Author: Jibril Qoobey

Madaxweyne Axmed Madoobe goor dhow,ayuu uduulayaa Nayrobi oo uu kaga sii horeeyo Deni. Ujeedka socdaalka Axmed ee Kenya iyo kii Deni ee shalay sida xoguhu sheegayaan waa isku ujeedo,waxayna ubadan tahay in ay uga sii wada gudbaan dalal kale. Puntland iyo Jubaland waxay leeyihiin xiriir adag oo soke. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam dib,ayuu ugu laabtay Kismaayo kadib mudo uu ku sugnaa Muqdisho. Axmed Madoobe oo ay ka muuqato farxada guusha uu lasoo laabtay,ayaa waxaa garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo kusoo dhaweeyay M-xigeenada iyo Wasiirada Jubaland. Axmed Madoobe guulo la taaban karo,ayuu kala soo guryo noqday Muqdisho,kuwaasoo laga xusi karo…. 1.Mudo xileedkiisa oo sharciyoobay.2.Khilaafkii G.Gedo oo uu guul ka gaaray3.Doorashadii oo suu rabay laysla qaatay4.Xildhibaanadii Fadaraalka oo uu soo xulayo5.Jubaland oo looga danbaynayo arimaheeda6.Dhaqaale cadaan ah oo xoogaaya. Guusha Axmed Madoobe waxaa suurta galiyay laba arimood oo kala ah… B.Taageerada Puntland ee hiil iyo hooba lahayd. T.Axmed…

Read More

Boqor Burhaan Boqor Muuse si weyn oo maamuus sare leh,ayaa loogu karaameeyay Mudug. Boqorka waxaa laga soo galbiyay Garowe,waxaana Duhurnimadii lagu marti sooray Burtinle oo uu laba habeenna u hoyday. Kadib waxaa loo galbiyay Dekeda Garacad oo lasii marsiiyay Wadada dheer ee Wadaagsin,iyadoo Deegaan walba oo uu sii maro laga horkeenayay soo dhaweyn iyo farxad. Boqorka xalay waxaa xaflad aad loosoo agaasimay loogu qabtay dhismaha Dekeda Garacad gudaheeda. Maanta,ayaa dib loogu soo galbiyay Gaalkacyo. Sida xogtu igu soo gaartay waxaa jiri doona Xoolo goyn gaaraysa 1000-Halaad oo Boqorka loo diyaarinayo. Sida qorshuhu yahay Boqorka waxaa loo galbin doonaa dhanka Ciid…

Read More

Waxa aan ka duulayo mahan isku dhererinta labo Magaalo!! Ujeedkaygu waa hadaf masiiriya oo reer Puntland wada leeyihiin ilaalintiisa. Gaalkacyo waa mid ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee reer Puntland. Gaalkacyo Magaalo ay tahay in aysan dayacmin oo leh ahmiyad Juquraafi oo ay tahay in Puntland joogitaan siyaasadeed ay ku leedahay maalin walba. Majirto khatar xiligan ku wajahan iyo wax looga baqi karo,waxayse ubaahan tahay taxadar joogta ah. Sidoo kale Bosaso waa xarunta ganacsiga Puntland iyo bu’da Umada. Bosaso Magaalo aan la hilmaami karin oo qiimo sare ku leh agtiisa muwaadin walba. Madaxweyne Deni arinka Gaalkacyo dhan buu ka…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay cudurka Coronavirus. Waxaa Sidoo kale xanuunkani laga helay Marwada koowaad ee dalka Maraykanka. Trump,ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in xanuunku haleelay isaga iyo qoyskiisa.

Read More

Dakhli Doorasho kii ugu qaalisanaa abid! Xildhibaan walba ama Seneter kasta,waxaa laga rabaa in uu bixiyo lacag isdiiwaangelin ah oo aan dib ugu soo laabansyn haduu guuldaraysto iyo hadii kale. 1-Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. 2-Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

Read More

Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020/2 Muqdisho, 1 October 2020 Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021 Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21 Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana…

Read More

Madasha Garacad oo ay wada fadhiyaan dhamaan Isimadii oo uu shir Gudoominayo Boqor Burhaan,ayaa la hadlay Deni waxayna ugudbiyeen go’aankooda. Isimadu waxay Deni usheegeen in aysan macquul ahayn in Gaalkacyo la dhaafiyo doorashada oo ugu yaraan 11-Xildhibaan lagu soo doorto Mudug. Deni cadaadis dhan walba ah,ayaa fuulay,waxaana la hakiyay warqadii soo bixi lahayd,iyadoo ay ubadan tahay in wax laga badalo Goobaha Doorashada. Guud ahaan haldoorka Puntland hawadaan cadaadiska Deni lagu hayo. Dhawrkii saac ee udanbeeyay Deni waxaa fuulay culays aan caadi ahayn. Jibril Qoobey.

Read More

Wax la qaadan karo mahan in Farmaajo ku dagaalamo maanta Magaalada labaad ee Puntland doorashadu ka dhacayso in ay noqoto Gaalkacyo Madaxweyne Deni uu diido oo ilaa maanta laysku hor fadhiyo!!! Haduu Deni dhaafiyo Gaalkacyo in ay noqoto Magaalada labaad ee Puntland Doorashada lagu qabanayo waa in reer Mudug kacaan oo si cad uga hor yimaadaan Hogaamintiisa!!. Waa xumaan aan la aqbali karin Deni go’aankiisa uu ugu diiday Gaalkacyo goob doorasho. Qof walba oo reer Mudug ah waa in uu ka dhiidhiyaa arinkan. Qoor-qoor waxuu aqbalay in uu Gaalkacyo keeno 12-Kursi oo ay noqoto goob Doorasho dhanka Galmudug. Jibril Qoobey.

Read More

DEGDEG!!! Qarax xooggan oo hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho . Qaraxaan ayaa laga maqlayey jugtiisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Goobta qaraxu ka dhacay,ayaa ah Isgoyska Black-Sea sida ay iisheegeen goobjoogayaal aan xariir la sameeyey. Waxaa lagu soo waramayaa in Qaraxu ahaa QOF NAFTII HALIGE AH!! Goobta qaraxu ka dhacay,ayaa la sheegay in ay ku taalo fariisin ciidan. Khasaara qaraxa & wiixii soo kordha kala soco wararkayga danbe.

Read More

Farmaajo wuxuu ugudbiyey Ra’isalwasaare Rooble 15-Wasiir oo kuwii hore ah,sida wararku sheegayaan. Rooble waxay ubadan tahay in uusan waxba ku diidin Farmaajo oo uu sidooda usii daayo Wasiirada,sida warku sii sheegayaan. Magacyada 15-ka Wasiir weli banaanka uma soo bixin. Hadii ay sidaa wax udhacaan oo Magacaabista Wasiirada ay Madaxtooyadu uyeeriso Xaafiiska Ra’isalwasaaraha,waxaa lumi doona rajada shacabka ee ah in mudada yar oo ay Xukuumadu haysato waxuun la dhaqaajiyo. Shacabku waxay ka niyad xun yihiin in dib loogu soo celiyo Wasiiradii hore oo dhaliil fara badan loo hayo. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa ilaa habeen danbe ugu danbayn la shaacin doonaa Gudiyada doorashada maamuli doona… Gudiga doirashada heer federaal, Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed. Gudiga xalinta khilaafaadka. Labada Gudi ee hore waxa ay qayb ka ahaayeen heshiiskii la gaaray 17-kii September,balse waxaa siyaada ah Gudiga xalinta khilaafaadka. Guddiga xalinta khilaafaadka,waxaa markii heshiiska doorashada lagu ansixinayey Baarlamaanka soo jeediyey Gudoomiyihii hore Maxamed Cismaan Jawaari Guddigan xalinta khilaafaadka waxaa magacaabi doona Farmaajo,waxaase xubno ku yeelan doona D.Goboleedyada. Labada Gudi ee kale,waxaa kala magacaabi doona Madaxweynaha Fadaraalka iyo Madaxweynayaasha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah. Jibril Qoobey

Read More

Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka,ayaa Gobolka Washington laanta South King County udoortay in ay noqoto Xamdi Maxamed Gudoomiyaha Gudiga Olalaha musharaxiinta Madaxweyne Joe Biden iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris. Waxa xiiso gaar ah leh waxay tahay in Xamdi ay kasoo jeedo Somalida. Sanadihii udanbeeyay waxaa kor usii kacayay saamaynta siyaasada ee Somalida Maraykanka. Jibril Qoobey.

Read More

Weftiga Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Isimada Gobalka Mudug ee uu hogaaminayo Islaan Bashiir,ayaa lagu soo dhaweeyay deegaamada Malaasle,Balanbaleiyo Jariiban ee Gobalka Mudug. Boqor Burhaan, Isimada Gobalka Mudug iyo Gudoomiyaha Degmada Jariiban waxay xariga ka jareen Ceel-biyood ay deegaanka Balanbal ka hirgaliyeen Ururka WORMY iyo Kebarco. Waftiga Isimada ah ee uu hogaaminayo Boqor Burhaan iyo Islaan Bashiir waxay saakay hiirtii Waaberi ka kala heen Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Waftiga Isimada,ayaa la filayaa in ay gaaraan goordhow Garacad oo ay ka socoto dhismaha Dekeda.

Read More

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AMIIRKII KUWAIT INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed. Madaxweyne…

Read More

Awood qeybsiga Dowladdii Daakhiliga 1956 ilaa 1960. 1- Cabdulaahi Ciise Raiisul wazaarihii Dowladdii Daakhiliga oo u dhashay beesha Habargidir. 2- xaaji Muuse Boqore Raiisul wazaare kuxigeen ahaana Waziirkii arimaha gudaha oo u dhashay beesha majeerteen. 3- Cali Jimcaale baraale Waziirkii Arimaha bulshada oo u dhashay beesha Xawaadle. 4-Salaad Aw Cabdi maxamuud Waziirkii maaliyadda oo u dhashay beesha majeerteen. 5- Maxamed Cabdinuur Waziirkii howlaha guud oo u dhashay beesha Abgaal. 6- Xaaji Faarax cali oomaar Waziirkii shaqaalaha oo u dhashay beesha Habargidir . 7- Maxamuud Yuusuf Aadan Muurro Waziirkii waxbarashada oo u dhashay beesha majeerteen. 8- Dr Cali Rooble Waziirkii beeraha…

Read More

Madaxweynaha Fadaraalka,Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ayaa caawa shir uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya. Kulanka,ayaa looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo sida ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen. Waxaa isaguna kulanka goob joog ka ah Ra’isalwasaaraha cusub ee somaliya Rooble. Marka uu kulanku soo gaba gaboobo,ayaa saxaafada loosoo gudbin doona Ajandaha iyo Gudiga doorashoonyinka ee lagu heshiiyay. Kulankaan,ayaana ah mid saxaafadu dibad joog ka tahay. Jibril Qoobey.

Read More

Saaka waxaa gadooday shirikadaha diyaaradaha ee gudaha dalka ka shaqeeya, waxayna joojiyeen safaradii ay ahayd inay maanta ku tagaan gobolada dalka. Shirikadaha,ayaa ka carooday markii Nabadsugidu ay duulimaadyadeedii joojisay mid ka mid ah shirikadaha dalka ka shaqeeya. Buuq,ayaa ka taagan gudaha garoonka,waxaana xayiran boqolaal rakaab ah oo maanta ukala dhoofi lahaa Gobolada Dalka. Duulimaadyada Nabadsugidu joojisay,ayaa aadi lahaa Gobolka Gedo,gaar ahaan Doolow.

Read More

Turkiga ayaa sheegay inuu ku taageeri doono Azerbaijan wax walboo daruuri ah iyadoo uu dagaalku Isniintii galay maalintii labaad kaasoo udhaxeysa Azeri iyo xoogaga Armenia ee isku heysta deegaanka Nagorno-Karabakh, taasi oo calaamad u ah in isku dhacu sii balaaran karo. Isniintii ayaa waxaa la arkayay ciidamada Azeri iyo kuwa Armenia oo is weydaarsanaya madaafiic culus, oo midba midka kale ku eedeynayo inuu bilaabay dagaalka Axaddii. Goobjoogayaashu waxay ugu yeereen dagaalkii ugu dambeeyay ee Nargono Karabakh, mid ka jira gudaha Azerbaijan laakiin ay maamulaan qowmiyadaha Armenia, waana kii ugu xumaa tan iyo 1990-meeyadii. Warbixinnada goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dadka…

Read More

Ato Asmalash Waldaselase oo kamid ah Guddiga fulinta xisbigaTPLF ayaa waraysi siiyay Tiifiga Tigreega,wuxuuna ka hadlay qoddobadan:- ○ Wuxuu sheegay in Deeganka Tigreegu 25-ka Meskerem wixii ka dambeeya aysan qaadani doonin awaamirta iyo sharciyada kasoo baxa Dawladda Federalka. ○ Wuxuu sheegay in Raysal wasaaruhu uusan amri karin ciidamada qaranka. ○ Gollaha wakiilada shacabka iyo Gollaha Federashinku 25-ka Meskerem wixii ka dambeeya innay sharciyadooda waayi doona ayuu sheegay,wuxuuna caddeeyay innaysan matalaad yeelan doonin. ○Doorashada dalka laga qabbanayo ayuu mid sharci darro ah oo aan la aqoonsan karin ku tilmaamay, maaddama Xisbiga Barwaaqo doorasho sharciga baalmarsan uu qabbanayo. ○ Gollaha wakiilada shacabka…

Read More

Kulanka Ra’isalwasaaraha iyo Diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ku sugan,waxaa heer hoose uga soo qaybgalay Safaaradaha Qatar iyo Turki oo usoo dirsaday ku xigeeno kulanka. Dadka la socda Diblomaasiyada Dalka waxay xaqiijinayaan in dhaqankaas uu yahay mid soo jireen ah oo ay ku sameeyaan si joogta ah madaxda Dowlada Fadaraalka. Ujeedka Safaaradahaas,ayaa ah in ay si keli keli ah ula kulmaan Madaxda kadibna dalabaadkooda u muuqda kuwo aan la diidi karin ay hor dhigaan. Qatar iyo Turki waxay isku arkaan Mulkiilayaal mudan in si gaar ah loo tixgaliyo. Balse hab dhaqankaas waxuu ilhaamo ku yahay Dowladnimada Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Sidoo kale Boqorka si balaaran,ayaa loogu soo dhaweeyay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Soo dhaweyntiisa,waxaa ka qayb qaatay Bulshada Degmada oo ay hormuud u ahaayeen Amiir Maxamuud Yuusuf Ciiise iyo Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire. Boqorku caawa waxuu ku hoyanaa Burtinle oo uu uga sii gudbi doono beri Degmada Jariiban,gaar ahaan Dekeda Garacad. Boqor Burhaan kadib Garacad waxuu tagi doona Gaalkacyo oo ku nagaan doono mudo bil ah hadii rabi idmo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Cutubyo ka mid ah Ciidamadii Birmadka Booliska ee dhawaan tababarka kusoo qaatay Dugsiga Xorgoble,ayaa soo gaaray Gobolka Mudug caasimadiisa Gaalkacyo. Ciidankan oo wata Gaadiid iyo Qalab kale,ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka Magaalada. Sida qorshuhu yahay,waxay badali doonaan Ciidamadii halkaas ujoogay hawlgalada ee Badda. Maalmo ka hor,waxaa Gaalkacyo ka anba baxay Askar 80-ah oo tababar ugu xarooday Xorgoble. Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa ka anba bixi doona Mudug ku dhawaad 150-Askari oo Boolis ah,kuwaasoo iyaguna tababar uxaroon doona.

Read More

Boqorka iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa kusoo wajahan Gobolka Mudug saacadaha soo socda. Booqashada Boqorka ee Mudug,ayaa ku salaysan mid caadiya oo uu Deegaanadaas ku marayo. Sida ay ii xaqiijiyeen Masuuliyiin ka mid ah Qasriga Boqorka waxuu booqan doonaa Guud ahaan Gobolka,gaar ahaana Dekeda Garacad oo hada gabagaba maraysa.

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,ayaa gu hambalyaysay Ra’isalwasaaraha xaqiijintiisa maanta ee xilka ra’iisul wasaaraha. “Waxaan ku faraxsanahay in aan u hambalyeeyo Maxamed Xuseen Rooble markii loo xaqiijiyey in uu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.”Ayaa lagu yiri Qoraalka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay safaaradda Mareykanka waxuu ku sii daray intaas.. “Waxaan maanta isku afgaranay Ra’iisul wasaaraha ahmiyada ay leedahay in waqtigeeda lagu fuliyo heshiiskii doorashada, maamul wanaagga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.”.

Read More

Ra’isalwasaare Rooble oo sheegay in uu magacaabayo Khabiir ugaar ah tacadiya lagula kaco Haweenka iyo Caruurta. “Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Magacaabista Khabiirkan,ayaa muhiim u ah la dagaalanka Kufsiga oo guud ahaan Somaliya dhibaato weyn ku haya. Jibril Qoobey.

Read More

Maxaa lagu xasuusan doonaa Raysal wasaare Khayrre? Afar wax oo muhiim ah oo uu taariikhda siyaasadda Soomaaliya ku galay ayaa ah: Raysal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ilaa iyo 1960-kii (saddex sano iyo bar).Raysal wasaarihii ugu dhowaa muddo xileedkiisa Madaxweynihiisa oo ay xafiisyadoodu isku milmeen in kabadan intii loo baahnaa.Raysal wasaarihii ugu horreeyey oo lagu eryo 7daqiiqo oo aan laaluush lagu bixin. (Ugu miisaan siyaasadeed yaraa).Raysal wasaarihii ugu horreeyey oo loo diido inuu xil wareejo, isagoo jooga oo weliba warqad rasmi ah oo codsi ah gudbistay.Waa iska xaal adduun. Juxaa.

Read More

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,ayaa lagu bogaadiyay heshiis labo geesood ah oo ay kala saxiixdeen Dowladda Maraykanka iyo Wasaaradda maaliyadda Xukumada Faderaalka Soomaaliya. Safaaradda,ayaa sheegtay in marka Soomaaliya ay gaarto heerka ugu dambeeya hanaanka dayn cafinta ay ka cafindoonto lacag dhan 1 bilyan oo doollarka Maraykanka ah. “Markay Soomaaliya gaarto heerka ugu dambeeya, “Dhamaystirka Qodobka,” Mareykanka wuxuu cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Maraykanku soo saaray.

Read More

Armenia iyo Azerbaijan ayaa isku diyaarinaya dagaal weyn kadib markii iska horimaad culus uu ka dhex qarxay milatariga Azerbaijan iyo koox gooni u goosato reer Armenia ah, kaasi oo horseeday khasaare nafeed oo shacab iyo militari ah oo soo gaaray labada dhinac. Waa isku dhacii ugu xumaa ee tan iyo 2016 dhex mara Azerbaijan iyo Armenia oo uu uu ka dhaxeyeo muran dhuleed salka ku haya gobolka Nagorny Karabakh. Gobolka Nagorny Karabakh waxa uu caalamka u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan, hase yeeshee waxaa degan dad Armenian ah oo doonaya inay goostaan, waxaana taageera Armenia. Khudbad uu shacabka…

Read More

Kalfadhigii 12-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Badhan oo furmay. Wasiirka arimaha Gudaha Maxamaed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa ka qaybgalay furitaanka Golaha. Badhan waa xarunta Gobolka Sanaag ee Puntland,waana mid ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo,ayaa ka jaawabi Kari waayey dhamaan su’aalihii muhiimka ahaa ee la waydiiyay? Ururka Halgamayaasha Onlf liiska Argigixisada maka saaray mw intaadan xilka ka dagin?? Halgamaa Qalbi Dhagax raali galin maka bixin intaadan xilka waayin?? Ma qiranaysaa inaad ku fashilantay la dagaalan ururka alshabaab?? Ma qiranaysaa inaad ku fashilantay dib u heshiisiintii?? Sool iyo Sanaag maxaad siyaasiyan waxaad raacisay Puntland bini’aadantinimona waxaad raacisay Somaliland?? Aleyle Ninkan waxuu yahay,ayaa soo baxay oo rasmiga ah iyo in Dadkii ku shaqaysanayay, ay Saxaafada ka ilaalin jireen hadana soo tuureen. Kulankii uu dalbaday ee ahaa mid lasoo tifaftiray lana soo diyaariyay ceeb ayaa ka raacday…

Read More

Ra’isalwasaaraha cusub ee Somaliya,ayaa maanta xilkii la wareegay. Sharciyan waxay ahayd in Khayre ku wareejiyo,balse ma dhicin oo waxaa ku wareejiyay Mahdi Guuleed. Sida warar hoose sheegayaan,waxaa hor istaagay Fahad Yaasiin madaxa Sirdoonka. Fahad iyo Farmaajo waxay markale ku saneeyeen ilhaamo. Khayre waxuu Warqad udiray Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka,taasoo uu ku dalbanayo in xil wareejinta isagu sameeyo oo ay sharci dastuuriya tahay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xasan Cali Khayre waxuu si adag uga hor yimid qorshihii Farmaajo watay ee uu rabay in xil wareejinta uu sameeyo Mahdi Guuleed. Khayre warqad,ayuu ukala diray Ra’isalwasaaraha cusub,Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Maxkamada,taasoo uu ku wargelinayo in sharciyan ay tahay xilwareejinta in isagu uu sameeyo. Jibril Qoobey.

Read More

Jigjiga waxaa si weyn uga socda xus Diimeedka balaaran ee Meskel oo ay dhigtaan Kiristiyaanka Itoobiya sanad walba. Si nabad ah oo waliba Xukuumadu xil iska saartay,ayuu usocdaa. Wada noolaanshaha shucuubta ku kala duwan Diimaha waa muhiim. Tani waxay tusaale u tahay in aragtida ku dhisan nacaybka ee Wahaabiyiinta Ictisaamku Somaliya keenay aysan fursad siinayn horumarka Bulshooyinka. Jibril Qoobey

Read More

Ictisaam maxay rabaan?? 1.Farxad la’aan2.Udgoon la’aan3.Qurux la’aan4.Labis la’aan5.Han la’aan6.Is dhexgal la’aan7.Wada noolaansho la’aan8.Nabad la’aan9.Is aaminaad la’aan10.Aduunyo jacayl la’aan Sideedaba Ictisaam waa in aan Nolosha Bini’aadanka waxba laga waydiin oo dib loo karantiilaa. Laba jeer oo ay isku dayeen in ay Dalka afduubtaan 1993-2006 rabi waxuu usoo diray oo ka badbaadshay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf rabi ha unaxariisto. Maanta waa in la helaa hogaamiye dhaqaalaha iyo fikirka Bulshada ka fara maroojiya. Jibril Qoobey.

Read More

Muqdisho, 26, September, 2020- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar. “ waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden,ayaa shir gudoomiyay shirka billaha ah ee amniga oo haatan ka socda xarunta madaxtooyada Jubbaland. Shirka waxaa goobjoog ka ah saraakiisha ciidanka Jubbaland. Shirkan,ayaa dhaca bil walba waxaana lagaga arrinsadaa qodobo ay ka mid yihiin… 1.Is badallada ku yimaada Amniga.2.Horumarinta amniga deegaannada3.Wada shaqaynta laamaha Amniga. Dhawaan Jubaland waxay la wareegtay Deegaan muhiim u ahaa argagixisada Alshabaab,kaasoo lagu magacaabo Janaa Cabdalle. Jibril Qoobey

Read More

Kulanka Amniga Gobalka Bari Ayaa Todobaadkaan Looga Hadlayaa Dardargalinta Dhamaaan Ciidamada Booliska Gobalka Bari Waxana Ku Sugan Gudiga Amniga Gobalka Bari Iyo Dhaamaan Sarakiisha Cidmada Dowlada Puntland Qeybohooda Kala Duwan Waxana Sidoo Kalle Goob Joog Ah Dhamaan Taliyaha Dagmooyinka Gobalka Bari Kuwaas Oo Manta Shirka Lagu Casumay Waxana Ajandaha Uu Yahay Dardargalin Guud Amniga Iyo Dabargooynta Kooxaha Dhagar Qabayaasha Ah Ee Alshabaab Iyo Daacish. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuusen Cali Maxamuud Ayaa Ciidamada Faray Xoojinta Iyo Dardargalinta Amniga Guud Ee Gobalka Bari.

Read More

Khudbadii Salaada Jimcaha,ayuu kusoo qaatay Qoobka ciyaarkii Madaxweyne Deni. Ogow in badan oo Xaflado ay ka dhacayeen Villa Somaliya oo Farmaajo boodboodayay,iyagoo fadhiya kama aysan hadlin,sababtoo ah iyagaa u fadwooda oo Ictisaam,ayuu ka tala qaataa!! Muqdisho oo uu joogo Bashiir Salaad Wiilal,ayaa lagu kufsaday kamana hadlin. Gabar 5-sano jir ah,ayaa lagu kufsaday kamana hadlin. Sidoo kale Gabar,ayaa la kufsaday oo hadana la dilay kamana hadlin Bashiir Salaad. Balse waxaa umuuqda kaliya xafladi Puntland loogu qabtay Muqdisho ujeedka uu ka duulayo waa laba arimood…. 1.Nacayb reer Puntland oo uu kala siman yahay Xasan Shaydaan. 2.Dagaal udhaxeeya Ictisaam iyo Islaax. Si kastooy…

Read More

Baydhabo: 25 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo. Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed. Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen. -DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA…

Read More

Salaad Cabdulqaadir Khaliif Biine oo 21-jir ahaa,ayaa caawa lagu dilay Magaalada Århus Denmark. Dilkiisa waxaa ka danbeeyay kooxo Gaangiistara ah sida la ii xaqiijiyay. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.

Read More

Gaalkacyo dhan walba isbadal,ayaa ku yimid waxayna samaysay horumar kadib hawlgaladii amaan ee ka bilowday 6-bilood ka hor. Dhabarka waxaa laga jabiyay qorshayaashii argagixisada,iyadoo lakala daadiyay kooxihii isku xirnaa ee fulin jiray qaraxyada iyo dilalka qorshaysan. Waxaa gododkoodii la burburiyay Cabtooydii iyo Tuugadii. Gaalkacyo caawa waxaa si adag uga hawlgalaya Ciidan gaaraya ilaa 400 oo iskugu jira Boolis,Daraawiish,Badda iyo Sirdoonka. Si gaar ah waxaa mudan in loo bogaadiyo Talye Muumin iyo Dhalinyarada Wadsniyiinta ee Pisa. Jibril Qoobey.

Read More

Baydhabo: 25 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta booqday deegaanka Maanyafuulka Baydhabo gaar ahaan beerta Cali Marguus, Dhismaha Madaxtooyadii hore ee Baydhabo iyo Biya-dhaca loo dalxiistago ee Gerbooda Baydhabo.

Read More

Waxaa Qoray: Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan). Dadka ka baro mid ka mid ah raga aad garbahooda ku taagan tahay…Dr. Abdi Hasan Jimale Allaha u naxariisto Janada mideeda u saraysa hooy Allah ka yeelo Aamin: Share: Dr. Cabdi Xasan wuxuu 1-dii Jannaayo 1948-kii ku dhashay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Dr. Cabdi wuxuu ahaa madi agoon ah bacdamaa uu aabbihiis, Xasan Jimcaale Samatar, uu isago yar dhintay. Cabdi hooyadiis waxaa la oran jiray Isniina Diiriye Liibaan. Waxbarashadiisii iyo heerarkii ay soo martay: Waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Macallin Jaamac Bilaal ee Muqdisho ku yaallay xilligii gumeysigana…

Read More