Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir, Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow iyo marti sharaf kale. Kulamada ayaa ahaa Salaan iyo Is-xogwareysi ay Masuuliyiinta kala duwan ugu yimaadeen Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. Madax
Author: Jibril Qoobey
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa markii ugu horreysay deegaan xeebeedka Garacad saaka ka bilowday “Canshuurta Gaadiidka”, iyada oo kaa shanaysa Ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo maamulka deegaanka. Bulshadda Garacad ayaa soo dhaweeyay howlgalada socda, iyaga oo sheegay iney ku faraxsan yihiin shaqada culus oo dowladda Puntland ay ka wado degmada Jariiban ee gobalka Mudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam, oo Booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka u jeediyay Guddiga Jogtada Golaha Aqalka Sare.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa goor-dhaweyd gaaray xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Guddoomiyahq Aqalka Sare C/xaashi iyo qaar kamid ah Senarada Aqalka Sare ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Axmed Madoobe Xarunta, isagoona goor-dhaw Aqalka Sare ka hor jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo marxalada siyaasadeed ee Dalka.
Noor Bin Ladin oo uu abti u yahay Osama Bin Ladin ayaa taageertay musharaxnimada madaxweyne Trump ee doorashada dalka Mareykanka. Wareysi ay siisay mid ka mid ah jaraa’idka Mareykanka ayey ku sheegtay in “Weerar kale oo la mid ah kii September 11, uu yahay mid dhow oo dhici kara haddii ay noqoto in Joe Biden loo doorto madaxweynaha Mareykanka. Warbaahinta Mareykanka ayaa aad u hadal haysa hadalka ka soo yeeray Noor Bin Ladin, waxaana boggaga hore ee wargeyska ka muuqda sawirka iyadoo xiran koofida uu caan ku noqday Trump ee uu ku qoran yahay halku dhega ah “Make America Great…
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa uga guuleystay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo laba qodob oo halis ku ah siyaasadisa, kadib tanaasullo uu sameeyay 24-kii saac ee ugu danbeeyay, iyadoo aan si rasmi a loo furin shirkii la filayey inuu dhex maray saddexda dhinac. Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-marnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3 Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa…
Puntland ayaa shaacisay inuusan jirin shir rasmi ah oo dhexmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland marka laga yimaado kulamo gooni gooni ah. Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa ii sheegay inuu dhowaan furmi doono shir u dhexeeya madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah aysanna jirin qodobo hadda lagu kala durugsan yahay.
Koox burcad ah oo moobeelada dadka dhaca ayaa Xalay xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka qalin badashay mid kamid ah Jaacamadaha ku yaall Magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Nuur (Axmed Keyse) dhawaana difaacday buugga qalin jebintiisa oo uu dhawan u dabaal dagay. Dad badan oo isticmaala baraha bulshada dhawaana soo dhigay dabaldagiisa ayaa hada maanta soo dhigaya Geerida naxdinta leh. Ehelada Marxuumka ayaa sheegay Kooxda burcada dilkiisa kadib iney qaateen moobeelkii uu watay oo markii hore ka doonayeen.
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Qasaali Axmed Shuuriye ayaa Kooxaaha Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla deegaanka Butterworth oo hoos yimaada Magaalada East London Ee Dalkaasi Koonfur Afrika. Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka. Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si…
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ilaa 8 Saldhig oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin, kuwaas oo kala ah, Arbacoow, Lambar 60, Buufoow Bacaad,Awdhgeele, Danoow iyo Janaale. Dadka degaannadaas qaarkood oo Risaala la xiriirtay ayaa waxaa ay sheegene inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsadeen labada dhinac, hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iskla difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka…
Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka la wareegeen Degaanka Cadakibir oo gobalkaas. Degaanka oo 60-KM dhanka Bari uga beegan Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in maleeshiyo fara badan oo tirsan soo galeen gudihiisa, Sidoo kalena hareerihiisa dageen. Qaar kamid ah Dadka Degaanka ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta la wareegitaanka Kooxda ee Degaanka, iyagoona cabsi badan muujiyay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe), ayaa kulan kula qaatay xalay Muqdisho Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey. Kulankan ayaa labada mas’uul waxaa ay uga hadleen sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda si looga gudbo khilaafka hareeyay doorashada xilligaan kala-guurka ah. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye kuxigeenka iyo guud ahaan Golaha Shacabka waxaa uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya oo weli go’aan rasmi ah laga gaarin. Axmed Madoobe oo maalmihii la soo dhaafay…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Islaam lagu wadaa inuu maanta la kulmo Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ee Golaha. Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dheer ka jeediyo sidoo kale Senatorada Aqalka Sare ay su’aalo dhowr ah ku weeydiiyaan. Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah. Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah, Isagoona ka jeediyay khudbad adag oo uu uga hadlay xaalada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa bilad Sharaf guddoonsiiyey Mudane Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ka mid ah Asaasayaashii Puntland. Mudane Cali Ismaaciil Cabdi Giir waxaa uu door muhim ah kasoo qaatay dhismihii Puntland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay isagoo markii danbe Wasiir kasoo noqday Puntland iyo Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax uu goor-dhaweyd ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Muqdisho, gaar ahaan agagaar xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Laba Qof oo Rayid ah, kuwaas oo meesha marayay xiligii Qaraxu dhacayay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaraxan bartilmaameedkiisu ahaa Ciidammo katirsan Dowladda oo marayay agagaarka, balse ay gubeen inta uusan Qaruxu dhicin. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Maamulka deegaanka Garacad iyo Ciidamada Puntland ayaa maalintii 4aad wada howlgalo lagu hagaajinayo dhul daaqsimeedka deegaanka Garacad, Waxaana la aasay baraago badan oo laga qoday hareeraha Degaanka. Maamulka iyo dadwaynaha ayaa isla qaatay 3-KM wixii ka baxsan inay tahay dhul daaqsimeed, inaan wax laga dhisan karin, lana gadan karin. Gudoomiyaha deeganka Garacad Maxamuud maxamed C/dille “Shoox” ayaa sheegay cidii aan u hogaansamin shuruucda deegaanka u taal in tilaabo sharci ah laga qaadi doono.
Faa’iidada dhanka waxbarashada ee nidaamka Federalayntu Puntland u horseeday. Isbarbardhig Heerka waxbarashada Puntland xiligii Dawladdii dhexe jirtey iyo hadda oo Dalku federal yahay. Xarumaha waxbarashada Deeganada Puntland 1991 ka hor. ● 23 Primary Schools● 4 Secondaries● 0 Universities Xarumaha Waxbarashada ee hadda jira. ● 732 primary Schools● 96 Secondaries● 13 universaties Ku sii darso oo macalimiinta Puntland xiligaas loo soo bedelo waa loo tacsiyeyn jirey ( Hebel Bari baa loo bedelay) Waxaana la siin jirey lacag qorax-joog ah ( Hardship Allowance) Qofka raba inuu fahmo waxa maalin kasta wasiir Goodax Bare ka samri la yahay Puntland heerka waxbarashada ay joogtey…
Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u wada yeeray dhamaan Maamulada iyo Saraakiisha Ciidammada ee hoos-tagayay DFS kana howlgalayay Gobalkaas, kaddib markii ay isaga baxeen Maamulkii iyo Ciidanka Dowladda Jubbaland ee ku sugnaa degaanada Gobalkaas. Maamuladii ay u magacowday Gobolka Gedo Villa Soomaaliya ayaa Caawa ku sugan Degmada Doolow, iyagoona maalmaha soo socda Muqdisho la iskugu keenayo. Talaabadan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Farmaajo uu fulinayo dalabkii Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ahaa in Gedo Gacanta Jubbaland la soo geliyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq oo ay WehliyaanGuddiga Dhismaha iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmooyinka Bursaalax iyo Galdogob ayaa safar shaqo ku Tagey Deegaanka Daaru-salaam ee degmada Goldogob, Gobolka Mudug. Guddiga oo ka kooban Wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland Maamulka Gobalka Mudug iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa waxaa deegaanka Daaru-salaam martiqaad casuumaad ah ugu sameeyey Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire oo kamid ah isimada Puntland. Ujeedka safarka Guddiga ayaa ku saabsanaa sidii suldaanka warbixin uga siin lahaayeen halka ay u marayaan Hawlaha soo xulista Dhismaha Golayaasha deegaanka Degmooyinka…
Waxaa goor-dhaweyd soo gaba-gaboobay kulan adag oo u dhexeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe). Kulanka oo ahaa mid Albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Labada dhinac iyo sidii uu u qabsoomi lahaa Shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka 2020/2021, waxaana uu kusoo dhamaaday is afgarad, sida ay u xaqiijiyeen Idil News ilo-wareedyo rasmi ah. Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad rasmi ah u diri doono Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, si ay uga soo…
Guddoomiyaha cusub Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Haylaan Gaashaanle Ibraahim Bile Maxamed ayaa maanta xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda G/dhexe Cabdirashiid Saleebaan Cabdi.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Somalia inay si wadajir ah Muqdisho isugu keenaan Madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoona sidoo kale uga mahad-celisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3. Safaraadda Mareykanka ayaa ku dhiira-gelisay DFS iyo Dowlad Goboleedyada inay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ee ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh oo laga gaaro Hanaanka doorasho ee dalka.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay adkeystaan amaanka dalka, horumarka iyo wada-jirka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yeeshay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida Dowladda Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wafdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka oo looga…
Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kulankiisa 5-aad ee Kalfadhiga 7-aad, ayada oo uu Ajedahu ahaa ‘Dhageeysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka’, kulankan ayaana waxaa shir-guddoomiyey Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid, ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid howlihii guddiga ee arimaha dastuurka.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax miino lala eegtay Ciidammo katirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Qaraxan oo ka dhacay EX Kantarool Balcad ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, Ciidammada AMISOM ayaana qaraxa kaddib rasaas fara-badan furay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka duulay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona ku wajahan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweyne Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusii sagootiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano, iyo Wakiilka Puntland ee dalka Kenya Maxamed Rashiid Fagalade. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo dhanka kalena shacabka Puntland guud ahaan ku dhiiro-geliyay inay adkeystaan amaanka dalka, horumarka iyo wada-jirka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa goor-dhow kulan ku yeelanaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya. Kulanka oo horu-dhac u ah Shirka Wada-tashiga Arrimaha Doorashooyinka ayaa loogu gogal xaarayaa sidii isfaham kooban ay uga gaari lahaayeen dhinacyadu arrimaha hor-taagan furitaanka shirka iyo sidii loogu yeeri lahaa 3 Madaxweyne Dowlad Gobaleed ee shirkan ka maqan.
Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii. Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir. “Wax fudud looma haysan in la jabiyo rikoodhka dunida laakiin waxaan kuu sheegi karaa waa in ay runtii adkayd. Rikoodhkani wuxuu jiray muddo dheer” ayuu yidhi Farah. “Markaa arintaasina wax badan bay muujinaysaa. Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada…
Taliska Militariga Mali ayaa maanta oo Sabti ah bilaabay wadahadal labo maalmood socon doona oo ay la yeelanayaan, Bulshada Rayidka, Xisbiyada mucaaridka iyo Qurbo-joogta oo looga hadlayo muddada ay militariga xilka ku wareejin doonaan dowlad shibil ah. Shirkan oo lagu waday inuu dhaco todobaadkii hore ayaa dib u dhacay kadib markii militariga iyo xoogaga mucaaridka isku khilaafeen kaalinta ay ku yeelan doonaan wadahadalkan. Qodobka ugu muhiimsan oo shirkan looga hadlayo ayaa ah inta ay qaadan doonto xil wareejinta Militariga Inqilaabka kula wareegay awooda dalkaasi. Militariga ayaa markii hore sheegay inay doonayaan muddo 3 sano ah in lasiiyo inta ay xilka…
Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Hon Cabdi Qowdhan Warsame, oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta cashuuraha Berriga ee Gobalka Bari. Hon Cabdi Qowdhan Warsame, ayaa booqday Xafiisyada iyo shaqaalaha ka hawl gala xarunta Cashuuraha Berriga ee Boosaaso, isagoona sidoo kale kulan looga hadlayo hannaanka shaqo ee Cashuuraha Berriga Gobolka barri sidii loo hormsrin lahaa la qaatay Madaxda cashuuraha. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kula dar-daarmay Madaxda iyo shaqaalaha canshuuraha berriga Gobalka Bari dardar-gelinta shaqooyinka canshuuraha. “Waa in aynu muhiimad gaara sinaa dakhli kobcinta Cashuuraha Berriga waana dakhliga keliya ee Dawladdi…
Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Saakow ay sheegtay. Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Saakow, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in Afartaan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa, sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka. Dadka ay dileen Shabaab ayaa kala ahaa: 1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka 2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa oo lagu eedeyay…
Maxamed Sheikh Cusmaan, oo ah xeer ilaaliyaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laamaha Amniga iyo Ciidanka Booliska Jubbaland amray in ciidanka booliska Jubbaland ay raacaan hanaanka dhinaca sharciga sida marka booliska ay soo qabtaan qof eedaysane ah in uusan xabsiga lagu haynin 48 saac ka badan,hadii qof kaas lagu hello faldanbiyeedna ay 48 saac gudahood ku horkeenaan Maxkamadaha Jubbaland. Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sidoo kale ugu baaqay in ka madax-banaanadaan dacwadaha imaanaya Maxkamadaha oo dadwaynaha loo ogolaado in aysan dacwadooda ka bilaabin Saldhigyada ciidanka booliska balse loo baahan yahay in ay qareeno qabsadaan oo toos u hor imaadan maxkamadaha madaniga ah.…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal la sheegay inuu xalay ka dhacay duleedka garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamul goboleedka Galmudug. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabab ay soo weerareen ciidamada AMISOM ee katirsan wadanka Jabuuti, kuwaas oo kusan gudaha iyo duleedka Garoonka diyaaradaha oo Magaalada u jira 15-KM. Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, Sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda ee ku sugan Garoonka ugaas Nuur ayaa sheegay in ciidamada AMISO ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabab sida uu hadalka u dhigay.
Ciidammada Daraawiish-ta Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala wareegay Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose. Deegaanada ay Ciidanka Jubbaland ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Janaanay oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidammada Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo garabsanaya kuwa Dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa dhowaanahan waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoona kala wareegay degaano muhiim ah. Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.…
Madaxweynaha Dowladda PuntlandDr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa iska diiday la kulanka Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kaas oo lagu tilmaamo inuu maskaxda ka dambeysa go’aanada uu gaaro Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Fahad Yaasiin oo labo jeer u soo gudbiyay dalab ku aadan la kulan Madaxweynaha Xafiiskiisa ayaa lagu wargaliyay in Madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay kulamo wada-tashi oo uu la yeelanayo Madaxda DFS, mucaaradka Dowladda, & Safiirada Beesha Caalamka, kuwaas oo ah kuwo ku saabsan marxalada Siyaasadda dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku wargeliyay Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin inay u gudbin doonaan Madaxweynaha dalabkiisa, ayna wixii…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin xalay ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo looga arinsanayay sidii Labada Masuul ay isugu soo dhowaan lahaayeen. Kulanka oo qaatay in ka badan 3 saacadood ayaa kusoo dhamaaday Is fahan, Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaana ku heshiiyay in guddi farsamo oo labo xubnood ah loo saaro Arrimaha Gobalka Gedo iyo sidii looga soo saari lahaa Ciidammada DFS. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ku balamay kulan balaaran oo saaka wada yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS…
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay. Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Ben Fender. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta Amniga,saameynta dhaqaale ee Covid-19, Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, saameynta Ayuxu u gaystay Beeraha iyo Daaqsinka. iyo Arimaha Horumarineed ee Gobolada Sool, Sanag iyo Cayn. Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa la wadaagay Ambassador Ben Fender Aragtida Puntland ee ku aadan sida lagu gaari karo Doorasho ka dhacdo Soomaaliya oo loo dhanyahay, oo wakhtigeedi ku dhacdo si looga fogaado khalkhal siyaasadeed. Kulanka Safiirka…
Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safaaradaga Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund). Waxay labada dhinac iska waraysteen dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021. Beesha Caalamku waxay bogaadiyeen dadaaladda socda iyo hormarka la gaaray oo ay ugu horrayso jiritaanka Ururo Siyaasadeed oo tiri iyo tayo ba leh kuwaas oo tartanka gelidoona sannadka dambe. Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay…
Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay shaqada Hey’adda Sheybaarka Cilmiyeysan, Foreensig Saynis-ka ee Puntland, waxaana ay sheegtay inay ku guuleysatay ka qeyb-qaadashada wax ka qabashada dambiyadda dhaca, iyadoo baareysa dhecaanada iyo Simbalada dhibanayaasha iyo eedeysanayaasha. Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay taageero buuxda siin doonaan Hay’adan oo muhiim u ah kala saarista dambiyadda ka dhanka ah Aadanaha. Qoraalka Dowladda Mareykanka ayaa imaanaya maalin kaddib markii Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal ay sii deysay 6 Eedeysane oo kamid ahaa ragii loo heystay Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan Shanleyste, kaddib markii Sheybaarka Cilmiyeysan, Foreensig,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in kadib mudda afar sannadood ah oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho uusan arkin wax hormar ah oo kusoo kordhay. Madaxweyne Deni ayaa xusay in dhibaatooyinkii heystay Shacabka caasimadda markii uu ka tagay wali ay wajahayaan loona baahan yahay in la helo isbadel wax ku ool ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu khamiistii khudbad ka jeedinayay Golaha Aqalka Sare ee BJFS.
Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame(Qawdhan) oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegay Xafiisyada Wasaaraddu ku leedahay Dekedda si uu wax uga oggaado habka ay u socoto shaqadda Wasaaradda. Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka xog dheeraad ah ka siiyay habsami u socodka shaqada Cashuuraha ee ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday goobaha Dekadda ee ay ka degayaan badeecooyinka kala duwan ee ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta. Wasiirka ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda waxaana uu ku bogaadiyay shaqada adag ee ay Bulshada u…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan casho Sharaf ah u sameeyay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.
Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ku sugan Muqdisho, ayaa galabta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan Midowga Europe, Sweden, Italy UNSOM iyo diblumaasiyiin kale . Wafdiga Madaxweynaha ee kulanka ka qeybgalay oo isugu jira Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad iyo Saraakiil Madaxtooyada ayaa diblumaasiyiinta Beesha caalamka ka socday uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland sida Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, Horumarinta Dhaqalaha, horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta Amniga iyo Aragtida Puntland sida lagu gaari karo Doorasho ka dhacdo Soomaaliya oo loo dhanyahay,…
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dowladda Puntland Eng Mohamud Hagi Salah, oo maanta kormeeray Dekedda Boosaaso iyo Suuqyada Kalluumeysiga ayaa sheegay inay ka dhisayaan magaalada Boosaaso marso Kalluumeysi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha ee Golaha Wasiiradda. Kulanka maanta ayaa looga hadlay qodobo Dhowr ah, waxaana Warbixino kala duwana laga dhegeystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga, Arimaha gudaha, Cadaalada, Haweenka iyo Warfaafinta. Sidoo kale Golaha Wasiirada KGS ayaa ansaxiyey Hindisa sharciyeedka Wasaaradda Kaluumaysiga.
Senator Cabdi Qeybdiid ayaa su’aal weydiiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Senator Qeyb-diid ayaa weydiiyey Su’aal ah”Ma inaad Madaxweyne Farmaajo la heshiisaan oo kaliya ayaad u timaadeen,Mudada aad joogtaanse macquul ma tahay inaad madaxweynaha ku qancisaan in Ra’iisul-wasare magacaabo?” Su’aal weydiintiisa oo sii socota ayuu weydiiyey markale”Hadda Gacantaa ku gororsi xukumaddii hore waa la riday mid cusub in la dhisayana nooma muuqatee Ma qeyb ayaad ka noqoneysaan Mise”
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference), kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah.Golaha Wasiirada ee Somaliland ayaana ansixiyey xeerka maal-gashiga Somaliland.
Wafti uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq Maxamed ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug. Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq waxaa safarka ku wehlinayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Haweenka Puntland, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Cadaalada, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Bursaalax.
Senator Muuse Suudi Yalaxow, oo ka hadlayay Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta uu khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ku xad-gudbay Beesha Hawiye, isagoona codsaday in loo turo dalka, lana qabto Doorasho waqtigeeda kasoo hormarta.
Kulan Albaabadu u xiran yihiin ayaa u socda Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo & Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Wararka ayaana sheegaya in kulanka looga hadlayo xaalada Dalka & sidii uu u qabsoomi lahaa kulan Guud oo ay isugu yimaadaan Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. kulanka ayaa imaanaya saacad kaddib khudbadii uu Madaxweyne Deni ka jeediyay Golaha Aqalka Sare.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amina, imtixaanka fasalka 8-Aad iyo sanad dugsiyeedka cusub, xaaladda wadooyinka, curashada roobka Dayrta iyo saadaasha hawada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo horumarka socda. Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Dowladda Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday xarunta Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxana halkaasi kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Madaxweyne Deni ayaa goor-dhaw khudbad u jeedin doona Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ee dhanka Dakhligga Cabdi Warsame Qowdhan, ayaa soo gaaray Magaalada Qardho, Wasiirka ayaa kormeeray ilaha dakhli ee Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qardho iyo Alxamdulilaah. Wasiirka ayaa sidoo kalle kulan la qaatay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boss oo ay weheliyaan Saraakiisha Wasaaradda, Xisaabiyaha ayaa uga warbixiyay shaqooyinka socda, guulaha ay gaareen mudadii koobnayd ee uu xafiiska joogay iyo Qorshayaasha kor u qaadidda ilaha-dakhligga cusub ee la abuurayo.
Musharaxa xisbiga Dimoqoraadiga ugu taagan doorashada Joe Biden, soo aadan ayaa dalbaday in ay cadaalada wajahaan booliskii dhawaan toogashada u gaystay labo nin oo madow ah. Mr Biden si rasmi ah u masheegin dambiga ay mudan yihiin in lagu qaado balse arintan ayaa abuurtay caro dadwayne. Madaxwaynaha Mareykanka ee waqti xaadirkan ayaa si wayn loogu eedeeyaa in uu dhiiragalinayo cunsuriyadda xilli dibad baxyo waa wayn oo looga soo horjeedo ay kasoconayaan qaybo kamid ah Mareykanka. Dibadbaxyaasha badankood ayaana dalbanaya in doorashada soo aadan loo codeeyo musharaxa xisbiga Dimoqoraadiga si uusan usoo laaban Donald Trump.
Weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa xalay lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ku leedahay Magaalada Boorame ee Degaanada Maamulkaas. Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee Xarunta ku sugnaa, sidoo kale qeyb kamid ah darbiga kore ee Wasaaradda uu burbur soo gaaray. Guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani Cabdirashiid Cabdi Jaamac, oo ku sugnaa Guri u dhow xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jugta bamka, isla markaana ay aad uga naxeen. Xaalada Magaalada Boorame ayaa saaka degan, Ciidammada Somaliland ayaana wada howlgallo lagu baadi goobayo Dadkii…
Xoghaya arimaha dibadda UK Demonic Raab ayaa ku dhawaaqay 119 Malyan oo ah lacagta UK, taas oo u dhigata 158 Malyuun dolar oo loogu talo galay la dagaallanka karoona iyo gaajada wadamada soo koraya. Mr Demonic Raab ayaa tilmaamay in lacagtan ay tahay mid loogu talo galay wadamada Soomaaliya,Yemen, DRC Congo, South Sudan iyo Central African Republic. Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay Dowladda taageerada siiya Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa waxyaabo ay kamid yihiin tababarada Ciidamada.