Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ayaa amray in la xayiro hantida iyo lacagaha bangiyada ugu jira 9 muwaadin oo Kenya u dhashay kuwaas oo lala xiriirinayo falal argagaxisanimo. Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i ayaa lagu sheegay in talaabadan lagu curyaaminayo shaqada argagaxisada. Dadka xayiraada la saaray ayaa kala ah, Halima Ali, Waleed Zein, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Muktar Ali iyo Mire Elmi. Kenya aya dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo dagaal toos ah oo dad badan ay ku dhinteen, isla markaana…
Author: Jibril Qoobey
Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoona gaadiidka Ciidammada Booliska iyo Milateriga lagu arkayo meelaha qaar, kuwaas oo gaadiidka dadweynaha u diidan inay Isticmaalaan. Waddooyinka xiran ayaa u badan waddooyinka u dhow xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS, gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Isgoyska kale ee Maana Booliyo. Sidoo kale, waxaa saaka xiran wadada ka timaada dhanka garoonka Eng, Yariisow ee soo hormarta xerada gaadiidka booliska, Shacabka ayaana ah kuwo lugeynaya. Sababta loo xiray Waddooyinka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu booqan doono xarunta…
Kulankii caawa la filayay inay yeeshaan Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa baaqday. Sababaha kulanku uu u baaqday ayaa lagu sheegay Shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay. Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA ayaa galabta kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Muqdisho, kaas oo si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inuu kulankaas kusoo dhamaaday fashil. Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland & Jubbaland ayaa kulan gaar ah caawa leh,…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa galabta gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne QoorQoor oo ay wehlinayaan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti. QoorQoor ayaa lagu wadaa inuu kulanka la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, lamana sababta Madaxweyne Geelle ugu yeeray QoorQoor. Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadli doono QoorQoor inuu laalo hanka Beeshiisa ee ku aadan dhismaha Dekedda Hobyo, taas bedelkeedna ay si rasmi ah ugu darsadaan Saami Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Mr.Carte ayaa daaranaa is-xogwareysi, Labada Masuul ayaana intii kulankoodu socday isla soo qaaday xaalada dalka, gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka 2020/2021.
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Abdulahi Abdisalan iyo Agaasimaha Guud ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Mas’uuliyiin ka socotay hay’adda NPA, oo Puntland ka caawisa howlgalada miino baarista ah. Kulanka ayaa looga hadlay habsami u socod siinta shaqada Miino Saarka ee ay wada hayaan Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda NPA looguna balaarin lahaa deeganada Puntland. Kulankan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray qorshaha Wasaaradda Amniga ee ku aadan miino baaris ay doonayso inay ka bilawdo Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug iyo deeganada ku xeeran ee ay saamaysay aafada miinada, isagoona…
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa shir uga socdaa hoyga uu Madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay agagaarka Madaxtooyada. Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin oo la sheego inuu yahay Maskaxda ka dambeysa falalka guracan ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa horay isugu khilaafay arrimihii doorashada Jubbaland. Kulamo dhexmaray Madaxweyne Madoobe iyo Fahad, dhowr jeer ayaa la isku fahmi waayay, maadama DFS u rabtay in arrinta Jubbaland kula macaamisho si lamid ah Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taas uu ka biyo diiday Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Lama oga waxa looga hadlayo kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, wararka ayaana…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” Hassan Sheikh Mohamud ayaa kula kulmay Muqdisho Safirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka oo soo idlaaday goor-dhaweyd ayaa looga hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, iyagoona si gaar ah diirada u saaray doorashada 2020/2021, waxaana uu kusoo dhamaaday is-afgarad.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Shir gudoomiyey Shir looga hadlayey Xaqiijinta Amniga Degaanada Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Sarakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maantay markale dhageysatay garmaqalka eedaysanayaasha kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) oo dil iyo kufsi loogu gaystay magaalada Garoowe sanadkii 2019. Kiiskaan oo ay u xirnaayeen 7 eedaysane ayaa maxkamadu 6 kamid ah siidaysay kadib markii lagu waayey danbiga lagu eedeeyey markii ay maxkamada ka hor dhaarteen,halka mid kamid ahna dib loo ceeliyey si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo sida ay maxkamadu go,aamisay. Bartamihii bishii April ee sanadkii 2019 ayaa marxuumada Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe kadib markii loogu dhacay guriga ay daganayd,waxaana loo soo xiray 7 oo…
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, uu shuruud adag ku xiray ka qeyb-galka Shirka la filayay inuu caawa u furmo Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu shardi adag ka dhigtay inaysan gelaynin wax wadahadalo ah ilaa dowlada Federaalka ay ciidanka ay geysay Gedo iyo maamulada ay ka samaysay laga soo saaro gobolkaasi. Lama oga sida ay looga gudbi doono sharuuda adag ee Madaxweynaha Jubbaland ku xiray Shirkan oo ay dabada ka riixayso Beesha Caalamka. Wixii…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Soo dhaweyn uu u sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh kaddib, waxaa uu kulan wadajir ah uu Madaxweyne Deni la yeeshay Masuuliyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo eee Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan, Iyadoona kulankan uu kusoo beegmayo xilli uu caawa Madaxtooyadda Villa Soomaaliya shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka uga furmayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo…
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Abdinur Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in kulan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, uu cawa furmi doono. Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray Abdinur Mohamed Ahmed, ayuu ku sheegay in kulanka caawa looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, isagoona intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu xalay casho sharaf u sameeyay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland.
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Halmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay u ambabaxeen Dalka Jabuuti. U jeeda safarka Madaxweyne Qoor Qoor Qoor iyo Xubnaha la socda ayaa lagu sheegay in ay halkaasi kula kulmi doonaan Madaxda Dalkaasi iyo Shirkado la filayo in ay qayb ka noqdoon dhismaha Dekada Magaalada Hobyo. Madaxwaynaha Galmudug ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arimaha Guddaha Galmudug, waana safarkii labaad oo uu QoorQoor uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay. Dowladda Qatar ayaa horay u balan qaaday inay dhiseyso dekadda Magaalada Hobyo, kadib…
Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa Albaabada u laabay 4 Iskuul oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hoos-tagayeen Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna manaahij khaldan oo aan aqoon sal ku laheyn u dhigayeen Ardayda. Iskuulada Albaabada ay u laabeen Ciidammada Booliska Puntland ayaa kala ah Dugsiyada sare ee Hormuud, Cabdullaahi Yusuf, National iyo Waabari oo dhammaantood ku yaala Gaalkacyo, Ciidanka ayaana sidoo kale xabsiga dhigay Maamulayaashii Iskuulada. Guddoomiyaha Guddoonka Waxbarashada Gobalka Mudug Axmed Haruuse ayaa sheegay in goobahan Waxbarasho ee ay maanta xireen yihiin iskuulo Fawdo ah kuwaasi oo horey Dacwadooda loo gudbiyey lagana leeyahay DFS.
Kulan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Sicii C/llaahi Deni, Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka socda hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlayaa xaalada dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, waxaana la filayaa inuu goor-dhow ku biiro Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Faah-faahino dheeraad ah kulan Talaadadii ku dhexmaeay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirada Beesha Caalamka. Kulanka oo ku bilowday kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Safiirka Mareykanka iyo Labada Madaxweyne, ayaa dib ka balaartay iyadoona ay kusoo biireen Safiirada dalalka UK, Sweden, Midowga Yurub, iyo Talyaaniga. Ugu horeyn Safiirada Beesha Caalamka ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho, labada Madaxweyne, iyagoona ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dalka si is-ogal ah looga saaro Marxalada kala guurka ah, loona qabto Doorasho waqtigeeda ku dhacda. Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubbaland ayaa Safiirada…
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay kulan heersare ah u qabanayaan Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira, kaas oo lagu maamuusayo sanad-guuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaasha Adduunka oo ay kamid yihiin hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya, iyada looga hadli doono mustaqbalka waxa laga doonayo inay qabtaan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka dooneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadda xaqiijinta balan qaadeed ee wadajirka ah oo ay sameeyeen si loo helo suurtagalnimada in fuliyo balan qaad yadaas. Inta uu kuanka socdo ayaa waxaa la filayaa in Dowladda Federaalka iyo xafiiska…
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirkan oo looga hadlayo Xaalada kala guurka ah ee dalka gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, ayaa la filayaa inuu ka furmo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana haatan lagu gudajiraan diyaarinta Ajandaha Shirka. Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in shirka lagu soo daro Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sugan Muqdisho, si loo dheeli tiro habka wax qeybsiga Dalka, maadama uu yahay Shirkan kan rasmiga ah ee…
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Boosaaso Ganacsatada kaluumaystada ah ee Gobalka Gobalka Bari. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Caqabadaha heysta Kalluuumeysatada iyo sidi loo wada shaqayn lahaa, Wasiirka ayaana u sheegay Ganacsatada inay dadaal ugu jirto Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland in sare loo qaado Wax soo saarka Kalluunka iyo cunistiisa. Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Adan.
Wafti ka socda Dowladda Puntland ayaa maanta ku wajahan Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan Dadaalo lagu soo dhisayo Golaha Degaanka Degmadaas. Waftiga oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Musadaq Maxamed Musadaq, ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland. Sidoo kale, Waftigan ayaa ku biiri doona Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo horey ugu sugnaa Gobalka Mudug, uuna horkacayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug oo ay ka wadeen kulamo loogu gogol xaarayo dhismaha Golaha Degaanka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan rasmi ah maanta uga furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacaya xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa noqon doona mid Albaabadu u xiran yihiin, iyadoona looga arinsanayo Marxalada dalka gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka soo jiitamayay mudada dheer. Kkulanka Madaxweynayaasha ayaa waxaa ka horeeyey kulan dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Wakiilada Beesha caalamka oo ku sugayay shalay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u diiday ka…
Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa qalab ka kooban talaagada lagu kaydiyo taalalada xarumaha hooyada iyo dhalaanka gaarsiiyay deegaano kamid ah Gobolka Sool. Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Gobalka Sool Cabdiraxmaan Cumar Cade, ayaa qalabkan gaarsiiyay degmooyinka Talex, Xudun, Awrbogays, kulaal, iyo Boocame oo ka wada tirsan Sool, isagoona kula dardaarmay Masuuliyiinta Isbitaalada inay ka faa’iidaystaan dhaqaaleeystaana. Masuuliyiinta xarumaha talaagadahan la gaarsiiyay ayaa bogaadiyay in ay helaan qalabkaan oo ka caawin doona horay u socodsiinta shaqadooda.
Ciidammada Dowladda Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay Degmada Afmadow ee Gobalka Jubadda dhexe, kaddib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaadeen Ciidanka Kenya. Ciidammada Kenya ayaa xilliga uu weerarku dhacayay ku jiray Howlgallo lagu adkeynayo Amniga, oo u badnaa Miino, sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Degmada Afmadow. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray Ciidammada Kenya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, mana jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka Kenya, iyo Taliska howlgalka AMISOM oo ku saabsan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Kulanka oo ahaa soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ayaa daba socday casho sharaf uu Madaxweyne Farmaajo ugu sameeyay Villa Soomaaliya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo ay wehlinayaan Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Muumin Cabdi Shire iyo Duqa Degamda Galkacyo ayaa maanta kormeeray Dhisamaha kaambada Gaalkacyo, oo dhowaan laga saaray dadkii daganaa si looga dhiso Saldhig casri ah oo ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, kulank wadajir ah kula yeeshay Magaalada Muqdisho Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya. Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah ula kulmay Safiirada dalka Maraykanka, UK, Sweden, Midowga Yurub, iyo Talyaaniga, kulanka ayaana diirada lagu saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay oo xiligeeda ku dhacda. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland & Safiirada Beesha Caalamka ayaana ku heshiiyay in la muujiyo Tanaasul loona turo Shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta shaacisay Tirada ardayda u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland, tirada Baastay, tirada dhacday iyo inta aan galin imtixaanka. Madaxa Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbrashada Puntland Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa ku dhawaaqay.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji saallax ayaa maanta tababar ufuray shaqaalle ka kala socda wasaaradda kalluumaysiga iyo wasaaradda maaliyada dowlada Puntland. Tababarkaan ayaa ku saabsan sidii loo hormarin lahaa habka qabashada dakhliga guuud ee dowlada iyo bixinta ruqsadaha kallumaysiga, waxaana furitaanka tababarka goob joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaradda kallumaysiga Cabrisaaq Jaamac Aadan iyo masuuliyiin katirsan wasaaradda maaliyada. Muddo saddex maalmood ah ayuu socon doona tababarka waxaana shaqaallaha lagu bari doona habka casriga ah ee ururinta dakhliga guud ee dowlada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo boqolaal dadweyne ah ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Madaxweynahaa Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kula la qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto. Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka. Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee “MIRE AWAARE”, ayaa si habsimi leh u socda.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo boqolaal dadweyne ah ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee MIRE AWAARE, ayaa si habsimi leh u socda, iyadoona Enjineerada gacanta ku haya horey u sheegeen in muddo labo bilood ah lagu soo gaba-gabeyn doono.
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, oo goor-dhaweyd gaaray magaalada Muqdisho ayaa shir albaabada u xiran kula leh Qeybta VIP-da Garoonka Diyaaradaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka ayaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, iyo mowqifka nooca doorasho ee ay wada wataan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Kulanka ayaa muujineya inuu damaanad qaade ka yahay Safiirka Mareykanka Wada-hadalada dhowaan dhex maraya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ciidamada Amniga Dowladda Puntland (PSF) ayaa hawlgallo qaatay muddo 48-saac ah ku tagay magaalooyinka Qandala, Dhurbo, Murcanyo, Geesaley iyo Butiyaalo ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta. Hawlgalladan ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Puntland qaybna ka ah hawlgallada joogtada ah ee ciidamada amniga Puntland ka wadaan degaanada buuraleyda iyo xeebaha ah ee gobolada Bari iyo Sanaag, si loo soo afjaro haraadiga maleeshiyaadka Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Cal-Miskaat iyo Cal-Madow. Intii hawlgalladani socdeen waxay saraakiisha ciidamada PSF kulamo xog wareysi ah oo amniga la xiriira la yeesheen dadka degaanadaas,…
Guddiga KMG ee doorashada Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahy 01.09.2020, xaruntiisa kula shiray hogaanka iyo hawl-wadeenada Ururada Siyaasadda Puntland. Ujeedada kulanku waxaa uu ahaa sida looga taageerayo Ururada Siyasadda dhinacyada wacyi galinta guud,siiba taageerayaasha ururada , aqoonta doorashada, ololaha,ilaalinta xeerka Ururada iyo hab-dhismeedka ururada waxaa si gaar ah xoogga la saaray adeegsiga warbaahinta PLTV oo Ururada Siyaasaddu ay soo dhaweeyeen. Shirkan oo uu guddoominayey Jaamac Xirsi,guddoomiye ku xigeenka guddiga,ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland waxaa uu ka mid yahay shirarka joogtada u ah taaba-galinta qorshaha doorashada ee TPEC iyo Ururada Siyaasadda ee Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa u magacaabay Gudoomiyaha cusub degmada Shibis Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali). Cali Soomaali ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan, islamarkaana ahaan jiray Wariye. Degmada Shibis ayaa muddo bilooyin ah aheyd Maamul la’aan kaddib markii bishii April ee sanadkan uu Guddoomiye Guuleed Cumar Filish xilkii ka qaaday gudoomiyihii hore ee degmada Shibis Cabdiaxamaan Sayid Cali.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay safiirka dowlada UK u fadhiya Soomaaliya mudane Ben Fender. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sare u qaadida mashaaricda hormari need ee ay hay,adaha uk ay ka wadan dowlada goboleedka Galmudug Ambasador ben fender safiirka uk ee somalia ayaa hogaanka dowlad goboleedka galmudug ku amanay shaqada fican ee ay qabteen mudadi yareeyd ee ay xilka hayeen wuxuna balanqaday in uk ay si dhow ula shaqayn doonto galmudug ta cusub ee u hogaamiyo madaxweyne ahmed abdi kaariye Madaxweyne kuxigeenka galmudug mudane ali dahir eid aya…
Ciidamada Puntland ayaa saaka howlgalo balaaran ka bilaabay deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, iyaga oo bur buriyay dhismayaal, Baraago iyo dhulal kale oo si sharci dara ah loo dhsitay ama cabirtay. Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa dhawaan isku raacan in aan la dhisan karin dhul deegaanka ka baxsan 3 KM, iyaga oo soo saaray go’aano adag. Degaanka Garacad ayaa waxaa ka socda dhismaha Deked casri ah oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Ganacsato Reer Puntland ah, waxaana hadda laga dareemayaa korniin balaaran, iyadoona sarakac ku yimid qiimaha la kala siisto dhulka Degaanka.
Cutub kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kuwaas oo hordhac u ah Wafdiga Madaxweynaha oo ku wajahan halkaa. Ciidammadan ayaa ka qeyb-qaadan doona Amniga Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, oo kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Safiirada Beesha caalamka. Maalmo kahor waxaa Magaalada Muqdisho gaaray Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo isaguna maanta tagaya Muqdisho.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde aad loo adkeeyay, iyadoona laga saaray gudaha Garoonka Ciidammada DFS, Sidoo kalena laga durkiyay Wadada ay ku Ordaan diyaaraduhu iyo illaa Qeybta VIP-da Ciidammada AMISOM, xilli la filayo inay maanta ka degaan Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland. Wararka ayaa intaas ku daraya in Amniga Garoonka intiisa badan ay la wareegayaan Ciidammada Amniga Puntland oo qeybtood ay horey u gaareen Muqdisho maalmo kahor. Sidoo kale, Waddooyinka Muqdisho ayaa saaka xiran, wararka ayaana sheegaya in loo xiray cabsi laga qabo banaan-baxyo lagu soo dhaweynayo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo katirsan Ciidammada Darawiishta Dowladda Jubaland. Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Darawiishta Jubaland. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Jubbaland la hadlayay Ciidammada cusub, ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Argagixisadu ku sugan yihiin, iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa kulan xasaasi ah xalay ku yeeshay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ilo-wareedyo rasmi ah ay inoo xaqiijiyeen. Kulanka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaan la ogeyn Ajandaha rasmiga ah ee looga hadlayay, balse warar ay heshay Shabakadda Idil News ayaa tibaaxaya in looga arinsanayay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS iyo sidii mowqif looga yeelan lahaa kulamada ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo maanta ku wajahan. Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu dhameeynayay madmadow maalmihii…
Khilaaf adag ayaa ka dhex taagan qoyska Reer Boqor ee gacanta ku haya talada Dalka Sacuudi Carabiya, iyadoona xilalkii laga qaaday Saraakiil ka tirsan qoyska oo xubno ka ahaa dowladda Sucuudiga. Maxamed Salmaan dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa shaqadda ka eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf. Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen. Shaqadda ka ceyrinta wiilka iyo aabihiisa ayaa sii xoojisay Khilaafka ka dhex taagan qoyska reer boqor ee…
Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ayaa laga hirgaliyay Bangiga keydka dhiiga, kaas oo baahi fara-badan ay u qabeen Shacabka magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Isbitaalkan oo adeeg Caafimaad siiyay dad fara-badan oo laga kala keeno Degmooyinka iyo deegaanada Gobalka Mudug, iyo Guud ahaan dad Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin kuwa kunool Dowlad Degaanka Soomaalida, ayaa horeyto waxaa uga jiray baahi dhanka dhiiga ah. Agasimaha Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug Dr. Maxamed Xusen aadan, ayaa ka hadlay muhuumida bangiga dhiigu u lee yahay Bulshada Gobalka, Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.
Qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka. Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen, isgoysyadda ugu muhiimsan Muqdisho, Ciidammada ayaana waddooyinkan xiran ku jaray Gawaarida Dagaalka, Dhagaxaan iyo Bir. Gaadiidka Bulshada iyo kuwa Dowladda ee Isticmaala Wadooyinka xiran ayaa saaka lagu amray inay kala wareegaan, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkaya Shacab fara badan oo lugeynaya. Wali si rasmi ah looma ogga sababta ka dambeysa in maanta la xiro wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho, balse wararka ayaa sheegaya in…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Puntland, halkaas oo ay uga qeyb-galayaan Shirar ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka oo ay la yeelanayaan Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Safiirada Beesha caalamka. Kulamada ayaa la sheegay inay ka dhici doonaan Xerada Xalane ee saldhiga u ah Safiirada Beesha caalamka, iyadoona aad loo adkeeyay amniga Labada Madaxweyne.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-gareen, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed Cabdullaahi Cali Watiin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno safarkiisa ku weheliyay. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Siyaasi CC Warsame ayaa looga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah.
Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Masuuliyiintii Amniga iyo Siyaasadda ee Degmooyinka Bookh iyo Wardheer ee Gobalka Doolo, kaddib cabashooyin fara-badan oo ay ka gudbiyeen Dadka degaanka. Sidoo kale, Masuuliyiin cusub ayaa loo soo magacaabay Hoggaanka Nabad-galyada iyo Masuuliyiinta Degmooyinkaas. Halkaan Hoose ka Akhriso Masuuliyiinta la bedelay. Bookh waxa xilkii laga qaaday 1:Gudoomiyihii degmada2:Gudoomiye kuxigeenkii degmada3:Madaxii maaliyada4: Madixii beeraha5: Madax xafiseedkii ciyaaraha Wardheer waxa xilkii laga qaaday 1:Hogaankii nabad galyada2: Madaxii caafimaadka3: Madixii arramaha haweenka4: Madixii arimaha siyaasada5: madax xafiiseedkii xoolaha
Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay Taliska hoggaannada Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxda Wasaaradda difaaca Dalka. Kulanka ayaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammeystirka dib-u-habeynta Ciidamada, Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed ayaana saraakiisha kula dardaarmay in la kordhiyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amniga dalka.
Ciidanka Booliska Saldhigga Magaalada Jowhar ayaa maanta soo bandhigay Aabbe Habeen ka hor Wiilkiisa ku dilay gudaha Magaladaas, waxaana warbaahinta la hadlay Aabaha Wiilkiisa dilay isagoo ka war bixiyay qaabka uu dilka u hgaystay iyo waxa ku qabsay in uu dilo wiil uu isagu dhalay. Maxamed Dhaayoow Aadan oo ah Aabbaha Willkiisa dilay ayaa sheegay in wiilkiisu uu ku noqday Caasi sidaa darteedna uu go’aansaday in uu dilo, waxaana intaas uu ku daray in dhawr jeer uu dhibaato u gaystay dadka daris ah, isagoo sheegay in dhaqan xumo iyo sidoo kale isticmaalka maandooriyaha uu maaro uga waayay sidaa darteena uu…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo Sabtidii Kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil Ciidan oo ka yimid Gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto Degmada Boocame ee Gobolka Sool, sida ilo-wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News. Wasiirka Maxamed Kaahin, ayaa u sheegay Saraakiisha ka soo jeeda Gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo Heshiis Nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo Ciidamo Xooggan oo Degaanka ah,…
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho ayaa shaaciyey in baaritaan uu ku socdo Wasaarado, Safaarado, Hay’ado iyo Shirkado looga shakisan yahay Musuq-maasuq, islamarkaana digniin adag u diray Bankiyada ka howlgala dalka. Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey Masuuliyiintii Musuq-maasuqa loo xukumay, ayaa sheegay in aysan dalka mar dambe xilal ka qaban-doonin.
Taliyihii hore Sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Al-Shabaab ay odayaashii soo xulay ergadii dooratay xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka ka daad-gureyneyso magaalada Muqdisho. Sanbaloolshe oo si weyn uga soo horjeeda madaxda talada heysa kana tirsan xisbiga Nabdda iyo Horumarka ayaa ka walaacsan, sida uu hadalka u dhigay, doorka ay kooxaha argagixisada ku yeelan karaan codeynta soo aadan. Sidoo kale, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa si weyn uga soo horjeeda hanaanka deegaan doorasho, wuxuuna aad uga baqayaa in Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda. Ugu dambeyntii Sanbaloolshe wuxuu…