oo ay u codeeyeen Ruushka iyo Shiinaha wuxuu mar kale…
Ugu yaraan 74 tahriibayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii doontii ay la socdeen oo cilladi ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya sida ay Qaramada Midoobey sheegtay . Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 qof oo la socday doonta qalibantay. Liibiya ayaa ah inta badan marinka tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaas doonaya inay gaaraan wadamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan. IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa Madaxweyne KMG ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaas. Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad ku-meel gaadh ah. taas oo aan la ogeyn halka ay ku shaqeyn doonto. Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka Tigreega; markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Abiy Axmed. Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha…
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arrimaha doorashad iyo muranka ka taagan guddiyadii dowladda magacawday ee sida weyn uga soo horjeesteen musharaxiinta Madaxaweynaha, isagoo caddeeyay in Guddiyada sida loo magacaabay ay yihiin, marxaladaha isku xirka u ah doorashadii lagu heshiiyay uu bilowday, doorashadana waqtigeeda ay ku dhaceyso. “Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay, muhiimka waxaa…
Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegyay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux. “Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban kaas oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in saxiixa heshiiskan uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay Maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020. “Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka…
Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax madaxweyne ayaa yiri”Masuul isku kalaoon kama shakin karo shaqada gudiga doorashooyinka,Habraaca doorashada waxay ku socotaa sidii loogu talo galay,ciddii dan ka leh dalka ha taageerto gudiga,Hadafka dowladdu ma aheyn in doorasho dadban la galo ee cadaadis ayaa lagu saaray”. Sidoo kale wuxuu ka hadlay xulista xildhibaanada 2-da aqal ee baarlamaanka kasoo galaya Soomaaliland iyo doorashadii Hirshabeelle
Guddoomiyaha Gobolka Bari ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Golaha Hormarinta Gobolka Bari, kaas looga hadlay bishan xaaladaha Amniga, Cafimaadka, u diyaar-garowga doorashooyinka, iyo dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Boosaaso. Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb-galay dhammaan Guddiga Hormarinta Gobolka Bari, waxaana goobjoog ka ahaa shirka Wasiirka Wasaraadda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan. Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday laga soo qodobo ku aadan Hormarinta Gobalka, waxaana ka warbixiyay Isu-duwaha Wasaraadda Shaqadda Iyo Shaqaalaha ee Gobalka Maxamed Cali Yuusuf. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa waxa uu u mahadceliyey Dhammaan…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ayaa soo jeediyay in deegaanada Puntland laga mamnuuco Aalada Tiktok, oo ah madal inta badan ay dhalinyaradu kusoo gudbiyaan Muuqaalo kooban, oo isugu jira Anshax xumo iyo mada-daalo. Soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa timid kaddib dood adag oo ay maanta ka yeesheen Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo sabtida la filayo inay Xildhibaanadu cod u qaadan.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng Mohamud Hagi Salah, ayaa qorsheynaya inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo inuu iska-casilay xilka, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen xubno ka agdhow Wasiirka. Is-casilaada Wasiirka Maxamuud Xaaji ayaa salka ku heysa khilaafka dhanka Maamulka shaqo iyo dhaqaale oo ka taagnaa Wasaaradda Kalluumeysiga muddo saddex bilood ah, taas oo u dhexeysa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdirisaaq Jaamac Aadan (Taraag), kaas oo ay xal u waayeen Madaxda sare ee Puntland. Wasiirka ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo ku-xigeenkiisa u gudbiyay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Guud, balse…
Af-hayeenka Ciidanka Booiska Dowladda Puntlan ayaakawarbixiyey Howlgaladii ugu Danbeeyay ee Ciidamadda Booliska ay ka Sameeyen Deeganadda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali).
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii 13-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha Wakiillada ayaa doodii labaad ka yeeshay Xeerka Isgaarsiinta Puntland, kaas oo 24 Qodob oo ka mid ah looga dooday kulanka maanta. Qodobada ugu muhiimsan oo dooda adag ka dhaltay ayaa ka mid ahaa Tartanka suuqa xorta ah, si xun u isticmaalida awooda suuqa, Faafreebka, bixinta lambarada iyo kala-noqoshad ruqsadda. Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso…
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Kalluumausiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, kaddib markii ay Talaadadii isku dhex dagaaleen xarunta Wasaaradda.
Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ayaa sheegay in dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed uu ka socda Deegaanka Hol-dooyaale ee Koonfurta gobolka Mudug. Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa Deegaanka Hol-dooyaale, illaa iyo hadana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka socda. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka haatan socda.
Ciidanka Amaanka Gobolka Karkaar ayaa habeenimadii xalay gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo shilin soomaali ah iyo gaarigi waday. Lacagtaan ayaa laga soo qabtay deeganka Alxamdullilah oo ka tirsan degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar, waxaana si sharci darro ah lagu galin lahaa magaalada Boosaso ee Gobolka Barri. Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye iyo Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay ciidanka hawlgalkaan fulliyay, waxa ayna sheegen in dawladdu ay xakameyn doonto lacagaha kaashka ah ee dalka soo galaaya, si loo yareeyo cirir bararka lacagta shilinka Soomaliga ah oo mudooyinkii danbe…
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Qasim oo ka hadashay Xeerka Jinsiga & sida culumada ugu falceliyeen.
Waraaq kasoo baxday Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, ayaa lagu wargaliyay Shaqaalaha Dowladda ee Musharaxa u ah kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama kamid noqday Golaha Wasiirada cusub ee XFS ama Baarlamaanka iyo Xukuumadaha Dowlad Gobaleedyada, sida Hirshabelle ay lumiyeen xuquuqdoodii shaqaalanimo, iyagoona sidoo kale laga dalbaday inay soo gudbiyaan Mas’uuliyadda ay hayeen si looga gaashanto dayac ku yimaada shaqada Qaranka.
Madaxweyne Deni Todobaadkan bilowgiisii waxuu tagay Masar oo uu kula soo kulmay Sirdoonka Dalkaas masuuliyiin sare oo ka mid ah. Maalin kadib waxuu kusoo laabtay Imaaraadka oo markii hore uu ka tagay. Maanta waxuu soo gaaray Adis,waxuuna beri usoo gudbayaa Nayrobi oo ay ku sugayaan Madax Somaliyed iyo beesha caalamka sida wararku sheegayaan. Nayrobi waxaa ka dhici doona kulan madaxda Somalida ah oo laga soo saari doono war ku saabsan Gudiyada doorashada. Sida la filayo Sabtida waxuu kusoo aadan yahay Garowe oo ay ku dhawrayaan Dad fara badan,Baarlamaankii oo kacsan,Wasiiradii iyo Agaasimayaashii oo isu badalay Musharaxiin iyo Dulaaliin Xildhibaan. Madaxweyne…
Bamgacmeed,ayaa lagu weeraray Guriga Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi. Bamgacmedka waxaa ku geeriyooday 3-ka mid ah Ilaalada Wasiirka. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dadka kale. Jibril Qoobey.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, oo maanta ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hambaliyo udirey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Siciid Qolonbi, ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay u adkaysiga Abaaraha Puntland, kaas oo maanta ka furmay Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, Qaar ka mid ah Madaxda Hay’ada Save the Children, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika, Shaqaalaha Iyo Engineerada Wakaaladda biyaha. Mashruucan u adkaysiga Abaaraha ayaa waxaa Puntland ka taageeraya Bangiga Horumarinta Afrika waxaana fulintiisa Mashruucan is ka kaashanaya Hay’ada Save the Children iyo Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.
Shirkadda dhismaha Wadada Ceeldaahir illaa Ceergaabo ayaa wada gaba-gabada calaamadinta Wadada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaa Yalho-Kalabeyr, oo ay Shirkaddu dayactir ku sameysay kaddib markii ay burbur xooggan u geysteen Roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay deegaanada Puntland. Wadadan oo ay dhisayso Xukuumadda Puntland ayaysan jirin wax taageero Caalami ah ay ku bixiyeen Hay’adaha Beesha Caalamka, balse dhaqaalaha lagu dhisayo ayaa ah Canshuurta Dadweynaha Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo…
Daahir Maxamuud Geelle, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay DFS, kana mid ah Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay waxa Mucaaradku ku diidan yihiin Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ee ay magacowday Villa Soomaaliya.
labo Haween ah oo foolanayay ayaa dhiig bax ugu dhintay Deegaano hoostaga Dhuusamareeb, kadib markii ay waayeen gargaar caafimaad, Wasaaradda Caafimaadka ayaa arintan ka hadashey.
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka hadlay Dagaal Beeleedyada & dilalka aanooyinka ay amreen Al-Shabaab, sabab la xiriirta in ay ku wiiqaan awoodda Militari ee DFS iyo DG Galmudug. Wasiir Falagle ayaa u digay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada & shaqsiyaadka kale ee ku lugta leh abaabulka, buun-buuninta iyo garab istaagga dagaal beeleedyada. Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa Hay’adaha Shaqada ku leh garsoorka & sirdoonka ku wargeliyay in ay dabagal ku sameeyaan shaqsiyaadkaan, laguna hubsado ilaa maxkamad si gacan adag loogu qabto.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka hadlayay Daah-furka Barnaamijka Siyaasadda Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan yeeli doonin in lacagaha Hey’daha caalamka uga taageerayaan arrimaha Waxbarashada loo soo marsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay heer sare ka gaartay Hanaanka Waxbarasho, oo ay la tartamayso caalamka, isagoona intaas ku daray in Wasaaradaha Waxbarashada DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ay aqoon kororsi u yimaadaan Puntland. “Siyaasadaha Wasaaradaha DFS iyo Maamullada waxaa laga xigtaa dowladda Puntland xata, markaa lacag in na loo soo marsiiyo u daba fadhiisan mayno DFS”. Wasiirka…
Dr. Gaas Bashiir Cali, oo kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah ayaa sharaxaad ka bixinaya Astaamaha cudurka Macaanka (Sonkorta) oo kamid ah Xanuunada dilaaga ah ee sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay caalamka, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.
Suuqyada kalluunka Boosaaso ayaa laga dareemayaa hoos udhac qiimaha Kalluunka, arintan waxay salka kuhaysaa xilli uusoo batay kalluunka suuqyada loosoo iib geynayo, warbixin kahadlaysa suuqyada kalluunka Boosaaso waxaa noosoo diray.
Qarax ayaa ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia, kaas oo lala beegsaday Mid ka mid ah Biriijyadda ku yaala Magaaladdaasi. Qaraxan ayaa sida ay ku waramayso Wakaaladda Wararka ee Reuters waxa ku dhaawacmay Hal qof.sidaas waxa wakaaladda wararka ee Ruetuers u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ee Dalka Ethiopia. Sarkaalkan ayaa sheegay in qofka dhaawacmay oo ahaa nin uu halkaasi ku waayay lugtiisii.
Yuusuf Axmad Hagar Dabageed ayaa ku guuleystay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, kaddib doorasho goor-dhaweyd soo gaba-gabowday oo ka dhacday magaalada Jowhar. Yuusuf Dabageed ayaa helay 87 Cod, halka Maxamad Maxamuud Cabdulle oo ahaa Musharaxa la tartamayay uu helay 12 Cod.
Raysal Wasaarihii waddanka Baxrayn, Sh.Khaliifa Bin Salmaan Al Khaliifa ayaa ku geeryooday cisbitaal ku yaal Mareykanka, isaga oo 84 jir ah. Wuxuu ahaa Raysal Wasaairhii ugu muddada dheeraa, isaga oo xilka hayey tan iyo intii dalkaasi qaatay xornimada, waana adeerka Boqorka dalkaas.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa u doortay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Madaxweynaha cusub ee 4 sanno ee soo socota Hoggaamin doona Hirshabelle. Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Waxa uu Dhashay 1974-tii Waxa uu Ku dhashay Degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe. Waxbarashada.Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare Waxa uu kusoo qaatay Magaalada Jowhar. Jaamacada.Heerka Darajada Koowaad ee Jaamacada Somali International University Xilalkii waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006. Waxaa uu noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009 Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu si rasmi ah u daafuray Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland, wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso in la horumariyo Waxbarashada. Barnaamijkan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin, Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada Adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo Waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaamada ka fog fog magaalooyinka…
Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, kaddib doorasho wajigeedii kowaad uu soo gaba-gaboobay oo ka socota Magaalada Jowhar. Madaxweyne Guudlaawe ayaa uu helay 86 cod isagoo ka guulaystay musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo helay 13 Cod. Cali Guudlaawe, ayaa horey u ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii Madaxweyne Waare, sidoo kale waxaa uu soo noqday Guddoomiyihii Gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu tilmaamaa Nin aan Siyaasadiisu saaxiib ku dhisneyn, oo qiimeeya dantiisa iyo tan Beeshiisa.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 11-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha Wakiillada maanta ku yeeshay xaruntooda Garoowe. Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta & ka doodista Xeerka Isgaarsiinta Puntland.
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar.
Ayaan Xasan oo ah gabar araga naafo ka ah oo markale madaxwayne deni fariin udiratay. “Madaxwayne Deniyow dareenkii wacnaa iyo damqashadii, maxaa helay ma Diin soo gur guurtaa dalabkaygii soo sida, mise doonistaydii durba waad ilowdoo dan kalaad ku maqan tahay.