Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Axmed Karaash oo Dhagax dhigay Xafiis Cusub oo ay yeelan doonto Dalladda PUNSAA (Daawo)
    Puntland

    Axmed Karaash oo Dhagax dhigay Xafiis Cusub oo ay yeelan doonto Dalladda PUNSAA (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka dhagax dhigay Xafiis cusub oo ay yeelandoonto Dalladda Daneeyaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland ‘PUNSAA’.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhagax dhigga xafiiskani waxaa ku wehelinaayey Guddoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame, masuuliyiin ka tirsan PUNSAA, qaar ka mid ah bulshada rayid ka ah, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo dhagax dhigga ka dib la hadlay warbaahinta ayaa xusay in xafiiskani yahay mid muhiim ah oo ay yeelandoonto Dalladda PUNSAA, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweyne Karaash in Daladdu tahay mid balaadhan oo kulmisay bulshada rayid ka ah.

    “Waan ku farax sanahay in aan idin-kala soo qayb galo dhagax dhiggan muhiim ka ah oo ah hanti ay maanta yeelatay PUNSAA, waxaan u mahadcelinayaa intii dedaalka iyo kharashka ku bixisay hindisihiisa xafiiskan cusub ee PUNSAA. PUNSAA waa hay’ad balaaran oo bulshada oo dhan ka kooban, anigu aqoon baan u leeyahay hay’addan iyo shaqooyinka ay qabato”.

    ‘Waa PUNSAA oo heshay hoy, dowladduna way ka qayb qaadan doontaa wixii karaankeeda ah, si loo dhiso dhismahan aad bilowdeen, badanaa marka ay nala maamulayaan hay’addaha shisheeye waxay nagu booriyaan in awood la siiyo bulshada rayid ka ah, waana siinay ee idinku ka qayb qaata oo yeysan wixiinu af-ka keliya noqon ee dhismahaas ka qayb qaata oo dhisa”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo ku aadan 10 sano guuradii kasoo wareegtey markii la aas-aasay u diray Dalladda Daneeyaasha Aan Dawliga ahayn ee Puntland ‘PUNSAA’, Madaxweyne Karaash ayaa xusay in PUNSAA ay ku midoobeen 99 Urur oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada rayid ka ah.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/853755481631638/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.