Author: Jibril Qoobey

Wariyaasha reer Puntland baahida ay qabaan ee ugu weyn waa in la baro ama la fahansiiyo in ay Dhulkaan iyo Dadkaan iyagu leeyihiin oo Puntland tahay waxa ugu horeeya ee ay ilaaliyaan intaysan meel kale ugudbin. Nin Gurigii saakay uu kasoo toosay dayacan yahay ama aan waxba ku siyaadin maka fakari karaa Guryo Dadkale leeyihiin??? Wadaniyadu Qoyskay ka bilaabataa waxayna ku dhamaataa in Qof walba oo Koomkan ku nool seexdo hurdo degan. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ee maanta xili uu ushaqaynayay SomaliCable Tv oo uu kasoo waramayay Dagaal ka dhacay Tukaraq,waxuu yiri… “Ciidamada Sl iyo Pl,ayaa halkaas ku dagaalamay,waxaana wararku sheegayaan…

Read More

Fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Tigreega,ayaa lagu doortay Madaxweynaha shanta sano ee soo socota hogaamin doona Dowlada Tigreega ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Itoobiya. Debression,ayaa noqday Madaxweynaha 5-ta sano ee soo socota hogaanka u hayn doona Dowlada Tigreega. Sida qorshuhu yahay dhawaan,ayuu soo dhisi doonaa Xukuumadiisa

Read More

Madaxwayne ku-xigeenka DG Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga, Arimaha siyaasadda ee DG Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka. Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud. Shirka golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidookale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Beeraha DG Jubbaland, Wasaaradda Caafimaadka DG Jubbaland, Wasaaradda Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka DG Jubbaland. Gabagabadii shirka Madaxweyne Kuxigeenka iyo mas’uuliyintii kale ee kasoo qayb gashay shirka ayaa soo dhaweeyay…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Read More

Warkii ugu horeeyay ee kasoo baxa Ra’isalwasaare Rooble kadib ansixinttisii shalay,waxuu noqday mid lagu diirsaday. In uu fahmo shaqadiisa ugu muhiimsan in ay tahay qabashada doorasho wskhtigeeda ku dhacdaa waxay muujinaysaa Nin soo jeeda in uu yahay RW Rooble. Sidoo kale waxaa bogaadin mudan in uu haldoorka beeshiisa soo dhawaysto talana waydiiyo. Somalinimada iyo Wadaniyadu waxay ka bilaabataa Ardaagaaga.

Read More

Madaxweyne Deni oo maqaam sare loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo xarunta Kmg ah ee maamulka Koonfur-galbeed. Madaxweynaha iyo waftigiisa,waxaa uga bilaabatay Koonfur-galbeed booqasho xili muhiim ah timid. Puntland iyo Koonfur-galbeed shacab iyo maamul ahaanba xiriir fiican,ayaa ka dhaxeeya. Bulsho asalkeedu kasoo jeedo Puntland,ayaa Koonfur-galbeed degan oo waliba leh Deegaan gaar ah oo muhiim ah halka shacabka reer Koonfur-galbeed ay Puntland ku leeyihiin ganacsi xoog leh,isla markaana ku haystaan Nolol iyo shaqo. Jibril Qoobey Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ogaysiis Ogaysiis, Fursad Deeq Waxbarasho oo u banaan qof walba oo danaynaya Waxbarashada heerka labaad ee Dalka Ethiopia Hoos ka dalaco warqada Xafiiska agaasimaha Tacliinta sare ka soo baxaday. Qof walba oo danaynaya Deeqda Waxarasho waa in uu sharuudaha soo buuxiyaa warqada ku qoran, ugu danbayn maalinta sabtida ah oo ku beegan 26/September/2020, ayuu ku eg yahay waqtigu.

Read More

Garoowe: 23 September 2020: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mr. Tim Filip Ros oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda. Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo masuuliyiin kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo dadka ku waxyeelooba colaadaha hubaysan ee ka dhaca deegaanada kala duwan. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sarkaalka ka socday Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda iyo shaqada ay ka wadaan…

Read More

JAWHAR: “WAXAA LA RABAA IN DOORASHADA LAYGA REEBO”. Jawhar Mohamed oo fadhigii Maxkamada ee maanta ka hadlay ayaa sheegay innuusan jirin wax dambiya oo uu galay,wuxuuna yidhi:- “Waa markii labbaad ee kiis argagixiso laygagu soo oogay,(Xiligii Tplf & Hadda). Ujeedadu waa inaanan ka qayb galin doorashada soo socota.” Waxaa xusid muddan in xukuumada Abiye Ahmed xiligay cusbayd ka dul qaaday kiisaskii aragagixiso ee Jawhar Mohamed lagusoo oogay xiligii TPLF.

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud “Filish” oo caawa booqasho iigu yimi, waxaan uga mahadceliyay sida ay maamulka Gobolka iyo dadweynaha reer Muqdisho noo soo dhoweeyeen”Madaxweyne Deni. Deni waxuu ku casumay Puntland Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Filish iyo Wasiir Khadiijo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda ka qeybgalaya xaflad soo dhoweyn ah oo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo uu weheliyo maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cali Mahdi, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal , Siyaasiyiin, Waxgarad , Aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Read More

Galdogob September 22 2020 :- Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug waxaa ka qabsoomtay Doorashada Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob iyo Wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland. Ugu horeyn qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee Gollaha Deegaanka Degmada ayaa lagu dhaariyey Goobta Doorashada, intaas kadibna waxay xildhibaanada u dhaqaaqeyn Codeynta Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada. Gudoomiyaha Degmada waxaa ku tartamayey Laba musharax oo lagu kale magacaabo Cabdulqaadir Khaliif xaashi, Cabdiqafaar sheikh Ibrahim, waxaana Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Degmada Galdogob ay xilkaas ugu doorteen inuu hogaaminayo Degmada Cabdiqafaar sheekh Ibrahim. Intaas kadib waxaa loo dhaqaaqay Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa ka qeybgalaya xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayo. Xafladda waxaa ka qeybgalaya Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Muqdisho.

Read More

Madaxweyne Deni saakay sida qorshuhu yahay hadaan wax isbadalin,waxuu kusii jeedaa Baydhabo oo usoo dirtay casuumad rasmi ah. Kadib Baydhabo waxay ubadan tahay in uu uga sii gudbo Kismaayo-Nayrobi ama Dhuusamareeb Bosaso. Puntland saamaynteeda siyaasada Somaliya way muuqataa. Jibril Qoobey.

Read More

Luuqada uu Ku Qoran yahay War saxaafadeedku Waa Garowsho Jimlada xisaabteeduna eraygaas ayay Ku jirtaa. Hadaan Fasiraad Ka bixiyana Beesha Caalamku Waxay cadeeyeen Yoolkii Doorasho ee lagu balamay 2018 lana rabay in ay ku hir gasho Sadex sano in ay si ula kac ah U Qabyowday,waxaana eedaas iska leh Kooxdii Qoraafka iyo Maalaayacniga ku badalatay wixii loo igmaday,sidaas awgeed waxay Garowsho iyo cudadaar siiyeen waxa hada Laga badin waayay ee dantu kaliftay ee Faraha cidida leh lagu go’aanshay. Qodobkaas ayay Garowsadeen waayo lamo dhaafi Karin. Beesha Caalamku waxay carabka ku dhufteen Qorshayaashii hor tabinta Qaranka ee la rabay in ay…

Read More

ARAGTIDA BEESHA CeeshaAALAMKA…. Saaxiibada beesha caalamka* waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo. Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed…

Read More

Duqa Magaalada Gaalkacyo waxuu soo afjaray hawl in mudo ah taagnayd. Meesha waxuu ka saaray Ciidankii ku magacawnaa Dowlada hoose balse sida khaldan ushaqaynayay. 148-Askari,ayaa ku Diiwaangashanayaa Ciidanka Dowlada hoose ee Gaalkacyo. 38-Waxay ku Diiwaangashanaayeen Dhimasho. 12-Waxay ku diiwaan gashanaayeen Dhaawac. 98-Askari,ayaa ku Diiwaan gashanayaa in ay shaqo ku jiraan,balse 58,ayaa soo xaadiri jirtay. Hawlaha inta badan ay qaban jireen waxay ahayd Canshuur ururin,taasoo keentay musuq baahsan oo Talyaha Ciidamada Dowlada hoose ka dhigtay Duq labaad. Arimaha ay ku dhaqaaqeen ee khatarta leh waxaa ka mid ah.. 1.In ay Gaadiidka kala wareejinta ka qaadaan lacag yar oo aan Khasnada lagu…

Read More

Muddada Doorashada Itoobiya lagu qaban doono,ayaa la filayaa in dhawaan la shaaciyo. Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in sagaal bilood kadib loo muddayn doono Doorashada dalka Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka,ayaa go’aanka Degdega ee xukuumada ka biyo diiday,waxayna ugu horayn codsanayaan in maxaabista lasii daayo,islamarkaana la abuuro jawi lagu qabban karo doorasho loo dhanyahay.(Inclusive). Xukuuumada Abiye Axmed oo xiligii caabuqa Covid cusbaa sheegtay in aan doorasho la qaban karin Covid-19 dartii,ayaa hadda oo uu dad baddan haleelay shaacisay in saamayntiisii yaraatay islamarkaana doorasho la qabban karo. Arrintani waxay muujinaysaa in waxkasta Abiye Ahmed qorshe udajiyay. VOS Tv.

Read More

Xasan intaan filaynay waa ka macno waynaaday kana khatar yaraaday. Dad badan oo aan ka mid ahay waxay u arkayeen shaqsi khatartiisa leh oo qayb ka ah koox aan la jeclayn sumcadeeduna aysan fiicnayn. Balse taa badalkeeda Xasan waxuu muujiyay hogaamin ka badalan sidii laga filayay. Xasan waxuu magac iyo sharaf ku helay sidii uu umaareeyay dib uhabaynta Ciidanka oo uu Gudoomiye ka ahaa Gudiga loo xil saaray. Sidoo kale Gobolka Mudug intii uu ku sugnaa arimo la taaban karo,ayuu wax ka qabtay oo laga xusi karo… B.Waxkaqabashada Ciidanka Dowlada hoose. T.Dhaqaajinta Maamulka Gobolka J.Dhaqaajinta Hay’ada sirdoonka qaybteeda Mudug. X.La…

Read More

Safiirka Jabuti ee Somaliya oo shalay gaaray Puntland,ayaa maanta booqday Xarunta PDRC . PDRC waxay qabanaysaa Madasha 14-aad oo uu marti ku yahay Safiirka Jabuti loogana wada hadli doono doorka Jabuti ee Dowlad dhisida Somaliya. PDRC waa Hay’ada Cilmi baarista Puntland oo laga dhex arko nidaamka,ilbaxnimada iyo soo jireenka reer Puntland. Inkastoo magaceedu dheer yahay kasbatayna sumcad weyn hadana markaad soo gaartid halka ay ku taal waxbaad iska waydiinaysaa muuqaalkeeda. Si kastooy tahay PDRC waa astaan utaagan Dowladnimada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Tartan Orod oo lagu waynaynayo maalinta Nabada loona xushay sanadkan in lagu qabto Gobolka Mudug ayay PDRC soo abaabushay. Xuskan waxuu dhiirigalin u yahay dhalinyarada Gaalkacyo ee labada dhinac. Gaalkacyo waxay si weyn uga soo kabatay amni daro baahsan oo dib udhac ku riday. Maamulka Madaxweyne Deni,ayaa lagu amaanay sida uu uga hawlgalay Gobolka gacantana ugu dhigay amnigiisa iyo maamulkiisa. Maanta Gaalkacyo waa Nabad,waxaana kor ukacay Sicirka Dhulka iyo Kirada Guryaha,iyadoo Maalgashi la dareemi karo ka bilowday. Jibril Qoobey .

Read More

Ururka Goodir ee Birmadka Booliska Puntland oo qayb ka ahaa Ciidankii tababarka loogu soo xiray Dugsiga tababarka Xorgoble ,ayaa uguuray Gobolka Nugaal. Ciidanka waxaa sagootiyay Wasiirka Maaliyada Xasan Shire Abgaal oo ah Gudoomiyaha Gudiga dib uhabaynta Ciidanka Puntland waxay ku guulaysatay in ay Ciidankeeda ay dib uhabayn loo baahnaa ku samayso. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo. Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo saraakiil kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado sidii loo dardargelin lahaa.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad. Kulanka,ayaa ka dhacay hoyga Gudoomiyaha Aqalka Sare,ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada uu dalku marayo. Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Somaliland Maamulkeedu waa inkiray in uu qayb ka yahay Dowladnimada Villa Somaliya fadhida!! Ugu yaraan 38-Xildhibaan iyo Senataro iskugu jira ayay beesha isaaq si gaar ah uqaadataa,kuwaasoo wax ka go’aamiya arimaha masiiriga ah. Inkiraada Maamulka SL ee qayb ahaanshahaasi mahan mid saamayn ku leh kala goosiga Muqdisho ka socda. Dad badan,ayaa qaba hadii Sl si buuxda uga soo qaybgali lahayd nidaamka Fadaraaliga ah ee Somaliya in ay ugu badin lahayd oo gooni goosadka hiilka waayay uga khayr badnaan lahayd. Xildhibaanada beesha Isaaq ee Xamar lagu doorto waxaa loo yaqaan Tahriibayaal lakala iibsado. Jibril Qoobey.

Read More

Ciidanka Booliska Qaybta Mudug shacabku waa ku amaaneen in uu si deg-deg ah uga jawaabay cabashadoodii Xalay. Ciidanku waxay ka hawlgaleen Goobihii Xalay Dhalinyarada Ciyaal Xaafadeedka ah ay Mopile-da kaga qaadanayeen Bulshada. Guud ahaan Gobolka Mudug waxaa ka jira isbadal amaan oo aad usareeya tan iyo intii loo magacaabay Muumin Booliska Gobolka. Jibril Qoobey.

Read More

Alshabaab waxay si weyn ugu jabeen dagaaladii ugu danbeeyay ee dhexmaray Ciidamada Puntland. Sida ilo amaan oo lagu kalsoonaan karo ii xaqiijiyeen Buuraha Bari ee Ciidamada Puntland ay kula dagaalamayeen Alshabaab waxaa hada kasii dhamaanaya Maleeshiyada Shabaab,iyadoo ay ku hareen koox yar oo firxad ah oo aan isla socon. Sida xoguhu sheegayaan Maleeshiyada Shabaab waxay intoodii badnayd galeen Somaliland. Puntland sanadkii ugu danbeeyay waxay qaaday hawlgalo Magaalooyinka gudahooda iyo Banaanka ah oo lagula dagaalamayo argagixisada. Jibril Qoobey.

Read More

67-Maleeshiyada Alshabaab oo ka firxaday gulufka Ciidamada Puntland ee Buuaraha Bari,ayaa galay gudaha Somaliland. 13-ka mid ah Maleeshiyadaas waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Somaliland. Gacan ku dhigista Xubnahaasi waxay Somaliland usahashay in ay ka hor tagaan Laba Qarax oo la kala dhigay Miiska Saraakiisha ee Saldhiga Bartama Hargaysa iyo Xarunta Gobolka Togdheer. Sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen waxaa burburay heshiis horay ujiray oo udhaxeeyay Somaliland iyo Alshabaab kadib cadaadis caalamiya oo Somaliland uga yimid Caalamka,gaar ahaan Dowlada Ingiriiska. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland. Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan-lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.

Read More

Saacadaha soo socda,ayaa la filayaa in Guddiga dhismaha Golaha deegaanka Degmada Galdogob ay soo saaraan liiska xubnaha Golaha. Guddiga,ayaa ufadhiya soo xulista Golaha deegaanka Degmada Galdogob xiligan. Majirto isqabqabsi dhacay oo si hufan ayay hawshu ku socotaa. Goldogob waxay umuuqataa in ay ka faa’idaysanayso fursadii ay dayacday Bursaalax. Jibril Qoobey.

Read More

Wadada Hotel Guure,Suuq-yare reer khalaf ilaa Laamiga kuweyt ee Gaalkacuo lama mari karo xiliyada habeenimada. Xalay oo ugu danbaysay 3-Telefoon ayay uga qateeen Tuugadu Dad halkaa marayay. Dhalinyaro koox koox ah oo abaabulan,ayaa fulinaya hawlahan iskugu jira Mopile furashada iyo Jeeb baarashada. Dhanka kale waxaa dansan Layrarkii Solar-ka ku shaqaynayay ee Wadadaas,kuwaasoo qayb ka qaadan jiray amaanka. Xogahan waxaan ka helnay Dadkii ay baarteen Dhalinayaradaas. Waa muhiim in Booliska Mudug talaabo qaado deg-deg ah dibna usoo celiyo roondadii hakadka lagaliyay. Jibril Qoobey.

Read More

Kulanka bari oo Isniin ah Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya yeelan doono waxaa Madaxweynnuhu horgayn doona Raysal wasaaraha cusub. Sidookale waxay ubadan tahay isla bari in Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya la hor gayn doono heshiiskii dhawaan ay gaareen Dawlada federaalka iyo Dowladsha xubnaha ka ah. Wasiiradii Dowladii hore,ayaa inta badan soo laaban doona sida aan xogta ku helnay, iyadoo looga gol leeyahay in ay kalsooni siiyaan Ra’isalwasaaraha cusub. Shalay ilaa Xalay waxaa soo baxayay codsiyo ku socda baarlamaanka oo looga dalbanayo in ay iskumar ansixiyaan Rw iyo heshiiska. Sida Dadka la socdaa siyaasada ay sheegayaan ma diidi karaan Xildhibaanadu hedhiiska haddiise ay diidaan…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan. Kulanka,ayaa ahaa soo salaamid Safiirku ugu yimid M.Xigeenka oo hada ah ku simaha Madaxweynaha Puntland. Safiirka Jabuti waxa uu ku casuman yahay Madasha maqaamka sare leh ee PDRC fadhigeeda 14-aad oo looga doodayo Doorka Jabuti ee dib udhisida Nabada iyo Dowladnimada Somaliya. Jabuti iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah oo aad u xoog badan. Jibril Qoobey.

Read More

Jeneral Xiif Cali Taar mid ka mid ah Ragii Puntland darteed godka aakhiro ugalay. Xiif waxuu ahaa Nin adag oo qadiyad badan Wadaniya,Geesiya,Deeqsiya oo aad looga jeclaa guud ahaan Puntland. Xiif waxuu door muuqda ka qaatay difaaca Puntland gees walba,iyadoo si gaar ah loogu xasuusto doorkiisii difaaca Sool. Xiif waxuu sidoo kale door lama ilaawaan ah ka qaatay dib sal udhigida Dowladnimada Somaliya,isagoo Ciidankii fariisiyay Dowlada ka kaxeeyay Puntland lugna ku geeyay Jowhar ilaa Baydhabo. Geeridiisii oo ku dhacday Shil Baabuur,waxaa aad uga qaracmay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf rabi ha unaxariistee. Jibril Qoobey.

Read More

Koofi madaxa hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadsha Fadaraalka waxuu la kulmay Madaxweyne Deni. Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxa hay’ada Socdaalka ee Puntland. Koofi tuhun xoog leh,ayaa laga qabaa,kaasoo ku aadan xiriir kala dhaxeeya argagixisada. Si gaar ah waxaa loo tuhunsan yahay in Fahad Yaasiin ku adeegto oo uu jiro wada shaqayn sadex geesood ah. Hay’ada Nisa,Hay’ada Socdaalka iyo Shabaab,taasoo cadaymo looga dhigan karo xog uu bixiyay madaxii Hay’ada Socdaalka ee Goldogob oo hada gacanta Sirdoonka Puntland ku jira. Jibril Qoobey.

Read More

PDRC waxay martigalin doontaa Madasha 14-aad ee PDRC TALKS fiidnimada Talaadada ah ee 22-ka September 2020. Mowduuca looga doodi oona Nadasha 14-aad,ayaa ah… ”Doorka Dowladda Jabuuti ee Nabadeynta, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowlad-dhisidda Soomaaliya” Madasha waxa ku casuman Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya u fadhiya Danjire.Aadan Xassan Aadan. Madasha PDRC waa mid muujinaya awooda Nidaamka Dowladnimo ee Puntland. Barnaamijka Madasha ee PDRC waa kan kaliya ee Somaliya ka jira,waxuuna kor uqaaday sumcada iyo maqaamka Puntland. Dhaliisha kaliya ee uu leeyahay waa goobta kagu qabto oo aan uqalmin Barnaamijka iyo PDRC. Jibril Qoobey.

Read More

Addeeg xumo baahsan ayaa ka jirta xaruumaha is gaadhsiinta ee Jigjiga. Qofku hadduu addeeg u doonto way addagtahay sidduu ku helo,waxaa intaas udheer innaan magaalada la gaadhsiin addeegii Wifi-da. Addeega Wifi-da haddii aad u baahato innaad xaafad soo gashato waxay kugu qaadanaysa dhawr bilood,haddii kale waa innaad lacag guno ah bixisaa. Waa lagu diwaan galiyaa,kadidib bilaad sugi, kaddib maalmay guri iman kaddib bilay kaa maqnaan kaddib tirka la fuuli kaddib ….. waa sheeko taxane laga dhigayo oo maalin lagu dhamayn karay. Waxaa kaaga daran haddii uu kaa ciladoobo ama aad wax ka baddal u baahato way adkaanaysaa innaad addeeg ka…

Read More

KIISAS CULUS OO KOOXDII JAWHAR LAGUSOO OOGAY Xeer-ilaalinta dalka ayaa kiisas kusoo oogtay 24-qof oo ka kooban wariyaal ka shaqayn jirayn warbaahinta OMN,kooxdii Jawhar mohamed iyo waliba koox aqoon yahana oo dalka dibadiisa jira. Arrimaha lagusoo eeday waxaa kamida: – ○ Kiisas Argagixiso la xidhiidha. ○ Kiisas la xidhiidha xatooyasa shirkda isgaadhsiinta Itoobiya ○ iyo Waliba dacwad la xidhiidha iska horkeen shacab oo salka ku haya diin & qowmiyad. VOSS TV

Read More

In badan oo ka mid ah Raga iyo Dumarka fadhiya madashan Madaxweynuhu iskugu yeeray waa in aysan dib Puntland ugu matalin fagaarayaasha Somalida. Saleebaan Xaashi,Shukri Aadan Camey,Sadiiq Warfaa,Jamaal iyo kuwo badan oo kale waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa oo aysan marnaba masiirkeena usoo dhawaan. Madaxweyne Deni awooda ugu danbaysa ee ogolaanshaha Xildhibaanimo isaga,ayaa iska leh,waxaana lagu yaqaan Nin xisaabtama oo aysan ka hoos bixin. Jibril Qoobey.

Read More

Guulaha Puntland ka gaartay socdaalkii Muqdisho kaliya kuma eka tii doorashada ee waxaa jira guulo kale oo muhiim ah. Maraykanka iyo Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis mudo 10-sano ah oo Ciidanka PSF Maraykanku ku taageerayo. Maraykanku waxuu ka taageeri doonaa Tababarada,Qalabka iyo hawlgalada Ciidanka PSF. PSF waxay qayb ka ahaanayaan Ciidamada difaaca Puntland oo waxaa toos u xukumaya Taliska guud. Heshiiskan dib loo cusboonaysiiyay waxuu yimid ka gadaal markii Puntland iska diiday in Ciidanka PSF hoos tagaan Ciidanka kale Maraykanku gacanta ku hayo ee Danab. Jibril Qoobey.

Read More

Dib uhabaynta Ciidanka Puntland oo meel sare gaartay. Laba Urur ka mid ah Booliska Puntland,ayaa tababar usoo xirmay. Ciidankan waxay ka hawlgeli doonaan Guud ahaan Gobolada Puntland,iyagoo wata Gaadiid iyo Qalab casri ah. Qorshaha,ayaa ah in Ururo kale oo Booliska Puntland ah lasoo xareeyo si iyaguna uqaaataan tababar casri ah. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni beri waxuu kulan qado ah la qaadanayaa Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Seneterada Aqalka-sare ee Puntland ku matala Baarlamaanka Fadaraalka. Kulankaas waxa ugu weyn ee Madaxweynuhu kala hadlayo Xildhibaanada waxay tahay ansixinta Xukuumada cusub iyo heshiiska doorashada. Heshiiska la gaaray waxaa ka mid ahaa oo aan la qorin kaliya ku koobnayd isfahan Odaytinimo in Madaxweyne walba uu la hadlo Xildhibaanada Deegaankiisa matala. Sida la faliyo majiri doonto diidmo Baarlamaan oo ka hor imaan doonta heshiiska iyo Xukuumada cusub. Jibril Qoobey.

Read More

7-bilood oo mudo kordhin ah,ayuu Madaxweyne Deni aqbalay. 15-ka Qodob ee heshiiska,waxaa lagu badashay 7-bilood oo mudo kordhin ah. Ra’isalwasaaraha cusub iyo heshiiska isku mar,ayaa la ansixin doonaa. Mudo xileedka Golayaasha Dowlada waxuu ku ekaan doonaa August 2021. Jibril Qoobey.

Read More

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY WASIIRKA KOOWAAD EE DALKA Muqdisho, Sebteembar 17, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020. Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska…

Read More

-Qodobka 1-aad ee Gudiga doorashada Calaamad su’aal,ayaa dul saaran “?”,taasoo ah ma Xaliimo Yarey buu soo celin doonaa?? Inkastoo dadka falanqeeya siyaasada ay qabaan xataa haduu Xaliimo keeno wax saamayna kuma yeelan doono ergada beelaha ee dooran doonta Xildhibaanka. -Qodobka 11-aad ee meel marinta Baarlamaanka calaamad su’aal baa dul saaran “?”. Inkastoo falanqeeyayaashu leeyihiin Baarlamaanku ma hor istaagi karo oo sidiisuu ku ansixinayaaheshiiskan. Balse dad baa ka shaki ka qaba balanta Farmaajo oo weli ay lug ulaaban tahay. -Qodobka 8-aad ee doorashada Xildhibaanada beesha Isaaq isagana calaamad su’aal,ayaa dul saaran “?”,. Shaki weyn,ayaa laga muujinayaa dadka dooranaya Xildhibaanadaas iyo saamaynta…

Read More