Author: Jibril Qoobey

Dadka kunool gobolka Tigray, ee woqooyiga Itoobiy ayaa saaka u dareeray inay u codeeyaan doorashada deegaanka, iyagoo diidan dowladda federaalka iyo muddo kordhinta uu sameystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, taas oo sii kordhinaysa xiisadaha siyaasadeed ee waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika. Madaxwaynaha Tigreega, Dr Debression oo madashii codbixinta ka hadlayay ayaa yidhi:- “Maanta kaliya maalin Doorasho nooma aha,Waa maalin aan xaqiijinay madax banaanida iyo innaan gooni isku maamulno. Taliskii dhargiga waxaan kaga guulaysanay innaan annagu ismaamulno oo ay tallada gacanteena ku jirto.” Dr Debression oo haddalka siiwata ayaa yidhi:- “Caabuqa Corona inta laga cabsado looma baahno…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ay wehliyaan La Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga ayaa xilligan kulan kula leh Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde qeybta Hangarka Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM. Wafdigan ayaa daba socda walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq maasuq iyo eex howlaha la xiriira dib u habeynta amniga

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, oo uu ka furmayo maanta Shir Saddex geesood ah oo u dhexeeya Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Shirka oo soconaya saacado kooban ayaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ku aadan Shirka loo balansan yahay inuu ku dhexmaro Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, laguna sheegayo inay tagayaan Muqdisho Saddexda Madaxweyne, Iyagoona dalban doona in lagu sii dul shaqeeyo Aragtidii kasoo baxday Shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb (3). Madaxweynaha Hirshabelle…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Xaaji Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Soomaaliland ay Xafiis uga furaneysay Ismaamulka Taiwan oo aaminsan in ay ka go’een dalweynaha Shiinaha. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale munaasabadda khadka Internetka kaga qayb-galay , isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka Cuusb oo ay wada yeesheen. Taiwan ayaa horey xafiis diplumaasiyadeed uga furatay Somaliland,waxaana xiriirka labada maamul kasoo horjestay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo labada maamul dheg alaq u siin hadallada kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.

Read More

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan. Farriin lagu qoray barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka oo aanay caddeyn cida loo waday ayaa u qornaa sidan:- “Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u habeynta qeybta Amniga Soomaaliya oo horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga” Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degaanka Laanmadow ee degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug. Ujeedka safarka Waftiga Wasiirka oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Haweenka, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.

Read More

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maagalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah ee Koonfur Galbeed. Madaxweyne Waare oo ka hadlayay Ujeedka Socdaalkiisa Baydhabo ayaa sheegay inay u tagay ka qeyb-galka Shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kaas oo ay ku xoojinayaan mowqifkooda go’aanada Shirkii Dhuusa-mareeb (3), maadama ay Muqdisho ay uga qeyb-galayaan Shir lagu go’aaminayo Doorashooyinka dalka oo ay isugu imaanayaan Madaxda DFS & Dowlad Gobaleedyada.

Read More

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugida Ee Puntland Mukhtar Maxamed jeyte, ayaa ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay Maamulka Gobalka Bari iyo Warbaahinta ka howlgasha Gobalka. Kulanka oo uu soo qaban-qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, uuna goobjoog ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Ujeedkiisu ahaa is barasho, dar-dargalinta howlaha shaqo ay hayaan dhammaan warbaahintu iyo Sidii loo xoojin laha xiriirka Warbaahinta Iyo Maamulka Dowladda. Sidoo kale, kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii si dhow ay u wada shaqeyn lahaayeen Laamaha ammaanka Puntland iyo Suxufiyiinta, la isagana kaashan lahaa Adkeynta Amniga…

Read More

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa iclaamisay in maalinta Khamiista oo taariikhdu tahay 10 bisha September uu dhici doono Shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo lagu dhammeystirayo hannaanka doorashooyinka dalka, sida uu shaaciyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada. Qoraalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo magaalada Baydhabo uu shir uga furmayo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku shaacinaya Shirkooda inay tagayaan Muqdisho.

Read More

Boqolaal shacab ah oo ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay inay ka barakacan guryahooda kadib markii daadad ka soo rogmaday webiga ay sameeyeen xaafaddaha iyo xarunta maamulka Gobolka Hiiraan. Dadkan ayaa u barakacay deegaanka Ceel-Jaale, waxana duruufaha ugu badan ee qoysaskan heysta kamid ah hoy la’aan, biyo la’aan iyo musuq la’aan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay, Xubno isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoonka Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale. Kulanka ayaa is-xogwareysi ku aadan xaalada dalka, Haweenka ayaana Madaxweynaha Dowladda Puntland la wadaagay dareenkooda iyo Talooyin, iyagoonka ka codsaday in dalka loo jiheeyo dhowrista Dilmuquraadiyadda ay kusoo hana-qaaday Soomaaliya wixii ka dambeeyay Burburkii.

Read More

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray maagalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah ee Koonfur Galbeed. Safarka Madaxweyne Waare waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan labada gole ee Hirshabeelle waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagaree, xildhibaanno, wasiirro iyo dadweyne tiro badan. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Baydhabo u tagay si uu uga qayb-galo shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Kenya William Ruto, oo ka hadlay telefishinka maxalliga ah ee Weru TV, ayaa sheegay inaysan jirin qorshe dhow oo dib ugu furmayo suuqa ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya. William Ruto ayaa caddeeyay wada-hadallo arrintaa laga galo inay dib u dhigeyso xaaladda Doorasho ee ka taagan Soomaaliya. Wuxuu kula taliyay ganacsatada qaadka inay beerashadooda u weeciyaan miraha macadamia iyo avocado oo suuq leh, isagoo wasaaradda Beeraha u jeeddiyay inay ka taageerraan beeraleyda wax soosaar cusub. Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa tilmaam ka bixiyay sida ay dowladiisa ugu guul darreysatay in lagu qanciyo Dowladda Soomaaliya inay xayiraada ka qaado…

Read More

Milatariga xilka ka qaaday madaxweynaha Mali ayaa la siiyay muddo hal toddobaad ah ilaa 15-ka September si ay u soo magacaabaan madaxweyne rayid ah oo hoggaamiya dowladda ku meel gaarka ah. Hoggaamiyeyaasha Ururka Galbeedka Afrika, Ecowas, ayaa sheegay in madaxweynaha rayidka ah ee la soo jeediyay iyo ra`iisul wasaaraha ay horseedi doonaan doorasho cusub. Milatariga ayaan weli ka jawaabin arrintaas oo ay soo jeediyeen siddeed ka tirsan madaxda dalalka Galbeedka Afrika oo shalay shirk u yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Ecowas ayaa dooneysa in dowlad lagu soo dhiso muddo sanad ah, balse junta ayaa dooneysa “waqti macquul ah” waxayna…

Read More

Bangiga Adduunka ayaa u magacaabay Keith Hansen inuu noqdo agaasimaha cusub ee waddamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda laga bilaabo 8-da bisha Sebtember.Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka iyo aqoonyahan siyaasadeed ayaa haysta 30 sano oo khibrad ah, isagoo shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Bangiga Adduunka.Magacaabistiisa waxay timid xilli dowladaha Kenya, Ruwanda, Soomaaliya, iyo Ugandha ay wajahayaan saameyn caafimaad iyo mid dhaqaale oo dhow iyo mid dheerba ee dhibaatada Covid-19. Waxaa la filayaa inuu gacan ka geysto sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale oo waara iyo yareynta saboolnimada, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo soo kabashada…

Read More

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka horteegeen weearr qorsheysan oo Al-shabaab ay isku dayeen inay kusoo qaadan Degmada Balcad, ayna khasaaro gaarsiyeen. Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Shabaab oo socday muddo ku dhow saacad iyo bar ayaa ka dhacay gudaha Balcad, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ay baahisay 14 dagaalame oo ka tirsan Shabaab, ayna ku jiraan Saraakiil, waa sida hadalka loo…

Read More

Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka DANAB ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle ayaa saaka xiray dhamaan Wadooyinka soo gala deegaankaas. Ciidanka Danab qaybta Jubbaland oo war qoraal ah soo dhigay bartooda Twitter ayaa sheegay in deegaanka Jaana Cabdalle  iyo wadooyinka mara ay xidhan yihiin ilaa 5-KM oo dhinac walba ah loona baahan yahay inta la waddo howlgalka lagu sifaynaayo  Al-Shabaab in shacabka ay ka fogaadaan meelahaas iyo dadka wadda gaadiidka. Ciidanka ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal weyn oo guud ahaan Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka jooggaan Jubbaland. Ciidanka daraawish-ta Jubbaland,Ciidanka xooga dalka ee Danab iyo Ciidanka Amison…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo jeediyay khudbadiisii bilaha aheyd ee la hadalka Dadweynaha ayaa si adag uga hadlay Natiijadii dhawaan kasoo baxday Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimad ay kunool yihiin dadkii ugu tayadda wanaagsan dhanka macalimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo  leh hanaan Waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, Deni ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la sheego in uu iskuullo la og yahay baahiyaha ay qabaan oo gobolada ku yaalla in kaalimaha koowaad ay galeen. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay xoog ku galeen magaaladaasi. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay markiiba la wareegeen xarumihii dowladda hoose ee magaalada, sida xarunta dhexe ee maamulka iyo saldhiggii booliskaba, iyaga oo xabsiga ka sii daayey dad badan. Ciidammada dowladda ee halkaas ku sugnaa oo markii hore iska caabiyay ciidammada weerrarka ahaa ayaa la sheegayaa in markii dambe ay dib uga gurteen daanta ay magaalada ka deggan yihiin ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Qaar ka mid ah dadka magaaladaasi ayaa sheegaya in badhtamaha magaalada ay ku…

Read More

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Ujeedada Socdaalka Labada Madaxweyne ayaa ku ku qotonta Shir ay ku yeelanaya Baydhabo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kahor inta aysan tagin Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland uuna ka furmayo Shirka lagu go’aamin doono Hanaanka Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021. Shirka Baydhabo oo uu dabada ka riixayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furmo maalmaha soo socda, waxaana uu socon doonaa muddo 24 saac ah, iyadoona…

Read More

Golaha Wasiirada ee xilka sii haya ayaa maanta ansixiyay 9-ka xubnood ee Guddiga Madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda. Tan iyo markii la riday Ra’iisul Wasaare Kheyre Golaha wasiirada ee xilka sii-haya waxay meel marin Hindise sharciyeedyo dhowr ah, Hey’adda Batroolka iyo Guddiga Adeegga Garsoorka, waxaana asxaabta siyaasadda iyo maamul goboleedyada qaar ku tilmaameen mid wadada loo maray aanay sharci aheyn, maadaama Xukuumaddii dhacday, ayna tahay Xukuumad Xil gaarsiineed oo aan heysan sharciyad buuxa uu siiyay Baarlamaanka.

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada dalka. “Madaxweyne Sacii Deni iyo Madaxweyne Axmed bulshada qeybaheeda aad qaabisheen oo aad dareenkooda dhageysteen, saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ma qaabilin Madaxda hadda talada heysa” ayuu yiri Siyaasi C/raxmaan C/shakuur.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad ka jeediyay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland. Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona sheegay inay lama huraan tahay inuu dalku galo doorasho, maadama ay aheyd sune saldhig u ah Xasiloonida dalka in afartii sanaba dalku doorasho galo. “Doorashada inay afartii sano ay mar dhacdo waa Udub dhexaadka xasilloonida siyaasadeed ee maanta ummaddu heysato” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu soo dhaweynayo Isaga iyo Madaxweynaha Puntland oo haatan ka socota Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ka tageyn Magaalada Muqdisho illaa heshiis laga gaaro Arrimaha Doorashooyinka Dalka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Arrimaha Doorashooyinka ay yihiin walaaca ugu badan ee Dalka ka jira, ahmiyadna ay siinayaan in heshiis laga gaaro Hanaanka loo galayo iyo in ay waqtigeeda ku dhacdo, isagoona intaas ku daray “Dadka oo dhan qandhada hadda haysa waa tan doorashadda”. Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay gogashii iyo in lagu laabanayo Dhuusamareeb si loo siiyo maamuuska ay mudan…

Read More

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee KGS, kahor inta aysan imaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland uuna ka furmayo Shirka lagu go’aamin doono Hanaanka Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021. Shirka Baydhabo oo uu dabada ka riixayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furmo maalmaha soo socda, waxaana uu socon doonaa muddo 48 saac ah, iyadoona QoorQoor, Lafta-gareen iyo Waare soo saari doonaan War-murtiyeed ay ku sheegi doonaan inay tagayaan Muqdisho, kuna dalban doonaan in lagu dul shaqeeyo Heshiiskii Dhuusamareeb. Madaxweyne Farmaajo iyo…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta Shir-guddoomiyay shirka Guddiga Aminga Gobolka, kaas oo ay kasoo qeyb-galeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka iyo Guddoonka cusub ee Maxakamaddaha Ciidanka Iyo kuwa Madaniga ah. Ujeedka Shirka ayaa ahaa is Barasho Dar-dargalinta Howlaha shaqo Iyo sidii loo Xoojin lahaa xiriirka wada shaqeeyn.

Read More

Qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu eegtay Degaanka Janaay Cabdalla ee Gobalka Jubbada dhexe Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidammada Jubbaland, kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ciidammo Mareykan ah. Qaraxan oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidammada, kuwaas oo xilliga la weerarayay waday howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga Degaanka Janaay Cabdalle oo ah degaan Istiraaji ah una jira Magaalada Kismaayo 60-KM, kaas oo dhowaan ay la wareegeen Ciidammadu. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga qarxay uu soo dhex-galay safka Kolonyada Ciidanka, si kadis ahna uu isku qarxiyey. War qoraal…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto. Kulankan waxaa ka soo qaybgalay golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan, Gudoomiyaha Gobolka, Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Bogaadiyay xoraynta degaanka Janaay Cabdalle oo ahaa degaan aad muhiim ugu ah Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ku sugan Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya Munaasabad Qado-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayo, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Beelaha Hawiye, kana socota Muqdisho. Madaxweynayaashii hore ee dalka Cali Mahdi & Hassan Sheikh Mohamud ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe Madasha ay ka socoto qado-sharafta.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland mudane Jaamac Faarax Muuse, ayaa soo saaray Habka Shaqaalaysiinta Shaqaalaha Dowliga ah Puntland iyo kuwa aan Dowliga ahayn. Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa uga digay dhamaan Haayadaha kala duwan ee dowladda Puntland kuwa UNka, INGOs iyo LNGO inay shaqaaleysiiyaan Shaqaale aysan ogeyn Wasaaraddu, isagoona sheegay in aysan sharci ahayn shaqaale kasta oo lagu qaato qaab aanay waafaqsanayn Sharciga iyo xeerka Shaqo qorista ee Puntland.

Read More

Ciidammada Gorgor ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay Gobalka Gedo iyo Booliska Degmada Beled-xaawo ayaa ku dagaalamay bartamaha Beledxaawo. Dagaalkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 Ruux ayaa yimid kaddib markii Ciidammada Gorgor ee Dowladda ay dileen mid kamid ah Askar Booliska Beledxaawo, Sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale, sida ay kusoo waramayaan dadka Degaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay Abaabul ay wadeen Booliska Beledxaawo oo looga soo hor-jeedo Heshiiskii ay gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo ku aadan in Gobalka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubbaland. Wixii…

Read More

Munaasabad qado soo dhoweyn ah oo Beelaha Hawiye ugu sameeyeen Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhow ka bilaabanaya Hotelka Doorbin ee Magaalada Muqdisho. Munaasabaddan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa xubnaha ka qeyb galaya ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo Siyaasiyiin kale oo horey xilal Dalka uga soo qabatay. Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxdii hore ee Dalka ayaa lagu wadaa inay Munaasabadda ka jeediyaan khudbaddo ku aadan soo dhaweyn, mahad-celin, iyo Marxalada Dalka, gaar ahaan Doorashooyinka…

Read More

Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo xukunkii dhowaan Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal ka gaartay Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan Shanleyste, ayaa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Dadka banaan-baxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa la maray Waddooyinka waa weyn ee Garoowe boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbanayaa inay Cadaalad hesho Marxuumad oo Hodan Shanlayste oo aheyd oo Hooyo dhashay labo Carruur ah. Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal ayaa dhowaan sii deysay 6 kamid ah 7 Eedeysane oo loo heystay Kiiskan kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan loo geystay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano iyo Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Senatorada iyo Xildhibaannada uu la kulmay Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 11-aad ee Aqalka Sare ee BJFS Mowliid Guhaad, Cabdirashiid Xidiga, iyo Xildhibaano kale, Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa qaabilay marti uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdi Ceynta, kuwaas oo Madaxweynaha kala hadlay xaaladaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan xiliga kala guurka, una waday tallooyin uu ka guddoomay. Qaar kamid ah xildhibaannadii laga soo doortay Puntland…

Read More

Golaha Wasiirada ee xilka sii-haya ayaa la isugu yeeray shir aan caadi aheyn 2-da duhurnimo maanta oo Isniin ah, labo jeer oo farriimo loo diray xalay illaa saaka ayaa lagu wargeliyay Wasiirada xilka sii-haya inay isugu yimaadaan Shir aan caadi aheyn, lama oga waxa shirka maanta ku soo beegay, iyadoo magaalada Muqdisho ka socdeen maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay hormuud ka ahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo mugdi ku jira, tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharciyadda…

Read More

Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay. Waxaa laga cabsi qabaa in dalal badan oo kale ay soo ifbaxaan sida ay sheegayan baaritaanka iyo macluumaad dheeri ah oo soo ifbaxaya. Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la simay musuqmaasuqa qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil. “Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xiriira qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan…

Read More

Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse, oo Booqasho ku jooga Djibouti ayaa la kulmay Maayarka Caasimadda Djibouti Faduma Cawaale Cismaan. Kulanka Labada Maayar ayaa looga hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha Dowladaha Hoose ee Garoowe iyo Jabuuti iyo sidii loo mataaneyn lahaa Labada Caasimadood.

Read More

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Dallada Waxbarashada FPENS ayaa walaac ka muujiyay natiijada imtixaanka Fasalla 4aad ee Dugsiga Sare ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. C/kariim Guuleed ayaa sheegay in dad badan ay liqi waayeen natiijadaas, isagana uu la qabo, waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda in aanay fududeysan walaaca Waalidiinta iyo Mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed Halkan hoose ka akhriso:- Waxaa isoo gaaraya walaaca iyo tabashada dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee maanta faafisay wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah. waxaanna shaki ku jirin in shaqo…

Read More

Taliska Ciidammada Booliska Kismayao ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda, isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay. Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Gaashaanle Warsame Axmed Geelle, ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah ee hubeysan, ayna tira kamid ah ay gacanta ku dhigeen, halka qaar kalena ay ku dabajiraan. Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Booliska Kismaayo Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay.

Read More

Qaban-qaabadii u dambeysay ee furitaanka Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, Iyadoona Magaaladaas ay ku wajahan yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Shirka ayuu horey u doonayay Madaxweyne Farmaajo inay wada yeeshaan isaga iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, balse waxaa taas ganafka ku dhuftay Deni iyo Axmed Axmed Madoobe oo dalbaday inuu noqdo Shir loo dhan yahay oo lagu go’aaminayo nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in Shirka lagu soo daro Guddoonka labada Aqal ee BJFS iyo in la…

Read More

Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame, oo uu wehlinayo Agaasimaha Cashuuraha Berriga Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Kastamyada Wasaaradda ee Kantaroolka iyo Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ku booriyay inay hubin fiican ku sameeyaan gaadiidka badeecooyinka wada, Bulshadana si wanaag loogu shaqeeyo. Sidoo kale, Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa booqaday Kastamka Wasaaraddu ku lee dahay garoonka diyaaradaha, Isagoona warbixin ka dhageystay Maamulaha Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Cabdisalaan axmed.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in 2 Ruux oo cusub laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 25 qof oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah. Dadka laga helay cudurka COVID-19 oo dadoodu u dhexeyso 26 sano jir illaa 35 jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaana sheegtay in 1 qof uu cudurka ka bogsaday cudurka. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha Puntland ayaa hada gaartay 405 qof, waxaa u dhintay 9 ruux, halka ay ka bogsadeen 208 qof.

Read More

Sii-hayaha Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed waxaa kusoo baxday fadeexad kadib markii uu gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda Batroolka. Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Bilowgii bishaan gabadhiisa oo la yiraahdo Sumaya Cabdirashiid Maxamed u magacaabay Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, kadibna wuxuu amray in dhamaan xiriirada Wasaaradda ay maamusho . Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo. Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey wasiirka ku…

Read More

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Musadaq oo ay Wehliyaan Guddiga Dhismaha iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ayaa safar shaqo ku tagey Deegaanka Kuwayt ee degmada Bursaalax Gobolka Mudug. Guddiga oo ka kooban Wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa waxaa deegaanka kuwayt ku soo dhaweeyey- boqalaal kamid ah shacabka Deegaanka oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada deegaanka iyo Maamulka Degmada Bursaalax. Ujeedka safarka Waftiga ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxtinimada ee Jubaland ay soo martay Xaalado kala duwan isla markana dagaal dhinacyo badan kadib hada ay Xaaladu soo hagaagayso. Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in khilaafkii ka dhashay Doorashada xal laga gaaray isla markana ay hada si wanaagsan wax ku socdaan waxaa uu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in Wali isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida Siyaasada uu dib u dhigay dhismaha golaha Xukuumada. Arimaha Gobolka…

Read More

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa dhammaan ardayda Jubbaland ugu hambalyeeyay natiijada wanaagsan ee ay ardaydii gashay imtixaanka dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020 soo hoyiyeen. Madaxwayne ku xigeenka ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay ardayda ka soo jeedda deegaannada Jubbaland ee kaalimaha hore ka galay imtixaanaadkan ay wasaaradda waxbarashada XFS maanta shaacisay natiijadiisa. Jubbaland ayaa kaalinta koobaad u gashay dhammaan dawlad goboleedyada dalka ee lagu sameeyay imtixaankan iyada oo ay isku celceliska dhibcaha ardayda Jubbaland ee imtixaankan samaysay ay noqotay 77.00%.

Read More

Gudiga Hormarinta Gobalka Bari ayaa maanta kulankooda bilaha ahaa la qaatay Isu-duwayaasha Gobalka Bari, kaas oo la iskaga xog-wareesanayay xaalada guud ee Gobalka Bari iyo shaqooyinka ay u hayaan bulshada. Kulanka ayaa warbixino looga dhageestay dhamaan isu-duwayasha iyagoona ka waramay waxyabihii uga qabsoomay shirkaan kii ka horeeyay. Sidoo kale, Golaha Hormarinta Gobalka Bari ayaa maanta Ansixiyay Ajandayaal ay ku dhaqmi doonaan iyo Xeer hoosaad ay yeelan doonana Guddiga Bormarinta gobalka Bari Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo ka hadlay shirka ayaa digniin u diray Dadka sida sharci darada ah u furanaya Goobaha Waxbarashada Iyo Gobaha Cafimaadka, waxa uuna sidoo kale…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay macluul daran oo saameyn ballaaran ku yeelan karta dadka danta yar. Warbixin uu la wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayuu ku sheegay in dalalka, Soomaaliya, Afghanistan, Burkina Faso, Nigeria, Congo, Yemen, iyo South Sudan ay wajahayaan macluul halis ah oo aad u daran. Xaaladaha dalalka ay Soomaaliya ku jirto kusoo wajahan ayaa waxaa kamid ah Cunto yari iyo Biyo yari baahsan oo saameyn karta dadka reer Guuraaga ah. ” Xaaladaha macluusha ah waa ay kasii dareysaa, waxaa uga…

Read More