Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland oo isku diyaar-garoobaya (Warbixin)
    Somalia

    Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland oo isku diyaar-garoobaya (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada.

    Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada.

    Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

    Sidoo kale, Guddiyadan ayaa warbixino xasaasi ah ka diyaariyay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta kasii daynin.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo dhawaan si kulul u canaantay Golihiisa Wasiiradda ayaa ku amray inay gobolada tagaan oo ay shacabka ay matalaan lasoo hadlaan kanasoo dhegaystaan baahiyaha ay qabaan.

    Dhanka kale, Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa haatan u amba baxay gobolada, iyagoona dhinacooda ka diyaariyaan warbixintii xukuumadu la hortagi lahayd Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.