Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe “Qoxootiga Dhadhaab waxaa qeyb ahaan ay kasoo jeedaan Jubbaland”
    Somalia

    Axmed Madoobe “Qoxootiga Dhadhaab waxaa qeyb ahaan ay kasoo jeedaan Jubbaland”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta oo ay tariikhud tahay 20ka June, 2021 waxaa dunida oo dhan laga xusay maalinka Caalamiga ah ee qoxootiga aduunka waxaana meelaha laga xusay kamid ah Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

    Maalinkan oo loo aqoonsaday maalin la muujiyo dhibaatooyinka iyo xasaradaha muwaadiniinta ku qasbay inay dalalkooda ka haajiraan iyadoo la isku baraarujiyo ahmiyada ay leedahay in dhibaatooyinka gudaha dalalka ka jira wax laga qabto si loo yareeyo dadka dalalkooda ka barakacaya.

    “ Waxay maanta oo kale Ina tusaysaaa fursad weyn oo aan ku xalin karo dhibaatooyinka dalkeena ka jira si aan usoo ceshano boqolaalka kun ee qoxootiga ku ah dalka aan dariska nahay ee Kenya iyo aduunka intiisa kale” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

    Dadka ku jira xeyaha qoxootiga dhadhaab waxaa qeyb ahaan ay kasoo jeedaan deeganada Jubaland iyagoo ka cararay colaadahii iyo rabshadahii ka jiray deegaanadan taas oo ku qasabtay inay guryahooda ka hayaaman.

    Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Boqolaal qoys ayaa sanadahii lasoo dhaafay dalka dib ay ugu soo noqdeen gaar ahaan deegaanada Jubaland kuwaas oo nolol cusub dib uga bilaabay dalkooda hooyo.

    “ Waxaan ka shaqaynaynaa sidii fursadaha jira looga faa’iidayn lahaa dhalinyarada kasoo laabanaysa xeryaha qoxootiga kuwaas oo khibrad iyo aqoonba soo kororsaday mudadii ay ku noolaayeen xeryaha qoxootiga” ayuu yiri Madaxweynahu.

    Dowlada Jubaland waxaa ka go’an in dadka doonaya inay si iskood ah dalkooda ugu soo noqdaan sidii dib u dajin loogu samayn lahaa isla markana looga caawin lahaa inay la qabsadaan nolosha dalkooda anaga oo kaashanayna Hay’ada qoxootiga aduunka ee UNHCR iyo dhinacyada kale ee ku shaqada leh.

               DHAMAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.